Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Eritrea oo dib u furatay safaaraddeedii dayacantay ay ku lahayd Addis Ababa
  2. Militariga Nigeria oo beeniyay in Boko Xaram ay soo weerareen
  3. Xulka Faransiiska oo la guddoonsiinayo abaal marintii ugu sarraysay
  4. Baarlamaanka Masar oo meel mariyay sharci dhigaya in wax baaritaan ah aanan lagu qaadin taliyeyaasha ciidamada
  5. Guusha xulka Faransiiska oo baraha bulshada ka dhalisay dood ku saabsan cunsuriyadda
  6. Hoggaamiye doonaya inuu baddalo magaca dalka Zimbabwe
  7. Obama oo ku sugan Tuulo Kenya ku taalla

Tebin toos ah

time_stated_uk

Tebinta tooska oo inoo soo bilaabatay saaka intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.

Waxaan idiin kaga tagaynaa sawirkan muujinaya xulka Faransiiska oo galabta gaaray magaalada Paris iyagoo sita Koobkii Adduunka.

Xulka Faransiiska
Reuters

Trump: Ruushka wax saamayn ah kuma lahayn doorashadii Mareykanka

Labada hoggaamiye ayaa maanta kulan ku qaatay Helsinki
EPA
Labada hoggaamiye ayaa maanta kulan ku qaatay Helsinki

Madaxweyanaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan rumaysnayn in Ruushka uu farogelin ku sameeyay doorashadii Mareykanka 2016-kii ee uu isaga ku guulaystay.

Donald Trump wuxuu sidoo kale sheegay inaysan jirin sabab uu Ruushka uu saamayn ugu yeesho doorashada.

Trump ayaa hadalkani sheegay kaddib markii uu maata kulan saacado qaatay uu caasimadda Finlad ee Helsinki kula yeeshay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in hoggaamiyaha Ruushka uu iska foggeeyay in xukuumadda Moscow ay wax farogelin ah ay ku samaysay doorashadii Mareykanka.

Putin ayaa carabka ku adkeeyay in Ruushka uusan wax farogelin ah ku samaynin doorashadii mareykanka.

Kalluumaysatada Ghana oo ka hor yimid go’aan dowladda ay ku mamnuucday kalluumaysiga

Kalluumaysatada waddanka Ghana
AFP
Mid kamid ah kalluumaysatada waddanka Ghana

Bulshada kalluumaysatada ah ee ku dhaqan dalka Ghana ayaa si wayn uga hor yimid go’aanka dowladda ay ugu soo rogtay mamnuucidda ka dhanka ah howlaha kalluumaysiga dalkaasi muddo bil ah.

Ururka kalluumaysatada Ghana ayaa ka cawday in aanan lagala tashanin go’aanka lagu mamnuucay kalluumaysiga islamarkaasna ay saamayn dhaqaale ku reebeyso bulshada ku tiirsan kalluumaysiga.

Wasiirka kalluumaysiga Ghana ayaa sheegtay in mamnuucidda ay dhaqan galayso laga billaabo 7-da bisha Agosto.

Kallumaysatada ayaa loo fasaxay oo kaliya ah inay ka jallaabtaan nooca kalluunka loo yaqaano ‘Tuna’.

Xulka Faransiiska oo la guddoonsiinayo abaal marintii ugu sarraysay

Xulka Faransiiska oo hadda gaaray magaalada Paris
Reuters
Xulka Faransiiska oo hadda gaaray magaalada Paris

Xulka Faransiiska oo ku guulaystay Koobka Adduunka ayaa la guddoonsinaya abaal marintii ugu sarraysay, sida uu shaaca ka qaaday madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Xulka Faransiiska ayaa salaam sharaf ka qaadan doona ciidamada dalkaasi, waxaana sidoo kale lagu marti qaadi doonaa aqalka madaxtooyada

Taagerayaal badan ayaa isu soo baxay garoonka diyaaradaha magaalada Paris ee Paris' Charles de Gaulle si ay usoo dhaweeyaan xulka Faransiiska.

Xalay dadweyanaha Faransiiska waxay u dabaaldegayeen guusha, inkastoo meela qaar ay rabshado isku baddaleen.

Baarlamaanka Masar oo meel mariyay sharci dhigaya in wax baaritaan ah aanan lagu qaadin taliyeyaasha ciidamada

Madaxweyne Cabdifatax Al-Sisi wuxuu xilka qabtay sannadkii 2014-kii kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Maxamed Mursi
AFP
Madaxweyne Cabdifatax Al-Sisi wuxuu xilka qabtay sannadkii 2014-kii kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Maxamed Mursi

Baarlamaanka Masar ayaa meel mariyay sharci dhigaya in taliyeyaasha sare ee militariga aan wax baaritaan ah lagu qaadin oo ku aadan kaalintii ay lahaayeen rabshadihii dhacay xilligii la afgembinayay Madaxweyne Maxamed Mursi.

Sharcigan ayaa taliyeyaasha ciidamada ka hor istaagaya in wax baaritaana ah lagu sameeyo taliyeyaashii ku lugta lahaa dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay Masar sannadkii 2013-ka.

Sharcigan ayaa sidoo kale u ogolaanaya madaxweyanaha talada haya ee dalka Masar Cabdifatax Al Sisi inuu soo magacaabi karo taliyeyaasha uu saamaynta ku yeelan karo sharcigan oo aanan wax baaritaano ah lagu samayn Karin.

Guusha xulka Faransiiska oo baraha bulshada ka dhalisay dood ku saabsan cunsuriyadda

Cayaaryahan Paul Pogba iyo saaxibadiisa oo u dabaal degaya guusha
Getty Images
Cayaaryahan Paul Pogba iyo saaxibadiisa oo u dabaal degaya guusha

Waxaa baraha bulshada hareeyay arrinta ku aadan guusha ay gaareen kooxda xulka Faransiiska ee isugu jiray cayaartoy kasoo kala jeedo dhaqamo kala duwan.

Doodda ka dhalatay baraha bulshada waxaa si wayn looga hadlay cunsuriyadda iyo arrimaha socdaalka dalka Faransiiska.

Markii Faransiiska uu ka badiyay xulka Croatia cayaarta kama dambaysta, Khaalid Beydoun oo ah qoraa arrimaha islaam nacaybka ah ayaa ku baaqay in caddaalad loo sameeyay kooxda.

View more on twitter

Xulka qaranka Faransiiska ayaa kamid ah kooxaha kasoo kala jeeda dalal kala duwan, 15 kamid ah cayaartoyda xulka Faransiiska ayaa kasoo jeeda qaaradda siiba dalalka uu Faransiiska guumaysan jiray.

Dadka qaar ayaa ka hor yimid hadalka Beydoun oo ay sheegeen inuu siyaasad gelinaya cayaaraha.

View more on twitter

Xulka Faransiika ayaa Koobka Adduunka qaaday sannadkan 2018-ka, wuxuu cayaarta kama dambaysta xulka Croatia kaga badiyay 4-2.

Afwerki oo dib ugu laabtay Eritrea

Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in madaxweyne Isaias Afwerki uu dib ugu laabtay dalkiisa kaddib booqasho saddex maalmood qaadatay oo uu ku joogay dalka Itoobiya.

Madaxweynaha 72 sanno jirka waxaa Itoobiya kusoo dhaweeyay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, waxayna dib usoo celiyeen xiriirkii labada dal 20 sanno kaddib oo colaad dhanka xadka ay ka dhex jirtay.

View more on twitter

Madaxweynaha Eritrea ayaa dib u furay safaaraddii Eritrea ay ku lahayd Addis Ababa taaso 20 sanno xirnayd.

Hoggaamiye doonaya inuu baddalo magaca dalka Zimbabwe

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Zimbabwe Nelson Chamisa ayaa wacad ku maray inuu magaca dalka Zimbabwe uu u baddali doono ‘Zimbabwe-dii sharafta lahayd’ waa haddii uu loo doorto madaxweyne.

Wuxuu isu soo bax siyaasadeed ka sheegay in magaca Zimbabwe uu habaaran yahay sababtoo ah bu yiri markasta xulka kubadda cagta Zimbabwe waa laga badiyaa.

Barta Twitter-ka ayaa lagu soo bandhigay hadalka hoggaamiyaha mucaaradka.

View more on twitter

Nelson Chamisa ayaa u tartamaya xilka madaxtinimo doorashada dalkaasi ka dhacay 30-ka bishan July.

Militariga Nigeria oo beeniyay in Boko Xaram ay soo weerareen

Ciidamada militariga Nigeria ayaa beeniyay warar sheegaya in qaar kamid ah ciidamadooda la waayay kaddib markii kooxda Boko Xaram ay weerar ku qaadeen saldhigga militariga ay ku leeyihiin dalkaasi.

Afahayeen u hadlay militariga ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin waxbo kama jiraan islamarkaasna ay jireen isku day weerar ay kooxd wadeen.

Wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ay iska caabiyeen kooxda ayna ka dileen 22 dagaalamayaal.

View more on twitter

Sabtidii ayaa la sheegay in Kooxda Boko Xaraam ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada ay ku leeyihiin gobolka Yobe.

Warbaahinta maxalliga ayaa kusoo warrantay in kolonyo baaburta militari oo lagu soo naqshadeeyay astaanta ciidamada ayaa galay saldhigga kaddib markii uu dagaal halkaasi ka dhacay, waxaa la arkayay ciidamo cararaya.

Carwada buugaagta oo maanta laga furay Puntland

Dadweynaha badan ayaa ka qayb galaya carwada buugaagta marka loo barbardhigo sannadihii hore
BBC
Dadweyne badan ayaa ka qayb galaya carwada buugaagta marka loo barbardhigo sannadihii hore

Bandhigga buugaagta ayaa maanta laga furay magaalada Garowe ee maamulka Puntland.

Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa daah furay munaasabadda lagu soo bandhigayay buugaagta.

Waa sannadkii afaraad ee la qabto carwada buugaagta ee Puntland Soomaaliya.

Carwada buugaagta Puntland
BBC
Carwada buugaagta Puntland
Dadka ka qayb galay carwada
BBC
Dadka ka qayb galay carwada

Sawirrada safaaraddii dayacantay ee Eritrea ay ku lahayd Addis Ababa

Dawladda Eritrea ayaa dib u furtay safaaraddii ay ku lahayd caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waana markii koobaaad ee la hawlgaliyo tan iyo sannadkii 1998.

Arrintan ayaa qayb ka ah calaaqaadka ay dib u hagaajinayaan ee labada dal.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo dalka ay dariska yihiin booqasho saddex maalmood ah ku tagay Sabtidii ayaa safaaradda ka taagay calamka Eritrea isaga oo uu xalfadda furitaanka ku weheliyo ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Labada Masuul waxay ku heshiiyeen in ay soo celiyaan calaaqaadkii labada dal, ka dib markii Abiy uu soo celiyay xiriirkii labada dal ee meesha ka maqnaa labaatankii sano ee la soo dhaafay, ka dib markii labada dal ay xadka isku maandhaafeen.

Labada masuul ayaa soo dhex maray dhismaha safaaradda iyaga oo indhahooda ku soo arkay alaabadii safaaradda dhex taalay iyo gawaaridii uu isticmaali jiray safiirkii u dambeeyay oo boor qariyay.

Weriyaha BBC Kalkidan Yibeltal ayaa qaaday sawirradan hoos ka muuqda ee safaaradda.

Safaaradda Eritrea ee Addis Ababa
BBC
Safaaradda Eritrea ee Addis Ababa
BBC
Safaaradda Eritrea ee Addis Ababa
BBC

Obama oo ku sugan Tuulo Kenya ku taalla

Farxad iyo ashqaraar ayaa hareeyay dadka tuulada Kogelo ee ku taalla galbeedka Kenya, sababtuna waa in uu wiilkoodii caanka ahaa dib ugu soo laabtay 12 sano ka dib.

Wiilkaasina waa madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Xuseen Obama.

Markii u dambaysay ee uu booqday tuulada uu aabihii ka soo jeedo waxay ahayd 2006dii, isaga oo markaas Seneter ka ahaa dalka Maraykanka.

Obama ayaa Kenya ka dagay Axaddii wuxuuna xariga ka jarayaa mashruuc dhallinyaro oo ay gacanta ku hayso walaashii.

Trump iyo Kenyatta
Reuters

Mashruucan oo la dhoho Sauti Kuu Foundation ayaa noqon doona xarun farsamada gacanta lagu barto isla markaana ciyaaraha kala duwan lagu dheelo.

Axaddii ayuu la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Obama ayaa u socdaali doona Koonfur Afrika booqashada Kenya ka dib.

View more on twitter

Sidee bilyan dheeer lagu noqdaa?

Majaladda Forbes ee ka faaloota hodantinimada dadka adduunka ayaa todobaadkan dad badan ka yaabisay, kadib markii ay tabisay in gabadha xagga baraha bulshada caanka ku ah Kylie Jenner ay ka mid noqotay dadka bilyan-dheerka ah, ee waliba iyagu tabcaday hantida.

Dhibka jira ayaa waxa uu yahay in gabadhan ay markii horeba ka dhalatay qoys taajiriin ah, waana taas sababta dadka ula yaabayaan sheekadashada Forbes.

Balse sidaas oo ay tahay dadka bilyan dheerka ah waaba yaryihiin adduunka, xaqiiqdiina dadka haysta wax ka badan $500 milyan oo doolar waxa ay dhanyihiin 5,700 qof. Dadka sida dhabta ah bilyan-dheerka u ah aad ayay uga sii yaryihiin tiradaas.

Haddaba sidee Bilyan-dheer lagu noqdaa?

1. Biloow shirkad aad leedahay

Marka la eego dadka kaalmaha koowaad kaga jira diiwaanka dadka bilyan-dheerka ah, waxaa ka mid ah kuwa leh shirkadaha waaweyn sida Jeff Bezos oo leh shirkadda Amazon, Mark Zuckerberg oo leh Facebool iyo Jack Ma oo leh shirkadda Ali Baba.

Warbixintan oo dhamaystiran kaga bogo lifaaqan

Gabadh caan ah
Reuters

Safaaraddii Eritrea ee Addis Ababa oo dib loo furay

Safaaraddii ay Eritrea ku lahayd magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta dib loo furay 20 snao ka dib.

View more on facebook

Hoos u dhac ku yimid kobaca dhaqaalaha Shiinaha

Dhaqaalaha shiinaha ayaa kordhay 6.7 saddexdii bilood ee Juunyo ugu dambaysay, sida ay muujinayso xogta rasmiga ah ee ay dawladdu baahisay.

Kobacaas ayaa waxoogaa ka yar midkii sannadkii hore la diiwaan galiyay oo ahaa 6.8%.

Macluumaadkan ayaa soo baxaya iyadoo dawladdu ay isku dayayso in ay yarayso daymaha sii kordhaya iyadoo ay cirka isku shareertay xiisadda Maraykanka kala dhaxaysa.

Maraykanka ayaa sii xoojiyay dagaalka ganacsiga toddobaadkii hore, ka dib markii uu sheegay in uu canshuuro hor leh dul dhigi doono shixnado Shiinaha looga soo dhoofiyo oo lagu qiyaasay 200 oo bilyan oo doolar.

Suuqyada saamiyada ee dalka Shiinaha ayaa dhawaanahan la daalaa dhacayay culayska kaga yimid muranka ganacsi ee Shiinaha iyo Maraykanka ka dhaxeeya, xoogaa hoos u dhac ah ayaana ku yimid Isniintan.

Shiinaha
Getty Images

Trump iyo Putin oo kulmaya

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo ayaa dhigiisa RuushkaVladimir Putin ayaa hadda ku kulmaya Finland.

Trump wuxuu sheegay in ay yartahay rajada uu ka qabo in uu wax wayn ka soo baxo shirkaas.

Getty
Getty Images

Toban ruux oo ku dhimatay dalka Nicaragua

Laamaha ammaanka ee dalka Nicaragua ayaa qaaday hawlgallo ay ku kala dirayaan dad mudaaharaadaya oo jidgooyooyin dhigtay magaalooyinka ku yaalla Koonfurta-bari ee dalkaas, arrintaas ayaana horseeday in ay toban ruux dhintaan.

Ururrada xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in lix ruux oo shacab ah iyo afar laamaha ammaanka ka tirsan ay dhinteen.

Hawlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday magaalada Masaya iyo bulshooyinka ka agdhaw deegaan kaas.

Alvaro Leiva oo madax ka ah ururka ANPDH ee ay ku midaysan yihiin qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Nicaragua ayaa sheegay in ugu yaraan 22 gaari oo laamaha ammaanku ay wateen ay gaareen aagaas.

Nicaragua
Reuters

Shabakad Jihaad doon ah oo Britain ka jirta

Baadhitaan ay BBC-du samaysay ayaa muujiya in ay jirto shabakad jihaaddoon ah oo ka hawlgasha Britain, taas oo gacan ka hesha qolyaha jihaaddoonka ah ee caalamka.

Saraakiil ciidammada Maraykanka ka tirsan ayaa sheegay in Suuriya lagu dilay ninkii aasaasay shabakadaas sannadkii 2015kii, isla markaasna uu ninkaasi ahaa nin hawlgallada combiyuutarrada u qaabilsanaa Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Jihaaddoon
BBC

Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kuna soo dhawaada tabinteenan tooska ah, waa maalin Isniin ah oo taariikhdu tahay 16 May 2018ka.