Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

Ciidanka nabadgelyada Soomaaliya oo la wareegay dhismaha Otto Otto

Ciidanka amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen hawlgal ay dib ugu qabsanayeen dhismaha Otto Otto oo xarun u ah wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga kadib markii saaka koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay dhismaha weerar ku galeen.

Dad goobjoog ah ayaa waxay sheegeen in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen qaraxyada iyo rasaastii xigtay ee ka dhacay dhismaha.

Madax gaadiidka gurmadka degdeg ah ee Aamin Ambulance, Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aden, ayaa isna waxa uu BBC-da u sheegay in 21 qof oo dhaawac ah oo 5 kamid ahi yihiin haween ay ka qaadeen goobta weerarku ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyda qaraxyada iyo weerarada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Muqdisho ayaa xasiloonayd labadii bilood ee ugu dambeeyey.

Kadinka xarunta Otto Otto
Abdirizak Atosh/BBC
Kadinka xarunta Otto Otto

Tirada dhimashada ee weerarkii Otto Otto

Ilaa 10 qof ayaa ku dhintay qaraxa
BBC
Ilaa 10 qof ayaa ku dhintay qaraxa

Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkii lagu qaaday xarunta Otto Otto.

Dadka dhintay ayaa iskugu jira, shaqaale dawladeed, dableydii weerarka qaadday, ciidanka amniga ee dawladda iyo dad rayid ah.

Dhaawaca ayaa inta isna la xaqiijiyey kor u dhaafaya 20 qof.

Wararka ay tabinayeen qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ayaa sheegaya inay jiraan dad ka soo booday dabaqyada dhismaha.

Sidoo kale waxay wararkii u dambeeyey sheegayaan in sharqanta rasaasta ay hadda yaraatay.

Weerar lagu qaaday xarunta Otto Otto

Halka laga galo xarunta Otto Otto
Abdirizak Atosh/BBC
Halka laga galo xarunta Otto Otto

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay weerarkii isqarxinta aha ee lagu qaaday xerada Otto Otto oo xarun u ah wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha.

Weli si rasmi ah looma hubo tirada dhimashada, laakin gaadiidka gurmadka degdegga ayaa BBC u sheegay in ilaa hadda ayy xarumaha caafimaadka geeyeen ilaa 17 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Xerada Otto Otto ayaa weli waxaa gudaheeda ka socda rasaas ay is weydaarsanayaan dableydii weerarka qaadday iyo ciidanka amniga.

Shaqaalaha wasaaradahaas qaar ka mid ah ayaa la sheegayaa inay ku xanniban yihiin dhismaha uu dagaalku ka socdo, halka baraha bulshadana la isla dhex marayo in khasaaruhu uu soo gaaray shaqaalaha qudhooda.

Al Shabaab ayaa sheegtay in ay weerarkaas ka dambeeyeen.

Wakaaladda Sonna ee ku hadasha afka dawladda ayaa Iyana soo qortay in “Ciidamada ammaanka ay wadaan howl gal ay ku soo afjarayaan weerar ay argagixisadu ku soo qaadeen xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha ee u dhow taallada Sayidka”.

Weli rasaas ayaa laga maqlaya halkaas, taasoo bilaabatay 11:00 barqanimo.