Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga oo gaaray Libya
  2. Xiisad ka taagan gobol ku yaalla Nigeria
  3. Erdogan oo mar labaad lasoo doortay
  4. Mareykanka oo baarayaal u diraya Itoobiya
  5. Nin gowrici jiray bisadaha oo lagu qabtay magaalo ku taalla Kenya

Tebin toos ah

time_stated_uk

Dad ay madax ku jiraan oo la hor keenay maxkamad Itoobiya ku taalla

Waddanka Itoobiya ayaa 26 qof oo uu ku jiro ku xigeenka taliyaha booliska ee Addis Ababa waxaa la hor keenay maxkamad, ayadoo lala xiriirinayo weerar ka dhacay Sabtidii banaanbax magaalada lagu qabtay.

Warbaahin dawladda u dhow ayaa sheegtay in dadkaas qaarkood looga shakiyey inay bam-gacmeed ku tuureen banaanbaxa, in yar ka dib markii uu ra'iisul wasaaraaha waddankaas, Abiy Ahmed, uu dhameeyey khudbad uu halkaa ka jeedinayey.

Qaar kale ayaa sheegaya in dadkaas loo xirxiray maadaama ay ku guul darraysteen inay ka hor tagaan weerarka, oo ay ku dhinteen laba qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 150 qof.

Ra'iisul wasaaraha ayaa maanta dhiig ugu deeqay bankiga dhiigga ee dalka, isagoo uga gol-lahaa inuu isbarbar taag u muujiyo dadkii ay waxyeellada soo gaartay.

Saraakiil ka socota FBI ayaa tegey Itoobiya si ay gacan uga gaystaan baaritaanka.

Kumanaan kun oo qof ayaa banaanbaxa ka qayb galay
BBC
Kumanaan kun oo qof ayaa banaanbaxa ka qayb galay

Nin laba gabdhood isku mar la aqal galay

Nin dhallinyaro ah oo laba gabdhood isku mar la aqal galay ayaa BBC u sheegay inuu dhallinyarada kale ku dhiirri galinayo inay sidaa sameeyaan.

Bashiir Maxamed wuxuu sheegay inuu labada hablood la haasaawi jiray muddo sideed bilood ah, uuna ku qanciyey inuu guursado.

“Aqalkayga ayaan isugu keeni jiray si la isku sii barto” ayuu yiri.

“Waxaan u sheegi jiray in aan labadoodaba wada jeclahay” ayuu sii raaciyey.

In laba hablood isku mar la isla guursado ayuu ku tilmaamay Bashiir inay tahay mid keenaysa in aysan ‘kala masayrin’, oo billowgaba ay og yihiin in la isla qabo.

Sababta uu u guursaday laba hablood isku mar ayuu ku sheegay inuu doonayo “carruur badan”.

“Ragga kalena waxaan ku dhiiri galinayaa in ay sidaa oo kale sameeyaan, haddii ay awoodaan” ayuu yiri Bashiir.

Guurka Bashiir uu guursaday Iqra iyo Nimco halkan hoose ka daawo.

View more on youtube

Mudaaharaadyo xiray Bacadlaha tehran

Banaanbaxyadu waxay kaloo ka dheceen suuqa telefoonnada lagu gado ee bacadlaha Tehran
AFP
Banaanbaxyadu waxay kaloo ka dheceen suuqa telefoonnada lagu gado ee bacadlaha Tehran

Booliska rabshadaha ka hortaga ee Iiraan ayaa gaaska ilmada keena u adeegsaday bartamaha magaalada Tehran si ay u kala kaxeeyaan banaanbaxyadii ugu weynaa ee xukuumadda looga soo horjeedo ee caasimadda Iiraan ka dhaca muddo sanooyin ah.

Kumanaan qof ayaa socod ku maray waddooyinka, kuwaasoo badankood ahaa ganacsato ka socotay suuqa bacadlaha ee ugu weyn Tehran, waxayna ka caraysnaayeen sicirka cirka isku shareeray iyo qiimaha lacagta Iiraan oo hoos u dhacday.

Dadka banaanbaxayey qaarkood ayaa la garaacay.

Waxay ku qaylinayeen hal-ku-dhegyo ay ku dalbanayeen in Iiraan ay joojiso faragelinta dibadeed ee ay ka waddo Suuriya iyo meelo kale, oo taa beddelkeedana ay u soo jeesato inay wax ka qabato mushaakilka dhaqaale ee dalka.

Sannadkii 2012, ayaa mudaaharaad shacab oo ka dhacay Tehran wuxuu ugu dambayntii horseeday in isbeddel lagu sameeyo xukuumadda, iyo in Iiraan ay ogolaato in wadahadallo muhiim ah ay ka gasho barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Al Shabaab oo sheegtay inay Qarax ku dileen askar ka tirsan ciidanka Soomaaliya

Halka uu qaraxu ka dhacay waxaa bishii Ramadan lagu dilay 2 xildhibaan oo ka tirsan Hirshabelle
BBC
Halka uu qaraxu ka dhacay waxaa bishii Ramadan lagu dilay 2 xildhibaan oo ka tirsan Hirshabelle

Ugu yaraan sedex askari ayaa ku dhintay, sedex kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii gaari kuwa ciidamada ah ay miino kula qaraxday buundada Il-baq oo ku taalla waddada xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar, sida ay sheegeen dad ku sugan Balcad.

Mas’uuliyadda qaraxa waxaa sheegtay xarakada Al Shabaab oo tirada khasaarahana sidaa u dhigay.

Askarta dhaawacantay ayey dadka deegaanku sheegeen in midkood uu ahaa sarkaal ciidamada ka tirsan.

Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ahayd isla goobtii ay ku dhinteen laba xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamaanka maamulka Hirshabeelle, oo iyaga iyo askar la socotay ay jidka u galeen dagaallameyaal ka tirsan xarakada Al Shabaab.

Wixii wakhtigaas ka dambeeyey waxaa halka ay askartaas ka soo ambabaxeen la dejiyey ciidamo ka tirsan AMISOM, hase yeeshee in yar markii ay socdeen ayuu qaraxu haleelay.

Goolhayaha reer Masar oo taariikhda galay

Goolhayaha reer Masar
Getty Images
Goolhayaha reer Masar

Essam al Xadary ayaa noqonaya gool-hayihii ugu da’da waynaa ee soo mara Koobka Adduunka abid.

Gool-hayan ayaa u dhashay kooxda Masar, wuxuuna galabta ka qaybgalaya cayaarta Masar iyo Sucuudiga u dhexeeysa.

El-Xadary ayaa 45 sano jir ah wuxuuna jebinaya rikoorka Gool hayihii ugu da’da waynaa ee soo mara Koobka Adduunka ee u dheelayay kooxda Colombia Faryd Mondragón oo 43 sano jir ah kaaso ka qaybgalay cayaartii sannadkii 2014-kii dhexmartay Barazil iyo Colombia.

Masar iyo Sucuudiga ayaa gordhaw wada dheelaya.

View more on twitter

Qarax lala beegsaday ciidamo dalka Soomaaliya

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii gaari kuwo ciidamaada ah ay miino kula qarxday buudada Il-baaq oo isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar, sida ay sheegayaan dad ku sugan magaalada Balcad.

Mareykanka oo baarayaal u diraya Itoobiya

Qaraxa ayaa sabtidii dhacay xilli Ra'iisul wasaare Abiy Axmed uu dhammeeyay khudbad uu ka jeedinayay isu soo bax magaalada Adis Ababa
Reuters
Qaraxa ayaa sabtidii dhacay xilli Ra'iisul wasaare Abiy Axmed uu dhammeeyay khudbad uu ka jeedinayay isu soo bax magaalada Adis Ababa

Mareykanka ayaa baarayaal ka tirsan FBI-da u diraya dalka Itoobiya si ay baaritanno uga sameeyaan qaraxii dhawaan lala beegsaday isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Adis Ababa.

Go’aanka Mareykanka uu baarayaal uga diraya Itoobiya ayaa imaanaya xilli ay wadahadallo dhex mareen sarkaal sare oo Amerikaan oo hostago waaxda ganacsiga laguna magacaabo Gilbert Kaplan iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Workneh Gebeyehu.

Dad badan oo lala xiriirinaya qaraxa ayaa xabsiga loo taxaabay, dadka la xiray waxaa kamid ah ku-xigeenkii taliyaha booliska magaalada Adis Ababa.

2 qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 150 qof ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa jooga ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo kumannaan shacab ah oo ka qaybgalay isu soo bax ay taagerayeen isbaddalada uu samaynaya Ra’iisul wasaaraha.

Mareykanka ayaa saaxib dhaw la ah dalka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga oo booqasho ku tagey Libya

Wasiirka wuxuu soo saaray shuruuc adag oo ka dhan ah soo galootiga
AFP
Wasiirka wuxuu soo saaray shuruuc adag oo ka dhan ah soo galootiga

Wasiirka arrimaha gudaha ee Talyaaniga Matteo Salvini ayaa booqday dalka Libya sii uu mas’uuliyiinta dalkaasi uga la hadlo arrinta muhaajiriinta ku qulqulaya Yurub ee halkaasi soo maraya.

Dalka Talyaaniga ayaa dhawaan diiday inuu qaabilo muhaajiriin saarna doonyo.

Salvin oo xafiiska qabtay horraantii bishan wuxuu doonaya in muhaajiriinta doonaya inay u gudbaan dhanka Yurub ay soo maraan xarumo lagu hakinaya dadkaasi taaso ah xeer caalami ah oo u baahan dib u eegis.

Wuxuu ugu baaqay ha’ayadaha gargaarka inay joojiyaan caawinta dadka doonaya inay badda Mediterranean ku galaan safarro khatar ah.

Ciidammada badda ee Libya waxay sheegeen inay badbaadiyeen ku dhawaad 1,000 qof oo muhaajiriin ah horraantii toddobaadkan.

Nin gowrici jiray bisadaha oo lagu qabtay magaalo ku taalla Kenya

Bisad
Shirlaine Forrest/Getty Images
Bisad

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Nakuru ee dalka Kenya ayaa si caro leh u baacsaday nin la sheegay inuu gowrici rijay basadaha sii uu uga ganacsado.

Waxayna markaasi ku arkeen isagoo maqaarka kaga bixinaya bisaad goob fagaare ah.

Waxaana markii dambe badbaadiyay booliska deegaanka oo gacanta ku dhigay ninkan ka ganacsado hilibka bisadaha.

Ninkan oo lagu magacaabo James Mukangi ayaa qirtay inuu gacantiisa ku gowracay ilaa 1000 bisadood islamarkaasna uu ganacsiga bisadaha ku howlnaa 7-dii sanno ee lasoo dhaafay.

Wuxuuna sheegay in hilibka bisadaha uu gayn jiray ganacsato ku dhaqan magaalada.

Githua Kaba oo ah sarkaal u qaablisan caafimaadka xoolaha ayaa sheegay in ka gancsiga hilibka bisadaha uu maamnuuc ka yahay Kenya.

Ninkan wuxuu sheegay in faa’iido ahaan uu ka helay ka ganacsiga hilibka bisadaha adduun gaaraya $50,000.

Waxaana arrintani sii wayn looga hadal hayay baraha bulshada.

Buhari : waxaan ugaarsanaynaa dambiilayaasha

Deegannada  uu daagalka ka dhacay
BBC
Deegannada daagalka uu ka dhacay

Madaxweynaha dalka Nigeria Muxamadu Buhari ayaa digniin u diray kuwa ka dambeeya dagaal u dhexeeya bulshooyin ku nool gobolka waqooyiga ku yaalla ee dalkaasi.

Buhari wuxuu sheegay in dowladd aysan indhaha ka dadin doonin qaboojinta xasradaha.

Booliska Nigeria ayaa sheegay in ugu yaraan 86 qof ay ku dhinteen dagaallada u dhexeeya bulshooyinka xoola dhaqata iyo beeralayda ku dhaqan halkaasi balse warar aan la xaqiijinin waxay sidoo kale sheegayaan in dhimashada ay ka badan tahay 100 qof.

Banddoow ayaa lagu soo rogay gobolka waqooyi ee dalkaasi sii looga hortago dagaallo hor leh inay halkaasi dib ugu qarxaan.

Rabshadaha ayaa billaawday Khamiistii lasoo dhaafay kaddib markii koox la rumaysan yahay inay ahaayeen xoolo dhaqato ay qaadeen weerar aargoosi ah.

Booliska waxay sheegeen in 50 guri halkaasi dab lagu qabadsiiyay.

Maxay ka dhigan tahay guusha Erdogan?

Tageerayaasha madaxweyanaha oo ku daabaldegaya waddooyinka magaalada Istanbul
Getty Images
Tageerayaasha madaxweyanaha oo ku daabaldegaya waddooyinka magaalada Istanbul

Madaxweyne Erdogan ayaa heli doono awooda ballaaran sida ku cad dastuurka cusub ee Turkiga. Isbadelladan ayaa lagu meelmariyay afti sanadkii la soo dhaafay dalkaasi ka dhacday oo lagu ansixiyay 51% codadkii la dhiibtay. Awoodaha cusub ee madaxweynaha waxaa ka mid ah:

  • Inuu si toos ah u soo magacaabi kara mas’uuliyiinta sarsare sida wasiirada iyo madaxweyne ku xigeennada
  • Awood uu u leeyahay inuu faragelin ku sameeya hanaanka caddaaladda dalkaasi
  • Inuu xaalad deg deg ah dalka ku soo rogi kara
  • Waxaa sidoo kale meesha laga saaray xilka ra’iisalwasaaraha ee dalkaasi.

Erdogan oo khudbad jeediyay guusha kaddib

Madaxweyanaha oo la hadlayay dadweynaha
AFP/Getty Images
Madaxweyanaha oo la hadlayay dadweynaha

Kaddib markii lagu dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashadii Axaddii ak dhacday Turkiga ayaa madaxwayne,Recep Tayyip Erdogan wuxuu ballanqaaday in uu si dhaqso ah u dhaqangalin doono ajanddihiisa.

Khudbaddii guusha oo uu ka jeediyay magaalada Ankara, Mr Erdogan wuxuu sheegay in uu tallaabo adag ka qaadi doono waxa uu ugu yeeray argagixisada.

Madaxwaynaha Turkaga ayaa imika helayaa awoodo dheeraad ah.

Waxaa meesha laga saaray jagada ra’iisul wasaaraha waxaana la wiiqay awoodda baarlamaanka Turkiga.

Dadka dhaliila madaxwayne Erdogan waxay sheegeen in uu jihaystay xukun kali talinimo ah.

Musharraxa ay sida wayn u tartameen Muharrem Ince, ayaa ku tilmaamay qabka doorashada loo qabtay mid aan xaq ahyan.

Doorashada Turkiga: Erdogan oo mar labaad ku guuleystay madaxweynanimada

Dadweynaha Turkiga oo u dabaaldegay guusha Madxaweyne Erdogan
Getty Images
Dadweynaha Turkiga oo u dabaaldegay guusha Madxaweyne Erdogan

Hogaamiyaha mudada dheer ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa marki labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi Turkiga oo la tiriyey codadkii doorashada laga dhiibtay 99 boqolkiiba sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda.

Mr Erdogan ayaa waxa uu doorashada ugu guuleystay hogaaminayaa boqolkiiba 52.5, halka ninka dhaw ee ay ishayeen ee Muharrem Ince uu uruursaday boqolkiiba 30.7.

Erdogan ayaa la xaqiijiyey inuu helay 52.5codadka la dhiibtay oo dhan, uuna marlabaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi oo ay guusha sidaas ku raacday oo aanan la aadi doonin wareeg labaad.

Warbixintaasi oo faafahsan kaga bogo lifaaqan