Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Sheekh Al-As-har: Jinku dadka wuu galaa waa been

    Sheekha Al-As-har, Dr Sheekh Axmed Al-Dayib, ayaa sheegay in aan jinku lahayn “haba yaraatee” awood uu ku galo qofka muuminka ah, hase yeeshee uu dadka waswaasiyo oo keliya isla markaana uu ka “lib helo qofka diciifka ah oo keliya”.

    Dr Al-Dayib oo ka hadlayey barnaamij uu kaga hadlo arimaha diinta oo laga sii daayo mid ka mid ah Telefshinanada Masar ayaa waxa uu yidhi: hadalka ah jin baa dadka galaa waa hadal “khiyaali ah” oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanu intaa ku daray in kartida jinku leeyahay tahay “waswaasin iyo majare habaanin keli ah”.

    Waxaanu Sheekha Al-As-har ku tirtirsiyey dadka muuminiinta ah in ay “adkaarta” ku faro adaygaan si ay iskaga ilaaliyaan “waswaasinta” jinka.

    “Qof kasta oo ku dooda in uu jin ka saaro jidhka dadku waa beenaale calooshiisa u shaqayste ah oo dadka lug goynaya” ayuu yidhi Dr Ahmed Al-Dayib, Sheekha Al-As-har ku.

    Sheekh Dr Axmed Al-Dayib
    Image caption: Sheekh Dr Axmed Al-Dayib
  2. Madaxweynaha Burundi oo sheegay in aanu mar kale isa soo sharixi doonin

    Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza, ayaa sheegay in aanu mar dambe isku soo sharixi doonin marka muddo xileedkiisa haatan ee ku eg 2020 ay dhamaato.

    Weriyaha BBC-da Cyriaque Muhawenayo ayaa ku soo waramaya in hadalkan uu madaxweynuhu ka sheegay magaalada Bugendana ee gobolka Gitenga oo lagu saxeexayey dhaqan gelinta dastuurka cusub ee dalka.

    Bishii hore ayaa dadka reer Bururndi si aada ugu codeeyeen afti lagu taageerayey in waxa laga bedelo dastuurka, kuwaas oo ay ka mid ahayd in muddo xileedka madaxweynaha oo markii hore ahayd shan sananadood oo haatan laga dhigay todoba sanadood.

    Dad badan baa rumaysnaa in Nkurunziza si toos ah u doonayey inuu bedelo mudo xileedka si uu xukunka u sii haysto ilaa 2034.

    Hogaamiyahan oo 54 jir ah ayaa waxa uu sanadkii 2015 kii u tartamay muddo xileed saddexaad oo muran badan keentay waxaana ka dhashay mawjado qalalaase ah iyo isku day afgembi oo ay ciidamada dawladdu fashiliyeen.

    Qalalaasahaa siyaasadeed na waxa ku dhintay boqolaal qof 400,000 oo qof iyo dheeraad na dalka ayay ka qaxeen.

    Pierre Nkurunziza
    Image caption: Pierre Nkurunziza
  3. Itoobiya oo qarka u saaran inuu waa cusub u baryo

    Itoobiya waxay shaaca ka qaaday inay u hoggaansamayso heshiiskii sannadkii 2002-dii ee lagu doonayay in xal kama damabays ah lagaga gaaro dagaalladii xadka ee ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Afrika oo u dhexeeyay Itoobiya iyo Eritrea.

    Kummanaan shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka 2 sano ka socday xadka labada dal. Eritrea waxay dalbanaysaa in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan deegaanka lagu muransan yahay.

    Heshiiska ma dhab ayuu noqon doonaa?

    Waxay u muuqata inuu noqon doono mid dhab ah.

    Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka dhawaajiyay maalinkii loo caleemo saarayay xilka bishii Abriil in tallaabooyinka xukuumaddiisa ay noqon doonto ka shaqaynta xallinta kala duwanaanshaha u dhexeeya labada dal islamarkaasna sheegay inay yihiin labo dal oo deris ah isla markaasna wada dhashay.

    Warbixintan oo aad u faahfaahsan kaga bogo lifaaqan

    Itoobiya
  4. Post update

    Wararka naga soo gaaraya degmada Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in hadda uu dagaal ka socdo halkaasi, kaas oo u dhaxeeya ciidammada dowladda Soomaaliya iyo dagaalameyaasha Al-Shabaab.

    Haddaba wararkii ugu dambeeyay waxaa la socday Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Cali Nuur Salaad oo Idaacadda duhurnimo toos ugu warramay.

    Warkan iyo kuwo kale oo badanba ka dhagayso Idaacaddeena Duhurnimo

  5. Bun xoorkiisa lagu sawiro madaxweynaha Kuuriyada Woqooyi oo dadku ka heleen

    Makhaayad ku taalla dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa waxay samaysaa bunka nooca la yidhaa Latte ee xoorka badan leh oo xoorkiisaa lagu sawiray madaxweynaha Kuuriyada Woqooyi.

    Xoorkaa badan ee koobka bunka ah waxa makhaayadaasi ku sawirtaa madaxweynaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un oo dhawr todobaad ka hor markii uu la kulmay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed ay shacbiyadiisu aad u korodhay.

    Ninka makhaayadda leh ayaa waxa uu sheegay in ujeedadiisu tahay in uu nabadda ku fidiyo habkan uu Kim ugu sawirayo bunka subaxdii dadku cabbaan, waxa kale oo makhaayadu fursad u siisaa dadka macaamiisha ah in ay dalban karaan in iyaga iyo Kim lagu wada sawiro bunkooda.

    Hogaamiyeyaasha labada Kuuriya waxay talaabo taariikhi ah kaga wada talaabeen xadka kala qaybiya labada dal bishii Abriil, mar labaadkiina waxay bishii hore ku kulmeen goobta hubka ka caagan ee labada dal u dhexaysa.

    Bunka madaxweynuhu ku sawiranyahay
    Image caption: Bunka madaxweynuhu ku sawiranyahay
  6. Suudaan oo jartay calaaqaadkii difaaca ee "Kuuriyada Waqooyi”

    Dawldda Sudan ayaa sheegtay in ay jartay calaaqaadkii milatari ee ay la lahayd Kuuriyada Waqoyi.

    Warshadaha waxsoosaarka milatari ee Suudaan ayaa joojiyay dhammaan heshiiyadii ay la sixiixatay Kuuriyada Waqooyi, waxayna jareen dhammaan xiriirkii tooska ahaa ama mid qolo kale ay u dhaxaysay ee Kuuriyada Waqooyi la lahaayeen. Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP iyada oo soo xiganaysa wasaaradda arrimaha dibadda.

    Maraykanka ayaa caddaadis ku saarayay Suudaan sidii ay u jari lahayd dhammaan calaaqaadyada ay la leedahay Kuuriyada Waqooyi.

    Maraykanka ayaa bishii Oktoobar qaaday cunaqabatayntii uu Suudaan saaray, balse dalkaas ayaa wali jira liiska dalalka uu Maraykanku u yaqaanno in ay argagixisada taageeraan, waxaan ka mid ah Kuuriyada Waqooyi, Iiraan iyo Masar.

    Dadka arrimaha Suudaan ka faalooda ayaa sheegaya in dalkaas ay haysato dhaqaale xumo baahsan, arrintaasina ay kagacan ka gaysatay in uu siyaasadihiisa wax ka baddalo.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la filayaa in uu la kulmo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi toddobaadka sii socda, inkastoo uu Maraykanku sheegay in uusan ka qaadaynin cunaqabataynta inta ay ka laabanayaan barnaamijkooda hubka nukliyeerka ah.

    Dhaqaalaha Suudaan ayaa liicliicaya, qiimaha rootiga ayaana labanlaabmay
    Image caption: Dhaqaalaha Suudaan ayaa liicliicaya, qiimaha rootiga ayaana labanlaabmay
  7. Diyaaraddii Kenya lagu la’aa oo burburkeeda la helay

    Diyaarad yar oo xamuul oo Kenya lagu la’aa tan iyo Talaadadii ayaa burburkeeda laga helay kaynta Aberdares oo ku taalla bartamaha dalkaas, sida uu sheegay Paul Maringa oo ah masuul ka tirsan wasaaradda gaadiidka.

    Wali ma cadda waxa ay muteen siddeedii ruux ee rakaabka ahayd iyo labadii duuliye ee diyaaradda waday.

    Kooxaha gurmadka oo ay ku jiraan shaqaale caafimaad ayaa goobtaas loo diray, hay’adda Laanqayrta Cas ayaana sidoo kale qayb ka ah hawlgalkaas.

    Diyaaraddan oo ay maamulaysay shirkadda East African Safari Air Express ayaa Talaadadii ka duushay magaalada Kitale ee galbeedka dalka Kenya.

    Iyada oo ku sii jeedda garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

    Ilaa iyo hadda lama oga waxa sababay shilka diyaaradda.

  8. Nin hooyadii iyo aabihii dilay oo la xukumay

    Henri Van Breda oo faas ku dilay hooyadii, aabihii iyo walaalkii oo ku sugnaa Koonfur Afrika sannadkii 2015kii ayaa lagu xukumay xabsi daa’in.

    Dil
  9. Tahriibayaal ku dhammaaday xeebaha dalka Yemen

    Ugu yaraan 46 qof oo tahriibayaal ah oo Soomaaliya ka dhoofay kuna socday dalka Yemen ayaa doon ay saarnaayeen waxay kula dagtay xeebaha Yemen, waxaana warkan laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

    Waxaa sidoo kale la baadigoobayaa 16 qof oo kale kadib markii doontoodii ay gadoontay, sidaasina waxaa sheegtay hay'ada Socdaalka Dunida.

    Dad mashaqadan ka badbaaday ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen 100 qof oo ay ka soo qaaday dekada magaaladda Boosaaso.

    Dadkan ayaa la sheegayaa inay shaqooyin u doonanayeen dalka Yemen iyo wadammada kale ee Khaliijka.

    Tahriibayaashani ayaa la sheegayaa inay dhamaantood ahaayeen dad Itoobiyaan ah.

    Hay'ada IOM ee Socdaalka Aduunka ayaa ku warramaysa in doontan ay degtay maalinkii Arbacada, dadka ku dhamaadayna waxaa ka mid ahaa dumar gaarayay sagaal.

    Warbixintaas oo intaas ka sii faahfaahsan kaga bogo

    Tahriibeyaal
  10. Tirada wasiirrada dumarka ah ee Spain oo ka batay ragga

    Ra'iisulwasaaraha dalka Spain Pedro Sánchez ayaa 17ka xubnood ee golahiisa wasiirrda 11 ka mid ah ka dhigay dumar, waana tirada ugu badan dalalka qaaradda Yurub oo dhan.

    Sánchez oo sheegta in uu arrimaha dumarka u jajaban yahay ayaa tallaabada uu qaaday ay ka duwan tahay midii Ra'iisulwasaarihii isaga ka horreeyay ee Mariano Rajoy, kaas oo ay golahiisa wasiirradu ragu u badnaayeen.

    Mariano ayaa xilka laga qaaday toddobaadkii hore.

    Dumarka ayaa loo dhiibay masuuliyadaha ugu culculus sida, wasiirka difaaca, dhaqaalaha, maaliyadda iyo wasiirka waxbarashada.

    Pedro Duque oo horay cirbixiyeen u soo noqday ayaa laga dhigay wasiirka sayniska.

    Sánchez ayaa golahiisa wasiirrada ka soo kala xulay xisbigiisa iyo xubno kale oo khibrad leh balse aan siyaasadda ku jirin, waxaana lagu tilmaamay "golaha wasiirrada ee dumarka".

    Lifaaqan kaga bogo warbixintan oo intan ka sii faahfaahsan

    Dumarka wasiirrada ka ah Spain
    Image caption: Qaar ka mid ah dumarka wasiirrada ka ah Spain
  11. Suuq laga dukaamaysto oo baajiyay dad rabay in ay isku sawirraan iyaga oo qaawan

    Dad
    Goobta ay dadku rabeen in ay sawirka qaawanida ah ku galaan
    Image caption: Goobta ay dadku rabeen in ay sawirka qaawanida ah ku galaan
  12. Subax wanaagsan dhammaantiin