Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

Jilaa xiriir la leh Baambolo

Shuga Shaa iyo Tonto Shaa
BBC
Shuga Shaa iyo Tonto Shaa

Jilaa, ahna shactaroole u dhashay Nayjeeriya, Benjamin Nwachukwu, oo taageerayaashiisa ay u yaqaanaanShuga Shaa, ayaa jawaabo kala duwan laga bixiyey magaalada ganacsiga ee Lagos, ka dib markii uu sheegay inuu xiriir la leeyahay Baambolo lagu magacaabo Tonto Shaa.

Baambolaha oo loo soo xiray timo baruuko ah, ciddiyo la dhalaaliyey, iyo waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan, barafuun qaali ahna lagu buufiyey ayaa waxaa u dheer in ay hadda leedahay baabuur ayada u gooni ah.

Shuga Shaa ayaa la arkay isagoo shineemo la galaya ama gaariga saaran mararka qaar.

Qaar taageerayaashiisa ka mid ah ayaa ka xumaaday, kuna tilmaamay inuu yahay “nin waalan”.

Qaar kale ayaa u qaatay inay iska sheeko iyo kaftan tahay.

Shuga Shaa oo u jawaabayey dadka dhaliilay ayaa yiri “Tonto waxaa sameeyey bani’aadam adinka iyo aniga oo kale ah. Wax niyad ah ma laha”.

Wuxuu u sheegay laanta afka Igbo ee BBC in hooyadiis ay ka warqabto xiriirka uu la leeyahay Tonto Shaa, oo aysan kala jeclayn.

Wuxuu sheegay inuu qorshaynayo inuu guursado baambolaha.

“Tonto Shaa waa gabar, waana in sidaa loola dhaqmaa” ayuu yiri.

“Waxaan ka helaa deganaansho iyo buuq la’aan, mana jirto sabab aan niyadjab ugala kulmo” ayuu sii raaciyey.

Trump iyo Putin oo shir madaxeed yeelanaya

Xiriirka labada dhinac ayaa meeshii ugu hoosaysay maraya
BBC
Xiriirka labada dhinac ayaa meeshii ugu hoosaysay maraya

Shir madaxeed dhex mari doona madaxweyne Trump iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, ayaa qabsoomi doona todobaadyada soo socda.

Arrintan ayaa laga shaqeeyey, ka dib todobaadyo ay Moosko wadahadallo ku lahaayeen Mr Putin iyo la taliyaha amaanka ee Mr Trump, John Bolton, oo sheegay in taariikhda iyo goobta kulanka shaaca laga qaadi doono Khamiista.

Mr Bolton wuxuu intaa ku daray in Mr Trump uu rumaysnaa in ay muhiim tahay in labada mas’uul ay kulmaan, shir madaxeedkana uu sii hagaajin doono xiriirka labada dhinac, oo Mr Putin uu sheegay inuusan fiicnayn.

Taageerada uu Ruushku siiyo madaxweyne Assad, ku darsiga uu gobolka Crimea ku darsaday dhulkiisa, iyo faragelinta la sheegay inuu ku sameeyey doorashadii madaxtinimada ee Maraykanka 2016 ayaa dhamaantood gacan ka gaystay inuu xumaado xiriirka labada dal.

Mr Bolton wuxuu sheegay in ‘qaska Ruushka’ laga wada hadli doono.

Mr Putin wuxuu goor sii horreysay ku adkaystay in Moosko aysan doonayn iska hor imaad, ayna asaga argatidiisa la tahay in xaaladda liidata ee xiriirka labada dal ay sabab u tahay xurguf siyaasadeed oo Maraykanka gudihiisa ka dhex jirta.

Itoobiya oo shidaal ka soo saaraysa ismaamulka Soomaalida

Shidaalkii ugu horreeyey ee Itoobiya ay soo saarto ayaa laga bilaabayaa ismaamulka Soomaalida
AFP
Shidaalkii ugu horreeyey ee Itoobiya ay soo saarto ayaa laga bilaabayaa ismaamulka Soomaalida

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisa uu bilaabi doono Khamiista inuu ka soo saaro shidaal cayriin gobolka bari, sida ay warbaahinta gudaha ku warramayso.

Mr Abiy wuxuu sheegay in baaritaanka, oo muddo dheer ka socday gobolka Soomaalida ee Itoobiya, ay ka soo baxeen natiijooyin wanaagsan.

Shirkad Shiinaha laga leeyahay, Poly-GCL, ayaa mashruuca qaadatay.

Shirkaddu waxay billaabaysaa inay soo saarto 450 fuusto oo shidaal cayriin ah maalin kasta, waxaana la filayaa in intaas laga sii badiyo.

Mr Abiy wuxuu sheegay in shaqada dhismaha dhuun shidaalka qaadda oo gaysa Jabuuti ay dhawaan billaaban doonto.

Ma cafin lahayd ruux ku toogtay?

Cabdullaahi oo ka soo kabsanaya dhaawicii soo gaaray
BBC
Cabdullaahi oo ka soo kabsanaya dhaawicii soo gaaray

Maalinta berrito ah ayaa waxaa lagu wadaa in magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho lagu qabto ololayaal la doonayo in dadka lagu wacyigaliyo inay is cafiyaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta bulshada.

Kooxo dhalinyaro ah oo is abaabulay ayaa isku hawlay 28 ka Juun ee sannad kasta in la sameeyo kulammo is cafin ah oo dhexmara shakhsiyaadka ama bulshada wax kala tirsanaysa. Cabdullaahi Cabdi Maxamed waa wiil dhalinyaro ah oo afar bilood ka hor lagu dhaawacay Muqdisho, wuxuuna go’aansaday inuu cafiyo askarigii dhaawaca u gaystay.

“Waxaan go’aansaday 5 maalmood ka dib markii uu dhibku igu dhacay inaan iska cafiyo askarigaas.Dhowr sababood ayaa igu khasbaysay.Sababta hore waxay ahayd isagoo ah askari qaranka u shaqeeya, tan labaadna waa haddii aanan cafin in aan cuqdad la noolaanayo” ayuu yiri Cabdullaahi.

Cabdullaahi wuxuu doorbidayaa inuu cafiyo askariga halkii uu cuqdad la noolaan lahaa
BBC
Cabdullaahi wuxuu doorbidayaa inuu cafiyo askariga halkii uu cuqdad la noolaan lahaa

Cabdullaahi wuxuu sheegay in markii ugu horraysay ee uu go’aanka qaatay uu ku wargeliyey taliyeyaasha ciidanka ee askarigaas madaxda u ahaa.

Kulankoodii ugu horreeyey

“Aniga ayaa raadsaday, waxaanan u sheegay markii aan kulannay in aanan wax cuqdad ah qabin oo uu yahay nin dhallinyaro ah, sababta aan u cafiyeyna ay tahay, wakhtiga adag ee uu shaqaynayey iyo meesha uu taagnaa, iyo xilliga adag ee uu shaqaynayey anigoo qiimaynaya dartood in aanan wax cuqdad ah u qabin oo uu saaxib ila noqdo, anna aan ahay saaxibkiis iyo walaalkiis oo kale” ayuu yiri. Cabdullaahi oo BBC u warramayey.

Kulanka berri ayaa la filayaa in dad kale oo noocaas ah, iyo dad ay dhibaatooyin dhex mareen ay laabta isku saaraan.

Jarmalka oo ka haray koobka adduunka

Cayaar aad xiiso u lahayd oo goor dhow dhamaatay ayuu xulka Jarmalka kaga haray koobka adduunka ee ka socda Ruushka.

Kooxda Jarmalka oo lagu waday inay difaacato koobka ayaa waxaa labada gool ee looga badiyey laga dhaliyey xilligii dheeraadka ahaa ee cayaarta lagu daray, waxaana ka badisay kooxda dalka Kuuriyada koofureed.

Waa markii ugu horraysay ee xul Jarmalka ka socda uu u gudbi waayo wareegga 16ka kooxood tan iyo 1938kii.

Mesut Ozil oo ka xun inay ka hareen koobka adduunka
AFP
Mesut Ozil oo ka xun inay ka hareen koobka adduunka

Nin la qabtay isagoo Eey qalaya

Ninka la qabtay wuxuu beeniyey inuu eeyaha hilibkooda ka ganacsado
DUO DUO
Ninka la qabtay wuxuu beeniyey inuu eeyaha hilibkooda ka ganacsado

Booliska magaalo ku taalla galbeedka Mozambiik oo la yiraahdo Tete ayaa gacanta ku dhigay nin qalaya eey, kaasoo uu doonayey inuu hilibkiisa u gado sidii kan ariga oo kale.

Madaxa booliska xaafadda Samora Machel, Luciano Gracio, ayaa sheegay in lagu amray inuu ciidan u diro halkaa si ay u soo baaraan, ka dib markii dadka xaafaddu ay ku wargeliyeen in ninkaas uu eey maqaarka ka bixinayo.

“Shan nin ayaan u diray si ay u soo ogaadaan.Waxay halkaa ugu tageen ninkii oo falka gacanta kula jira. Way soo qabteen, waxayna keeneen xaruntan booliska” ayuu yiri Garcio.

Ninka la soo qabtay wuxuu beeniyey inuu doonayey inuu hilibka eeyga gado.

“Kuma iibiyo suuqa. Waxaan u dilay in aan aniga cuno. Ujeedadu ma aha in aan suuqa ku gado, ama xaaskaygu ay kariso. Waxaan doonayey in aann anigu karsado oo kaligay aan cuno. Sidatan waxaan ka bartay dadka shiinaha u dhashay” ayuu yiri.

Sannadihii u dambeeyey ayaa dadka Tete ku nool waxaa lagu soo qaatay akhbaaraadka caalamka, sida warar la xiriira dad qalatonimo, dadka diirkooda uu cad yahay oo xubnahooda la jarjarto, iyo geerida 70 qof oo cabay khamri hallaysan mar ay tacsi ka qayb galayeen.

Dab lala barbar dhigay 'Qiyaamihii' oo waqooyiga Ingiriiska ka kacay

Ilaa 6 mitir ayuu cirka isku shareeray ololka
SWNS
Ilaa 6 mitir ayuu cirka isku shareeray ololka

Kooxaha dabka bakhtiiya ee waqooyiga England ayaa la tacaalaya dab weyn oo ka kacay deegaan uu caws badan ku yaalla oo u dhow magaalada Manchester.

Ilaa 150 qof ayaa laga daadgureeyey guryahooda, dad goobjoog ahna waxay leeyihiin muuqaalku wuxuu u egyahay sidii "qiyaamihii".

Ololka ayaa ilaa 6 mitir cirka isku shareeray, waxaana sida roobka u soo daadanaya dambas.

Saraakiisha dabdamiska waxay sheegayaan in cimilada oo kulul, dabaylo halkaa ka jira, waddo la'aan iyo deegaanka oo fog ay adkeeyeen in dabdamiyeyaashu ay qalabkooda iyo biyaba gaarsiiyaan halkaas.

War goor dhow soo dhacay wuxuu sheegayaa in milateriga loo yeeray inay gacan ka gaystaan sidii dabkaas loo bakhtiin lahaa.

Lama oga sababta dabka dhalisay.

Mucaaradka iyo dowladda Koonfurta Suudan oo heshiis wada gaaray

Sawirkan waxaa la qaaday ka hor heshhiska, Madaxweynaha Uganda (Yoweri Museveni), Madaxweynaha Suudan (Cumar Al Bashir) Kiir iyo Machar
BBC
Sawirkan waxaa la qaaday ka hor heshhiska, Madaxweynaha Uganda (Yoweri Museveni), Madaxweynaha Suudan (Cumar Al Bashir) Kiir iyo Machar

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo dagaalka shan sanno jirsaday ee dalkaasi ka socday.

Sida ku xusan heshiiska, waa in xabad joojin la dhaqan geliyo muddo 72 saacadood heshiiska kaddib.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in heshiiska ay ku jiraan qodob ah in xoriyaddooda dib loo siiyo maxaabista siyaasadda u xiran.

Madaxweyne Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay kulmay markii ugu horreysay muddp 2 sanna gudahood.

Heshiiskan ay ku gaareen magaalada Khartoum ayaa imaanaya xilli hoggaamiyeyaasha gobolka ay cadaadis ku saarayeen labada mas'uul inay soo afjaraan dagaallada.

Dagaallada Koonfurta Suudaan waxaa ku dhintay tobbonaan kun oo qof halka in ka badan afar milyan oo qof ay ku barakaceen.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo sheegay in mucaaradka dibad jooga ah ay kusoo laaban karaan Jabuuti

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa sheegay inaysan jirin dhibaato iyo faquuq lagu hayo mucaaradka dalkaasi.

Ismaaciil Geele wuxuu yiri “ qof ra’yigiisu lagu xiray annagu ma hayno , qof la dilayna ma hayno, qof la xukumay ma hayno, haddii aanan isagu ku xadgudbin xoriyadda dadka kale uuna ku xaadgudbin qaanuunkii”

Ismaaciil Cumar oo wareysi gaar ah siinayay tafatiraha laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Cabdullaahi Cabdi ayaa ka hadlay ganacsiga iyo muhiimadda saldhigyada militari ay ku leeyihiin dalkaasi.

Wuxuu sheegay in saldhigyada ay kaalin wayn ka qaadanayaan ka shaqaynta nabadda iyo danaha dalka Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geele wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in dhaqaale lagu bixiyo xoojinta ciidammada soomaaliya si nabadda loogu soo dabbaalo dalkaasi.

Wareysiga madaxweynaha Jabuuti halkan kala soco:

View more on facebook

Halkee ayay ku dambeeyeen xulka Nigeria guuldarrada kaddib?

Cayaaryahanada xulka kubadda cagta ee dalka Nigeria ayaa ka qalab qaatay Huteelkii ay ka deganaayeen dalka Ruushka kaddib markii xalay ay ka guulaysteen xulka Argentina.

Weriyaha BBC-da Aliyu Tanko ayaa bartiisa Twitter-ka soo geliyay muqaal muujinaya cayaartoyda Nigeria oo ka guuraya Huteelka Saint Petersburg.

View more on twitter

Xulka Nigeria ayaa looga badiyay 2-1 kaddib markii daqiiqadii 86-aad Marcos Rojo oo Argentina u dheela uu goolka guusha dhaliyay, sidaasi ayay Nigeria ugu gudbi waysay wareega labaad ee cayaaraha Koobka Adduunka.

Shirkadda diyaarahada Itoobiya oo duulimaad ku tageysa Eritrea 20 sanno kaddib

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya
Getty Images

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa dib u billaabaysaa duulimaadkeedii ugu horreeyay tan iyo sannadkii 1998-dii oo Itoobiya iyo Eritrea uu dhexmaray dagaalkii xadka.

Waxaa shaaca ka qaaday arrintani ra’iisul wasaaraha itoobiya Abiy Axmed xilli uu u munaasabad casho ah oo soo dhawayn ah uu samaynayay wufuud heer sare ah oo Eritrean ah oo boqasho ku joogo dalkaasi.

Kulankan ayaa imaanaya xilli dhawaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu sheegay inuu dhaqan gelinaya heshiiskii 2002-dii ee lagu soo afjaraya dagaalka xadka.

20 sanno wax xiriir oo dublumaasiyadeed ma lahayn Itoobiya iyo Eritrea

Eritrea ayaa xoriyadda ka heshay Itoobiya sannadkii 19993-dii kaddib markii uu dhexmaray dagaal qaatay 30 sanno balse dagaalkii xadka ayaa socday 5 sanno oo ay ku dhinteen tobbonaan kun oo qof.

DRC: Dacwad ka dhan ah hoggaamiye mucaaradka ka tirsan

Katumbi wuxuu dalka Jahmuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ka maqan yahay 2 sanno
Getty Images
Katumbi wuxuu dalka Jahmuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ka maqan yahay 2 sanno

Waxaa maanta billowday dhageysiga dacwad loo haysta mid kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo lagu eedeeyay inuu askar ahaan u qornayay calooshood u shaqeystayaal sannadkii 2015-kii.

Ninkan oo lagu magacaabo Moise Katumbi iyo barasaabkii hore ee Koonfurta gobolka Katanga ayaa dacwaddooda la dhagaysanayaa iyagoo dalka ka maqan.

Katumbi iyo lix qof oo kale oo uu kamid yahay muwaadin u dhashay Mareykanka ayaa wajahaya eedeymo ah inay dalkaasi ammni darro ka abuurayeen.

Katumbi ayaa BBC-da u sheegay Talaadadii inuu rajaynaya inuu dalka jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo uu dib ugu laabto muddo 2 bilood gudahood ah sii uu u gudbiyo waraaqihiisa musharraxa madaxtinimada ee doorashada Disembar dalkaasi ka dhacaysa.

Waxaa sidoo kale la sheegay ninka inuu leeyahay naadiga kubadda cagta ee Mazembe ee dalkaasi.

Dhawaan ayaa lagu xiray Katumbi garoonka diyaaradaha ee magaalada Brussels iyadoo laga shakiyay baasaboorkiisa. Wuxuuna sheegay in dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ka dambaysay arrintaasi.

Isniintii ayay ahayd markii ilaa 50 xildhibaan ay warqad u qoreen madaxweyne Joseph Kabila ay kaga codsanayaan in la joojiyo dhibaatada lagu hayo Katumbi.

Shabaab oo beenisay in hoggaamiyahooda uu geeriyooday

Shabab
AFP

Ururka Al-Shabab ayaa beeniyay warar sheegaya in hoggaamiyahooda uu geeriyooday.

Afahayeen u hadlay Al Shabab ayaa BBC-da u sheegay in wararka sheegaya in Axmed Diiriye uu geeriyooday ay yihiin been abuur.

Qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ee Soomaaliya ayaa mar sii horreysay ku warramay in hoggaamiyaha Al Shaabaab oo sidoo kale lo yaqaano Abu cubeyda uu geeriyooday.

Raadiye ay leeyihiin ciidamada Soomaaliya oo soo xigatay saraakiil ka tirsan ciidammada Soomalaiya ayaa ku warramay in Abu Cubeydah uu xannuunka kansarka ugu geeriyooday magaalada koonfurta Soomaaliya ku taalla ee Jilib.

Warbaahinta Soomaaliya iyo Kenya ayaa mar sii horreysay ku warramay in Abu Cubeydah uu qabay xanuun kiliyaha ku dhaca islamarkaasna muddo 7 bilood ah uu saarnaa sariir.

Abu Cubeydah ayaa noqday hoggaamiyaha Al Shabab kaddib markii Mareykanka uu duqayn cirka ah ku dilay hogaamiyihii isaga ka horreeyay ee Axmed Godane.

Madaxa booliska Algeria oo xilka laga qaaday

Waxaa loo arkay taliyaha inuu baddali rabo madaxweyne Cabdul Caziiz Bouteflika
Getty Images
Waxaa loo arkay taliyaha inuu baddali rabo madaxweyne Cabdul Caziiz Bouteflika

Taliyaha ciidamada booliska dalka Algeria ayaa shaqada ka tiray kaddib markii dikreeto ay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dalkaasi Cabdicaziiz Bouteflika.

Janaraal Cabdel qani Xamel ayaa ahaa taliyaha booliska Algeria ilaa sannadkii 2010-kii.

Waxaa loo arkay taliyaha xilka laga qaaday inuu baddali doono madaxweynaha 81 sano jirka ee Cabu caziiz. Balse ilaa iyo hadda wax faafaahin lagama bixinin sababta shaqada looga joojiyay.

Booliska Algeria waxay iska foggeeyeen warar sheegaya in darawalkii madaxa booliska uu ku lug lahaa ka ganacsiga daroogada nooca Cocaine.

Tiro badan oo ka tirsan saraakiisha dalkaasi ayaa loo qabtay dambi ah inay ku lug lahaayeen ka ganacsiga manddooriyaha.

Ha’yadda Amnesty oo sheegtay in militariga Myanmar ay weerarro ku hayaan bulshada Rohingya

Xeryaha qaxootiga ku yaalla Koonfurta dalka Bnagaladesh waxaa ku nool boqolaal kun oo shacabka muslimiinta Rohingya ah
Getty Images
Xeryaha qaxootiga ee ku yaalla Koonfurta dalka Bnagaladesh waxaa ku nool boqolaal kun oo shacabka muslimiinta Rohingya ah

Ha’ayadda Amnesty International waxay sheegtay inay caddaymo u hayso in militariga Myanmar ay weerar ku hayeen shacabka muslimiinta ay Rohingya ka hor weerarada is xig xigay ee maleeshiyaadka Rohingya ay ku qaadeen ciidamada Myanmar bishii Agosto ee sannadkii tegay.

Militariga Myanmar waxay ku adkaysteen inay howlgallo wadaan taaso boqolaal kun oo Rohingya ah ay ka qaxeen

Amnesty waxay sidoo kale sheegtay in Militariga Myanmar ay bartilmaamedsadeen tuulooyin dhowr ah oo ay kufsi, jirdil iyo dil ka gaysteen.

Waxay ku eedeysay in weerarada ka dhanka Muslimiinta Rohingya ay gaysten ilaa 13 kamid ah saraakiisha ugu sarrayso militariga oo u kamid yahay taliayaha ciidamada Min Aung Hlaing islamarkaasna ay gaysteen dambiyo dagaal.

Balse militariga Myanmar ayaa beeniyay inay ka dambeeyeen isir sifayn lagu bartilmaameedsaday dad shacab ah.

Madaxweynaha Zimbabwe: Qaraxii Bulawayo waxaa ka dambaysay Grace Mugabe

Madaxweynaha Zimbabwe wuxuu rumaysan yahay in qaraxii Bulawayo ay ka dambeyeen siyaasiyiin
Reuters
Madaxweynaha Zimbabwe wuxuu rumaysan yahay in qaraxii Bulawayo ay ka dambeyeen siyaasiyiin

Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa sheegay inuu ku tuhunsan yahay in koox xiriir la leh Grace Mugabe ay ka dambeeyeen qaraxii dhawaan ka dhacay dalkaasi.

Mnangagwa wuxuu BBC-da u sheegay in koox lagu magacaabo G40 oo ay taageerto xaaskii madaxweynihii hore ee Zimbabwe ay qaadeen qaraxii dhawaan lala beegsaday isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Bulawayo.

Madaxweynaha ayaa rumaysan in qarxa ay soo maleegeen shakhsiyaad ka tirsan garab siyaasadeed oo doonayay inay isaga dilaan.

Qaraxaasi waxaa ku dhintay 2 qof halka in kabadan 40 qof ay ku dhawaacmeen.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi.