Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

Tababaraha Masar: Saalax berri wuu cayaari doonaa

Tababaraha Masar wuxuu Rajaynayaa in Saalax uu safan doono
Reuters
Tababaraha Masar wuxuu Rajaynayaa in Saalax uu safan doono

Macallinka kooxda Kubadda cagta ee Masar, Hector Cuper, wuxuu sheegay in cayaartoyga Maxamed Saalax uu berri cayaari doono, ciyaarta ay la yeelan doonaan kooxda Ruushka, haddii uu ka gudbo baaritaanka caafimaad.

“Saalax hadda waa soo kabsaday. Waxaan rajaynayaa inuu awoodi doono inuu cayaaro. Cayaartii hore diyaar buu ahaa, laakin baaritaankii kama damabaysta ahaa ayuu sugayey inuu maro” ayuu yiri Cuper.

Maxamed Saalax ayaa garabka ka dhaawacmay, cayaartii kama dambaysta ahayd ee kooxdiisa Liverpool ay la yeelatay Real Madrid, ee loogu taratamayey koobka horyaallada Yurub.

Jimcihii ayaa Masar waxaa ciyaartii 1aad ee koobka adduunka 1-0 uga badiyey kooxda Uruguay.

Rajadooda ah inay tartanka ku sii jiraan ayey cayaarta berri ku xiran tahay.

Abiy Axmed oo baarlamaanka uga warramay heshiiska Eritrea iyo arrimo kale

Abiy Ahmed wuxuu soo bandhigay isbeddello tan iyo markii uu talada qabtay bishii Maarso
AFP
Abiy Ahmed wuxuu soo bandhigay isbeddello tan iyo markii uu talada qabtay bishii Maarso

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa difaacay go’aanka ay xukuumadiisa ku soo afjarayso muranka soohdinta ee kala dhaxeeya Eritrea, isagoo sheegay in loo baahnaa in mar hore lagu dhaqaaqo.

Khudbad TVga laga sii daayey oo uu u jeediyey Baarlamaanka, ayuu Abiy Axmed ku sheegay in heshiiskii sannadkii 2000 lagu gaaray Algiers oo si buuxda loo dhaqan galiyo ay ku jirto danta labada dal oo uu dhex maray dagaal tobanaan kun oo qof ay ku dhinteen intii u dhaxaysay 1998-2000.

Horraantii todobaadkan ayaa waxaa jiray banaanbaxyo ka sii socday magaalooyin ku yaalla waqooyiga dalka, kuwaasoo ay dadku ku dalbanayeen in xukuumaddu aysan "dhul u gacan gelin Eritrea".

Wuxuu kaloo sheegay in shirkadaha qaarkood oo laga dhigayo kuwo gaar loo leeyahay ay muhiim u tahay casriyeynta dhaqaalaha dalka, oo ah mid ka mid ah kuwa qaaradda ee kobocooda uu sida xawliga leh u socdo.

Wuxuu ka jawaabayey tiro su’aalo ah oo ay weydiinayeen xildhibaannada, qaarkoodna waxaa ka mid ahaa sii deynta kumanaan maxbuus, iyo dagaallada qabaa’ilka ee ka dhacay qaybo dalka ka mid ah oo galaaftay nolosha tobanaan qof.

Suuriya oo Maraykanka ku eedeysay inuu duqayn gaystay

Xoogagga ay xukuumadda taageerto ayaa dib u qabsaday Albu Kamal bishii Nofembar
AFP
Xoogagga ay xukuumadda taageerto ayaa dib u qabsaday Albu Kamal bishii Nofembar

Warbaahinta dawladda Suuriya ayaa sheegtay in dayaaradaha xulafada uu Maraykanku hogaamiyo ay garaaceen xoogagga dhinaca xukuumadda u janjeera, meel u dhow xuduudda waddanka Ciraaq, Axaddii, halkaasoo ay tiro dad ah ku dhinteen.

Ilo xagga milateriga ah ayaa laga soo xigtay inay sheegeen in duqayn lala helay fariisin u dhow Albu Kamal oo ka tirsan gobolka Deir-al-Zur.

Koox dusha kala socota arrimaha Suuriya ayaa iyadana sheegtay in dayaaraduhu ay garaaceen xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee Lubnaan, laakinse afhayeen u hadlay xulafada ayaa arrintaas beeniyey.

Xoogagga dhanka dawladda u janjeera ee ay taageeraan Ruushka iyo Iiraan waxay sheegeen in koox Kurdiyiin ah oo Maraykanku taageero iyo dagaalyahanno Carab ah ay labadaba dagaal kala hor jeedaan kooxda dawladda Islaamiga (IS).

Labada dhinac ayaa inta badan iska ilaaliya in uu dagaal dhex maro, laakinse bilihii u dambeeyey ayaa waxaa dhacay ugu yaraan laba shil oo aad u daran.

Ninkii “caarada ahaa” ee Mali oo madaxweynaha dalkaas la kulmaya

Ninkii u dhashay Mali ee sida la yaabka leh u badbaadiyey ilmo yar oo ka soo laadlaaday daaqadda guri ku yaalla Paris ayaa lagu wadaa inuu la kulmo galinka dambe ee maanta madaxweynaha Mali Ibrahim Boubacar Keïta.

Mamadou Gassamam, oo loo bixiyey “ninkii caarada ahaa”, taasoo uu ku mutaystay dadaalkii uu ilmaha yar ku samata bixiyey, ayaa goor sii horraysay ku laabatay Mali, waxaana loo soo dhoweeyey sidii geesi oo kale.

Mamadou Gassamam wuxuu badbaadiyey ilmo yar oo soo dhici lahaa
BBC
Mamadou Gassamam wuxuu badbaadiyey ilmo yar oo soo dhici lahaa

Waxaa la filayaa inuu ku laabto dalka Faransiiska, oo uu heshiis shaqo la saxiixdo waaxda dab damiska, 28ka Juun.

Mr Gassamam, oo ahaa muhaajir sharci darro ku galay Faransiiska, ayaa waxaa la siiyey jinsiyadda dalkaas, iyo shaqo u ka helay waaxda dab damiska, ka dib markii uu amaan ku mutaystay sidii uu u fuulay guri afar dabaq ka kooban bishii hore, si uu u badbaadiyo ilmo yar oo afar jir ah.

Wixii wakhtigaas ka dambeeyey, indhaha caalamka ayuu soo jiitay, ka dib markii uu baraha bulshada aad ugu faafay fiidiyow muujinaya isagoo ilmaha yar si yaab leh u badbaadinaya.

Qodobbada aad ku maqli doontaan Idaacadda Duhurnimo

Idaacadda Duhurnimo oo uu soo jeedinayo Cabdifataax Ibraahim Cagayare waxyaabaha aad ku maqli doontaan waxaa ka mid ah:

Soomaaliya oo gaashaanka u daruurtay inuu jiro wax heshiis ah oo ay Itoobiya kula gashay inay hal dal ku midoobaan, iskaashi dhaqaalase uu jiri doono.

Xubin sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada Spain oo xabsiga loo dhigay musuq maasuq.

Iyo Magaalada Burco oo albaabda u laabtay makhaayado shaaha laga cabi jiray.

Cagayare
BBC

Abiy Axmed "Itoobiya iyo Soomaaliya way midoobayaan"

Ra'isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo ka hadlayay safarkii uu ku tagay Muqdisho iyo heshiiskii uu la gaaray madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in mustaqbalka la mideynayo labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

"Ujeeddada ugu weyn ee wada hadallada ayaa waxay ahayd ilaa iyo goormaan taariikh ka sheekeyneynaa oo aan leennahay hebel hebel ayuu dilay oo aan sheekadaasi jiilal badan kaga hor istaageynaa iney hormar gaarin, oohinta soo naguma filno, korneel Mengistu iyo Siyaad Barre ayaa waxaa iyo waxaa sameeyey intaan ka sheekeyn lahayn oo aan labadan shacab oo walaalaha ah kala geyn lahayn, labada shacab tilaabba aan ku kulmineyno, aan isugu soo dhaweyneyno oo aan isdhexgal (integration) iyo midnima dhab ahba sidi aan isugu keeni lahayn waddo noocaasi soo ma abuuri karno ayaan guud ahaan ka wada hadalnay" ayuu yiri Dr Abiy Axmed.

Dr Abiy oo sii hadlayay ayaa sidoo kale yiri " waxaan ku heshiinnay wadahadalladi na dhexmaray arrima raja badan na geliyey weeyaan, si ku meel gaar ah inaan iskaashi dhaqaale oo dhammeystiran aan yeelanno, mustaqbalkana annaga oo shacabka mideyneyno inaa hal dal oo dhammeystiran aan iisu beddelno. In dekad la kireeyo ama inaan annaguna bun halkaa ka dirno oo keli ah iyadoo aysan ahayn kheyraadka baahsan ee gobolka ka jiro iyo kheyraadka shacab ee ka jiraba in la iisu geeyo waxaa lagu abuuri karaa gobol dakada badan leh, kheyraad badan leh, shacab tira bandanna leh oo suuq weyna noqda".

Warbixintan oo dhamaystiran lifaaqan kaga bogo.

Madaxweyne Farmaajo oo Dr Abiy kusoo dhaweynaya Muqdisho
MADAXTOOYADA SOOMAALIYA
Madaxweyne Farmaajo oo Dr Abiy kusoo dhaweynaya Muqdisho

Turkiga oo murashax xiran u ogolaaday in uu telefeshinka khudbad ka jeedo

Siyaasi caan ka ah Kurdiyiinta madaxweynenimo ugu sharaxan dalka Turkiga ayaa khudbad telefeshin laga sii daayay oo ol'olaha doorashada ku saabsan ka jeeediyay xabsiga gudahiisa, kahor doorashada toddobaadka soo socda la qabanayo.

Selahattin Demirtas ayaa cambaareeyay xukuumadda Recep Tayyip Erdowan oo uu ku tilmaamay mid dadka caburisa.

Demirtas oo xirnaa tan iyo dhammaadkii 2016kii ayaa ku eedaysan in uu xiriir la leeyahay malayshiyada Kurdiyiinta ah oo la mamnuucay.

Sharciga doorashada ee Turkiga ayaa ogol in uu dadka khudbad u jeedin karo isaga oo xiran.

Dad badan ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaalla Istanbul oo la dhigay dhalo wayn oo khudbaddiisa laga baahinayay.

Waxaa arrintaas soo abaabulay xisbigiisa People's Democratic Party.

Warbaahinta dawladda ayaa lagu dhaliilay in ay si buuxda u baahisay khudbadii madaxweyne Erdogan, isla markaasna ay iska indho tirayso khudbadaha murashaxiinta kale.

Sawir hore
Reuters

Gaari lagu weeraray bandhig faneed Netherlands lagu qabtay

Gaari ayaa lagu dhuftay afar ruux oo ka qaybgalayay bandhig faneed lagu qabtay Netherlands saacadihii hore ee Isniinta, hal ruux ayaa lagu dilay saddex kalana dhaawac ayaa soo gaaray, ka dibna gaarigii ayaa lala baxsaday, sida ay booliisku sheegeen.

Darawalka iyo gaariga oo warbaahintu ay ku tilmaantay gaari yar oo cad ama bas yar ayay booliisku baadigoobayaan.

Arrintan ayaa ka dhacday Landgraaf oo dhacda koonfurta dalkaas, halkaas oo ay ka socotay bandhig faneedka Pinkpop.

Ma cadda in ay arrintaasi shil caadi ah ahayd iyo in dadka si ula kac ah loo mariyay.

Booliiska dalka Belgium ayaa ku biiray baaritaanka lagu hayo gaariga noociisa lagu sheegay Fiat Doblo oo ay ku rakibnayd taarikada dalka Netherlands, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah.

Bandhig faneed
EPA

Laura Bush oo maamulka Trump dhaliishay

Laura Bush oo horay u soo noqotay marwada koobaad ee Maraykanka ayaa aad u weerartay siyaadda maamulka Trump ee ku aadan soo galootiga looga shakisan yahay in ay si sharcidarro ah uga soo tallaabeen xadka Mexico.

Qoraal ay ku daabacday wargayska Washington Post ayay ku cambaaraysay kala qaybinta carruurta iyo waalidkood waxayna ku tilmaantay arrin qaabdaran oo arxan darro ah.

Xaaska madaxweynaha Maraykanka Melania Trump ayaa iyadana arrintan ka hadashay.

Lifaaqan kaga bogo warbixintan oo intan ka faahfaahsan

Laura Bush bidix iyo Melania Trump ayaa ka hadlay sida aysan ugu qanacsanayn siyaasadda carruurta soo galootiga ah
REUTERS/GETTY IMAGES
Laura Bush bidix iyo Melania Trump ayaa ka hadlay sida aysan ugu qanacsanayn siyaasadda carruurta soo galootiga ah

Colombia oo dooratay nin isbadalka ka soo horjeeda

Madaxweynaha la doortay ee dalka Colombia Ivan Duque, ayaa taageerayaashiisa u sheegay in uu doonayo in isbadal lagu sameeyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabada ee labo sano ka hor lala galay Jabhadda FARC.

Balse khudbaddiisii guusha ee uu ka jeediyay magaalada caasimadda ah ayuu kaga dhawaaqay in uu dalka midayn doono, ka dib ol'ole doorasho oo dadka aad u kala qaybiyay.

Ivan ayaa ku guulaystay 54% codadkii la dhiibtay, isaga oo ka guulaystayGustavo Petro oo siyaasaddiisu garabka bidix tahay oo ay is hayeen.

Iván Duque
AFP

Israa'iil oo dambi ka dhigtay in muuqaal laga duubo askarta

Golaha wasiirada ee Israa'iill ayaa taageeray qaraar dembi ka dhigaya in muuqaal ama sawir laga duubo ciidammada Israa'iil marka ay ku jiraan xaaladaha qaar.

Sharcigan wuxuu ku baaqaya in la xiro qof allaale qofkii muuqaal ka duubo ciidammada, oo ay ku tilmaameen inuu dhaawacayo mooraalka ciidammada.

Dr Tehilla Shwartz oo katirsan machadka dimuqraadiyadda ee Israa'iil ayaa sheegay inay wax ka khaldanyihiin sharcigaas.

Sharciga ayaa ku baaqaya in la xiro dadka muuqaalada ka duuba askarta Israa'iil kuwaasi oo ay ku sheegeen inay ujeedadu tahay in la waxyeeleeyo damiirka askarta.

Askarta Israa'iil
Reuters
Askarta Israa'iil

Itoobiya: "Soomaaliya waxaan isku afgaranay in aan midawno"

Muran ballaaran ayaa ka dhashay hadal uu jeediyay Ra'iisulwasaaraha Itoobiya kaas oo ahaa in ay dawladda Soomaaliya isku af garteen sidii ay hal dal u samaysan lahaayeen.

Ra'iisulwasaaraha ayaa hadalkaas sheegay markii uu dalkiisa dib ugu laabtay ka dib booqashadii galinka ahayd ee uu ku tagay magaalada Muqdisho.

Haddaba si aan wax badan uga ogaano arrintaas waxaan la xiriirnay dawladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay wixii lagu heshiiyay.

Lifaaqan kaga bogo warbixinno dhinacyo badan oo aan arrintaas ka samaynay

Abiy Axmed
.

Taliban oo diiday in ay sii waddo xabbad joojinta

Xabbad joojin saddex maalmood socotay oo aad loogu riyaaqay una dhaxaysay laamaha ammaanka ee Afghanistan iyo Talibanka dalkaas ayaa u muuqata in ay dhammaatay.

Taliban ayaa sheegtay in ay ammartay in malayshiyadoodu ay hubka qaataan Axadda maadaama oo ay dhammaatay damaashaadkii ciidda.

Dawladda ayaase sheegtay in ay iskeed usii wadi doonto xabbadjoojinta toban maalmood oo kale ah, inkastoo laamaha ammaanka ay is difaaci karaan haddii la soo weeraro.

Waxaa soo baxay muuqaalo aan la filaynin oo muujinaya ciidammada dawladda iyo askarta Taliban oo isa salaamaya xabadkana xabadka isu saaraya intii lagu gudo jiray xabbad joojinta.

Laakiin xabbad joojinta ayaa ku guuldarraysatay in collaadda oo dhan hakiso.

Taliban
Reuters

Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah ee maanta oo Isniin ah aan idinkula wadaagayno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.