Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Dhaxal sugaha Sucuudiga oo kulan la yeelanaya ra'iisul wasaaraha Hindiya
  2. Yoweri Museveni oo markii lixaad xilka madaxtinimada u tartamaya

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Dad badan oo laga soo daadgureeyay tuulo ay dagaallo ka socdaan Suuriya

    Tiro dad ah ayaa laga soo daadgureeyay Baghuz
    Image caption: Tiro dad ah ayaa laga soo daadgureeyay Baghuz

    Kolonyo baabuur ah oo gaarayo ilaa 30 ayaa soo daadgureeyay tiro shacab ah oo ku go’doonsanaa tuulada Baghuz oo kamid ah goobihii ugu dambeeyay ay gacanta ku hayeen kooxda isku magacaawday khilaafada islaamka ee dalka Suuriya.

    Dadka inta badan laga soo daadgureeyay tuulada waxaa kamid ah haween iyo carruur ku haray tuuladaas.

    Arbacadii 2000 qof ayaa laga soo daadgureeyay halkaasi.

    Ciidammada Kurdiyiinta uu Mareykanka taageera oo ku hareereysan tuulada Baghuz waxay sheegeen in kumanaan shacab ah iyo xubno ka tirsan maleeshiyaadka ay weli ku dhex go’doonsan yihiin halkaasi.

    Ciidammada waxay doonayaan in dadka rayidka ah laga saaro tuulada ka hor gulufka ka dhan kooxda isku magacaawday Khilaafada Islaamka.

    Talaadadii ku dhawaad 50 baabuur oo ay saarnaayeen dad badan ayaa laga daadgureeyay halkaasi kaddib markii Qaramada Midoobey ay codsatay in la ilaaliyo badqabka shacabka ku go’doonsanaa Baghuz.

  2. Somaliland: 'Boqolaal kun qof, waxay wajahayaan gaajo abaaraha dartood'

    .

    Abaaraha ka taagan qeybo kamid ah Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa waxay horseedeen in dad ka badan 700,000 qof ay wajahayaan gaajo, sida ay sheegtay ha’yadda NRC.

    Ha’yadda waxay sheegtay in dadka ay u baahan yihiin gargaar.

    Warbixinta ha’yadda NRC ayaa lagu sheegay in roobabkii ka da’i jiray gobolka ay daaheen.

    Xaaladda Abaaraha ku dhuftay Somaliland

    Agaasimaha ha’yadda Norwegian Refugee Council (NRC) ee u qaabilsan gobolka Victor Moses,ayaa sheegay in dadka la daalaca dhacaya gaajada ka dhalatay abaaraha ay u badan yihiin carruur iyo haween.

  3. Burundi oo ku hanjabtay in ciidammadeeda ay kala soo bixi doonto Soomaaliya

    .

    Baarlamaanka dalka Burundi ayaa taageeray go'aan dowladda Burundi ay ku dooneyso in dhammaan ciidammada nabad ilaalinta ee ka joogo dalka Soomaaliya ay kala soo baxdo halkaasi.

    Burundi waxay ku hanjabtay in ciidammada ay kala soo baxeyso Soomaaliya waa haddii Midowga Afrika uu ku adkeysato in ciidammo gaarayo 1000 uu kala soo baxa halkaasi.

    Wasiirka gaashaandhigga Burundi,Emmanuel Ntahomvukiye, ayaa baarlamaanka u sheegay in dowladda ay horraan ku waregelisay Midowga Afrika go’aanka go'aankan.

    Burundi waxaa ka jooga dalka Soomaaliya ciidammo gaarayo 5000.

    Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan booqasho ku tegay dalka Burundi.

  4. Maduro oo xirayo xadka dalkiisa uu la wadaago Brazil

    Kolonyo baabuur ah oo ku xayiran xadka Venezuela uu la wadaago Brazil
    Image caption: Kolonyo baabuur ah oo ku xayiran xadka Venezuela uu la wadaago Brazil

    Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ayaa shaaca ka qaaday inuu xirayo xadka dalkiisa uu la wadaago Brazil xilli lagu muransan yahay gargaarka ban’iidanimo ee dalkaasi la geynayo.

    Maduro waxaa uu sidoo kale sheegay in uu ka baaraandegayo in uu albaabada isugu dhufto xadka Colombia si uu ugu hortaggo baaburta sida gargaarka oo uu halkaasi kasoo gudbinayo hoggaamiyaha mucaaradka.

    Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay kamid tahay qorshaha Mareykanka uu ku doonayo inuu xukunka kaga tuuro.

    Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela, Juan Guaidó ayaa horkacaya kolonyo baabuur ah oo ka baxday magaalada caasimadda ah ee Caracas si ay xadka Colombia uga soo qaadaan gargaarka

    Juan Guaidó ayaa sheegay inuu yahay madaxweynaha kumeel gaarka ah ee dalkaasi, waxaana aqoonsaday dalal dhowr ah oo uu kamid yahay Mareykanka.

  5. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan naga daalacataay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Jimco taarikhda waxay ku beegan tahay 22-ka bisha Febraayo sanadka 2019.

  6. Post update

    Tebinta tooska aheyd oo saaka inoo soo bilaabatay, intaasi ayay inooga dhan tahay. halkan kala socdo wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

  7. Puntland oo xirtay xafiisyada asxaabta siyaasadda

    .

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamul goboleedka Puntland ee waddanka Soomaaliya ayaa sheegtay in la joojiyay howlihii ay xisbiyada qaranka ka wadeen deegaannada maamulkaasi.

    Warkan oo ku soo baxay bayaan ay dowladda deegaankaasi soo saartay ayaa waxaa lagu caddeeyay in lagu hakiyay hawlihii ay xisbiyada heer qaran iyo kuwa dawladdaha xubnaha ka ah.

    “Dhammaan ururrada iyo xisbiyada heer Dawladda Dhexe iyo dawladaha xubnaha ka ah waa in ay hakiyaan wixii shaqo ah ee ay ka wadeen gudaha Dawladda Puntland” ayaa lagu yiri bayaanka ka baxay wasaaradda ariimaha gudaha ee Puntland.

    Arrin ayey dowladda Puntland ku sababeysay in uusan maamulka deegaanka u diyaarsaneyn nidaamkii lagu hagi lahaa axsaabta badan: “Waxaan sugaynaa inta laga dhamaystirayo dhammaan siyaadihii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa geeddi socodka dimuqraadiyadaynta iyo doorashooyinka dalka” ayey Puntland tiri.

    Inkasta oo arrintan aan looga fadhiyin ay ku dhaqaaqday wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland haddana waxay sheegtay “in ay garwaaqsan tahay, tixgalinna siinayso xuquuqda ururrada siyaasiga ah ee gundhigga u ah hannaanka doorashooyinka xisbiyada badan.”

    Guud ahaan Soomaaliya waxaa sanadihii la soo dhaafay ka bilowday diiwaangelinta xisbiyo siyaasadeed oo heer federaal ah, kuwaas oo la sheegay in looga gol-leeyahay sidii dalka lagu gaarsiin lahaa hannaan dimuqraadiyadeed oo qof iyo cod ah.

    Xisbiyada mudadaas la diiwaangeliyay waxaa ka mid ah Xisbiga Wadajir, kaas oo haatan uu saameeyay go’aanka ka soo baxay maamulka Puntland, ilaa iyo haatanna ma ay jirto wax war ah oo uu xisbigaasi go’aankaasi ka soo saaray.

    Xisbiga Wadajir ayaa dhawaantan waxa uu xafiis weyn ka furtay magaalada Garowe, kaas oo sheegay inuu doonayo in xaruntiisa dhexe ay noqoto magaaladaasi.

    Ma cadda in go’aanka dowladda Puntland loola jeeday xisbiga Wadajir, hasayeeshee dadka qaadaa dhiga siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in tani ay niyad jab ku keeni karto howlihii uu xisbigaasi ku taamayay inuu ka fuliyo deegaankaasi.

    Dhanka kale,waxaa muuqanayay in xiriir wanaagsan ay leeyihiin madaxda Xisbiga Wadajir iyo Madaxda cusub ee maamulka Puntland, oo xafladdii caleemo saarka madaxweyne Siciid Cabdullaahi Dani, waxaa lagu casuumay xubnaha sarsare ee xisbigaasi.

    Dad badan ayaana u arkay in meel iskugu keenidda gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ay ahayd bisayl ay muujisay Puntland.

    Tallaabadan ugu dambaysayse waxa ay dhabar jab ku tahay hannaanka xisbiyada dalka ka hanaqaaday, kuwaas oo shuruudaha lagu ansixiyo ay ka mid yihiin, in ay xubno joogta ah ku leeyihiin ugu yaraan sagaal gobol oo dalka ah.

  8. Walaac laga muujinayo dagaallo hor leh oo kasoo cusboonaaday South Sudan

    .

    Waxaa isa soo tarayaa walaaca ay dalalka caalamka ka muujinayaan dagaallada kooxaha hubeysan ay ka wadaan Suudaanta Koonfureed.

    Kumanaan qof oo reer South Sudan ah ayaa u qaxay xadka dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, maalmihii lasoo dhaafay dagaallo hor leh ayaa ka dhacay dalkaasi.

    Dalalka Norway, Ingiriiska iyo Mareykanka waxay sheegeen inay ka xun yihiin rabshadaha ka taagan gobolka Yei ee Suudaanta Koonfureed.

    Dalalkan waxay ugu baaqeen dowladda South Sudan, ciidammada taabacsan madaxweynihii ku xigeenkii hore, Riech Machar iyo maleeshiyaadka kale inay si deg deg ah u joojiyaan colaadda isla markaasna ay qaddariyaan heshiiskii dhinacyada ay gaareen sanadkii hore.

    Waxay sidoo kale ugu baaqeen hoggaamiyeyaasha gobolka inay u hoggaansamaan cunaqabateynta hubka ay Qaramada Midoobey kusoo rogtay dalkaasi.

  9. "Aabaha Shinnida"

    Nin ku nool dalka Itoobiya ayaa lagu arkay arrin mucjiso ah kaddib markii uu saaxib dhaw la noqday Shinnida.

    Gurigiisa waxaa kula nool Shinnida oo aanan wax dhibaato ah u geysaneynin isaga iyo qoyskiisa.

    Ninkan oo lagu magacaabo GosaTafesse ayaa sheegay in loogu yeero magaca 'Aaabaha Shinnida' iyo 'Aabaha Malabka', waxaa Shinnida uu dhaqdo ay dhalin jirtay 25 Kiilo ilaa 30.

    Shinnida ayaa timid gurigiisa 15 sanno ka hor, waxaa uu isku dayay inuu iska foggeeyo balse markasta waa ay kusoo laabataa.

    View more on facebook
  10. Muuse Biixi oo ammaanay sida uu wax u wado Abiy Axmed

    Abiy oo Addis Ababa kusoo dhaweeyay Muuse Biixi Cabdi
    Image caption: Abiy oo Addis Ababa kusoo dhaweeyay Muuse Biixi Cabdi

    Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta nabadda iyo xasiloonida gobolka.

    Muuse Biixi waxaa uu sheegay in isbaddallada ka dhacay gobolka ee uu garwadeenka ka yahay Abiy Axmed ay u horseedi karto wadashaqeyn dhaw oo dhexmarto Jahmuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida Somaliland iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

    Dhanka kale, war saxaafadeed kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in laisku afgartay in arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland lagu xalliyo qaab wada hadal ah.

    "Shirkii weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu la yeeshay ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya waxa la isku af-gartay in arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika," ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday Afahayeenka Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac.

    Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay booqasho ku tegay dalka Itoobiya, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta ugu sarreysa dalkaasi.

  11. Trump oo dalka Maraykanka ka hor istaagay gabadh Dawladda Islaamka ku biirtay

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalka laga hor istaagay gabadh ku biirtay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka oo borobogaandadooda fidin jirtay.

    Isaga oo Twitter soo qoray ayuu sheegay in uu ku amray wasiirka arrimaha dibadda Mike Pompeo "in Hoda Muthana aan loo ogolaan in ay dib ugu soo noqoto dalka Maraykanka"

    Pompeo ayaa horay u sheegay in gabadha 24 jirka ah aysan ahayn muwaadinad Maraykan ah isla markaasna aan loo ogolaan doonin in ay dib ugu soo noqoto dalkiisa.

    Sikastaba ha ahaatee qoyskeeda iyo qareenkeeda ayaa ku adkaysanaya in ay tahay muwaadinad Maraykan ah.

    Faahfaahinta halkan ka akhriso:

  12. Itoobiya oo burburineysa guryaha laga dhisay dhulka danta guud

    Howlgalka waxaa lagu burburiyay guryo badan
    Image caption: Howlgalka waxaa lagu burburiyay guryo badan

    Mas’uuliiyiinta dalka Itoobiya ayaa bilaabay howlgal lagu burburinayo guryo laga dhisay dhulka danta guud oo ku yaalla duleedka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

    Warbaahinta maxalliga ayaa ku warrantay in guryo gaarayo 10,000 la duminayo kaddib markii uu amar kasoo baxay maamulka magaalada Legetafo-Legedadi ee gobolka Oromiya.

    Howlgalka wuxuu horseeday in qoysas badan oo degenaa dhulkan ay guryo la’aan noqdaan halka qaar kamid ah dadkaasi ay hoy u ka dhigteen kaniisado.

    Howlgalka burburinta guryaha laga dhistay dhulka danta guud ee dalka Itoobiya waxaa looga golleeyahay qorshe la doonayo in dhulkan uu noqdo barxad ay dadweynaha ku nastaan.

    .
  13. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Khamiis taarikhda waxay ku beegan tahay 21-ka bisha Febraayo sanadka 2019-ka.

  14. Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay dagaallo hor leh oo ka dhacay South Sudan

    Dagaalladii horraan ka dhacay South Sudan waxaa ka barakacay kumannaan qof
    Image caption: Dagaalladii horraan ka dhacay South Sudan waxaa ka barakacay kumannaan qof

    Khuburrada ka tirsan laanta Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa walaac ka muujiyay dagaallada ka soo cusboonaaday dalka Suudaanta Koonfureed oo horseeday in kumannaan qof inay guryahooda ka qaxaan.

    Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ku sugan Suudaanta Koonfureed waxay sheegeen in dabley hubeysan ay weerar ku qaadayaan tuulooyinka isla markaasna ay guryaha dab qabadsiinayaan.

    Waxay sidoo kale dableyda ay tacaddiyo u geysteen haweenka halkaasi ku nool.

    Qaramada Midoobey waxay sidoo kale sheegtay inay sare u kaceen tirada haweenka ee kufsiga loo geystay.

    Waxay dowladda iyo dhinacyada isku hayo South Sudan ka codsatay inay qaddariyaan heshiiskii ay gaareen sanadkii lasoo dhaafay.

  15. "Muddo 49 sano ah ayaan BBC dhageysanayay"

    .

    Siyaad Muxumed Cumar waa 70 jir ku nool magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, wuxuu muddo aad u dheer ku taxnaa oo uu dhagaysan jiray laanta Af Soomaaliga ee BBC.

    Siyaad ayaa sheegay in muddadaasi uu dhagaysanayay laanta afka Soomaaliga ee BBC uu ka kororsaday cilmi badan oo xogaha adduunka ku saabsan.

    Siyaad Muxumed Cumar oo aan waxna qorin waxna akhrin ayaa sheegay in macluumaadka uu BBC-da ka helo ay ku keydsan yihiin maskaxdiisa.

    Waxa uu intaa ku daray in dad badan oo aqoonyahanno ah soo weydiiyaan xogtaas oo ay ka mid yihiin wararka dunida iyo waxyaabaha ka socda.

    "Waxaan billaabay dhagesysiga BBC 1969,ilaa waqtigasi ayaan dhagaysaanayay,waqtiyadaas waxyaabaha ay dadka aadka u xiisaynayeen waxaa ka mid ahaa dagaalkii Vietnam iyo Mareykanka iyo jabhaddii Biafra ee Nigeria," ayuu yiri Mr Siyaad.

    Faahfaahinta halkan ka akhri:

    View more on facebook
  16. Yoweri Museveni oo markii lixaad xilka madaxtinimada u tartamaya

    Yoweri Museveni
    Image caption: Yoweri Museveni

    Saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga haya talada dalka Uganda ayaa usoo xushay madaxweyne Yoweri Museveni inuu yahay musharrax madaxweynaha doorashada dalkaasi ka dhaceysa sannadka 2021-ka.

    Sanadkii lasoo dhaafay sharci la ansixiyay ayaa meesha looga saaray xayiraadda da’da madaxweynaha ee ku xusneyd dastuurka waddanka Uganda.

    Waxay tallaabadan waddada u xaareysaa in madaxweyne Museveni uu xilka sii hayn karo muddo afartan sanno ah.

    Waa markii lixaad uu xilka madaxtinimada u tartamaya madaxweynaha Uganda oo talada hayay tan iyo sanadkii 1986-kii.

    Maxkamadda ugu sarreysa dalka Uganda waxay bilaawday dhageysiga dacwadda looga soo horjeedo go'aanka meesha looga saaray xayiraadda da'da madaxweynaha dalkaasi.

  17. Al Shabaab oo weerartay ciidamo Itoobiyaan oo ku sugnaa Baardheere

    .

    Wararka laga helayo magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka labo qarax lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo marayay bartamaha magaaladaas.

    Dad ku sugan Baardheere ayaa BBC-da u sheegay in ciidammada oo lugaynaya wado dhex marta magaalada lagu qarxiyay labo miino.

    Waxaa ay intaa ku dareen inay arkeen askar dhiig ka baxayo oo goobta laga qaadayo balse aanay kala saarin karin haddii dhimasho ama dhaawac ay yihiin.

    Hal qof oo rayid ah ayaa dhintay afar kalena way dhaawacmeen oo labo kamid ah yihiin dumar kuwaa oo ka ag dhawaa halka ay qaraxyadu ka dhaceen.

    Isgaarsiinta magaalada ayaa hawada laga saaray inkasta oo markii dambe dib loo fasaxay.

    Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxyada ka dhacay Baardheere.

  18. Qorshaha Aqalka Cad ee nukliyeerka Sacuudiga oo baaritaan lagu samaynayo

    Dawladda Maraykanka ayaa ku degdegaysa in ay macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan tiknoolajiyadda quwadda korantada ee nukliyeerka la wadaagto Sacuudi Carabiya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saareen aqalka wakiillada.

    Guddigan aqalka uu xisbiga Dimuqraadigu hoggaamiyo ayaa billaabay baaritaan ku aadan walaaca laga qabo in Aqalka Cad uu boqortooyada Sacuudiga ka dhiso warshad quwadda korontada ka dhalisa nukliyeer.

    Dadka sirtan dusiyay ayaa guddiga u sheegay in arrintaasi waxyeelayn karto Bariga Dhexe ayna siyaadinayso nukliyeer samaysashada.

    Shirkado lala xiriiriyay madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa in ay dabada ka riixayaan wareejinta macluumaadkaas.

    Faahfaahinta halkan ka akhri: