Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

Banaanbaxyo ka dhan ah Trump oo ka dhacay UK

Dadkii isugu soo baxay London
Reuters
Dadkii isugu soo baxay London

Ugu yaraan 100,000 oo qof ayaa socod ugu soo baxay waddooyinka magaalada London, ayagoo ka mudaaharaadaya booqashada Mr Trump.

Waxay ku sii jeedeen bartamaha magaalada, ayagoo watay boorar, garaacayayna durbaanno, waxayna cayaarayeen muusik.

Waxay socodkooda ku soo gabagabayn doonaan fagaaraha Trafalgar.

Mudaaharaadyo kale ayaa ayagana ka dhacaya magaalooyin kale oo Britain ku yaalla oo ay ku jiraan Newcastle, Birmingham iyo Manchester.

Waxaa la filayaa in berri ay mudaaharaadyo ka dhacaan Scotland marka uu madaxweynuhu halkaa tago si uu ugu soo cayaaro cayaarta xeegada (Golf).

Jarmalka oo laga musaafuriyay 'Nin ilaalo u ahaan jiray Bin Laden '

Dowladda Jarmalka ayaa dalkeeda ka musaafurisay nin u dhashay dalka Tunisia oo la sheegay in uu mar ahaan jiray ninka difaaca Osama Bin Laden.

Ninkani ayaa qoyskiisa oo Jarmalka daggan la noolaa tan iyo 1997.

Ninkani oo lagu magacaabo Sami A, islamarkana 42 sano jir ah ayaa waxa diyaarad laga saaray maanta garoon ku yaalla Düsseldorf, iyada oo ay jirto in ay maxkamad riday guddoon ka dhan ah dhoofintiisa.

Sargaal ka tirsan maxkamadda ayaa sheegay in go’aanka maxkamada la gaarisiiyay xukuumada xilli dambe taasi oo sababtay in la musaafuriyo Mr Sami.

Sami ayaa horey ugu dooday in jirdil uu la kulmi doono haddii dalkiisa Tunisia dib loogu celiyo.

Waxaa la xiray dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay ka dib markii waaxda socdaalka Jarmalka ay go’aansadeen musaafurintiisa.

Sami ayaa loo arkay in uu halis ku yahay ammaanka isaga oo ku noolaa magaaladda Bochum, oo uu ku qaadanayay lacagaha ceerta ee ay dowladda bixiso.

Warbaahinta Jarmalka ma aysan baahin magaciisa oo buuxa sababo la xiriira shaqsiyadiisa gaarka ah.

Waxa uu beeniyay in uu xiriir la leeyahay kooxaha Jihaad doonka.

ka dib weerarkii 9/11 Bin Laden waxa uu ahaa cadowga koowaad ee Mareykanka
AFP
ka dib weerarkii 9/11 Bin Laden waxa uu ahaa cadowga koowaad ee Mareykanka

Qaar ka mid ah dadka caanka ah oo lumiyay dad badan oo ku taxnaa boggooda Twitter-ka

Qaar ka mid dadka ugu caansan caalamka ayaa lumiyay malaayiin ah dadkii ku xirnaa cinwaanadooda barta Twitter-ka ka dib markii ay shirkada bilowday howlgal ay ku xireyso cinwaanno badan oo been abuur ah.

Fanaanada caanka ah ee u dhalatay dalka Mareykanka Katy Perry, oo ka mid ah dadka saaxibada ugu badan ay ku xiran yihiin cinawankeeda iyo Lady Gaga ayaa waxa ay lumiyeen 2.5 milyan oo ahaa dadkii ku xirnaa.

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa waxay hoos u dhaceen saaxibada ku xirnaa 2.1 milyan.

Shirkadda Twitter-ka ayaa sheegtay in go’aanka ay qaadatay ay tahay"dadaal ay ku doonayso in lagu dhiso kalsoonida ".

Arrintani ayaa timi ka dib markii ay shirkadda soo cusboonaysiisay baaritaanada ku aadan wararka been abuurka ah ee bartan lagu baahiyo.

Waxaa sidoo kale baaritaanadan lagu bartilmaameedsanayay cinwaanada been abuurka ah.

Madaxa shirkadda u qaabilsan dhanka sharciga, Vijaya Gadde, ayaa sheegtay in inta badan cinwaanada ay luminayaan ku dhawaad 4 ka mid ah saaxibadooda taasi oo ka dhalatay tallaabada ay shirkadda qaaday.

Balse waxay ka digtay in cinwaano badan oo ay leeyihiin dad caan ah ay tirada saaxibada ku xiran ay hoos u dhici doonto.

Katy Perry iyo  Barack Obama
REUTERS/GETTY IMAGES
Katy Perry iyo Barack Obama

Warshad kiimiko oo ku qaraxday Masar

Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku dhaawacmay oo isbitaal loola cararay ka dib markii ay Khamiistii qaraxday warshad kiimiko oo ku taalla bannaanka garoonka diyaaradaha ee ugu wayn magaalada Qaahira.

Waxaa la arkay uuro cirka isku shareertay oo ka kacday goobta uu qaraxu ka dhacay.

View more on twitter

Afhayeen u hadlay ciidammada Masar ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhashay heerkulka goobta ay kiimikadu taalay oo aad u sarreeyay.

Wasiirka duulimaadka Younis al-Masri ayaa sheegay in qaraxa iyo qiiqa ka dhashay aysan saamaynin duulimaadyadii garoonka diyaaradaha.

Dad rayid ah oo ku dhintay Duqayn ka dhacday Suuriya

Isbahaysiga ay Mareykanka hogaamiyaan aya waxa ay sheegeen "in laga yaabo "in ay fuliyeen weerar ka dhacay bariga Suuriya oo la sheegay in ay ku dhinteen tiro dad rayid ah.

54 qof oo ay ku jiraan 28 qof oo rayid ah iyo tiro ka mid ah dagaalyahanada (IS) ayaa ku dhintay weerarkan oo ka dhacay tuulo ku taalla xudduuda Ciraaq iyo Suuriya, waxaa sidaasi shaacisay kooxda la socodka xaaaldda suuriya.

Weerarka ayaa lal bartilmaameedsaday warshad samaysa barafka oo ku taalla tuulada al-Soussa.

Dowladda Suuriya ayaa ku eedeeysay Mareykanka weerarkani ka dhacay gobolka Deir al-Zour.

Goobaha ku gadaaman magaalada al-Soussa ayaa waxa ay wali gacanta ugu jirtaan kooxda IS.

Khariirad
.
Khariirad

kenya:Haweeneeydii ugu horreysay oo gaarta darajada Janaraal oo la dhaariyay

Fatuma Axmed ayaa maanta loo dhaariyay haweeneeydii ugu horeysay oo daraja Janaraal ka gaarta ciidamada qalabka sida ee dalka Kenya.

Fatuma ayaa lagu dhaariyay xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo ka dhacday magalada Nairobi islamarkana uu goobjoog ka ahaa madaxwayne Uhuru Kenyatta.

Fatuma ayaa militariga dalka kanya ku biirtay 35 sano ka hor.

Waxa ay noqonaysaa haweeneeydii ugu horreysay oo darajada Janaraal gaarta militariga dalka Kenya.

Waxaa jagada janaraal faatuma loo dalacsiiyay sanaddii 2015.

Waxa ay imika hogaamin doontaa waaxda tasiilaadka ee militariga Kenya.

Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu rajaynayo in guusha ay Fatuma gaartay ay dhiirigalin u noqon doonto haweenka kale islamarkana uu rajaynayo in ay hormuud iyo tusaale u noqon doonto.

Fatuma Axmed
.
Fatuma Axmed

Tababarihii kooxda Chelsea oo shaqada laga ceyriyay

Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Chelsea Antonio Conte ayaa shaqada laga ceyriyay ka dib markii uu xilka hayay muddo labo sano ah.

Mr Conte oo u dhashay dalka Taliyaaniga ayaa waxaa qandaraaskiis u harsanayd muddo hal sano ah.

Conte ayaa ku guulaystay tartanka Premier League xilligiisii ugu horeysay ee koobka FA bishii may.

Balse kooxda Chelsea ayaa kaalinta shanaad gashay xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay.

Maurizio Sarri ayaa lagu wadaa in uu badalo mr Conte.

Haddii Sarri loo magacaabo xilkaasi waxa uu noqon doonaa tababarihii sagaalaad tan iyo intii uu kooxdaasi iibsaday Roman Abramovich 2003.

Conte
Reuters
Conte

Sheekh caan ah oo lagu diley duleedka Muqdisho

Duleedka Magaalada Muqdisho waxa saaka lagu dilay sheekh Cabdillaahi Sheekh Maxamad Rooble.

Marxuumka ayaa da’diisa lagu sheegay 85 sano jira

Ehelada marxuumka ayaa BBC-da u sheegay in sheekha oo wata gaarigiisa ay ku dhex dileen sedex nin oo watay mooto ama dhugdhugleey meel aan sidaa uga fogeyn tabeelaha sheekh Ibrahim ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Sheekha ayaa caan ku ahaa fidinta diinta islaamka iyadoo si weyn looga yaqaanay gobolada Bay iyo Bakool.

Maydka marxuumka ayaa lagu wadaa in loo qaado degmada Bardaale halkaas oo ay dagantahay dariiqadii uu sheekha u ahaa.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay dilka Sheekh Cabdillaahi Sheekh Maxamad Rooble.

sheekh Cabdillaahi Sheekh
.
sheekh Cabdillaahi Sheekh

Qaramada Midoobay oo cod u qaadaysay Suudaanta Koonfureed

Suudaanta Koonfureed
Getty Images

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcahan cod u qaadaya qaraar qabyo ah oo ku saabsan in cunaqabatayn dhanka hubka ah la saaro Suudaanta Koonfureed iyo in sannad kale lagu kordhiyo xayiraadihii saarnaa.

Maraykanka ayaa sheegay qaraarkaasi uu muhiim u yahay sooafjaritaanka colaadda sokeeye ee shanta sano ka sii socota dalkaas.

Laakiin dalka Shiinaha iyo Ruushka ayaa sheegay in tallaabooyin ciqaab ah oo laga qaado Suudaanta Koonfureed ay waxyeeli karto tallaabooyinka ay labada dhinac ee dagaalamaya u qaadeen dhanka nabadda.

Si kastaba ha ahaatee dublamaasiyiintu waxay sheegeen in ay u badan tahay in la meelmariyo.

Dhammaadkii bishii Juunyo ayay xabad joojin sixiixeen Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo Riek Machar oo mucaaradka hogaamiya.

Labada dhinacba midba midka kale ayuu ku eedeeyay in uu xabadjoojintii jabiyay.

Macalin dadka bara badbaada oo dil loo xiray

Booliiska dalka Hindiya ayaa xiray macallin dadka tababara oo ku sugan gobolka Tamil Nadu ee koonfurta dalkaas, ka dib markii ay dhimatay gabadh 19 jir ah oo uu barayay sida loo badbaado.

Booliiska ayaa sheegay in N Logeshwari ay dhimatay markii lagu khasbay in ay dhisme ka boodo iskuna tuurto shabaq ay hayeen ardayda ay wax isla bartaan oo dhulka taagnaa.

Booliisku wuxuu intaas ku daray in macallinku uu dhabarka ka riixay gabadha oo diidan in ay booddo.

Saqafka dabaqa koobaad ayay ku dhacday dhaawac ayaana soo gaaray.

Mac-hadkii ay dhiganaysay ayaa ula cararay Isbitaal balse markii la gaarayba waxaa la xaqiijiyay in ay geeriyootay.

Booliiska ayaa sidoo kale furay dacwad ka dhan ah mac-hadkii ay dhiganaysay.

N Logeshwari
BBC Tamil

Shirkad dawooyinka samaysa oo lagu amray in ay bixiso 4.7 bilyan oo doolar

Shirkadda dawooyinka samaysa ee Johnson & Johnson ayaa lagu amray in ay bixiso 4.7 bilyan oo doolar oo magdhaw ah.

Arrintaas ayaa timid ka dib markii 22 dumar ah ay ku eedeeyeen shirkadda in waxyaabo ay soo saartay ay u horseedeen in uu Kansar ku dhaco.

Xeer beegti ku sugan gobolka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa xukunkaas riday.

Xukunkan ayaa imaanaya iyadoo shirkaddan wayn ee dhanka dawooyinka ay la daalaa dhacayso 9,000 oo dacwo oo ka dhan ah bootarka ay caanka ku tahay.

Shirkaddan oo J&J ayaa sheegtay “in ay aad uga xuntahay” ayna qorshaynayso in ay racfaan ka qaadato xukunkaas.

Johnson & Johnson
Getty Images

Madaxweynaha Eritrea oo Itoobiya booqanaya

Dawladda Itobiya ayaa shaacisay in madaxweynaha Eritrea Isaias Afeworki uu bari booqasho ku tagayo magaalada Addis Ababa.

Booqashadan rasmiga ah oo saddex maalmood ah ayuu uga jawaabayaa martiqaad uu ka helay ra’iisulwasaare Abiy Axmed, sida uu Twitterka ku shaaciyay agaasimaha xasiifka Ra’iisulwasaaraha Fitsum Arega.

Booqashadan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta calaaqaadka labada dal.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Ra’iisulwasaaraha Itoobiya booqasho la yaableh ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Booqashadaas ka dibna waxay labada dal shaaciyeen in la soo afjaray colaaddii labaatanka sano dhex taalay labada dal.

View more on twitter

Ra'iisulwasaarihii hore ee Pakistan oo dib u laabtay si uu xabsi u wajaho

Ra'iisulwasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif ayaa ku sii jeeda dalkiisa isaga oo ka baxay magaalada London.

Isaga oo maqan ayaa toddobaadkii hore lagu xukamay toban sano oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay dambiyo musuqmaasuq la xiriira.

Ammin dambe oo khamiistii ah ayuu safray isagoo ay weheliso gabadhiisa Maryam.

Masuuliyiinta Pakistan waxay sheegeen in labadoodaba la qaban doono marka ay soo cago dhgtaan, xabsigana loo taxaabi doono.

Nawaz Sharif
EPA

Trump oon la dhacsanayn qorshaha ra’iisulwasaaraha Britain

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay u badan tahay in UK aysan heshiis ganacsi la gali doonin Maraykanka, haddii ra’iisulwasaaruhu ay sii wado qorshaha ay Baritain uga baxaxayso Midawga Yurub.

Wargayska Sun ayuu u sheegay “ in ay u badan tahay in ra’iisulwasaaruhu ay dilayso heshiiskii ay gali lahaayeen” taasina ay keeni doonto in Maratkanku “uu la macaamilo Midawga Yurub” badalkii UK.

Theresa May ayaa waday qorshe ay ku soo dhigayso in ganacsi xor ah ay la yeeshaan Maraykanka, iyadoo Trump uu booqashadiisii ugu horraysay ku tagay UK tan iyo markii uu madaxweynaha noqday.

Waxay sheegtay in ka bixitaanka Britain ee Midawga Yurub uu “fursad” kobac u horseedi doono u yahay Britain iyo Maraykanka.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Britain Boris Johnson uu noqon lahaa “ra’iisulwasaare muhiim ah”, isaga oo intaas ku daray in uu leeyahay tayadii.

May iyo Trump
Reuters

Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah ee aan ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Waa maalin Jimce ah oo ay taariikhdu tahay 13 Luulyo 2018.