Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

Qoys ay kala gaysay colaaddii Itoobiya iyo Eritrea oo 16 ka dib kulmay

Saxafiga u dhashay dalka Itoobiya Addisalem Hadigu ayaa markii ugu horreysay muddo 16 sano ah la kulmay labadiisa gabdhood.

Labadani gabdhood ee lagu kala magacaabo Asmera iyo Danait ayuu kula kulmay magaalada Casmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Waxa uu saxafigani ka mid ahaa qoysas badan oo ay kala geeyeen 20 sano oo dagal iyo colaad u dhaxaysay dalalka Itoobiya iyo Eratariya.

Saxafiga u dhashay dalka Itoobiya Addisalem Hadigu ayaa gabdhihiisa la kulmay waxa uuna ahaa kulan farxad iyo oohin isugu jira.

Waxa uu saxafigani qayb ka ahaa rakaabkii saarnaa diyaaradii ugu horreysay oo u kala gooshta magaalooyiinka casmara iyo Addis ababa.

Maalintii shalay ayay ahayd markii duulimaadkii ugu horeeyay oo ka tagay Addis ababa uu gaaray magalada Casmara.

Addisalem Hadigu iyo labadiisa gabdhood
Reuters
Addisalem Hadigu iyo labadiisa gabdhood

Madaxwaynaha K/sudan oo sheegay in uu diyaar u yahay in dagaalka la soo afjaro

Madaxwaynaha dalka Koonfurta Sudan Salva Kiir ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu aqbalo heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo sanooyiin uu dalkaasi ka socday dagaal sokeeye.

Heshiiskan laga wada xaajooday ayaa waxa uu ninka ay sida wayn isaga soo horjeedaan Riek Machar uu siinayaa madaxwayna ku xigeen.

Waxa uu sidoo kale heshiiskani dhigayaa guud ahaan arrimaha qaysiga awooda iyo ammaanka.

Madaxwayne Kiir ayaa sheegay in dowladda awood qaysiga ay tahay in aysan cidna ka maqnaan.

Xabad joojin joogto ah ayay labada dhinac saxiixdeen bishii aanus oo dhaafnay.

salva Kiir
AFP
salva Kiir

Qodobada aad ku maqli doontaan Idaacadda Duhurnimo

Soomaaliya: 18 askari oo qabyaalad xabsi ku mutaystay

Maxkamada ciidammada ee dawladda Soomaaliya ayaa 18 askari oo ka tirsan guutada 14-ka Oktoobar ku xukuntay midkiiba shan sano oo xarig ciidan ah.

Eedaha loo haystay askarta xukunku ku dhacay waxaa ka mid ahaa Amar diido, Abaabul wax loogu yeeray shoobare ciidan iyo in ciidanka dhexdiisa ay uga dhawaaqeen hadallo muujinaya qabyaalad iyagoo u doodaya askar akhlaaq daro awgeed looga ruqseeyay ciidanka.Garsooraha xukunka ku dhawaaqay G.Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Adan ayaa sheegay in eedeysanayaasha lagu helay dambiyadii lagu soo oogay isla markaana lagu xukumay min shan sano oo xarig ah.

Itoobiya oo safiir u magacawday Eritrea

Dawladda Itoobiya ayaa safiir u magacawday dalka Eritrea labaatan sano ka dib.

Ridwaan Xuseen oo horay safiir uga soo noqday Ireland ayaa noqday safiirka Addis Ababa u fadhiyi doona magaalada Asmara, sida uu shaaciyay wasiirka warfaafinta eeItoobiya Axmed Shide.

View more on twitter

Waa tallaabo kale oo loo qaaday hagaajinta xiriirka labada dal oo si xawli ah u soo hagaagaya.

Arbacadii ayay dib u billawdeen duulimaadyadii rakaabka ee labada dal isaga kala gooshi jiray.

Sagaalkii bishan Luulyo ayuu Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki si wada jir ah u sixiixeen in la soo afjaray xaaladdii collaadda ee labada dal dhex taallay.

Eritrea oo ciidammadeeda “kala baxday” xadka

Dawladda Eritrea ayaa ciidammadeeda kala baxday xadka ay la leedahay Eritrea, iyada oo muujinaysa taageerada ay u hayso dib u heshiisiinta, sida ay Facebook ku baahisay warbaahinta Eritrea Press oo dawladda la jeel ah.

BBC-du ma aysan helin warar madax bannaan oo xaqiijinaya arrintaas.

Haddii ay run noqoto ciidammada lala baxay, waxay noqon doontaa hormar wayn oo laga sameeyay hannaanka nabadda ee labadaas dal u saamaxay in ay soo afjaraan colaaddii dhex taalay labaatanka sano.

View more on facebook

Dad lagu qiyaasay 80,000 oo ruux ayaa ku dhintay dagaalkii labadaas dal dhexmay 1998 ilaa 2000, kaas oo salka ku hayay cidda gacanta ku haynaysa Badhume.

Guddi xadayn oo taageero ka haystay Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyay 2002 in Itoobiya ay Eritrea ku wareejiso Badhume.

Itoobiya ayaa arrintaas diiday intaas wixii ka dambeeyayna labada dal waxay galeen xaalad aysan dagaalna ka dhex jirin, nabadina dhex oolin.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ballan qaaday in uu ku wareejin doono deegaankaas, balse ma cadda goorta ay arrintaasi dhici doonto iyo goorta ay dib u bixi doonaan ciidammada Itoobiya ee xadka ku dhereran.

Kuuriyada Koonfureed “magdhaw haka bixiso” masiibadii markabka

Maxkamad ku taalla Kuuriyada Koonfureed ayaa go’aamisay in dawladdu ay magdhaw ka bixiso dadkii ku nafwaayay masiibadii ka dhalatay markabka gudoomay.

Waa markii koobaad ee maxkamad qirto in dawladdu ay qayb ku lahayd masuuliyadda masiibadaas.

Markabkaas ayaa quusay 2014kii, isaga oo dilay 304 ruux, dadkaas badan kooduna waxay ahaayeen ciyaal iskuul.

Kuuriyada Koonfureed
EPA

Qaar ka mid ah qaraabada ayaa mar hore diiday magdhaw loo soo bandhigay, waxayna ku adkaysteen in la caddeeyo kaalintii ay dawladdu ku lahayd masiibada dhacday.

Maxkamadda ayaa amartay in qofkaste oo markabkaas ku dhintay laga bixiyo 200 milyan oo lacagta dalkaas ee won la dhoho ah, taas oo u dhiganta 177,000 oo doolarka Maraykanka ah. Waalidka ay carruurtoodu ka dhinteenna la siiyo 40 milyan oo won oo dheeri ah.

Walaalada iyo waaliddiinta ayaa iyagana lacago yaryar oo kale la siin doonaa.

Markab
AFP

Turkiga oo soo afjaray xaaladdii degdegga ahayd

Dawladda Turkiga ayaa qaaday xaaladdii degdegga ahayd ee dalkaas la galiyay ka dib afgambigii dhicisoobay ee labo sano ka hor dhacay.

Intii ay arrintaasi taagnaydna tobannaan kun oo ruux oo la qabtay ayaa xabsiyada ku jiray iyagoo aan wax maxkamad ah la soo taagin lana adeegsanayo awaamiir uu bixiyay madaxweyne Erdogan.

Kumannaan ruux ayaa shaqooyinka laga tiray, hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International waxay sheegtay in qaadidda xaaladda degdegga ah oo kali ah aysan soo afjaraynin ugaarsashada siyaasadeed.

Dhanka kalana Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in Turkigu uu sii daayo Andrew Brunson oo ah baadari Maraykan ah, kaas oo la xiray ka dib afgambigii dhicisoobay labo sano ka hor, waxaana lagu eedeeyay in uu xiriir la lahaa malayshiyo Kurdiyiin ah.

Erdogan
Reuters

Soomaali Maraykanka ku nool oo wadnaha farta ku haya

In ka badan 500 oo qof oo Soomaali ah, ayaa maanta ka war sugaya in sharciga magangalayada ee ku meel gaarka ah ee ay ka heleen waddanka Mareykanka in loo cusboonaysiin doono iyo in kale.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa socday dalaalo lagu dalbanayay in dadkaasi waqtiga loo kordhiyo, oo 21 Senator oo ay hor kacayaayn labada gabdhood ee laga soo doorto gobalka Minnesota oo ay ku nool yihiin inta badan dadkaasi ayaa waxa ay warqad u direen maamulka madaxwayne Trump.

Warqaddaasi waxay Senatoradu ku codsadeen in dadka Soomaalida ah loo kordhiyo muddada sharcigooda, iyada oo la eegayo xuquuqda bini'aadamka iyo duruufaha ka jira waddanka Soomaaliya.

Maxamuud Muuse Xasan oo looyaqaan BBC oo u ol'oleeyaa arrimaha dadka Somaaliyeed ee ku nool wadanka Mareykanka ayaa waraysi uu BBC siisay ku sheegay in dadkan laga hadlayo ay ka mid yihiin kuwo Maraykanka ku noolaa in kabadan 20 sano oo shaqaysta, canshuur bixiya isla markaasna qoysas ku samaystay, waligoodna aan dambi galin.

View more on facebook

Israa'iil "Yuhuudda oo kali ah ayaa leh"

Baarlamaanka Israa'iil ayaa meelmariyay sharci muran dhaliyay oo la dhoho"xeerka Dawladda Yuhuudda" sharcigaas ayaa dhigaya in Israa'iil ay tahay dal Yuhuudda oo kali ah ay leeyihiin.

Luuqada Caribaga ayuu darajadeeda hoos u dhigayaa, hormarinta deegaamayta dhulka lahaystana wuxuu u arkaa masaaliix qaran.

Sharcigaasi waxaa kale oo uu dhigayaa in dhammaan magaalada Qudus ay tahay caasimaddooda.

Carabta xildhibaannada ka ah Israa’iil ayaa arrintan dhaliilay, laakiin ra’iisulwasaare Benjamin Netanyahu ayaa ammaan kala dul dhacay.

Sharcigaas ayaa la meelmariyay ka dib kala fadhi siddeed saac qaatay, 62 xildhibaan ayaa ogolaaday waxaana ka soo horjeedsaday 55 kale.

Netanyahu
AFP

Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kuna soo dhawaada tabinteennan tooska ah, waa maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 19 Luulyo 2018.