Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Doorashooyinka deegannada Somaliland oo dib loo dhigay
  2. Senegal oo codsatay in loo soo celiyo farshaxanadii laga dhacay
  3. Baarlamaanka Soomaaliya oo kala diray guddiga miisaaniyadda

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Post update

    Tebinta tooska ahayd intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

  2. Madaxweyne Buhari oo booqday jiidda hore ee dagaalka

    Madaxweyne Buhari
    Image caption: Madaxweyne Buhari

    Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa booqasho maalin qaadaneyso ku tagey magaalada Maiduguri ee waqooy bari dalkaasi, halkaas oo ah goobtii ay kasoo faracmeen ururka Booko Xaraam.

    Madaxweynaha wuxuu la hadlay ciidammada dagaalka kula jiro kooxda Bookoo Xaraan ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka.

    Booko Xaraam ayaa argagax ku haysaa shacabka ku nool waqooy bari dalkaasi.

    Buhari wuxuu sidoo kale booqday ciidammada dhaawac ah ee lagu daweynayo saldhig militari oo ku yaalla magaalada Maiduguri.

    Booqashada Buhari ayaa imaaneysaa xilli dhawaan kooxda Booko Xaraam ay weerar ku qaadeen saldhig militari oo ku yaalla magaalada Metele halkaas oo ay ku dhinteen 40 askari.

  3. Ninkan wuxuu gudaha kasoo garaacay naxashkii loogu waday qabriga

    .

    Dadka ku nool xaafad ku taalla dalka Itoobiya ayaa u dabaal dagaya wax u eg "qof dib u soo noolaaday" ka dib markii nin lagu tiriyay dhimasho uu soo kacay isagoo aaskiisa lagu guda jiro.

    Hirpha Negero, oo ah aabe dhalay shan carruur ah ayaa lagu dhawaaqay inuu geeriyooday maalintii Talaadada ahayd, abaare 10:30 barqanimo ee xilliga dalkaas.

    Sida uu qabo xeerka dhaqan ee maxalliga ah, oo looga dhaqmo xaafadda ka tirsan degmada Sibu Sire ee bartamaha gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, rasaas ayaa labo jeer kor loo riday, taasoo lagu xaqiijinayay geeridiisa isla markaana dadka xaafadda loogu sheegayay iney aaskiisa ka soo qeyb galaan.

    Saacad gudaheed, Etana Kena'a oo ah ninka xaafadda u qaabilsan howlaha qabriyada ayaa naxash dhex galiyay Mr Hirpha wuxuuna u diyaariyay in la aaso isla galinka dambe ee maalintaas.

    Faahfaahinta halkan ka akhri.

  4. Madaxweynaha Afqanistaan: Waxaan soo gabagabeynay qorshaha wadahadallada Taalibaan

    Madaxweynaha Afqanistaan, Ashraf Ghani
    Image caption: Madaxweynaha Afqanistaan, Ashraf Ghani

    Madaxweynaha Afqanistaan Ashraf Ghani ayaa sheegay in dowladdiisa ay soo gabagabeeysay qorsheyaal wadahadallo nabadeed ay kula yeelaneyso ururka Taalibaan.

    Ashraf Ghani oo ka hadlayay shirka Qaramada Midoobey ee ka socday magaalada Geneva wuxuu sheegay in la sameeyay koox ka kooban 12 xubnood oo wadahadallada nabadeed la geli doono ururka Taalibaan.

    Waxayna wadahadallada noqon doonaan kuwo ku saleysan dimuqraaddiyadda iyo Isfahan labada dhinacba.

    Wuxuu sheegay in arrimaha nabadda ay muhiim u tahay doorashada xigta ee dalkaasi ka dhici doonto.

    Ururka Taalibaan weli kama aysan hadlin hadalka kasoo baxay madaxweynaha balse horraan ay ku adkeysteen inay wadahadallo toos aha la yeelan doonaan Mareykanka balse aysan la geli doonin xukuumadda Afqanistaan.

  5. Baarlamaanka Soomaaliya oo kala diray guddiga miisaaniyadda

    War-saxaafadeed kasoo baxay baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la kala diray guddiga miisaaniyadda,maaliyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka ee baarlamaanka.

    Ujeeddada loo kala diray guddigan ayaa lagu sheegay in khilaaf uu ka dhex jiro guddiga maaliyadda baarlamaanka isla markaasna la baarayo iyo wada shaqeyn la’aan ka dhex taagaan xubaha guddigan.

    Warqadda kasoo baxday guddoonka golaha shacabka ayaa sidoo kale lagu sheegay in si deg deg ah loo soo magacaabayo guddi maaliyadeed oo cusub iyo in la qaban doono doorashada guddoon cusub.

    .
  6. Guddiga doorashooyinka Somaliland : Lama hayo kharashkii lagu qaban lahaa doorashada

    Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in aanay doorashadii baarlamaanka iyo tii dawladaha hoose ku qabsoomayn xiligii loo qorsheeyay oo ahaa 29 Marso 2019-ka.

    Guddiga waxay dibu dhaca doorashada ku sababeeyeen dhowr qodob oo ay kamid yihiin in aan wali la ansixin xeerkii doorashooyinka.

    Waxayna sidoo kale shegeen inaysan jirin kharashkii doorashada lagu gali lahaa ee ay bixin jiren deeqbixiyayaashu, Sidoo kalena uu jiro muran u dhexeeya iyaga iyo xisbiga Waddani oo sheegay in aanay ku kalsoonayn guddiga doorashooyinka.

    Balse guddiga dooraashooyinka ma aysan sheegin xilliga la qabanayo doorashooyinka.

  7. Senegal oo codsatay in loo soo celiyo farshaxanadii laga dhacay

    Madxafka cusub ee laga furayo Senegal
    Image caption: Madxafka cusub ee laga furayo Senegal

    Dowladda Senegal ayaa ka codsatay Faransiiska inay dib u soo celiyo dhammaan farshaxanadii laga dhacay dalkaasi ee hadda yaalla madxaf ku yaalla dalka Faransiiska.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay,warbixinno ay soo gudbiyeen khuburro loona gudbiyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu taliyay in dhammaan waxyaabihii taarikhiiga ahaa ee sida sharci darrada ah looga qaatay dalalka Afrika lagu celiyo dalalkii asal ahaan laga keenay.

    Hadalkan dowladda Senegal ayaa imaanaya xilli madfax cusub oo lagu ilaalin doono waxyaabaha dhaxal-galka u ah qaaradda laga furayo magaalada caasimadda ah ee Dakar.

    Wasiirka dhaqanka Senegal, Abdou Latif Coulibaly ayaa BBC-da u sheegay inuu soo dhaweynayo hadalka madaxweynaha ah in dib loo soo celinayo dhammaan farshaxanadii laga dhacay dalkaasi.

  8. Doorashooyinka deegannada Somaliland oo dib loo dhigay

    Sawir hore
    Image caption: Sawir hore

    Guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay dib u dhigeen xilligga la qaban lahaa doorashada deegannada.

    Balse guddiga ma aysan sheegin wakhtiga la qabanayo doorashada Somaliland.

    Waxa ay sheegeen in doorashada golaha deegaanka la qaban doono wakhti kale oo aanan hadda la shaacin.

    Wixii faahfaahin ah halkan ayaan idiin kuugu soo gudbin doonaa.

  9. Post update

    Kulanti wacan oo waangasan akhyaarta halka nagala socotaay, kusoo dhawaada tebinta tooska oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Arbaco taarikhda waxay ku beegantahay 28 bisha Nofembar sannadka 2018-ka.

  10. 'Xaaskaaga oo aad la qabato howsha guriga waxay ka hortaggeysaa khilaafka qoyska'

    Jean Pierre,oo 32 jir ah waxay ku nooshahay tuulada Mwulire ee bariga dalka Rwanda
    Image caption: Jean Pierre,oo 32 jir ah waxay ku nooshahay tuulada Mwulire ee bariga dalka Rwanda

    Barnaamij looga golleeyahay xallinta khilaafaadka qoyska soo dhexgala oo laga hergeliyay dalka Rwanda waxaa uu ragga baraya sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen cunta karinta iyo nadaafadda guriga taaso ah howl inta badan ay qabtaan haweenka.

    Darasaad dhawaan lasoo saaray ayaa muujinaysaa in arrintaasi ay qeyb qaadan karto xallinta dhibaatoyinka ka dhex jira qoysaska.

    Muhoza Jean Pierre wuxuu garaaci jiray xaaskiisa, wuxuuna u arkay sababta uu u guursaday inay ahayd inay carruur u dhasho oo kaliya ah.

    "Waxaan raacayay waddadii uu qaaday aabahay, aabahey shaqada guriga ma uusan qaban jirin" ayuu yiri Muhoza Jean Pierre.

    Wuxuu sheegay in xaaskiisa uu ku oran jiran 'inay asan wax qabsan karin' isla markaasna qoyskii ay kasoo jeeday ay dib ugu laabato.

    Balse wuxuu sheegay in xilliggaasi ka dib ay noloshiisa wax iska baddaleen, wuxuuna bartay sida guriga loo nadiifiyo iyo cunno karinta.

    Barnaamijka xallinta khilaafadka qoyska waxaa laga bilaabay tuulada Mwulire oo ku taalla bariga waddanka Rwanda, waxaana ragga lagu dhiiragelinaya inay qabtan howsha guriga oo ay kamid tahay inay hayaan carruurta oo ay ka qayb qaataan xannaaneyntooda, shaqadan inta badan waxaa qabta haweenka.

    Faahfaahinta halka ka akhri

  11. Ciidammada dowladda iyo Al Shabaab oo ku dagaallamay gobolka Hiiraan

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya waxay sheegayaan in barqanimadii maanta uu iska hor'imaad ka dhacay deegaanno u dhaxeeya tuulooyinka Hees iyo Madhooy oo ku yaalla bariga gobolka Hiiraan.

    Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo ka baxay Beledweyne kuna socday Maxaas ay is heleen ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

    khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayuu dagaalkaasi dhaliyay.

    Taliye ka tirsan ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay inay jirto dhimasho balse dhankooda waxa khasaare uusan kasoo gaarin dagaalka dhexmaray ciidammada dowladda iyo kuwa Al Shabaab.

  12. Mucaaradka iyo xukuumadda Itoobiya oo uu shir furmay

    Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maanta ka furmay shir ay leeyihiin mucaaradka iyo xukuumadda, waxaana looga hadlaya arrimaha ku saabsan doorashada 2020-ka ee dalkaasi ka dhici doonto.

    Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo kulanka soo qabanqaabiyay ayaa sheegay in kulanka ay uga hadlayaan sidii doorashada caddaalad ah, xor iyo nabad ah u dhici lahayd.

    Shirka oo hadda socda waxaa la filayaa inay kasoo saaraan qodobada doorashada oo wax ku ool ah oo ay isku afgartaan mucaaradka iyo dowladda Itoobiya.

    Kulanka waxaa ka qeyb galaya ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo hoggaamiyeyaal mucaaradka ka socda.

    Abiy Axmed ayaa madaxda mucaaradka kala hadlaya sidii loo sii xoojin lahaa isbadallada horumarineed ee dalkaasi ka socda.

  13. Post update

    Tebinta tooska ahayd intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

  14. Dhul gariir ku dhuftay dalka Iiraan

    Dhul gariirka ayaa burbur u gaystay dhismayaal ku yaalla caasimadda Iiraan ee Tehran
    Image caption: Dhul gariirka ayaa burbur u gaystay dhismayaal ku yaalla caasimadda Iiraan ee Tehran

    In ka badan 700 qof ayaa ku dhaawacantay dhul gariir ka dhacay galbeed dalka Iiraan, sida uu ku warramay telefishinka dowladda.

    Dhul gariirka oo lagu qiyaasay cabirkiisa 6.3 ayaa si wayn ugu dhuftay gobolka Kermanshah halkaas oo sannadkii lasoo dhaafay ay ku dhinteen in ka badan 600 qof kaddib markii dhul gariirkii ugu ba’na uu halkaasi ku dhuftay muddo tobonaan sana ah.

    Dhul gariirka ayaa laga dareemay guud ahaan gobolka, wararka soo baxaya waxay sheegayaan in hal qof uu ku dilay meel u dhaw gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq.

    Wax dhimasho iyo dhaawac ah lagama soo sheegin dhul gariirka ku dhuftay Iiraan.

  15. Dibadbax looga soo horjeedo booqashada Maxamed Bin Salmaan oo laga qorsheeyay Tunisia

    Ururada bulshada rayidka ee dalka Tunsia ayaa ku baaqay in la qabto maanta gelinka dambe dibadbaxyo looga soo horjeedo booqashada dalkaasi uu ku tegayo dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    Waxay ka careysan yihiin ururadan dilkii loo gaystay weriyaha Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashogji.

    Aqalka madaxtooyada Tunisia wuxuu ku warramay in Talaadada uu dhaxal sugaha booqasho ku tegi doono Tunisia, waxayna qeyb ka tahay booqasho hoggaamiyeyaasha Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn ay ku tegayaan halkaasi.

    .
  16. Qarax ka dhacay degmada Wadajir

    Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in gordhaw uu qarax ka dhacay suuq ku yaalla xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho

    Saraakiishaa caafimaadka waxay sheegeen in ugu yaraan 10 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa isla markaasna loo qaaday isbitaallada.

    Waxay intaasi ku dareen saraakiisha in dhimasho ay jirto balse iyo ilaa hadda aanan la xaqiijin karin khasaaraha.

    Qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

  17. Museveni: shilkii ka dhacay harada Victoria waxaa sabab u ahaa rar xadh dhaaf

    Doonta ayaaa ku qalibantay degmada Mukono oo u dhaw magaalada Kampala
    Image caption: Doonta ayaaa ku qalibantay degmada Mukono oo u dhaw magaalada Kampala

    Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in rar xadh dhaaf uu dhaliyay shilka shalay ka dhacay harada Victoria oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof.

    Doonta waxaa loogu talagalay inay qaaddo rakaab gaarayo 50 qof halka ay doonta sidday 120 qof markii ay qalibantay.

    Waxaa weli harada ku maqan dad badan oo la la’yahay. Rakaabkii doonta saarnaa waxay ku wajahnaayeen munaasabad ka dhaceysay aaggaasi.

    Madaxweynaha Uganda wuxuu sheegay in dadka kaxeeya doomaha ee aanan haysanin sharciga la maxkamadeyn doono.

  18. Tiro dad ah oo ku dhintay weerarka ka dhacay Galkaacyo

    Ku dhawaad 20 ruux oo uu ku jiro Sheekh Cabdiweli Cilmi Yare ayaa lagu dilay magaalada Gaalkacayo.

    Weerarkan ayaa isugu jira mid is qarxin ah iyo weerar toos ah oo lagu bartilmaameed saday xarunta wadaadkaas.

    Alshabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa.

    Sababta ay u beegsadeen waxay ku sheegeen inuu af lagaadeeyay nabi Maxamed NNKH horey ayay Alshabaab digniin ugu dirty.

    Afahayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in dabley hubaysan iyo isa soo miidaamiyay ay beegsadeen goob Suufida ay ku xusayeen xuska Mowliidka magaalada Gaalkacyo ee bartamaha Soomaaliya.

  19. Post update

    Kulanti wacan oo wanaagsan akhyaarta halkan nagala socotaay, kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.