Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Khayre oo waraysi khaas ah siiyay Telefishinka BBC Soomaali
  2. Tirinta codadka doorashadii Zimbabwe oo socota
  3. Wasiir Kenyan ah oo raaligalin ka bixiyay in uu habaartamay
  4. Gabayaa carabta Israa’iil ah oo loo xiray inay jeedisay hadalo kicin ah

Tebin toos ah

time_stated_uk

Tebinta tooska oo inoo soo bilaabatay saaka intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.

Booliska Kenya oo howlgal ka wado xarunta dhaqan celinta ee ku taalla xafaadda Islii

Booliska Kenya ayaa weeraray xarunta dawaynta dadka ee Qur’aan saarka ee ku taalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Barnaamijka dabagalka ee BBC Afrika ayaa baaritaan uu sameeyay ku ogaaday in xarunta Daaru Shifaa ay ka dhacaan xaadgudubyo lagu hayo dadka bukaan ahaanta halkaasi loo geeyo.

Booliska Kenya ayaa baaritaanno ku samaynaya caafimaadka bukaanada halkaasi joogo halka kuwa caafimaadka qabo ay u dirayaan guryihii ay ka yimaadeen.

Laanta la dagaalanka daroogada ee Kenya NACADA ayaa xaqiijisay in booliska ay xarunta cilaajka ay ka wadaan howlgal.

Mar sii horreysay laanta la dagaalanka daroogada ee Kenya waxay sheegtay in xarunta dhaqan celinta aysan ka sharciyaysan dalka islamarkaasna waxay cambaareysay xadgudubka iyo jirddilka lagu hayo bukaanada daawada halkaasi u raadsado.

Mulkiilaha xarunta Daaru Shifaa oo ku taala xaafadda Islii ayaa markii uu barnaamijka baxay kadib waxa uu cabasho ka muujiyay sida barnaamijka loo dhigay, wuxuuna beeniyay eedeymaha ku xusan barnaamijka.

View more on facebook

Libaax-badeed la xaday oo dib loo helay

Libaax-badeedka
ALAMY
Libaax-badeedka

Libaax-badeed ay tuugo ka xadeen goob lagu xanaaneeyo xayaawanada oo ku taalla gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa dib loo helay islamarkaasna lagu celiyay halkii laga soo xaday.

Libaax badeedkan oo lagu magacaabo ‘Miss Helen’ hadda waxaa lagu haya goob gaar ah, caafimaadkiisuna wuu wanaagsan yahay, sida ay sheegeen saraakiisha goobta lagu xannaaneeyo xayawaanada.

Mid kamid ah tuuga oo Libaax-badeedka weel ku ridanaya
SAN ANTONIO AQUARIUM
Mid kamid ah tuugada oo Libaax-badeedka weel ku ridanaya

Sabtidii ayay ahayd markii Libaax-badeedkan ay labo nin iyo haweeney ka xadeen goobta lagu ilaalinaayay, kaddibna ay ku duubeen busto qoyan, waxayna kusii riteen weel ay ku jiraan biyo.

Mid kamid ah shaqaalaha goobta ayaa arkay Libaax-badeedka oo la xadaya, wuxuuna ku wergeliyay maamulka.

View more on facebook

Tuugada ayaa ku baxsaday baabuur ay wateen.

Mid kamid ah dadka looga shakiyay inay xadeen Libaax-badeedka ayaa hadda ku jiraa gacanta booliska, waxayna wax ka weddinayaan halka ay jiraan labada qof ee kale ee la socotay markii ay dhacdada samaynayeen.

Rag hubaysan oo lagu xiray garoonka diyaaradaha ee gobolka Tigreega

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Makele
Geez Media/screen
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Makele

Ciidammada maamulka gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay 40 qof oo hubaysan oo gaaray garoonka caalamiga ah ee caasimaadda gobolka Tigreega ee Mekelle, sida ay ku warrantay laanta afka Tigreega ee BBC.

Wararka waxay sheegayaan in ragga hubaysnaa ee la qabtay lagu haya saldhig ku yaalla meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Alula Aba Nega.

Saraakiil aanan magacooda la sheegin ayaa BBC Tigrinya uu sheegay in kooxda hubaysan ay ka timid dalka Suudaan.

Lamana ogo sababta ay u socdeen raggan balse saraakiisha ammaanka gobolkaTigraay oo aanan rebin in magacooda la sheego ayaa weriyaha BBC Girmay Gebru uu sheegay in booliska ay adkeyeen ammaanka goobta lagu hayo raggaasi.

Dadka ku nool magaalada Makelle ayaa siyaaba kala duwan uga hadlay dadkan la qabtay waxay isweydinayaan waxa ay doonayaan inay fuliyaan.

Shirkadda Hormuud oo soo bandhigtay khasaare iyo dhibaata luga hayo shaqaalaheeda iyo xarumaheeda

Shirka saamileyda Hormuud
BBC
Shirka saamileyda Hormuud

Saamileyda shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo kulamo kala duwan maanta ku qabtay magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Beledweyne iyo Beledxaawo ayaa ku eedeeyay ciidammada Kenya inay si ula kac ah u burburiyeen xarumo shirkaddu ay ku lahayd gobolka Gedo gaar ahaan aagga ku teedsan xudduuda ay wadaagaan labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dhacdooyinka lagu weeraray xarumaha shirkadda ayaa dhacay sannadkii lasoo dhaafay iyo sannadkan, waxana jira khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed oo ka dhashay sida ay sheegayaan saraakiisha shirkadda Hormuud.

Yaasin Xasan Yuusuf oo kamid ah saraakiisha shirkadda Hormuud ayaa BBC-da uga warbixiyay khasaaraha ka dhashay xarumaha la burburiyay.

View more on facebook

Waxaan dhanka kalena la xiriirnay af-hayeenka wasaaradda gaashaan dhigga Kenya wuxuuna sheegay in ilaa haatan aanay jirin wax cabasho ah oo soo gaartay oo ku saabsan eedaynta shirkadda Hormuud, wuxuu intaasi ku daray in ay jawaab ka bixin doonaan marka ay cabasho soo gaarto.

Siddeed qof oo ku dhimatay toogasho ka dhacday Colombia

Gobolkan waxaa raad ku reebay dagaallada ay wadaan kooxaha hubaysan
Getty Images
Gobolkan waxaa raad ku reebay dagaallada ay wadaan kooxaha hubaysan

Siddeed qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday deegaan ku yaalla waqooyi bari dalka Colombia.

Koox hubaysan oo watay mooto ayaa galay barxad ku taalla tuulada El Tarra oo dhacda gobolka Norte de Santander halkaaso oo ay rasaas ku fureen dadkii ku jiray gudaha barxadda.

Gobolkan ku yaalla xadka Colombia uu la wadaago dalka Venezuela waxaa harreeyay dagaallo u dhexeeya fallaagada ELN iyo dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka ee EPL ee dalkaasi.

Kumannaan qof ayaa ka barakacay colaadda ka aloosan halkaasi.

Gabayaa carabta Israa’iil ah oo loo xiray inay jeedisay hadalo kicin ah

Dareen Tatuur waxay sheegtay in gabayga ay si khaldan u fasireen saraakiisha Israa'iil
FREEDAREENTATOUR.ORG
Dareen Tatuur waxay sheegtay in gabayga ay si khaldan u fasireen saraakiisha Israa'iil

Gabar gabayda oo carabta Israa’iil ah ayaa la xiray kaddib markii lagu soo oogay dacwad kicin ah iyo taageero ay u fidinaysay koox la mamnuucay.

Dareen Tatuur ayaa sannadkii 2015-kii xabsiga loo taxaabay, waxaa loo haystay muuqaal gabay ah oo ay kusoo bandhigtay baraha bulshada kaaso ay ku jiraan Falastiiniyiin dibadbaxayay oo dhagaxaan tuurayay.

Gabdhan waxay sheegtay in gabaygeeda waxa uu xambaarsan yahay aanan la fahmin islamarkaasna aysan ku jirin hadalo kicin ah oo rabshado abuuraya.

Tatuur ayaa bishii May ee sannadkan lagu xukumay shan bilood oo xarig ah.

Weriyaha BBC-da ee magaalada Qudus Yolande Knell ayaa sheegaysa in gabdhani gabayaaga ah ay ku caanbaxday jeedinta hadallada xorta ah ee dhaqdhaqaaqa xoriyadda oo soo jiitay dad badan kuwaaso sare u qaaday xiritaanka lagu haya carabta Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ku dhaqan dhulka la haysta ee Daanta Galbeed oo lagu eedeeyay inay wadaan kicin ama inay Online-ka ka abaabulayaan weerar.

Wasiir Kenyan ah oo raaligalin ka bixiyay in uu habaartamay

Wasiirka dalxiiska dalka Kenya Najib Balala ayaa raali gelin ka bixiyay hadal uu ku yiri dadka isaga kasoo horjeeda ‘Naarta gala’

Waxaana cadaadis lagu saarayay inuu xilka iska casilo kaddib markii ay dhinteen 10 kamid ah xawaayaanka Wiyisha ee ku nool seeraha Kenya.

14 kamid ah Wiyisha ayaa laga daadgureeyay seeraha qaran ee Nairobi waxaana la geeyay seeraha ugu wayn dalka Kenya ee lagu magacaabo Tsavo East.

View more on twitter

Balala ayaa raaligelin ka bixiyay hadalka uu u jeediyay dadka isaga mucaaradsan.

Wuxuuna yiri maalinkaasi “ arrinta ku aadan dhimashada Wiyisha, waxaan u difaaci doona sida xaqiiqda ah, madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xilkan ii soo magacaabay, markaasi Naarta gala, sidaasi ayaa ku oranaya”

Sida laga soo xigtay dowladda Kenya, Wiyisha ayaa dhimatay kaddib markii ay cabbeen biyo cusbo badan.

Ilaa waaggaasi wasiirka dalxiiska Kenya wuxuu shaqada ka joojiyay lix kamid ah shaqaalaha duur joogta oo u qaabilsanaa daadguraynta Wiyisha.

Keita oo ku horreeyo codadka la tiriyay doorashada Mali

Madaxweynaha Mali Ibrahim Boubacar Keita
AFP
Madaxweynaha Mali Ibrahim Boubacar Keita

Iyadoo tirinta codadka doorashada madaxtinimada ee dalka Mali ay socoto , Afahayeen u hadlay madaxweyanha Mali Ibrahim Boubacar Keita wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hadda codadka la tiriyay uu madaxweynaha uu ku horreeyo.

Marsii horreysay ayay dowladda Mali sheegtay in doorashadii ka dhacday dalkaasi ay harreysay qalalaase islamarkaasna ay saamayn ku yeelatay xarumo badan oo codadka laga dhiibanayay.

Wax doorasho ah kama aysan dhicin goobaha ay joogaan maleeshiyaadka islaamiyiinta.

Natiijada doorashada ayaa la filaya in shaaca laga qaado maanta.

Mnangagwa iyo Chamisa oo kalsooni ka qaba doorashada

Labada murashax ee hoggaaminaya doorashada dalka Zimbabwe ayaa Twitterka ku soo qoray sida ay kalsoonida ugu qabaan in ay jirto fursad ay xilka ku hanan karaan.

Madaxweyne Emmerson Mnangagwa oo xilka qabtay markii xilka laga tuuray Robert Mugabe sannadkii hore ayaa sheegay in uu “ku diirsanayo” xogta uu ka helayo doorashada.

View more on twitter

Hogaamiyaha mucaaradka Nelson Chamisa ayaa sheegay in xisbigiisu uu si cad ugu guulaysanayo doorashada, isla markaasna uu diyaar u yahay in uu soo dhiso dawladda xigta.

Wuxuu sheegay in sheegashadiisaas ay ku qotanto natiijada laga helayo 10,000 ee xarumood ee codka laga dhiibtay, haddana uu sugayo natiijada kama dambaysta ah.

Natiijooyinka hordhaca ah ee magaalooyinka ayaa la filayaa in ay mucaaradku ku horreeyaan, halka dadka baadiyahana la filayo in ay iska sii wataan taageeradoodii Zanu-PF.

View more on twitter

Liverpool "oo hal ama labo ciyaartoy u baahan si ay Horyaalka u qaaddo"

Kooxda Liverpool waxaa ka dhiman “hal ama labo ciyaartoy” si ay u noqoto koox awood u leh in ay ku guulaysato horyaalka Ingiriiska ee Premier League, sida uu sheegayo Charlie Adam oo horay difaac ugu soo noqday kooxdan Reds lagu naanayso.

Kooxdan uu layliyo Jurgen Klopp ayaa kaalinta afraad ka gashay Horyaalkii Ingiriiska ee xilli ciyaareedkii hore, waxayna isku kharash gareeyeen ku dhawaad 170 milyan xagaagan.

Virgil van Dijk oo difaaca ka dheela ayayna bishii Janaayo ka bixiyeen 75 milyan oo doolar, balse Adam ayaa qaba in ay kooxdu u baahan tahay difaac kale si ay ugu babac dhigto kooxda Manchester City oo Horyaalka Ingiriiska difaacanaysa.

“Illaa iyo hadda Liverpool wax wanaagsan ayay qabatay” ayuu ku yiri Adam oo la hadlaya Idaacadda BBC Radio 5 live.

Naby Keita oo reer Ghana ah ayaa Liverpool ku soo biiray isaga oo RB Leipzig laga soo siistay 50 milyan oo giniga istarliinka ah, Fabinho oo reer Brazil ah ayaa isna kaga soo biiray Monaco isaga oo laga soo bixiyay 40 milyan oo gini.

Alisson ayaa isna noqday gool hayaha ugu qaalisan adduunka ka dib markii Liverpool ay ka soo bixisay 66.8 milyan oo giniga istarliinka ah, ciyaartoygaas reer Brazil ayaana lagala soo wareegay kooxda Talyaaniga ka dhisan ee Roma.

Liverpool
Getty Images

Dawladda Islaamka oo sheegatay dad Maraykan ah oo la laayay

Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii ka dhacay Tajikistan Axaddii, kaas oo lagu dilay afar ruux oo ajaaniib ah oo dalxiise yaal ahaa.

Labo ka mid ah dadkaas ayaa Maraykanka u dhashay, halka mid uu ka ahaa reer Netherlands kan afraadna reer Switzerland.

Dadkaas ayaa gaari la mariyay iyaga oo baaskiil ku maraya deegaanka Danghara oo 70km u jirta magaalada caasimadda ah ee Dushanbe.

Saddex ruux oo kale oo dalxiise yaal ahaa ayaa dhaawacmay.

Waa markii koobaad ee Dawladda Islaamku ay sheegayo in ay weerar ka gaystay Tajikistan, balse kooxdaasi ma aysan la imaanin wax caddayn ah oo ay ku xoojiso sheegashadaas.

Labo ruux oo looga shakiyay in ay hawshaas ku lug lahaayeen ayaa mar dambe lagu dilay hawlgal khaas ah oo la fuliyay. Afar ruux oo kale isla hawlgalkaas lagu xiray, gaari jajabay oo loo malaynayo in uu yahay kii dadka lagu laayay ayaana la helay.

Baaskiil
TRAVEL_NERD

Tirinta codadka doorashadii Zimbabwe oo socota

Dalka Zimbabwe waxaa ka socota tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii Madaxweynenimada oo dad aad u badan ay isugu soo baxeen.

Mucaaradka ayaa isku dayaya in ay soo af meeraan xukunka xisbiga ZANU-PF oo dalkaas ka jiray ku dhawaad afartan sano.

Emmerson Mnangagwa oo u sharaxan xisbiga talada haya waxaa tartan kula jira Nelson Chamisa oo ka socda xisbiga MDC.

Doorashada Zimbabwe
AFP

Khayre oo waraysi khaas ah siiyay Telefishinka BBC Soomaali

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalmahan ba ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyayay BBC-da waxaa uu uga hadlay dib u dhiska ciidammada, xilliga ciidammada Amisom ay ka baxayaan dalka iyo xiriirka kala dhexeeya maamul goboleedyada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu xafiiska la wareegay waxa uu ballan-qaaday in muddo 2 sano ah ay kaga adkaan doonaan Al Shabaab, balse waxaa weli socda weerarrada uu ururkaasi ka fuliyo gudaha caasimadda Muqdisho.

Ra'iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u warramay weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale.

View more on facebook

Kuuriyada Waqooyi "oo ku hawlan samaysashada gantaallo cusub"

Masuuliyiin ka tirsan mukhaabaraadka Maraykanka ayaa wargeyska Washington Post u sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay u muuqato in ay samaysanayso gantaallo kale oo kuwa riddada dheer ah, iyadoo uu soo hagaagayo xiriirka ay la leeyihiin dalka Maraykanka.

Trump iyo Kim
AFP

Masuuliyiintaas ayaa wargayska u sheegay in caddaymo cusub ay tilmaamayaan in ay wali shaqo ka sii socoto warshadda hubka ee u dhaw Pyongyang taas oo samaysay gantaalkii u horreeyay ee awood u leh in uu carada Maraykanka gaaro.

Gantaal
KCNA

Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Waa maalinTalaado ah oo ay taariikhdu tahay 31 bisha Luulyo 2018.