Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. QM iyo Dawladda Soomaaliya oo Liibiya ka soo celiyay 150 qaxooti ah
  2. Soomaaliya oo saddex nin ku xukuntay dil
  3. Ugu yaraan 33 ruux oo lagu dilay Eritrea

Tebin toos ah

time_stated_uk

Waxaa intaasi nagaga dhan tabinteenii tooska ahay ee maanta,waad ku mahadsan tihiin la socoshadiina

Halkan kaga bogo wararkii ugu waawaynaa maanta oo Arbaco ah, waxaana ka mid ah.

Qisooyin qarracan leh oo ay ka sheekeeyeen dhalinyaro laga soo celiyay Liibiya

LinkSu'aal laga keenay ninkii dhalashada Faransiiska lagu siiyay cunug uu badbaadiyay

Maxay tahay sababta dowladda Turmenistan ay u baarayso musqulaha?

Wariyihii Ruushka ee la sheegay in lagu diley Kiev oo la arkay isaga oo nool

Wariyihii Ruushka ee la sheegay in lagu dilay magaalada Kiev ayaa kasoo muuqday taleefishin isaga oo nool, islamarkaasna bad qaba.

Mr Babchenko ayaa ka soo muuqday shir jaraa'id oo uu ku qabtay dalka Ukrainian.

Madaxa sirdoonka dalka Ukraine Vasyl Hrytsak, ayaa ka sheegay shirkaasi jaraa'id in dilka uu ahaa mid la jilayay si loo ogaado shirqoolada sirdoonka Ruushka.

Xaaska Mr Babchenko ayaa horey u sheegtay in ninkeeda dhabarka laga toogtay.

Saxafigan horey uguma sheegin xaaskiisa in dilkani uu yahay mid jilliin ah "gaar ahaan waxaan raali galinayaa xaaskeyda," ayuu yiri.

Ra'isulwasaaraha Ukraine ayaa mar sii horeysay dilka wariyaha, Mr. Bebchencho, ku eedeeyay dowladda Ruushka, iyada oo Ruushka ay ku baaqday in la baaro dilka, eeddana dusha ka saartay xukuumadda Kiev.

Arkady Babchenko ayaa la arkayay isaga oo gadaal ka muuqda markii la qabanayay shirka jaraa'id
.
Arkady Babchenko ayaa la arkayay isaga oo gadaal ka muuqda markii la qabanayay shirka jaraa'id

Daawo:Maku dul socon kartaa xarig adigoo meel qabsanin dhulkana uu kuu jiro 1,300 mitir.

Buurlayda gobolka Zhangjiajie ee dalka Shiinaha ayaa waxaa ka jira tartan cajiib ah oo xarigga lagu dul socdo.xariga ayaa ah mid si aad ah u dhuuban.

Maku dul socon kartaa xarig adigoo meel qabsanin dhulkana uu kuu jiro 1,300 mitir.

Farmaajo oo Nairobi u jooga wadahadalo dhanka amniga

Madaxwayne Farmaajo
Villa Soomaaliya
Madaxwayne Farmaajo

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa soo gaaray magaalada Nairobi oo ay uga bilaabanayso booqasho qaadan doonta laba maalmood.

Sida lagu xusay qoraal barta tweetarka ee madaxtooyada Soomaaliya, Madaxwayne Farmaajo iyo madaxda Kenya ayaa ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo wada shaqaynta dhanka ammaanka.

Waxa ay sidoo kale ka wadahadli doonaan xiriirka dhanka ganacsiga iyo dublamaasiyada.

Madaxwayne Farmaajo iyo wasiirada arrimaha dibadda Kenya
Kenya foreign ministry
Madaxwayne Farmaajo iyo wasiirada arrimaha dibadda Kenya

Taariikhda la qabanayo doorashada Zimbabwe oo la shaaciyay

Madaxwaynaha dalka Zimbabwe ayaa ku dhawaaqay in doorashada dalkaasi la qaban doono 30 bisha July.

Emmerson Mnangagwa ayaa si rasmi ah arrintan ugu dhawaaqay maanta oo Arbaco ah.

Waa markii ugu horeysay oo muddo toboneeyo sano ah oo uusan ka qaybgalayn hogaamiyihii hore ee dalkaasi Robert Mugabe.

Shalay, Mr Mnanagagwa oo awoodda dalkaasi kala wareegay Mr Mugabe bishii November ayaa ku celceliyay sida ay uga go’an tahay qabashada doorasho u dhacda "si xaq iyo xor ah":

Emmerson Mnangagwa
EPA
Emmerson Mnangagwa

Wiil dhallinyara ah oo tix gabay ah ku cabbiraya rafaadka tahriibka

Wiil dhallinyara ah oo tix gabay ah ku cabbiraya rafaadka uu ku soo arkay tahriibka Liibiya.

In ka badan 150 tarhriibiayaal Soomaali ah oo ku xayirnaa Liibiya ayaa maanta Muqdisho dib loogu celiyay

Wiil dhallinyara ah oo tix gabay ka tiriyay rafaadka tahriibka

Labo tuke oo sababay shil diyaaradeed oo ka dhacay Mombasa

Diyaarad ay wateen dalxiisayaal u dhashay dalka Jarmalka ayaa qalibmatay kadib markii marwaxadaha si lama filaan ah u galeen labo tuke oo hawada duulayay.

Sida uu tabiyay wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa, diyaarada ayaa usoo duulaysay jasiiradda Tanzania ee Zanzibar.

Shilkan ayaysan ciddina ku waxyeeloobin, balse diyaaradda ayaa fariinka goosatay, kadibna ku degtay meel aanan loogu talogalin.

Haadda duulaysa hawada Mombasa ayaa qalqal galisa duulimaadyada, iyada oo sanadkii hore diyaaradda Turkish Airlines ay ku qasbanaatay in ay degato kadib markii ay shimbir gashay matoorkeeda.

Sawir Hore
.
Sawir hore

Trump oo xaqiijiyay in hogaamiye sare oo ka socda K/waqooyi uu booqanayo Mareykanka

Diyaarad ay wateen dalxiisayaal u dhashay dalka Jarmalka ayaa qalibmatay kadib markii marwaxadaha si lama filaan ah u galeen labo tuke oo hawada duulayay.

Sida uu tabiyay wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa, diyaarada ayaa usoo duulaysay jasiiradda Tanzania ee Zanzibar.

Shilkan ayaysan ciddina ku waxyeeloobin, balse diyaaradda ayaa fariinka goosatay, kadibna ku degtay meel aanan loogu talogalin.

Haadda duulaysa hawada Mombasa ayaa qalqal galisa duulimaadyada, iyada oo sanadkii hore diyaaradda Turkish Airlines ay ku qasbanaatay in ay degato kadib markii ay shimbir gashay matoorkeeda.

Madaxwayne Donald Trump ayaa xaqiijiyay in si wayn ay isugu dhaw yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, uu booqasho ku tagayo New York, iyada oo ay jirto xiisad dublamaasiyeed ka hor shirka labada dhinac.

Madaxii hore ee sirdoonka Kuuriyada Waqooyi, Kim Yong Chol, ayaa ku sii hakaday Shiinaha ka hor inta uusan u safrin mareykanka.

Kulamo xiriir ah oo uu la yeelanayo madaxda Mareykanka ayaa waxaa dib boorka looga jafi doonaa sidii loo dardar galin laaha kulanka la qorshaynayo in uu dhexmaro Mr Trump iyo Mr Kim.

Madaxwayne ayaa mar ku dhawaaqay in la baajiyay kulanka isaga iyo Mr Kim , balse maalmo ka dib muujiyay rajo ah in kulankaasi uu qabsoomayo.

Donold Trump
Getty Images
Donold Trump

Sargaal ka tirsan dowladda Kenya oo ay ku soctay dacwad Musuqmaasuq oo suuxday

Sargaal sare oo dowladda Kenya ka tirsan islamarkana ay ku socdeen baaritaano la xiriira musuqmaasuq lagu lunsaday $78 milyan ayaa loola cararay isbataalka ka dib markii ay suuxday xilli ay ku sugnayd xabsi lagu xiro haweenka.

Xoghayaha wasaarada dhalinyarada, Lilian Omollo,ayaa ka mid ahayd 40 qof oo ka tirsan shaqaalaha dowlada kuwaasi oo lagu soo oogay dacwad la xiriira fadeexada ruxday waaxda qaran ee adeega dhalinyarada Kenya.

Lacagaha la lunsaday ayaa ahaa kuwa loogu talagalay in wax looga qabto dhibaatada shaqa la’aanta ee haysata dhalinyarada Kenyanka.

Dacwad oogaha Kenya Nuuradin Maxamed Xaji ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii ku sheegay in uu sidoo kale baari doono doorka ay bangiyada ka ciyaareen fadeexadan.

QM iyo Dawladda Soomaaliya oo Liibiya ka soo celiyay 150 qaxooti ah

In ka badan 150 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo ku xayirnaa gudaha dalka Liibiya ayaa maanta dib loogu celiyay magaalada Muqdisho.

Dadka maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay waxay isugu jiraan, carruur, haween, dad da' ah iyo dhallinyaro intaba, diif ayaana ka muuqanaysay.

Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa Hay'adda Caalamiga ah ee Sodcaalka ayey u suuragashay inay dalka dib ugu soo celiso boqolaal qof oo ka mid ah Soomaalida ku go'doomay dalka Liibiya, kuwaas oo qaar ka mid ah sidii adoontii la kala iibsaday.

Idaacddeenna duhurnimo ayaad kaga bogan doontaan xogtan oo intaas ka sii faahfaahsan.

Dowladda Maraykanka oo ka jawaabtay su’aal la yaab leh oo uga timid muwaadin

Laanta la socodka hab dhismeedka dhulka ee Maraykanka ee lagu magacaabo USGS , qeybteeda la macaamisha qaraxa buuraha ama foolkaanooyinka ayaa ku qasbanaatay in ay ka jawaabto su'aal la yaab leh oo uu bartiisa Twitter-ka kusoo weeydiiyay qof muwaadin ah.

Nin lagu magacaabo Jay Fuur oo ku sugan Richmond ayaa laanta weeydiiyay in ay habboontahay ama badbaado wanaagsan ay tahay haddii uu nacnac kashaato uu ku dul karsado holaca foolkaanaha, isaga oo isticmaalaya ul dheer.

Jawaabta la siiyay iyo warbixintan oo faahfaahsan kaga bogo lifaaqan

Foolkaano
Reuters

Soomaaliya oo saddex nin ku xukuntay dil

Saddex nin oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab isla markaasna huteel weerareen ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Maxkamadda Darajada Koobaad ee Ciidmmada Soomaaliy ayaana xukunkaasi ridday maanta.

Saddexda nin ayaa lagu helay in ay ku luglahaayeen weerarkii lagu qaaday Huteel Naaso Habloob Labo 28 bishii Oktoobar ee 2017, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda Soomaaliya.

Weerarkaas waxaa ku nafwaayay ugu yaraan 18 ruux waxaana ku dhaawacmay in kabadan 40 ruux oo kale.

Ugu yaraan 33 ruux oo lagu dilay Eritrea

Ugu yaraan soddon iyo saddex ruux ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay dalka Eritrea.

Gaariga ayaa ka duulay buurta wuxuuna is gadgadiyay ugu yaraab boqol mitir.

Shilkan ayaa ka dhacay Isniintii waddo ku taalla Shindwa oo konton kiiloo mitir dhanka Waqooyi ka xigta magaalada Asmara.

Qaar ka mid ah ardayda uu imtixaanka qaranku uga billawdaw magaalada Jigjiga
BBC
Qaar ka mid ah ardayda uu imtixaanka qaranku uga billawdaw magaalada Jigjiga

Ruushka oo lagu eedeeyay saxafiga Ukraine lagu dilay

Arkady Babchenko oo ka mid ahaa saxafiyiinta ugu cadcad Ruushka isla markaasna aad u dhaliili jiray madaxweyne Putin ayaa toogasho lagu dilay isaga oo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla dalka Ukraine.

Ra’iisulwasaaraha Ukraine Volodymyr Groysman ayaa Ruushka ku eedeeyay in uu dilkaas ka dambeeyay.

Arkady Babchenko
EPA

Booliisku waxay sheegeen in ay rumaysan yihiin in loo bartilmaameedsaday xirfaddiisa saxafinimo.

Arkady ayaa u baxsaday magaalada Kiev isaga oo naftiisa u baqayay.

Babchenko oo ka warramaya mudaaharaad ka dhacay Kiev 2014kii
AFP
Babchenko oo ka warramaya mudaaharaad ka dhacay Kiev 2014kii

Everton oo aad ugu dhaw inay tababaraheeda u magacawdo Marco Silva

Kooxda Everton ayaa aad ugu dhaw inay tababaraheeda u magacawdo Marco Silva, wararka qaar na waxaa ay sheegayaan in todobaadkanba la shaacin doono.

40 jirkan u dhashay Boortaqiiska waxaan aad u doonaya milkiilaha Everton, Farhad Moshiri. Sam Allardyce oo lix bilood tababare u ahaa kooxdaasi ayaa xilka laga qaaday dhammaadkii xilli ciyaareedkii tegay.

Dhanka kale kooxda Manchester United ayaa xoogga saaraysa sidii ay ula soo wareegi lahayd daafaca da'da yar ee Porto, Diogo Dalot.

Warkan oo intan ka faahfaahsan lifaaqan kaga bogo

Everton
Getty Images

Nin laga diiday in indho sircaad dhaawacday

David Copperfield oo ah nin Maraykan ah oo ku caan baxay indho sircaadda ayaa lagu helay in uu tacadi sameeyay balse uusan dhaqaale ahaan masuul uga ahayn nin Ingiriis ah oo ku dhaawacmay isaga oo indho sircaad samaynaya, sida ay sheegtay xeerbeegti.

Xeerbeegtidan oo dacwadda ku qaaday Nevada ayaa sheegay in Gavin Cox uu isagu dhaawaca isu gaystay intii uu socday indho sircaad caan noqotay oo ka dhacday Las Vegas sannadkii 2013kii.

Cox ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah bandhigaas, wuuxuuna sheegay in uu maskaxda iyo meelo kale ay dhaawacyo ka gaareen.

Xukunkaas ayaa ka dhigan in uusan magdhaw iyo dhaqaale kale oo dhaawacyada la xiriira waydiisan karin.

Indho sircaad
Getty Images

Maraykanka kulan degdeg ah ka dalbaday Golaha Ammaanka

Dalka Maraykanka ayaa ku baaqay kulan degdeg ah oo uu yeesho golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si looga wadahadlo hubkii ay dhawaan is waydaarsadeen Israa'iil iyo malayshiyaadka Falastiiniyiinta ah ee ku sugan marinka Qaza.

Maraykanku wuxuu sheegay in loo baahan yahay in gollaha ammaanku uu ka caroodo rabshadaha lagula kacay shacabka Israa'iil, wuxuuna ku adkaystay in lagula xisaabtamo hogaaminta Falastiiniyiinta.

Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in ku dhawaad toddobaatan gantaal lagaga soo ganay Qaza Talaadadii ayna duqaymo dhanka cirka ah kaga jawaabeen kuwaas oo ay ku bartilmaameedsadeen konton iyo shan goobood.

Ururka Xamaas iyo Islaamik Jihaad ayaa qirtay in ay duqeeyeen Israa'iil.

Qaramada Midoobay
EPA

Jarmalka iyo Turkiga oo wada jir u xusay xasuuqi Solingen

Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel iyo Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa si wadajir ah uga qayb galay xuska 25aad ee xasuuqa ka dhacay dalka Jarmalka iyada oo ay xiisad dibloomasiyadeed hareysay labada dal.

Madasha xuska uu ka dhacay waxay kula kulmeen dad ka badbaaday weerarkaasi.

29-ki bisha may 1993-dii ayaa waxay bam gacmeed ku tuureen tageerayasha fikirka Nazi guri ay degganayaeen dad Turki ah oo u dhashay dalka Jarmalka oo ku sugna Solingen, waxaana halkaa ku dhintay laba haween ah iyo 3 gabdhood, 14 qof oo kalana waay ku dhaawacmeen.

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayey kala duwanaasho dhinaca xuquuqda aadanaha oo soo kala dhex galay labada dal iyo Jarmalka oo is-hortaagay in ay codkooda dhiibtaan dad turki ah oo deggan Jarmalka.

Turkiga
EPA

Waxaa maanta oo Arbaca ah dhammaan dalka Itoobiya ka bilawday imtixaanka tobnaadka, kaasi oo sannad walba xiligan oo kale ka qabsoomo dalkaasi.

Dhanka dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa imtixaanka u fariisan doona arday ku dhaw labaatan kun sida uu sheegay wasiirka waxbarashada ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Ibraahim Aadan Mahad.

Warkan iyo kuwo kalbe ka dhagayso lifaaqan

Ibraahim Aadan Mahad
.
Ibraahim Aadan Mahad

Subax wanaagsan akhyaarta halkan nagala xiriirtaay, kuna soo dhawaada tabintii tooska ahayd ee maanta oo Arboco ah aan ku samaynaynay wararka Soomaalid iyo caalamka intiisa kale.