Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Wiil loo qabtay qarax ka dhacay magaalada London

    Wiil 23 jir ah ayaa la xiray ka dib markii uu qarax ka dhacay khad tareen oo dhulka hoostiisa mara kaas oo ay ku dhaawacmeen shan ruux.

    Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in ay holac arkeen waxna u soo ureen iyaga oo ku sugan albaabka boosteejada Southgate Underground ee ku yaalla Enfield fiidnimadii Talaadada.

    Booliiska ayaa rumaysan in qaraxu uu ka dhashay baytari.

    Wiilka la xiray ayaa looga shakisan yahay in uu sameeyay ficil uu ku doonayay in uu dad iyo hanti ku dhibaateeyo.

    KHAD TAREEN
    Booliis
  2. Dhinacyada Suudaanta Koonfureed isku haya oo wada hadlaya

    Labada nin ee xuddunta u ah dagaalka Suudaanta Koonfureed ayaa qaban doona kulankii u horreeyay ee waji ka waji ah muddo labo sano ah, waana isku day lagu doonayo in colaadda lagu joojiyo.

    Taliyaha jabhadda Suudaanta Koonfureed Riek Machar ayaa u duulay magaalad Addis Ababa isaga oo Koonfur Afrika ka baxay, halkaas oo uu xabsi guri kaga jiray.

    Wuxuu la kulmi doonaa Salva Kiir oo ay wakhti dheer is hayeen.

    Tobannaan kun oo ruux ayaa ka cararay colaadaha ka jira Suudaanta Koonfureed kuna nool xeryo qaxooti oo dalalka dariska ah ku yaalla, taas oo ay ka mid tahay Itoobiya.

    Iskudayo hore oo lagu doonayay in lagu soo af jaro colaadda ayaa fashilmay.

    Koonfurta Suudaan
  3. Xildhibaan lagu dilay Koonfur Afrika

    Sibusiso Radebe oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga ANC ee talada dalka Koonfur Afrika haya ayaa lagu dilay toogasho loo malaynayo in ay ka dambaysay budhcad.

    Madaxa iyo lugta ayaa laga toogtay ka dib markii qofka laga shakisan yahay uu ka dalbaday in uu ku soo wareejiyo taleefankiisa gacanta, sida uu warbaahinta Mpumalanga News u sheegay qof ka mid ah qoyska xildhibaanka.

    Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Roodepoort ee ku taalla Koonfur Afrika.

    Saxafi deegaanka ah ayaa sidoo kale Twitter-ka ku soo qoray dhacdadan.

    View more on twitter
  4. Israa’iil oo weerarro ka fulisay Qaza

    Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa weeraray goobo ay Qazo ku leeyihiin malayshiyo ka dib markii ay falastiiniyiintu gantaallo ku soo tuureen deegaannada Israa’iil, sida uu sheegay milatariga Israa’iil.

    Milatarigu wuxuu sheegay in la duqeeyay 25 goobood oo lala xiriiriyay dhaqdhaqaaqa Xamaas, arrintaas oo jawaab u ahayd 45 gantaallo iyo hoobiyeyaal isugu jira oo lagu soo ganay.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhaawac sahlan uu soo gaaray labo ka mid ah laamaha ammaanka ee Xamaas, lama soo sheegin cid ku dhaawacantay dhanka Israa’iil.

    Weerarradan ayaa dabo socday toddobaadyo ay iska hor imaadyo ka jireen xuduudda Qaza.

    In kabadan 120 Falastiiniyiin ah ayay dileen ciidammada Israa’iil, kumannaan kale ayaana ku dhaawacmay tan iyo markii ay billawdeen mudaaharaadyadu soddonkii bishii Maarso, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta.

    Weerar
  5. Baadari lacag ugu deeqay Muslimiin masaajid dhisanaysa

    Badari u dhashay dalka Nigeria ayaa hal milyan oo Naira oo dhiganta 2800 doolar ugu deeqay bulsho muslimiinta ah oo ku dhaqan dalka Nigeria.

    Baadarigan oo sidoo kale ah siyaasi ayaa lacagatani ugu talagalay in lagu dhamaystiro masaajidka Calabar oo ku yaalla degmo dhacda koonfurta dalka Nigeria.

    Baadarigan oo lagu magacaabo Essien Ayi ayaa sheegay in uu tallaabadan uga golleeyahay sare u qaadidda xiriiirka Muslimiinta iyo kiristaanka halkaasi ku wada nool.

    Imaamka iyo guddiga masaajidka ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu baadarigan lacagta ugu deeqay dhisitaanka masaajidka.

    Sawir hore
    Image caption: Sawir hore
  6. Xulka qaranka Masar oo gabi ka laalaada

    Xulka qaranka Ruushka ayaa ku guulaystay ciyaartii labaad ee tartanka Koobka Adduunka, taas oo u suurto galinaysa dalkan marti gelinaya tartanku in uu usii dhawaado ka mid noqoshada xulalka usoo baxaya wareegga 16-ka.

    Guushii uu saddex iyo halka kaga adkaaday xulka Masar ayaa shacabka ku daawanayey ciyaarta garoonka Saint Petersburg iyo dalka oo dhami aad ugu dabaal degeen.

    Ruushka ayaa soo baxaya, halka Masarna ay harayso haddii Sacuudiga uu galabta ka badin waayo Uruguay.

    Faahfaahinta iyo kooxaha maanta ciyaaraya lifaaqan kaga bogo

    Masar
  7. Eritrea oo ergo u diraysa dalka Itoobiya

    Dawladda Eritrea ayaa ergo u diraysa dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya si ay u billaabaan wadahadalladii lagu dhaqan galin lahaa heshiiskii nabadda ee soo afjaray colaaddii xadka ee labada dal dhexmartay.

    Bishan horraanteedii ayuu xisbiga wadaaga ah ee Talada Itoobiya haya sheegay in uu si buuxda u aqbalayo go’aamadii ka soo baxay guddigii xadaynta ee 2002dii, kaas oo ahaa in Eritrea ay leedahay dhulka lagu muransan yahay.

    Tobannaan kun oo ruux ayaa ku nafwaayay dagaalkii dhacay intii u dhaxaysay 1998dii ilaa 2000.

    Eritrea ayaa Itoobiya ka xorawday 1993dii ka dib afti la qaaday.

    View more on twitter
  8. Maraykanka oo dhaleecayn dusha lagaga tuuray

    Waxaa aad loo cambaareeyay in dalka Maraykanka uu isaga baxay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, isaga oo ku eedeeyay dhexdhexaadnimo la'aan iyo munaafaqad.

    Balse Madaxa xuquuda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aysan ahayn wakhtigii uu Maraykanku dib u guran lahaa.

    Midawga Yurub ayaa sheegay in Maraykanku uu wax u dhimayo haldoornimadiisii ilaalinta xuquuqda aadanaha.

    View more on twitter

    Laakiin Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa durba taageeray go’aankaas, isaga oo dalka Maraykanka ku ammaanay “in uu go’aan dhiirani ah qaatay”. Twitter-ro uu arrintaas uga hadlayo ayuuna baahiyay.

    View more on twitter
  9. Maraykanka oo isaga huleelay gollaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay

    Maraykanka ayaa isaga baxay Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo ku tilmaamay "mid aan dhexdhexaad ahayn".

    Golahan "munaafaqa ah ee danahiisa uun eegta xuquuqda aadanaha ayuu ku jeesjeesaa", ayay tiri Nikki Haley oo ah safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay.

    Haley, ayaa sannadkii hore ku eedaysay Golaha "inuu si caado noqotay Israa'iil uga eexdo" waxay sheegtay wakhtigaas in Maraykanku ka fiirsanayo xubinnimadiisa golahaas.

    Warbixintan oo intan ka faahfaahsan kaga bogo lifaaqan

    Nikki Haley
  10. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinteenna tooska ah. waa maalin Talaado ah oo ay taariikhdu tahay 20Juunyo 2018ka.