Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Post update

    Tabinteennii tooska ahayd ee maanta waa naga intaas, tan iyo barri nabadgalyo.

  2. Diyaarad ku burburtay South Sudan oo dad badani ay ku dhinteen

    RADIO MIRAYA
    Image caption: RADIO MIRAYA

    Sagaal iyo toban qof ayaa ku dhintay inta la ogyahay diyaarad ku burburtay bartamaha dalka South Sudan. Wasiir katirsan xukuumadda dalkaas (Taban Abel) ayaa sheegay in diyaaraddan oo ukala gooshaysay magaalooyinka Juba iyo Yirol ay ku dhex dhacday haro xilli ay isku dayaysay in ay caga dhigato. waxa uu intaas ku daray in afar qof ay ka badbaadeen shilka oo ay kamid yihiin laba caruur ah iyo dhakhtar Talyaani ah oo dhaawac halis ahi uu soo gaaray.

  3. Masuul hor leh oo lagu dilay dalka Uganda

    Uganda
    Image caption: Uganda

    Sarkaal sare oo katirsan booliiska dalka Uganda ayaa lagu toogtay meel u dhow magaalo madaxda Kampala. goobjoogayaal ayaa sheegay in Muhammad Kirumira ay rag hubaysan oo mooto watay ku dhex dileen gaadhigiisa. Habkan ayaa dhawaanahan loo adeegsanayey dilalka masuuliyiinta sarsare ee dalkaas.

  4. Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya oo laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan

    " Sarreeye guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, isla markaana waxaa laga ruqseeyey hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka soomaaliyeey, sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka hay'adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka" ayaa lagu sheegay wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
    Image caption: Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
  5. Maalqabeen u leexday dhanka samafalka

    Jack Ma
    Image caption: Jack Ma

    Mid kamid ah ragga ugu hodonsan dalka Shiinaha, Jack Ma, ayaa Isniinta ka fadhiisanaya shaqada madaxa fulinta ee sharikadda wayn ee internetka ku ganacsata ee Alibaba, sida lagu qoray wargayska the New York Times.

    Waxa uu kasii mid ahaan doonaa golaha sare ee maamulka sharikadda Alibaba balse wuxuu xoogga saari doonaa dhanka samafalka ee ku aaddan waxbarashada.

    Mr Ma ayaa kamid ah aas aasayaasha Alibaba sanadkii 1999 taas oo noqotay mid kamid ah sharikada ugu waaweyn dunida ee ku ganacsada internet-ka.

  6. Faransiiska oo balaayin doolar ku maalgelinaya Satellite-ka xogta usoo gudbiya Militariga

    .

    Dalka Faransiiska ayaa in ka badan 4 bilyan doolar ku maalgelinaya tayaynta iyo cusboonaysiinta Satellite-ka xoggta miliatarga uu qaabilsan sii ay isaga ilaaliso in Ruushka uu basaaso.

    Wasiirka difaaca Faransiiska Florence Parly ayaa shaaca ka qaaday xilli ay ka hadlay raadiyaha dowladda inay arkeen isku dayo Ruushka uu sannadkii lasoo dhaafay ku doonayay inuu qabto farriin militariga Faransiiska ku socotay oo Satellite-ka uu usoo gudbiyay.

    Waxay sheegtay inay samaynayaan Kameerooyinka ammaanka si ay uu soo gudbiyaan xogta kasta oo faragelin ah. Florence Parly waxay sheegtay in qorshahan looga golleeyahay in Faransiiska looga difaaca dagaalka dhanka hawada.

  7. Hoggaamiyaha ururka Ginbot 7 oo dib ugu laabtay Itoobiya

    Taageerayaasha  Berhanu Negu oo ku sugan fagaare ku yaalla Addis Ababa
    Image caption: Taageerayaasha Berhanu Negu oo ku sugan fagaare ku yaalla Addis Ababa

    Hoggaamiyiha ururka Ginbot 7, Berhanu Negu ayaa dib ugu laabtay dalka Itoobiya kaddib markii uu dalkaasi ka maqnaa in ka badan 10 sanno.

    Hoggaamiyaha ururka Ginbot 7 Berhanu Nega ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa, tageerayaashiisa ayaa lagu arkayay waddooyinka magaalada iyagoo sita calanka Itoobiya.

    Waxaa la filaya inuu tageerayaashiisa kula hadlo fagaaraha ugu wayn ee halkaasi ku yaalla.

    Soo dhaweynta hoggaamiyaha ururka Ginbot 7
    Image caption: Soo dhaweynta hoggaamiyaha ururka Ginbot 7

    Weriyaha BBC-da ee ku sugan dalka Itoobiya ayaa kusoo warramaya in Berhanu Negu uu kamid noqonaya hoggaamiyeyaasha ugu sarreysa mucaaradka ee ka faa'idaystay isbaddallada ka socda Itoobiya oo uu garwadeen ka yahay ra'iisul wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed.

    Ururka Ginbot 7 ayay dowladda Itoobiya dhawaan ka saartay liiska kooxaha ay u aqoonsanayd argagaxisda.

    Soo dhaweynta hoggaamiyaha ururka Ginbot 7
    Image caption: Soo dhaweynta hoggaamiyaha ururka Ginbot 7
  8. Ra'iisul wasaarihii Jamhuuriyadda Abkhazia oo shil ku geeriyooday

    Saraakiisha ku sugan Jamhuuriyadda Abkhazia ee ka go'day Georgia ayaa sheegay in ra'iisul wasaarihii Jamhuriyaddaasi uu ku geeriyooday shil baabuur.

    Warbaahinta Ruushka ayaa kusoo warrantay in ra'iisul wasaare Gennady Gaguliya uu la socday kolonyo baabuur ah oo ka dhaqaaqay garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada Sochi ee dalka Ruushka, xilliggaasina uu shilka dhacay.

    Ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Abkhazia, Gennady Gaguliya ayaa kamid ahaa wefddi dhawaan gaaray dalka Suuriya.

    Abkhazia ayaa ka go'day Georgia sannadkii 1992-dii xilliggaasi oo ay taagnaayeen dagaallo sokeeye balse caalamka aqoonsi kama aysan helin. Ruushka ayaa taageeraa Abkhazia.

  9. Qaramada Midoobey oo baaq u dirtay qaxootiga ku sugan Libiya

    Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhimatay dagaallo maleeshiyaad dalka Libiya ku dhexmaray
    Image caption: Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhimatay dagaallo maleeshiyaad ku dhexmaray dalka Libiya.

    Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa ugu baaqday kumannaan qaxooti ah oo ku sugan dalka Libya in aanan mar kale ay gacanta u gelin kooxaha maleeshiyaadka xiritaanka u gaysanaya.

    Dadkan ayaa dhawaan ka baxsaday saldhigyo ay ku xirnaayeen xilli ay socdeen dagaallo maleeshiyaad ku dhex maray caasimadda Libiya ee Tripoli.

    Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ugu baaqday dadkani inay gaaraan xarumaha lagu qaabilo qaxootiga ee ku yaalla magaalada Tripoli si ammaankooda loo xaqiijiyo ilaa dal kale ay magangelyo ka helayaan.

    Qaramada Midoobay waxay sidoo kale sheegtay in dadka qaxootiga ee ku sugan caasimmada Libiya ay halis ugu jiraan weeraro, kufis , jirddil iyo afduub.

  10. Kuuriyada Waqooyi oo qabatay munaasabadda xuska iyadoo aysan kusoo bandhigin hubka Baalistiga

    Muunasabaddii Kuuriyada Waqooyi ay ugu dabbaal dageysay 70 sanno-guuradii kasoo wareegtay markii la aasasay dalkaasi ma aysan kusoo bandhigiin hubka qaaradaha iskaaga kala gudbo ee Balaastiga.

    Ma kala cadda ilaa hadda in munaasabadda xuska uu khudbad ka jeediyay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un iyo in kale.

    Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa barta Twitter-ka soo galisay sawirradda munaasabadda.

    View more on twitter
    Ciidammo badan ayaa dhoola tus ka sameeyay munaasabadda
    Image caption: Ciidammo badan ayaa dhoola tus ka sameeyay munaasabadda
  11. Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo baaq u diray ciidammada booliska

    .

    Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa ciidammada Liyu booliska ugu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha marka ay gudanayaan howlaha loo igmaday.

    Madaxweynaha ayaa ciidammada Liyu booliska iyo ciidammada booliska caadiga kula dardaarmay inay dhowraan sharciga dalka islamarkaasna ay ka shaqeeyaan danaha shacabka.

    Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ciidammada inay iska ilaaliyaan tallaabo kasto oo xadgudub u horseedi karto shacabka ayna ku dadaalaan anshaxa iyo dhaqan wanaaga marka ay howshooda gudanayaan.

    Faafahinta lifaaqan ka akhriso: https:https://www.bbc.com/somali/war-45463688

  12. Post update

    Kulanti wacan oo wanaagsan akhyaarta halka nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Axad taarikhda waxay ku beegantahay 9-ka bisha September sannadka 2018-ka.

  13. Gudoomiyihii degmada Xamarweyne ee shaqada laga joojiyey oo la sii daayey

    Cumar Shariif Jeeg oo taageerayaashiisa la hadlaya
    Image caption: Cumar Shariif Jeeg oo taageerayaashiisa la hadlaya

    Cumar Shariif Maye oo loo yaqaano Cumar Shariif Jeeg oo galinkii dambe ee Arbacada lagu xiray xarunta CID ee Muqdisho ayaa la sii daayey.

    Xarigiisa iyo sii deyntiisa midkoodna kama aysan hadlin dawladda Soomaaliya iyo ciidanka booliska, waxaana shaqada looga joojiyey warqad uu isla Arbacadii soo saaray ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir.

    In yar ka dib markii la sii daayey ayuu dad aan badnayn oo taageerayaashiisa ah hadal u jeediyey Cumar Shariif Jeeg, wuxuuna u sheegay “in uu musuqmaasuqa la dirirayo”.

  14. Dowladda Afqanistaan oo soo saartay tallaaboyin ay ku xaqiijinayso ammaanka Shiicada

    Weeraro dhowr ah ayaa ka dhacay Afqanistaan
    Image caption: Weeraro dhowr ah ayaa ka dhacay Afqanistaan

    Dowladda Afqanistaan waxay shaaca ka qaaday tallaabooyin cusub oo lagu sugaya ammaanka dadka Shiicada ah oo bartilaameed u noqday weeraro dalkaasi ka dhacay.

    Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli dhawaan weerar lagu qaaday munaasabad diimeed ay isugu yimaadeen Shiicada dalkaasi.

    Madaxweyne Ashraf Qaaani waxaa saaraan cadaadis ku aadan wax ka qabashada arrimmaha amniga dalkaasi.

    Madaxweyne Qaani wuxuu sheegay inuu samayn doono ciidammo gaar ah oo ka shaqayn doono ammaanka galbeedka Kabul.

    Ciidammadan gaarka ah waxaa loo fidin doonaa tabbabar islamarkaasna waxaa la siin doonaa hub.

    Rabshadaha ku salaysan madaahibta ayaa ku cusub dalka Afqanistaan, Waxaana soo batay weeraro baahsan oo lala beegsanaya shiicada laga tiro badan yahay, waxaana weraradaasi lala beegsaday maasajidyada iyo macbadyada iyo sidoo kale goobaha ay bulshada isugu yimaadaan.

    Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii qarax lala beegsaday xarun waxbarasho oo ku taalla magaalada Kabul halkaaso ay ku dhinteen 34 ardey, dhacdadaasi oo dalkaasi ku reebtay argagax.

  15. Maamul goboleedyada oo xiriirka u jaray dawladda federaalka

    Xiriirka labada dhinac wuxuu gaaray meeshii ugu xumayd
    Image caption: Xiriirka labada dhinac wuxuu gaaray meeshii ugu xumayd

    Madaxda shanta maamul goboleed ee Soomaaliya oo tan iyo Talaadadii magaalada Kismaayo ku kulansanaa ayaa warmurtiyeed ay maanta soo saareen ku sheegay in ay xiriirka u jareen dawladda Federaalka.

    Laba qodob oo kala ah amniga iyo siyaasadda ayey u sababeeyeen, kuna soo koobeen xiriirka xumaaday ee labada dhinac.

    Labadaas qodob oo ay aad uga hadleen warmurtiyeedkooda marka laga yimaado, waxay sheegeen in ay " ka quusteen in dawladda dhexe meel mariso heshiisyadii iyo ballamadii hore loo galay, taas beddelkeedana waxay wada shaqayntii dawladdu ka doorbidday faragelin gurracan oo ay ku hayso dawlad goboleedyada, taasoo dhaawacday kalsoonidii wada shaqayn ee labada dhinac dhex mari lahayd" ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

    Xiriirka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe ee Federaalka ayaa hadda maraya meeshii ugu xumayd ee uu abid gaaro, waxayna arrintu u muuqataa sidii laba maamul oo isku haysta sharciyadda lagu xukumayo dal madax banaan.

  16. Mareykanka oo u yeeray qaar kamid safiiradii u fadhiyay Laatin Amerika

    Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu dib ugu yeeray safiiraddii u fadhiyay saddex dal oo ka tirsan Laatin Amerika kaddib markii waddamadan ay xiriirka u jareen Taiwan si ay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Shiinaha.

    Safiirada Mareykanka u fadhiya dalalka El Salvador ,Jamhuuriyadda Dominic iyo Panama ayaa dib ugu laabtay Washington sii wadatshiyo ku aadan arrintaasi loola sameeyo.

    Afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in sababta go'aankan loo qaaday ay tahay in isbaddallo ay doonayaan inay ku sameeyaan xiriirka diblumaasiyadeed.

    Dalka El Salvador ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqday inuu xiriir la yeeshay xukuumadda Shiinaha. Shiinaha ayaa Taiwan u aqoonsan dhul uu isagu leeyahay.

    Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay saamaynta xiriirka diblumaasiyadeed ee sare u kacaysa uu Shiinaha ku la yeelanaya dalalka Laatin Amerika.

  17. Diyaaradaha daagalka Ruushka oo duqaymo hor leh ka gaystay gobolka Idlib

    Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa weeraro hor leh ka fuliyay gobolka Idlib ee dalka Suuriya, sida ay sheegayaan kooxda la socodka xaaladda Suuriya.

    Duqayntan ayaa la sheegay in lagu beegsaday deegannada ay mucaaradka ku xooggan yihiin ee ku yaalla koonfur galbeed dalkaasi, sida ay sheegayaan kooxda la socota xaaladda Suuriya oo uu fadhigeedu yahay Britain.

    Turkiga iyo dalal kale ayaa ka digay in weeraradan ay horseedi karaan masiibo baani’aadanimo.

    Kummanaan qof ayaa ka qaxay dagaallada waxayna hoy ka dhigteen xeryo qaxooti oo ku yaalla gobolka Idlib
    Image caption: Kummanaan qof ayaa ka qaxay dagaallada waxayna hoy ka dhigteen xeryo qaxooti ah oo ku yaalla gobolka Idlib

    Kumannaan qof ayaa shalay dibadbaxyo ka dhigay waddooyinka gobolkaasi markii salaaddii Jimacaha laga soo baxay.

    Waxayna ka codsanayeen beesha caalamka inay soo farageliyaan howlgallada laga wada goobaha ay mucaaradka ku xooggaan yihiin.

  18. Ardeyda Jabuutii oo markii ugu horreysay xiran doono dareeska Iskuulada

    .

    Bayaan kasoo baxay wasaaradda waxbarshada dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in ardeyda dalkaasi ay ku waajibi doonto xiritaanka dareeska Iskuulada oo u gaar noqonaya Iskuulada kala duwan ee dalkaasi.

    Ardeyda wax ka barata Iskuulada dalka Jabuuti horraan waxay xiran jireen dharka ay doonaan marka ay Iskuulka aadayaan.

    Balse sannadka dugsiyadeedka cusub ayuu dhaqan galaya nidaamka ay ardeyda ku labisanayaan dareeska Iskuulada.

    Qaar kamid ah waaliddiinta ayaa ka cabanayay qiimaha dareeska Iskuulada.

    Waxaa hoos loo dhigay qiimaha dharka gaarka ah ee Iskuulada kaddib markii uu amar ku bixiyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaaciil Cumar Geelle.

    Waa markii ugu horreysay ay ardeyda dalka Jabuuti ay qaataan dareeska gaarka u ah Iskuulada tan iyo sannadkii 1977-kii uu dalka xoriyadda ka qaatay guumaystihii Faransiiska.

  19. La taliyihii hore ee arrimaha ololaha doorashada Trump oo la xiray

    George Papadopoulos iyo xaaskiisa Simona Mangiante Papadopoulos oo ku sugnaa maxkamadda
    Image caption: George Papadopoulos iyo xaaskiisa Simona Mangiante Papadopoulos oo ku sugnaa maxkamadda

    Lataliyihii hore ee arrimaha ololaha doorashada ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu xukumay 14 maalmood oo xarig ah kaddib markii uu been u sheegay saraakiisha waaxda dambi baarista ee FBI-da.

    Saraakiishan ayaa waday baaritaannada ku aadan eedeymihii Ruushka ee la sheegay inuu faragelin ku sameeyay doorashadii Mareykanka.

    George Papadopoulos oo qiray in falal dambi ah la gaystay ayaa sidoo kale lagu amray inuu 200 saacadood ka shaqeeyo adeegyda bulshada iyo sidoo kale inuu bixiyo 9.5 kun oo doolar.

    Papadopoulos oo 31 jir ah ayaa maxkamad ku taalla Washington ka hor sheegay inuu ahaa muwaadiniin dalkiisa jecel islamarkaasna uu khaladaad galay.

    Waa qofkii ugu horreeyay ee ka tirsan saraakiishii ololaha Trump oo laxiro tan iyo intii ay bilaawdeen baaritaannada lagu hayo eedeymihii faragelinta Ruushka ee doorashadii Mareykanka 2016-kii.

  20. Post update

    Kulanti wacan oo wanaagsan akhyaarta halkan nagala socotaay, kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa maalin sabti ah, taarikhdu waxay ku beegantahay 08 bisha September sannadka 2018.