Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Afwerki oo booqasho ku tegayo Muqdisho
  2. Nin lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay hoggaamiyaha ruuxiga Iiraan oo xabsi ku dhintay
  3. Sawirrada booqashada Afwerki ee Muqdisho
  4. Maduro oo ku eedeeyay Mareykanka inuu wado qorshe ay ku dili rabaan
  5. Abuu Mansuur oo la xiray

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Dad badan oo ku barakacay gudaha dalka Itoobiya

    Dad badan ayaa gudaha Itoobiya ku barakacay sababo la xiriira qalalaaso ka dhacay dalkaasi, kuwaasoo ahaa kuwii ugu darnaa ee ka dhaca dunida sannadkan 2018-ka, balse isbeddelada socda ayaa muujinaya in Itoobiya ay u jiheysatay dhanka wanaagsan. Ururka Laanqeyrta Cas ayaa sheegay inuu howlo samafal ka bilaabayo gobolka Soomaalida, oo ay dad badan ku soo barakaceen.

    Madaxa ICRC, Peter Maurer ayaa intii uu booqashada ku joogay Itoobiya sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay Itoobiya ka howlgalaan kaddib muddo 11 sanno oo ay ka maqnaayeen.

    Heshiiskii Kampala ee dadka gudaha dalkooda ku barakacay, ayaa la sheegay in Itoobiya ay tahay inay u marto wax ka qabashada baahida barakacayaasha.

    Keliya maaha Itoobiya, ee dhammaan waddamada Midowga Afrika ayay ICRC sheegtay inay tahay inay hirgeliyaan qorshaha gargaarka barakacayaasha. 28 ka mid ah 55 dal oo Midowga Afrika ka tirsan ayaan weli meel marin heshiiskaasi.

    Midowga Afrika ayaa sannadka 2019-ka ku tilmaamay sannadka Afrika ee qaxootiga, dadka soo laabtay iyo kuwa gudaha ku barakacay.

    Marka laga soo tago Ethiopia, janhuuriyada dimuqraadiga ah ee Congo, Nigeria, Soomaliya, iyo Jamhuuriyada Afrikada Dhexe, iyo Sudaanta Koofureed ayaa dhammaantood ka tirsan tobbanka dal ee ay dadkoogu gudaha ku barakaceen, sababo la xiriira dagaallo.

  2. Dad ku dhintay qalalaase ka taagan Baydhabo

    Wararka inaga soo gaaraya magalaada Baydhabo ee dalka Soomaaliya waxay sheegayaan in 11 qof ay ku dhinteen dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay gudaha magaalada.

    Rabashadaha ayaa ka dhashay markii ay isku dhaceen dad ka careysan xiritaanka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo laamaha ammaanka magaalada Baydhabo.

    Dadweyne careysan ayaa lagu arkayay waddooyinka magaalada Baydhabo oo gubayo taayarro.

  3. Guddoomiyihii guddiga amniga baarlamaanka K/G oo lagu dilay Baydhabo

    Waxaa maalinkii labaad magaalada Baydhabo ka socdaa dibadbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo xiritaanka Mukhtaar Roobow(Abuu Mansuur).

    Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya Baydhabo waxay sheegayaan in saaka gudaha magaalada lagu dilay guddoomiyihii guddiga amniga ee baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Buulle.

    Rabshado ayaa ka dhacay magaalada oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka iyo dad ka careysnaa xiritaanka Mukhtaar Roobow, waxaana rabshadahaasi sidoo kale ku dhintay wil yar oo 10 jir ah.

    Waxaana lagusoo warramaya in magaalada ay ka taagan xiisad iyo jahwareer.

  4. Muran ka taagan xiritaanka Roobow Abuu Mansuur

    Mukhtaar Roobow
    Image caption: Mukhtaar Roobow

    Waxaa weli uu muran ka taagan yahay musharraxnimada Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shalay la xiray kaddib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inuu ka baxay heshiiskii lala galay markiiuu kasoo goostay Al-Shabaab.

    Cabdisalaan Guuleed oo ka faallooda arrimaha ammaanka gobolka oo u warramayay BBC ayaa sheegay in laga yaabo in Abuu Mansuur ammaanka Soomaaliya uu xal weyn ugu jiro isla markaasna uu wax soo kordhin karo, balse uu wakhtiga deg deg yahay maadama sannad laga joogo markii uu kasoo goostay Al Shabaab.

    “Ma jirto meel uu raalli gelin ku dhiibay iyo meel uu ku sheegay inuu ka tanaasulay mabaadii’dii uu horey u aaminsanaa….sannad ayaa laga jooga , waxbana lagama ogo ninkan howsha iyo heshiiska lala galay” ayuu yiri Cabdisalaan.

    Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in Abuu Mansuur uu halis ku yahay amniga magaalada Baydhabo.

    Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa noqday qofkii uguhorreeyay oo Shabaab kasoo goostay oo hamiyo jagada madaxweyne maamul goboleed, sida uu sheegayo Cabdisalaan.

  5. Post update

    Kulanti wacan oo wanaagsan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Jimco taarikhda waxay ku beegantahay 14-ka bisha December sannadka 2018-ka.

  6. Dowladda Soomaaliya: Mukhtaar Roobow "wuxuu ka baxay shuruudihii lala galay"

    Dowladda Soomaaliya aya ka hadashay xarigga Mukhtar Abu Mansuur Robow, iyadoo sheegtay inuu diiday inuu u hoggaansamo shuruudihii lala galay markii uu ka soo goosanayay ururka Al-Shabaab.

    Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Mukhtar Robow uu billaabay inuu gudaha Baydhabo soo geliyo hub iyo dagaallamayaal.

    Waxay sidoo kale ku eedeeyeen inuu abaabulay ciidan uu ugu talagay handadaad iyo khal-khal gelin dhanka amniga ee magaalada Baydhabo.

    Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in arrimahaasi ay muujinayaan in uusan weli ka tanaasulin fikirkiisa xagjirnimada ahaa.

    Ilo lagu kalsoonaan karo oo dowladda ka tirsan ayaa BBC u sheegay in Mukhtar Robow uu haatan ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

    .
  7. Faahfaahin ku saabsan xiritaanka Abuu Mansuur

    Xildhibaan Maxamed Isaaq Cismaan Fanax ayaa BBC sheegay in ciidammada Itoobiya ay jirddileen Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur isla markaasna ay la tageen.

    “Magaalada waxaa ka dhacay, musharraxiinta madaxweynaha ayaa looga yeeray aqalka madaxtooyada Koonfur Galbeed, markii dambe, ciidammada Itoobiya ayaa jirddilay wayna la dagaalameen” ayuu yiri xildhibaanka.

    Wuxuu sheegay in Mukhtaar Roobow uu ku maqan yahay gacanta ciidamada Itoobiya. ilaa hadda si madaxbanaan looma xaqiijin karo cidda xirtay Abuu Mansuur.

    Magaalada Baydhabo waxaa hadda ka socdaa dagaal culus oo u dhexeeyo dad ka careysan xiritaanka Abuu Mansuur iyo laamaha ammaanka.

    Maxaa keenay xilliggan in la xiro Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur? Halkan ka dhageyso falanqeyn ku saabsan arrintaasi:

    View more on facebook
  8. Nolosha Abuu Mansuur

    Magaalada Baydhabo ayaa gashay jahwareer amni iyo mid siyaasadeed kaddib markii la xiray Mukhtaar Robow, oo goobjoogayal ay sheegeen in ciidammo Itoobiyaan ah ay kaxeysten.

    Xarigga ka hor, Mukhtar Robow wuxuu ka mid ahaa musharixiinta ugu cad-cad ee u tartamayay xilka madaxweynaha Maammul Goboleedka Koonfur Galbeedka.

    Ka hor inta uusan Dowladda Soomaaliya isu soo dhiibin, Mukhtaar Rooboow oo sidoo kale loo yaqaanno Abuu Mansuur, wuxuu ahaa bartilmaameedka ugu weyn ee la doon doonayay in la soo xiro, maadaama uu horay u ahaa af-hayeenka Al Shabaab.

    Noolasha Abu Mansuur: Hogaamiye hore oo Shabaab, musharax cad-cad, haddana maxabuus ah

  9. War deg deg ahAbuu Mansuur oo la xiray

    .

    Wararka inaga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed dalka Soomaaliya waxay sheegayaan in la xiray Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo mar ahaan jiray afahayeenka xarakada Al Shabaab.

    Magaalada Baydhabo waxaa haatan laga maqlaya rasaas lakinse lama garanayo cidda ay dhexmareyso.

    Sidoo kale, magaalada waxaa ka go’an isgaarsiinta, waxaana adag hadda in la helo warar faahfaahsan oo ku saabasan xiritaanka Abuu Mansuur.

    Wixii faahfaahin ah halkan ayaan idiin kuugu soo gudbin doonnaa.

  10. Sarkaal ka tirsan xiriirka kubadda cagta dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika oo eedeymo dambiyo dagaal loo xiray

    Patrice Edouard Ngaissona ayaa isku magacaaway inuu yahay madaxa siyaasadda ee jabhadda anti-Balaka
    Image caption: Patrice Edouard Ngaissona ayaa isku magacaaway inuu yahay madaxa siyaasadda ee jabhadda anti-Balaka

    Mas’uuliyiinta dalka Faransiiska ayaa xabsiga u taxaabay mid kamid saraakiisha ugu sarreyso xiriirka kubadda cagta ee dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika oo lagu eedeeyay inuu gaystay dambiyo dagaal.

    Patrice-Edouard Ngaïssona ayaa lagu eedeeyay inuu maamuli jiray weeraro koox maleeshiyaad ah ay ku qaadi jireen bulshada muslimiinta ah ee degan dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika sannadihii 2013-kii iyo 2014-kii.

    Bayaan ay soo saartay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa sheegaya in ninka loo tarxiili doono magaalada Hague.

    Patrice-Edouard Ngaïssona ayaa xubin ka ah guddiga xiriirka kubadda cagta ee Afrika, wuxuu beeniyay eedeymaha loo jeediyay.

    Ninkan ayaa horraan isugu yeeri jiray madaxa siyaasadda ee maaleeshiyaadka anti-Balaka oo aheyd jabhad Kristaan ah.

    Maxkamadda ICC ayaa sheegtay in Patrice-Edouard Ngaïssona uu geystay dambiyo dagaal iyo inuu ku tuntay xuquuqul insaanka oo ay kamid yihiin dil, jirddil iyo inuu carruur ciidan u qortay.

  11. Maduro oo ku eedeeyay Mareykanka inuu wado qorshe ay ku dili rabaan

    Madaxweyne Maduro wuxuu sheegay in Venezuela ay haysato dhaqaale ay isku filnaan ku gaari karto
    Image caption: Madaxweyne Maduro wuxuu sheegay in Venezuela ay haysato dhaqaale ay isku filnaan ku gaari karto

    Madaxweynaha dalka Venezuela, Nicolás Maduro ayaa ku eedeeyay Mareykanka inay qorsheynayaan inay isaga dilaan si ay u afgembiyaan xukuumaddiisa.

    Wuxuu weriyeyaasha u sheegay in la taliyaha arrimaha ammaanka dowladda Mareykanka, John Bolton uu isagu qorsheynayay dilkiisa balse ma uusan sheegin wax caddeyn ah oo arrintaasi ku saleysan.

    Wuxuu yiri “John Bolton ayaa loo xil saaray qorshaha laiiguu dilo rabo, ciidammo shisheeye ayay dalka keeneen”

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Nicholas Maduro uu yahay kaligii talis, wuxuuna kusoo rogay cunaqabatayn.

    Horraantii, toddobaadkan, Mareykanka ayaa dhaleeceeyay booqasho ay ku tageen dalka Venezuela khuburro dhanka bambaanooyinka qaabilsan oo Ruushka u dhashay .

  12. Sawirrada booqashada Afwerki ee Muqdisho

    Waxaa hadda gordhaw magaalada Muqdisho gaaray madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki halkaas oo ay kusoo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi iyo Farmaajo.

    Booqashada Afwerki ayaa kusoo beegmaya xilli hoggaamiyeyaasha geeska Afrika ay gaareen heshiis ay ku xoojiyaan xiriirka, dhaqaalaha iyo horumarka gobolka.

    Calanka Eritrea iyo Soomaaliya oo laga taagay garoonka caalamiga ee Aadan Cadde
    Image caption: Calanka Eritrea iyo Soomaaliya oo laga taagay garoonka caalamiga ee Aadan Cadde
    Ciidammo soo dhaweynaya madaxweynaha Eritrea
    Image caption: Ciidammo soo dhaweynaya madaxweynaha Eritrea
    Haween sita calanka labada dal oo soo dhaweynayay Afwerki
    Image caption: Haween sita calanka labada dal oo soo dhaweynayay Afwerki
    Markii uu ka degay garoonka diyaaradaha  Aadan Cadde waxaa kusoo mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya
    Image caption: Markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusoo mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya
  13. Nin lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay hoggaamiyaha ruuxiga Iiraan oo xabsi ku dhintay

    Vahid Sayadi Nasiri
    Image caption: Vahid Sayadi Nasiri

    Nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha siyaasadda dalka Iiraan oo xirnaa muddo 60 maalmood ah isla markaasna cunnada ka soonnaa ayaa ku dhintay xabsiga, sida ay sheegeen qoyskiisa.

    Vahid Sayadi Nasiri ayaa lagu eedeeyay inuu caayay hoggaamiyaha ruuxiga Iiraan,Aayatuullahi Cali Khamaney, waxaana sidoo kale loo haystay inuu galay dambiyo kale.

    Waxaa xabsiga laga soo daayay bishii Marso kaddib markii labo sanno iyo bar uu xirnaa balse waxaa dib loo xiray shan bilood kaddib.

    Vahid Sayadi Nasiri ayaa markii hore xabsiga loo taxaabay bishii September ee sannadkii 2015-kii waxaana lagu xukumay 8 sanno oo xarig ah markii la sheegay inuu aflagaadeeyay hoggaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, Aayatullahi Cali Khamane.

    Bishii Agosto ee sannadkan ayaa dib loo xiray ninka kaddib markii lagu eedeeyay inuu dambi lamid ah kaasi uu gaystay.

    Wuxuu cunno ka soomidda bilaabay bishii October isagoo ka careysan dhibaatada uu kala kulmay xabsiga iyo in loo diiday inuu helo qareen u doodo.

    Waxaa la sheegay in dambiyada loo haysto ninkan uu ku qoray bogga uu ku leeyahay barta Facebook.

  14. Afwerki oo booqasho ku tegayo Muqdisho

    Madaxweynaha Eritrea oo goordhaw gaaray Muqdisho
    Image caption: Madaxweynaha Eritrea oo goordhaw gaaray Muqdisho

    Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqasho ku tegay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya halkaas oo ay kusoo dhaweyeen mas'uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Afwerki ay ku casuuntay dalka si labada dal ay uga wadahadlaan xiriirka taarikhiiga ah ee ka dhexeeyo.

    Qoraal ay dowladda soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay yeelanayaan kulan ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo danaha ka dhexeeyo labada dal.

    Hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa dhawaan kulan ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga wada hadleen heeshisyadii ay ku kala saxiixdeen Asmara iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa.

    View more on facebook
  15. Post update

    Kulanti wacan oo wanaagsan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Khamiis taarikhda waxay ku beegantahay 13-ka bisha December sannadka 2018-ka.

  16. Al Shabaab oo saddex qof qoorta ka jaray

    .

    Ururka Al-Shabaab ayaa saddex ku dilay koonfurta dalka Soomaaliya.

    Waxayna ku eedeeyeen ragga ay dileen inay u basaasayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

    Shabaab ayaa qoorta ka jaray saddexda qof.

    Mid kamid ah ragga ay dileen wuxuu ahaa nin odey ah oo ka qeyb qaatay soo xuliddii musharraxiintii ka qeybgaleysay doorashada baarlamaanka ee dalka Soomaaliya sannadkii 2016-kii.

    Dilka ayaa ka dhacay goob fagaare ah oo ay dadweyne badan isugu yimaadeen oo ka dhacay tuulada Mubaarak oo ku taalla koonfurta dalka Soomaaliya.

    Al Shabaab ayaa marar badan dilay rag ay uga shakiyeen inay u basaasayeen sirddoonka Mareykanka iyo dowladda.

  17. War deg deg ahRa'iisul wasaaraha Ingiriiska oo u dhaw in kalsoonida lagala noqodo

    Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May waxay gelinka dambe ee Arbacada wajaheysaa cadaadis kalsoonida lagala noqonaya.

    Xildhibaanada xisbiga muxaafidka ayaa lagu wadaa inay u codeeyaan inta u dhexeysa 18:00 GMT iyo 20;00 GMT xilliga dalkaasi.

    Cadaadiska saaran May ayaa imaanaya xilli 48 waraaqadood oo looga soo horjeedo xukamaddeeda laga gudbiyay.

    Theresa May ayaa noqotay ra’iisul wasaaraha Britain ,wax yar un kaddib markii xukuumadda UK ay shaaca ka qaaday inay ka baxeyso Midowga Yurub sannadkii 2016-kii.

    Tan iyo waaggaasi waxaa dhaleeceen loo jeedinayay xisbigeeda oo ku wajahan heshiiska ka bixidda Midowga Yurub ee Britain.

  18. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo garwadeen ka ah wadahadallada dhinacyda Yemen

    In ka badan toban kun oo qof ayaa ku dhimatay dagaalka sokeeye ee Yemen
    Image caption: In ka badan toban kun oo qof ayaa ku dhimatay dagaalka sokeeye ee Yemen

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa ka qeybgalaya wadahadallo ka dhacaya dalka Sweden oo u dhexeeyo dowladda Yemen iyo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

    Qaramada Midoobey waxay sheegtay in Guteress Khamiista uu kulan la qaadan doono dhincayada isku hayo dagaallada Yemen, kulanka ayaa qeyb ka ah wadahadalladii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo colaadda Yemen.

    Dhexdhexaadiyaasha wadahadallada waxay soo jeediyeen in la joojiyo dagaallada ka taagan labada magaalo ee ugu muhiimsan ee Xuddeyddah iyo Taciz.

    Howlaha gargaarka ayaa loo soo marsiiya shacabka Yemen dekedda Xuddeyddah.

    Waa wadahadalladii ugu dambeeyay oo muddo labo sanno gudahood la qabto ee looga arrinsanayo xaaladda Yemen.

  19. Waxay ahaan jirtay tababare kubadda Koleyga, haatan waxay Shaah ku iibisaa Jigjiga

    Siraad oo ku sugan goobta ay Shaaha ku iibiso gudaha magaalada Jigjiga
    Image caption: Siraad oo ku sugan goobta ay Shaaha ku iibiso gudaha magaalada Jigjiga

    Siraad Xuseen Miicaad waxay mar ahaan jirtay tababare kubadda Koleyga gabdhaha waxay haatan la daala dhaceysa sidii ay usoo dhacsan laheyd nolol maalmeedkeeda.Shaah ayay ku iibisaa gidaar hoostiisa gudaha magaalada Jigjiga.

    Waxay ganacsi yar oo ka kooban labo Tarmuus oo shaah iyo bun ku heysataa suuq ku yaalla magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

    Siraad waxay sheegtay in mararka qaar laga iibsado shaaha halka wax faa’ido ah oo sidaas u buuran aysan ka helin ganacsigeeda suuq xumo darteed.

    Waxay sheegtay in Shaaha ay ku korsato ilaa tobban carruur ah oo isugu jiro kuwa ay dhashay iyo kuwa kale.

    Goobta ay ganacsiga ku haysato Siraad
    Image caption: Goobta ay ganacsiga ku haysato Siraad

    Siraad ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in aysan haysanin dhaqaale ay ku ballaariso ganacsigeeda isla markaasna codsatay in la caawiyo.

    “Suuqa waxbo kama socdaan, halkan maqaaxi ayaa jirtaa, gudaheyga maqaaxi baa jirtaa..marka aniga la iimaba yimaado marna waan daadiya marna masaakiinta ayaa siiyaa” ayay tiri Siiraad Miicaad oo u warrameysa weriyaha BBC ee magaalada Jigjiga, Cabdinaasir Xikam.

    Siiraad Miicaad waxay sheegtay inay aheyd tababare kubadda Koleyga iyo spoortiga waxayna ka shaqeyn jirtay dalka Jabuuti.

  20. Post update

    Kulanti wacan oo wanaagsan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa maalin Arbaco ah taarikhda waxay ku beegantahay 12-ka bisha December sannadka 2018-ka.