Trump oo diyaar u ah in uu canshuuro dhammaan alaabada Shiinaha uga timaadda
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu diyaar u
yahay in uu sare u qaado dagaalka ganacsiga ee Shiinaha, isaga oo canshuur dusha
ka saaraya badecado qiimahoodu yihiin 500 oo bilyan oo doolar.
“Waxaan diyaar u ahay in aan hirgaliyo 500,” ayuu yiri isaga oo
waraysi siinaya telefeshinka CNBS.
Hadalka Trump ayaa
yimid ka hor waqtiga ay dhaqangalayso inta badan canshuuraha uu Maraykanku
saaray Alaabada Shiinaha.
Toddobaadkii hore
ayay ahayd markii Washington ay soo bandhigtay alaabo Shiinaha looga soo
dhoofiyo oo lagu qiyaasay 200 bilyan oo doolar, waxayna rajaynaysaa in
canshuuraha la saarayo ay dhaqan galaan ugu horrayn bisha Sabtembar.
Waxyaabaha
magacyadooda la shaaciyay ee canshuuraha la saari doono waxaa ka mid ah 6,000 shay oo ay ka mid yihiin cuntooyin, macdanno, boorsooyinka gacmaha kuwaas oo canshuuraha hadda laga qaado lagu kordhin doono 10%.
ReutersCopyright: Reuters
Twitter oo guddiga maamula ku dartay haweenay Nigeria ka soo noqotay wasiir
Wasiirkii hore ee maaliyadda ee dalka NigeriaNgozi Okonjo-Iweala ayaa lagu daray gudiga maamula
shirkadda Twitter.
Okonjo-Iweala ayaa la soo shaqaysay madaxweyne Olusegun Obasanjo
2003 ilaa 2006, haddana wakhtigii madaxweyne Goodluck Jonathan ayay
wasiirnimada ku soo noqotay 2011 iyadoo jagadaas haysay tan iyo 2015kii.
Twitterka ayay ku soo qortay magacaabiddeeda, waxayna sheegtay
in ay aad ugu faraxsan tahay in ay ka shaqayso goob xiriirisa bulshada iyo
Afkaaraha.
War deg deg ahAl Shabaab oo la wareegay deegaanka Af urur oo ay puntland banaysay
Wararka ka imaanaya Dawlad Goboleedka Puntlad ayaa sheegaya in ciidammada Puntland ay isaga baxeen deegaanka Af urur.
Ciidammada ayaa saldhig ku lahaa halkaas.
Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay in ay la wareegeen markii ay ciidammada Puntland isaga huleeleen deegaankaas.
Puntland wali faahfaahin kama aysan bixinin sababta ay ciidammada oogala baxday deegaankaas.
Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed oo xabsiga loo sii kordhiyay
Madaxweynihii hore ee
Kuuriyada Koonfureed Park Geun-hye oo fateexad ay soo wajahday ayaa lagu
xukumay siddeed sano oo dheeri ah, iyadoo musuqmaasuq loo haysto.
Siddeedan sano ayaa
dheeri ku ah 24ka sano ee xabsiga ahaa ee ay hadda ku jirto.
Maxkamad ku taalla
magaalada Seoul ayaa Park ku
xukuntay lix sano oo xabsi ah ka dib markii ay ku heshay in ay lacag si sharci
darro ah uga heshay hay’adda sirdoonka ee dalkaas iyo labo sano oo kale oo
loogu xukumay in ay doorashada farogalisay.
Xukunka hore ee
xabsiga waxaa lagu riday bishii Abriil iyadoo lagu helay in ay ku takrifashay
awoodda.
Park oo ahayd
haweenaydii u horraysay ee dalkaas madax ka noqota ayaa maxkamadii xukunka
ridaysay ka baaqatay iyadoo sheegtay in aysan dambi galin.
Waxay sheegtay in
xukunkeedu uu salka ku hayo siyaasad, waaxda caddaaladda iyo garsoorkuna aysan
arrinta daacad ka ahayn.
ReutersCopyright: Reuters
Yoonis Cali Nuur oo geeriyooday
Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ku geeriyooday Yoonis Cali Nuur oo ahaa Saxafi rugcaddaa ah oo in badan ka soo shaqeeyay BBC.
Dakhtarkii ay ku dhimatay haweenayda qurux raadiska ah oo la xiray
Dakhtar caan ku ah qaliinnada la isku qurxiyo oo reer Brazil ah
ayaa la xiray ka dib afar maalmood oo uu baxsad ahaa markii ay dhimatay haweenay ka mid ahayd bukaannadiisa.
Dakhtarkaas ayaa caan ku ahaa magaca Dr Bumbum ama badhibadhi.
Booliiska ayaa sheegay in ay Dr Denis Furtado ka
qabteen magaalada Rio de Janeiro, waxayna u mahadceliyeen cid aysan faahfaahin
ka bixinin.
Lilian Calixto oo ka mid ahayd bukaanadiisa ayaa dhimatay markii
uu irbad ku duray, haweenayda dhimatay ayaa dalbatay in badhyaha loo kuuskuuso.
EPACopyright: EPA
Dr Furtado ayaa wajahaya dacwad dil ah, hooyadii ayaa lala xiray iyada oo ku eedaysan in ay gacan siisay.
Baareyaasha ayaa sheegay in Dr Furtado uu sancada iyo dawaynta Calixto ku sameeyay guriga uu dagan yahay oo ku yaalla magaalada Rio de Janeiro, ayna xannuunsatay intii uu isku dayayay in uu u kuuskuuso badhyaha.
Kow iyo toban ruux oo ku dhintay doon ku dagtay Maraykanka
Ugu yaraan 11 ruux ayaa dhintay ka dib markii ay degtay doon
wadday dad dalxiiseyaal ah oo dabayli ay ku dhufatay iyada oo maraysa gobolka
Mussouri ee dalka Maraykanka, sida ay booliisku sheegeen.
Doontan waxaa
saarnaa dad lagu qiyaasay soddon ruux waxayna maraysay harada Rock Lake oo caan ku ah dalxiiseyaasha, sida
ay tabiyeen warbaahinta gudaha.
Tebin toos ah
time_stated_uk
Trump oo diyaar u ah in uu canshuuro dhammaan alaabada Shiinaha uga timaadda
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu sare u qaado dagaalka ganacsiga ee Shiinaha, isaga oo canshuur dusha ka saaraya badecado qiimahoodu yihiin 500 oo bilyan oo doolar.
“Waxaan diyaar u ahay in aan hirgaliyo 500,” ayuu yiri isaga oo waraysi siinaya telefeshinka CNBS.
Hadalka Trump ayaa yimid ka hor waqtiga ay dhaqangalayso inta badan canshuuraha uu Maraykanku saaray Alaabada Shiinaha.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Washington ay soo bandhigtay alaabo Shiinaha looga soo dhoofiyo oo lagu qiyaasay 200 bilyan oo doolar, waxayna rajaynaysaa in canshuuraha la saarayo ay dhaqan galaan ugu horrayn bisha Sabtembar.
Waxyaabaha magacyadooda la shaaciyay ee canshuuraha la saari doono waxaa ka mid ah 6,000 shay oo ay ka mid yihiin cuntooyin, macdanno, boorsooyinka gacmaha kuwaas oo canshuuraha hadda laga qaado lagu kordhin doono 10%.
Twitter oo guddiga maamula ku dartay haweenay Nigeria ka soo noqotay wasiir
Wasiirkii hore ee maaliyadda ee dalka NigeriaNgozi Okonjo-Iweala ayaa lagu daray gudiga maamula shirkadda Twitter.
Okonjo-Iweala ayaa la soo shaqaysay madaxweyne Olusegun Obasanjo 2003 ilaa 2006, haddana wakhtigii madaxweyne Goodluck Jonathan ayay wasiirnimada ku soo noqotay 2011 iyadoo jagadaas haysay tan iyo 2015kii.
Twitterka ayay ku soo qortay magacaabiddeeda, waxayna sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay ka shaqayso goob xiriirisa bulshada iyo Afkaaraha.
Twitter iyo shirkadaha kale ee waawayn ee degan Silicon Valley ayaa lagu dhaliilay in aysan si ku filan u shaqaalaysiisanin dadyow kala duwan.
Qaar ka mid ah sawirradii xasuusta ahaa ee Yoonis Cali Nuur
War deg deg ahAl Shabaab oo la wareegay deegaanka Af urur oo ay puntland banaysay
Wararka ka imaanaya Dawlad Goboleedka Puntlad ayaa sheegaya in ciidammada Puntland ay isaga baxeen deegaanka Af urur.
Ciidammada ayaa saldhig ku lahaa halkaas.
Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay in ay la wareegeen markii ay ciidammada Puntland isaga huleeleen deegaankaas.
Puntland wali faahfaahin kama aysan bixinin sababta ay ciidammada oogala baxday deegaankaas.
Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed oo xabsiga loo sii kordhiyay
Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed Park Geun-hye oo fateexad ay soo wajahday ayaa lagu xukumay siddeed sano oo dheeri ah, iyadoo musuqmaasuq loo haysto.
Siddeedan sano ayaa dheeri ku ah 24ka sano ee xabsiga ahaa ee ay hadda ku jirto.
Maxkamad ku taalla magaalada Seoul ayaa Park ku xukuntay lix sano oo xabsi ah ka dib markii ay ku heshay in ay lacag si sharci darro ah uga heshay hay’adda sirdoonka ee dalkaas iyo labo sano oo kale oo loogu xukumay in ay doorashada farogalisay.
Xukunka hore ee xabsiga waxaa lagu riday bishii Abriil iyadoo lagu helay in ay ku takrifashay awoodda.
Park oo ahayd haweenaydii u horraysay ee dalkaas madax ka noqota ayaa maxkamadii xukunka ridaysay ka baaqatay iyadoo sheegtay in aysan dambi galin.
Waxay sheegtay in xukunkeedu uu salka ku hayo siyaasad, waaxda caddaaladda iyo garsoorkuna aysan arrinta daacad ka ahayn.
Yoonis Cali Nuur oo geeriyooday
Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ku geeriyooday Yoonis Cali Nuur oo ahaa Saxafi rugcaddaa ah oo in badan ka soo shaqeeyay BBC.
Wariyaha BBC Axmed Siciid Cige ayaa ka warramaya.
Dakhtarkii ay ku dhimatay haweenayda qurux raadiska ah oo la xiray
Dakhtar caan ku ah qaliinnada la isku qurxiyo oo reer Brazil ah ayaa la xiray ka dib afar maalmood oo uu baxsad ahaa markii ay dhimatay haweenay ka mid ahayd bukaannadiisa.
Dakhtarkaas ayaa caan ku ahaa magaca Dr Bumbum ama badhibadhi.
Booliiska ayaa sheegay in ay Dr Denis Furtado ka qabteen magaalada Rio de Janeiro, waxayna u mahadceliyeen cid aysan faahfaahin ka bixinin.
Lilian Calixto oo ka mid ahayd bukaanadiisa ayaa dhimatay markii uu irbad ku duray, haweenayda dhimatay ayaa dalbatay in badhyaha loo kuuskuuso.
Dr Furtado ayaa wajahaya dacwad dil ah, hooyadii ayaa lala xiray iyada oo ku eedaysan in ay gacan siisay.
Baareyaasha ayaa sheegay in Dr Furtado uu sancada iyo dawaynta Calixto ku sameeyay guriga uu dagan yahay oo ku yaalla magaalada Rio de Janeiro, ayna xannuunsatay intii uu isku dayayay in uu u kuuskuuso badhyaha.
Haweenayda dhimatay iyadoo qurux raadiska ah ayaa ah 46 sano jirtay waxayna ka tagtay labo carruur ah.
Kow iyo toban ruux oo ku dhintay doon ku dagtay Maraykanka
Ugu yaraan 11 ruux ayaa dhintay ka dib markii ay degtay doon wadday dad dalxiiseyaal ah oo dabayli ay ku dhufatay iyada oo maraysa gobolka Mussouri ee dalka Maraykanka, sida ay booliisku sheegeen.
Doontan waxaa saarnaa dad lagu qiyaasay soddon ruux waxayna maraysay harada Rock Lake oo caan ku ah dalxiiseyaasha, sida ay tabiyeen warbaahinta gudaha.
Dadka biyaha quusa ayaa harada ka baadigoobaya shan ruux oo la la’yahay.
Toddobo ruux ayaa loo qaaday isbitaal, mid ka mid ah ayaana dhaawacyo halis ah qaba, sida ay booliisku sheegeen.
Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa ayaa wax yar ka dibba gaaray goobta ay dhibaatadaasi ka dhacday.
Post update
Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kuna soo dhawaada tabinteennan tooska ah.
Waa maalin Jimce ah oo ay taariikhdu tahay 20 Luulyo 2018ka.