Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Dadka Faransiiska ah oo sigaar cabidda yareeyay
  2. Awoodda wax iibsiga oo sicir barar ku keentay khudaarta
  3. Liverpool oo 39 milyan kula soo wareegtay Fabinho

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Sargaal ka tirsan dowladda Kenya oo ay ku socotay dacwad Musuqmaasuq oo suuxday

    Sargaal sare oo dowladda Kenya ka tirsan islamarkana ay ku socdeen baaritaano la xiriira musuqmaasuq lagu lunsaday $78 milyan ayaa loola cararay isbataalka ka dib markii ay suuxday xilli ay ku sugnayd xabsi lagu xiro haweenka.

    Xoghayaha wasaarada dhalinyarada, Lilian Omollo,ayaa ka mid ahayd 40 qof oo ka tirsan shaqaalaha dowlada kuwaasi oo lagu soo oogay dacwado la xiriira fadeexada ruxday waaxda qaran ee adeega dhalinyarada Kenya.

    Lacagaha la lunsaday ayaa ahaa kuwa loogu talagalay in wax looga qabto dhibaatada shaqa la’aanta ee haysata dhalinyarada Kenyanka.

    Dacwad oogaha Kenya Nuuradin Maxamed Xaji ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii ku sheegay in uu sidoo kale baari doono doorka ay bangiyada ka ciyaareen fadeexadan.

  2. Sargaal ka tirsan dowladda Kenya oo ay ku soctay dacwad Musuqmaasuq oo suuxday

    Sargaal sare oo dowladda Kenya ka tirsan islamarkana ay ku socdeen baaritaano la xiriira musuqmaasuq lagu lunsaday $78 milyan ayaa loola cararay isbataalka ka dib markii ay suuxday xilli ay ku sugnayd xabsi lagu xiro haweenka.

    Xoghayaha wasaarada dhalinyarada, Lilian Omollo,ayaa ka mid ahayd 40 qof oo ka tirsan shaqaalaha dowlada kuwaasi oo lagu soo oogay dacwad la xiriira fadeexada ruxday waaxda qaran ee adeega dhalinyarada Kenya.

    Lacagaha la lunsaday ayaa ahaa kuwa loogu talagalay in wax looga qabto dhibaatada shaqa la’aanta ee haysata dhalinyarada Kenyanka.

    Dacwad oogaha Kenya Nuuradin Maxamed Xaji ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii ku sheegay in uu sidoo kale baari doono doorka ay bangiyada ak ciyaareen fadeexadan.

  3. Labo tuke oo sababay shil diyaaradeed oo ka dhacay Mombasa

    Diyaarad ay wateen dalxiisayaal u dhashay dalka Jarmalka ayaa qalibmatay kadib markii marwaxadaha si lama filaan ah u galeen labo tuke oo hawada duulayay.

    Sida uu tabiyay wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa, diyaarada ayaa usoo duulaysay jasiiradda Tanzania ee Zanzibar.

    Shilkan ayaysan ciddina ku waxyeeloobin, balse diyaaradda ayaa fariinka goosatay, kadibna ku degtay meel aanan loogu talogalin.

    Haadda duulaysa hawada Mombasa ayaa qalqal galisa duulimaadyada, iyada oo sanadkii hore diyaaradda Turkish Airlines ay ku qasbanaatay in ay degato kadib markii ay shimbir gashay matoorkeeda.

    Sawir hore
    Image caption: Sawir hore
  4. Trump oo xaqiijiyay in hogaamiye sare oo ka socda K/waqooyi uu booqanayo Mareykanka

    Madaxwayne Donald Trump ayaa xaqiijiyay in si wayn ay isugu dhaw yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, uu booqasho ku tagayo New York, iyada oo ay jirto xiisad dublamaasiyeed ka hor shirka labada dhinac.

    Madaxii hore ee sirdoonka Kuuriyada Waqooyi, Kim Yong Chol, ayaa ku sii hakaday Shiinaha ka hor inta uusan u safrin mareykanka.

    Kulamo xiriir ah oo uu la yeelanayo madaxda Mareykanka ayaa waxaa dib boorka looga jafi doonaa sidii loo dardar galin laaha kulanka la qorshaynayo in uu dhexmaro Mr Trump iyo Mr Kim.

    Madaxwayne ayaa mar ku dhawaaqay in la baajiyay kulanka isaga iyo Mr Kim , balse maalmo ka dib muujiyay rajo ah in kulankaasi uu qabsoomayo.

    Donald Trump
    Image caption: Donald Trump
  5. Taariikhda la qabanayo doorashada Zimbabwe oo la shaaciyay

    Madaxwaynaha dalka Zimbabwe ayaa ku dhawaaqay in doorashada dalkaasi la qaban doono 30 bisha July.

    Emmerson Mnangagwa ayaa si rasmi ah arrintan ugu dhawaaqay maanta oo Arbaco ah.

    Waa markii ugu horeysay oo muddo toboneeyo sano ah oo uusan ka qaybgalayn hogaamiyihii hore ee dalkaasi Robert Mugabe.

    Shalay, Mr Mnanagagwa oo awoodda dalkaasi kala wareegay Mr Mugabe bishii November ayaa ku celceliyay sida ay uga go’an tahay qabashada doorasho u dhacda "si xaq iyo xor ah":

    Emmerson Mnangagw
    Image caption: Emmerson Mnangagw
  6. Nuuradiin Yuusuf Xaaji “Waan la dagaalamaynaa musuqa Kenya”

    Agaasimaha Guud ee hay'adda dacwad oogayaasha Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji ayaa maanta ka hadlay saraakiil sarsare oo lasoo taagay maxkamad ku taala Kenya kadib markii la lunsaday lacag dhan $78 malyan oo doolar.

    Waxa uu hadlayay xilli maanta maxkamad lasoo taagay agaasimaha guud ee laanta horumarinta dhalinyarada ee NYS, halka dacwad lagu soo oogay 40 qof oo kale o loo heysto fadeexadda lacagta lagu lunsaday.

    Waxaa la sheegay in lacaga lagu xaday qaab wax is dabomarin ah, iyada oo adeegyadii loogu talogalay aanan la fulinin.Lifaaqa ku dhufo si aad faahfaahinta u aqriso.Link

  7. Hogaamye ku xukunnaa dil oo xabsiga laga siidayay dalka Itoobiya

    Andargachew 'Andy' Tsege, oo ahaa hogaamiye sare oo mucaaradka Itoobiya ka tirsan islamarkana ku xukunnaa dil ayaa xabsiga laga siidaayay maanta ,waxaa sidaasi sheegaya wariyaha BBC qaybta Amxaariga Kalkidan Yibeltal.

    'Andy' Tsege,oo sidoo kale haysta dhalashada dalka Britain ayaa imika dib ula midoobay qoyskiisa.

    Siideynta ayaa waxaa si wayn u sugayay waalidiinta hogaamiyaha oo iyagu ku nool magaalada Bole oo u dhaw caasimada,Addis Ababa.

    Waxaa xabsiga la dhigay Mr Andargachew afar sano ka hor.

    Mr Andargachew ayaa waxa uu ahaa xoghayihii guud ee dhaqdhaqaaqii la mamnuucay ee Ginbot 7.

    Dowladda ayaa ku dhawaaqday siidayntiisa, waxa ayna sheegtay in ay qayb ka tahay dadaalada dib u heshiisiinta ee dalka ka socda.

    Quote Message:
    Andargachew 'Andy' Tsege ma uusan arkin caruurtiisa iyo xaaskiisa tan iyo 2014
    Image caption: Andargachew 'Andy' Tsege ma uusan arkin caruurtiisa iyo xaaskiisa tan iyo 2014
  8. Madaxwaynihii hore ee Tunisia oo la maxkamadeynayo

    Dacwaddii ugu horreysay oo ay soo gudbiyeen guddiga baaraya tacddiyada aadahana ee laga gaystay dalka Tunisia ayaa maanta ka furantay magaalada Gabe ee dalkaasi.

    Saraakiil Afar iyo tobban gaaraya oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Tunisia Zein Al Caabiddiin bin Cali ayaa lagu soo oogay inay ku lug lahaayeen dil horraanti sagaashamaadkii dalkaasi loogu gaystay nin xubin ka ahaa dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta ee xisbiga Al-Nahdda.

    Madaxweynihii hore ee Tunisia oo dalka Sacuudiga magangelyo siyaasadeed u jooga ayaa la maxkamadayn doonaa isagoo maqan.

    Guddiga runta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha dalkaasi ayaa la asaasay ka dib markii ay soo afjarmeen dibadbaxyadii ka dhashay gugii carabta.

    Waxayna guddigan sheegeen inay diiwan geliyeen in ka badan 60,000 oo xadgudub oo ka dhan xuquuqul insaanka.

    Guddigan ayaa sidoo kale 30 dacwadood oo xasaasi ah u gudbiyay maxakamadaha ku yaalla dalka Tunisia.

    Zein Al Caabiddiin bin Cali
    Image caption: Zein Al Caabiddiin bin Cali
  9. Buhari oo dhimaya da'da siyaasadda lagu soo galo

    Madaxwaynaha dalka Nigeria Muxammadu Buhari ayaa ansixin doona sharci dhimaya da’da uu qofka xafiis siyaasadeed ku qaban karo.

    Arrintan ayaa waxay fursad siinaysaa in dhalinyaro badan ay u tartamaan jagooyiinka siyaasadda doorashooyiinka sanadka soo socda dhici doona.

    Arrintan ayaa timid ka dib markii uu cadaadis ka yimid kooxaha u ololeeya arrimaha dhalinyarada oo iyagu ku cadaadiyay dowladda in la ansixiyo sharcigan.

    Dhalinyarada Nigeria ayaa dareemaysay in la gacan bidxeeyay marka ay timaado dhanka siyaasadda.

    Hindisa sharciyeedkan ayaa dhimaya da'da xilka madaxwaynanimada loogu tartami karo oo markii hore ahayd 40 balse imika laga dhigay 35, halka jagada cidda u tarmaysa xilka Sanatarka ay ahayd 35 balse imika laga dhigay30 sano jir.

    Quote Message: "Maalmaha soo socda waxaa aan ku biiri doonaa dhalinyarada dalakan Nigeria si aan u saxiixo hindisa sharciyeed lagu magacaabo 'ma yari si aan xil ugu tartamo ," waxa uu madaxwaynaha sidaasi ku sheegay khudbad uu jeediyay.
    Madaxwayne Buhari
    Image caption: Madaxwayne Buhari
  10. Dhinacyada iska soo horjeeda ee Liibiya oo heshiis gaaray

    Dhinacyada iska soo horjeeda ee dalka Liibiya ayaa isku raacay in doorasho baarlamaan iyo mid madaxwayne la qabto 10 bisha December,.

    Waxaa arrintan shaaca ka qaaday Taher al-Sonni,oo ah la taliyaha rai’sul wasaaraha Liibiya Fayez Seraj.

    Heshiiskan ayaa lagu gaaray kulan ka dhacay magaalada Paris oo uu marti galiyay madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

    Afarta dhinac ee qaybta ka ahaa wadahadalada ayaa sidoo kale isku raacay "in la soo gabagabeeyo qodabada dastuurka ee doorashada la xiriira "16 September, sida uu sheegay Mr al-Sonni.

    Qoraal uu bartiisa tweetarka ku soo qoray rai’sul wasaaraha Malta,Joseph Muscat, oo isaga kulanka ka qaybgalay ayaa soo dhaweeyay heshiiskan.

  11. Gudoomiyaha cusub ee maxkamada sare ee Soomaaliya oo maanta la dhaarinayo

    Galinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in la dhaariyo gudoomiyaha cusub ee dhawaantan loo magacaabay maxkamada sare Baashe Yuusuf Axmed.

    Dhaarinta gudoomiyaha cusub ayaa imanaysa iyada oo gudoomiyihii uu xilka ka qaaday madaxwaynaha Ibrahim Iidle Suleymaan uu wali ku adkaysanyo inuu yahay gudoomiyaha sharciga ah ee maxkamada sare ee Soomaaliya.

    Dhinaca kale garsoorayaal ka tirsan maxkamada sare ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadista uu madaxweyne Farmaajo ku sameeyay gudoomiye Ibrahim Iidle Suleymaan.

    Xil ka qaadista gudoomiyihii maxkamada ayaa waxaa ka dhashay muran xooggan.

    Gudoomiyihii xilka laga qaaday ayaa sharci daro ku tilmaamay xilka ka qaadista uu madaxwaynaha sameeyay.

    Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo maanta la dhaarinayo
    Image caption: Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo maanta la dhaarinayo
  12. Koox Jihaad doon ah oo dad qoorta uga jaray dalka Mozambique

    Waxa jira warar sheegaya in ugu yaraan 10 qof qoorta looga jaray waqooyiga Mozambique , waxana looga shakisan yahay in falkaasi ay gaysteen kooxo jihaad doon ah.

    Sargaal ku sugan degmada Palma ee gobolka Cabo Delgado ayaa xaqiijiyay dhacdadan, balse wax faahfaahin ah ma uusan bixin.

    Koox dadka deegaanka ay ugu yeeraan al-Shabab ama al-Sunna ayaa iyagu bilaabay urur diimeed 2015.

    Waxa ay kooxdani fuliyeen dhowr weerar sanadkii aanu soo dhaafnay.

    Kooxdani ayaa waxa ay maalaayiin doolar ka soo gashaan iibinta alwaaxda iyo nooc ka mid ah macdanta.

    Xukuumadda Mozambique ayaa xirtay howr misaajid balse ka cagajiidaysay weerarada kooxdan jihaad doonka ah.

    Ciidamada Mozambique ayaan iyagu wali la tacaalin khatarta kooxdan ka imanaysa
    Image caption: Ciidamada Mozambique ayaan iyagu wali la tacaalin khatarta kooxdan ka imanaysa
  13. Nin hubaysan oo laba boolis ah ku toogtay dalka Belgium.

    Nin hubaysan ayaa ku toogtay laba booliis ah dalka Belgium.

    Toogashada ayaa ka dhacday magaalada ku taalla bariga dalkaasi ee Liege sida ay ku waramayso warbaahinta dalkaasi.

    Booliiska dalkaasi ayaa BBC u sheegay in ninka weerarka geystay waxyeeladiisa "la xadiday " islamarkana ay imika xaaladda tahay mid la xakameeyay .

    Wararka ayaa sheegaya in qofka weerarka looga shakisan yahay uu afduubtay haweeney.

    Ma cadda ilaa iyo imika in haweeneydaasi ay waxyeelo soo gaartay iyo xaaladda ninka weerarka gaystay uu ku sugan yahay.

    Waxaa wali soo baxaya faahfaahino dheeraad ah balse ma cadda u jeedadad uu ninkaasi weerarka u fuliyay.

    Booliis
    Image caption: Booliis
  14. Switzerland oo jigjiga ka shaacisay mashruuc caafimaad oo wayn

    Mashruuc caafimaad oo 12 sano ka socon doona qaybo ka mid ah Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta laga shaaciyay jaamacadda Jigjiga.

    Mashruucan oo loogu magac daray hal caafimaad waxaa kharashkiisa bixinaysa dowladda Switzerland, waxaana xoogga lagu saarayaa in si wadajir ah looga hortago cudurrada ku dhaca dadka iyo duunyadaba iyo kuwa ay isu gudbiyaan.

    Hadaba Khadra Cali Cismaan oo ah isuduwaha mashruucan ayaa u warrantay weriyaha BBC Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam, waraysigaasna waxaad ku waxaad ku maqli doontaan Idaacadda Duhurnimo.

    Jigjiga
  15. Maxaa ka jira in Pakistan ay gacan ka gaysatay dilkii Usama Bin Laden?

    Hay'adda sirdoonka dalka Pakistan ayaa baaritaan ku furtay madixii hore ee hay'addan awoodda badan ninka lagu magacaabo Jeneraal Asad Durrani, kadib markii uu buug la qoray ninkii dhiggiisa ahaa ee dalka Hindiya.

    Sheeko taxane ah oo dhexmartay labada nin ayaa waxaa buug ka qoray wariye u dhashay dalka Hindiya, waxaana ka mid ah moowduucyo aad xasaasi u ah.

    Jeneraal Asad ayaa waxa uu buugga ku sheegay in sirdoonka Pakistan ay Maraykanka gacan ka siiyeen sidii loo dilli lahaa ama loo dhiibi lahaa hoggaamiyihii Alqaacidda Usama Bin Laden, kaas oo la sheegay in hawlgal ciidan lagu dilay.

    Halkan kaga bogo warbixintan oo intan ka faahfaahsan

    Usama Bin Ladin
  16. Dowladda Hungary oo soo saartay sharciyo lagu xaddidayo muhaajiriinta

    Dowladda Hungary ayaa maanta lagu wadaa in ay baarlamaanka dalkaasi u gudbiso isbadal cusub oo dhanka sharciga ah oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha bulshada rayidka ee caawiya dadka soo galootiga ah.

    Waa tallaabadii ugu dambeysay ee uu qaado ra'iisalwasaaraha dalkaasi Viktor Orban oo saddex sano ee la soo dhaafay waday olole ka dhan ah muhaajiriinta sharcidarrada ah oo uu sheegaya in wax laga hortagi karo ayna tahay in laga hor tago.

    Sharciyadan cusub ee ka dhanka ah dadka magangelyo doonka ahi ayaa baarlamaanka loo gudbinayaa in kastoo ay jirta xaqiiqada ah in muhaajiriin iyo qaxooti aad u yar ay maalmahan dambe isku dayayeen in ay galayaan dalkaasi Hungary, waxaana yareeyay tirada muhaajiriinta siligga lagu ooday xudduudda koonfureed ee dalkaasi.

    Lifaaqan kaga boqo xog intan ka sii faahfaahsan

    Hungry
  17. UEFA oo laga yaabo in ay baarto sida dhaawacu u gaaray Maxamed Salaax

    Xiriirka kubbadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ka fiirsanaya suurtogalnimada in uu bilaabo baadhitaan ku saabsan dhaawaca gaadhay xidigga Liverpool, Maxamed Salaax, ee ku dhaawacmay mar ay isku dhaceen isaga iyo Sergio Ramos oo ah kabtanka kooxda Real Madrid ciyaartii kama dambasyta ahayd ee tartanka horyaalka Yurub.

    UEFA ayaa BBC-da u sheegtay in gudiga anshaxu dhacdadaa eegayey laga billaabo markii ciyaartu dhamaatay habeenimadii Sabtida.

    Hase ahaatee af-hayeen u hadlay UEFA ayaa sheegay in aanay weli soo gaarin cabasho rasmi ah oo ka timid kooxda Liverpool iyo Salaax toona.

    Maxamed Salaax ayuu dhaawacu ka soo gaaray ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka horyaalka Yurub ee ay iskaga hor yimaadeen kooxdiisa Liverpool iyo Real Madrid oo guushu 3-1 ku raacday.

    Lifaaqan dhagsii si aad uga bogato warkan oo faahfaahsan

    Maxamed Salaax
  18. Sacuudiga iyo xulafadiisa oo ku sii siqaya Xudayda

    Isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo ee la dagaalamaya Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay ku dhawyihiin in ay qabsadaan magaalada Xudayda ee ay ku yaallaan dekadaha Yemen ugu muhiimsan.

    Af-hayeenka u hadlay xulafadaas Kornayl Turki Al-Maliki, ma caddaynin in in qorshahani yahay in mid ay xulufadu ku doonayo in ay magaalaada ku qabsanayo iyo in kale tan iyo markii ay bilaabmeen hawlgallada milatari ee dalkaas ka socda.

    Turki oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Riyaad ayaa sheegay in "Xudayda ay haatan ciidamada xulufada ee halkaa hawlgalka ka wada ay u jiraan labaatan Kiiloo mitir".

    Masuuliyiin Yemeniyiin ah ayaa mar hore wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in in ciidamadaas ku sii siqayaan Xudayda laakiin aanay weli go'aansanin in ay galaan goobaha rayidku deganyihiin.

    Lifaaqan dhag sii si aad u akhrisato warbixin intan ka sii faahfaahsan

    Xulafada Sucuudiga
  19. Hubaanti la’aanta siyaasadeed ee Talyaaniga oo cirka isku shareertay

    Labada xisbi ee waddaniyada ku kalax tagay ee ugu waawayn dalka Talyaaniga ayaa ku baaqay mudaaharaadyo nabadgalyo ah iyaga oo ka soo horjeeda in ra'iisulwasaare loo magacaabo qof aan siyaasadda ku soo dhex-jirin.

    Xisbiga shanta xidigood iyo Leagu ayaa ballan qaaday in ay horistaagi doonaan barnaamijkaste oo Carlo Cottarelli ku saabsan oo baarlamaanka loo soo gudbiyo.

    Madaxweyne Mattarella ayaa ninkaas oo dhaqaale yahan ah u magacaabay in uu ra'iisalwasaare ka noqdo dawlad ku meelgaar ah wuxuuna horay ula soo shaqeeyay hay'adda Calaamiga ah ee lacagta adduunka ee IMF.

    Carlo Cottarelli ayaa Subaxnimadii Isniinta la kulmay madaxweyne Mattarella
  20. Badbaadidda basaaskii hore ee Ruushka oo filan waa noqotay

    Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee daweeyay basaaskii Ruushka ahaa Sergey Skirpal iyo gabadhiisa Yulia, ka dib markii lagu weeraray sunta neerfaha wax yeesha iyaga oo ku sugan magaalada Silisbury ee dalka Britain ayaa sheegay in aysan filaynin in ay badbaadaan.

    Shaqaalahaas caafimaadkaayaa sheegay in dawayntii degdegga ahayd ee lala gaaray ay ahmiyad wayn lahayd.

    Basaaskii hore ee Ruushka iyo gabadhiisa