Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Dalalka ugu horreeya dunida ee dumarku ay khatarta ku jiraan

    Waddanka India waxaa loo aqoonsaday kan adduunka ugu horreeya ee haweenku ay khatarta ugu badan ku jiraan, sida ay sheegtay cilmi baaris ay sameeyeen khubaro caalami ah oo maanta la daabacay.

    Ururka Thomson Reuters Foundation ayaa daraasad ka sameeyey 550 qof oo ku takhasustay arrimaha haweenka, waxayna waddammada dagaalladu la degeen ee Afghanistan iyo Suuriya ay galeen kaalimaha 2aad iyo 3aad, iyadoo 4aad iyo 5aadna ay galeen Soomalia iyo Sacuudiga.

    Halkan ka daawo

    View more on facebook
  2. Senetka Holland oo ansixiyey in qayb ahaan la mamnuuco indha shareerka

    Qayb ahaan ayaa la mamnuucay indha shareerka
    Image caption: Qayb ahaan ayaa la mamnuucay indha shareerka

    Aqalka Senetka ee Holland ayaa ansixiyey in qayb ahaan la mamnuuco indha shareerka iyo wajiga oo dhan in la daboolo.

    Mamnuucistan ayaa khusaysa dhismayaasha dadweynaha sida iskuullada iyo isbitaallada, laakinse ma aha mid sharci darro ka dhigaysa isticmaalka indha shareerka iyo maryaha wajiga lagu daboolo marka meelaha kale la joogo.

    Sharciga horeba waxaa u ansixiyey aqalka hoose, laakinse waxaa dhaleeceeyey golaha dawladda oo ah hay'ad la talin oo xukuumadda kala talisa arrimaha sharciga, lamana oga goorta uu sharcigu dhaqan gali doono.

  3. Gabar ku eedeysnayd dilka ninkeeda oo xukun dil ah ka badbaadday

    Nuura ayadoo 16 jir ah ayaa khasab nin loogu daray
    Image caption: Nuura ayadoo 16 jir ah ayaa khasab nin loogu daray

    Maxkamad racfaan oo Sudan ku taalla ayaa laashay xukun dil ah oo lagu riday gabar saygeeda dishay, ka dib markii sida la sheegay uu kufsaday, sida uu qareenkeedu ku dooday.

    Nuura Xuseen oo 19 jir ah ayaa loogu beddelay 5 sano oo xabsi ah, waxaana sidaa sheegay qareen Abdelaha Maxamed.

    Hooyadeed, Saynab Axmed, ayaa BBC u sheegtay inay ku faraxsan tahay in la badbaadiyey nafta gabadheeda

    Dad dunida caan ka ah ayaa taageeray olole internetka ka socday, #JusticeforNoura, kaasoo lagu dalabanayey in gabadhaas lagu sii daayo.

    Bishii hore ayey maxkamad islaami ah ku xukuntay in la deldelo, ka dib markii lagu helay inay ka dambaysay dilka ninkeeda.

    Nuura Xuseen ayaa khasab nin loogu guuriyey ayadoo 16 jir ah.

    Waxay sheegtay in ninkii qabay uu soo kaxaystay qaar ilma adeertiis ah, kuwaasoo sida ay sheegtay dhulka dhigay oo xoog ugu celiyey, isaguna uu kufsaday.

    Markii uu damcay maalintii xigtay inuu sidii oo kale ku sameeyo ayey middi la soo baxday, ka dibna sidaa ayey qudha kaga jartay.

  4. Koobka adduunka:Cayaarihii galabta iyo kuwa caawa

    Guruubka C
    Image caption: Guruubka C

    Koobka adduunka ee ka socda Ruushka ayaa Faransiiska wuxuu ku dhamaystay halka ugu sarraysa guruubkiisa C, ka dib markii barabarro 0-0 ah uu la galay Denmark.

    Denmark qudheeda ayaa u soo gudubtay wareegga 16ka kooxood.

    Peru ayaa iyana dhibcaheedii ugu horreeyey ka heshay tartanka, ka dib markii ay 2-0 kaga badisay Australia.

    Goor dhow waxaa foodda is dari doona Nigeria iyo Argentina oo ku wada jira guruubka D.

    Nigeria waxay u baahan tahay hal dhibic oo kaliya, si ay ugu soo gudubto wareegga 16ka kooxood.

    Hore waxaa uga soo baxday guruubkaas Croatia. Iceland waxay la cayaaraysaa Croatia.

    Dalkaas yar wuxuu u baahan yahay inuu badiyo si uu u soo baxo.

  5. Muuse Biixi: Waxaan isu kaaya qabanayn 'midnimadu waa muqaddas, iyo caalamku kuma caawin karo'

    Muuse Biixi Cabdi
    Image caption: Muuse Biixi Cabdi

    Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo “maamul goboleedyadeeda” ku eedeeyey inay ku wadaan ‘weerar iyo cunaqabatayn’.

    Wuxuu ka jawaabayey go’aankii ay maamul goboleedyada Soomaaliya ku raaceen dawladda federaalka ee ahaa in aan si gaar ah loola macaamilin Somaliland marka laga hadlayo deeqaha caalamiga ah.

    Wuxuu hadalka ka jeediyey munaasabad saqdii dhexe ee xalay lagu qabtay Hargaysa, oo lagu xusayey 26 Juun.

    “Markii aan xorriyaddeenni soo ceshannay 1991, iyo 28 sano oo ka dambeeyeyba, waxay nagula jireen dagaal iyo cunaqabatayn ay u dambaysay taa maanta socota oo ah weerar colaadeed oo aan kala har lahayn, iyo in waliba waxa lagu caawinayo Somaliland ay caalamka yiraahdaan lama caawin karo” ayuu yiri Muuse Biixi.

    “Waxaan isu kaaya qabanayn ‘Soomaali ha midowdo, midnimadu waa muqaddas, Soomaali ma kala maaranto’ iyo 'xabbadda waan kugu garaacayaa, caalamka hadduu ku caawiyana ma ogoli’ labadaasi isuma kaaya qabanayaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Muuse Biixi.

  6. Wadahadalladii u dhaxeeyey Kiir iyo Machar oo horumar laga sameeyey

    Madaxda Uganda iyo Sudan ayaa dadaal u galay in labada nin ay heshiis gaaraan
    Image caption: Madaxda Uganda iyo Sudan ayaa dadaal u galay in labada nin ay heshiis gaaraan

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan Al-Dirdiri Maxamed Axmed aya sheegay in wadahadallada u soconaya madaxweynaha dalka ay jaarka yihiin ee South Sudan, Salva Kiir, iyo hogaamiyaha fallaagada, Riek Machar, laga sameeyey waxoogaa horumar ah.

    Sidaasoo ay tahay, ma muuqdaan in labada nin ee xifaaltanku ka dhaxeeyo ee ku kulansan Khatuum ay wax uun ku heshiiyeen.

    Qodobbada ay isla gaaraan ayaa berri oo Arbaca ah lagu dhawaaqi doonaa, laakinse waxaa la filayaa in wadahadalladu ay sii socdaan dhowr maalmood oo kale.

    Arrimaha lagu wado inay isla jeexjeexaan waxaa ka mid ah Siyaasadda, xukunka, iyo amniga.

  7. War deg deg ahMaxkamadda sare ee Maraykanka oo meel marisay go'aankii Trump ee looga mamnuucayey inay dalkaas galaan dad u dhashay waddamo Islaam ah

    Kooxaha xuquuqda aadanaha way cambaareeyeen go'aanka
    Image caption: Kooxaha xuquuqda aadanaha way cambaareeyeen go'aanka

    Maxkamadda sare ee Maraykanka ayaa sidiisa u meel marisay xayiraaddii socdaalka ee uu maamulka Trump ku bartilmaameedsaday dadka ka imaanaya dhowr dal oo muslimiin u badan.

    Maxkamadaha hoose ayaa mamnuucista u arka mid aan dastuuri ahayn, laakin maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ayaa go’aanka ku taageertay maamulka Trump tiro hal dheeri ah, 5-4, Talaaladii.

    Mamnuucista ayaa ka maanacaysa dadka u dhashay dalalka Iiraan, Liibya, Soomaaliya, Suuriya, iyo Yemen inay galaan maraykanka.

    Mamnuucista socdaalka waxaa cambaareeyey kooxaha xuquuqda aadanaha iyo qaxootiga.

    In yar ka dib markii maxkamadda sare ay go’aankeeda shaaca ka qaadday, ayuu madaxweyne Trump akhbaarta dadweynaha kula wadaagay bartiisa Twitter.

    View more on twitter
  8. QM: Dambiyo dagaal ayaa laga gaystay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo

    Gobolka Kasai
    Image caption: Gobolka Kasai

    Baarayaal Qaramada Midoobay ka tirsan oo ku sugan dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waxay sheegeen in ciidammada dowladda iyo maleeshiyaadka ka dagaallama halkaasi ay dambiyo dagaal ka gaysteen gobolka Kasai ee dalkaasi.

    Baarayaashu waxay sidoo kale sheegeen in tacaddiyo ka dhan ah aadanaha laga gaystay gobolkaasi.

    Warbixinta Qaramada Midoobay waxay tilmaamaysa in dhacdooyin naxdin leh halkaasi laga gaystay, oo ay ka mid yihiin in maleeshiyaadka ay carruur si xoog ah ku askaraynayaan, halka xooggaga dowladda ay guryo dab qabadsiiyeen, kufsina u gaysteen haween.

    Baarayaasha Qaramada Modoobay waxay sheegeen in dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo uu xil ka saaran yahay inay caddaladda hor keento dambiilayaasha, iyo sidii ay u caawin lahayd dhibanayaasha gobolkaasi.

    Dagaallada ka socday gobolka Kasai ee dalkaasi ayaa in ka badan hal malyan oo qof ku khasbay inay guryahooda ku barakacaan.

  9. Goolhayahii Masar oo qarankiisa raali gellin waydiistay

    Goolhayaha reer Masar
    Image caption: Goolhayaha reer Masar

    Goolhayihii taarikhda galay ee reer Masar Essam El Hadary ayaa raaligellin waydiistay qarankiisa kaddib markii kooxdiisa rigoore ay uga guulaystay xulka Sucuudiga.

    El Hadary ayaa qabtay kubad rigoore ahayd oo uu soo ganay cayaaryahanka reer Sucuudi Fahad Al Muwallad halka markii dambe goolhayaha laga dhaliyay gool.

    Essam El Hadary wuxuu yiri " Waxaan raali gellin wayddisanayaa shacabka reer Masar iyo dhammaan asxaabtayda kaddib markii saddex jeer aan guuldarro la kulanay"

    Wuxuu intaasi ku daray inuu ku faraxsan yahay dadaalka uu sameeyay balse ay nasiib darro ahayd guuldarradooda.

    El Hadary ayaa noqday goolahayihii abid ugu da'da waynaa ee soo mara cayaaraha Koobka Adduunka.

  10. Erdogan ma isu keeni karaa quluubtii ay doorashada kala fogeysay?

    Ka dib sanad kale oo ay doorasho ka dhacday dalka Turkiga oo uu ku guulestay Erdogan, ayaa waxay u egtahay in mar kale uu dalka aad u qeybsamay.

    Mucaaradka rajo badan ayay ka qabeen doorashadan. Waxay sameysteen isbaheysi, waxayna rajeynayeen in taageeradooda oo la isku daray ay wiiqi doonto aqlabiyadda baarlamaaniga ee xisbiga madaxweyne Erdogan.

    Halkan ka kahriso sida doorashada Turkiga ay u kala qeybsiay quluubta shacabka dalkaasi

    bbc
    bbc
  11. Mas'uuliyiin ka socotay Eritrea oo gaaray Adis Ababa

    Roog cas oo lagu soo dhaweeyay wafddiga
    Image caption: Roog cas oo lagu soo dhaweeyay wafddiga

    Wufuud ka socotay Eritrea ay gordhaw ka dagay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Bole halkaas oo u kusoo dhaweeyay Ra'iisiuul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

    Wafdigan uu hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cismaan Saalix iyo la taliyaha madaxweynaha Yemane Gebreab ayaa dowladda wahadallo kala yeelan doonaa heshiiska lagu soo afjarayo dagaalkii ka taagna xadka labada dal.

    Sawirrada waxaa booqasho mas'uuliyiinta Itoobiya waxaa bogga Twitter-ka uu ku leeyahay kusoo daabacay Addis Standard.

    View more on twitter

    Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa 5-ta bishan June shaaca ka qaaday inuu u hoggaansamayo islamarkaasna dhaqan gelinaya heshiiskii 2002-dii ay wada galeen Eritrea iyo itoobiya sii loo soo afjaro daagalka xadka siiba magaalada ay ku muransan yihiin ee Badme.

  12. Itoobiya oo roog cas u fidisay wufuudda reer Eritrea

    Iyadoo la filaya in gordhaw mas’uuliyiin heer sare ah oo dalka Eritrea ka socdo ay gaaran magaalada Adis Ababa waxaa dalka Itoobiya ka socda qabanqaabada soo dhawaynta wafdiga.

    Weriyaha BBC-da Kumera Gemechu ayaa sawirradan kasoo qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada Adis Ababa halkaaso ay mas’uuliyiinta Eritrean-ka ka degi doonaan.

    Roog cas oo loo dhigay in lagu soo dhaweeyo wafdiga
    Image caption: Roog cas oo loo dhigay in lagu soo dhaweeyo wafdiga
    Haweenka hiddaha iyo dhaqanka oo garoonka ku sugan si ay usoo dhaweeyaan mas'uulyiinta reer Eritrea
    Image caption: Haweenka hiddaha iyo dhaqanka oo garoonka ku sugan si ay usoo dhaweeyaan mas'uulyiinta reer Eritrea
    .
    Boorarka lagu qoray 'soo dhawaada wufuudda reer Eritrea'
    Image caption: Boorarka lagu qoray 'soo dhawaada wufuudda reer Eritrea'
    Odeyaal dhaqameedka Itoobiya oo ka qayb ah soo dhawaynta
    Image caption: Odeyaal dhaqameedka Itoobiya oo ka qayb ah soo dhawaynta
    Weriyeyaasha oo ku sugan garoonka Bole ee magaalada Adis Ababa
    Image caption: Weriyeyaasha oo ku sugan garoonka Bole ee magaalada Adis Ababa
  13. Falanqayn: Cayaarta Nigeria iyo Argentina

    Cayaaryahan Axmed Muusa wuxuu ka dhaliyay Iceland labo oo ay xulkiisa Nigeria barbaro la galeen kooxdaasi
    Image caption: Cayaaryahan Axmed Muusa wuxuu ka dhaliyay Iceland labo gool oo ay xulkiisa Nigeria barbaro la galeen kooxdaasi

    Xulka kubadda cagta ee Nigeria iyo Argentina ayaa caawa wada cayaaraya sacaddu marka ay tahay 21:00 fiidnimo.

    Su’aasha lais weeyddinaya ah, Nigeria ma u gudbi doontaa wareega labaad ee cayaaraha Koobka Adduunka?

    Haddii ay guulaysataan xulka Nigeria waxay u horseedi doonta inay u gudbaan wareegaa labaad ee cayaaraha Koobka Adduunka, waxayna taasi noqon doontaa in markii afaraad ay galaan ilaa 6 jeer ay cayaarahan kasoo muuqdeen.

    Kooxda Nigeria ayaa guulo gaartay sannadkii 1198-dii markaas oo ay ka guulaysteen xulalka Spain iyo Bulgaria labadii cayaarood ay Koobka Adduunka waaggaasi dheeleen.

    Cayaaryahanka reer Nigeria Axmed Muusa ayaa ah qofka kooxdiisa ugu goolalka dhaliska badan Koobka Adduunka , wuxuu haystaa Afar gool, labo wuxuu ka dhaliyay Iceland halka labada kalena uu sannadkii 2014-kiika xiray xulka Argentina.

    Xulka kubadda cagta ee Nigeria haddii ay caawa ka guulaystaan Argentina waxay u gudbayaan wareega labaad ee Koobka Adduunka.

  14. Wufuud reer Eritrea ah oo maanta gaaraya Adis Ababa

    Itoobiya iyo Eritrea waxay soo afjarayaan dagaalkii u dhexeeyay ee xadka
    Image caption: Itoobiya iyo Eritrea waxay soo afjarayaan dagaalkii u dhexeeyay ee xadka

    Wufuud heer sare ah oo ka socoto dalka Eritrea ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa halkaaso labada dal ay wadahadallo uga furmayaan.

    Telefishinka dowladda Eritrea ayaa ku warramaya in wufuudda ay u ambabaxeen Itoobiya, waxaana hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda Cismaan Saalix iyo la taliyaha madaxwaynaha Eritrea Yemane Gebreab.

    Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa 5-ta bishan June shaaca ka qaaday inuu u hoggaansamayo islamarkaasna dhaqan gelinaya heshiiskii 2002-dii ay wada galeen Eritrea iyo itoobiya sii loo soo afjaro daagalka xadka siiba magaalada ay ku muransan yihiin ee Badme.

    Madaxweynaha Eritrea Afewerki ayaa dhawaan sheegay in dalkiisa uu wufuud u diraya Itoobiya sii looga wadahadlo heshiiska balse warar aanan la xaqiijinin ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Abiy uu booqasho ku tegi doono magaalada Asmara.

  15. Dalalka ugu halista badan inay dumarka ku nolaadaan

    Waa haweeney Suuriyaan oo ku sugan waddo ku taalla deegaan ku yaalla gobolka Dircaa ee dalka Suuriya
    Image caption: Waa haweeney Suuriyaan oo ku sugan waddo ku taalla deegaan ku yaalla gobolka Dircaa ee dalka Suuriya

    Sahan ay shaaca ka qaaday warbaahinta Thomson Reuters Foundation ayaa lagu sheegay in dalka Hindiya uu yahay dalka ugu halista badan ay dumar ku noolaadaan.

    Haweenka Hindiya ayaa la kulma tacaddiyo dhanka galmada ah, faquuq dhanka dhaqanka ah, addoonsi iyo dhibaatoyinka qoyska ah.

    Dalalka Afghanistan iyo suuriya ayaa kaalmaha labaad iyo saddexaad kaga jira goobaha dumarka ay khatarta uga badan ay soo wajahdo. Halka dalka Mareykanka uu kaalinta 10-aad kaga jiro dalalkaasi.

    Haweenka ku dhaqan Mareykanka ayaa la kulma dhibaatooyin dhanka kufsiga, tacaddiyada galmada iyo inay caddalaadda heli waayeen dumarka la kufsaday.

    Thomson Reuters Foundation wuxuu wareysiyo la yeeshay ilaa 550 khuburro oo ku takhasusay arrimaha haweenka intii u dhexeeysay Marso iyo May.

  16. Musharraaxiinta doorashada Zimbabwe oo heshiis nabadda ah yeelanaya

    Madaxweyne Emmerson Mnangagwa wuxuu ballan qaaday in qaraxii ka dhacay Bulawayo uusan saamayn ku yeelan doonin doorashada
    Image caption: Madaxweyne Emmerson Mnangagwa wuxuu ballan qaaday in qaraxii ka dhacay Bulawayo uusan saamayn ku yeelan doonin doorashada

    Axsaabta siyaasadda iyo musharraxiinta ka qayb galayso doorashada ka dhacaysa Zimbabwe bisha nagu soo aadan ayaa ka arrinsanaya sidii ay u kala saxiixan lahaayeen heshiis nabadda ah maalmo uun kaddib markii qarax uu ka dhacay isu soo bax siyaasadeed dalkaasi oo ay ku dhinteen 2 qof halka ku dhawaad 50 qofna ay ku dhaawacmeen.

    Madaxweyanaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa si dirqi a kaga badbaaday qaraxaasi balse madaxweyne ku-xigeenkiisa ayaa kamid ahaa dadkii dhaawacmay.

    Musharraxiinta u tartamaya doorashada Zimbabwe ayaa heeshiiska nabadda maanta ku kala saxiixanaya magaalada caasimadda ah ee Harare islamarkaasna waxay ballan qaadi doonan inay dhabo sharciga waafaqsan u mari doonaan xallinta khilaafyada.

    Doorashada ka dhici doonto Zimbabwe 30-ka bisha July ayaa noqonaysaa doorashadii ugu horreysay ee dalkaasi laga qabto tan iyo intii xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaasi Robert Mugabe.

  17. Saraakiisha xudduudaha Mareykanka oo hakiyay maxkamadaynta qoysaska soo galootiga

    Saraakiisha waxay sheegayaan in siyaasadda ka dhanka ah soo galootiga ay weli taagan tahay
    Image caption: Saraakiisha waxay sheegayaan in siyaasadda ka dhanka ah soo galootiga ay weli taagan tahay

    Madaxa ilaalada xudduudaha Mareykanka ayaa amray saraakiisha halkaasi joogo inay hakiyaan qorsheyaal la doonaya in qoysaska dadka soo galootiga sida sharci darrada ku galaya dalkaasi in lagu wareejiyo maxkamadaha.

    Madaxa ilaalada xudduudka Kevin McAleenan wuxuu sheegay in hakinta dacwadda soo galootiga ay sii wadi doonaan ilaa waaxdiisa iyo waaxda caddaaladda Mareykanka ay isku waafaqaan siyaasad ah in waaliiddinta soo galootiga iyagoo aan laga reebin carruurtooda la maxkamadeeyo.

    Hadalkan ayaa u muuqda mid kasoo horjeedo siyaasadda soo galootiga ay wadaan qaar kamid ah saraakiisha Mareykanka taaso ku anddacoonayaan in laga hortago soo galootiga sida sharci darrada Mareykanka ku galaya.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa joojiyay siyaasadda soo galootiga oo muran badan dhalisay, waxayna ku saabsanayd in carruurta soo galootiga waaliidkooda looga reebo xadka.