Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. AMISOM oo taliye guud u magacawday sarkaal Itoobiyaan ahAMISOM oo taliye guud u magacawday sarkaal Itoobiyaan ah
  2. Abwaan da'yar oo gabayiidiisa diirrada ku saara dhaqanka Soomaalida

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela oo sheegay in qoyskiisa loo hanjabay

    Juan Guaidó
    Image caption: Juan Guaidó

    Ninka sida iskiisa ah isugu dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Venezuela, Juan Guaidó ayaa sheegay in qoyskiisa loo hanjabay xilli dalkaasi ay ka taagan yihiin qalalaase siyaasadeed.

    Xilli uu khudhbad ka jeedinayay Jaamacadda Venezuela Central waxaa uu sidoo kale sheegay in booliska dalkaasi ay gaareen gurigiisa si ay usoo qabtaan xaaskiisa.

    Juan Guaidó ayaa ballan qaaday inuu wax ka qaban doono dhibaata dhaqaale iyo tan ban’iiadanimo ee ka taagan Venezuela , arrintaas oo horseeday in malaayin qof ay dalkaasi ka qaxaan.

    Guaidó ayaa dhawaan sheegay inuu yahay madaxweynah kumeel gaarka ah, waxaana durbadiiba aqoonsaday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Ruushka iyo Shiinaha waxay taageereen madaxweyne Nicolás Maduro.

    Guaidó ayaa shalay sheegay in kulamo qarsoodi ah uu la qaatay hoggaamiyeyaasha militariga dalkaasi si uu awoodda uga tuuro Maduro.

  2. Halkee ayuu ku dambeeyay ninkii isagoo qabriga loo wado soo toosi jiray

    Nin u dhashay dalka Itoobiya oo labo bilood ka hor lagu tiriyay dhimasho kaddib markii uu soo kacay isagoo aaskiisa lagu guda jiro ayaa hadda geeriyooday.

    Hirpha Negero ayaa shalay lagu aasay deegaanka Sibu Sire ee dalka Itoobiya, qaar kamid ah eheladdiisa waxay sheegeen in hadda uu u geeriyooday xannuun muddo dheer hayay.

    Hirpha Negero, oo ah aabe dhalay shan carruur ah ayaa waggaasi lagu dhawaaqay inuu geeriyooday.

    Markii uu naxashka kasoo kacay, sida uu qabo xeerka dhaqanka ee maxalliga ah, xaafadda ka tirsan degmada Sibu Sire ee bartamaha gobolka Oromada ee dalka Itoobiya.

    Faahfaahinta halkan ka akhri:

  3. Trump: Xaalad deg deg ah ayaan ku soo rogi dalka si aan darbiga u dhiso

    .

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay sababtii ka dambeysay in la xiro howlaha Mareykanka ay aheyd wakhti lumis.

    Trump wuxuu ku adkeystay inuu sii wadii doono qorshaha uu ku doonayo in uu darbi kaga dhiso xadka Mexico.

    Waxaa uu sidoo kale sheegay in xaalad deg deg ah uu dalka Mareykanka kaga dhawaaqi doono tan iyo inta uu ka xaqiijinayo dhisitaanka gidaarka.

    Madaxweyne Trump ayaa codsanayay in loo ansixiyo miisaaniyad gaareyso 5.7 bilyan oo doolar sii darbi kaga dhiso xadka koonfureed.

    Muranka ka dhashay qorshaha darbiga ayaa waxaa uu horseeday in la xiro howlaha dowladda federaalka.

  4. Abwaan da'yar oo gabayiidiisa diirrada ku saara dhaqanka Soomaalida

    Abwaan Cabdlaahi Xasan Ganey oo ka mid ah dhalinyarada tirsan Suugaanta Soomaalida waliba xagga gabayada oo dhawaanahan kaalin firfircoon uga jiray ayaa dhawaantan tiriyey gabay uu ugu magac daray digniin oo uu uga hadlayo dhaqanka bulshadda.

    Abwaan Cabdulahi Xasan oo ku sugan haatan gobolka Minnesota ayaa waxa uu u waramay wariye Siyaad Saciid Saalax.

    Video content

    Video caption: Abwaan Ganey
  5. AMISOM oo taliye guud u magacawday sarkaal Itoobiyaan ah

    Taliyaha cusub
    Image caption: Taliyaha cusub

    Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya ayaa janaraal Tigabu Yilma Wondimhunegn usoo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya.

    Tigabu Yilma oo kasoo jeedo dalka Itoobiya, waxaa uu xilka kala wareegay taliyihii hore ee ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya Jim Beesigye Owoyesigire oo Uganda u dhashay.

    Munaasabadda xil wareejinta waxaa goob joog ka ahaa madaxa AMISOM Francisco Caetano Madeira.

    Tigabu Yilma ayaa in ka badan 30 sanno ee lasoo dhaafay xilal kala duwan kasoo qabtay ciidanka xoogga ee dalka Itoobiya.

  6. Suudaan oo dib u fureysa xadka ay la wadaagto Eritrea

    Al Bashiir wuxuu dhawaan kasoo laabtay booqasho uu ku tegay dalalka Masar iyo Qadar
    Image caption: Al Bashiir wuxuu dhawaan kasoo laabtay booqasho uu ku tegay dalalka Masar iyo Qadar

    Suudaan ayaa dib u fureysaa xadka ay la wadaagto dalka Eritrea kaddib markii sanad ka hor ay xirtay xadka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Suudaan ayaa ka shakisay in xadka Eritrea looga soo gudbiyo hubka sharci darrada ah.

    Madaxweyne Cumar Al bashiir ayaa hadalkan sheegay xilli uu ku sugnaa magaalada Kisala oo ku taalla bariga Suudaan.

    “Waxaan shaaca ka qaadaya anigoo ku sugan magaaladan Kisala, in aan dib u fureyno xadka dalkeenna uu la wadaago Eritrea sababtoo ah waa walaalaheen waana dadkayaga, siyaasaddu nama kala qeybiso” ayuu yiri Al Bashiir

  7. Tirada dhimashada doomihii ku degay xeebaha Jabuuti oo korortay

    .

    Laanta Qaramada Midoobey ee u qaabilsan muhaajiriinta ayaa sheegtay in meydadka 52 qof laga soo saaray badda kaddib markii labo doonyood oo ay saarnaayeen dad muhaajiriin ah ay ku dageen xeebaha dalka Jabuuti.

    Ha’yadda IOM waxay sidoo kale sheegtay in 16 qof laga soo baadbaadiyay badda.

    Doomaha ayaa waxaa saarnaa rakaab xadh dhaaf ah, waxay ay dageen markii 30 daqiiqado kaddib ay kasoo dhaqaaqeen xeebaha deegaanka Godoria ee ku yaalla gobolka Obokh ee waddanka Jabuuti.

    “Dhacdadan masiibada ah waxay muujineysaa khatarta ay galayaan muhaajiriinta tabaaleysan ee nolol wanaagsan doonka ah” ayay tiri Lalini Veerassamy oo ka tirsan ha’yadda IOM.

  8. Xildhibaan loo xiray hadallo been ah oo u ku faafiyay baraha bulshada

    xildhibaan Alain Lobognan
    Image caption: xildhibaan Alain Lobognan

    Alain Lobognanoo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanaka dalka Ivory Coast horeyna u soo noqday wasiirkii ciyaaraha dalkaasi ayaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $520 doolar,kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka uu ku qoray hadalo been abuur ah isla markaana rabshado abuuri kara .

    Xeer ilaaliyaha dalkaasi ayaa 9-kii bishaan Janaayo amar ku bixiyay in la xiro xildhibaankaan.

    Waxaana xeer ilaaliyuhu uu sheegay in hadalka uu bartiisu tweterka ku qoray uu kicin karo rabshado iyo isku dhacyo bulshadeed .

    Affoussiata Bamba Lamine oo ah qareenka xildhibaanka oo la xiray 15 bishan ayaa sheegtay in uu doonayo uu racfaan ka qaato eedaha loo jeediyay.

    Waxay intaas ay ku dartay in ay iska caddahay in arintaani ay tahay kiis siyaasadeed oo ay ka dambeyaan qaar ka mid ah mas'uuliyiinta dalkaasi.

    Lobognan ayaa muddo 10 cisho ah cuntada ka soomanaa, waxaa uu rumeysan yahay in eedeymaha loo heysta la siyaasadeeyay.

  9. Dukaamo ay Soomaali leedahay oo Koonfur Afrika "lagu boobay."

    Dukaamada la boobay
    Image caption: Dukaamada la boobay

    Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika waxay sheegayaan in dukaamo ay soomaalida ku leeday dalkaasi la boobay.

    Cabdi Mahad Bilow Kunow oo kamid ganacsatada boobka loo geystay ayaa BBC u sheegay in ilaa toddobo dukaan la boobay isla markaasna ay ka carareen kooxda weerarka kusoo qaaday.

    "Afar qof ayaan ku joognay..markii aan aragnay inay yihiin ilaa kontomeeyo oo aan waxbo ka qaban karin,waan iskaaga cararnay. meel duur ayaan gaarnay ilaa labo saacadood ayay dukaanka dhex cayeen" ayuu yiri Cabdi Mahad.

    Goobaha ganacsiga la boobay waxay ku yaallern deegaan ka tirsan gobolka Limpopo Limpopo ee dalka Koonfur Afrika.

    Waxaa uu intaasi ku daray in marki dambe ay booliska usoo gurmadeen si noloshooda loo badbaadiyo.

    Dadka deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayay biyo iyo koronto la'aan ka jirto deegaanka.

    Cabdi Mahad ayaa sidoo kale in weerarka lagu soo qaaday soomaalida ay ku dhaawacmeen labo qof.

  10. Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela oo la kulmay militariga dalkaasi

    Guaidó ayaa ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha kumeel gaarka ee Venezuela
    Image caption: Guaidó ayaa ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha kumeel gaarka ee Venezuela

    Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela Juan Guaidó ayaa kulamo qarsoodi ah la yeeshay saraakiisha militariga dalkaasi si ay garab uga siiyaan in xukunka laga tuuro madaxweyne Nicolás Maduro.

    Hadalkan ayuu ku sheegay bayaan uu ku daabacay wargeyska New York Times.

    Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa isugu dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Venezuela.

    Shiinaha iyo Ruushka ayaa taageeray madaxweynaha xilka hayo ee Maduro halka Mareykanka iyo dalal kale ay aqoonsadeen Guaidó.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa shalay bartiisa Twitter-ka kusoo qoray inuu la hadlay hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela isla markaasna uu taageerayo hoggaankiisa.

    Xoghayaha arrimaha dibadda Britain Jeremy Hunt ayaa lagu wadaa inuu ugu baaqo Midowga Yurub inay cunaqabateyn kusoo roggaan hoggaamiyeyaal ka tirsan dowladda uu hoggaamiyo Maduro kaddib markii uu la hadlay Juan Guaidó.

    Ku dhawaad 3 milyan oo qof ayaa ka qaxay dalkaVenezuela iyadoo dalkaasi ay ka taagan tahay dhibaato dhaqaale.

  11. Hoggaamiyaha mucaaradka Suudaan oo la xiray

    Maryan waa gabadha uu dhalatay hoggaamiyaha mucaaradka Suudaan, Sadiiq Al Mahdi
    Image caption: Maryan waa gabadha uu dhalatay hoggaamiyaha mucaaradka Suudaan, Sadiiq Al Mahdi

    Laamaha ammaanka dalka Suudaan ayaa xabsiga dhigay gabar uu dhalay hoggaamiyaha mucaaradka Suudaan, Sadiiq Al Mahdi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Labo kamid ah gawaarida booliska ayaa gaaray guriga ay degganeyd Maryan Sadiiq Al Mahdi shalay halkaas oo ay ka kaxeeysteen.

    Maryan ayaa ah ku-xigeenka madaxa xisbiga Ummah oo ee u hoggaamiyo aabaheed oo 83 jir ah.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay, Sadiiq Al Mahdi oo horraan ra’iisul wasaare uga soo noqday dalka Suudaan ayaa taageeray dibadbaxyada lagu codsanayo inuu iscasilo madaxweyne Cumar Al Bashiir.

    Xiritaanka gabadhiisa, Maryan ayaa imaaneysaa xilli mid kamid ah saraakiisha ugu sarreysa dalkaasi uu maalin un ka hor shaaca ka qaaday in xabsiyada laga sii daynayo dadka loo xiray bannaabaxyada.

  12. Xaaladda Jigjiga oo maanta deggan

    .

    Waxaa maanta deggan xaaladda magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida kaddib markii ciidammada militariga ay la wareegeen waddooyinka magaalada Jigjiga.

    Saraakiisha Dowlad Deegaanka waxay sheegeen in la dejiyay xaaladda isla markaasna magaalada ay hadda xasiloontahay.

    Rabshadihii shalay ka dhacay Jigjiga waxaa ku dhintay labo qof halka ugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen qalalasaaha.

    Rabshadahii shalay ka dhacay Jigjiga ayaa waxaa u dhexeeyay qaar kamid ah qowmiyadaha wada deggo dalkaasi.

  13. Faahfaahin kasoo baxeysaa doonyo ku degay xeebaha Jabuuti

    .

    Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay labo doonyood oo ku qalibmay xeebaha dalka Jabuuti, sida ay sheegtay laanta Qaramada Midoobey u qaabilsan muhaajiriinta.

    Qof kamid ah dadka kasoo badbaaday badda ayaa sheegay in 130 qof ay saarnaayeen doomaha, waxaa hadda socotaa howlaha samatabixinta ee lagu raadinayo dadka maqan.

    Dalka Jabuuti ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay noqday marin ay sii kasii tallaabaan muhaajiriinta ku wajahan kacanka Cadmeed.

  14. Itoobiya war kasoo saartay weerar ay shegeen inay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya

    Warbaahinta Fana ee ku hadasha afka dowladda Itoobiya ayaa kusoo warrantay in ciidammada cirka ee dowladda Itoobiya ay duqeyn ku dileen 35 dagaalamayaal oo katirsan ururuka Al Shabaab.

    Itoobiya ayaa sheegtay in weerarkan uu dhacay 24kii bishan Janaayo.

    War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda gaashandhigga ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay socotay 44 daqiiqo, lagu bartilmaameedsaday saldhig ay Al Shabaab ku leeyihiin degmada Buurhakaba oo qiyaastii 75 kilomitir dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo.

    Militariga Itoobiya waxay sidoo kale sheegeen in madaxa howlgalka Al Shabaab ee deegaankaasi, Abdul Cismaan ay ku dileen weerarka iyo in burburiyeen afar kamid ah gawaarida dagaalka.

    Ururka Al Shabaab ayaa horay u sheegay in ciidamo katirsan Itoobiya ay ku weerareen inta u dhaxeysa magaalooyinka Baydhabo iyo Burhakaba, waxaana ay shegeen inay halkaasi ku dileen tobaneeyo kamid ah ciidammada Itoobiya.

    Hasayeeshe, hadalkan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya waxaa beeniyay ururka Al Shabaab.

  15. Barayaasha jaamacadaha Suudaan oo ku dhawaaqay dibadbaxyo hor leh

    Dibadbaxyada ka socda Suudaan
    Image caption: Dibadbaxyada ka socda Suudaan

    Barayaasha jaamacadaha dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay in maanta magaalada Khartuum ay ka dhigayaan dibadbaxyo hor leh oo ay kaga soo horjeedaan dowladda.

    Qorshahahan dibadbaxa ay shaaca ka qaadeen barayaasha ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Suudaan ay amar ku bixisay inay xabsiga kasoo sii deyneyso dadkii la xiray ee ka qeyb qaadanayay dibadbaxa lagu codsanayay inuu iscasilo madaxweyne Al Bashiir.

    Baryaasha jaamacadaha dalka Suudaan waxay sidoo kale daabaceen dokumenti ay ku codsanayaan inuu xilka ka dego Al Bashiir.

    Mid kamid ah dadka garwadeenka ka ah bannaanbaxa oo lagu magacaabo, Louay Mustashar ayaa BBC u sheegay inay sii wadi doonaan bannaanbaxa tan iyo inta laga xallinayo dhibaatada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee ka taagan dalkaasi.

    Dadka u doodo xuquuqul insaanka waxay sheegeen in ka badan kun qof in xabsiga loo taxaabay tan iyo markii dibadbaxyada ka bilaawdeen Suudaan.

  16. Boqolaal muhaajiriin oo la la'yahay xeebaha Jabuuti

    Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan muhaajiriinta ayaa sheegeysaa in la la’yahay dad kor u dhaafaya 130 qof oo muhaajiriin ah kaddib markii labo doonyood oo ay saarnaayeen ay kula degeen xeebaha dalka Jabuuti.

    Ha’yadda IOM waxay sheegtay in dadka degan gobolka Obokh ee Waqooy bari dalka Jabuuti ayaa dhacdadaasi ku wargeliyay booliska kaddib markii ay arkeen labo qof oo kasoo badbaaday doomaha qalibmay iyo meydadka saddex haween iyo labo rag ah.

    Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in doomaha ay qalibmeen markii nus saac ku dhawaad ay badda ku safrayeen, labada doonyood ayaa la sheegay in rakaab xadh dhaaf ah ay saarnaayeen.

    Waxaana hadda socdaa howlaha samatabixinta iyo gurmadka lagu soo badbaadinayo dadka ku maqan badda.

  17. Qarax ka dhacay Muqdisho

    Qaraxa ka dhacay Muqdisho
    Image caption: Qaraxa ka dhacay Muqdisho

    Qarax ayaa maanta ka dhacay kaalin shidaal oo ku taalla agagaarka Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, qaraxa ayaa ka dhashay markii baabuur waxyaabaha qarxo laga soo buuxiyay la dhigay mid kamid ah waddooyinka laga soo galo aqalka madaxtooyada.

    Mid kamid ah mas’uuliyiinta ammaanka gobolka Banadir ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen qaraxa halka shan qof ay ku dhaawacmeen.

    Ilaa hadda lama ogo cidda ka dambeysay qaraxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.