Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Falanqayn cayaarta Ingriiska iyo Croatia
  2. Nambia: Qaxootiga waa inay dib ugu soo laabtaan dalka
  3. Mid ka mid ah dhakhaatiirtii ugu magac dheerayd Soomaaliya oo geeriyooday
  4. Manchester City oo lacagtii ugu badnayd soo siisatay Mahrez

Tebin toos ah

time_stated_uk

Tebinta tooska oo inoo soo bilaabatay saaka intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.

Taalla Dabagaale oo dheereerkeedu yahay 12 miitar oo laga dhisay dalka Kazakhsatan

PAUL BARTLETT
PAUL BARTLETT

Dadweyanaha ku dhaqan dalka Kazakhsatan ayaa amakaag iyo yaab kusoo waa-bariistay markii ay magaalada caasimadda ah ee Almaty ay ku arkeen taalla Dabagaale oo dheereerkeedu gaaraya 12 miitar.

Taallada Dabagaale waxaa laga sameeyay alwaax, wuxuuna qayb ka yahay mashruucyada dowladda hoose ay ku horumarinayso bilicda caasimadda.

Dadka qaar ayaa isweyddinaya sida loo sameeyay Dabagaale intaasi la’eg oomuuqaalkiisa uu la wareegay magaalada.

Taallada Dabagaale waxay ka qayb tahay bilicda magaalada
PAUL BARTLETT
Taallada Dabagaale waxay ka qayb tahay bilicda magaalada

Dowladda hoose ayaa dhisitaanka taallada ku bixisay 15 milyan lacagta dalkaasi. Dadweynaha qaar waxay leeyihiin waxaa lagu takrifalay lacagta dadweynaha intii bulshada wax loogu tari lahaa.

Taallada Dabagaale waxaa sameeyay Injineero u kala dhashay dalalka KoonfurAfrika iyo Ingiriiska.

Mid kamid ah Injineerada ayaa sheegay in Dabagaalaha uu astaan u yahay kobac magaalada caasimadda ee Almaty.

Tikidhka diyaaradaha Addis Ababa iyo Asmara oo qiimo sare ku bilaabmaya 20 sano kaddib

.
AFP

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya waxay shaaca ka qaaday inay dib u billaabayso duulimaad ay ku tageyso dalka Eritrea kaddib 20 sanno oo colaad dhanka xadka ay labada dal ka dhexeeysay.

Madaxa shaqaalaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in shacabka Eritrea iyo Itoobiya aanan looga bahnayn inay haystaan fiiso marka ay doonayaan inay u kala safraan labada dal.

Bogga tebinta tooska ah ee BBC Afrika ayaa soo ogaaday in tikidhka diyaaradaha lagu raaca Addis Ababa ilaa Asmara uu qiimihiisu uu noqon doono 13,008 lacagta Itoobiya oo u dhiganta $472 oo doolar.

Waxaana la filaya in bisha soo socota qiimaha tikidhka diyaaradaha min Addis Ababa ilaa Eritrea uu hoos u dhaca uuna gaara ilaa 401 doolar.

View more on twitter

Ardayad loo diidanaa inay soo xirato xijaabka munaasabadda qalin jabiteeda oo maanta loo ogolaaday

Ardayada baratay cilmiga sharciga ayaa si rasmi ah u qalin jibisay maanta kaddib markii horraan loo diidana inay soo xirato xijaabka maalinka ay qalin jebinayso.

Maamulka jaamacadda ayaa sheegay in Amasa Firdaus loo ogolaaday inay kasoo qayb gasho munaasabadda qalin jebintaJaamacadda iyadoo xiran xijaabkeeda.

Ururka ay midoobeen ardeyda muslimiinta ee Jaamacadaha dalka Nigeria ayaa soo dhaweeyay go’aanka jaamacadda Ilorin University ay u ogolaatay Amasa Firdaus inay soo xirato xijaabka xilli ay joogtay munaasabadda qalin jebinta.

Waxay intaasi ku dareen in Firdaus laga hor istaagay munaasabadda horraan xijaab dartiis ay hayd mid ka dhan ah xuquuqdeeda.

Firadaus ayaa sheegtay in xuquuqdeeda lagu xaadgudbay.

View more on twitter
View more on twitter
View more on twitter

Falanqayn cayaarta Ingriiska iyo Croatia

Harry Kane oo u dheela xulka Ingiriiska
Getty Images
Harry Kane oo u dheela xulka Ingiriiska

Xulalka Ingiriiska iyo Croatia ayaa caawa wada dheelaya saacadda Afrikada bari marka ay tahay 9:00pm fiidnimo.

Xulka caawa badiyo wuxuu u gudbi doonaa cayaarta kama dhambyasta ee cayaaraha Koobka Adduunka.

Xulka Faransiiska aya hadda u gudbay cayaarta kama dambaysta.

Luka Modric oo u cayaara Croatia
Getty Images
Luka Modric oo u cayaara Croatia

Croatia

Xulka Croatia ayaa markii labaad usoo gudbay cayaarta nus dhammaadka ee Koobka Adduunka, markii ugu dambyasana waxay ahayd sannadkii 1998-dii.

Ingiriiska

Waa markii saddexaad uu xulka England usoo gudbay cayaaraha nus dhammaadka,markii ugu dambaysana waxay ahayd sannadkii 1990-kii.

Nambia: Qaxootiga waa inay dib ugu soo laabtaan dalka

.
BBC

Waxaa dhamaaday xilligii loo qabtay qaxootiga kasoo jeeda Namibia ee ku sugan dalka Botswana si ay ugu soo laabtaan dalkooda.

Qaxootiga Nambia ee u qaxay 20 sanno ka hor dalka Botswana ayaa gaaraya tiradooda 1000.

Dowladda Nambia ayaa sheegtay inay ka shaqaynayso sidii dadka qaxooytiga ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalka,arrintan ayaa ka dambaysay kaddib la gaarayb heshiis Qaramada Midoobay ay garwadeen ka tahay oo lagu soo celinaya Qaxtootiga reer Nambia ee u qaxay sagaashamaadkii dalka Botswana.

Ku dhawaad 3,000 qof ayaa u qaxay dalka Bostwana sagaashamaadkii xilligii ay socdeen kacdoon gooni u goosad lagu raadinyay.

Halkan ka daawo magaalada siddeedaad ee ugu wasakh badan adduunka oo dhan.

View more on facebook

'Marnaba lama iloobin'

Dadkii ku dhintay bamkii lagu weeraray taageerayaashii Uganda ku daawanayay Koobka Adduunka.

Iyadoo ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Aduunka ay foodda inagu soo hayso waxay arrintaasi xasuusin u tahay masiibadii dadka reer Uganda ku habsatay siddeed sano ka hor.

Markii ay taariikhdu ahayd 11 bisha Luulyo ee 2010 qarax bam ayaa lagu dilay in kabadan 70 ruux oo daawanayay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka ee sannadkaas dhex martay Spain iyo The Netherlands, dadkaasi ayaa ciyaarta ka daawanayay makhaayad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kampala.

Wargayska New Vition ayaa sidan ku xusay dhacdadaas.

View more on facebook

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas bamka loo adeegsaday.

Sannadkii 2016-kiina siddeed ruux ayaa lagu helay in ay ku luglahaayeen weerarkaas.

Qaxootiga Namibi waa “qasab in ay laabtaan”

Waxaa maanta ku eg wakhtigi kama dambaysta ahaa ee loo qabtay 1,000 ruux ee qaxootiga reer Namibia ah, si ay si mutadawacnimo ah uga laabtaan dalka ay dariska yihiin ee Botswana oo ay 20 sano ka hor u fixadeen.

Masuuliyiinta Botswana ayaa sheegtay in ay doonayaan in ay ku dhaqaaqaan dib u celinta dadkaas oo ka soo jeeda deegaanka Caprivi Strip ee dalka Namibia, iyaga oo raacaya heshiis wakhti hore la gaaray oo ay dusha kala socotay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga.

Dad lagu qiyaasay 3,000 oo ka soo jeeda deegaanka Caprivi Strip ee dalka Botswana ayaa qaxay 1990-yadii markaas oo uu socday kacdoon gooni u goosadka.

Intaas wixii ka dambeeyayna dadkaas intooda badan dib ayay u laabteen.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa Botswana ugu baaqday in aysan dadkaas dib ugu celinin dalkooda iyaga oo ku qasbaya, haddii uu jiro halis ay la kulmi karaan.

Khariidad
BBC

Mudaaharaad canshuurta baraha bulshada lagaga cabanayo oo Kampala ka dhacay

Booliiska dalka Uganda ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmaysiisa iyo xabbado ay hawada u rideen si ay ukala eryaan mudaaharaad aan waynayn oo ay dadku ku diidan yihiin canshuurta lagu soo rogay baraha ay bulshadu ku xiriiraan, sida ay ku soo warramayso weriyaha BBC-da ee magaalada Kampala Catherine Byaruhanga.

Uganda
BBC

Waxay sheegtay in booliisku ay isku dayeen in ay xiraan Robert Kyagulany oo ah xildhibaan iyo fanaan hogaaminayay mudaaharaadka, balse wuxuu maareeyay in uu ka baxsado.

Wariye dhanka kaameerada ah ayaa sawirkan soo dhigay Twitter-kiisa.

View more on twitter

Mid ka mid ah dhakhaatiirtii ugu magac dheerayd Soomaaliya oo geeriyooday

Saaka waxaa Nairobi ku geeriyooday Allaha u naxariistee Dr Axmed Maxamed Xassan oo ku magac dheeraa Foodcadde oo ka mid ahaa dhakhaatiirtii Soomaalia kuwii ugu magaca weynaa.

Axmed wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1938-dii.

Inta la ogyahay mar wuxuu ahaa dhakhtarka kali ah ee wadnaha ee Soomaaliya.

Muddo dheerna wuxuu ahaa dhakhtarka khaas ah ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Dr
BBC

Lixdameeyadii wuxuu noqday guddoomiyihii bisha cas ee Soomaaliya oo uu ku muteysatay abaalmarinno badan sida mid caalami ah oo oo ay siisay Hay'adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah oo magaceeda loo soo gaabiyo ICRC.

Boqorada Britain Queen Elizabeth ayaa guddoonsisay abaalmarintaas billadda ahayd oo bisha cas ee Soomaaliya ay ku muteysatay shaqadii bani-aadminimo.

Quin Queen Elizabeth oo abaalmarin gudoonsiinaysa Dr Axmed
BBC

Soo badbaadinta carruurtii bohosha ku jirtay oo loo riyaaqay

Farxad iyo raynrayn ayaa lagu soo dhaweeyay soo badbaadinta 12ka wiil iyo tababarahooda kubbadda oo ku xannibnaa bohosha ay biyuhu ugu galeen ee waqooyiga Thailand, ka dib markii dadka biyaha quusa ay soo dhamaystireen hawshii ay dibadda ugu soo saarayeen.

Shantii u dambaysay ayaa la soo saaray Talaadadii ka dib markii ay halkaas ku xayirnaayeen 17 maalmood.

Hawlgalkii aan sahlanayn ee lagu soo samato bixinayay carruurta iyo tababarahooda ayaa indha caalamka soo jiitay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Dabaaldeg ayaa ka billawday dalkaas ku yaala Koonfurta Bari ee Aasiya.

Warbixintan oo intaas ka faahfaahsan kaga bogo lifaaqan

Kooxda badbaadada ee Thailand
EPA

Manchester City oo lacagtii ugu badnayd soo siisatay Mahrez

Kooxda Manchester City ayaa jabisay rikoorkii wax soo iibsiga ka dib markii ay Riyad Mahrez oo garabka ka dheela ay kula soo wareegtay 60 milyan oo gini.

Riyad Mahrez ayaa laga soo gatay kooxda Leicester City

27 jirkan ayaa sixiixay qandaraas shan sano ah, isaga oo noqday ciyaartoygii u horreeyay ee kooxdu soo iibsato tan iyo markii ay Horyaalka Ingiriiska ku guulaysatay xilli ciyaareedkii u dambeeyay.

Mahrez oo reer Algeria ah ayaa sheegay in ay “aad ugu wanaagsan tahay” isaga qaab ciyaareedka Man City uuna doonayay in uu kamid noqdo kooxdan “dib u qeexaysa ciyaaraha Ingiriiska”.

View more on twitter
Mahrez
Getty Images

Dawladda Maraykanka ka cudurdaaratay amarka maxkamadda

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in aysan ka soo bixi karin wakhtigii ay maxkamaddu u qabatay in ay ku midayso qoysaska soo galootiga ah iyo carruurtooda shanta sano ka hooseeya ee lakala geeyay markii ay Maraykanka soo galayeen.

In kabadan boqol carruur ah oo ay dadka soo galootiga ah dhaleen ayaa la geeyay meel aan ahayn meesha waalidkood lagu xiray, iyadoo la adeegsanayo siyaasadda kala gaynta ee uu hadda ka tanaasulay madaxweyne Trump.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in 34r ilmood loo gayn doono waalidkood, balse carruurta kale aysan waalidkood la midoobi doonin arrimo farsamo awgood.

Ilmo yar oo Maraykanka ku sugan
EPA

Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Waa waa maalin Arboco ah oo ay taariikhdu tahay 11 bisha Luulyo 2018ka.