Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Post update

    Tebinta tooska oo inoo soo bilaabatay saaka intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.

  2. Madaxweynaha Venezuela Afrika ku guulaysatay Koobka Adduunka

    Afrika ayaa Koobka Aduunka u qaaday Faransiiska, Yurubna waa in ay joojisaa faquuqa ka dhanka ah dadka soo galootiga ah, ayuu yiri madaxweyne Nicolas Maduro.

    Telefeshinka dawladda ayaa ka soo xigtay madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya magaalada Caracas oo leh:

    Quote Message: Xulka Faransiiska ayaa ku guulaystay, inkastoo ay u ekayd in Afrika ay ku guulaysatay. Xaqiiqatan Afrika ayaa ku guulaysatay – waana Afrikaankii soo galootiga ah ahaa ee Faransiiska tagay. Waxaan rajaynayaa in Fariintaas ay Yurub gaarto," hala joojiyo cunsurinimada Yurub ee dadka Afriko ka dhanka ah
    Quote Message: Hala joojiyo cunsurinimada Yurub ee dadka Afrika ka dhanka ah, hala joojiyo cunsurinimada ka dhanka ah dadka soogalootiga ah"

    Faransiiska ayaa ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka kaga badiyay Croatia 4-2.

    Xulka Faransiiska oo 23 ciyaartoy ka koobnaana 15 ka mid ah wuxuu faracoodu ka soo jeedaa Afrika, waxayna u badan yihiin dalalkii uu Faransiisku gumaystay.

    Maduro
  3. Masar oo soo saartay shuruuc cusub oo dhanka baraha bulshada ah

    Baarlamaanka dalka Masar ayaa meelmariyay shuruuc cusub oo lagu maamuli doono adeegsiga baraha bulshada, arrintaas oo sare u qaadaysa cabsida laga qabo in lagu xakameeyo mucaaradka madaxweyne Cabdal Fatax Al Sisi.

    Sharcigan wuxuu dhigyaa in dadka ay ku taxan yihiin in badan shan kun oo ruux lagu dari doono liiska uu korka kala socodo Guddiga sare ee warbaahinta Masar.

    Guddigaas ayaa bixin doono awaamiir lagu xannibayo ama laguba xirayo ciwaannada “daabaca warar been ah ama wax kaste oo meel uga dhacaya sharciga, rabshad abuuraya ama nacayb keenaya”.

    Sharcigaas ayaa qaban doona baraha intarnetka iyo ciwaannada baraha bulshada ee shaqsiyaadku leeyihiin.

    Qaar ka mid ah dadka xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sharcigan u arka in uu yahay iskuday lagu doonayo in lagu xannibo waxyaabaha tirada yar ee saamaxaya in ay dadku si xor ah ra’yigooda u cabiraan, sida uu ku warramay wargeyska Wall Street Journal.

    Sharcigaasi si uu u dhaqan galo wuxuu u baahan yahay sixiixidda madaxweynaha.

    Sisi
  4. Madaxda Soomaalida iyo Oromada oo ogolaaday faragalinta milatariga

    Masuuliyiinta Oromada iyo Soomaalida Itoobiya ayaa isku raacay in milatari iyo booliis la adeegsado si loo soo afjaro colaadda barokicisay in ka badan 800,000 oo ruux.

    Masuuliyiintu waxaa kale oo ay sheegeen in kulammo lagu qaban doono xadadka labada qowmiyadood si nabadda looga wada shaqeeyo.

    Isniintii ayay ahayd markii ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu amray in milatariga iyo booliiska faderaalku ay soo af jaraan colaadaha.

    Sannado baddan ayuu soo taagnaa muranno dhulka ku saabsan oo isku dhacyo u horseeday Soomaalida iyo Oromada.

    Waxaa jira eedaymo sheegaya in farogalin siyaasadeed ay sii hurinayso colaadda.

    Somali
  5. Daadad afartan ruux ku dilay dalka Nigeria

    Ugu yaraan afartan ruux ayaa dhintay daadad ku dhuftay gobolka Katsina ee ku yaalla waqooyiga-galbeed ee dalka Nigeria.

    Robaab mahiigaanno ah oo Axaddii da’ay ayaa horseeday in wabiga Jibia uu fataho.

    Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ee deegaankaas ayaa BBC-da u sheegay in biyuhu ay mar gaareen saqafyada guryaha.

    Kumannaan hanti ah ayaa ku burburtay, qaar ka mid ah dadkii dhintayna wabiga ayaa ka tuuray xadka uu dalkaasi la leeyahay Niger.

    Maydadka ayaase hadda dib loo soo celiyay. Dadka hoy la’aanta ah ayaa hadda loo ogolaaday in ay isticmaalaan iskuullada.

  6. Midawga Yurub oo Japan oo samaysanaya suuq wayn oo xor ah

    Midawga Yurub iyo Japan ayaa sixiixi doona mid ka mid ah suuqa ganacsi ee xorta ah ee ugu wayn adduunka, meesha lagu gaaro galinka dambe ee maanta.

    Tallaabadan ayaa abuuri doonta aag ganacsi oo daboolaya ku dhawaad saddex meeloodow meel ka mid ah kobaca dhaqaalaha adduunka iyo 600 oo milyan oo ruux.

    Waxyaabaha ugu ballaaran ee Midawga Yurub uu Japan u dhoofiyo waxaa ka mid ahoonta xoolaha, halka Japan-na ay gawaariga ka iibgeeyaan.

    Tallaabadan ayaa ah waxyaabaha ay aadka ugu kala aragti duwan yihiin madaxweyne Trump oo canshuuro dheeri ah ku soo rogay qaar ka mid ah alaabada Maraykanka loo dhoofiyo.

    Lo'
  7. Kaamiro cusub oo lagu ogaan karo in qofku faraxsanyahay ama halis yahay

    Qalabka wajiga lagu aqoonsan karo ayaa aad usoo kordhaya, waxaana sare u kacaya isticmaalka kala duwan ee qalabkan, waxaana hadda lasoo saaray kaamirooyin garan kara in uu qofka faraxsanyahay iyo in uu yahay qof murugaysan oo halis kasoo fool leedahay.

    Balse waxaa jira walwal durba laga qabo in ay wax u dhinto xogta shaqsiga ah iyo xoriyadaha dadka ee dhawran hadda.

    Tan iyo intii lasoo hindisay qalabka ku shaqeeya Garaadka Macmalka ah waxaa jiray horumar baaxad leh oo laga sameeyay waxyaabaha ay qaban karaan qalabkan.

    Waxyaabaha kale ee ay sahlayaan waxaa ka mid ah in ay kala aqoonsadaan dadka xudduudaha dalalka ka talaabaya, in lagu furto laguna xirto taleefoonada caaqilka ah, in lagu garto dambiilayaasha, iyo sidoo kale in lagu isticmaalo adeegyada bangiyada.

    Warbixintan oo intan ka faahfaahsan lifaaqan kaga bogo.

    Kaameero
  8. Shirka Brussels ee Soomaalida oo maanta la soo gabogabaynayo

    Shirka London

    Waxaa maanta lagu soo gabogabaynayaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub shirkii iskaashiga taakulaynta Soomaaliya.

    Waxa shirkaa ka qayb galaya ergo ka socota beesha caalamka iyo wafti uu hogaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Qodobada maanta laga hadli doono waxaa ka mid ah arrimaha gargaarka aadaminimo, dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo qiimaynta wixii horumar ah ee Soomaaliya gaartay.

    Wariyaha BBC Mawliid Xaaji Cabdi oo Brussels ku sugan ayaa inaga haqabtiri doona wararkii ugu dambeeyay.

    View more on facebook
  9. Cristiano Ronaldo dadka ila da’da ah Qadar iyo Shiinaha ayay ka ciyaaraan

    Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu “ka mahadnaqayo fursadda” ay kooxda Juventus siisay, maadaama oo ciyaartoyda da’diisa ah “ay inta badan aadaan dalka Qadar iyo Shiinaha si ay uga soo ciyaaraan”

    Ciyaartoygan reer Boortaqiis ee 33 jirka ah oo afka hore ka dheela ayaa ku biiray kooxda horyaalka Talyaaniga difaacanaysa isaga oo laga soo bixiyay 99.2 milyan oo gini, ka dib sagaal sano oo uu u soo dheelay kooxda Real Madrid.

    “In aan kooxdan ku soo biiro anigoo da’dan xirfadaydu marayso aad baan ugu faraxsanahay” ayuu ka yiri markii warkiisa lagu shaacinayay Turin.

    Ronaldo ayaa sidoo kale sheegay in uu rajaynayo in uu noqdo “xidig nasiib leh” iyadoo kooxdan Talyaaniga ka dhisan ay isku dayayso in ay ku guulaysato Horyaalka Ingiriiska.

    Wuxuu intaas ku daray in aysan jirin dalab kale oo soo gaaray.

    Cristiano Ronaldo
  10. Gabadh Ruush ah oo lagu eedeeyay in ay Maraykanka basaasaysay

    Dawladda Maraykanka ayaa dacwado ku soo oogtay gabadh Ruushka u dhalatay oo 29 jir ah iyadoo lagu eedeeyay in ay u basaasaysay dawladda Ruushka, iyadoo galaangal ku yeelanaysay kooxo siyaasiyiin ah si ay xog uga hesho.

    Maria Butina ayaa calaaqad dhaw la yeelatay xisbiga jamhuuriga, waxayna noqotay qof u ol’oleeya xaqa ay dadku u leeyihiin in ay si sharci ah u haystaan hubka, sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka.

    Waxaa lagu eedeeyay in ay la shaqaynaysay masuul sare oo ka tirsan xafiiska looga arrimiyo dalka Maraykanka ee Kremlin-ka.

    Robert Driscoll oo ah qareenka Butina ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in gabadhan macaamiisha ka midka ah aysan ahayn “basaasad” balse ay tahay ardayad barata xiriirka caalamiga ah ayna doonaysay in ay cilmigeeda ku raadsato xirfad iyo ganacsi.

    MARIA BUTINA

    Wuxuu intaas ku daray “in laga badbadiyay” dacwadaha lagu soo oogay gabadha isla markaasna “aysan jirin wax muujinaya in Butina ay raadinaysay galaangal ama ay wax u dhinto siyaasad ama sharci gaar ah oo Maraykanku leeyahay”.

    Driscoll wuxuu sheegay in gabadhu ay bilooyin dawladda kala shaqaynaysay baaritaannada eedaymaha loo soo jeediyay.

    Butina oo ku noolayd Washington ayaa la qabtay Axaddii waxaana xabsiga lagu hayn doonaa tan iyo inta laga dhagaysanayo dacwadeeda Arbacada, sida ay war qoraal ah ku sheegtay Waaxda Caddaaladda ee dalka Maraykanka.

    Ku dhawaaqidda xiritaankeeda ayaa timid saacado uun ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu la kulmay dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin, isla markaasna uu Ruuska ka difaacay eedaymaha sheegaya in uu farogaliyay doorashadii madaxweynenimada ee 2016kii.

    MARIA BUTINA
  11. Holac Foolkaano oo dad badan dhibaato ugu gaystay Maraykanka

    Holac iyo dambaaburo duulaya ayaa ku dhacay doon maraysay gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka, waxaana ku dhaawacmay 23 ruux, sida ay sheegeen masuuliyiinta gobolkaas.

    Foolkaanaha oo qarxay ayaa sayray dhagaxaan iyo burbur waxyeelo gaarsiiyay hawada iyo saqafka kore ee doon ay saarnaayeen dalxiiseyaal.

    Doon

    Hal ruux oo ka mid ah dalxiiseyaashii ayay lugtu jabtay kuwo kalana way gubteen, dawladda ayaana baaritaanno billawday.

    Dadkii ay waxyeeladu soo gaartay isbitaal ayaa lagu daweeyay.

    Holaca ayaa ka soo burqanaya foolkaanaha Kilauea ee gobolka Hawaii oo qarxay bishii May kaas oo aan ilaa iyo hadda damin.

    Doon
  12. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Talaado ah oo ay taariikhdu ku tahay 17 bisha Luulyo ee sannadka 2018.