Xildhibaannada Suudaanta Koonfureed oo loo qaybiyay lacag ay gawaari ku gataan
Dawladda Suudaanta Koonfureed ayaa difaacday
go’aanka ay xildhibaan kaste oo baarlamaanka ka tirsan ku siinayso 40,000 ee
doolar, “taas oo ay ku sheegtay in ay tahay dayn ay siinayso si ay gawaari ugu
gataan maadaama ay hadda mootooyin adeegsadaan”.
Wararka ka imaanaya Juba waxay sheegayaan in xildhibaannada loo
qaybiyay lacagtaas caddaanka ah.
Dhaqaalaha dalkaas waxaa la dagay shantii sano ee ay dagaalladu
ka socdeen, warbixin ay Qarammada Midoobay soosaartay bishan horraanteediina
waxay ka digtay in tacadiyadii la gaystay inta ay dagaalladu socdeen ay u dhigmaan
dambiyo dagaal.
Tobannaan kun oo ruux ayaa lagu
dilay dagaalladii dhacay, qaar badan oo ka mid ahna Qaramada Midoobay waxay ku
tilmaantay in ay u dhigmaan dambiyo dagaal.
AFPCopyright: AFP
Madaxii biyo xireenka Abay ee dalka Itoobiya oo isaga oo mayd ah la helay
Ninkii madaxda
ka ahaa biyo xireenka wayn ee Abay ee dalka Itoobiya ayaa isaga oo mayd ah oo
garigiisa ku jira laga helay fagaaraha Masqal Adhababay ee ku yaalla magaalada
Addis Ababa.
Waa kuwan qaar
ka mid ah sawirrada laga soo qaaday goobta maydkiisa laga helay.
BBCCopyright: BBC
BBCCopyright: BBC
BBCCopyright: BBC
Nin Daacishta Soomaaliya ka tirsan oo xabsi daa'in lagu xukumay
Maxakamada
ciidammada dawladda ayaa saaka xukun xabsi daa’in ah ku riday eedeysane
Jaamac Xuseen Xasan oo ku eedeysanaa inuu ka tirsan yahay kooxda la baxday
khilaafada islaamka.
Garsooraha
xukunka riday ayaa sheegay in Jaamac lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda daacish
isla markaana uu ka soo qaybgalay dagaallo ka dhacay buuraleyda Qandala markii
dambana uu u soo wareegay gobolka shabeellaha Hoose halkaas oo lagu qabtay
isagoo miino aasaya.
Sidoo kale waxaa la sheegay in eedeysanuhu u qaabilsanaa
kooxda Daacish samaynta qaraxyada.
Garsooraha
Maxkamada ayaa sheegay in eedeysanaha iyo qareenadiisaba ay u furantahay inay
racfaan ka qaataan xukunka dhacay.
Jamhuuriga oo billaabay ol'ole lagu eryayo ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka
Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa billaabay qorshe ay xilka uga qaadayaan masuul ka tirsan waaxda caddaaladda oo dusha kala socda baaritaanka lagu hayo in Ruushku uu farogaliyay doorashadii uu xilka ku qabtay madaxweyne Donald Trump.
Xildhibaannada Aqalka wakiillada ee xisbiga Jamhuuriga ayaa geeyay mawshin xilka looga xayuubinayo xeel ilaaliye ku xigeenka dalka Maraykanka Rod Rosenstein.
Xildhibaan Mark Meadows iyo Jim Jordan ayaa mawshinkaas gudbiyay fiidnimadii Arbacada
Waxay ku eedeeyeen in uu is hortaago baaritaannada, arrintaas oo ay diiday waaxda caddaaladda.
Si xilka looga xayuubiyo waxaa loo baahan yahay in aqlabiyadda Aqalka Wakiillada iyo saddex meeloodoow labo ka mid ah Aqalka Senetka.
Agaasimaha Waaxda dib u dejinta Barakacayaasha oo xabsi la dhigay
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in
xabsiga la dhigay Daahir Maxamad Nuur oo ahaa agaasimha waaxda dib u dajinta
barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta musiibooyinka kadib markii
lagu soo eedeeyay lunsashada lacag dhan $84,000.
War ay qortay warbaahinta ku hadasha afka dawladda ayaa
lagu sheegay in Daahir Maxamad Nuur uu ku eedeysanyahay xatooyo xoolo dadweyne
isla markaana uu ku xiranyahay xarunta dambi baarista ee magaalada Muqdisho.
Daahir wuxuu noqonayaa masuulkii ugu horeeyay ee ka
tirsan dawladda madaxweyne Farmaajo oo loo xiro arrin la xiriirta musuqmaasuq.
Wasiirkii waxbarashada Soomaaliya oo xilka laga qaaday
Wasiirkii waxbarashada ee Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa xilkii laga qaaday, sida lagu sheegay dikreeto ka soo baxday xafiisk ra'iisulwasaare Xasan Cali Khayre.
Ilaa iyo hadda faahfaahin lagama bixinin sababta loo eryay wasiirka, balse waxaa baraha bulshada haystay in uu yiri ma aqoonsanin jaamacadaha dalka, arrintaas siyaabo kala duwan loo fasirtay.
Tebin toos ah
time_stated_uk
Xildhibaannada Suudaanta Koonfureed oo loo qaybiyay lacag ay gawaari ku gataan
Dawladda Suudaanta Koonfureed ayaa difaacday go’aanka ay xildhibaan kaste oo baarlamaanka ka tirsan ku siinayso 40,000 ee doolar, “taas oo ay ku sheegtay in ay tahay dayn ay siinayso si ay gawaari ugu gataan maadaama ay hadda mootooyin adeegsadaan”.
Wararka ka imaanaya Juba waxay sheegayaan in xildhibaannada loo qaybiyay lacagtaas caddaanka ah.
Dhaqaalaha dalkaas waxaa la dagay shantii sano ee ay dagaalladu ka socdeen, warbixin ay Qarammada Midoobay soosaartay bishan horraanteediina waxay ka digtay in tacadiyadii la gaystay inta ay dagaalladu socdeen ay u dhigmaan dambiyo dagaal.
Tobannaan kun oo ruux ayaa lagu dilay dagaalladii dhacay, qaar badan oo ka mid ahna Qaramada Midoobay waxay ku tilmaantay in ay u dhigmaan dambiyo dagaal.
Madaxii biyo xireenka Abay ee dalka Itoobiya oo isaga oo mayd ah la helay
Ninkii madaxda ka ahaa biyo xireenka wayn ee Abay ee dalka Itoobiya ayaa isaga oo mayd ah oo garigiisa ku jira laga helay fagaaraha Masqal Adhababay ee ku yaalla magaalada Addis Ababa.
Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay dhimashadiisa, booliiska ayaana baaritaanno billaabay.
Waa kuwan qaar ka mid ah sawirrada laga soo qaaday goobta maydkiisa laga helay.
Nin Daacishta Soomaaliya ka tirsan oo xabsi daa'in lagu xukumay
Maxakamada ciidammada dawladda ayaa saaka xukun xabsi daa’in ah ku riday eedeysane Jaamac Xuseen Xasan oo ku eedeysanaa inuu ka tirsan yahay kooxda la baxday khilaafada islaamka.
Garsooraha xukunka riday ayaa sheegay in Jaamac lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda daacish isla markaana uu ka soo qaybgalay dagaallo ka dhacay buuraleyda Qandala markii dambana uu u soo wareegay gobolka shabeellaha Hoose halkaas oo lagu qabtay isagoo miino aasaya.
Sidoo kale waxaa la sheegay in eedeysanuhu u qaabilsanaa kooxda Daacish samaynta qaraxyada.
Garsooraha Maxkamada ayaa sheegay in eedeysanaha iyo qareenadiisaba ay u furantahay inay racfaan ka qaataan xukunka dhacay.
Jamhuuriga oo billaabay ol'ole lagu eryayo ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka
Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa billaabay qorshe ay xilka uga qaadayaan masuul ka tirsan waaxda caddaaladda oo dusha kala socda baaritaanka lagu hayo in Ruushku uu farogaliyay doorashadii uu xilka ku qabtay madaxweyne Donald Trump.
Xildhibaannada Aqalka wakiillada ee xisbiga Jamhuuriga ayaa geeyay mawshin xilka looga xayuubinayo xeel ilaaliye ku xigeenka dalka Maraykanka Rod Rosenstein.
Xildhibaan Mark Meadows iyo Jim Jordan ayaa mawshinkaas gudbiyay fiidnimadii Arbacada
Waxay ku eedeeyeen in uu is hortaago baaritaannada, arrintaas oo ay diiday waaxda caddaaladda.
Si xilka looga xayuubiyo waxaa loo baahan yahay in aqlabiyadda Aqalka Wakiillada iyo saddex meeloodoow labo ka mid ah Aqalka Senetka.
Haddaba si aad wax badan uga ogaato Rod Rosenstein lifaaqan sii raac
Agaasimaha Waaxda dib u dejinta Barakacayaasha oo xabsi la dhigay
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay Daahir Maxamad Nuur oo ahaa agaasimha waaxda dib u dajinta barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta musiibooyinka kadib markii lagu soo eedeeyay lunsashada lacag dhan $84,000.
War ay qortay warbaahinta ku hadasha afka dawladda ayaa lagu sheegay in Daahir Maxamad Nuur uu ku eedeysanyahay xatooyo xoolo dadweyne isla markaana uu ku xiranyahay xarunta dambi baarista ee magaalada Muqdisho.
Daahir wuxuu noqonayaa masuulkii ugu horeeyay ee ka tirsan dawladda madaxweyne Farmaajo oo loo xiro arrin la xiriirta musuqmaasuq.
Wasiirkii waxbarashada Soomaaliya oo xilka laga qaaday
Wasiirkii waxbarashada ee Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa xilkii laga qaaday, sida lagu sheegay dikreeto ka soo baxday xafiisk ra'iisulwasaare Xasan Cali Khayre.
Ilaa iyo hadda faahfaahin lagama bixinin sababta loo eryay wasiirka, balse waxaa baraha bulshada haystay in uu yiri ma aqoonsanin jaamacadaha dalka, arrintaas siyaabo kala duwan loo fasirtay.
Waxaa xilkaas sii hayn doona wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada faderaalka Soomaaliya.
Hoos ka daawo wasiirka warfaafinta oo la hadlaya telefishinka Qaranka ka hor inta aan xilka laga qaadin.
Post update
Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.
Waa maalin Khamiis ah ooy taariikhdu tahay 26 Luulyo 2018.