Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Shiinaha oo maanta Jabuuti ka furay aag ganacsi oo xor ah
  2. ONLF oo liiska argagixisada laga saaray
  3. Soomaali duqmagaalo ka ah UK oo Trump xayiraad ku soo rogay
  4. Emmanuel Macron oo ka codsaday shacabka Nigeria inay taageeraan xulka Faransiiska

Tebin toos ah

time_stated_uk

Tebinta tooska oo inoo soo bilaabatay saaka intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.

Dadweynaha Wajeer ‘ laga billaabo 7-da bishan July waxaa loo fasaxay cunista hilibka'

Wareegtada kasoo baxday maamulka Wajeer
.
Wareegtada kasoo baxday maamulka Wajeer

Wareegto kasoo baxday maamulka wajeer ayaa lagu sheegay in xayiraddii lagu soo rogay dadweynaha oo ku addaanayd ka ganacsiga iyo cunidda wax soo saarka xoolaha laga qaaday.

Xayiraadda waxay mamnuucaysay in laga ganacsado hilibka iyo dhammaan wax soo saarka xoolaha.

Wixii ka billaawda 7-da bishan July dadweynaha reer Wajir waxay si rasmi ah uga ganacsan karaan dhammaan wax soo saarka xoolaha.

Dadweynaha waxaa loo soo jeediyay tallaabooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin.

Inta aanan la gowricin xoolaha waa in la eego caafimaadka nafka

Nadaafadda in la dhowro iyo qodobo kale.

Horraantii bishii June ayaa dadweynaha reer Wajeer laga mamnuucay wax soo saarka xoolaha oo ay kamid ahayd cunnida iyo ka ganacsiga hilibka kaddib markii cudurka Riftvalley uu ka dilaacay halkaasi.

Waxaana la xiray kawannada sii loo xakameeyo faafidda cudurka Rift valley

Ugaarsato la ugaarsaday

Seeraha Sibuya ee dalka Koonfur Afrika
SIBUYA GAME RESERVE
Seeraha Sibuya ee dalka Koonfur Afrika

Ugu yaraan labo qof oo la sheegay inay kamid ahaayeen dadka u gaarsada wiyisha ayaa maydkooda laga helay seero ku yaalla dalka Koonfur Afrika.

Labadani qof ayaa ku raad joogay xayaawaanka wiyisha balse waxaa dilay libaax.

Intii ay wax u gaarso lahaayeen ayaa la u gaarsaday iyaga.

Shaqalaaha seeraha Sibuya ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay arkeen maydka labo qof xilli ay howlgal wadeen.

Waxaan goobta laga helay iyo qoriga ay u gaarsanayeen Wiyisha.

Milkiilaha seeraha duur joogta wuxuu sheegay in raggan ay subaxnimadii Isniinta ay galeen halkaasi islamarkaasna ay doonayeen inay u gaarsadaan duur joogta aaggaasi ku nool.

Saddex wiyisha kamid ah ayaa lagu dilay seerahan tan iyo sannadkii 2016-kii
SIBUYA GAME RESERVE
Saddex kamid ah wiyisha ayaa lagu dilay seerahan tan iyo sannadkii 2016-kii

Qaaradda Afrika waxaa kusoo batay ugaarsiga sharci darrada ee duur joogta lagu hayo.

Wiyisha ayaa kamid ah xayawaanada sida wan ciribtirka loogu hayo.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Sierra Leone oo la xiray

Madaxweyne Julius Maada Bio waxaa la doortay bishii April, dagaal ayuu kula jiraa musuq maasuqa
AFP
Madaxweyne Julius Maada Bio waxaa la doortay bishii April, dagaal ayuu kula jiraa musuq maasuqa

Waaxda la dagaalanka musuq maasuqa dalka Sierra Leone ayaa sheegtay in madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalkaasi Victor Foh iyo wasiirkii hore ee macddanta Minkailu Mansaray xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu eedeeyay fadeexado musuq maasuq.

Xiritaanka mas’uuliyiintani ayaa imaanaya xilli dhawaan madaxweynaha Sierra Leone Julius Maada Bio uu soo magacaabay guddi cusub oo ka hortaggo musuqa dalkaasi

Madaxweyne Maada Bio ayaa telefishinka qaranka ka sheegay in musuq maasuqa uu dhibaato ba’an ku haya dalka Sierra Leone.

Shiinaha oo maanta Jabuuti ka furay aag ganacsi oo xor ah

Madaxda oo loo sharraxayo sida uu aagga xorta ah u shaqeeyo
MOHAMOUD OSMAN BOULHAN
Madaxda oo loo sharraxayo sida uu aagga xorta ah u shaqeeyo

Wajiga koowaad ee Shiinaha maanta uga furtay dalka Jabuuti aag ganacsi oo xor ah ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee u ka furto qaaradda Afrika.

Aaga gancsiga xorta ah ayaa gaaraya ilaa 50 kilomitar oo isku wareeg ah kaaso noqonaya bakhaar lagu xareeyo badeecadaha iyo alaabaha la dhoofinaya.

Waxaana la filaaya in aaga ganasiga xorta ah la geliyo ganacsi uu ku kacayo7 bilyan oo doolar muddo 2 sanno ah iyo inuu dadka deegaanka siiiyo ilaa 15,000 oo fursado shaqo ah.

Madaxweyne Geelle, madaxweyne Kagame iyo ra'iisul wasaare Abiy Axmed
MOHAMOUD OSMAN BOULHAN
Madaxweyne Geelle, madaxweyne Kagame iyo ra'iisul wasaare Abiy Axmed

Dalalka deriska ah ayaa badeecadaha loo soo dhoofiyo soo marsadaa dekedda Jabuuti sida Itoobiya.

Aagan xorta ah uu Shiinaha maanta ka furtay dalka Jabuuti wuxuu ka qayb yahay qorshaha cusub uu Shiinaha ku maalgelinaya ilaa 60 dal.

Shiinaha ayaa saldhig military ku leh Jabuuti.

Equatorial Guinea oo cafis u fidisay maxaabista siyasadda u xirnaa

Madaxweynaha Equatorial Guinea ayaa shaaca ka qaaday in cafis guud loo fidiyay dhammaan maxaabistii u xirnaa siyaasadda.

Dikreetada madaxaweyne Teodoro Obiang Nguema uu ku cafiyay maxaabista waxaa la akhriyay telefishinka qaranka.

Xisbiyada mucaaradka ayaa ka codsaday madaxweynaha inuu soo daayo maxaabista taaso kamid ahayd qodabadii ay wada galeen mucaaradka iyo dowladda oo kamid ah dadaalada dib u heshiisinta dalkaasi.

Madaxweyne Obiang ayaa xilka afgambi kula wareegay sannadkii 1979-kii.

Dad ka ganacsado hilibka oo Kenya lagu xiray

Ganacsatada ayaa loogu baaqay inay isticmaalaan waraaqaha cad marka ay hilibka wareejinayaan
AFP
Ganacsatada ayaa loogu baaqay inay isticmaalaan waraaqaha cad marka ay hilibka wareejinayaan

ilaa 10 qof oo kamid ah dadka ka ganacsado hilibka dalka Kenya ayaa la xiray kaddib markii la qabtay iyagoo hilibka ay ka ganacsanayeen kusoo duubeen waraaqaha lagu daabaco wargeysyada.

Mid kamid saraakiisha caafimaadka gobolka Homa Bay ee dalka Kenya, wuxuu yiri “ waraaqaha wargeysada lagu daabaco waxaa ku jiraa qad oo ay ku jiraan maddooyin sun ah oo saamayn ku yeesha nolosha dadka”

Wargeyska The Standard ayaa kusoo warramaya in dadka la xiray ay isugu jiraan ganacsato ka shaqeeyo kawaannada iyo kuwa kale oo hilibka wareejiyo.

Dadkan xabsiga loo taxaabay ayaa iska dhagatiray amar horraan loo soo jeediyay oo ahaa inaysan waraaqaha ku duubin hilibka ay ka ganacsanayaan.

Emmanuel Macron oo ka codsaday shacabka Nigeria inay taageeraan xulka Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u sheegay shacabka Nigeria in hadda Xulka dalkaasi ay isaga hareen Koobka Adduunka balse ay tageeraan xulka Faransiiska.

View more on twitter

Emmanuel Macron ayaa hadalkani sheegay xilli magaalada Lagos uu kula hadlaayay cayaartoyda kubadda kolayga ee dalka Nigeria islamarkaasna ka codsaday inay taageeraan xulka qaranka Faransiiska oo hadda u gudbay cxayaaraha rubac dhammaadka ee Koobka Adduunka.

Faransiiska ayaa berito la cayaaraya xulka Uruguay.

Maxkamadda ICC oo amar ku bixisay in lasoo qabto taliyaha ciidamada bariga Liibiya

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee The Hague ayaa markii labaad soo saartay amar ah in lasoo qabto taliyaha ciidanka fadhiggiisu yahay bariga dalka Liibiya Maxamuud Al-Werfaali.

Maxamuud Al-werfaali oo hoggaamiya ciidammada bariga Liibiya ku sugan ayaa lagu eedeeyay inuu gaystay dambiyo dagaal.

Go’aankan ugu dambeeyay ee kasoo baxay maxkamadda ICC ayaa kusoo beegmaya xill muqaal baraha bulshada lagu baahiyay bishii January uu kasoo muuqday taliyahan oo masaajid hortiisa ku tooganaya ilaa 10 qofmagaalada Banghazi.

Waxaa la sheegay in ciidammadiisa ay dagaal kula jireen kooxo isugu jiro islaamiyiin ah iyo maleeshiyaad maxalli ah magaalada Banghazi muddo saddex sanno ah , dagaalkaasi oo soo afjarmay sannadkii lasoo dhaafay.

Soomaali duqmagaalo ka ah UK oo Trump xayiraad ku soo rogay

Duqa magaalada Sheffield ee dalka UK oo Soomaali ah ayaa madaxweynaha Maraykanka ka “mamnuucay” in uu soo booqdo magaaladaas.

Magid Magid ayaa ku dhawaaqay hadalkaas isaga oo ka hadlaya kala fadhiga golaha deegaanka, arrintaas ayuuna “taageero” ugu muujinayay Mexico.

Ninkan oo ka tirsan xisbiga Green Party ayaa intaas ka dibna Twitterka ku soo qoray magaalada wayn ee Sheffield laga mamnuucay Trump.

Duqa
BBC

Duqan magaalada oo 28 jir ah oo la doortay bishii May ayaa ah duqii ugu da’ yaraa ee magaaladaas abid soo mara.

Golaha deegaanka ayaase sheegay in Magid uusan lahayn awood uu magaalada kaga mamnuuco cidna, balse goluhu uu si dimuqraadi ah u soo dhigi karo ugana doodi karo si ay u cambaareeyaan aragtida shaqsi ama urur.

Magid Magid ayaa magaalada Sheffield tagay isaga oo shan jir ah
FAMILY
Magid Magid ayaa magaalada Sheffield tagay isaga oo shan jir ah

War deg deg ahONLF oo liiska argagixisada laga saaray

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa maanta liiska argagixisada ka saaray OLF, ONLF, iyo Ginbot 7.

Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay dalab ka yimid gollaha wasiiradda Sabtidii hore kaas oo ahaa in ururradaas laga saaro liiska argagixisada.

Qorshahan ayaa qayb ka ah isbadallo waawayn oo uu Itoobiya ka hirgaliyay ra'iisulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed.

ONLF
AFP

Samatabixiyeyaasha Thailand oo wali la hardamaya jooga biyaha

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ee dalka Thailand ayaa la daalaa dhacaya roobab iyaga oo isku dayaya in ay soo badbaadiyaan 12ka wiil iyo tababarahooda kubadda cagta oo ku go’doonsan bohol ay daadad ugu galeen oo Thailand ku taalla.

Daadad dheeri ah ayaa la filayaa in ay meeshaas galaan maalmaha soo socda, taas oo sare u qaadi karta jooga biyaha bohosha ku jira, iyada oo markaas halis galinaysa gabiga ay hadda ku badbaadeen.

Da’da wiilasha ayaa u dhaxaysa 11 ilaa 16, iyaga iyo tababarahooda ayaana ku xayiran halkaas tan iyo 23 Juunyo.

Waxaa la rumaysan yahay in ay bohosha galeen iyadoo ay ingagan tahay, ka dibna roob da’ay uu xannibay meeshii ay ka soo bixi lahaayeen.

Kooxdan ayaa la helay habeennimadii Isniinta, waxaana soo arkay labo ruux oo reer Britain ah oo dadka wax badbaadiya ah kuwaas oo ku takhasusay mukhuurashada.

Biyo
Reuters
Shaqaalaha gurmadka degdegga ah
Reuters

Kiimiko neerfaha waxyeesha oo miyir dabooshay lamaane reer Britain ah

Booliiska Britain ayaa xaqiijiyay in lamaanihii aadka ugu xannuunsaday agagaarka Salisbury ku miyir daboolmay in ay dhibaatadaas ka soo gaartay mid la mid ah suntii neerfaha wax yeelaysay ee la damcay in lagu dilo basaaskii hore ee Ruushka ahaa.

Dad baaraya kiimiko
PA
Khuburo kiimiko baaraysa

Ma jiro wax caddayn ah oo muujinaya in lamaanahan si ula kac ah loo bartilmameedsaday.

Britain ayaa Ruushka ku eedaysay weerarkii lagu bartilmaameedsaday Sergei Skripal iyo gabadhiisa bishii Maarso, Mosko ayaase diiday ku luglahaanshaha weerarkaas.

Lamaanaha ayaa la rumaysan yahay in ay kala yihiin Dawn Sturgess iyo Charlie Rowley
FACEBOOK
Lamaanaha ayaa la rumaysan yahay in ay kala yihiin Dawn Sturgess iyo Charlie Rowley

"Jeel Ogaadeen tacaddiyaa laga gaystay"

Hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa laamaha Ammaanka ee Itoobiya ku eedaysay in ay ku lugleeyihiin kufsi iyo jirdil loo gaystay dadka siyaasadda u xirxiran ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Hay'addu waxay sheegtay in saraakiisha xabsiga Jeel Ogaaden aysan ku ekaanin amridda tacaddiyada ee ay xataa ka qaybqaateen.

Warbixintan oo intan ka faahfaahsan kaga bogo lifaaqan

Itoobiya
BBC

Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kuna soo dhawaada tabintan tooska ah ee aan ku samaynayno wararka caalamka iyo kuwo Soomaalida.

Waa maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 05 bisha Luulyo 2018.