Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Mareykanka oo soo bandhigay Kombiitarka adduunka ugu wayn

    Koombiitarka ugu wayn dunida ee cusub uu Mareykanka leeyahay ayaa labo jeer ka awood badan Kombiitarrada ugu wayn adduunka ee haatan.

    Koombiitarkan oo loogu magacdaray Summit ayaa samayn karaan xisaab gaarayso 200,000 Tirilyan ilbiriqsiikiiba.

    Koombiitarka ugu wayn Shiinaha ee TaihuLight ayaa ka awood yar marka loo barbardhigo kan Mareykanka.

    Koombiitarka Summit ayaa loo isticmaali doona baaritannada sayniska, climi baarista Kansarka iyo cilmiga noloha.

    Waxaan kombiitarkan la dhigay shaybaarka ORNL ee ku yaalla deegaanka Tennessee waxaana lagu xiray kummanaan qalab ah oo loogu talagalay inuu ku qabto shaqo culus.

    Kombiitarka Summit wuxuu wata ilaa 4,608 Kombiitaro oo macluumaadka kayddiyo.

    Agaasimaha shaybaarka ORNL Thomas Zacharia ayaa sheegay in 8 bishan June la daahfuray Koombiitarkani, qalabkiisana horraan la rakibay, waxaa hadda la sugaya ay tahay howlgalintiisa.

    Daraasad dhawaan shaaca laga qaaday ayaa muujinaysaa in Mareykanku uu leeyahay ilaa 143 Koombiitar oo dunida ugu wayn halka Shiinaha uu haysto ilaa 202 Koombiitar oo waawayn.

    Waa muuqaalka Koombiitarka dunida ugu wayn
    Image caption: Waa muuqaalka Koombiitarka dunida ugu wayn
  2. Dibadbaxyo looga soo horjeedo Eritrea oo gilgilay Itoobiya

    Dibadbaxyaashu magaalada Badme
    Image caption: Dibadbaxyaashu magaalada Badme

    Kummanaan qof oo ku dhaqan magaalada xuddunta u ahayd dagaalkii Itoobiya iyo Eritrea ee Badme ayaa maanta sameeyay dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan go’aanka dowladda Itoobiya ay ku aqbashay heshiiskii 2002-dii ee la doonayay in lagu soo afjaro dagaalka kaaso dhigayay in magaaladaasi la siiyo Eritrea., sida uu kusoo warramaya weriyaha BBC-da Girmay Gebru.

    Dibadbaxyaashu waxay ku qaylinayeen hal ku dhigyo ay kamid yihiin “Badme waxay ka tirsan tahay Itoobiya” “waxaanu nahay Itoobiyaan ilaa aanu ka dhimanayno noqon mayno Eritrean”

    Xisbiga ka arrimiya dalka Itoobiya ee EPRDF ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay shaaca ka qaaday in si dhamaystiran ay u dhaqan gelinayaan heshiiskii nabadda ee 2002-dii.

    Dowladda Itoobiya waxay sheegtay inay aqbalayso heshiiskii 2002-kii oo ay soo gudbiyeen guddigii kormeerka ku tagay xadka lagu muransan yahay wuxuuna dhigayay in magaalada Badme ay qaadato Eritrea.

    Arrintani waxay soo afjaraysaa dagaalkii dhanka xadka ee uga dhimashada badnaa ee qaaradda Afrika ka dhaca.

    Tobbonaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalkii labada sanna qaatay ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Eritrea.

    Dadka ku dhaqan magaalada Badme oo bannaanbax dhigayo
    Image caption: Dadka ku dhaqan magaalada Badme oo bannaanbax dhigayo
  3. Hal sawir kun erey ka wax sheeg badan!

    Waxay yiraahdaan 'hal sawir kun erey ka wax sheeg badan', taas oo loola jeedo in hal sawir uu ka muhiimsanyahay, kana gudbin ogyahay fariintii lagu gudbin lahaa kun erey.

    Sawirrada noocan ah waa kuwa dhif iyo naadir ah, mana ahan kuwa ay u suurtogasho in ay qaadaan sawir qaadayaasha inta badan. Sidaas awgeed boqolaalkii sawir qaade ee ku sugnaa xarunta shirarka Canada ee dalalka G7 ma aysan u suurtogalin in ay qaadaan sawir kan la mid ah, marka laga reebo midkood oo gudaha u galay qolkii ay ku shirayeen hoggaamiyeyaasha, uuna ka socday gorgortankii adkaa.

    Xaalado aan caadi ahayn ayaa laga filayay shirka hoggaamiyeyaasha 7da dal ee xagga warshadaha ugu horumarsan ee Canada ka socday, balse waxaa xaaladaas si dhab ah u muujiyay sawir lagu soo daabacay bogga Instagram-ka ee hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel.

    Warbixintan oo dheer si aad u akhrisato lifaaqan guji

    Sawir cajiib ah oo laga qaaday madaxda ururka G7
  4. Al shabaab oo wabiga Jubba leexiyay si ay askar Maraykan ah u weeraraan

    Ururuka Al-Shabaab ayaa xeelad ahaan u leexiyay wabiga Juba si uu ugu fataho goob ay wada jir ugu sugnaayeen ciidammada Soomaaliya, Kenya iyo kuwa Maraykan ah oo hawlgal ka fulinayay Koonfurta Soomaaliya, sida uu ku warramay websiteka Daily Beast ee dalka Maraykanka laga leeyahay.

    Markii uu wabigu fatahay ciidammaduna ay bilaabeen in ay biyaha meel taag ah ka fuulaan ayaa weerar lagu bilaabay sidaas ayayna Jimcihii ku dileen askari Maraykan ah.

    Si madax bannaan looma xaqiijin karo in ay Al Shabaab ay wabiga weecisay.

    Dhawaan ayayse ahayd markii madaxweynaha Maraykanku uu ka tacsiyeeyay askarigaas oo lagu diley weerar ka dhacay meel u dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

    Isla weerarkaasna waxaa lagu dhaawacay askar Maraykan ah iyo kuwa Soomaali ah.

    Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qorey "Waan la murugoonayaa, waanan u duceynayaa qoysaska ay ka baxeen askariga lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Soomaaliya. Runtii waa geesiyiin".

    Askariga ayaa lagu dilay weerar looga shakinsayahay in ay geysteen dagaalameyaasha al-shabab ee koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha ciidammada Mareykanka.

    Afar kale oo ka tirsan ciidamada Mareykanka iyo askari soomaali ah ayaa sidoo kale lagu dhaawacay weerarkaas ayay intaasi ku dareen saraakiisha ciidamada difaaca ee mareykanka.

    Al Shabaab
  5. Soomaliya oo manhaj midaysan yeelatay 27 sano ka dib

    Dalka Soomaaliya ayaa manhaj midaysan yeeshay markii koobaad muddo 27 sano ah ka dib, sida uu ku soo warramayo weriyaha BBC ee magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan.

    Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay manhajka cusub.

    Manhaj ayaa loogu talagalay ardayda Fasalka koobaad ilaa afraad.

    Madooyinka manhajkan cusub ayaa ku bixi doona luuqadda Soomaaliga, marka laga reebo luuqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo maadada tarbiyadda oo iyada af Carabi lagu baran doono.

    Xafladii lagu daahfurayay waxaa ka qayb qaatay wasiirka waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Wasiirka ganacsiga Maxamad Cabdi Xayir Maareeye.

    Manhajkan waxaa kaalin ka gaystay Midawga Yurub.

    Manhaj
    Manhajka cusub ee Soomaaliya
  6. Talyaaniga oo xiray deked ay ku soo xiran jireen maraakiibta muhaajiriinta badbaadiya

    Markab kuwa dadka badbaadiya ah oo ay saaran yihiin 629 tahriibeyaal ah ayaa ku go’doonsan badda Mediterranean-ka, ka dib markii wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ee Talyaaniga uu diiday in uu bixiyo ruqsaddii uu ku soo shiraacan lahaa.

    Matteo Salvini oo hoggaamiya xisbiga garabka-foh ee League ayaa sheegay in ay tahay in Malta ay aqbasho dadkaas balse waydiiday.

    Malta waxay sheegtay in hay’adda Jarmalka ah ee SOS Méditerranée ay tahriibeyaasha ka soo qaaday biyaha Liibiya, taasina ay ka dhigan tahay in ay hoos imanayaan Talyaaniga.

    Talyaaniga ah marinka ugu way nee dadka ka talabaya Waqooyiga Afrika ee u socda Yurub.

    Tahriibeyaal
    Image caption: Tahriibeyaal
  7. Itoobiya oo Masar u ballan qaaday in aan biyaha laga carqaladaynaynin

    Ra’iisulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed ayaa ballan qaaday in biyo xireenka wayn ee uu dalkiisu ka dhisanayo wabiga Niil uusan carqaladayn doonon biyaha Masar gaara.

    Isaga oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ayuu Madaxweyne Cabdulfatax Al Sisi u sheegay in biyo xireenkaasi uusan carqaladayn doonin ku tiirsanaanta Masar ee biyaha wabigaas.

    Masar ayaa wabigaas ka hesha biyo la cabo, kuwo beero laga qoto iyo waliba kuwo warshado loo adeegsado.

    Sisi ayaa sheegay in labada masuul ay hadda ku dhaw yihiin in ay xal u helaan kala aragti duwanaantooda oo sababtay in uu dib u dhaco biyo xireenkaas oo billawday 2011kii.

    Wabiga Niil waxaa Itoobiya looga yaqaannaa Abaay.

    Saxafiyiintu waxay leeyihiin Masar ayaa ka shaqaysay in ay carqaladayso mashruuca biyo xireenkaas, laakiin booqashadii Axaddii ee Ra'iisulwasaare Abiy ayaa ka dhigan in ay macquul tahay in uu durba soo gabagaboobo biyo xireenkaas korontada laga dhalinayo oo noqon doona midka ugu wayn qaaradda Afrika.

    Abiy Axmed iyo Mursi
  8. Bilyan dheere Hindi ah bilyan lacag ah loo haysto oo Britain u baxsaday

    Bilyan dheere reer Hindiya ah oo lagu eedeeyay in uu mid ka mid ah bangiyada ugu waawayn ee dalkiisa ka lunsaday lacag ku dhaw labo bilyan oo doolar ayaa la sheegay in uu magangalyo waydiisanayo dalka Britain.

    Nirav Modi oo ka ganacsada waxyaabaha qaaliga ah ee lagu xaragoodo dhaymankana ka iibiya xiddigaha shirkadaha Aflaanta ee Hollywood iyo Bollywood ayaa lagu eedeeyay in uu bangiga qaran ee Punjab National Bank ka khayaanay 1.8 bilyan oo doolar.

    Nirav ayaa la la'aa meel uu jaan iyo cirib dhigay tan iyo bishii Feebaraayo. Laakiin wargayska Financial Times ayaa sheegay in masuuliyiinta UK iyo kuwa Hindiya ay u xaqiijiyeen in uu hadda ku sugan yahay dalka Britain.

    Booliiska Hindiya ayaa xiray saddex ruux oo kale oo lala xiriiriyay kiiskaas horraantii sannadkan.

    Nirav Modi oo dhanka midig xiga ayaa dhaymanka iyo waxyaabaha qaaliga ah ee lagu xaragoodo ka gada dadka caanka ah
    Image caption: Nirav Modi oo dhanka midig xiga ayaa dhaymanka iyo waxyaabaha qaaliga ah ee lagu xaragoodo ka gada dadka caanka ah
  9. Shan maalmood baa ka dhiman tartanka jiilka cusub ee dumarka gabya

    Shan maalmood oo kali ah ayaa ka dhiman qabashada araajida tartanka jiilka cusub ee dumarka gabya ee BBC News Somali.

    Madaxa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, Cabdullaahi Cabdi Sheekh ayaa yiri "Waxaan ku faraxsanahay in aan halkii kasii wadno abaalmarinta, taas oo markii koobaad la bilaabay sannadkii hore, iyadoo ay caddaatay in aad loo daneynayay, oo illaa 100 qof ay soo dirsadeen arjiyada ka qeybgalka tartanka, ujeedkuna ahaa in dhagaystayaasheena loogu soo bandhigo codad cusub iyo gabayo tayo leh. Hal abuurka dumarka Soomaaliyeed - haddii ay ahaan lahayd ciyaaro dhaqameedyada ama isticmaalka luuqada- ayaa ah arrin aad iyo aad loo bogaadiyo. Abaalmarinta BBC-da waxa ay soo bandhigeysaa dhaqanka gabayada ee dumarka ku hadla Afka Soomaaliga meel kasta oo ay joogaan, inaga oo siinayna fursad ay kusoo gudibiyaan kartidooda iyo hibooyinkooda"

    Lifaaqyadan hoose kaga bogo warbixintan oo dhamaystiran iyo mid kale oo la xiriirta.

    BBC News Somali waxay goobaysaa jiilka cusub ee dumarka gabya

    Shuruudaha Abaalmarinta Gabayga Da'yarta sannadka 2018 ee BBC Soomaali

    Gabadhii ku guulaysatay tartankii 2017kii
  10. Bakhaar guddi doorashado oo ku gubtay Ciraaq

    Dab ka kacay bakhaarka ugu wayn ee la dhigo waraaqaha codaynta doorashada Ciraaq ayaa la xakameeyay, iyadoo lagu baaqayo in dib loo tiriyo.

    Codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday deegaanka bari ee magaalada caasimadda ah ee Baqdaad ayaa lagu hayay bakhaarkaas.

    Saraakiishu waxay sheegeen in laga yaabo in waraaqaha coddayntu ay ku jireen bakhaarka gubtay balse intooda badan aysan waxba soo gaarin.

    Doorashadii baarlamaanka ee bishii hore waxaa ku guulaystay is bahaysi u hogaaminayo wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Sadr.

    Warbixintan oo faahfaahsan kaga bogo lifaaqan

    Muqtada Sadr
  11. Manhajka cusub ee dugsiyada hoose ee Soomaaliya

    Maanta waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo babdhigo manhaj cusub oo af Soomaali ah oo lagu dhigi doono dugsiyada hoose ee Soomaaliya.

    Wararka arrintan ku saabsan waxaad kaga bogan doontaan Onlineka iyo idaacadaheenna

    Sawir hore
    Image caption: Sawir hore
  12. Trump oo weeraray xulafada ugu dhaw Maraykanka

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Twitterro caro ka muuqato ku dhaliilay xulafada ugu dhaw Maraykanka, saacado uun ka dib markii uu ka tagay shirkii aadka loogu kala qaybsamay ee dalalka ugu dhaqaale badan adduunka ay ku yeesheen Canada.

    Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu bixiyo “ku dhawaad dhammaan kharashka ku baxa Nato” si uu gacan uga gaysto ilaalinta xulafadaas oo ku jisaara ganacsiga”.

    “Ganacsiga loo siman yahay waa in hadda loogu yeeraa ganacsiga doqomada,” ayuu intaas ku daray isaga oo ka jawaabaya canshuuraha dheeriga ah ee lagu hanjabay in lagu soo rogi doono badeecadaha Maraykanka.

    Ra’iisulwasaaraha Canada ayaa wacad ku maray in uu ficil aargoosi ah qaadi doono bisha soo socota isaga oo saari doona birta iyo naxaasta.

    Trump ayaa isaguna si khaas ah u weeraray Trudeau, isaga oo tilmaamay in ra’iisulwasaarah Canada uu yahay nin aan daacad ahayn oo nugul.

    Trump iyo Trudeau
  13. Post update

    Kulanti wanaagsan dhammaan akhyaarta halkan nagala xiriirtaay, kuna soo dhawaada tabinteenna tooska ah ee wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka, waa maalin Isniin ah tariikhduna tahay 11 bisha Juunyo 2018.