Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

Bin laden Hooyadii oo markii ugu horreysay hadashay

Waxaa markii ugu horreysay hadashay hooyada dhashay hogaamiyihii ururka Al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.

Bin laden hooyadii ayaa waxay sheegtay in wiilkeeda uu ahaa mid wanaagsan balse la duufsaday markii uu waxbarshada ku jiray islamarkana xagjir laga dhigay.

Wareysigii ugu horeyay oo ay siisay wargayska Guardian, ayay Alia Ghanem waxa ay sheegtay in uu wiilkeeda isbadalay markii uu ku biiray jaamacad ku taalla dalka Sacuudiga.

Waxa ay intaa ku dartay in ay uga digi jirtay in uu ku biiro kooxahan.

Bin Laden ayaa la rumaysan yahay in uu isaga amray weerarkii 9/11, 2001 lagu qaaday Mareykanka iyo waliba howlgalo meelo kale oo caalamka ka dhacay.

Balse hooyadii ayaa sheegtay in uusan waligii u sheegin waxyaabaha uu samaynayo sababtoo ah aad ayuu u jeclaa hooyadii.

Osama Bin Laden
AFP
Osama Bin Laden

Hogaamiyaha mucaaradka Zimababwe :"Anaga ayaa ku guulaysanay doorashada"

Hogaamiyaha mucaaradka dalka Zimbabwe Nelson Chamisa ayaa natiijadii ka soo baxday doorashadii Zimbabwe waxa uu ku tilmaamay "mid been abuur ah,.

Natiijada la shaaciyay ayaa muujinaysa in madaxwayne Emmerson Mnangagwa uu ku guulaystay codadkii la dhiibtay 50.8%.

Mr Chamisa oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay hotelka lagu magacaabo Bronte,ayaa ku celiyay eedeeyntiisii ahayd in doorashada"lagu shubtay".

"Mr Mnangagwa kuma guulaysan doorshadii ka dhacday dalkan … waan ku guulaysanay doorashadan ," ayuu yiri Mr Mnangagwa.

Nelson Chamisa (Dexda)
AFP
Nelson Chamisa (Dexda)

DR Congo oo nin mucaarad ah u diiday in dalka dib ugu soo noqdo

Dawladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa waxa ay diidday in hogaamiyaha mucaaradka dibadjoogga ah, Moise Katumbi, ay siiyo ogolaansho uu dalka dib ugu soo laabto.

Barasaabkan hore ee caanka ah ayaa waxa uu sodsaday in loo ogolaado in subaxa Jimcaha uu ka soo kicitimo dalka Koonfur Afrika.

Booliiska magaalada Lubumbashi ayaa jidgooyooyin dhigay wadooyinka waawayn ee magaalada, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka gudaha iyo agagaarka garoonka diyaaradaha.

Waxaa jira qorshe lagu xannibayo waddada ay diyaaraduhu ku soo dagaan, si diyaaradda wadda Moise Katumbi looga hor istaago in ay soo cago dhigato.

Wasiirka warfaafinta ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Lambert Mende ayaa sheegay in la xiri doono badhasaabkii hore ee ee gobolka Katanga haddii uu dalka ku yimaaddo diyaaradaha rakaabka.

Gobolka uu badhasaabka ka soo noqday ayaa qani ku ah macdanta.

Katumbi ayaa dalkaas ka baxay sannadkii 2016kii ka dib markii ay is fahmi waayeen madaxweyne Joseph Kabila.

Markii dambana waxaa lagu helay wax isdabo marin hanti isaga oo maqan ayaana lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah.

Masuul ka tirsan xisbiga badhasaabkaas hore ayaa Twitterka ku soo qoray in uu dhulka ka soo gali doono.

View more on twitter

Jean-Pierre Bemba oo isna ah hogaamiye kale oo mucaarad ayaa Arbacadii dib ugu laabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Wuxuuna waraaqda murashaxnimada ee doorashada madaxweynenimada bisha Disember dhacaysa u gudbistay guddiga doorashada.

Si kastaba ha ahaatee xisbiga talada haya ayaa sheegay in uusan xaq u lahayd in uu u tartamo, sababtuna ay tahay xukunka laaluushka ah ee ay ku riday maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC. Racfaan ayuu ka qaatay xukunkaas.

Moïse Katumbi
AFP

Weerar ka dhacay Misaajid ku yaalla Afqaanistaan oo ay dad ku dhinteen

Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Afqanistan ayaa waxa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen 20 qof.

Weerarka ismiidaaminta ayaa lala bartilmaameedsaday goob Misaajid ah oo ku yaalla bariga dalka Afqaanistaan.

Waxaa wali soo baxaya warar is khilaafsan,balse saraakiisha caafimaadka dalkasi ayaa sheegaya in toboneeyo qof oo weerarka ku dhaawacmay isbataalada la gaarsiiyay.

Dhowr qof oo walxaha qarxa isku soo xiray ayaa isku dhex qarxiyay misaajid ku yaalla Gardez, oo ka tirsan gobolka Paktia.

Misaajidka la weeraray ayaa waxa salaadda Jimcaha ku tukanayay dad haysta madhabta Shiicada.

Ma cadda ilaa iyo imika cidda fulisay weerarka in kastoo kooxda IS ay horey u bartilmaameedsadeen dadak Shiicada ah ee laga tirada badan yahay.

KHARIIRAD
.
KHARIIRAD

Jabuuti oo ku gacansayrtay go'aan u xaglinaya DP World

Dowladda Jabuuti ayaa ku gacansayrtay go'aan ay shalay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London.

Go'aankaas oo ay maxkamaddu ku sheegtay inay khalad aheyd in dowladda Jabuuti ay maamulka iyo gacan ku haynta dekadda Dooraleh ay kala wareegto Shirkadda Dekadaha ee DP World.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in Maxkamadda aanay u yeerin oo dhinacooda aanay dhageysan sidaas daraadeedna aanay khusaynba go'aanka ay soo saartay.

Gudoomiyaha maamulka dekadaha iyo goobaha ka caaggan canshuuraha Abuu Bakar Haadi ayaa sheegay in horey ay shirkadda ugu heshiiyeen in heshiiska ay ka baxaan islamarkana qarashaadkii ka galay loo celiyo.

Gudoomiyaha aya intaa ku daray in shirkadda DP World aysan xoog ku haysan karin dekadaha dalka Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa 22 bishan waxay meesha ka saartay heshiiskii ay la gashay shirkadda DP World.

.
JAMES JEFFREY
.

Mareykanka iyo Turkiga oo ka wadahadlaya khilaafka u dhaxeeya

Xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay in ay si dhaw ula shaqayn doonto Mareykanka si loo xaliyo khilaafka labada dhinac u dhaxeeya.

Wasiirka arrimaha dibaddda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu,ayaa hadalkan jeediyay ka dib kulan uu la yeeshay dhigiisa Mareykanka Mike Pompeo.

Kulanka ayaa labada dhinac ku dhexmaray dalka Singapore oo lagu qabanayay shirka wadamada Eeshiya.

Qiimaha lacagta Turkiga ee lira, ayaa wali hoos u sii dhacaysa ka dib markii dowladda Mareykanka ay cunaqabatayn ku soo rogtay labo wasiir oo ka tirsan dowladad Turkiga.

Dowladda Mareykanka ayaa ka jawaabaysay ka dib markii dalka Turkiga maxkamad lagu soo taagay baadari u dhashay Mareykanka oo ay xukuumadda Ankara ku eedeeysay falal argagixiso.

Mevlut Cavusoglu
EPA
Mevlut Cavusoglu

Duqaymo dhanka cirka ah oo Yemen ku dilay ugu yaraan 20 ruux

Ugu yaraan labaatan ruux ayaa dhintay dad badan oo kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo ay duqeeyeen magaalo dakadeedka Xudeyda ee dalka Yemen.

Duqaymahaas ayaa ku habsaday suuq kaluunka lagu gado iyo albaabka laga galo isbitaal aan sidaa uga fogayn,sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah iyo shaqaalaha caafimaadka.

Hay’adda Laanqayrta Cas ayaa Twitter-ka ku soo qortay in ay dirayso gargaar caafimaad, si loo daweeyo dadka aadka u dhaawacmay.

View more on twitter

Lix toddobaad ka hor ayay xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo qaadeen weerar wayn oo ay jabhadaha Xuutiyiinta uga saarayaan magaaladaas.

Hay’addaha gargaarkuna horay ayay uga digeen in la carqaladeeyo dakadda muhiimka ah ee ay shixnaduhu u soo maraan malaayiin ruux oo reer Yemen ah.

"Waa cusub baa u baryay dalka Zimbabwe"

Madaxweynaha la doortay ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa, ayaa sheegay in natiijada doorashadii Isniintii ay tahay waa cusub oo u baryay dalka.

Balse xisbiga mucaaradka ah ee MDC ayaa ku gacan sayray natiijada.

Xisbigaasi wuxuu sheegay in aan si sax ah loo xaqiijinin natiijooyinka goobihii codadka laga dhiibtay.

Waxay soo jeediyeen eedaymo ay ka mid yihiin in codadka lagu shubtay, codbixiyeyaashiina loo cago jugleeyay.

View more on twitter

Apple oo qiimaheedu gaaray hal tirilyan oo doolar

Shirkadda Apple ee samaysa taleefannada Iphone ayaa noqotay shirkaddii u horaysay ee shacab leeyahay ee qiimaheedu gaaro hal tirilyan oo doolar.

Qiimaha ay shirkaddu ka joogto suuqa ayaa magaalada New York ka ka gaaray heerkaas Khamiistii, saamigeeduna wuxuu ku soo xirmay meeshii ugu sarraysay isaga oo gaaray 207.39 doolar.

Qiimaha saamigeeda ayaa sare u sii kacayay tan iyo Arbacadii, markii ay shirkaddu sheegtay in ay heshay natiijo ka fiican kuwii ay filaysay.

Shirkadda Apple ayaa ka saro martay shirkadaha ay tartamaan ee fadhigoodu yahay Silicon Valley, waxayna noqotay shirkaddii koobaad ee qiimaheedu1 tirilyan gaaro.

Tan iyo markii u horraysay ee la gaday taleefankii u horreeyay ee Iphone ah sannadkii 2007 qiimaha saamiyada ayaa sare u kacay 1,100%, sannadkii horana wuxuu sare u kacay saddex meeloodoow meel.

Apple
Getty Images

Gabadh 12 maalmood jirta oo ilig ay ku dhalatay laga saaray

Jasmin oo ah hooyada dhashay Isla-Rose Heasman ayaa sheegtay “in aysan marnaba filaynin” in ay gabdheeda dhakhtar ilko u gaysto iyadoo sidaas u da’yar.

Way iga geesisanayd, mana aysan ooyin markii iliga laga bixinayay ayay tiri, hooyada gabadhaas yar.

Isbitaalka ilkaha ee The Seven Trees Dental Access Centre oo Britain ku yaalla ayaa sheegay in Isla-Rose ay tahay “bukaankii ugu da’yaraa” ee waligood soo mara.

Carruurta intooda badan waxay ilkuhu ugu soo baxaan lix bilood, kuwana iyaga oo ilaa afar billood jira, kuwa kalana sannad ka dib.

“ilig la’aanta way ku fool xumaatay”

Isla-Rose waxaa loo mariyay kareen kabuubyo ah maadaa oo aan la siin karin dawada dadka lagu suuxiyo maadaama oo ay aad u yartahay.

Faahfaahinta lifaaqan kaga bogo

Isla-Rose
JASMIN HEASMAN

Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Waa maalin Jimce ah oo ay taariikhdu tahay 3 Agoosto 2018.