Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Maareeyaha maamulka Wajaale: 'Liyuu Boolis ayaa i dhaawacay'

    Tog-wajaale
    Image caption: Tog-wajaale

    Maareeyaha maamulka ee degmada Tog-wajaale, qaybta Itoobiya ay maamusho, ahna ku xigeenka duqa magaalada, Axmed-Khadar Cabdi Cali ayaa ku eedeeyey Liyuu booliska inay xalay toogasho ku dhaawaceen.

    Wuxuu sheegay in xilliga xabbadda lagu soo riday uu isku dayayey inuu ka hor istaago Liyuu booliska "inay qaataan gaari dabdamis ah oo magaaladu lahayd".

    Dhaawaca ayuu sheegay inuu madaxa ka gaaray, oo xabbaddu ay hilibka dhex martay, xaaladiisuna ay fiican tahay.

    Wuxuu intaa ku daray in ay isla wakhtigaas u gurmanayeen qaylo dhaan uga timid xero ciidan oo loo sheegay in "dhallinyaro ay rabshado ka wadaan".

    "Dabdamiskii iyo alaab kaleba waa qaateen, qaarna dhaawacyo ayey gaarsiiyeen" ayuu yiri Axmed-Khadar.

    Dhinaca kalena, sida uu BBC u sheegay guddoomiyaha degmada Balli-gubadle ee dhinaca Somaliland, Yaasiin Maxamed Shide, maamulkiisu wuxuu ilaalo u diray seddex goobood oo gobolka Hawd xiga oo ay fariisimo ku lahaayen ciidanka Liyuu Booliska.

    Goobahaas ayuu ku sheegay inay ku yaallaan Balli Cabbane, Gumar iyo Balli-gubadle oo dhamaantood ku yaalla xudduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya.

    "Si aan uga badbaadinno in la boobo ayaan xeryahaas ugu dirnay dad ilaaliya, ilaa iyo inta maamulka Itoobiya ay uga imaanayaan" ayuu BBC ku yiri Yaasiin Maxamed Shide.

  2. Trump oo shuruudo adag ku xiray qaadida cunaqabataynta Zimbabwe

    Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharci shuruudo adag ku soo rogaya Zimbabwe si cunaqabataynta looga qaado.

    Shuruudahani ayay tahay in xukuumada Zimbabwe ay ka soo baxdo ka hor inta aysan Mareykanka ka qaadin cunaqabataynta.

    Madaxwayne Emmerson Mnangagwa ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay ganacsi.

    Balse sharcigani cusub ee dib u soo kabashada dhaqalaha ayaa laga yaabaa in uu wax u dhimo qorshaha Zimbabwe ee ah dalakasi malgashi lagu sameeyo.

    Doorashadii ka dhacday dalka Zimbabwe ayaa ah mid wali natiijadeeda lagu muransan yahay.

    Natiijada rasmiga ah ayaa muujinaysa in Mr Mnangagwa uu ku gulaystay 50.8%, balse waxa arrintan ku gacan seyray mucaaradka.

    Sharcigan cusub ee mareykanka ayaa dhigaya in si cunaqabataynta loo qaado ay tahay in doorashada guud ahaa la aqbalo in ay ahay "xaq iyo xor ".

    Trump
    Image caption: Trump
  3. Qaramada Midoobay oo cambareysay weerar ka dhacay Yemen

    Qaramada Midoobay ayaa cambareysay weerar ka dhacay dalka Yemen oo ay ugu yaran ku dhinteen 29 caruur ah.

    Weerarka ayaa lala bartilmaameedsaday gaari Bas ah oo siday caruurtan.

    Isbahaysiga ay Sacuudiga hogaamiyaan ayaa weerarkan ku tilmaamay tallaabo militari oo sharci ah.

    Waxa ay isbahaysiga intaa ku dareen in weerarka lala bartilmaameedsaday goob ay Xuutiyiinta ka soo riddaan gantaalada ay Sacuudiga la beegsadaan.

    Balse hay’adda Qaramada Midoobay ee caruurta ee UNICEF ayaa ku tilmamtay waxa dhacay "mid aan la aqbali Karin ",.

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,Antonio Gutteres ayaa ku baaqay in dhacdadani la baaro.

    Isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa waxay tageeraan dowladda Yemen ee dagaalka kula jirto Xuutiyiinta.

    ICRC ayaa sheegtay in ay u dirayso kaalmo cafimaad
    Image caption: ICRC ayaa sheegtay in ay u dirayso kaalmo cafimaad
  4. Dowladda Shiinaha oo doonaysa in ay dumiso misaajid wayn oo ku yaalla dalkaasi

    Boqolaal qof ayaa dibadbax ka hor dhigay misaajid wayn oo cusub si ay uga hortagaan in xukuumadda Shiinaha ay Misaajidkaasi dumiso.

    Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in Misaajidkan oo ku yaalla gobolka galbeed ee Ningxia, la dhisay iyada oo aan la haysan ogolaanshiyaha qorshihii lagu dhisi lahaa.

    Balse dadka ayaa ka shakisan in go’aankani uu qayb ka yahay bartilmaameedsiga ballaaran ee ka dhanka ah diimaha ee Shiinaha.

    Saraakiisha ayaa si gaar ah uga walaacsan in diimaha ka yimid dibadda dalkaasi ay galaangal ku yeeshaan Shiinaha.

    Misaajidkan ayaa waxaa loo dhisay qaabka misajidada bariga dhexe waxa uuna leeyahay munarado saqafyo.

    Duminta misaajidkani ayaa dib loo dhigay iyada oo ay socdaan wadahadalada ku saabsan arrintan.

    Misaajidka Weizhou
    Image caption: Misaajidka Weizhou
  5. Booliiska oo lagu wareejiyay sugidda ammaanka Muqdisho

    Dowladda Soomaaliya ayaa isbedel ku samaysay ciidammadii sugayay ammaanka magaalada caasimadda.

    Ciidammada xasilinta oo iyagu loo xilsaaray sugida ammniga gobolka Banaadir ayaa haatan laga qaaday, oo waxaa shaqadaasi lagu wareejiyay ciidammada booliska, sida uu BBC-da u sheegay afhayeenka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble.

    Taliyaha ayaa sheegay in sharcigu uu dhigayo in booliisku uu sugo ammaanka magaalada, haddana ay dawladdu go'aansatay in hal meel laga hago sugidda ammaanka magaalada.

    BOOLIIS
  6. Museveni oo ugu baaqay qaxootiga Koonfurta Sudan in ay dalkooda ku laabtan

    Madaxwaynaha dalka Ugand Yoweri Museveni ayaa sheegay in uu rajaynayo in ku dhawaad hal milyan oo u dhashay Koonfurta Sudan oo qaxooti ku ah dalkiisa ay dib ugu laaban doonaan dalkooda.

    Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters heshiiskii nabadda ee lagu soo afjarayay colaadda Koonfurta Sudan ka dib uu Musavani sheegay in rajadiisu ay tahay in qaxootigani ay dalkooda dib ugu laaban doonaan.

    Ku dhawaad labo milyan oo ah qaxooti Koonfurta Sudan u dhashay ayaa ku barakacay gudaha dalkooda , halka tiro intaasi la dhan ay u qaxeen dalalka dariska la ah.

    Axaddii, madaxwaynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir iyo hogaamiyaha mucaarda Riek Machar ayaa heshiis ku saxiiday magaalda Khartuum.

    Quote Message: “Waxaan rajaynaynaa in anaga taageero ka helayna Qaramada Midoobay taasi oo ku aadan in cunno iyo waxyabaha asaasiga ah la siiyo qaxootigani si ay bisha January xilli roobadka ay dib ugu labtaan,” waxaa sidaasi laga soo xigtay Mr Museveni.
    Qaxootiga Koonfurta Sudan
    Image caption: Qaxootiga Koonfurta Sudan
  7. Xoolo cudur lagu sheegay oo Sucuudigu Soomaaliya ku celiyey

    Sacuudiga ayaa dhawaan xayiraaddii ka qaadday xoolaha Soomaalida, waxaana dalkaa loo dhoofiyey xoolo aad u faro badan gaar ahaan intan lagu jiro wakhtiga xajka. Hase yeeshee waxaa maalmo ka hor Sucuudigu soo celiyey xoolo tiradoodu kor u dhaaftay toddoba iyo labaatan kun oo neef oo laga helay xanuunka Rift Valley fever, waxaana lagu wadaa markabka sida xoolahaa la soo celiyey inuu dekadda Boosaaso ku xidho Sabtida berito ah.

    Hase yeeshee wasiirka xanaanada xoolaha Puntland ayaa sheegay in ay baadhi doonaan xanuunka lagu sheegay in ay xoolahaasi qabaan, inkasta oo aanu carrabka ku dhufan nooca uu yahay cudurka laga helay xoolahaasi.

    Haddaba cudurkan Rift Valleyoow maxaad tahay, dhibaato intee leeg ayuu se u leeyahay dadka iyo duunyadaba. Arimahaas waxaa inoo sharraxaya Dr Cabdifataax Ducaale oo ku takhasusay xanuunada xoolaha ku dhaca iyo caafimaadkooda, waxaanu u warramay Faarax Lamaane oo ugu horrayn weydiiyey Rift Valley Fever mooyee xanuunnada kale ee lagu soo celin karo xoolaha la dhoofiyey.

    Lifaaqan ka dhagayso waraysigaas

    Xoolo
  8. Dad horay u weeraray Barcelona oo xiriir la lahaa kuwo Paris ku sugan

    Baaritaan ay samaysay BBC-da ayaa daaha ka rogay in dadkii jihaaddoonka ahaa ee 16 ruux ku dilay gudaha iyo agagaarka Barcelona sannadkii hore ay xiriir la lahaayeen koox fadhigoodu yahay Faransiiska.

    Baareyaasha magaalada Paris ayaan wali aqoonsanin xubnaha shabakadda laga shakisan yahay ee halkaas ku sugan.

    Paris
  9. Odayo dhaqameed dajinaya xaaladda Liyuu booliiska

    Odayo dhaqameedka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo 25 ka badan ayaa kulan la qaatay Taliyaha Liyuu Booliiska Cabdiraxmaan Cabdullaahi Buraale iyaga oo ka codsaday in xaaladda la dajiyo ciidammadana lagu kala celiyo goobihii ay ku kala qornaan jireen, sida ay BBC-da u sheegeen qaar ka mid ah odayada.

    Odayo dhaqameedka ayaa sheegay in ay is afgarad kala soo tageen taliyaha ciidammada askarta qaarkoodna ay billaabeen in ay ku laabtaan fariisimahoodii.

    Dhanka kalana ciidammada milatariga, booliiska faderaalka iyo booliiska deegaanka ayaa kulan ku qaatay magaalada Jigjiga waxayna sheegeen in xasilooni la gaaray markii ay iyagu wada shaqeeyeen shacabkana kaashadeen, sida uu ku warramay telefeshinka deegaanka ESTV.

    Dadka Deegaanka ayaa sheegay in booliiska Soomaalidu ay billabeen in ay la hawl galaan laamaha ammaanka ee faderaalka.

    Shacabka jigjiga ayaa sheegay in aysan magaalada ku dhex arkin ciidammada gaarka ah ee Liyuu booliis, balse ay meelo badan oo magaalada ah ku arkeen booliiskii kale ee Soomaalida ah ee deegaanka.

    Warbixinta ESTV hoos ka daawo.

    View more on facebook
  10. Golaha Dhexe ee xisbiga Deegaanka Soomaalida ka arrimiyo oo Addis Ababa tagay

    In kabadan 40 xubnood oo ka mid ah golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itooba ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen xubno ka tirsan golahaas.

    Xisbigan oo ah midka ka arrimiya deegaanka Soomaalida ayaa maalmihii u dambeeyay ka biyo diidanaa Addis Ababa oo looga yeeray.

    Arrintaas ayaa timid ka dib markii faderaalku uu la tagay madaxweynihii hore ee deegaanka oo ilaa hadda lagu hayo magaalada Addis Ababa.

    Waxaa la xaqiijiyay in aysan la soconin Golaha dhexe saddex xubnood oo labo ka mid ah la sheegay in looga maarmi waayay in ay hawlaha dawladda sii kala wadaan.

    Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa saaka dagan waxaana la filayaa in ay noloshu si deedii tartiib tartiib ugu soo noqoto.

    Ma cadda waxa ka soo bixi doona kulanka ay magaalada Addis ku yeelanayaan Golaha dhexe ee XDSHSI iyo dawladda faderaalka, dadka arrimahan ka faaloodase waxay sheegayaan in ay u badan tahay in ismariwaaga lagu soo afjari doono.

    DDSI
  11. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Jimce ah oo ay taariikhdu tahay 10 bisha Luulyo 2018ka.

  12. Shaqaale caafimaad oo lagu afduubtay Gobolka Bay

    Dadka la qafaashay ayaa la sheegay inay caawinayeen dad dhibaataysan
    Image caption: Dadka la qafaashay ayaa la sheegay inay caawinayeen dad dhibaataysan

    Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in laba qof oo ka tirsan caafimaadka lagu afduubay duleedka magaalada Baydhabo.

    Warar aan la xaqiijin ayaa iyaguna sheegaya in labadaas qof oo wiil iyo gabar ah ay u shaqaynayeen hay'adda bisha cas.

    Sida ay sheegayaan dad deegaanka ku sugan oo aan la xiriirnay waxay intaa ku dareen in labadaas qof lala qafaashay darawalkoodii.

    Afduubka ayaa ka dhacay deegaanka Misgaale oo 18 KM dhinaca koofureed ka xiga magaalada baydhabo.

    Ilaa hadda lama oga sababta afduubka, cidda ka dambaysay, iyo halka lala aaday.

  13. Duulimaadyadii Addis Ababa iyo Jigjiga oo dib u bilaabmay

    Waxaa maanta dib u bilaabmay duulimaadyadii u kala gooshi jiray magalooyiinka Addis Ababaiyo jigjiga.

    Diyaarad siday rakaab ay ka soo qaaday magaalada Addis Ababa ayaa gaartay magalaad Jigjiga.

    Waa markii ugu horeysay tan iyo Sabtidii oo ay diyaarad ka degto magalada Jigjiga.

    Dhanka kale waxaa si tartartiib ah caadi ugu soo laabanaya noolasha magaalada Jigjiga.

    Waxaa dib loo furay qaar ka mid ah ganacsiyada iyo bangiyada magaaladasi.

    magaalada Jigjiga
    Image caption: magaalada Jigjiga
  14. Madaxwayne Farmaajo oo shaqada ka cayriyay 6 garsoore

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdillahi Farmaajo ayaa shaqada ka cayriyay lix garsoore oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka isagoo kuwaas badalkoodana magacaabay shan garsoore oo cusub.

    Garsoorayaasha shaqada laga ceyriyay waxay kala yihiin:

    1:Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.

    2:Maxamed Maxamuud Maxamed.

    3:Maxamuud Axmed Faarax.

    4:Sheekh Cumar Aadan Maxamed.

    5:Cabdinaasir Seeraar Axmed.

    6:Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

    Dhinaca kale isla wareegtada xilka looga qaaday garsoorayaashan waxa uu madaxweyne farmaajo ku magacaabay illaa shan garsoore oo cusub oo kamid noqonaya maxkamadda sare ee dalka kuwaas oo kala ah;

    1Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

    2:Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.

    3:Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.

    4:Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.

    5:Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa tallaabadan uu qaaday waxa loo arkaa mid uu ku doonayo inuu dib u habayn ballaaran uu ku sameeyo hay’adaha garsoorka ee dalka Soomaaliya isagoo dhawaantan magacaabay gudoomiyaha maxkamadda sare.

    Madaxwayne Farmajo
    Image caption: Madaxwayne Farmajo
  15. Tirada dhimashada dhulgariirkii ka dhacay Indonesia oo korodhay

    Waxaa sare u kacday Tirada dhimashada dhulgariirkii cabirkiisu ahaa 6.9 cabirka dhulgariirada lagu qiyaaso ee ka dhacay jasiirada Lombok ee dalka Indonesia.

    Tirada dhimashada dhulgariirkan ayaa imika mareysa 259, sida ay saraakiisha dalkasi sheegeen.

    Shaqaalaha gurmadka ayaa burburka hoostiisa ka baaraya dadka maqan ee aan wali la ogayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

    Tuulooyinka qaar ayaa gabi ahaanba dumay, iyada oo ay dhaawacyo soo gaareen dad gaaraya 1,400 sida ay dowladda sheegtay.

    Illaa 156,000 ayaa ku bara kacay dhulgariirka oo ah mid aad u culus.

    Kumanaan qof oo baro kacay
    Image caption: Kumanaan qof oo baro kacay
  16. Ma garanaysaa mukulaasha ugu halista badan adduunka?

    Yeysan ku dagin quruxdeeda- tani wa bisadda ugu halisan caalamka.

    Bisadan ayaa 60% waxay ku guulaysataa ugaarsiga ay samayso.

    Bisaddani oo ah nooc laga helo Koonfurta Africa waa duurjoogta ugu yar.

    Bisadda ugu yar Afrika waxaa laga yaaba in ay qurux badan tahay balse waa midda ugu dilaasan caalamka.

    Bal daawo bisaddan oo ku jirta howl ugaarsi.

    View more on facebook
  17. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya oo shaqada laga joojiyay

    Wararka ka imanaya magaalaad Muqdisho ayaa sheegaya in shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda.

    Wareegto ka soo baxday Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa shaqada looga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda xukuumadda Fedaraalka Mukhtaar Mahad Daa/uud.

    Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa horay u sheegay in 4-tii April ee sanadkan uu gal dacwadeed ka dhan ah wasiir ku xigeenka u gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka taasoo la xiriirtay ku takri falka hantida qaranka.

    Hasa yeeshee warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu beeniyay eedeymahaasi.

  18. Duqayn ka dhacday Yemen oo ay caruur ku dhinteen

    Tiro dad ah ayaa ku dhintay kuwa kalana way ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday gaari Bas ah oo siday caruur Waqooyiga Yemen.

    Ila wareedyo ka imanaya dadka deegaanka ayaa sheegaya in gaarigani lala bartilmaameedsaday weerar dhanka cirka ah oo ay fuliyeen isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo.

    Xuutiyiinta ayaa waxay sheegeen in 39 qof ay ku dhinteen weerarkan oo ka dhacay waqooyiga gobolka Sacda.

    Balse wali lama xaqiijin khasarahan ay Xuutiyiinta sheegeen.

    Isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ee taageera dowladda yemen ayaan wali ka hadlin dhacdadani.

    Khariirad
    Image caption: Khariirad
  19. Maalinta kama dambaysta ah ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyga

    Malaga yaabaa in Paul Pogba uu sii joogo Manchester United mise wuu ka huleeli doonaa?

    Arrintaas ayaa ka mid ah su’aalaha maanta ay dad badan is waydiinayaan.

    Haddii aad ka mid tahay dadka kubadda taageera maxaad maanta isha ku haysaa?

    Aragtidaada waxaad noogu soo gudbin kartaa, ciwaannada aan ku leenahay baraha ay bulshadu ku xiriirto.

    Paul Pogba
  20. Jabhadaha Suudaan oo cafis guud loo fidiyay

    Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ayaa cafis guud u fidiyay jabhadaha, kuwaas oo uu ku jiro ninka ay is hayaan ee Riek Machar, sida uu tabiyay telefeshinka qaranka ee SSBC

    Ku dhawaaqitaankan ayaa yimid maalmo ka dib markii ay dawladda iyo jabhaduhu ay heshiis awood qaybsi ah ku kala sixiixdeen magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.

    Heshiiskaas ayaa looga gol leeyahay in lagu soo af jaro colaadda socotay ku dhawaadka shanta sano ee galaafatay tobannaanka kun ee ruux, guryahoodana ka baro kicisay malaayiinta ruux.

    Dikreeto madaxweyne oo laga akhriyay telefeshinka qaranka ayaa lagu sheegay in Madaxweye Kiir uu bixiyay damaanad guud oo jabhadaha oo dhan ku socota.

    Koonfurta Suudaan