Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

Tebinta tooska oo inoo soo bilaabatay saaka intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.

Qalbi dhagax oo kasoo ambabaxay Itoobiya

Qalbi dhagax oo ku sugan garoonka diyaaradaha Addis Ababa
BBC
Qalbi dhagax oo ku sugan garoonka diyaaradaha Addis Ababa

Cabdikarim sheikh Muuse Qalbi dhagax ayaa sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qalbi dhagax oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ayaa ka dhawaajiyay in xaaladdiisa ay wanaagsan tahay uuna faraxsan yahay.

Qalbi dhagax
BBC

Qalbi dhagax wuxuu yiri “ waxaaan fadhiya hadda VIP-ga eerboorka Addis Ababa , waxaanu safar uga socdaa magaalada Nairobi. Xaaladdaydu aad ayay u fiicantahay alxamdulilah, halkan aan fadhiya hadda waa goobta ay ka dhoofi jireen madaxda ugu sarraysa dalka”

Madaxa FIFA oo murug ku tilmaamay in Afrika aysan meel ka gaarin cayaraaha Koobka Adduunka

Senegal ayaa ahayd kooxdii ugu dambasay ee Afrikaan ah oo ka harta cayaaraha Koobka Adduunka
AFP
Senegal ayaa ahayd kooxdii ugu dambasay ee Afrikaan ah oo ka harta cayaaraha Koobka Adduunka

Madaxa xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA Gianni Infantino ayaa BBC-da u sheegay in wax laga murugooda ay tahay in dhammaan kooxihii Afrika uga qayb galayay Koobka Adduunka ay usoo gudbi waayaan wareega labaad.

Wuxuu sheegay in arrintani ay kulan ka yeelan doonan sii loo wada arko tallaabooyinka xiga ee lagu horumarin karo cayaaraha qaraadda Afrika.

Gianni Infantino wuxuu yiri “ Xulalka ka socda Asia meel ayay ka gaareen cayaaraha balse Afrika meel ma aysan gaarin, lakinse waxaan filaya in diyaargarow ay samayn doonaan cayaartoyda Afrikaanka Koobka Adduunka soo socda”

Dowladda Itoobiya oo shaqada ka ceeyrisay taliyeyaasha xabsiyada

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed
Getty Images
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya ayaa shaqada ka ceeyrisay shanta taliye ee ugu sarrayso xabsiyada dalkaasi.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu shantaasi sarkaal uu ku baddalay saraakiil cusub oo hoggaamin doono maamulka xabsiyada Itoobiya.

Jeneraal General Berhanu Tsegaye wuxuu sheegay in saraakiisha shaqada laga tiray ay gabeen shaqadooda.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya wuxuu sheegay in maxaabiista aysan helin daryeel islamarkaasna xuquuqda aadanaha aan laga qaddarin xabsiyada Itoobiya.

‘Looska oo sare u qaado tayada biyaha ragga’

.
Getty Images

Cunnida looska xilli kasta wuxuu kaa caawin kara inaad yeelatid mino caafimaad oo tayo leh.sida ay sheegtay daraasad

Ragga cunno labo qaaddo oo loos ah maalin kasta waxay muddo labo toddobaad gudahood ay ku hagaagi karta minadooda islamarkaasna ay noqonaysaa mid tayo leh oo saamayn ku yeelan karta dhalinka.

Daraasadda looska ayaa imaanaysa xilli ragga ku nool dalalka reer galbeedka minadooda uu hoos u dhac ku yimid taaso loo aaneeyay wasakhaynta deegaanka, cabidda sigaarka iyo dheelatir la’aanta cunada.

Baarayaasha waxay sheegeen inay caddeymo u hayaan in cunnada wanaagsan ay sare u qaadayso dhalamada.

Soomaaliya iyo shirkado ka socdo Shiinaha oo kala saxiixday heshiis dhanka kalluumaysiga

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya
.
Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya

Waxaa maanta magaalada Nairobi heshiis ku kala saxiixday shirkado ka socday dalka Shiinaha iyo wasaaradda kalluumaysiga dowladda Soomaaliya.

Shirakadaha ayaa howlaha kalluumaysiga ka samayn doona badda Soomaaliya sii loo xoojiyo wax soo saarka kalluumaysiga dalka.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdi Xaashi oo heshiiska saxiixay ayaa sheegay in looga golleeyahay in shirkadahan ruqsad loo siiyo inay ka kalluumaystaan badaha Soomaaliya.

QM: In ka badan 800,000 qof ayaa ku barakacday dagaallo ka dhacay Itoobiya

In ka badan 800,000 qof ayaa ku barakacay dagaallo dhexmaray qowmiyado wada dego koonfurta dalka Itoobiya bilihii lasoo dhaafay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay waxay ka digtay in dad intaasi ka badan lagu khasbayo inay guryahooda ka qaxaan iyadoo dagaalladu ay sii socdaan.

Warar aan la xaqiijinin ayaa kusoo warramaya in boqolaal qof lagu dilay colaad dhexmartay qowmiyadaha Gedeo iyo Oromada kaaso bilaawday bishii Abriil.

Qaramada Midoobay waxay soo jeedisay codsi ah in gargaar cunno iyo hoy loo fidiyo dadka ku barakacay dagaallada.

In ka badan milyan qof ayaa ka barakacay sannadkii lasoo dhaafay dagaallo bariga Itoobiya ku dhexmaray Soomaalida iyo Oromada.

Ra'iisulwasaaraha Itoobiya oo ka garaabay dhibaatada Muslimiinta lagu hayo

Guddiga xal u raadinta dhibaatooyinka Muslimiinta Itoobiya haysta ayaa la kulmay ra'isulwasaare Dr Abiy Axmed.

Guddigu waxay sheegeen in ay ra'iisalwasaaraha u bandhigeen dhammaan eexda iyo xadgudubyada xorriyadda Muslimiinta Itoobiya oo qarniyo soo taagneyd.

Dr Abiy oo cabashada Muslimiinta ka garaabay ayaa magacaabay guddi madax bannaan oo 9 xubnood ka kooban oo cabasha kasta iyo xalkeeda si tafatiran u soo diyaariya uguna soo bandhiga kulan dambe oo ay ku ballameen.

Inta la ogyahay waa markii u horraysay taariikhda Itoobiya ee Muslimiinta Itoobiya ay si ramsi ah cabshadooda ugu bandhigaan masuul haya hogaanka dalka.

Wariyaha BBC-da Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam ayaa warbixintan Jigjiga ka soo diray.

View more on facebook

Militariga Zimbabwe oo ballan qaaday inay dhexdhexaad ka noqon doonaan doorashada

Militariga Zimbabwe ayaa sheegay inay dhexdhexaad ka noqon doonaan doorashada dabayaaqada bishan ka dhici doonto dalkaasi.

Colonel Overson Mugwisi ayaa shir jaraa’id ka sheegay in militariga oo lagu arko goobaha isu soo baxyada siyaasadeed ay ku leeyihiin xisbiga Zanu-PF lagu sugayo ammaanka.

Hadalka militariga ayaa imaanaya xilli ay soo baxayeen warar laisla dhexmarayo oo ahaa inay taageerayaan madaxweyne Emmerson Mnangagwa.

View more on twitter

Militariga Zimbabwe waxay sheegeen inaysan saamayn ku lahayn doorashada dalkaasi ka dhacayso.

Ololaha doorashada Zimbabwe waxaa dhawaan hareeyay qarax lala beegsaday isu soo bax siyaasadeed uu xisbiga talada haya ku qabanayay magaalada Bulawayo.

Militariga Zimbabwe ayaa kaalin ka qaatay tallaabadii xilka looga tuuray Robert Mugabe taaso waddada u xaartay inuu xafiiska la wareego Emmerson Mnangagwa.

Xarunta lagu barto caw falkinta ee Kismaayo

Magaalada Kismaayo waxaa ka furan xarun dumarka lagu baro xirfado ay ka mid yihiin sida cawda loo falkiyo loogana sameeyo alaabaha ay kamidka yihiin darimaha, dambiilaha iyo babisyada.

Dhagayso warbixintan oo cod ah.

View more on facebook

War deg deg ahDagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay tuulada Caad

Dagaal qaraar ayaa lagu soo waramayaa inuu maanta barqadii ka dhacay tuulada Caad ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug kaas oo dhex maray ciidammo ka tirsan Al-Shabaab oo tuulada joogay iyo malayshiyo beeleedyo deegaanka ah oo weeraray tuulada.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira ayuu dagaalkaasi dhaliyay.

Haddaba si aad warar dheeraad ah uga hesho xaaladdu sida ay tahay iyo khasaaraha dagaalku uu dhaliyay yaysan ku dhaafin Idaacadda Duhurnimo ee BBC Soomaali.

View more on facebook

Shil halis ah oo dad badan ku laayay Kenya

Gawaari isku dhacday oo maraysay waddo Kenya ku taalla ayaa galaafatay nolosha 9 ruux, dhaawacdayna 20 kale, ka dib markii mid ka mid ah gawaaridaas uu dab qabsaday.

Labada gaari ee isku dhacay ayaa kala ahaa bas iyo gaari kuwa xamuulka qaada ah – saxafigan ayaa twitterkiisa soo galiyay muuqaalka uu ku sheegay in shilka laga duubay.

View more on twitter

Wargeyska Daily Nation ayaa soo xigtay masuuliyiin sheegaya in baskaasi uu u socday oo ku safrayay waddada u dhaxaysa Mombasa iyo Nairobi uuna waday 39 ruux.

Shilka ayaa ka dhacay meel u dhaw magaalada Emali oo 125km Nairobi kaga beegan dhanka koonfurta bari.

Shilalka gawaarida ayaa sannadkaste galaafta 3,000 ilaa 13,000 oo Kenyan ah, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay Qaramada Midoobay.

Carruurtii Thailand oo caafimaadkoodu wanaagsan yahay

Muuqaal cusub oo laga soo duubay carruurta reer Thailand oo ku hoos xanniban bohosha uu daadku ugu galay ayaa muujinaya iyaga oo la kaftamaya dadka quusidda biyaha ku dheereeya oo wiilasha la joogi doona tan iyo inta laga soo badbaadinayo.

Carruurta oo naanaystooda iyo salaanta dalkaas ku billaabaya ayaa sheegaya in xaaladdooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

Hoos ka daawo muuqaalkaas oo qaybta Ingiriiska ee BBC ay baahisay.

View more on facebook

Haweenay 92 ah oo dishay wiilkeeda

Haweenay 92 jir ah oo Maraykanka u dhalatay ayaa toogasho ku dishay wiilkeeda oo 72 jir ah, iyada oo ka cabsanaysa in uu geeyo meel dadka waawayn lagu xannaaneeyo, sida ay booliisku sheegeen.

Anna Mae Blessing oo lagu soo oogay dil ayaa filaysay in wiilkeedu uu doonayo in uu geeyo meel dadka waawayn lagu xannaaneeyo maalinkii, sida ay muujinayso macluumaad maxkamadda laga helay.

“Naftaydaad qaaday, sidaas daraadeed ana taadaan qaadayaa,” ayaa la sheegay in ay tiri haweenaydu markii laga saarayay guri ku yaalla Arizona oo ay kula noolayd wiilkeeda iyo gabadh saaxiibbaddii ah.

Blessing ayaa booliiska u sheegay in ay doonaysay in ay iyaduna is disho.

Dhacdadan ayaa subaxnimadii 2 Luulyo ka dhacday Fountain Hills oo ka tirsan deegaanka Maricopa, sida ku qoran xog booliis oo saxaafadda gudahu heshay.

Anna Mae Blessing
MARICOPA COUNTY SHERIFF'S OFFICE

Maxkamadda Ecuador oo amartay in xiro madaxweyne hore

Maxkamadda Ecuador ayaa Talaadadii amartay in la xiro Rafael Correa oo horay madaxweyne u soo noqday, isaga oo loo haysto in uu ku lug lahaa qof ay is hayeen oo 2012kii la afduubtay.

Correa oo hadda ku nool dalka Belgium oo xaaskiisu asal ahaan ka soo jeedo ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay.

Garsoore Daniella Camacho ayaa sheegtay in ay booliiska caalamiga ah ee Interpol u gudbisay dalab ku aadan in loo soo masaafuriyo.

Fernando Balda oo xildhibaan hore ahaa ayaa wakhti koobaan lagu afduubtay magaalada Bogotá ee dalka Colombia, halkaas oo markii dambana uu isaga cararay markii uu caddaadis badan kala kulmay Correa.

Wuxuu arrintaas ku eedeeyay madaxweynihii wakhtigaas oo talada hayay 2007 ilaa 2017kii, isaga oo sheegay in uu maleegay afduubkiisa.

Balda wuxuu wakhtigaas wajahay dacwado la xiriira afgambigii dhicisoobay 2010kii ee ka dhanka ahaa Correa, wakhtigaas ka dibna waxaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ah isaga oo lagu eedeeyay in uu wax u dhimay ammaanka dalkaas.

Garsooraha ayaa Talaadadii sheegay in Correa uu ku guuldarraysatay in uu ka soo muuqdo maxkamad ku taalla Quito si uu gacan u siiyo baaritaanka lagu hayo sheegashooyinka afduubka.

Taas badalkeedana madaxweynuhu wuxuu tagay qunsuliyadda Ecuador ay ku leedahay magaalada Brussels, taas oo xeer ilaaliyuhu ay ku tilmaantay meel ka dhac lagu sameeyay amarkii ay bixisay.

Rafael Correa
AFP/GETTY
Rafael Correa

England oo ka badisay Colombia

Xulka Qaranka England ayaa gaadhay rubac dhamaadka Koobka Adduunka, isaga oo ka badiyay xulka Kolombiya oo ay rigoodheyaal kaga raayeen, Barbaro hal iyo hal ah ayayse ciyaartii caadiga ahayd isla dhaafi waayeen.

England ayay hadda isla dheelidoonaan dalka Sweden.

Xulka England
PA

Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinteenna tooska ah.

Waa maalin Arboco ah taariikhduna tahay 04 Luulyo 2018.