Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Dab labaatan ruux ku dilay Giriigga
  2. Soddon sano ka dib diyaaradihii Hargeysa duqeeyay
  3. Hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea oo billad ku helay dadaakii nabadda
  4. QM: Handdadaad ayaa lagu haya codbixiyaasha Zimbabwe

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Post update

    Tebinta tooska oo inoo soo bilaabatay saaka intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.

  2. Maxamed Salaax oo kasoo muuqday liiska laacibiinta adduunka

    Cayaaryahan Maxamed Salaax oo u dheela kooxda Liverpool iyo Masar ayaa lagu soo daray liiska cayaartoyda ugu cayaarta wanaagsan dunida, sida uu shaaca xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA.

    Maxamed Salaax ayaa 46 goolal u dhaliyay kooxda uu dheela iyo dalkiisa xilli ciyaareedkii 2017-ka iyo 2018-ka.

    View more on twitter
  3. Ra’iisul wasaaraha Hindiya oo gaaray Uganda

    Ra’iisul wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa gaaray dalka Uganda, waxayna ka qayb tahay booqashada uu ku tegaya dalal ka tirsan qaaradda Afrika.

    View more on twitter

    Modi ayaa kasoo ambabaxay dalka Rwanda, waxaan la filaya inuu ka qaybgalo kulanka ay dalka Koonfur Afrika ku yeelan doonaan dalalka ku midoobay ururka Brics oo ay kaga hadlayaan arrimaha dhaqaalaha.

    Waxaana ururkani ka tirsan dalalka kala ah Brazil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha iyo Koonfur Afrika.

    View more on twitter
  4. Mucaaradka Nigeria oo soo dhaweeyay xildhibaanada ka goostay xisbiga dalkaasi k arrimiyo

    Afahayeen u hadlay xisbiga mucaaradka ugu wayn dalka Nigeria ayaa soo dhaweeyay 15-ka xildhibaan ee ka goostay golaha sare ee dalkaasi.

    Xubnaha ayaa isaga baxay xubinnimada xisbiga talada haya ee dalka Nigeria.

    Kola Ologbondiyan ayaa ku tilmaamay tallaabada ay ku dhaqaaqeen xildhibaanadani horumaro dhanka dimuqraadiyadda uu dalka ku tallaabsaday.

    Wuxuu sheegay in arrintani ay xildhibaanada u fududunayso inay ka badbaadaan shuruucda adag uu soo rogay madaxweynaha talada haya.

    Madaxweyne Buhari wuxuu doonaya inuu tartamo doorashada dalkaasi ka dhici doonto sannadka nagu so aadan
    Image caption: Madaxweyne Buhari wuxuu doonaya inuu tartamo doorashada dalkaasi ka dhici doonto sannadka nagu so aadan
  5. Shiinaha oo ballan qaaday inuu balaayin doolar ku maalgelin doono Koonfur Afrika

    Madaxweyanaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in Madaxweynaha Shiinaha ay kala saxiixdeen heshisyo dhowr ah oo ay kamid tahay xoojinta xiriirka labada dal, dhaqaalaha iyo beeraha.

    Cyril Ramaphosa wuxuu sheegay in Shiinaha 14 bilyan oo doolar uu ku maalgelinaya dalkiisa.

    View more on twitter

    Hadalka madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa imaanaya xilli uu soo dhamaaday kulan uu la qaadanayay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo booqasho ku joogo Koonfur Afrika.

    View more on twitter
  6. Israa'iil oo soo ridday diyaarad dagaal oo ay dowladda Suuriya leedahay

    Israa’iil waxay soo ridday mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee Suuriya oo dul mareysay hawadeeda gaar ahaan koonfurta buuraha Golan, sida ay sheegeen militariga.

    Militariga Israa’iil waxay barta Twitter-ka kusoo qoreen inay labo gantaal ku ganneen diyaaradda dagaalka ee Suuriya oo halMile gudaha usoo gashay hawada Israa’iil.

    Warbaahinta Haaretz ayaa kusoo warrantay in dadka ku dhaqan waqooyiga Israa’iil ay ay arkeen gantaallada diyaaradda lagu soo riday islamarkaasna ay maqleen qarax.

    Warar aanan la xaqiijinin ayaa sheegaya in duuliyaha diyaaradda uu dhintay.

  7. QM: Handdadaad ayaa lagu haya codbixiyaasha Zimbabwe

    Waa doorashadii ugu horreysay ee dalkaasi ka dhacdo tan iyo intii xukunka laga tuuray Robert Mugabe
    Image caption: Waa doorashadii ugu horreysay ee dalkaasi laga qabanayo tan iyo intii xukunka laga tuuray Robert Mugabe

    Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ee dalka Zimbabwe ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin warar isa soo taraya oo sheegaya in handdadaad iyo hanjabaad lagu hayo codbixiyaasha ka hor doorashada Isniinta dalkaasi ka dhici doonto.

    Bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkaasi ay ka dhaceen deeganada miyiga oo weliba dadka qaarkood lagu khasbay inay ka qaybgalaan isu soo baxyo siyaasadeed.

    Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka walaacsan haddalada xanafta leh ee ka dhanka haweenka musharraxiinta ah oo ay jeedinayaan siyaasiyiinta ragga ah.

    Si kastaba, Qaramada Midoobay waxay soo dhawaysay doorashada Zimbabwe ka dhacayso.

  8. Madaxweynaha Shiinaha oo raba in uu la shaqeeyo Afrika

    Madaxweynaha Shiinaha iyo midka Koonfur ayaa hadal jeediyay ka dib markii ay kulan ku yeesheen magaalada Pretoria.

    Madaxweyne Xi Jinping ayaa ku baaqay in ay xiriir dhaw yeeshaan Shiinaha iyo Afrika sida ay muujinayso Twitterkan ay soo qortay wakaaladda wararka ee dawladda Koonfur Afrika.

    View more on twitter

    Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa soo dhaweeyay Xi ka hor shirka bari dhici doona ee ay leeyihiin dalalka Brazil, Hindiya, Shiinaha, Ruushka iyo Koonfur Afrika oo ku midaysan ururuka Brics.

    View more on twitter
  9. Xi iyo Modi oo qaaradda Afrika booqasho ku jooga

    Madaxweynaha Shiinaha iyo ra’iisulwasaaraha Hindiya ayaa labadooduba booqasho ku jooga qaaradda Afrika, ka hor shirka Brics ee billaabanaya Arbacada.

    Ururuka Brics ayaa ka kooban dalalka kala ah Brazil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha iyo Koonfur Afrika.

    Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ka dagay dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay dhigiisa dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

    View more on twitter

    Ra'iisulwasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa isna ku sugan dalka Rwanda

    View more on twitter

    Safarkan ka dibna wuxuu ka dagi doonaa dalka Uganda isaga oo la kulmi doona masuuliyiin iyo qaar ka mid ah jahliyadda Hindida ah.

  10. Hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea oo billad ku helay dadaakii nabadda

    Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa la siiyay abaalmarinta ugu sarraysa ee uu bixiyo dalka Imaaraadka Carabta.

    Labada masuul ayaa hadda ku sugan Isutagga Imaaraadka Carabta, ka dib tallaabooyinkii layaabka lahaa ee ay dhanka dib u heshiisiinta u qaadeen bishan horraanteedii.

    Kaaliyeyaasha labada masuul ayaa Twitter ka soo qoraya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

    View more on twitter
    View more on twitter

    Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kaalin mug leh ka qaatay isu keenidda labada dal ka dib labaatan sano oo ay is dagaashanaayeen, sida uu sheegayo Martin Plaut oo gobolka ka faallooda.

  11. Soddon sano ka dib diyaaradihii Hargeysa duqeeyay

    Waxaa hadda laga joogaa 30 sano markii diyaarado ay lahayd dowladdii militariga ee Soomaaliya ay duqeeyeen magaalada Hargeysa.

    Duqayntaasi iyo guud ahaan dagaalkii ka socday goboladdii Waqooyi ayaa waxa wali xusuustaa dad badan oo xilligaasi goob joog u ahaa.

    Hadaba si aan dib ugu milicsano dhacdadaasi ayaa waxa warbixintan ka diyaariyay Bashkas Jug soo dhacay oo imika Hargeysa ku sugan.

    Lifaaqan ka dhagayso warbixintan, waxayna ka bilaaabnaysaa daqiiqada siddeedaad iyo 25 ilbiriqsi.

    Hargeysa
  12. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Dr Congo oo dib u noqonaya

    Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Jean-Pierre Bemba, ayaa dib ugu laabanaya dalkaas toddobaad ka dib, markii la tuuray dacwadii dambiyada dagaalka ahayd ee loo haystay.

    Xisbiga Bemba ayaa sheegay in uu dalkaas ka dagi doono 1 bisha Agoosto si uu guddiga doorashada ugu gudbiyo warqadda murashaxnimada ee uu uga qaybgalayo doorashada madaxweynenimada ee bisha Disembar dhici doonta.

    Murashaxiinta ayaana haysta ilaa ilaa siddeeda bisha Agoosto si ay isu diiwaan galiyaan.

    Doorashadan wakhtigeedii ka dib dhacday ayaa lagu dooranayaa ciddii badali lahayd Joseph Kabila.

    Fursaddii ugu dambaysay ee iyo markii labaad ee xilka madaxweynaha loo doortay ayaa ku ekayd sannadkii 2017kii, balse ilaa iyo hadda ayuu diidanaa in uu xilka ka dago, arrintaas oo horseeday dibadbaxyo ay dhiig badan ku daateen.

    Bemba
  13. Shir xaaladda naafada looga arrinsanayo oo London ka dhacaya

    Dowladda Britain iyo ururka caalamiga ah ee dadka lixaadkoodu kala dhiman yahay ayaa si wadajir ah magaalada London ugu marti galinaya shirwaynihii ugu horeeyay ee abid looga hadlayo arrimaha dadka lixadkoodu kala dhiman yahay.

    Shirwaynahani ayaa waxaa isugu imana qaar ka mid ah dadka lixaadkoodu kala dhiman yahay iyo madax kala duwan.

    Istarliin Xuseen Cabdullaahi oo ka mid dadka qaxootiga ah ee ku jira xerada qaxootiga ee Kaakuma aya ah gabadh indho la'aan ahayd tan iyo yaraanteedii.

    Inkostoo ay Istarliin tahay gabadh aragga la'a hadana waxay baratay xirfadda computer-ka oo ay ka baratay barnaamijyo kala duwan oo aaladan la xiriirta.

    Hadaba si aan wax badan uga ogaano noolasha Istarliin iyo waxay ku haminayso ayaa waxay u warrantay wariyaha BBC Suhayba Maxamed Badqas.

    Waraysiga iyo Istarliin iyo warbixinno kalaba ka dhagayso lifaaqan

    Naaafo
  14. Talyaaniga oo ogolaan doona in doomaha soo galootigu ku soo xirtaan

    Dawladda Talyaaniga ayaa ogolaan doonta in doomaha soogalootigu ay ku soo xirtaan xeebaheeda tan iyo inta Midawga Yurub ka gaarayo heshiis ku saabsan sida loo qaybsan doono dadka cusub.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga Enzo Moavero Milanesi ayaa sheegay in Talyaanigu uu sii wadi doono in uu aqbalo in doomuhu ay ku soo xirtaan shan toddobaad, muddadaas oo Midawga Yurub uu dib uga wada xaajoonayo siyaasadihii hore ee soo galootiga lagu dabaqi jiray.

    Dawladda siyaasaddeedu garabka midig tahay ee Talyaaniga ayaa meel adag ka istaagtay dadka soo galootiga ah.

    Dalkaas ayaana ah marinka ugu wayn ee Yurub ka soo galaan dadka Afrikaanka ah ee badaha ku soo tahriiba, laakiin hadda waxay doonayaan in Midawga Yurub uu qaybsado doomaha soo galootiga wada marka ay soo xirtaanba.

    Soogalootiga Talyaaniga
  15. Dab labaatan ruux ku dilay Giriigga

    Dab ka kacay kaymo ku yaalla Giriigga ayaa dilay ugu yaraan 20 ruux, sida ay dawladdu sheegtay, masuuliyiinta dalkaasina waxay raadinayaan caawimaad caalami ah.

    Boqolaal ruux oo shaqaalaha dabdamiska ah ayaa ku hawlan daminta dabka, dadkuna waxay isaga carareen guryahoodii u dhawaa magaalada caasimadda ah ee Athens.

    Waxaa socda hawlgal lagu baadi goobayo 10 ruux oo dalxiise yaal ah oo doon raacay iyaga oo dabka ka firxanaya, sida ay saraakiishu sheegeen.

    "Waxaan samaynaynaa wax kaste oon awoodno si aan u xakamayno dabka, sida uu saxafiyiinta u sheegay Ra'iisulwasaare Alexis Tsipras.

    Wuxuuna soo gaabiyay safar rasmi ah oo uu ku joogay Bosnia, si uu isugu dubarido jawaabta laga bixinayo xaaladdan, taas oo shaqaalaha dabdamisku ay ku tilmaameen mid aad u adag.

    Lifaaqan ka eeg sawirro iyo muuqaal layaableh oo dabka laga soo qaaday

    Dab Giriigga ka kacay
  16. Kuuriyada Waqooyi “oo billawday” in ay kala furfurto goob gantaallada laga rido

    Kuuriyada Waqooyi ayaa u muuqata in ay billawday kala furfuritaanka qayb ka mid ah goob gantaallada laga rido oo ku talla waqooyiga-galbeed ee dalkaas.

    Muuqaallo satelayt oo laga qaaday goobta Sohae ayaa muujinaya wax u muuqda in Pyongyang ay hirgalinayso ballanqaadkii ay Maraykanka u samaysay bishii Juunyo.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu wacad ku maray in uu burburin doono matoorka goobta hubka lagu tijaabiyo, balse ma uusan magacaabin midna.

    Pyongyang ayaa ku adkaysan jirtay in Sohae ay tahay goob satarlaytka hawada looga diro.

    Laakiin saraakiisha Maraykanka ayaa goobtaas uga shakisnaa in loo adeegsado in lagu tijaabiyo gantaallada heerka sare ah.

    Gantaal
  17. Post update

    Kulanti wanaagsan dhammaan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah ee ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Talaado ah oo ay Taariikhdu tahay 24 Luulyo 2018.