Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Midowga Afrika oo ku baaqay in dib loo dhigo shaacinta natiijada doorashada DRC
  2. Dibadbaxyada Suudaan oo weli socda
  3. Dowladda Zimbabwe oo jartay Internetka
  4. Cabdixakiim BR oo ka warramaya majaajillada uu sameeyo

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Cabdixakiim BR oo ka warramaya majaajillada uu sameeyo

    Cabdixakiim Aadan oo loo yaqaan BR oo loo soo gaabiyey Baariyoow ayaa ah maadeeye & Film-sameeye ku nool gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka.

    Cabdixakiim waxa uu hal abuuray sheekooyin dhowr ah oo aad loo jeclaystay wuxuuna baraha bulshada & masarxyo dhawr ah ku soo bandhigay barnaamijiyo & sheekooyin maad ah kuwaas oo uu magac ku yeeshay.

    Cabdixakiim ayaa sida uu ku bilaabay howshan waxaa ka waraystay weriye Siyaad Saciid Saalax oo ugu horreyn waydiiyey goorta uu hawlahaan bilaabay?

    Video content

    Video caption: Cabdixakiim Aadan oo loo yaqaan BR oo loo soo gaabiyey Baariyoow
  2. Dowladda Zimbabwe oo jartay Internetka

    .

    Mas’uuliyiinta dalka Zimbabwe waxay jareen adeegyada khadka internet-ka ee dalkaasi kaddib markii afar maalmood ka hor ay halkaasi ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

    Shirkadda ugu weyn ee bixisa adeegyada isgaarsiinta ayaa sheegtay in amar lagu siiyay inay jarto adeegyada Internet-ka tan iyo marka amar kale ay ka helayaan.

    Dadka dhaleecaya dowladda waxay sheegayaan in tallaabadan looga golleeyahay in aanan lasoo bandhigin sawirrada ciidamada Zimababwe oo ka falcelinayay dibadbaxyaasha.

    Dhakhaatiirta waxay sheegeen inay daaweeyeen 170 qof oo dhaawacyo qabo tan iyo Isniinti oo ay dibadbaxyada dalkaasi ka dhaceen.

    Midowga Yurub ayaa cambaareeyay sida laamaha ammanka Zimbabwe ay uga falceliyeen dibadbaxyada.

  3. Dibadbaxyada Suudaan oo weli socda

    Dibadbaxyada ka dhanka xukuumadda ayaa toddobaadkii shanaad galay
    Image caption: Dibadbaxyada ka dhanka xukuumadda ayaa toddobaadkii shanaad galay

    Dalka Suudaan waxaa ka socdaa dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda, xalay agagaarka isbitaal ku yaalla Khartuum ka dhacay bannaanbaxyo lagu codsanayo inuu xilka ka dego madaxweyne Al Bashiir.

    Maalmihii lasoo dhaafay kumanaan qof ayaa dibadbaxyo ka dhigayay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartuum, Shalay nin dhalinyaro ah oo dhakhtar ahaa iyo wiil yar ayaa lagu toogtay magaalada Burri ee ku taalla Suudaan, bulshada rayidka waxay sheegeen in 9 qof ay ku dhaawacmeen dibadbaxyadii shalay dalkaasi ka dhacay.

    Muuqaal baraha bulshada lasoo geliyay ayaa muujinayay dibadbaxyaasha oo ku dhawaaqayo 'Xilka ka deg madaxweyne'

    Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa isugu soo baxay agagaarka aqalka madaxtooyada Suudan ka hor inta aysan kala eryin laamaha ammaanka
    Image caption: Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa isugu soo baxay agagaarka aqalka madaxtooyada Suudan ka hor inta aysan kala eryin laamaha ammaanka

    Qaramada Midoobey waxay cambaareeysay sida ay ciidamada uga falceliyeen dibadbaxyada looga soo horjeedo qiimaha maciishadda oo sare u kacday.

    Laamaha amaanka ayaa xabsiga dhigay dad badan oo ka qeyb ka ahaa dibadbaxa, kooxaha u doodo xuquuqul insaanka waxay sheegeen in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen dibadbaxyada tan iyo bishii lasoo dhaafay.

  4. Midowga Afrika oo ku baaqay in dib loo dhigo shaacinta natiijada doorashada DRC

    Felix Tshisekedi wuxuu hoggaamiya xisbiga mucaaradka weyn ee dalkaasi
    Image caption: Felix Tshisekedi wuxuu hoggaamiya xisbiga mucaaradka weyn ee dalkaasi

    Dalalka Midowga Afrika waxay ugu baaqeen guddiga doorashooyinka dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo inay dib u dhigaan shaacinta natiijada doorashada.

    Guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa maanta la filayay inay ku dhawaaqaan natiijada kama dambeysta ah natiijada doorashada madaxtinimo.

    Midowga ayaa shaki ka muujiyay natiijadii horudhaca aheyd ay guddiga ku dhawaaqeen toddobaadkii lasoo dhaafay.

    Midowga Afrika waxay gaareen go'aan ah inay wufuud u diraan magaalada caasimadda ah ee Kinshasa si ay u xaliyaan qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi.

    Natiijadii doorashada horudhaca aheyd waxaa ku guuleystay hoggaamiyaha mucaaradka Felix Tshisekedi halka musharraxa mucaaradka Martin Fayalu uu sheegay inay jireen ku shubasho iyo wax isdabamarin.

    Martin Fayalu wuxuu sheegay in Tshisekedi uu heshiis la galay madaxweynaa haya talada Joseph Kabila si xilka looga wareejiyo isla markaasna natiijadii horudhaca aheyd ku tilmaamay 'Inqilaab doorash'

  5. Itoobiya oo fursado badan u ogolaaneysa qaxootiga

    Qaxootiga ku nool Itoobiya
    Image caption: Qaxootiga ku nool Itoobiya

    Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ansixiyay hindise sharciyeed u ogolaanayo qaxootiga ku nool dalkaasi inay helaan xuquuq dheeri ah.

    Waxyaabaha ku xusan hindise-sharciyeedka waxaa kamid in dad qaxootiga ee ku nool xeryaha qaxootiga inay xaq u leeyihiin in dalkaasi laga shaqaaleysiiyo iyo in carruurtooda ay wax ka bartan Iskuulada dowladda.

    Hindise Sharciyeedka ayaa dhigaya in qaxootiga ay helayaan xoriyad ah inay tegi karaan meel kasta oo Itoobiya ka tirsan oo ay ka bixi karaan xeryaha.

    Dalka Itoobiya waxaa ku nool in ka badan milyan qof oo kasoo qaxay dalalka deriska halka 2 milyan qof oo kasoo barakacay gudaha dalka ay ku nool yihiin xeryaha qaxootiga.

    Hindise sharciyeedka ayaa waxaa kasoo horjeestay xildhibaanno aanan tiradoodu badneyn inkastoo qaar kamid ah ay muujinayaan walaaca ah in qaxootiga ay la wareegi doonaan shaqooyinkii loogu talagalay dadka Itoobiyaanka ah ee aanan wax shaqo heysan.

    Waxaana la filaya in tallaabadan ay waddada u xaarto qorshaha dowladda Itoobiya ay ku dooneyso in dadka qaxootiga ah ay ka shaqeeyaan warshadaha dalkaasi.

  6. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan naga daalacataay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee soomaalida iyo caalamka.

    Waa Jimco taarikhda waxay ku beegan tahay 18-ka bisha Janaayo sannadka 2019-ka.

    Maxaad ka ogtahay raggii fuliyay weerarkii Dhismaha Dusit ee Nairobi?

    Yuu ahaa ninkii u bareeray khatarta weerarradii Alshabaab ee Westgate iyo Dusit?

  7. Dadkii maqnaa oo la helay

    Bayaan kasoo baxay ha'yadda laanqeyrta cas ee Kenya ayaa lagu sheegay in dhammaan dadkii maqnaa la helay xilli weerar lagu qaaday huteel ku yaalla galbeedka magaalada Nairobi.

    Laanqeyrta cas waxay sheegtay in dad gaarayo 595 qof ay u fidiyeen la talin dhanka caafimaadka ah.

    Koox ka socota ha'yadda laanqeyrta cas ayaa gaartay xarunta meydadka lagu keyddiyo ee Chiromo halkaas oo ku qulqulayaan dad badan oo eheladooda dhibaato kasoo gaartay weerarka si ay la tallin u siiyaan.

    In ka badan 700 qof ayaa laga soo badbaadiyay dhismaha la weeraray.

    Laamaha ammanka ayaa boqolaal qof kasoo daadgureeyay goobta
    Image caption: Laamaha ammanka ayaa boqolaal qof kasoo daadgureeyay goobta
  8. Qadar oo dowladda Soomaaliya ugu deeqday gawaarida gaashaaman

    Dowladda Qadar ayaa gawaarida dagaalka ee gaashaaman ugu deeqday dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaana lagu wareejiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

    Gawaaridan oo gaarayay 68 ayaa waxaa qaabilay wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada xoogga.

    Gaadidkan ayaa loogu talagalay in ciidamada ay ku fuliyaan howlgallada ammaanka.

    Gawaarida dagaalka ee la siiyay dowladda Soomaaliya
    Image caption: Gawaarida dagaalka ee la siiyay dowladda Soomaaliya
    .
  9. Dowladda Kenya oo xabsiga dhigtay 9 oo looga shakisan yahay weerarka

    Howlgalka wuxuu qaatay muddo 19 saacadood ah
    Image caption: Howlgalka wuxuu qaatay muddo 19 saacadood ah

    Mas’uuliyiinta dalka Kenya waxay sheegeen inay xabsiga dhigeen 9 qof oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday huteelka DusitD2 ee ku yaalla magaalada Nairobi

    Habeenkii Arbacada ayay booliska sheegeen in lasoo afjaray howlgalka ka dhanka ah weerarka oo ay ku dhinteen 21 qof.

    Dowladda Kenya waxay sheegtay in la dilay dhammaan raggii weerarka ku qaaday dhismaha.

    Ha’yadda laanqeyrta cas waxay sheegtay in 14 qof ay weli maqan yihiin.

  10. Tirada dhimashada weerarkii Nairobi oo korortay

    .

    Booliska Kenya waxay sheegeen inay tirada dhimashada dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay Nairobi ay gaartay 21 qof, dadka dhintay waxaa kamid ahaa sarkaal ka tirsan booliska Kenya.

    Labo qof oo looga shakinsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarka ayaa xabsiga la dhigay.

    Warbaahinta gudaha ee Kenya waxay ku warrameysaa in la xiray xaaska mid kamid ah dadka looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarka.

    Wargeyska The Standard ayaa kusoo warramaya in xaaska qofka la tuhunsan yahay ay maalin ka hor weerarka ay sheegtay in gurigeeda uu iib yahay.

    Mas’uuliyiinta dalka Kenya waxay sheegeen in dhammaan dableydii weerarka soo qaaday la dilay balse hadda ay socdaan baaritaanno lagu raadinayo dadka kale ee looga shakisan yahay in kooxaha ay u fududeeyeen inay weeraka ka gaystaan huteelka DusitD2 ee ku yaalla galbeedka Kenya.

  11. Ciidamo Mareykan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Suuriya

    Warbaahinta Kurdiyiinta waxay sheegtay in qaraxa uu ka dhacay gudaha maqaaxi ku taalla halkaasi
    Image caption: Warbaahinta Kurdiyiinta waxay sheegtay in qaraxa uu ka dhacay gudaha maqaaxi ku taalla halkaasi

    Ciidamo Mareykan ah ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ay kooxda IS ka fulisay waqooyiga Suuriya, sida ay sheegeen militariga.

    Dagaalyahanno ka tirsan Kooxda isku magacaawday Dowladda Islaamka ayaa isku qarxiyay meel u dhaw bar kontrool oo ay militariga Mareykanka ku leeyihiin magaalada Manbij oo ay heystaan Kurdiyiinta.

    Weerarka wuxuu gaar ahaan ka dhacay Huteel ay kulan ay ku yeelanayeen golaha militariga magaalada Manbij iyo ciidamada Mareykanka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Ciidanada Mareykanka oo howlgal ka wado magaalada Manbij
    Image caption: Ciidanada Mareykanka oo howlgal ka wado magaalada Manbij

    Yaa u maqan Kurdiyiinta markuu Mareykanka isaga baxo Suuriya?

    Labo kamid ah ciidamada Mareykanka ayaa ku dhintay halka saddex kamid ah ciidamada ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, sida ay sheegeen taliska militariga.

    Militariga Mareykanka ayaa ku sugan magaalada Manbij si ay taageero ugu fidiyaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta iyo kuwo Carabta ee dagaalka kula jiro kooxda IS.

    Kooxda isku magacaawday Dowladda Islaamka ayaa laga saaray magaalooyin badan oo ka tirsan bariga Suuriya.

  12. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Khamiis taarikhda waxay ku beegan tahay 17-ka bisha Janaayo sannadka 2019-ka.

  13. Madaxaweynaha Kenya oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerarkii dhismaha Dusit D2

    Madaxweynaha Kenya
    Image caption: Madaxweynaha Kenya

    Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in la soo afjaray weerakii ka dhacay magaalada Nairobi, dhamaan dagaallameyaashii weerarka soo qaadayna la dilay.

    Dableey hubeysan ayaa waxa ay shalay weerar ku qaadeen dhisme ganacsi oo ku yaalla degmada Westlands, oo ku taalla magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi, halkaas oo ay ku dileen 14 qof.

    Saraakiisha ayaa markii hore sheegay in weeraka la soo afjaray sacaado uun ka dib markii uu biloowday, balse saaka aroortii ayaa mar labaad waxaa la maqlayay dhawaqa rasaas iyo qaraxyo.

    Ururka Al-shabab ee ka dagaallama Soomaaliya ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

    Wali ma cadda tirada saxda ah ee dableyda soo weertay Hoteelka DusitD2.

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo maanta khudbad toos ah ka jeediyay telefishinnada maxalliga ah ayaa sheegay in 14 qof la dilay balse 700 oo qof oo kalena laga soo samata bixiyay dhismaha.

    Balse hay’adda Laanqeyrta Cas ee kenya ayaa tirada dhimashada ku sheegtay iney gaareyso 24 ruux.

    Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa muwaadin Mareykan ah sida ay sheegtay dawadda Mareeykanka.

  14. Dad badan oo baadigoob ugu jira dadka ka maqan

    Waxaa xarunta la dhigo maydadka ee Chiromo ee ku taalla magaalada Nairobi jooga dad badan oo raadinayo qarabadooda ama ehelkooda maqan xilli galbeedka Nairobi uu ka dhacay weerar ay ku dhinteen 14 qof, sida ay sheegtay dowladda Kenya.

    Meydadka dadkii ku dhintay weerarka ayaa waxaa la geeyay xarunta Chiromo halkaas oo ay laga raadinayo.

    Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ahaa dad soomaali ah.

    .
    .
  15. Muqaal: Dadka weerarka gaystay

    .

    Warbaahinta maxalliga ayaa ku warrantay in afar dabley ah ay ka dambeeyeen weerarka.

    Waxaa ay baraha bulshada soo geliyeen muuqaal ay duubtay Kameerooyinka ammaanka oo muujinaya dableyda oo galaya dhismaha.

    View more on twitter
  16. Ugu yaaraan 24 qof ayaa ku dhimatay weerarka

    Ha’yadda laanqeyrta cas ee Kenya waxay sheegtay in ugu yaraan 24 qof ay ku dhinteen weerarka ka dhacay magaalada Nairobi.

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu sheegay in 14 qof ay ku dhinteen weerarka.

    .

  17. Howlgalka ka dhank ahaa weerarka Nairobi oo lasoo afjaray

    Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in lasoo afjaray howlgalka
    Image caption: Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in lasoo afjaray howlgalka

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in lasoo afjaray howlgalka ka dhanka ah weerarka lagu qaaday huteelka DusitD2 oo ku yaalla galbeedka magaalada Nairobi.

    Kenyatta wuxuu sheegay in 14 qof ay ku dhinteen weerarka.

    Wuxuu sheegay madaxweynaha in la laayay dadkii weerarka soo qaaday.

    Madaxweynaha Kenya ayaa amaanay sida degdeg ah ay laamaha ammaanka Kenya uga falceliyeen weerarka.

  18. Muwaadiniin shisheeye oo ku dhintay weerarka

    Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ah 2 qof oo uu kala dhalatay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay mid kamid ah dadka ka howlgala xarunta meydadka la dhigo ee Chiromo.

    Wuxuu intaasi ku daray in 11 qof ay u dhasheen dalka Kenya.

    Saraakiil dowladda Mareykanka ka tirsan ayaa xaqiijiyay in muwaadin u dhashay dalkaasi uu kamid yahay dadkii ku dhintay weerarka.

  19. Midowga Afrika oo cambaareeyay weerarka Nairobi

    Muusa Faki
    Image caption: Muusa Faki

    Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Muusa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday huteelka DusitD2 ee ku yaalla galbeedka Nairobi.

    Bayaan kasoo baxay Midowga Afrika, wuxuu amaaan u jeediyay sida degdeg ah ay ciidamada Kenya uga falcelinayaan weerarka.

    View more on twitter