Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Britain oo safaarad ka furanaysa Jabuuti

    Jeremy Hunt wuxuu doonayaa inuu xoojiyo xiriirka arimaha dibadda
    Image caption: Jeremy Hunt wuxuu doonayaa inuu xoojiyo xiriirka arimaha dibadda

    Britain ayaa qorshaynaysa in ay shaqaaleysiiso ilaa 1,000 qof oo diblomaasiyiin ah, ayadoo doonaysa inay ballaariso xiriirka ay la leedahay dalalka dunida, ka dib marka ay ka baxdo midowga Yurub, sida uu Arbacadii sheegay xoghayaha arrimaha dibadda, Jeremy Hunt.

    Talaabadan ayaa keenaysa in la abuuro 12 xafiis oo hor leh, safaarado ama ergooyin, waxaana ku jira safaarad cusub oo Britain ay ka furanayso Jabuuti.

    Waxaa kale oo xafiiska ay ku leeyihiin dalka Chad laga dhigi doonaa safaarad buuxda.

    Kunka diblomaasi ee cusub ayaa 335 ka mid ah waxay ka shaqayn doonaan dibadaha, halka 328na uu saldhigoodu ahaan doono xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee magaalada London, ayadoo 329na ay noqon doonaan shaqaale cusub oo laga qoro dunida oo dhan.

    Britain waxay xoogga saari doontaa shaqaale ku hadla luqadaha looga hadlo dalalka ay doonayso inay xoojiso cilaaqaadka ay la leedahay.

  2. Janaraal howlgab ah oo maydkiisa laga helay magaalo ku taalla Nigeria

    .

    Maydka janaraal howlgab ahaa oo la la’aa in muddo ah ayaa laga helay goob bohol ah.

    Janaraal Idris Alkali ayaa la waayay xilli 3-dii bishii September uu kaligiisa u safrayay magaalada Abuja isagoo markaasi kasoo baxay gurigiisa oo ku yaalla Bauchi.

    Baaburkii uu watay waxaa bil ka hor laga helay duleedka magaalada Jos.

    Afahayeen u hadlay militariga Nigeria ayaa sheegay in maydka janaraalka lagu riday bohol ku taalla koonfurta Jos halkaasina ay kasoo qaadeen.

    Janaraal Alkali ayaa ahaan jiray taliyihii maamulka ciidammada militariga Nigeria.

    Wuxuu howlgab noqday kaddib markii 35 uu ciidaan ahaa.

  3. Haweeney loo doortay madaxa maxkamadda ugu sarreysa Itoobiya

    Meaza Ashenafi
    Image caption: Meaza Ashenafi

    Meaza Ashenafi oo ahayd qareen dhanka xuquuqda aadanaha ayaa loo doortay haweeneydii ugu horreysay oo madaxa ka noqoto maxkamadda ugu sarreyso Dowladda Federaalka ee Itoobiya.

    Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa soo magacaabay ,Meaza , xildhibaanada baarlamaanka ayaa ansixiyay inay hoggaanka u qabato maxkamadda ugu sarreyso Itoobiya.

    Waxaa maalimihii ugu dambeeyay dalka Itoobiyay qaar kamid ah xilalka ugu sarreya la siiyay haweenka dalkaasi.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Sahle-Work Zewde loo doortay haweeneydii ugu horreysay oo dalka Itoobiya Madaxweyne ka noqota.

    Meaza ayaa sannadkii 1995-tii bilaawaday urur ay ku mideysan yihiin haweenka qareenada dalka Itoobiya, ka hor intaasi, waxay ahayd garsoore ka tirsan maxkamadda sare isla markaasna waxay ka qayb qaadatay qoritaankii dastuurkii cusbaa ee Itoobiya sannadihii sagaashamaadkii.

    Warbaahinta FANA ayaa barta Twitter-ka soo gelisay markii Meaza Ashenafi xilka loo dhaarinayay.

    View more on twitter
  4. Farmaajo: Dowlad Goboleedyada iyo Salva Kiir maxaa ka dhexeyn karaa?

    Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa xalay mar uu caasimadda Suudaanta Koonfureed kula hadlayay jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi wuxuu ka hadlay khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

    “Su’aasha waxay tahay, madaxweyne Salva kiir haddii aad la fadhiisato,adiga iyo Salva Kiir maxaa idiin ka dhexeeya? Maxaad kala saxiixan kartaan adigu Dowlad Goboleed ayaad tahay?” ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Farmaajo.

    Farmaajo ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay dowladda federaalka u gacan dhaafaan arrimaha siyaasadda dibadda, oo ay gabeen howshoodii loo igmaday.

    “ Haddii ay noqoto in adeegii gaarsiiyaan haddey tahay waxbarasho, caafimaad......haddii ay tahay in canshuuraha uruuriyaan” ayu yiri Farmaajo.

    Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa imanaya iyadoo dhawaantan uu gogol ugu fidiyay madaxda maamul goboleedyada dalka si ay wadaxaajood ugu dhammeeyaan khilaafka soo kala dhexgalay.

    Maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay faragelin ku hayso arimahooda gudaha, isla markaana ay ka soo horjeeddo nimaadka federaaliga ah.

    Madaxweynaha ayaa dalka Suudaanta Koonfureed u tegay inuu ka qeyb galo heshiiska nabadeed ee lagu soo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka koobaad ee dalkaasi Riek Machar.

    View more on facebook
  5. Dalka Kenya: Soomaali ka cabaneysa dhul laga boobay

    Bulshada Soomaalida ah ee ku nool magaalada Naivasha ee dalka Kenya ayaa waxa ay ka cabanayaan in lagu haysto oo qeyb badan oo ka mid ah la boobay dhul ballaaran oo uu ku wareejiyay gumeystihii Britain inta aanay Kenya ka qaadan xorriyadda.

    Bulshadaasi ayaa laga faramarooqsaday inta badan dhulkaasi oo waxaa degay dadka deegaanka kuwaasi oo inta u soo hartay ku haystaba.

    Waxa ay arrintu ku sii cuslaatay markii ay maqleen in dowladda Kenya ay qorshaynayso in dhulkooda ay guryo uga dhisi doonto dadka uu soo galo dakhliga yar, markaas oo ay dibadbaxyo magaalada ka sameeyeen.

    Haddaba Bashkas Jugsodhacay ayaa booqday dhulkaasi oo waxa uu la kulmay madaxda Soomaalida ee halkaas kaddibna warbixintan ayuu ka diyaariyay.

    Video content

    Video caption: Soomaalida ku nool Naivasha oo ka cabanaysa in laga boobayo dhul ballaaran

    Sawirro: Soomaalida ku nool magaalada Naivasha ee dalka Kenya

  6. Dood ka dhalatay askari hubaysan oo kasoo dhex muqday fasal ardey imtixaam ay ku samaynayeen dalka Kenya

    Sawir laga soo qaaday askari hubaysan oo ku sugnaa fasal ardeyda ay imtiximaan ku galayeen ayaa dood ka abuuray gudaha dalka Kenya halka dad badan ay mas’uuliyiinta waxbarashada ku dhaleeceenayaan sababta ay ugu ogolaadeen askariga inuu galo fasalka.

    Ardeyda dugsiyada hoose ee dhexe ee dalka Kenya ayaa u fadhiya imtixaanadii ugu dambeeyay ay kusoo afjarayaan waxbarashadooda shahaadiga iyadoona saraakiisha waxbarashada ay dhaqan gelinayaan tallaabooyin looga hortaggayo qishka taaso dhibaato wayn ka ah dalka Kenya.

    View more on twitter

    Ma kala cadda in istraatiijiyadda ay kamid tahay in askar hubaysan ay ilaaliyaan ardeyda imtixaanada samaynaya.

    Qaar kamid ah waaliddiinta dalka Kenya ayaa qabaa in ciidammada ay dusha kala socdaan fasalada ay ardeyda imtixaanada ku samaynayaan balse laga iska ilaaliyo in carruurta la handdado.

    Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa booqasho lama filaan ah ku tegay mid kamid ah Iskuulada ku yaalla magaalada Nairobi, wuxuuna bartiisa Twitter-ka soo geliyay sawirrada.

    View more on twitter
  7. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka. Waa maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 1 bisha Nofembar sannadka 2018.

  8. Post update

    Tebinta tooska ahayd intaasi ayay inooga dhan tahay halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka. Mahadsanidiin.

  9. 'Doontii ay qarxiyeen ciidammada Midowga Yurub aniga ayaa iska lahaa'

    Xoogagga midowga Yurub ee la dagaallanka burcadeedda Soomaaliya ayaa sheegay in Isiintii ay qarxiyeen doon ay leeyihiin burcadeed Soomaaliyeed, taasoo weerartay Markab sitay calanka Hong kong.

    Waxay intaas ku dareen in aysan jirin cid ay u xireen falkaas oo ay ku sheegeen burcadeednimado, waxayna sii daayeen fiidiyow muujinaya doon aysan cidina saarnayn oo ayadoo biyaha dul sabbaynaysa la qarxiyey.

    Maxamed Abuukar Xasan oo ah milkiilaha doontaas ayaa BBC u sheegay in "ciidankaas ay jiiteen doonta, waxayna sheegeen in ay soo baarayaan, ka dibna ay soo celinayaan, "waxaase noogu xigtay in aan BBC ka maqalnay in doontii la qarxiyey".

    Faahfaahinta halkan ka akhri;

  10. Mareykanka oo ugu baaqay Sucuudiga inuu joojiyo dagaalka uu ka wado Yemen

    Diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo waxay horseedeen waxyeellenta dadka shacabka
    Image caption: Diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo waxay horseedeen waxyeellenta dadka shacabka

    Mareykanka ayaa ku baaqay is deg deg ah loo joojiyo dagaallada ka taagan dalka Yemen kuwaaso dhaliyay xaaladdii banii’aadnimada ee ugu xumayd dunida.

    Xoghayaha difaaca Mareykanka James Mattis ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku hayo colaadda Yemen in 30 maalmood ee soo socda gudahood ay heeshiis nabadeed gaaraan.

    Dhanka kale,xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa ka codsaday Sucuudiga inuu joojiyo duqaymaha dhanka cirka ah oo ku beegsanayo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta gaar ahaan deegannada ay dadka ku badan yihiin.

    Mareykanka ayaa lagu haya cadaadis ah inuu joojiyo taageerada uu siinayo isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaamiyo ee duqaymaha ka wado Yemen.

    Khubarrada ka tirsan laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka waxay sheegeen in diyaaradaha dagaalka isbahaysiga uu Sucuudiga horkacayo ay dambiyo dagaal ka gaysteen halkaasi.

  11. Faransiiska: Cunaqabatayn ayaan kusoo roggeynaa dadkii ka dambeeyay dilka Khaashogji

    Faransiiska wuxuu sheegay in Sucuudiga uusan raadinaynin dadkii mas'uulka ka ahaa dilka weriye Jamaal Khaashogji.

    Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska,Jean-Yves Le Drian wuxuu sheegay in caddeymaha ku saabsan dilka weriyaha laga doonayo Sucuudiga inuu soo bandhigo.

    Wuxuu sheegay Faransiiska wuxuu cunaqabatayn kusoo rogi doonaa dadka ka dambeeyay dilka Khaashogji.

    Dacwad oogaha guud ee Sucuudiga ayaa ku sugan qunsuliyadda Istanbul halkaas uu wadahadallo kula qaadanayo mas'uuliyiinta Turkiga. Waxaa lagu soo warramaya in uu diiradda saarayo waxa saraakiisha Turkiga ay ka ogyihiin dhacdada lagu dilay Khaashogji.

  12. Baanka Adduunka iyo dowladda Soomaaliya oo maanta heshiis kala saxiixday

    Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo agaasime goboleeda Baanka Adduunka
    Image caption: Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo agaasime goboleeda Baanka Adduunka

    Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Baanka Adduunka ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday heshiiska deeqdii lacageed ee dhawaantan loogu deeqay Soomaaliya. Lacagtan oo gaaraysa 80 milyan oo doolar ayaa 60 milyan oo kamid ah waxa loo qoondeeyay mashaariicda dibu qaabaynta hay’adaha maaliyadda ee dalka Soomaaliya, iyadoo 20 ka milyan ee kale loo qorsheeyay mashruuca awood siinta hay’adaha maaraynta dakhliga gudaha.

    .

    Saxiixa heshiiskan oo ka dhacay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa dhinaca Dawladda waxa u saxiixay wasiirka maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, dhinaca Baanka Aduunka waxa u saxiixay agaasime goboleedka.

    Lacagtan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee Baanka Adduunka uu siiyo Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay Dawladdii Dhexe 1991 kii. Baanka Adduunka ayaa wadashaqayntii uu la lahaa dawladda Soomaaliya soo celiyay 2013 kii.

  13. Booliska Nigeria oo xabsiga u taxaabay boqolaal kamid ah Shiicada dalkaasi

    Baabuur ay booliska leeyihiin ay dab lagu qabadsiiyay rabshadaha iyadoona ay socdeen dibadbaxyo rabshado watay oo ay wadeen taageerayaasha Shiicada Nigeria
    Image caption: Baabuur ay booliska leeyihiin ay dab lagu qabadsiiyay rabshadaha iyadoona ay socdeen dibadbaxyo rabshado watay oo ay wadeen taageerayaasha Shiicada Nigeria

    Booliska dalka Nigeria waxay sheegeen inay xabsiga dhigeen 400 oo kamid ah Shiicada dalkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay dibadbaxyo ka dhigayay magaalada caasimadda ah ee Abuja.

    Booliska waxay sheegeen in dadka aaminsan madhabta Shiicada ee taabacsan dhaqdhaqaaqa Shiicada ee Iiraan ay haystaan hub halis ah oo gaarayo 31.

    Kooxda Shiicada Nigeria waxay dibadbaxyada ku codsanayaan in xabsiga laga soo daayo hoggaamiyahooda Ibraahim Zakzaky oo ay dowladda xirtay sannadkii 2015-kii kaddib markii lagu eedeeyay inuu hurinayay qalalaase.

    Militariga Nigeria waxay xaqiijiyeen in ciidammada ay toogteen saddex qof oo kamid ah dadka dibadbaxa dhigayay isla markaasna waxay ku eedeeyeen inay gaysteen rabshado khasaare dhaliyay.

    Kooxda Shiicada ee dalka Nigeria waxay sheegeen in 50 xubnood ay ciidammada ka dileen xilliggii ay mudaaharaadyada wadeen.

    Dadka u dooda xuquuqul insaanka waxay sheegeen in 300 xubnood oo ka tirsan Shiicada Nigeria la toogtay xilliggii ay militariga wadeen howlgalada.

  14. Suudaanta Koonfureed oo lagu xusayo maalinta nabadda

    Hoggaamiyaha mucaaradka Suudaanta Koonfureed Riek Machar oo maanta si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Juba
    Image caption: Hoggaamiyaha mucaaradka Suudaanta Koonfureed Riek Machar oo maanta si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Juba

    Suudaanta Koonfureed, kumannaan shacab ah ayaa isugu uruuray fagaaraha xoriyadda ee ku yaalla magaalada Juba si ay u xusaan maalinta nabadda.

    Mar sii horreysay hoggaamiyaha mucaaradka Suudaanta Koonfureed Riek Machar ayaa dib ugu laabtay Juba kaddib labo sanno uu halkaasi ka maqnaa.

    Hoggaamiyeyaasha gobolka oo ay kamid yihiin madaxweyneyaasha Itoobiya, Soomaaliya, Uganda iyo Suudaan ayaa ka qayb galaya munaasabad lagu xusayo xabad joojinta ay gaareen mucaaradka iyo dowladda Suudaanta Koonfureed.

    Howlgalka Qaramada Midoobey ee South Sudan ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawirrada munaasabadda xuska nabadda.

    View more on twitter
  15. Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Suudaanta Koonfureed

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa gaaray caasimadda Juba ee Suudaanta Koonfureed si ay uga mid noqdaan mas’uulyiinta soo dhawaynaysay hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar oo muddo labo sanno ah dalkaasi dibadda uga maqnaa.

    Suudaanta Koonfureed waxay maanta u dabaaldegaysaa maalinta nabadda, labo ka hor ayay ahayd markii madaxweyne Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ay kala saxiixdeen heshiis xabad joojin ah oo lagu soo afjarayo colaadda shano sanno jirsatay ee dalkaasi ka taagnayd.

    Raadiye ay Qaramada Midoobay leedahay ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawir madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Juba isagoo uu barbar taagan yahay madaxweynaha Suudaanta Koonfureed.

    View more on twitter
  16. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka. Waa maalin Arbaca ah oo ay taariikhdu tahay 31 bisha Oktoobar sannadka 2018.

  17. Post update

    Tebinta tooska oo saaka inoo soo bilaabatay intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.

  18. Hoggaamiyaha Jarmalka oo ku baaqday in la maalgashado qaaradda Afrika

    Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame (Bidix) Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel (Dhexda) iyo madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa (Midig) oo ku sugan shirka ka furmay magaalada Berlin
    Image caption: Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame (Bidix) Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel (Dhexda) iyo madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa (Midig) oo ku sugan shirka ka furmay magaalada Berlin

    Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa ugu baaqday shirkadaha caalamiga ah inay maalgashadaan qaaradda Afrika.

    Waxay sheegtay in dhaqaalaha qaaradda uu si wayn u kobcaya,Angela Merkel ayaa hadalkan ka sheegtay furitaanka shirka maalgashiga ee Berlin halkaaso ay ku sugan yihiin qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Afrika.

    Waxay ka shanqarisay baahida loo qabo in xiriir ganacsi oo xor ah lala yeesho Afrika.

    Hadalka Merkel ayaa imaanaya xilli Jarmalka uu doonayo inuu ka hortaggo muhaajiriinta badan ee Afrikaanka ah ee dalkaasi ku qulqulayo.

    Ka hor shirka, wasiirka horumarka ee Jarmalka wuxuu sheegay inay maalgelin doonaan beeraha,waxbarashada iyo xarumaha caafimaadka ee Afrika.

  19. Dabley hubaysan oo maanta dad ku toogtay inta u dhexeeysay Muqdisho iyo Afgooye

    Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in Shan qof lagu dilay maanta waddada isku xirta magaaloyinka Muqdisho iyo Afgooye.

    Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeelaha hoose ayaa BBC-da u sheegay in dabley hubaysan ay baabuur kala dageen dad shacab ah isla markaasna ay goobta ku toogteen 5 qof.

    Dableyda ayaa fasaxay darawalkii waday baabuurka dadka la dilay ay wateen.

    Dadka qaar ayaa ka yimid Afgooye halka qaarkoodna ay ka yimaadeen degaanka Walanwaleyn.

    Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in raggii dilka gaystay ay goobta ka baxsadeen isla markaasna ayaa baaritanno wadaan.

  20. Shiicada Nigeria oo markale dibadbaxyo dhigay

    Dibadbaxyo kale ayay maanta ka dhigeen magaalada Abuja
    Image caption: Dibadbaxyo kale ayay maanta ka dhigeen magaalada Abuja

    Boqolaal kamid ah Shiicada dalka Nigeria ayaa markale dibadbaxyo ka dhigay waddooyinka caasimadda Nigeria ee Abuja kaddib markii dhawaan markii saddex qof oo Shiicada ka tirsan lagu dilay halkaasi.

    Ciidammada Nigeria ayaa suntan dadka ka ilimaysiisa ku furay dibadbaxyaasha si ay u kala eryaan.

    Dadka aaminsan madhabta Shiicada Nigeria waxay wadaan dibadbaxyo ay ku codsanayaan in xabsiga laga soo daayo hoggaamiyahooda Sheikh Ibraahim Zakzaky oo muddo afar sanno ah xirnaa iyadoo aanan maxkamad lasoo joojin.

    Isniintii, militariga Nigeria waxay soo saareen bayaan ay ku xaqiijinayaan in saddex kamid ah Shiicada ay ku dhinteen rabshadaha halka afar ciidan ah ay ku dhaawacmeen.

    Militariga ayaa Sabtidii saddex qof oo Shiicada ka tirsan ku toogtay Abuja xilli ay dibadbaxyo dhigayeen.