Booliska
dalka Suudaan ayaa sunta dadka ka ilimeeysiisa ku kala eryay boqolaal dad ah oo
dibadbaxyo ka dhigayay agagaarka maagalada caasimadda ee Khartuum.
Dadkan ayaa
isugu soo uruuray masaajid weyn oo ku yaalla magaalada Omudarmaan kaddib markii
dadka garwadeenka ka ah dibadbaxa ay ku baaqeen bannaanbaxyo salaadda Jimcaha
kaddib.
Dibadabayo kale
ayaa ka dhacay deeganno dhowr ah oo ka tirsan dalka Suudaan, sida ay ku
warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
Sida ay
sheegeen saraakiisha dalka Suudaan, ugu yaraan 19 qof ayaa ku geeriyootay
dibadbaxyada ka socday dalkaasi maalmihii lasoo dhaafay.
Ha’yadda
Amnesty waxay sheegtay inay rumeysan tahay in 37 qof lagu toogtay dibadbaxyada.
Dadweynaha Suudaan
waxay ka careysan yihiin qiimaha shidaalka iyo rootiga oo sare u kacay.
Dagaal mar kale dib uga bilaawday Kaxandhaale
BBCCopyright: BBC
Maleeshiyo beeleedka ayaa isku haya dhul dhaaqsimeed (Sawir hore)Image caption: Maleeshiyo beeleedka ayaa isku haya dhul dhaaqsimeed (Sawir hore)
Waxaa maanta dagaal culus uu markale dib uga qarxay
deegaanka Kaxandhaale oo ku yaalla gobolka Galgaduud, dagaalka ayaa laisku adeegsanaya
gawaarida tiknikada, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Dagaalka ayaa u dhexeeya maleeshiyo beeleeed isku haya dhul
dhaaqsimeed.
Waxaa mararka qaar go’aya khadka isgaarsiinta taasina waxay
dhalisay in faahfaahin dheeraad ah laga heli waayo khasaaraha maanta ka dhashay
dagaalka.
Dhawaan dagaalkii ka dhacay Kaxandhaale waxaa ku dhintay dad
ku dhaw 20 qof halka halka ugu yaraan 40 qof ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhaawaca ah waxaa loo qaaday isbitaallada aggaasi.
Tan iyo markii dagaallada ay dib ugu bilaawdeen deegaanka ku
yaalla xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, ma jirto cid isku howshay joojinta
dagaall beeleedyada.
Ciidammada Suuriya oo gaaray magaalada Manbij
Getty ImagesCopyright: Getty Images
Magaalada ManbijImage caption: Magaalada Manbij
Ciidammada dowladda Suuriya waxay sheegeen in markii ugu
horreysay ay gaareen magaalada waqooyiga ku taalla ee Manbij halkaas oo ay ka
taageen calanka xukuumadda.
Balse wararkan si madaxbanaan looma xaqiijin karo.
Maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee YPG ayaa ka baxay
magaaladaasi, waxayna ciidammada Suuriya ugu baaqeen inay dib ula wareegaan
gacan ku haynta Manbij sii looga ilaaliyo inay qabsadaan Turkiga.
Dagaallamayaasha Kurdiyiinta ayaa u muuqda kuwo taageero doon
ah tan iyo markii uu madaxweyne Trump uu si la yaab leh shaaca uga qaaday in
ciidamadiisa ka joogo Suuriya uu kasoo saari doonaa.
Mareykanka ayaa taageera kooxda YPG ee dagaalka kula jirto
kooxda isku magacaawday Khilaafada Islaamka balse Turkiga ayaa u arkaa kooxdan
inay kamid tahay ururka Kurdiyiinta ee laga mamnuucay gudaha dalkaasi isla
markaasna wacad ku maray inuu cirib tiri doono.
Qodobada aad ku dhageysan doontaan Idaacadda Duhurnimo
Duhur wanaagsan dhageystayaal waaAhmed Badaroo idinla socodsiin doona idaacadda duhurnimo,qodobada aad ku maqli doontaan waxaa ka mid ah.
Xiisad ka dhalatay doorashada madaxwaynanimada ee dalka Congo.
Saraakiisha Gaashaanbuurta NATO oo ka digay halista uu Ruushka ku hayo reer Galbeedka.
Barnaamijkii Waayaha Noolasha oo aan maanta diiradda ku saari doono dhibaatooyiinka haysta dadka baahiyaha gaarka ah leh.
Idinka oo mahadsan dhageystayaal fikirkiina waad ka soo dhiiban kartaan qodobada kor ku xusan.
BBC-da
ayaa sidoo kale sheegtay in weli ay ka shaqeynayaan, ayna soo bandhigi doonaan maclumaad dheeraad ah oo ku saabsan arrintan.
Magaca
filimkan ayaa in muddo ah la basdelay tan iyo markii la bilaabay.
Barnaamijkan oo lagu soo bandhigi jiray filimkan ayaa markii horeesay laga daawan jiray
Koonfurta Bari ee dalka Ingiriiska, waxaana isbaddeli jiray barnaamij
daaddihiyeyaal kala duwan oo uu kamid yahay Joan Bakewell.
Sannadkii
xigay ee 1972 ayaa daawashada Filimkan waxaa uu ku baahay guud ahaan dalk
Ingiriiska oo dhan, waxaana si joogta ah u daadihiyaha ninka caanka ah ee Norman.
Dib u habeyn lagu sameeyay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya
Wareegto kasoo baxday xafiiska taliyaha guud ee ciidanka
xoogga dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in isbaddalo lagu sameeyay
taliyeyaasha ciidamada ee gobollada, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka
soomaaliyeed ee Sonna.
Waxaana kamid ah
taliyeyaasha lasoo magacaabay saraakiil cusub oo baddeleysa taliyihii iyo
abaanduulihii dhawaan ku dhintay qarax miino oo loogu aasay meel u dhaw
deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Kuwaaso kala ahaa janaraal
Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Cabdi Cali. Waxaana hadda
lagu baddalaySare guuto
Tawane Axmed Maxamed iyo Abaanduule Cabdisalaam Aadan Axmed.
Ururka SADC oo kulan la yeelanaya musharraxiinta mucaaradka DRC
BBCCopyright: BBC
Ololaha doorashada dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee CongoImage caption: Ololaha doorashada dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo
Ururka ay ku midoobeen dalalka dhaca
Afrikada koonfureed ee SADC ayaa laa filaya inay la kulmaan musharraxiinta
mucaaradka ee Jahmuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo si ay uga wada hadlaan
doorashada dalkaasi ka dhaceysaa Axadda nagu soo aadan.
Waftiga waxaa hoggaaminaya wasiirka
arrimaha dibadda Zambia, Joel Malanj, wuxuu BBC u sheegay in uusan xaqiijin
karin in doorashada Axadda dhaceyso ay noqon doonto mid xor iyo xalaal ah.
Mar sii horreysay madaxweynaha
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Joseph Kabila ayaa sheegay in dib u
dhigidda doorashada ka dhici laheyd saddex magaalo aysan ka hor istaagi doonin
in lagu dhawaaqo natiijada.
Shalay dalka Jamhuuriyadda
Dimuqraadiga ee Congo waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo go’aanka
guddiga doorashooyinka ay dib ugu dhigeen doorashadii ka dhici lahaa magaalooyin qaar.
Wuxuu rumeysan yahay in dabeylaha badda ay kaxeynayaan foostada ilaa 4500 kilomitar inta uu ka gaarayo Caribbean-ka.
Foosta uu doonta ka dhigtay ninkan waxaa ku yaalla korontada ileyska qoraxda ku shaqeeya si uu helo isgaarsin tayo leh.
Booliska DRC oo kala eryay shacab dibadbax dhigayay
Getty ImagesCopyright: Getty Images
Dibadbaxyada ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee CongoImage caption: Dibadbaxyada ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo
Booliska bariga dalka Jamhuuriyadda
Dimuqraadiga ee Congo ayaa sunta dadka ka ilimeeysiisa ku kala eryay dad
dibadbaxyo dhigayay oo kasoo horjeeday go’aanka guddiga doorashooyinka ay dib
ugu dhigeen doorashadii ka dhici laheyd deegannada qaar.
Weriyaha BBC ee ku sugan magaalada
Goma ayaa sheegaya in dadka bannaanbaxayay ay booliska kala eryeen, waxaa lagu
wadaa in Axadda nagusoo aadan ay doorashada Jamuuriyadda Dimuqraadiga Congo la
qabto inkasta oo saddex magaalo aysan ka dhici doonin wax doorasho ah ilaa bisha
Marso.
Mas’uuliyiinta guddiga doorashada
waxay sheegeen in sababta ay dib ugu dhigeen doorashada ay tahay ammni darro
magaaloyinkaasi ka jiro iyo cudurka Ebola oo halkaasi ka dilaacay.
Hoggaamiyaha mucaaradka Martin
Fayulu wuxuu sheegay in tallaabo kasta oo dib loogu dhigayo doorashada ay tahay
isku day la doonayo in lagu shubto ama inay wax isdaba marin dhacaan.
Madaxweyne Joseph Kabila ayaa lagu
wadey in labo sanno ka hor uu xilka ka dego halka qabashada doorashooyinka uu marar
badan dib u dhac ku yimid.
Trump iyo Xaaskiisa Melania oo booqasho ku tegay Ciraaq
AFPCopyright: AFP
Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa waxay booqdeen militariga Mareykanka ee ku sugan saldhigga Al Asad ee ku yaalla galbeed BaqdaadImage caption: Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa waxay booqdeen militariga Mareykanka ee ku sugan saldhigga Al Asad ee ku yaalla galbeed Baqdaad
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xaaskiisa Melania
Trump ayaa booqasho aanan la shaacin ku tegay dalka Ciraaq halkaas oo ay
booqdeen ciidammada Mareykanka ee joogo dalkaasi.
Habeenkii ciidda Krismaaska ayuu booqday ciidammada
Mareykanka ee ku sugan saldhig Ciraaq ku yaalla, wuxaa uu uga mahadceliyay
dadaalkooda iyo shaqadooda.
Kulan la qorsheyay oo la filayay inay yeeshaan madaxweyne
Trump iyo ra’iiusl wasaaraha Ciraaq Caaddil Cabdul Mahdi ayaa la qaadacay,
xafiiska ra’iisul wasaaraha Ciraaq wuxuu sheegay in sababta meesha looga saaray
kulanka ay tahay in laisku afgaran waayay qodobada kulanka.
ReutersCopyright: Reuters
Aqalka cad ee Mareykanka wuxuu sheegay in labada hoggaamiye ay teleefoon ku wada hadleen isla markaasna ra’iisul wasaaraha Ciraaq uu aqbalay casuumaad loo fidiyay inuu booqasho ku tego magaalada Washington.
Trump wuxuu sheegay in Mareykanka uusan qorsheynin in ciidammadiisa uu kala baxo Ciraaq.
Mareykanka waxaa dalka Ciraaq ka joogaa 5,000 ciidan ah si ay uga caawiyaan dowladda Ciraaq la dagaalanka kooxda isku magacaawday khilaafada Islaamka.
Dib u dhac hor leh oo ku yimid qeybo ka mid ah doorashada DRC
BBCCopyright: BBC
Ololaha doorashada dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee CongoImage caption: Ololaha doorashada dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo
Iyadoo maalmo yar ay ka
harsanyihiin doorashad guud ee Jamhuuriyadda Koongada Dimuqraaddiga ah ayey
guddiga doorashada ee dalkaas ku dhawaaqeen dib u dhac hor leh oo ku yimid
doorashada.
Cod bixinta ka dhici lahayd afar
deegaan baarlamaan oo ka kala tirsan bariga iyo galbeedka dalkaas ayaa dib loo
dhigay ilaa bisha Maarso ee sannadka soo socda.
Mas’uuliyiinta guddiga ayaa
sheegay in sababaha dib u dhacan keenay ay yihiin amni darro iyo cudurka Ebola,
waxaana dib u dhigista doorashada ee ugu dambeysay ay saameyneysaa ku dhawaad
boqokiiba saddex ka mid ah guud ahaan doorashada qaranka.
Xarumaha cod bixinta ayaan
maalinta Aaxadda ah ee soo socota laga furi doonin saddex deegaan baarlamaaneed
oo dhaca bariga Jamhuuriyadda Koongada Dimuqraaddiga ah - kuwaasoo kala
ah magaalada Beni iyo nawaaxigeeda iyo magaalada Butembo.
Waxaa sidoo kale cod bixinta loo
dib dhigay magaalada Yumbi ee ku taalla galbeedka dalkaasi.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in
amni darrada ay tahay sababta keentay in dib loo dhigo cod bixinta meelaha
qaar.
Magaalooyinka Beni iyo Butembo
ayey sheegeen in dad fara badan ay safafka cod bixinta isugu imaanayaan
halkaasna uu ka sii fidi karo cudurka Ebola.
Ebola ayaa in ka badan 300 oo ruux
ku dilay bariga Jamhuuriyadda Koongada Dimuqraaddiga ah tan iyo markii uu
halkaas ka dillaacay bishii Agoosto.
Saraakiisha wasaaradda caafimaadka
ayaa horay looga dhowrayay iney dadka deegaanka u xaqiijiyaan sidii nadaafad
dhammeystiran ay ugu heli lahaayeen goobaha cod bixinta.
waxay sheegeen in horayba ay dad
fara badan isugu imaan jireen meelaha uu ka socday ol’olaha doorashada wax dhib
ahana aysan kala kulmin cudurka.
Magaalada Beni iyo nawaaxigeeda,
iyo sidoo kale magaalooyinka Butembo iyo Yumbi ayaa hoy u ah dad ay tiradoodu
gaareyso 1.2 malyan oo ruux oo isu diiwan geliyay doorashada.
Dib u habeyn lagu sameeyay guddiga maaliyaadda baarlamaanka Soomaaliya
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in
xubno ka tirsanaa guddiga maaliyadda ee golaha shacabka lagala noqday
xubinnimadoodii kaddib markii guddoonku uu qiimeyn ku sameeyay khilaaf u
dhexeeyay xubnaha guddiga.
Xubnaha laga
saaray ayaa kala ahaa gudoomiyihii, ku-xigeenkiisii iyo xoghayihii guddiga,
waxaana lagu baddalay saddex xildhibaan oo cusub.
Guddoomiyaha golaha shacabka dalka Soomaaliya, Maxamed
Mursal Cabdiraxmaan ayaa dib u habeyn ku sameeyay xubnaha guddiga maaliyadda ee
baarlamaanka.
Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu
sheegay in xubnaha baarlamaanka ay go’aanka gaareen markii ay arkeen khilaaf ka
dhex taagnaa guddiga maaliyadda.
“Annaga oo qadarinevna muddada maalmaha ah ee ka harsan dhamaadka
xilli miisaaniyadeedka
2018. waxaa la farayaa Xubnaha guddiga sare ku xusan inay iska soo dhex doortaan
Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo Xoghaye isla maalinta qoraalkan ku taariikheysan
yahay.
iyada oo la farayo Xoghayaha inuu u fududeeyo guddiga in uu guto waajibkan”
ayaa lagu yiri wareegtada.
.Copyright: .
Japan oo dib u bilaabeyso ka ganacsiga Nibiriga
AFPCopyright: AFP
Japan ayaa hadda Nibiriga u adeegsataa baaritaanno dhanka seyniska ahImage caption: Japan ayaa hadda Nibiriga u adeegsataa baaritaanno dhanka seyniska ah
Dowladda Japan waxay sheegtay in bisha July ay dib u
bilaabeyso ka ganacsiga Nibiriga, tallaabadan oo si weyn looga dhaleeceeyay
caalamka.
Waxay sheegtay inay ka baxeyso heshiiska caalamiga ah ee
ilaalinta Nibiriga.
Ka ganacsiga hilibka Nibiriga ayaa la mamnuucay sannadkii
1986-dii kaddib markii la arkay nooc kamid ah Nibiriga oo dabar go’a ku dhaw.
Saraakiisha dalka Japan waxay sheegeen in cunidda hilibka
Nibiriga uu qeyb ka yahay dhaqanka dalkaasi.
Sannado badan oo lasoo dhaafay, Japan waxay u gaarsaneysay
Nibiriga oo ay ku sheegtay inay u adeegsaneysay baaritaanno dhanka seyniska ah.
Balse ururka ilaalinta Nibiriga waxay sheegeen in
tallaabadan ay horseedi doonto cawaaqib xumo.
Shakhsiyaad u xirnaa arimmo siyaasadeed oo laga sii daayay xabsi ku yaalla Kinshasa
AFPCopyright: AFP
Dibadbaxyo ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada KinshasaImage caption: Dibadbaxyo ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Kinshasa
Shakhsiyad u ololeeya arrimaha
siyaasadda dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo dalkaasi ku xirnaa
muddo sannad ah ayaa xabsiga laga soo daayay.
Madaxa dhaqdhaqaaqa mucaaradka
Filimbi, Carbone Beni iyo saddex qof kale ayaa xabsiga loo taxaabay bishii
December ee sannadkii tegay kaddib markii ay ku baaqeen dibadbaxyo looga soo
horjeedo madaxweyne Joseph Kabila.
Bishii September waxay maxkamad
sheegtay inay dambi ka galeen madaxweynaha.
Waxaa markale dib loo dhigay
doorashada ka dhici laheyd Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.
Dhaqdhaqaaqa Filimbi waxay soo
saareen bayaan ay uga baaqayaan shacabka inay kasoo horjeestaan waxa ay ugu
yeereen doorashada beenta ah.
Militariga Suuriya: Israa’iil ayaa weerar inoogu soo qaaday
ReutersCopyright: Reuters
Waxaa xalay la arkayay qiiq iyo uuro madow buuraha u dhaw magaalada DimishiqImage caption: Waxaa xalay la arkayay qiiq iyo uuro madow buuraha u dhaw magaalada Dimishiq
Dhawaaqa qarax ayaa laga maqlay caasimadda Suuriya ee
Dhimishiq, militariga Suuriya waxay sheegeen in diyaaradaha dagaalka Israa’iil
ay duqeeyeen goob hubka lagu keyddiyo oo ku taalla magaalada Dimishiq.
Saraakiil ka tirsan militariga Suuriya ayaa warbaahinta
dowladda u sheegay in gantaallada lala beegsaday bakhaarka hubka isla markaasna
saddex askari ay ku dhaawacmeen duqeynta.
Dowladda Suuriya waxay sheegtay in la qabtay inta badan
gantaallada lagu soo ganay.
Militariga waxay sidoo kale sheegeen in khaasare kale uusan jirin.
Xalay warbaahinta Suuriya waxay baahiyeen muqaal muujinayay qalab heebaayay hawada Dhimish oo ay soo rideen gantaallada ciidammada Suuriya.
Dhanka kale, ciidammada difaaca Israa’iil kama aysan hadlin
duqeynta la sheegay inay ka gaysteen Suuriya.
Markii dambe, qoraal ay barta Twitter-ka kusoo qoreen
militariga Israa’iil waxay ku sheegeen in gantalladooda difaaca ay jawaab u
aheyd madaafic looga soo ganay dhinaca Suuriya.
Israa’iil ayaa marar badan bartilmaameedsatay saldhigyada
ciidammada Iiraan iyo Xizbullah ku leeyihiin Suuriya ayna u aragto inay halis
ku yihiin ammaanka dalkeeda.
Waxaa dhif iyo naadir ah in Israa’iil ay qirato inay qaaday
weerar kan lamid ah.
Tebin toos ah
time_stated_uk
Post update
Tebinta tooska aheyd oo saaka inoo soo bilaabatay intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyaysoomaalida iyo caalamka.
Dad qaba cudur halis ah oo ku firxaday magaalo
Muxuu yahay muranka ka dhashay Amiiraddii Imaaraatka ee '' baxsatay''?
Booliska Suudaan oo kala eryay dad dibadbaxyo dhigayay
Booliska dalka Suudaan ayaa sunta dadka ka ilimeeysiisa ku kala eryay boqolaal dad ah oo dibadbaxyo ka dhigayay agagaarka maagalada caasimadda ee Khartuum.
Dadkan ayaa isugu soo uruuray masaajid weyn oo ku yaalla magaalada Omudarmaan kaddib markii dadka garwadeenka ka ah dibadbaxa ay ku baaqeen bannaanbaxyo salaadda Jimcaha kaddib.
Dibadabayo kale ayaa ka dhacay deeganno dhowr ah oo ka tirsan dalka Suudaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
Sida ay sheegeen saraakiisha dalka Suudaan, ugu yaraan 19 qof ayaa ku geeriyootay dibadbaxyada ka socday dalkaasi maalmihii lasoo dhaafay.
Ha’yadda Amnesty waxay sheegtay inay rumeysan tahay in 37 qof lagu toogtay dibadbaxyada.
Dadweynaha Suudaan waxay ka careysan yihiin qiimaha shidaalka iyo rootiga oo sare u kacay.
Dagaal mar kale dib uga bilaawday Kaxandhaale
Waxaa maanta dagaal culus uu markale dib uga qarxay deegaanka Kaxandhaale oo ku yaalla gobolka Galgaduud, dagaalka ayaa laisku adeegsanaya gawaarida tiknikada, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Dagaalka ayaa u dhexeeya maleeshiyo beeleeed isku haya dhul dhaaqsimeed.
Waxaa mararka qaar go’aya khadka isgaarsiinta taasina waxay dhalisay in faahfaahin dheeraad ah laga heli waayo khasaaraha maanta ka dhashay dagaalka.
Dhawaan dagaalkii ka dhacay Kaxandhaale waxaa ku dhintay dad ku dhaw 20 qof halka halka ugu yaraan 40 qof ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhaawaca ah waxaa loo qaaday isbitaallada aggaasi.
Tan iyo markii dagaallada ay dib ugu bilaawdeen deegaanka ku yaalla xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, ma jirto cid isku howshay joojinta dagaall beeleedyada.
Ciidammada Suuriya oo gaaray magaalada Manbij
Ciidammada dowladda Suuriya waxay sheegeen in markii ugu horreysay ay gaareen magaalada waqooyiga ku taalla ee Manbij halkaas oo ay ka taageen calanka xukuumadda.
Balse wararkan si madaxbanaan looma xaqiijin karo.
Maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee YPG ayaa ka baxay magaaladaasi, waxayna ciidammada Suuriya ugu baaqeen inay dib ula wareegaan gacan ku haynta Manbij sii looga ilaaliyo inay qabsadaan Turkiga.
Dagaallamayaasha Kurdiyiinta ayaa u muuqda kuwo taageero doon ah tan iyo markii uu madaxweyne Trump uu si la yaab leh shaaca uga qaaday in ciidamadiisa ka joogo Suuriya uu kasoo saari doonaa.
Mareykanka ayaa taageera kooxda YPG ee dagaalka kula jirto kooxda isku magacaawday Khilaafada Islaamka balse Turkiga ayaa u arkaa kooxdan inay kamid tahay ururka Kurdiyiinta ee laga mamnuucay gudaha dalkaasi isla markaasna wacad ku maray inuu cirib tiri doono.
Qodobada aad ku dhageysan doontaan Idaacadda Duhurnimo
Duhur wanaagsan dhageystayaal waaAhmed Badaroo idinla socodsiin doona idaacadda duhurnimo,qodobada aad ku maqli doontaan waxaa ka mid ah.
Xiisad ka dhalatay doorashada madaxwaynanimada ee dalka Congo.
Saraakiisha Gaashaanbuurta NATO oo ka digay halista uu Ruushka ku hayo reer Galbeedka.
Barnaamijkii Waayaha Noolasha oo aan maanta diiradda ku saari doono dhibaatooyiinka haysta dadka baahiyaha gaarka ah leh.
Idinka oo mahadsan dhageystayaal fikirkiina waad ka soo dhiiban kartaan qodobada kor ku xusan.
BBC oo sheegtay in aysan baahin doono filim caan ah
BBC-da ayaa xaqiijisay in sanandka cusub ee 2019 aysan baahin doonin filim caan ah oo taxane, kaasi oo ka bixi jiray telefishenka.
Barnaamijkan oo la bilaabay sannadkii 1971-kii ayaa waxaa si wadajir ah u daadihin jiray Barry Norman, Jonathan Ross iyo Claudia Winkleman.
‘’ Sannadka 2019-ka waxaanu sameyn doonaa waxa xiiso geliya dadka jecel filimkan e kala socda telefishenka iyo intarnet-ka’’.Sidaasi waxaa sheegay BBC-da
BBC-da ayaa sidoo kale sheegtay in weli ay ka shaqeynayaan, ayna soo bandhigi doonaan maclumaad dheeraad ah oo ku saabsan arrintan.
Magaca filimkan ayaa in muddo ah la basdelay tan iyo markii la bilaabay.
Barnaamijkan oo lagu soo bandhigi jiray filimkan ayaa markii horeesay laga daawan jiray Koonfurta Bari ee dalka Ingiriiska, waxaana isbaddeli jiray barnaamij daaddihiyeyaal kala duwan oo uu kamid yahay Joan Bakewell.
Sannadkii xigay ee 1972 ayaa daawashada Filimkan waxaa uu ku baahay guud ahaan dalk Ingiriiska oo dhan, waxaana si joogta ah u daadihiyaha ninka caanka ah ee Norman.
Dib u habeyn lagu sameeyay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya
Wareegto kasoo baxday xafiiska taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in isbaddalo lagu sameeyay taliyeyaasha ciidamada ee gobollada, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka soomaaliyeed ee Sonna.
Waxaana kamid ah taliyeyaasha lasoo magacaabay saraakiil cusub oo baddeleysa taliyihii iyo abaanduulihii dhawaan ku dhintay qarax miino oo loogu aasay meel u dhaw deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Kuwaaso kala ahaa janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Cabdi Cali. Waxaana hadda lagu baddalaySare guuto Tawane Axmed Maxamed iyo Abaanduule Cabdisalaam Aadan Axmed.
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay qaraxii Dhanaane
Ururka SADC oo kulan la yeelanaya musharraxiinta mucaaradka DRC
Ururka ay ku midoobeen dalalka dhaca Afrikada koonfureed ee SADC ayaa laa filaya inay la kulmaan musharraxiinta mucaaradka ee Jahmuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo si ay uga wada hadlaan doorashada dalkaasi ka dhaceysaa Axadda nagu soo aadan.
Waftiga waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda Zambia, Joel Malanj, wuxuu BBC u sheegay in uusan xaqiijin karin in doorashada Axadda dhaceyso ay noqon doonto mid xor iyo xalaal ah.
Mar sii horreysay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Joseph Kabila ayaa sheegay in dib u dhigidda doorashada ka dhici laheyd saddex magaalo aysan ka hor istaagi doonin in lagu dhawaaqo natiijada.
Shalay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo go’aanka guddiga doorashooyinka ay dib ugu dhigeen doorashadii ka dhici lahaa magaalooyin qaar.
Post update
Kulanti wacan akhyaarta halkan naga daalacataay kusoo dhawaada tebinta tooska oo ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.
Waa Jimco taarikhda waxay ku beegantahay 28 December sannadka 2018-ka.
Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanka Kaxandhaale
Wararka ka imaanayo deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud ee dalka Soomaaliya waxay sheegayaan in saaka rasaas laga maqlayay gudaha deegaanka.
Shalay waxaa ku dagaallamayay Kaxandhaale maleeshiyo beeleedyo hubeysan , waxaana dagaalka ku dhintay dad ku dhaw 20 qof.
Waxaana la aasay dadkii ku dhintay dagaal beeleedka halka dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday isbitaallada aggaasi.
Dadka ku nool Kaxandhaale waxay BBC u sheegeen in saaka rasaas goos goos ah mararka qaar laga maqlayay halkaasi oo ay ridayaan maleeshiyaadka.
Ilaa hadda ma jirto cid kala dhex gashay maleeshiyo beeleedka.
Deegaanka uu ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo noq noqday dagaal beeleedyada, waxaana la sheegay in lagu muransan yahay dhul dhaaqsimeed.
Nin bilaabay inuu badda Atlantic uga talllaabo Foosto
Nin u dhashay dalka Faransiiska ayaa bilaabay inuu badda Atlantic uu uga gudbo Foosto uu dooni ahaan ka dhiganayo isagoo ay wadaan hirarka badda.
Jean-Jacques Savin oo 71 jir ah ayaa kasoo dhaqaaqay jasiirad ku taalla dalka Spain isagoo dusha ka saaran foostada, wuxuuna ku rajo weyn yahay inuu gaaro dalalka Caribbean-ka wax ka yar saddex bilood.
Ninkan wuxuu gudaha foostada ku sameystay meel la seexdo,huteel iyo goob uu alaabta dhigto.
Markii ugu dambeeysay farriin uu soo dhigay Facebook wuxuu sheegay in si wanaagsan uu u wato safarkiisa.
Wakaaladda wararka ee AFP oo khadka telefoonka kula xiriirtay ninkan wuxuu yiri “Hawad badda way wanagaasan tahay, Foostada waxay saacaddiiba jareysaa 2 ilaa 3 kilomitar…dabeylaha ayaa kaxeynaya foostada”.
Savin wuxuu kamid ahaan jiray sarkaal militariga cirka ah iyo duuliye hore.
Wuxuu rumeysan yahay in dabeylaha badda ay kaxeynayaan foostada ilaa 4500 kilomitar inta uu ka gaarayo Caribbean-ka.
Foosta uu doonta ka dhigtay ninkan waxaa ku yaalla korontada ileyska qoraxda ku shaqeeya si uu helo isgaarsin tayo leh.
Booliska DRC oo kala eryay shacab dibadbax dhigayay
Booliska bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa sunta dadka ka ilimeeysiisa ku kala eryay dad dibadbaxyo dhigayay oo kasoo horjeeday go’aanka guddiga doorashooyinka ay dib ugu dhigeen doorashadii ka dhici laheyd deegannada qaar.
Weriyaha BBC ee ku sugan magaalada Goma ayaa sheegaya in dadka bannaanbaxayay ay booliska kala eryeen, waxaa lagu wadaa in Axadda nagusoo aadan ay doorashada Jamuuriyadda Dimuqraadiga Congo la qabto inkasta oo saddex magaalo aysan ka dhici doonin wax doorasho ah ilaa bisha Marso.
Mas’uuliyiinta guddiga doorashada waxay sheegeen in sababta ay dib ugu dhigeen doorashada ay tahay ammni darro magaaloyinkaasi ka jiro iyo cudurka Ebola oo halkaasi ka dilaacay.
Hoggaamiyaha mucaaradka Martin Fayulu wuxuu sheegay in tallaabo kasta oo dib loogu dhigayo doorashada ay tahay isku day la doonayo in lagu shubto ama inay wax isdaba marin dhacaan.
Madaxweyne Joseph Kabila ayaa lagu wadey in labo sanno ka hor uu xilka ka dego halka qabashada doorashooyinka uu marar badan dib u dhac ku yimid.
Trump iyo Xaaskiisa Melania oo booqasho ku tegay Ciraaq
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xaaskiisa Melania Trump ayaa booqasho aanan la shaacin ku tegay dalka Ciraaq halkaas oo ay booqdeen ciidammada Mareykanka ee joogo dalkaasi.
Habeenkii ciidda Krismaaska ayuu booqday ciidammada Mareykanka ee ku sugan saldhig Ciraaq ku yaalla, wuxaa uu uga mahadceliyay dadaalkooda iyo shaqadooda.
Kulan la qorsheyay oo la filayay inay yeeshaan madaxweyne Trump iyo ra’iiusl wasaaraha Ciraaq Caaddil Cabdul Mahdi ayaa la qaadacay, xafiiska ra’iisul wasaaraha Ciraaq wuxuu sheegay in sababta meesha looga saaray kulanka ay tahay in laisku afgaran waayay qodobada kulanka.
Aqalka cad ee Mareykanka wuxuu sheegay in labada hoggaamiye ay teleefoon ku wada hadleen isla markaasna ra’iisul wasaaraha Ciraaq uu aqbalay casuumaad loo fidiyay inuu booqasho ku tego magaalada Washington.
Trump wuxuu sheegay in Mareykanka uusan qorsheynin in ciidammadiisa uu kala baxo Ciraaq.
Mareykanka waxaa dalka Ciraaq ka joogaa 5,000 ciidan ah si ay uga caawiyaan dowladda Ciraaq la dagaalanka kooxda isku magacaawday khilaafada Islaamka.
Post update
Kulanti wacan akhyaarta halkan naga daalacataay, kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.
Waa Khamiis taarikhda waxay ku beegantahay 27-da bisha December sannadka 2018-ka.
Post update
Tebinta tooska aheyd oo saaka inoo soo bilaabatay intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.
6-dii arrimood ee sannadkan ugu waaweynaa deegaannada Soomaalida
Warbixintan waxay kaa caawinaysaa inaad ka fogaato telefoonkaaga
Dib u dhac hor leh oo ku yimid qeybo ka mid ah doorashada DRC
Iyadoo maalmo yar ay ka harsanyihiin doorashad guud ee Jamhuuriyadda Koongada Dimuqraaddiga ah ayey guddiga doorashada ee dalkaas ku dhawaaqeen dib u dhac hor leh oo ku yimid doorashada.
Cod bixinta ka dhici lahayd afar deegaan baarlamaan oo ka kala tirsan bariga iyo galbeedka dalkaas ayaa dib loo dhigay ilaa bisha Maarso ee sannadka soo socda.
Mas’uuliyiinta guddiga ayaa sheegay in sababaha dib u dhacan keenay ay yihiin amni darro iyo cudurka Ebola, waxaana dib u dhigista doorashada ee ugu dambeysay ay saameyneysaa ku dhawaad boqokiiba saddex ka mid ah guud ahaan doorashada qaranka.
Xarumaha cod bixinta ayaan maalinta Aaxadda ah ee soo socota laga furi doonin saddex deegaan baarlamaaneed oo dhaca bariga Jamhuuriyadda Koongada Dimuqraaddiga ah - kuwaasoo kala ah magaalada Beni iyo nawaaxigeeda iyo magaalada Butembo.
Waxaa sidoo kale cod bixinta loo dib dhigay magaalada Yumbi ee ku taalla galbeedka dalkaasi.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in amni darrada ay tahay sababta keentay in dib loo dhigo cod bixinta meelaha qaar.
Magaalooyinka Beni iyo Butembo ayey sheegeen in dad fara badan ay safafka cod bixinta isugu imaanayaan halkaasna uu ka sii fidi karo cudurka Ebola.
Ebola ayaa in ka badan 300 oo ruux ku dilay bariga Jamhuuriyadda Koongada Dimuqraaddiga ah tan iyo markii uu halkaas ka dillaacay bishii Agoosto.
Saraakiisha wasaaradda caafimaadka ayaa horay looga dhowrayay iney dadka deegaanka u xaqiijiyaan sidii nadaafad dhammeystiran ay ugu heli lahaayeen goobaha cod bixinta.
BBC-da ayaa khadka taleefanka kula hadashay dhowr qof oo ka mid ah dadka daggan magaalooyinka Beni iyo Butembo waxayna muujiyeen sida ay ula yaabanyihiin arrintan ugana xunyihiin.
waxay sheegeen in horayba ay dad fara badan isugu imaan jireen meelaha uu ka socday ol’olaha doorashada wax dhib ahana aysan kala kulmin cudurka.
Magaalada Beni iyo nawaaxigeeda, iyo sidoo kale magaalooyinka Butembo iyo Yumbi ayaa hoy u ah dad ay tiradoodu gaareyso 1.2 malyan oo ruux oo isu diiwan geliyay doorashada.
Dib u habeyn lagu sameeyay guddiga maaliyaadda baarlamaanka Soomaaliya
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xubno ka tirsanaa guddiga maaliyadda ee golaha shacabka lagala noqday xubinnimadoodii kaddib markii guddoonku uu qiimeyn ku sameeyay khilaaf u dhexeeyay xubnaha guddiga.
Xubnaha laga saaray ayaa kala ahaa gudoomiyihii, ku-xigeenkiisii iyo xoghayihii guddiga, waxaana lagu baddalay saddex xildhibaan oo cusub.
Guddoomiyaha golaha shacabka dalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa dib u habeyn ku sameeyay xubnaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka.
Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in xubnaha baarlamaanka ay go’aanka gaareen markii ay arkeen khilaaf ka dhex taagnaa guddiga maaliyadda.
“Annaga oo qadarinevna muddada maalmaha ah ee ka harsan dhamaadka xilli miisaaniyadeedka 2018. waxaa la farayaa Xubnaha guddiga sare ku xusan inay iska soo dhex doortaan Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo Xoghaye isla maalinta qoraalkan ku taariikheysan yahay. iyada oo la farayo Xoghayaha inuu u fududeeyo guddiga in uu guto waajibkan” ayaa lagu yiri wareegtada.
Japan oo dib u bilaabeyso ka ganacsiga Nibiriga
Dowladda Japan waxay sheegtay in bisha July ay dib u bilaabeyso ka ganacsiga Nibiriga, tallaabadan oo si weyn looga dhaleeceeyay caalamka.
Waxay sheegtay inay ka baxeyso heshiiska caalamiga ah ee ilaalinta Nibiriga.
Ka ganacsiga hilibka Nibiriga ayaa la mamnuucay sannadkii 1986-dii kaddib markii la arkay nooc kamid ah Nibiriga oo dabar go’a ku dhaw.
Saraakiisha dalka Japan waxay sheegeen in cunidda hilibka Nibiriga uu qeyb ka yahay dhaqanka dalkaasi.
Sannado badan oo lasoo dhaafay, Japan waxay u gaarsaneysay Nibiriga oo ay ku sheegtay inay u adeegsaneysay baaritaanno dhanka seyniska ah.
Balse ururka ilaalinta Nibiriga waxay sheegeen in tallaabadan ay horseedi doonto cawaaqib xumo.
Koox Japan u dhashay oo uur dooxay 122 nibiri
Shakhsiyaad u xirnaa arimmo siyaasadeed oo laga sii daayay xabsi ku yaalla Kinshasa
Shakhsiyad u ololeeya arrimaha siyaasadda dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo dalkaasi ku xirnaa muddo sannad ah ayaa xabsiga laga soo daayay.
Madaxa dhaqdhaqaaqa mucaaradka Filimbi, Carbone Beni iyo saddex qof kale ayaa xabsiga loo taxaabay bishii December ee sannadkii tegay kaddib markii ay ku baaqeen dibadbaxyo looga soo horjeedo madaxweyne Joseph Kabila.
Bishii September waxay maxkamad sheegtay inay dambi ka galeen madaxweynaha.
Waxaa markale dib loo dhigay doorashada ka dhici laheyd Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.
Dhaqdhaqaaqa Filimbi waxay soo saareen bayaan ay uga baaqayaan shacabka inay kasoo horjeestaan waxa ay ugu yeereen doorashada beenta ah.
Militariga Suuriya: Israa’iil ayaa weerar inoogu soo qaaday
Dhawaaqa qarax ayaa laga maqlay caasimadda Suuriya ee Dhimishiq, militariga Suuriya waxay sheegeen in diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen goob hubka lagu keyddiyo oo ku taalla magaalada Dimishiq.
Saraakiil ka tirsan militariga Suuriya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in gantaallada lala beegsaday bakhaarka hubka isla markaasna saddex askari ay ku dhaawacmeen duqeynta.
Dowladda Suuriya waxay sheegtay in la qabtay inta badan gantaallada lagu soo ganay.
Militariga waxay sidoo kale sheegeen in khaasare kale uusan jirin.
Xalay warbaahinta Suuriya waxay baahiyeen muqaal muujinayay qalab heebaayay hawada Dhimish oo ay soo rideen gantaallada ciidammada Suuriya.
Dhanka kale, ciidammada difaaca Israa’iil kama aysan hadlin duqeynta la sheegay inay ka gaysteen Suuriya.
Markii dambe, qoraal ay barta Twitter-ka kusoo qoreen militariga Israa’iil waxay ku sheegeen in gantalladooda difaaca ay jawaab u aheyd madaafic looga soo ganay dhinaca Suuriya.
Israa’iil ayaa marar badan bartilmaameedsatay saldhigyada ciidammada Iiraan iyo Xizbullah ku leeyihiin Suuriya ayna u aragto inay halis ku yihiin ammaanka dalkeeda.
Waxaa dhif iyo naadir ah in Israa’iil ay qirato inay qaaday weerar kan lamid ah.
Turkiga oo 15 askari looga dilay gudaha dalka Suuriya