Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. "Qalab ay carruurtu ku ciyaarto oo dhagaxa kalyaha gala la isaga soo saari karo"
  2. Israa'iil oo soo afjaraysa gargaar ay siin jirtay shacab Suuriyaan ah
  3. Maalqabeen 2 bilyan oo sadaqo ah bixinaya
  4. Madaxweynaha Kenya oo hoos u dhigay canshuurta shidaalka
  5. Cabdi Maxamuud Cumar oo mar kale maxkamad la soo taagay
  6. Suudaan oo yeelatay golo wasiirro oo tiro yar
  7. IGAD oo Gaarisa ku daahfurtay ol'olaha Tallaalka dabaysha

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Madaxweynaha Kenya oo hoos u dhigay canshuurta shidaalka

    Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ogolaaday in uu hoos u dhigo canshuurta shidaalka ee markii la dhaqan galiyay bishan horraanteedii horseedday mudaaharaadyada iyo carada baaxadda leh.

    Isaga oo khudbad u jeediyay qarankiisa ayuu madaxweynuhu soo jeediyay in uu kala bar ka dhigo canshuurtii la damacsanaa in la saaro shidaal oo hadda lagu kordhiyo 8%.

    View more on twitter

    Waxaan horay u tabinay in Kenyyata uu diiday qorshe muddo labo sano ah dib loogu dhigayay canshuurta la kordhinayo, taas oo u muuqatay in uusan meesha ka saaraynin qorshaha ay dad badani ka soo horjeedsadeen.

  2. Cabdi Maxamuud Cumar oo mar kale maxkamad la soo taagay

    Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markale maanta la hor geeyey maxkamad.

    Dhageysiga dacwadda Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dib loo dhigay muddo 14 cisha ah.

    Cabdi ayaa ku eedaysan inuu gaystay dil, xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed, eedahaas oo uu isagu beeniyay in uu geystay.

    Haddaba faafaahintan arrintaas ayuu Cabdifataax Ibraahim Cagayare waydiiyay weriyaha BBC-da ee Jigjiga Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam.

    View more on facebook
  3. Suudaan oo yeelatay golo wasiirro oo tiro yar

    Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa magacaabay golo wasiirro oo cusub ka dib markii uu kala diray kuwii hore iyadoo mashaakilka dhaqaale ee dalkaas uu sare u sii kacayo, sicir bararka sannadka ayaana maraya in kabadan 60%.

    Golaha wasiirrada ayaa la yareeyay iyadoo halkii ay 31 ka ahaayeen laga dhigay 21.

    Wasiirrada cusub waxaa ka mid ah ah: wasiirka maaliyadda Abdullah Hamduk, wasiirka arrimaha gudaha Ahmed Bilal Othman, wasiirka khayraadka biyaha iyo quwadda korontada.

    Wasaaradda shidaalka iyo midda macdanta ayaa la isku daray waxaana loo dhiibay Azhari Abdel Qader.

    Wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka difaaca iyo wasiirkii madaxtooyada ayaa iyagu xilalkoodii sii haya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Wasiirrada ayaa la dhaarinayaa Jimcahan.

    Ra'iisulwasaaraha cusub ee Suudaan Mohamed Osman Yousif Kiber ayaa la dhaariyay 10kii Sabteembar, maalmo uun ka dib markii la eryay ninka uu badalay.
    Image caption: Ra'iisulwasaaraha cusub ee Suudaan Mohamed Osman Yousif Kiber ayaa la dhaariyay 10kii Sabteembar, maalmo uun ka dib markii la eryay ninka uu badalay.
  4. Madaxweynaha Kenya oo diiday in canshuur kordhinta dib loo dhigo

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa diiday in uu sixiixo qorshe ay soo jeediyeen baarlamaanka, kaas oo labo sano dib u dhigi lahaa in 16% canshuurta lagu kordhiyo shidaalka, arrintaas ayaana caro baaxad wayn dhalisay.

    Madaxweynaha ayaa arrintan uga hadli doona khudbad uu jeedin doono galinka dambe ee maanta.

    Baarlamaanka ayaa hadda dib u eegi doona soo jeedintoodii hore, sida ku cad qoraal uu ku sixiixan yahay gudoomiyaha baarlamaanka Kenya Justin Muturi oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Canshuurta iibka ay ee shidaalka la dul dhigay ayaa la soo saaray bishan horraanteedii.

    Waa qayb ka mid ah dadaalka ay dawladdu ku doonayso in ay sare ugu qaaddo dhaqaalaha ay ka hesho canshuuraha, si ay dhaqaalaha u kabto isla markaasna ay ugu suuragasho in ay dayn ka hesho hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

    Kenyatta
  5. IGAD oo Gaarisa ku daahfurtay ol'olaha Tallaalka dabaysha

    Ol'ole tallaal oo uu soo abaabulay urur goboleedka IGAD ayaa maanta lagu daah guray magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

    Daahfurkan waxaa ka soo qayb galay wasiirrada dalalka ku midaysan urur goboleedka IGAD.

    Waa kuwan qaar ka mid ah sawirrada daahfurka.

    Gaarisa
    Gaarisa
    Gaarisa
  6. Xagay marayaan wadahadallada ONLF iyo Itoobiya

    Wadahadalladii u dhaxeeyay Jabhadda ONLF iyo dalka Itoobiya ayaa meel wanaagsan maraya, sida uu BBC-da u sheegay Caddaani Hiirmooge oo ah afhayeenka Jabhadda.

    "Waxaan isku afgaranay in aan galno wadahadallo ay daacad ka yihiin anaguna aan daacad ka nahay, isla markaasna laga hadlo waxa ay dadka Soomaaliyeed tabanayeen, ay u dagaalamayeen ee ay ku diidanaayeen Itoobiya," ayuu yiri Caddaani.

    Isaga oo waraysi dheer siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC ayuu afhayeenku sheegay in laga soo gudbay caqabaddii wakhtiga dheer hortaagnayd wadahadallada ee aqbalidda dastuurka ku saabsanayd.

    Dawladdu waxay ogoshahay in dastuurka dib loogu noqdo, qodobka aayo ka talinta, qodobka awood qaybsiga, qodobka xuquuqda dhulka, qodobka faderaalka iyo awooddiisa, qodobka gobollada iyo awooddooda, marka qodobbo badan baa dib u eegid lagu samaynayaa, jabhadihii dagaalamayayna in ay ka qaybqaadanayaan bay sheegeen. ayuu yiri Caddaani.

    Waraysiga oo dheer hoos ka dhagayso.

    View more on facebook
  7. "Qalab ay carruurtu ku ciyaarto oo dhagaxa kalyaha gala la isaga soo saari karo"

    Qalab ay carruurtu ku ciyaarto

    In aad raacdo nooc ka mid qalabka carruurta lagu ciyaarsiiyo ciidaha (roller-coaster) ayaa la isaga soo saari karaa dhagaxaanta kalyaha gala.

    Arrintaas ayaa ahayd gunaanadka ka soo baxay cilmi baarista sannadkan ku guulaystay abaalmarinta caafimaadka ee Ig Nobel Prize.

    Cilmi baareyaal Maraykan ah oo arrintan isku hawlay ayaa ku taliyay in dadka ay kalyahoodu dhagaxaanta ku jiraan ay si joogto ah u booqdaan goobaha maaweelada ee Soomaalida badankeed u taqaanno in carruuraha oo kali ah lagu ciyaarsiiyo.

    Abaalmarinta Ig Nobel ayaa lagu maamuusaa dadka ka guulgaara waxyaabo marka la maqlo lagu qoslo haddana dadka ku dhalisa in ay ka fikiraan arrintaas.

    Cilmibaaristan ayaa la billaabay sannado ka hor ka dib markii qof bukaan ah oo dalxiis ka soo noqday uu Borofaysar David Wartinger u sheegay in dhaqax uu ka soo dhacay markii uu raacay qalabka madadaalo ahaanta loo raaco oo buur saaran.

    Bukaanka ayaa ku xirnaa barafasoorkan oo ka hawlgala Michigan State University's College of Osteopathic Medicine.

    Qalab ay carruurtu ku ciyaarto
  8. Israa'iil oo soo afjaraysa gargaar ay siin jirtay shacab Suuriyaan ah

    Israa'iil ayaa soo af jaraysa hawlgal ay gargaar banii'aadminimo iyo dawayn ku gaarsiin jirtay shacab Suuriyaan ah oo ku sugan buuraha la haysto ee Golan Heights.

    Ciidammada Israa'iil ayaa sheegay in ay go'aankaas gaareen ka dib markii ciidammada dawladdu ay dib ula wareegeen gacan ku haynta Koonfurta galbeed ee Suuriya halkaas oo xad la leh dalka Urdun iyo buuraha lahaysto ee Golan Heights.

    Ciidammadu waxay sheegeen in shantii sano ee ay gargaarkaas wadeen ay isbitaallada Israa'iil ku daweeyeen ku dhawaad shan kun oo ruux oo shacab Suuriyaan ah, toddobo kun oo kalana ay gargaar caafimaad ugu fidiyeen isbitaal deegaankaas ku yaalla.

    Shacabka Suuriya ayaa sidoo kale la siiyay cunto, dawooyin, teendhooyin, jananeetarro, shidaal iyo dhar.

  9. Maalqabeen 2 bilyan oo sadaqo ah bixinaya

    Madaxa shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa gargaar u bixinaya 2 bilyan oo doolar oo uu ku caawinayo dadka guryo la’aanta iyo iskuullo.

    Ninka ugu taajirsan dunida ayaa tallaabadan qaaday isaga oo Twitterka ku shaaciyay, wuxuuna sheegay in hay’addiisa samafalka ee mashruucan fulin doonto loo bixinayo Day One Fund.

    Bezos ayaa la sheegay in uu haysto dhaqaale ka badan 164 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, wuxuuna horay ula kulmay dhaleecayn ku saabsan in uusan wax badan ka gaysanin arrimaha gargaarka.

    Bernie Sanders oo ah Senater Maraykan ah ayaa dhaliilay xaaladda ay ku shaqeeyaan shaqaalaha ka hawlgala bakhaarrada Amazon.

    Bezos ayaa dadka Twitterka isticmaala waydiiyay talo ku saabsan sidii uu u adeegsan lahaa hantidiisa gaarka ah, dhaqaalihiisa ayaana sare u kacay ka dib markii ay kor u keceen qiimaha saamiyada Amazon isla markaasna la dhimay canshuurihii Maraykanka.

    Khamiistii ayuu sheegay in hay’adda “Bezos Day One Fund” ay dhaqaale ku kabi doonto hay’addaha aan ribix doonka ahayn ee haddaba caawiya qoysaska hoy la’aanta ah, islamarkaasna uu iskuullo u dhisi doono bulshooyinka uu soo galo dhaqaalaha yar.

    Amzon
  10. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo caalamka.

    Waa maalin Jimce ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 14 bisha Sabteembar sannadka 2018.

  11. Weerarkii lagu qaaday guriga Aadan Cadde oo loo nisbaynayo xog sirdoon oo khaldan

    Milateriga Maraykanka
    Image caption: Milateriga Maraykanka

    Wargayska The Guardian ayaa qoray maqaal uu kaga hadlayo ciidamo Maraykan iyo Soomali isugu jiray oo u dhacay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ”ayagoo ay dhici karto inay ku socdeen xog sirdoon oo khaldan”.

    Wuxuu sheegay in ciidankii guriga jabiyey uu la socday ugu yaraan “hal qof oo ajnabi ah”.

    Mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka ee Soomaaliya, oo si toos ah wax uga ogaa hawlgalkan ayaa isna sheegay in “”xog sirdoon oo khaldan ay jirtay intaan la qaadin iyo intii uu socday weerarka lagu qaaday guriga madaxweynihii hore”.

    Il-wareed ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wargayska u sheegay in “bartilmaameedka uusan ahayn guriga madaxweynihii hore, Aadan cabdulle. Kani wuxuu ahaa hawlgal ay qaadeen ciidan gaar ah oo Soomaali ah, waxaana la socday la taliyeyaashooda Ameerikaanka ah. Xoogaggaas waxay daba socdeen xubin ka tirsan koox argagixiso oo u cararay dhinaca guriga madaxweynihii hore, laakin ciidankaas waxay si khaldan u weerareen guriga oo qoyska ay ku nool yihiin” ayuu il-wareedkaas sheegay.

    Isla qofkaas wuxuu u sheegay wargayska in ra’iisul wasaare Khayre uu qoyska u sheegay in la baarayo arrinka, dhawaanna la sii deynayo 3 wiil oo dhallinyaro ah oo la kaxaystay.

    Gaashaanle Karl Weist oo ah afhayeenka taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa u sheegay wargayska The Guardian in ciidanka Ameerikaanka uu doorkoodu yahay "la talin iyo caawin", ayna bahwadaag kula yihiin ciidanka Soomaalida sidii loo kala dhantaali lahaa oo loo wiiqi lahaa hawlgallada Al Al Shabaab ee “Wagaante” oo halkaa u dhow, oo uu ula jeeday deegaanka Waagaade, habeennimadii 4 Siteembar 2018.

    “Hawlgalka waxaa lagu bartilmaameedsanayey shabakadda qaraxyada ee Al Shabaab. Ciidanka Maraykanka kaalintooda waa kaalmo kaliya” ayuu yiri.

  12. Rag hubeysan oo Nigeria ku dilay dad shaneemo u socday

    Nigeria

    Rag hubeysan ayaa cabbado ku furay dad isu soo baxay oo ku sugnaa waqooyiga dalkaasi, kuwaas oo shaneemo u socday, waxayna dileen ugu yaraan 11 qof halka ay dhaawaceen 2o kale, goobjoogayaasha iyo ilaha isbitaalka ayaa sidaasi u sheegay BBC.

    Weerarka ayaa waxaa Arbacadii gobolka waqooyi-galbeed dalkaasi ku yaalla ee Zamfara ka fuliyay burcad laga shakisan yahay.

    Goobjoogayaal ayaa sheegaya in kuwa weerarka soo qaaday ay lug ku yimaadeen xaafadda Badarawa. Kaddibna waxay u jiheysteen hoolka xaafadda oo loo ayqaanno halka wax lagu daawado, halkaas oo dadka deegaanku ay isugu soo ururaan habeenkii si ay filin ama cayaaro ugu daawadaan.

  13. Faransiiska oo qiranaya inuu gacan ka geystay jirdil Algeria ka dhacay

    Algeria
    Image caption: Maurice Audin (oo sawirkan laga qaaday 1950) ayaa la jirdilay kaddib markii loo xiray inuu magan geliyay maleeshiyaad hubeysan

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa qiranaya in dalkiisa uu sameeyay hannaan horseeday jirdil dhacay xilligii ay Algeria u dagaallameysay xornimadeeda 60 sano kahor.

    Inkastoo janaraallada Faransiiska ay hore u xaqiijiyeen in mucaaradka la jirdilay muddadii dagaalkii siddeedda sano socday, waxay noqoneysaa markii ugu horreeyay ee madaxweyne Faransiis ah uu qirto in dalkaasi uu wax ku lahaa tacaddiyadii Algeria ka dhacay.

    Qirashadiisa ayaa ku soo aadeysa xilli uu booqanayo haweeneydii uu ka tegay Maurice Audin, oo lagu waayay waxa loo ayqaanno Dagaalkii Algiers sanadkii 1957.

    Baarayaasha ayaa sheegaya in Audin, oo ah barafasoor maaddada xisaabta ka dhigi jiray Jaamacadda a Algiers una dhaqdhaqaaqi jiray xornimada, ayaa maalmo badan la jirdilay kaddib markii gurigiisa lagu xiray, isagoo looga shakiyay inuu hoy geliyay maleeshiyaad hubeysan.

    Haweeneyda uu ka tegay, Josette, ayaa loo sheegay inuu baxsaday xilligii la musaafurin rabay, inkastoo la rumeysan yahay in la daldalay.

    Madaxweyne Macron, oo ah madaxweynihii ugu horreeyay ee dhasha dagaalka kaddib, ayaa sidoo kale ku dhawaaqi doona furidda keydad la xiriira dagaalka.

  14. Itoobiya oo noqotay waddanka koowaad ee caalamka ee dadka ugu tirada badan ay dalka gudihiisa ku barakaceen

    Itoobiya

    Xarunta caalamiga ah ee dabagalka barakacayaasha dalka gudihiisa (IDMS) ayaa waxay sheegtay in lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2018-ka oo keli ah inay dad aad u tira badan dalka gudihiisa ku barakaceen.

    1.4 milyan oo qof oo colaadda Itoobiya ka dhacay ku barakacay ayaysan dowladdu waxba u qaban.

    Madaxa hay`adda NRC ee gobolka Nigele Tirics wuxuu sheegay in xukuumadda Addis Ababa aysan ahmiyad siin dhibaatada dalka gudihiisa ka taagan, beesha caalamkana ay indhaha ka qabsadeen.

    Dadka ugu badanna waxay ku barakaceen colaaddii ka dhex dhacday beelaha Oromada iyo Soomaalida, Geedio iyo Guji, iyadoo dadka ku barakacay dagaallo beeleedyadaasi ay kor u dhaafeen 1.4 milyan oo qof.

    Barakacayaasha ayaa doonaya inay deegaannadii ay ka soo qaxeen dib ugu noqdaan, balse dhibaatada taagan ayaa waxay tahay ayuu yiri Mr Trics, dadka oo fara maran, hoyna uusan ka horreyn noqoshadooda inay dhibaata kale u horseedeyso.

  15. Baroor-diiqa Kofi Annan oo Accra ka socota

    Kofi Annan

    Dad baroor-diiqaya oo ku lebisan dhar dhaqameed madow ah iyo dhar guduud ah ayaa buuxiyay hoolka weyn ee Xarunta Shirarka Accra, halkaas oo qaadda ilaa 4,000 oo qof.

    Dad kale ayaa tubnaa bannaanka hoolka, iyagoo munaasabadda ka adawanayay shaaashad weyn.

    Dadkan ayaa halkaasi u joogay weyneynta Xoghayihii Hore ee Guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan oo geeriyooday bishii la soo dhaafay.

    Dad sharafeed ka kala yimid adduunka, ayna ka mid yihiin madaxweynaha dalka Ivory Coast Alassane Ouattara iyo Xoghayaha Guud ee QM António Guterres.

  16. Ciidammada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya oo weerarro cirka ah ka fuliyay duleedka Muqdisho

    Alshabaab

    Xoogagga Mareykanka ayaa iyagoo taageero ka helay kuwa Soomaaliya 11-kii bishan duqeymo cirka ah ka fuliyay xaafadda Mubaarak, oo qiyaastii 37 mile dhanka galbeed kaga began magaalada Muqdisho. Howlgalkan ayaa ahaa mid ka dhan ah Alshabaab.

    Duqeymahan ayay ciidamada isbahaysanaya fuliyeen, kaddib markii weerar lagu soo qaaday, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidammada Mareykanka ee Afrika.

    Taliska ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen labo qof, halka uu mid kalena ku dhaawacmay. Ma jiraan wax shacab ah oo kahsaaro uu ka soo gaaray weerarka sida war-saxaafadeedka lagu sheegay.

  17. Burundi oo dalkeeda ka eriday khubarada QM

    Burundi

    Wixii ka billowday Arbacadii ay bishan 12 ahayd, xukuumadda Bujumbura waxay dalkeeda ka mamnuucday Doudou Diene, Lucy Asuagbor iyo Francoise Hampson.

    Dadkaas dhammaantood waxay xubno ka yihiin guddiga baarista Qaramada Midoobay ee dalka Burundi.

    Xukuumadda ayaa ku eedeysay inay Burundi ka soo saareen warbixin "qadaf iyo been abuur ah".

    Waxay ku gacan sayrtay xukuumaddu warbixintaas, oo ay ku tilmaantay "mid ka dhan ah xaqiiqda dalka ka jirta".

    Warbixinta oo la soo saaray 5 September ayaa ku eedeysay hay`adaha dowladda ee uu ka midka yahay xafiiska madaxweynaha "abuurid nacayb iyo xadgudubyo".

  18. Weerarkii saddexaad oo toddobaad gudihii lagu qaaday ciidanka Nigeria

    Nigeria

    Ciidanka Nigeria ayaa sheegay in dagaal-yahannada Boko Haram ay weerareen saldhig milatari oo ku yaalla waqooyi bari dalkaasi.

    Wararka ayaa sheegaya in habeenkii Arbacada ay maleeshiyaadka sida aadka ah u hubeysan ay galeen saldhigga milatari oo ku yaalla magaalada Damasak ee gobolka Borno.

    Ciidammada ayaa iyagana ka ajwaabay weerarkaasi, iyagoo xabbado is dhaafsaday, taas oo socotay dhowr saacadood.

    Lama faahfaahin khasaaraha ka dhashay.

    Weerarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee ugu weynaan ee ay maleeshiyaadku fuliyaan muddo toddobaad gudihiisa ah.

    Firqo ka tirsan Boko Haram oo lagu magacaabo Gobolka Islaamka ee Galbeedka Afrika (Iswap) ayaa sheegay in dagaal-yahannadooda ay labadii weerar ee kan horreeyay ku dileen dhowr sarkaal oo Nayjeeriyaan ah.

    Labada firqo ee Boko Haram ayaa bilihii la soo dhaafay weerarro fulinayay, oo ay badankood ku beegsanayaan milatariga, iyagoo la wareegaya hub khasaaro baahsanna u geysanaya ciidamada.

    Waxaa jira walaac laga qabo ammaanka, xilli ay Nigeria isu diyaarineyso doorasho guud bisha Febraayo ee soo socota.

    Boko Haram ayaa ku biirtay Islamic State sanadkii 2015 iyagoo magaca Dowladda Islaamka ku jooga Gobolka Galbeedka Afrika.

    Balse firqo ka tirsan Boko Haram ayaa isaga baxday isbahaysigaasi sanadkii 2016 kaddib markii ay soo wajahday xasarado dhanka hoggaanka ah.

    K

  19. Cali Gacal Casir oo "xilka laga qaaday"

    Galmudug
    Image caption: Cali Gacal Casir, guddoomiyihii xilka laga qaaday

    Baarlamaanka Galmudug ee ku shirsan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay goor dhow xilka ka qaadeen guddoomiye Cali Gacal Casir, sida uu shaaciyay guddoomiye ku xigeenka koowaad Xareed Cali Xareed oo shirka guddoominayay.

    Madasha ayaa waxaa fadhiyay 147 xildhibaan. Waxaa xil ka qaadista Cali Gacal u codeeyay 146 xildhibaan, halka hal xildhibaanna uu ka aamusay.

  20. Nin Australian ah oo loo haysto in uu sumeeyay 137 gorgor

    Gorgor

    Nin ayaa dacwad lagu soo oogay ka dib markii ay dhinteen 137 gorgor oo ku sugnaa gobolka Victoria ee dalka Australia.

    Masuuliyiinta ayaa arkay maydadka gorgorradan bishii Abriil ee sannadkan arrintaas oo horseeday in ay askartu hawlgallo ka fuliso guryo kala duwan.

    Ninkan ayaa lagu eedeeyay in uu dilka u adeegsaday sun uu mariyay waxyaabo uu cuno gorgorka, wuxuuna arrintaas waday tan iyo bishii Oktoobar ee 2016kii.

    Masuuliyiinta ayaa arrintaas ku tilmaamay middii ugu baaxadda waynayd ee looga shakiyo gorgor la laayo ee ay abid arkaan.

    Masuuliyiinta ayaa horay u sheegay in laga yaabo in ay intan ka badan yihiin tirada shinbiraha ku dhintay sumayntaas.

    Dilka nooc ka mid ah gorgorka ayaa lagu mutaystaa $7,928 oo doolarka Australi ah oo ganaax ah oo u dhiganta 5,700 oo doolarka Maraykanka ah iyo ugu yaraan lix sano oo xarig ah, marka la fiiriyo sharciga dalka Australia, haddii uu dilku hal ka batana intaas wixii ka dambeeya mid kaste $792 oo doolarka Australi ah ayaa la bixiyaa.

    Gorgor