Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Diyaaraddii labaad oo Asmara u duushay
  2. Haweenay badhyo kuuskuusan raadinaysay oo dhimatay
  3. Duulimaadkii u horreeyay ee Addis Ababa iyo Asmara 20 sano ka dib
  4. Wiilashii laga soo badbaadiyay bohosha Thailand oo isbitaalka ka baxaya bv

Tebin toos ah

time_stated_uk

Tebinta tooska oo inoo soo bilaabatay saaka intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.

17 qof oo lagu soo oogay dacwad kufsi ah dalka Hindiya

Eedeysanayaasha ayaa iyagoo waji daboolan kasoo hor muuqday maxkamad ku taalla magaalada Chennai
Reuters
Eedeysanayaasha ayaa iyagoo waji daboolan kasoo hor muuqday maxkamad ku taalla magaalada Chennai

Dalka Hindiya waxaa dacwad lagu soo oogay 17 rag ah oo la sheegay inay kufsadeen gabar yar oo 11 sanno jir ah.

Booliska waxay sheegeen in horraantii sannadkan gabadha ay raggan ku kufsadeen magaalada Chennai.

Boooliska ayaa intaasi ku daray in mid kamid ah dambiilayaasha uu ka howlgalayay Wiish ku yaalla goobta ay gabadha daganayd islamarkaasna uu ragga kale ugu yeeray inay tacadiyaddo ku sameeyaan inanta.

Dadweynaha ku dhaqan Hindiya ayaa caro ka muujiyay tirade weerarada kufsiga ah ee lagu haya haweenka dalkaasi.

Baarlamaanka Tunisia oo meel mariyay sharci ka dhan musuq maasuqa

Ra'iisul wasaaraha Tunisia Yuusuf Shaahid wuxuu taageeray sharciga cusub
Getty Images
Ra'iisul wasaaraha Tunisia Yuusuf Shaahid wuxuu taageeray sharciga cusub

Baarlamaanka dalka Tunisia ayaa ansixiyay sharci dowladda ka caawinaya la dagaalanka musuq maasuqa.

Sharcigan ayaa ku khasbaya saraakiisha dowladda oo ay kamid yihiin madaxweynaha, golaha wasiirada iyo garsoorayaasha inay shaaca ka qaadan hantidooda.

Ra’iisul wasaaraha Tunisia Yuusuf Shaahid wuxuu sheegay in sharciga uu u fududaynayo dowlada inay ogaato dadka sida sharci darrada ah u boobay hantida dadweynaha.

Musuq maasuqa ayaa fara ba’an ku haya waddanka Tunisia oo lacago badan lagu lunsaday.

Xukuumadda Nigeria oo billaabayso duulimaad cusub

Dowladda Nigeria waxay shaaca ka qaaday in duulimaadka qaran ee cusub la billaabaya bisha Disembar ee sannadkan.

Astaanta duulimaadka waxaa shaaca ka qaaday wasiirka hawada iyo duulimaadka Nigeria oo ka qayb galay kulan ka dhacay magaalada London.

View more on twitter

Dowladda Nigeria waxay sannadkii hore sheegtay inay 5 milyan oo doolar ay ku maalgelinayso samaynta duulimaad cusub.

Wasiirka wuxuu yiri “ Nigeria sannado badan ma lahayn duulimaad ka dhex muuqda caalamka, Diyaaradda Nigeria Airways waxay kamid ahaan jirtay shirkadaha caalamka ugu wanaagsan”

Soo dhawayn loo sameeyay rakabkii ka degay garoonka diyaaradaha ee Asmara

Wasiirka warfaafinta dalka Eritrea Yemane Meskel ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo bandhigay sawiirada rakaabkii ugu horreeyay ee soo raaca diyaaradda Itoobiya oo lagu soo dhaweeynaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara.

Rakaabka waxaa kamid ah Ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo mas’uuliyiin kale oo uu soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea.

View more on twitter

Tareenka Kenya oo khaasare dhaqaale galay

.
MICHAEL KHATE

Mashruuca daahfurka tareenada Kenya ayaa sheegay inay galeen khaasaare gaaraya 100 milyan oo doolar sannadkii ugu horreeyay uu howlgala tareenka casriga, sida laga soo xigtay wasaaradda gaadidka ee Kenya.

Bangi ku yaalla Shiinaha ayaa bixiyay lacagta lagu maalgeliyay dhisitaanka tareenka magaalada Mombasa ilaa Nairobi, waxayna gaaraysay 3 bilyan oo doolar.

Lacagtaa ayaa Kenya laga sugaya inay dib ugubixiso muddo 15 sanno ah.

Wasiirka gaadidka Kenya James Macharia ayaa guddi baarlamaani ah u sheegay in dowladda hadda ay kulan la qaadanayso shirkadaha gaarka loo leeyahay oo ku aadan sidii tareenka uu noqon lahaa mid si wanaagsan u shaqeeyo oo ay ganacsatada isticmaalaan tareenka.

Sannadka dambe ayay Kenya billaabaysa inay dib u bixiso lacagaha daynta.

Dowladda Kenya waxay ku rajo wayn tahay in tareenka faa’ido laga heli doono sannadka nagu soo aadan.

Sir Cliff Richard oo BBC-da kaga guulaystay dacwad

Sir Cliff Richard ayaa BBC-da kaga guuleystay dacwad uu kusoo oogay oo ku saabsanayd in lagu xad gudbay dhawrsanaanta xogtiisa shaqsiga ah.

Xaakimka maxkamadda sare ee Britain Garsoore Justice Mann ayaa Sir Cliff u xukumay lacag dhan £210,000 oo xaalmarin ah.

Heesaagan ayaa sheegay in BBC-da ay ku xadgudubtay shaqsiyadiisa ka dib markii muuqaal laga duubay, lana baahiyay xilli booliiska ay hawlgal ugu dhaceen gurigiisa sanadkii 2014-kii, xilligaas loo heystay dacwad faro xumeyn carruur ah. Balse waxaa dhacday in aanan la xirin, lana maxkamadaynin Cliff.

BBC-da ayaa sheegtay in wariyeyaasha ay ku dhaqmayeen niyad wanaag, lagana fikirayo in rafcaan laga qaato xukunka maxkamadda sare.

Sir Cliff Richard
VICTORIA JONES/PA WIRE

Diyaaraddii labaad oo Asmara u duushay

Diyaaraddii labaad ee rakaab ah ayaa ka duushay magaalada Addis Ababa iyadoo ku sii jeeda magaalada Asmara, ka dib markii ay aad u bateen dadka danaynaya in ay Asmara indhaha ka soo qaadaan, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP.

Waxayna soo bandhigtay sawir dad saaran diyaaraddii koobaad ee muddo labatan sano ah labada caasimadood u kala safarta, taas oo goor dhaw caga dhigatay Asmara.

View more on twitter

Dhinacyada Koonfurta Suudaan oo lagu wado inay gaaran heshiis ay dowlad kusoo wada dhisayaan

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar oo isa salaamaya xilli dhawaan ay heshiis ku kala saxiixaneeyn dalka Suudaan
AFP
Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar oo isa salaamaya xilli dhawaan ay heshiis ku kala saxiixaneeyn dalka Suudaan

Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Al-Dirdiri Maxamed Axmed oo oo hoggaaminyay dadaallada wadahadalada Koonfurta Suudaan ayaa sheegay in dhinacyada iska soo horjeedo sacaadaha nagusoo aadan la filaya inay ku heshiyaan iyo in kale heshiiska awoodda ay ku qaybsanayaan mucaaradka iyo dowladda.

Madaxweyanaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa bishii lasoo dhaafay kala saxiixday heshiis xabad joojin ah, inkastoo meelaha qaar ay ka dhaceen dagaallo tan iyo intii la gaaray heshiiska.

Heshiiskii ugu dambeeyay ee u dhexeeyay dhincayda Koonfurta Suudaan wuxuu dhigaya in la sameeyo xilalka shan madaxweyne ku-xigeen, mid kamid ah jagooyinkaasi waxaa la siinaya haween.

Tan iyo intii dagaallada ay ka bilaawadeen Kooonfurta Suudan sannadkii 2013-kiii, waxaa halkaasi ka qaxay in ka badan 4 milyan oo qof.

Wiilashii laga soo badbaadiyay bohosha Thailand oo isbitaalka ka baxaya

Labo iyo tobankii wiil iyo tababaroodii laga soo badbaadiyay bohoshii uu daadku ugu galay ee waqooyiga Thailand ayaa ka baxaya isbitaalkii lagula socday xaaladooda caafimaad.

Waxay isbitaalka Chiang Rai ku jireen tan iyo toddobaadkii hore, hawlgal cajiib ah oo saddex maalmood qaatay ayaana lagu soo badbaadiyay.

Kooxdan ayaa marka koobaad ee ay meel shaaric ah ka soo muuqdaan qaban doona shir jaraa’id, waxayna ka jawaabi doonaan waxyaabihii ay soo mareen.

Intaas ka dibna waxay ku laaban doonaan guryahoodii iyo qoysaskoodii.

Thailand
Reuters
Thailand
Getty Images

Way duushay

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa Twitterka soo dhigtay sawirka diyaaraddii u horraysay ee Asmara u duusha labaatan sano ka dib.

Wargeyska Addis Standard ayaa ku warramay in ay saaran yihiin 456 ruux oo rakaab ah.

View more on twitter

Duulimaadkii u horreeyay ee Addis Ababa iyo Asmara 20 sano ka dib

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa markii u horray maanta duulimaad ku tagaysa magaalada Asmara iyadoo ka duulaysa magaalada Addis Ababa.

Arintan ayaa qayb ka ah calaaqaadka soo hagaagaya ee Eritrea iyo Itoobiya, ka dib markii ay ku dhawaaqeen in la soo afjaray colaaddii labaatanka sano socotay.

Dadka safraya waxaa ka mid ah ra'iisulwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn sida uu Twitterka ku soo qoray wasiirka warfaafinta ee Itoobiya Axmed Shide.

View more on twitter

Senit Teafaye ayaa sidoo kale ka mid ah dadka safraya waana markii koobaad ee ay Eritrea ku laabato tan iyo markii ay Itoobiya tagtay labaatan sano ka hor iyadoo aad u da'yar, waxay wadataa gabadheeda oo saddex bilood jirta si ay u soo tusto waalid keed.

itoobiya
BBC
itoobiya
BBC
itoobiya
BBC

Haweenay badhyo kuuskuusan raadinaysay oo dhimatay

Dakhtar Bumbum oo reer Brazil ah oo ku caan baxay qaliinno uu ku qurxiyo dadka caanka baxay ayaa la la'yahay ka dib markii ay dhimatay haweenay uu irbad ku duray si ay badhyuhu ugu waawaynaadaan.

Baareyaasha ayaa sheegay in Dr Denis Furtado uu sancadaas ku sameeyay Lilian Calixto, isaga oo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla magaalada Rio de Janeiro, balse waxay xannuunsatay intii uu sancada ku waday.

Dr Furtado ayaa haweenayda ula cararay isbitaal, halkaas oo xaaladeedu kaga sii dartay kuna dhimatay saacado ka dib, sida ay booliisku sheegeen.

Intaas ka dibna Dakhtarkii ayaa la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay, garsoore ayaana bixiyay waraaqdii lagu soo qaban lahaa.

Faahfaahinta lifaaqan kaga bogo.

Lilian Calixto
FACEBOOK

Yemen: quus ma gaarin dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta

Madaxweynaha dalka Yemen ee dibad joogga ah ayaa qiray in uusan filaynin in sidan uu u dabo dheeraan doono faragalinta milatari ee xulafada ay Sacuudigu hoggaaminayaan.

Cabdulrabah Mansuur Haaddi oo waraysi dhif iyo naadir ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in uusan rumaysnayn in uu quus joogo dagaalka saddexda sano socda ee ka dhanka ah Jabhadaha Xuutiyiinta ah.

Haaddi ayaa sidoo kale sheegay in uusan ka shalaysnayn ku luglahaanshaha Sacuudiga iyo xulafadiisa ee dagaalka, la'aantoodna ay dhul ballaaran haysan lahaayeen xuutiyiinta.

Haad
BBC

Trump “looma baahna in lagu dagdago burburinta” nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay “in aan wakhti go’an loo cayimin” burburinta nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi, isla markaasna aan loo baahnayn in la dadajiyo hawshaas.

Arrintan ayaa ka dhigan in Trump uu badalay hadalkii uu horay u sheegay ee ahaa in “burburinta hubkaas ay u dhici doonto si dhakhso ah”.

Trump iyo Kim
AFP

Bishii hore ayay Madaxweynaha Maraykanka iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un kulan taariikhi ah ka yeesheen sidii gacanka Kuuriya looga dhigi lahaa mid ka madax bannaan hubka nukliyeerka ah.

Heshiiskii ay halkaas ku gaareena looma dajinin wakhti cayiman oo hawshaas lagu qabto.

Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinteennan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo Caalamka.

Waa maalin Arboco ah oo ay taariikhdu tahay 18 Luulyo 2018ka.