Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Wasiir Tuniisiyaan ah oo musuqmaasuq loo eryay

    Wasiirka tamarta ee dalka Tuniisiya Khaled Gadour iyo afar masuul oo kale ayaa la eryay iyaga oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

    Ra’iisulwasaaraha Tuniisiya Youssef Chahed yaa amray in baaritaan lagu sameeyo, wuxuuna sheegay in la isku dari doono wasaarado.

    Arrintan ayaa layaab ka noqotay saaxada siyaasadda ee Tuniisiya.

    Afhayeen u hadlay dawladda ayaa sheegay in faahfaahin intaas ka badan dadka loo soo bandhigi doono galinka dambe ee maanta.

  2. “Ciddaan qancin wayno in ay na xagxagato xorbay u tahay”

    Mustafe

    Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa sheegay in uu ku dadaalayo qancinta qofkaste, balse haddii ay taasi suuragali waydo aan cidna loo qabsanaynin "xagxagashadiisa".

    Madaxweynaha ayaa barta uu Facebook ku leeyahay ku soo qoray “Dadku inay cawdaan, cagajugleeyaan, car wakaase yidhaahdaan waa wax ilaahay lagu mahadiyo iyo xoriyad inoo soo korodhay. Waa bilawgii hanaanka dimooqraadiyadda ee aynu u oomaneeyn”.

    View more on facebook

    Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay caasimadda Jigjiga iyo deegaanno kalaba ay ka socdaan shirar iyo kulamo ay qabaa’illadu uga arrinsanayaan sidii ay uga dhex muuqaan lahaayeen xukuumadda cusub.

    Waxaa jira walaac laga qabo in dadka qaar ay xoriyadda hadalka u isticmaalaan si aan munaasab ahayn.

    Dadka isku qamaamaya oo ku soo badanaya goobaha lagu qaxweeyo ee Jigjiga

    “Tobankii sano ee la soo dhaafay way adkayd in aad aragto dhallinyaro is maan dhaafay oo is dagaalaya ama la kala qabanayo, balse hadda meelaha shaaha lagu cabo ee Jigjiga dhallinyaro lagu kala hayo ayaad arki” ayuu yiri Cabdiraxmaan Axmed Xasan oo horay bare uga soo noqday Jaamacadda Haramaya ee dalka Itoobiya, haddana aad ugu dhuun duleela deegaanka maadaama oo uu ka shaqeeya arrimaha samafalka.

    Madaxweynaha oo markii xilka loo soo xulay ka hadlaya in aan qofna laga aqbali doonin si xun u adeegsiga xoriyadda hadalka ayaa yiri “ Marka qawaaniinta caalamka iyo midka dalka Itoobiyaba la fiiriyo waa dambi in qof dhaho qabiil hebaloow qabiil hebal ku duul”.

    Cabdiraxmaan oo ka hadlaya faa’iidada xoriyadda ayaa sheegay in ay tahay arrin wanaagsan oo xukuumadda ka caawin doonta in ay ogaato dareenka dhabta ah ee shacabka oo wakhti dheer meesha ka maqnaanaa.

    Hoos ka dhagaysi waraysi aan la yeelanay Cabdiraxmaan Axmed Xasan oo ku saabsan sida ay dadka Jigjiga uga falceliyeen xoriyadda hadalka.

    View more on facebook
  3. Cimilada oo sare u qaadaysa taranka iyo wax cunidda cayayaanka

    diir

    Cilmi baaris cusub oo lagu sameeyay cayayaanka ayaa ka digaysa in cimilada sii kululaanaysa ee Adduunka ay dhiirigalinayso in ay nooleyaashaas aad u tarmaan, wax badanna cunaan, taas oo waxyeelo baaxad leh u gaysan doonta dalaga beeraha.

    Goobaha qaboobaha ah ayaa noqondoona kuwa ay dhibaatada ugu badan soo gaarto, dalaga deegaannadaas ka soo go'a ayaana hoos u dhici doona boqolkiiba konton.

    Qamadiga iyo dalagga kale ee qaboobaha ka baxa ayay arrintani aad u saamayn doontaa
    Image caption: Qamadiga iyo dalagga kale ee qaboobaha ka baxa ayay arrintani aad u saamayn doontaa
  4. Booliiska Uganda oo safar ka hor istaagay xildhibaan Bobi Wine

    Yganda

    Booliiska dalka Uganda ayaa lagu soo warramayaa in ay horistaageen isku day uu dalka uga dhoofayay xildhibaan Bobi Wine, isaga oo rabay in uu dawayn u raadsado dalka dibaddiisa.

    Waxaa lagu eedeeyay khayaano qaran ka dib markii la dhagax tuuray baabuur uu watay madaxweyne Yoweri Museveni wakhti ay socotay doorasho ku celis ah.

    Boni ayaa aad u dhaawacmay ka dib markii la sheegay in ay booliisku garaaceen.

    Uganda
  5. Canada oo rabta in ay dhisto dhuun shidaal oo maxkamadi ka soo horjeedsatay

    Dawladda Canada ayaa sheegtay in ay ka go'antahay inay hirgaliso dhuunta shidaalka qaadda ee buurta Trans Mountain inkastoo ay maxkamadi hor istaagtay mashruucaas.

    Dawladda ayaa soo diyaarsatay dhuumaha iyada oo doonaysa in ay shidaal ka qaaddo dhulka Buuralayda ah oo ay gaadhsiiso ilaa xeebta Pacific Coast.

    Balse Maxkamadda ayaa go'aamisay in Ottawa ay ku guuldarraysatay in ay hoos u eegto walaaca ay soo gudbiyeen dadka deegaankaasi asal ahaanta u daganaa.

    Canada
  6. Imran Khan oo lagu dhaliilay in uu diyaarad u raaco meel 15km u jirta

    Imran Khan

    Hadal haynta dhanka Online-ka ee dalka Pakistan waxaa toddobaadkan hareeyay gaadiidka uu adeegsado Imran Khan oo dhawaan loo doortay Ra’iisulwasaarenimo.

    Imran ayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca adeegsada marka uu ka baxayo guriga uu khaaska u leeyahay ee uu u sii socda deegankiisa rasmiga ah oo 15km u jira.

    Qaabka uu usafro ayaa lagu dhaliilay in uu yahay mid ay dhaqaale badan ku baxdo, maadaama oo uu horay u ballan qaaday in uu wax ka qaban doono qaab dhaqanka xafiisyada iyo siyaasiyiinta.

    Wasiirka warfaafinta ee Pakistan Fawad Chaudry oo damcay in uu difaaco ayaana hadal haynta sii huriyay.

    Isaga oo shir jaraa’id ka hadlaya ayuuna sheegay in adeegsiga diyaaradda qumaatiga u kacda aysan ahayn qaali, halkii kiiloo mitirna ay ku baxdo 55 rupee oo u dhigantan $0.77.

    “Google ayaan arrintaas ku arkay” ayuuna sii raaciyay”

    Dadka ayay ka daadagi wayday in diyaaradaha qumaatiga u kaca ay sidaas u riqiisan yihiin.

    Dadka Pakistan ku sugan ee adeegsanaya magaca #Helicopter ee Twitterka ku jira ayaana sare u kacay, iyadoo eraygaas lagu soo daray 16,000 jeer qoraallo Twitter lagu soo daray Isniintii oo kali ah.

    Dad badanna waxay billaabeen in ay ku kaftamaan arrintan.

    View more on twitter

    Qiimahaha saxda ah waa imisa?

    Dadka ka biyo diiday hadalka wasiirka caddayn ma heli karaan? Jawaabta oo kooban waa haa?

    Sida ay muujinayso cilmi baaris ay BBC Urdu samaysay diyaaradda uu Ra’iisulwasaaraha adeegsado ee nooceedu tahay Agusta Westland AW139, shidaalka ay adeegsato halkii kiiloo mitirba waa 1,600 Rupee oo u dhiganta $23, qiimahaas ayaana ka sarreeya 55 Rupee ee uu sheegay wasiir Chaudry.

    Qiimahaas ayaana ah inta aan wali lagu darin kharashaadka kale een shidaalka ahayn ee ay diyaaradaha qumaatiga u kaca adeegsadaan.

    Diyaaradda qumaatiga u kacda ee nooceedu yahay Agusta Westland AW139 waxay qaadaa 15 ruux
  7. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kuna soo dhawaada, tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Jimce ah oo ay taariikhdu tahay 31 Agoosto 2018.

  8. Post update

    Tabinteennii tooska ahayd ee maanta waa naga intaas tan iyo barri nabadgelyo.

  9. Xukuumadda Britain oo kordhinaysa kharaska ay ku taageerto AMISOM

    Theresa May
    Image caption: Theresa May

    Kadib safar maanta oo khamiis ah ay dalka Kenya ku timid Raisul wasaaraha Britain Theresa May ayaa waxa ay kaga dhawaaqday in Britain ay kordhinayso taageerada ay siiso ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Mr May oo arrintaas ka hadlaysayna waxay tiri: " UK waxay sii wadi doontaa ka go'naanshaha iyo taageerada ay siiso geesiyaasha reer Kenya ee Soomaaliya kula dagaallamaya Alshabaaab".

    Haddaba maxuu ka dhigan yahay dhaqaalahan cusub ee Theresa May ay u ballanqaadday ciidamada Midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya? Dr Ibraahin Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha gobolka ayaa qaba " in kaalmadaan cusub aanay waxba soo kordhinayn balse ay qayb ka qaadan karto gaboodfallada ay ciidamada AMISOM ka gaystaan gudaha dalka Soomaaliya".

  10. Ghana: Ururka xiriirka kubadda cagta oo shaqadii laga joojiyey

    Kwesi Nyantakyi
    Image caption: Kwesi Nyantakyi

    Maxkamadda sare ee dalka Ghana ayaa xayiraad saartay dhammaan shaqooyinkii uu qaban jiray ururka xiriirka kubadda cagta ee Ghana muddo 10 cisho ah.

    Xayiraaddan ayaa daba socota barnaamij baaritaan oo muujiyay ayadoo mid kamid ah saraakiisha ururkaas uu qaadanayo lacag hadiyad ahaan loogu keenay.

  11. Ruushka: waa in argagixisada laga tirtiraa gobolka Idlib ee Suuriya

    Wasiirka arrimaha diabadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay inay tahay in waxa uu ku tilmaamay argagixisada laga xaaqo gobolka Idlib ee ay fallaagadu gacanta ku hayso ee dalka Suuriya.

    Shir jaraa’id oo ay magaalada Moscow kuwada qabteen asaga iyo dhiggiisa Suuriya, Walid Muallem, ayaa Mr Lavrov waxa uu ku eedeeyey kooxaha ka dagaallama gobolka Idlib in ay qorshaynayaa in ay qaadeen wareerar ay u adeegsadaan hub kiimiko ah si markaas dawladda Suuriya eedda dusha looga saaro.

    Sergei Lavrov
    Image caption: Sergei Lavrov
  12. Diyaarad ku burburtay Itoobiya oo ay dad ku dhinteen

    Itoobiya
    Image caption: Itoobiya

    Sideed iyo toban qof ayaa ku dhintay diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah oo ku burburtay dalka Itoobiya. Diyaaraddan oo ay ciidamada militarigu lahaayeen ayaa kusoo dhacday duleedka Magaalada Caasimadda ah ee Addis Ababa. Masuuliyiinta dalkaas ayaa sheegaya in aanay jirin cid ka badbaaday shilkaas diyaaradeed.

  13. Gobolka Kashmir oo adeegyadii dadweynaha irdaha la isugu dhuftay

    Raisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo  Mehbooba Mufti
    Image caption: Raisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo Mehbooba Mufti

    Iskuulada, dukaamada iyo sharikadaha ganacsiga ee gobolka Hindiya ay maamusho ee Kashmir ayaa xiran kahor fadhi gaar ah oo maxkamadda sare ay ku eegayso arrimaha gaar ah ee gobolkaas uu ku yeelanayo dastuurka.

    Hoggaamiyeyaasha gooni u goosatada ah ayaa ku baaqay shaqo joojin labo cisho ah oo ka dhacaysa guud ahaan gobolkan ay muslimiintu u badan yihiin kaas oo looga soo horjeedo tallaabooyinka ay qaadayso maxkamadda Delhi maalinta Jamcaha ah.

  14. Iiraan oo maxkamad geysay Maraykanka

    Waxaa maalintii afaraad gashay dacwad u dhexaysa Maraykanka iyo Iran oo ay dhagaysanayso maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

    Iran ayaa muddo 40 sano ah ku faanaysay inay u babac dhigtay Maraykanka oo ay ku tilmaamto inuu yahay Sheydaan weyn.

    Balse xukuumadda Tehran oo ka duulaysa heshiiskii Amity ee labada dal dhex maray sanadkii 1955-tii, ayaa ku doodaysa in Maraykanka uu baalmaray heshiiskaasi saaxiibtinnimada ku dhisanaa, uuna cunaqabateyn saaray dalkeeda.

    Inkastoo ay hogaamiyayaasha Iran ku doodayaan in aanay waxba u dhimin cunaqabateynta Maraykanka, ayaa dhanka kale qareennada matalaya dalkaasi waxa ay maxkamadda ka hor qireen in cunaqabateynta ay dhulka la gashay dhaqaalaha dalkaasi, isla markaana ay horseedday xasilloni darro bulshada dhexdeeda ah.

    Doodda Iran ayaa ah in cunaqabateynta Maraykanka ay tahay cadawtinnimo ka dhan ah dalkeeda, sidaa darteedna ay meel ka dhac ku tahay heshiiskii Amity ee ay labada dal kala saxiixdeen mudda laga joogo 63 sano.

    Qareennada Maraykanka ayaa maanta soo gudbin doona jawaabtooda ku aaddan dacwadda ka dhanka ah, waxaana ay sharraxi doonaan sababta kiiska aanu u ahay mid sal leh, isla markaana aanay go’aan ka gaari karin maxkamadda.

    Maraykanka ayaa sheegay in doodda Iran ay ku qotonto heshiiska nukliyeerka, kaasoo taabanaya ammaanka qaran ee dalkiisa, isla markaana aan wax xiriir ah la lahayn heshiiskii Amity.

    Qodobo ka mid ah heshiiska Amity ayaa dhigaya in labada dal ay wadaxaajood ku dhameeyaan khilaaf kasta ka hor inta aanay u dacwoon Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

    Maraykanka ayaa tilmaamay inuu diyaar u yahay wadahadal, balse uu arrinkaasi diiddan yahay hogaamiyaha Iran, ficillada iyo hadallada maamulkaasi ee wixii ka dambeeyay kacaankii 1979 uu ka dhan yahay danaha Maraykanka.

    Iran ayaa codsanaysa in maxkamaddu ay go’aamiso joojinta cunaqabateynta ilaa iyo inta ay dooddan go’aan buuxa ka gaarayso.

    Trump
  15. Theresa May oo dhaqaale horleh u ballan qaaday AMISOM

    Kenya

    Ra'isal wasaarha Ingiriiska Theresa May oo maalmahan socdaal ku maraysay dalal Afrikaan ah ayaa maanta kulan kula yeelatay magaalada Nairobi madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, halkaas oo ay socdaalkeedii saddexda maalmood ahaa ee Afrika ku soo gabagabaynayso.

    May oo kulankaas ka dib hadashay ayaa tiri

    Quote Message: UK ayaa hadda ah dalka maalgashiga u badan ku sameeya Kenya, waxaana todobaadkan soo bandhigay qoyshaheenna ku aaddan sidii aan ku noqon lahayn dalka ugu horreeya waddamada G7 ee maalgashiga u badan ku sameeya qaaradda Afrika marka laga gaaro sannadka 2022. Xilli ay Britain isu diyaarinayso inay ka baxdo Midowga Yurub, ayaa waxaa naga go'an inaan xaqiijino in si habsami leh uu u socdo ganacsiga ka dhexeeya labadeenna dal, anagoo ganacsigeenna xooggan asaas uga dhigayno si aan fursado kale ugu helno shirkadaheenna iyo dadkeenna.

    Dhanka kalana waxay xukuumadda labada dal kala saxiixan doonaan heshiis u fududayn doona in Kenya ay dib u soo ceshato hantida dawladda lagaga xaday musuqumaasuqa.

    Uhuru Kenyatta oo faahfaahin ka bixinaya arrimaha kale ee masuuliyiintu ay isla soo qaadeen ayaa yiri

    Quote Message: Waxaan aragnay inay hoos u dhacday khatarta gobolkeeda nugul uga imanaysa argagaxisada. Waxaan soo dhaweneynaa ballan qaadka UK ee ah inay taageerayso howlgalka muhiimka ah ee AMISOm, dalalka kale ee caalamkana waxaan ugu baaqaynaa inay sidaa oo kale sameeyana. Dhanka kale waxaan fursadan uga faa'iideysanayaa inaan ugu baaqo maalgashatada Britain inay ka faa'iideysataan mashaariicda waaweyn ee afarta ah ee hormarinta dalkeena, ayadoo maanka lagu hayo in maalgashi kasta oo dalkan lagu sameeyo ay hubaal tahay inay ka faa'iidayaan maalgashatada iyo anaguba.
  16. Dukaamo ay Soomaali leedahay oo Koonfur Afrika "lagu boobay"

    Sawir hore
    Image caption: Sawir hore

    Qalalaase ayaa ka qarxay xaafadda isku raranta ah ee Soweto ee magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika halkaas oo lagu weeraray tukaamada ay dadka ajaaniibta ah ku leeyihiin oo lagu boobay.

    Booliska dalkaas ayaa rumaysay in qalalaasuhu ka dhashay nin Soomaali ah oo dadka deegaanku ay ku eedeeyeen in uu toogtay wiil dhawr iyo toban jir ah iyo saaxiibkii oo damcay in ay tukaankiis dhacaan.

    Waxaa halkaas ku dhintay labo qof oo aan la sheegin dalalka ay u dhasheen, dad badanina way ku dhaawacmeen.

    "Dhibaatadu way sii socotaa, khasaarahuna marba marka ka dambaysa way ka sii daraysaa, waxaan soo marnay ganacsiyo la boobay kuwo kalana haddaan joogaa, Soomaaliduna meelo kala fogfog ayay ganacsiyada ku kala leedahay, ayuu yiri Suldaan Ducaale Maxamed Cali oo ka mid ah odayaasha Soomaalida ku dhaqan magaalada Johannesburg.

    Ducaale oo goor hore noo warramay ayaa intaas ku daray in aysan haynin tirakoobka dhabta ah ee dhibaatada Soomaalaadida gaartay maadaama oo ay saacad saacad u dhacaysay.

    View more on facebook
  17. England oo rabta in carruurta laga mamnuuco cabitaannada tabarta laga helo

    Waxaa la qorshaynayaa in sharaabka tabarta laga helo laga mamnuuco carruurta ay da’doodu ka hoosayso 18, iyada oo laga cabsi qabo in ay wax u dhinto caafimaadka da’yarta, sida ay sheegtay ra’iisulwasaaraha.

    Dawladda ayaa billawday wada tashi ay la samaynayso dadwaynaha oo ku saabsan qorshaha ay dawladdu rabto ee ah in carruurta laga mamnuuco iibsashada sharaabkaas.

    Cabitaannada loo qaabeeyay in tabarta laga helo waxaa ku badan sonkorta iyo maadooyin kale, waxaana lala xiriiriyay cayilka siyaasadda ah iyo waxyaabo kale oo caafimaadka wax u dhima.

    Dawladdu waxay dadka kala tashanaysaa da’da ay tahay in ay sharaabkaas ka mamnuucdo, waxayna kala dooransiinaynaa 16 jir wixii ka hooseeya iyo 18 jir wixii ka hooseeya.

    Scotland, Northern Ireland iyo Wales ayaa leh awoodo u leh in ay dhaqan galiyaan mamnuucitaan iyaga u gaar ah.

    Sharaab
  18. Argentina oo dalbatay in lala soo gaaro 50 bilyan oo dayn ah

    Dawladda Argentina ayaa si aan la filaynin u dalbatay in durba loo soo fasaxo 50 bilyan oo doolar oo dayn ah oo ay ka rabto Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, iyada oo bartanka kaga jirta dhaqaalaha sii koraya ee dalkaas.

    Madxweyne Mauricio Macri ayaa sheegay in tallaabadaas looga golleeyahay in lagu soo celiyo kalsoonidii dhaqaalaha Argentina.

    Lacagta dalka Argentine ayaa 40% qiimo beeshay marka lagu sarrifayo doolarka dalka Maraykanka, sicir bararka ayaana cirka isku shareeray.

    Hay’adda lacagta Adduunka ayaa Arbacadii xaqiijisay in ay eegayso sidii ay u xoojin lahayd wax la qabashada dalkaas iyo wax ka badalidda qaabkii ay u wajahaysay.

    Argentina
  19. Suu Kyi in ay mashaakilka Rohingya "isu casisho" ayay ahayd

    Suu Ky

    Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ee xilku ka sii dhammaanayo ayaa sheegay in ay ahayd in ay is casisho hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi, sababtuna ay tahay dhibaataddii uu milatarigu sannadkii hore u gaystay Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingya.

    Sayid Racad Al Xuseen ayaa BBC-da u sheegay in isku daygii ay haweenaydaasi ku damacday in ay ciidammada ugu qiil bixiso ay ahaayeen “wax aad “looga qoomamamoodo”, Aung San Suu Kyi ayaa horay ugu guulaysatay billadda nabadda ee Nobel Peace loo yaqaanno.

    Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ay sheegtay in ay tahay in maxkamad la soo taago masuuliyiinta milatariga Myanmar maadaama oo ay macquul tahay in ay gaysteen xasuuq.

    Rohingya
  20. Nin Biljam u dhashay oo maydkiisa laga helay waddo Moscow ku taalla

    Nin reer Biljam ah oo ka mid ahaa madaxda shirkad biraha samaysa oo Ruushka ku taalla ayaa isaga oo mayd ah la helay, ka dib markii uu ka soo dhacay dhisme sagaal dabaq ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Ruushka.

    Bruno Charles De Cooman ayaa madaxweyne ku xigeen ka ahaa qaybta cilmi baarista iyo horumarinta ee shirkadda Novolipetsk Steel.

    Wakaaladda wararka ee Tass ayaa sheegtay in masuulkan sare uu ka soo dhacay dhisme deegaan ah oo ku yaalla waddada Serafimovich ee magaalada Moscow, taas oo u dhaw Aqalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlin-ka.

    Ma kala cadda wararka arrintan ku xeeran, waxaana socota baaritaan ay booliisku wadaan.

    Shirkaddan wayn biraha samaysa ee NLMK ayaa qoraal ay soo saartay ku xaqiijisay geerida De Cooman, waxayna tacsi u dirtay dadkiisa.

    Shirkadda ayaa sheegtay in aysan wax faahfaahin ah ka bixinaynin dilkiisa ka hor inta laga caddaynayo waxyaabaha dilkiisa ku xeeran oo dhan.

    NLMK ayaa ka mid ah shirkadaha ugu waawayn Ruushka ee biraha sameeya, waxaana iska leh oligarch Vladimir Lisin oo ka mid ah dadka ugu dhaqaale badan Ruushka.

    Moscow