Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

Museveni oo amray in xildhibaannada Tikniko la siiyo

Museveni wuxuu ka walaacsan yahay amniga xildhibaannada
AFP
Museveni wuxuu ka walaacsan yahay amniga xildhibaannada

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay siin doonto mudaneyaasha baarlamaanka gaadiidka gaashaaman (tikniko) iyo shiishyahanno milateriga ka tirsan, ka dib dhowr dil oo loo gaystay dad sare.

Warqad loo diray wasiirka maaliyadda, ayuu Mr Museveni ku sheegay in nidaamka cusub ee amniga uu noqon doono mid saa'id ka ah ilaalada hubaysan ee booliska ee horeba loo siiyey afarta boqol ee xildhibaan ee baarlamaanka Uganda.

Bishii hore,ayaa xildhibaan caan ah toogasho lagu dilay magaalada kampala gudaheeda, waxaana ka sii horreeyey dil aan xal laga gaarin oo loo gaystay Dacwad ooge xukuumadeed iyo taliye boolis.

Qaar ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ayaa ku tilmaamay talaabooyinkan cusub ee xagga amaanka kuwo lagu khasaarinayo lacagta dadweynaha.

Dad ku dhintay rabshado ka dhacay Suuqa xoolaha

Mid ka mid ah gaadiidka AMISOM ayuu qarax haleelay
BBC
Mid ka mid ah gaadiidka AMISOM ayuu qarax haleelay

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen BBC, dhibaatada waxay ka bilaabatay gaari ciidan oo halkaa marayey oo sida la sheegay ay rasaas ka fakatay, waxaana rasaastaas ku dhintay hal qof, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Dibadbaxyo rabshado wata ayaa halkaa ka billowday, kuwaasoo ay dadku kaga soo hor jeedeen ciidanka.

Intii ay dibadbaxyadu socdeen ayaa waxay miino waddada dhinaceeda la geliyey la kacday mid ka mid ah gaadiid ay AMISOM leedahay oo halkaa marayey.

Dadka degaanku waxay sheegeen in askarta AMISOM ay rasaas fureen.

Waxay intaa ku dareen oo BBC u sheegeen geerida 2 qof iyo dhaawaca ugu yaraan 5 kale.

BBC waxay la xiriirtay guddoomiyaha degmada Heliwaa, wuxuuse ku gaabsaday in rabshado ay dheceen.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax dheere, oo isna aan wax ka weydiinnay banaanbaxa iyo khasaaraha shacabka soo gaaray ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

Wararku waxay sheegayaan in xaaladdu ay caadi ku soo noqotay gelinkii dambe ee maanta.

Trump oo London tegey: Aad ayey reer UK ii jecel yihiin

Banaanbaxyo ka dhan ah Trump ayaa la qorshaynayaa inay ka dhacaan London
BBC
Banaanbaxyo ka dhan ah Trump ayaa la qorshaynayaa inay ka dhacaan London

Madaxweyne Trump ayaa gaaray UK, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo seddex maamood ah.

Dayaaradiisa, Airforce 1, ayaa ka degtay garoonka Stansted ee ku yaalla duleedka London, halkaasoo uu ka raacay helicopter u qaadday halka uu deggan yahay safiirka Maraykanka ee bartamaha London.

Inta uu socdaalkiisa ku jiro wuxuu la kulmi doonaa boqorad Elizabeth iyo ra'iisul wasaaradda UK, Theresa May.

Trump iyo xaaskiisa Melania
BBC
Trump iyo xaaskiisa Melania

Mr Trump ayaan waxba ka soo qaadin mudaaharaadyo qorshaysan oo isaga ka dhan ah, waxaana ku jira mid uu ka dhex muuqdo baambole ilmo ah oo astaamihiisii loo yeelay.

Wuxuu yiri - waa sida uu hadalka u dhigaye - "aad ayey reer UK ii jecel yihiin".

Wuxuu ka soo kicitimay magaalada Brussels oo uu kulan kula lahaa madaxda NATO.

Guri la daabacay oo qoys ku nool yahay

Talyaaniga: "Soogalooti baa markab afduubtay"

Dawladda Talyaaniga ayaa soo galootiga ku eedaysay in ay afduubteen markab dadka lagu badbaadiyo.

Wasiirka Amniga gudaha ee dalka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa qaar ka mid ah soo galootiga ku eedeeyay in ay afduubteen markab ka soo badbaadiyay xeebaya Liibiya.

Waxaa lagu eedeey in iyaga oo raba in ay ka baaqsadaan in lagu celiyo Liibiya ay ugu yaraan labo ka mid ah markabka ku qasbeen in uu ka baxo biyaha badda Liibiya.

Rakaabka oo 67 ahaa ayaa markii dambe lagu wareejiyay ilaalada xeebaha ee Talyaaniga.

Salvini ayaa labada ruux ee laga shakisan yahay ku tilmaamay “afduubteyaal rabshad sameeyay”.

Markab
Reuters

Ciidammada Cameroon oo diiday in ay haween iyo carruur dileen

Milatariga dalka Cameroon ayaa diiday in ay dad askartooda ka mid ah ku jiraan muuqaal la baahiyay oo muujinaya dad dirayska ciidanka qaba oo tooganaya qof dumar ah iyo carruur.

Muuqaalkan ayaa caro ka dhaliyay baraha ay bulshadu ku xiriirto ee dalka Cameroon.

Muuqaalka ayaa laga arki karaa rag indhaha ka xiraya gabadh yar iyo labo dumar ah oo midood ilmo xanbaarsan tahay.

Ragaas oo ku hadlaya lahjadda Af Faransiiska ee lagaga hadlo Cameroon ayaa laayay dadkii iyaga oo ku eedaynaya in ay ka mid yihiin kooxda Jihaad doonka ah ee Bookoo Xaraam.

Qof dhulka muuqaalka lagu duubay yaqaanna ayaa BBC-da u sheegay in muuqaalka lagu duubay gobolka Mayo Tsanaga ee dhanka waqooyiga oo ay saldhig ku leeyihiin ciidammada Cameroon.

Askar
Getty Images

Shir burcad badeedda Soomaaliya looga hadlayo oo Nairobi ka furmay

UN
BBC

Ergo ka kala socota 68 dal ayaa isugu yimid xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi, si loo wajaho burcadda xeebaha Soomaaliya.

Shirkan oo saddex maalmood socon doona ayay ergadu isla qaadaa dhigi doonaa waxyaabaha hadda taagan ee la xiriira halista burcad badeedda iyo waxyaabaha arrintaas wax looga qaban karo.

Waxayna isla jeexi doonaan waddo wax lagaga qabanayo burcad baddeeda.

UN
BBC

Ninka Afrika ugu taajirsan oo xaas raadinaya

Aliko Dangote wuxuu dhalay saddex gabdhood oo waawayn
Getty Images
Aliko Dangote wuxuu dhalay saddex gabdhood oo waawayn

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa ninka Afrika ugu taajirsan u soo bandhigaya guur.

Aliko Dangote ayaa isaga oo waraysi siinaya wargeyska uu fadhigiisu yahay UK ee Financial Times u sheegay in uu raadinayo xaas.

Ninkan oo 61 jir ah ayaa u dhashay dalka Nigeria wuxuuna horay u furay labo xaas.

View more on twitter
View more on twitter

Croatia oo si wayn ugu dabaaldegtay guusha ciyaaraha Koobka Adduunka

Taageerayaasha kubbada cagta ee Croatia ayaasii wada dabaaldaga ka dib markii ay Koobka Adduunka ka reebeen xulka England, iyaga oo sidaas ku xaqiijiyay in ay markii u horraysay iska xaadiriyaan ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka.

Taageereyaasha ayaa buuxiyay fagaaraha ku yaalla badhtamaha magaalada caasimadda ah ee Zagreb, iyaga oo hal ku dhagyo qaadaya isla markaana lulaya calankooda.

Qaar ka mid ah sawirrada laga soo qaaday taageerayaasha faraxsan.

Croatia
AFP/GETTY IMAGES
CROATIA
Reuters
Croatia
AFP/GETTY IMAGES

Laanqayrta cas oo ka dayrinaysa xaaladda deegaanno Itoobiya ku yaalla

Colaado u dhaxeeya bulshooyin ku wada nool Koonfurta Itoobiya ayaa uga sii daraysa mashaakilka ba’niiaadannimo ee ay wajahayaan in kabadan 800,000 oo guryahooda si xoog ah looga qixiyay, sida ay sheegtay hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo ICRC.

Hay’addu waxay sheegtay in dadkaasi aysan haysanin cunto, biyo nadiif ah oo la cabo, hoy iyo waxyaabaha kale ee nolosha aasaasiga u ah.

“Indhaha beesha caalamku ma hayaan dhibaatadan, iska indho tirkaasna dhibaato baaxad leh ayay horseedi kartaa” ayuu yiri Shirin Hanafieh oo ah masuul ka tirsan hay’adda ICRC.

Masuulkaasi wuxuu sheegay in haddii aan si degdeg ah dadkaas loola gaarin gargaar ay halis u gali doonaan macaluul iyo in ay xannuuno dilaacaan.

Khariidadda Itoobiya
BBC

Dhurwaayo dhibaato wayn ku haya deegaannada Taleex

Dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool baadiyaha degmada Taleex ayaa sheegaya inay dhibaato ku qabaan dhurwaa maalintii soo weerara xoolaha.

Dadkaas ayaa BBC-da u sheegay in dhurwaayadaasi aysan xataa ka cabsaneynin dumarka iyo carruurta.

Waxaana taasi ay keentay in xoola dhaqatada ay qataan hubka, si ay isaga dhiciyaan dhurwaaga oo fara ba'an ku haya xoolahooda.

Xasan Maxamed Jaamac wuxuu kamid yahay dadka kunool aaga degmada Taleex, wuxuuna dhibaatada ay ku qabaan dhurwaaga uga warramay wariye Axmed Cawil oo ku sugan Garoowe.

Lifaaqan dhag sii si aad u dhagaysato waraysigaas

Dhurwaa
BBC

Trump oo cadaadis saaraya xulafada Nato

Madaxweyne Trump ayaa sare u sii qaaday cadaadiska uu dalalka kale ee gaashaan buurta NATO ku saarayo in ay dhaqaale dheeri ah ku bixiyaan difaaca.

Wuxuuna arrintaas kaga dhawaaway shirka magaalada Brussels ee dalalka gaashaan buurta ah.

Trump wuxuu ku baaqay in dalalkan ay hadda bilaabaan in ay boqolkiiba labo ka mid ah dhaqaalaha soo gala ku bixiyaan dhanka difaaca, arrintaas ayaana la hiigsanayay in la xaqiijiyo meesha lagu gaaro 2024.

Wuxuuna soo bandhigay in xitaa dalalka xulafada ka ah NATO ay difaaca ku bixiyaan boqolkiiba afar.

Trump
Reuters

Shiinaha oo baaraya sababta ay diyaarad hoos ugu hoobatay 6000 oo mitir

Diyaarad
Reuters

Masuuliyiinta dawladda Shiinaha ayaa baaraya sababta ay diyaarad ugu qasbanaatay in ay hoos u hoobato in kabadan 6,500 mitir, markii ay yaraatay hawadii ay ku neefsanayeen dadka rakaabka ahaa.

Diyaaraddaas oo ay lahayd shirkadda Air China oo ka soo kacday Hong Kong kuna sii jeeday Dalian ayaa si xawli ah uga baxday khadkii ay haysatay waxaana soo daatay qalabkii loogu talogalay in lagu neefsado.

Diyaaradda ayaa markii dambe dib u qabsatay khadkeedii duulimaadkiina sii wadatay.

Waxaa jira warar la isla dhexmaray oo ay tabisay warbaahinta gudaha oo sheegaysa in shaqaaluhu ay sigaar ku dhex cabeen diyaaradda ka dibna ay si xun u maareeyeen maraawaxadii hawada ee diyaaradda.

Masuuliyiinta hay’adda duulimaadka ee dalka Shiinaha ayaa hadda baaraya qalabka macluumaadka diyaaradda duuba si ay go’aan uga qaataan waxa arrintaas sababay.

Qaar badan oo ka mid ah rakaabka ayaa Talaadadii baraha bulshada soo dhigay qalabka lagu neefsado marka ay diyaaraddu hawo la’aan noqota oo dadka dushooda laalaada.

Diyaarad
WEIBO

Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kuna soo dhawaada tabintan tooska ah.

Waa maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 12 Luulyo 2018.