Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Trump iyo Kim ayaa kulan taariikhi ah ku yeeshay Singpore
  2. Waxay labda dhinac ka wada hadleen barnaamishka niukliyeerka Kuuriyada Waqooyi
  3. Waa kulankii ugu horreeyay ee dhexmara madaxweyne Mareykan ah iyo hogaamiye K/Waqooyi
  4. Trump: Kim wuu ogolyahay inuu nukliyeerkiisa baabiiyo

Tebin toos ah

time_stated_uk

Tabinta tooska ah maanta intaa ayaan ku soo gaba gabaynaynaa

Waad ku mahadsan tihiin daalacashadiinna. Mar walba kala socda wararkii u dambeeyey bbcsomali.com.

Maxkamadda ICC oo sii daysay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koongo

Garsooreyaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC ayaa amar ku bixiyey in xabsiga laga sii daayo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Jean-Pierre Bemba.

Xukunkii hore loogu riday ee ahaa in lagu helay dambiyo dagaal ayaa laga noqday todobaadkii hore.

Bemba waxa hore loogu xukumay sideed iyo toban sannadood oo xadhig ah 2016-kii, laakiin waxay garsooreyaashu go’aamiyeen in dambiyada ay ciidamadiisu ku galeen dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe aan isaga masuuliyadooda la saari karin.

Maxkamaddu waxay sheegtay in lagu sii dayn doonaa Belguim oo ah dalka uu deganyahay qoyskiisu.

Jean-Pierre Bemba.
AFP
Jean-Pierre Bemba.

Dugsi kale oo Kenya ku yaal oo loo xidhay eedo kufsi la xidhiidha

Dugsi sare oo kale oo ku yaalla Kenya ayaa la xidhay muddo aan cayinnayn ka dib markii boqolaal hablo arday ahi ay ka dareereen dugsiga iyaga oo ka gadoodsan macallin ay ku eedeeyeen in uu gabdhaha xodxodasho ula yimid.

Warbaahinta gudaha ayaa waxay ku warantay in, in ka badan 700 gabdhood oo ku jiray dugsiga sare ee hablaha ee Maasai Girls High School, oo ku yaal meel 110 Km dhanka koonfur galbeed ka xigta caasimadda Nairobi ay aroornimadii hore dugsiga ka dareereen.

Ardaydu waxa macalin dugsiga wax ka dhiga ku eedeeyeen in uu hablaha ardayda ah xodxodasho ku dayeyiyo in uu isku dayey in uu mid ka mid ah kufsado.

Isniintii shalay ayaa dugsi sare oo hablo keli ahi wax ka dhigtaan oo la yidhaa Moi Girls High School kuna yaal xarunta dalka dib loo furay muddo todobaad ah oo uu xidhnaa ka dib markii sida la sheegay gabadh ardayad ah lagu kufsady.

Fare Network: Sawirrada Salaax siyaasad baa loo adeegsaday

Gudoomiyaha urur u dooda ka hortagga takoorka ayaa sheegay in hogaamiyaha Chechnya, Ramazan Kadyrov, sawirro uu la galay xidigga reer Masar ee Maxamed Salaax u adeegsaday “dano siyaasadeed”.

Xulka Qaranka Masar ee ka qayb galaya tartanka Koobka Aduunka ee kubadda cagta ayaa waxa la dejiyey garoon ku yaalla Jamhuuriyadda Chechnya ee Ruushka ee dagaalada ba’ani halakeeyeen oo maamulka halkaa ka jira ee Kadyrov madaxda ka yahay lagu eedeeyo gabood fallo xuquuqda aadanaha ah.

Piara Power oo ah gudoomiyaha urukaas oo la yidhaa Fare Network ayaa yidhi Fifa “khalad weyn” bay gashay markii ay ogolaatay in Chechnya lagu daro goobaha ciyaartoydu degayaan.

Hase yeeshee waraysi uu sannadkii hore siiyey BBC-da ayuu Kadyrov gaashaanka ugu daruuray eedahaas. Waxaanu waagaa ku nuuxnuuxsaday in dhamaan wararka sheegaya in dad aan maxkamado la hor keenin la khaarajiyo iyo jidh dilkuba ay yihiin kuwo been ah “la falkiyey”.

Ramazan Kadyrov iyo Maxamed Salaax
AFP
Ramazan Kadyrov iyo Maxamed Salaax

Iran: Trump isaga oon noqon ba wuu ka bixi karaa heshiiska!

Dalal badan ayaa soo dhaweeyey heshiiska Singapore, hase yeeshee wadanka Iran ayaa qaba aragti taa ka duwan.

Saraakiisha Iran waxay markiiba digniigo u direen Kuuriyada Woqooyi oo ay uga digayaan in Trump heshiiskaa ka bixi karo intaanu kuba noqon Washington.

“Garan mayno nooca ay tahay shakhsiyadda qofka uu hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi wada xaajoodka la gelayaa” ayuu yidhi af-hayeenka dawladda Iran oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Irna.

Bishii hore ayaa Trump waxa uu sheegay in uu dalkiisu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iran lala galay sannadkii 2015-kii waxaanu ku tilmaamay in uu ahaa heshiis “sal iyo baarba kharriban”.

.
Getty Images
.

Sawir qurxsan naga qaada buu yidhi - Trump

Waxa warfidiyeenka iyo bulshada caadiga ahiba iskugu tabinayaan baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka, muuqaal kooban loo laga qaadayTrump markii ay miiskii qadada martiqaadka ahayd ee uu isagu ku casuumay diyaariyey Kim ay soo dul joogsadeen.

Muuqaalka ayaa waxa uu muujinayaa Trump oo sawir qaadayaasha la hadlaya oo ku leh waxaad naga qaadaan sawirro fiican oo muujinaya in aanu nahay “rag qurux badan, dhuudhuuban oo gole joogsi fiican”

View more on twitter

Trump: Kim wuu ogolyahay inuu nukliyeerkiisa baabiiyo

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Kim Jong-un go'aansaday in Kuuriyada Woqooyi nukliyeerka tirtirto oo loogu bedelo damaanad nabadgelyo.

Kulankii uu kula yeeshay Kim dalka Singapore ka dib ayaa Trump sheegay in hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi aqbalay in uu burburiyo "xarun wayn oo gantaalaha lagu tijaabiyo" taas bedelkeedana uu Maraykanku soo af-jaro "baalaxooftadii dagaal" ee uu ku hayey Kuuriyada Woqooyi, taas oo ahayd mid lagu tilmaamay in ay ahayd daandaansi khasaare dhalin kar.

Laakiin Trump waxa uu sheegay in ciidamada Maraykanku sii joogi doonaan Kuuriyada Koonfureed intii muddo ah. Waxaanu sheegay in sidoo kale cunoqabataynihii saarraa Pyongyang sidoodii ahaan doonaan, laakiin la qaadi doono marka Kim fuliyo ballanka uu qaaday.

Trump iyo Kim
Reuters
Trump iyo Kim

Daawo salaanta taariikhiga ah

Mar sii horreysay Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii u horreeyay ee Maraykan ah ee isaga oo xil haya la kulma hogaamiye dalka Kuuriyada Waqooyi,

arrintan ayaa imanaysa ka dib markii uu kulan la qaatay Kim Jong-un, waana mid aan horray loo filaynin ka dib sannad ay isu goodiyayeen

Halkan ka daawo muuqaalka kulankooda.

Daawo heshiiska taariikhiga ee Trump iyo Kim

Heshiiska Trump iyo Kim

Reuters
Reuters

Madaxweyne Trump wuxuu yiri "Waxaan filaya in labada dhinac ay ku farxi doonaan natiijada kulanka" Kulanka kaddib hoggaamiyeyaasha waxay kala saxiixdeen dokumenti ku baaqayay in labda dal ay billowdaan xiriir cusub. Kulanka Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa noqday kii ugu horreeyay ay abid qaataan madaxweyne Mareykan ah iyo hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi ah.

Faahfaahinta waxyaabaha ay ku heshiiyeen labada hogaamiye halkan kaga bogo

Kim: Dunidu isbadel wayn ayay arki doontaa

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jung-un ayaa dalkiisa dib ugu laabtay markii uu la kulmay Donald Trump.

Donald Trump kaligii ayaa qabtay shirka jaraa'id, balse Kim intuusan bixin ka hor ayuu sheegay in ''Dunidu ay arki doonto isbadel wayn''

bbc
BBC

“Marabo in aan hanjabo”

Donald Trump ayaa sheegay in uusan rabin “in uu u hanjabo” Kuuriyada Waqooyi markii ay wada hadlayeen Kim.

Wuxuu sheegay in dagaal lala galo Kuuriyada Waqooyi ay horseedi karto in ay dhintaan tobannaan milyan oo dad ah oo ku nool Kuuriyada Koonfureed, sababtuna ay tahay in magaalada caasimadda ah ee Seoul ay ku taallo meel u dhaw xadka Kuuriyada Waqooyi.

Waxaa la waydiiyay sababta uu horay ugu hanjabay “dabka iyo holaca” wuxuuna sheegay in luuqaddii ugu wanaagsanayd ay ahayd wakhtigaas iyada ah.

Waan joojin doonaa dhoolatusyada K/koonfureed aan la sameyn jirnay

Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisa uu joojin doono dhoolatusyada milatari ee ay sida wadajirka ah u sameeyaan K/Koonfureed.

Wuxuu sheegay inay yihiin kuwa qaali ah. Wuxuu sheegay in K/Waqooyi ay u arkaan dhoolatusyadaasi kuwa daandaansi ah

Trump: Cunaqabatayntu hadda way jirtaa

Madaxweyne Trump ayaa sheegay "in durba la qaadi doono cunaqabataynta Kuuriyida Waqooyi saaran, marka ay hubiyaan in nukliyeer uu meesha ka baxay.”

“Runtii waxaan doonayaa in laga qaado cunaqabataynta,” balse ay tahay marka uu ku kalsoonaado in nukliyeerkii meesha laga saaray.

Trump: Askarta Maraykanka ah waa la soo daynayaa

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Kim Jong-un uu ogolaaday in dalkooda loo soo celiyo askarta Maraykanka ah ee ku sugan Kuuriyada Waqooyi.

“Maanta ayaan waydiistay waana isla meel dhignay.”

Trump: Arrimaha xuquuqda aadanaha waa laga hadlay

Trump: Arrimaha xuquuqda aadanaha waa laga hadlay

Mar la weydiiyay inuu Mr Kim ku soo hadal qaaday arrimaha xuquuqul insaanka ayaa Mr Trump wuxuu yiri " xoogaa waan isku soo hadal qaadnay".

War deg deg ahTrump: Kuuriyada Waqooyi waxay burburineysa xarunta ganatallada

Trump ayaa yiri Kim " wuxuu oggolaaday burburinta xarun weyn oo ay u yaalaan gantaalada".

Faahfaahintan laguma qorin heshiiska maadama buu yiri '' ay arrintan ku heshiiyeen ka dib markii ay saxiixeen heshiiska''

Trump oo ammaanay Kim

Trump ayaa sheegay “in ay macquul yahay in isbadal dhab dhaco”.

“Kulankii aan la qaatay hogaamiye Kim wuxuu ahaa mid daacadnimo ah, toos ah, oo midho dhalay” ayuu yiri.

'Qof kasta dagaal wuu abuuri karaa balse geesiyaasha ayaa nabadda qaadan og'

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay fududahay inuu qof kasta dagaal abuuro balse dadka geesiyaasha ah ay nabadda qaataan. Wuxuuna ammaan u soo jeediyay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi

Trump: Kulan wax ku ool ah ayuu ahaa

Madaxweynaha Marykanka Donald Trump ayaa kulanka uu la qaatay Kim Jung-un ku tilmaamay mid wax ku ool ah.

Waxa uu hadda ka hadlayaa shir jaraa'id oo ku qabtay jasiiradda uu maanta kula kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi

Trump oo muujiyay in uu ku faraxsan yahay sida shirku u dhacay

Haddii aad u baahan tahay in aad xaqiijiso sida uu Trump ugu faraxsan yahay kulankii uu la qaatay Kim Jong-un, hadda ayuu Twitter-ka soo galiyay muuqaal muujinaya markii uu la kulmayay Kim John oo muusik dhiirigalin ah lagu ladhay.

Trump oo lagu wado in uu mar dhaw hadlo

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in uu mardhaw hadlo.

COMING UP: President Trump Participates in a Media Availability youtu.be/6ePrvsIk_BA #SingaporeSummit

COMING UP: President Trump Participates in a Media Availability youtu.be/6ePrvsIk_BA #SingaporeSummit

Sawirkan waxaa ka muuqda qaar ka mid ah cuntooyinkii lagu sooray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Qaar ka mid ah cuntadii lagu casuumay Trump iyo Kim
WHITEWISH
Qaar ka mid ah cuntadii lagu casuumay Trump iyo Kim

Ammaan ka timid Shiinaha

Dawladda Shiinaha ayaa ammaantay shirka u dhaxeeya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, iyada oo ku tilmaantay arrin taariikhi ah.

Xaqiiqada ah in labada hogaamiye “ay is horfariisan karaan ayna wadahadal siman yeelan karaan ayaa leh ahmiyad isla markaasna hor u socodnimo ah” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi.

Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Beijing ay ku baaqayso in si dhamaystiran gacanka Kuuriya looga tirtiro hubka nukliyeerka ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi
AFP
Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi

Yaa xilka haya marka uu Kim dalka ka maqan yahay?

Iyadoo indha caalamku ay hayaan shirka ay yeelanayaan Trump iyo Kim, haddana wax badan lagama oga cidda Kuuriyada Waqooyi ka talisa marka uu dalka ka maqan yahay hogaamiyaha dalkaas Kim Jong-un, sida ay sheegayaan saxafiyiinta qaybta warqabadka ee BBC.

Kim ayaa ka dagay Singapore 10kii bisha Juunyo isaga oo ay weheliyaan walaashii Kim Yo-jong oo aad u saamayn badan iyo ninka gacantiisa midig ah ee Kim Yong-chol.

Balse arrinta kale ee muhiimka ah ayaa ah in uu ka soo tagay Kim Yong-nam oo ah hogaamiye maamuuseed sagaashan jir ah iyo Choe Ryong-hae oo xubin sare ka ah Pyongyang kaas oo ay u badan tahay in uu xilka sii hayo.

Kim Jong-un
BBC
Kim Jong-un

Miyay isla soo qaadeen arrimaha xuquuqda aadanaha?

Waxay u badan tahay in aysan isla soo qaadin, waxaa la waydiiyay in ay ka wada hadleen Otto Warmbier, balse kama aysan jawaabin.

Otto Warmbier oo ahaa arday Maraykan ah ayaa Kuuriyada Waqooyi lagu xiray 2016kii, waxaana halkaas lagu hayay bilooyin, wuxuu dhintay wax yar uun ka dib markii Maraykanka lagu soo celiyay sannadkii 2017kii isaga oo miyir daboolan.

Lifaaqan kaga bogo warbixin aan horay uga qornay Otto Warmbier

Ardaygii Maraykanka ahaa ee dhintay
EPA
Ardaygii Maraykanka ahaa ee dhintay

Maxay ku heshiiyeen?

Weriyaha BBC-da Laura Bicker ayaa sheegtay in labada hogaamiye ay ku heshiiyeen:

  1. In Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay yagleeshaan xiriir cusub si waafaqsan rabitaanka shacabka labada dal si nabad iyo barwaaqana loo gaaro.
  2. Im Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay iska kaashadaan dadaallada nabad waarto looga dhalinayo gacanka Kuuriyada.
  3. Si waafaqsan bayaankii Panmunjom April 27 2018, in K/Waqooyi ay ka shaqeysaa sida gacanka looga dhigi lahaa mid ka caagan niyukliyeer.
  4. Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi inay iska kaashadaan baadigoobka maxaabiista dagaal ee aan war laga haynin iyo sidii si deg deg ah loogu soo wareejin lahaa kuwa la ogyahay ee hadda gacanta ugu jira K/Waqooyi

Trump oo shir jaraa'id qaban doono

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu warbaahinta kula hadlo jasiiradda Sentosa ee uu kula kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jung-un.

Wuxuu shirkaasi jaraa'id ka dhici doonaa hoteelka Capella oo ay labada hogaamiye ku saxiixeen heshiiska.

Trump iyo Kim oo qaatay kulan taariikhi ah

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeayay ee mareykanka oo isagoo xil haya la kulmo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Arrintaas ayaana lagu tilmaamay mid aan horray loo filaynin ka dib sannad ay isu goodiyayeen.

Labada masuul ayaa isku salaamay huteel qaali ah oo ku yaalla jasiiradda Sentosa ka hor intii aysan wada hadalka billaabin.

Trump ayaa sheegay "in horrumar badan la sameeyay" wuxuuna sheegay in uu dhawaan ka qayb gali doono xalfadda kala saxiixashada ee Kim.

BBC
Reuters