Darawallada Uber oo dacwaynaya duqa magaalada London
Getty ImagesCopyright: Getty Images
Qaar ka mid ah darawallada tagaasida ayaa
maxkamadda gaynaya dacwad ka dhan ah duqa magaalada London Sadiq Khan, iyaga oo
ka andacoonaya lacaga looga qaadi rabo saxmadda waddooyinka.
Kooxdan oo ay ka mid yihiin darawallada Uber ayaa
sheegay in lacagtan laga qaadi rabo ay tahay cunsurinimo, maadaama oo 94% ay
dadkaasi yihiin madaw, Aasiyaan iyo dad yawga kale ee laga tirada badan yahay.
Takaasida "black cab" loo yaqaanno ee London
ka shaqaysta oo tagaasi ahaan u diiwaan gashan ayaan iyagu lacagtaas laga
cafiyay.
Xafiiska duqa magaalada ayaa sheegay in aysan diyaar u
ahayn in ay iska indha tiraan saamaynta ay baabuurta cabanaya ku leeyihiin
saxmadda waddooyinka iyo wasakhaynta hawada.
Laga billaabo 8 bisha Abriil, gawaaridan cabanaya
waxaa laga rabaa in ay bixiyaan 11.50 gini maalin walba, arrintaas oo lagu
sababeeyay waddooyinka ay ciriiriga ka dhigayaan, sharcigaasna waxaa soo
dajiyay duqa magaalada London.
.Copyright: .
Saxafi caan ah oo markii labaad ka badbaaday qarax
Wariye Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku sugnaa Huteelka Maka Al Mukarama marka uu qaraxu ka dhacayay ayaa sheegay uu dhaawac sahlan ka soo gaaray gacanta.
Macallimuu ayaa BBC-da uga warramay wixii uu indhihiisa ku arkay.
Hoos ka dhagayso sida ay xaaladdu ku billaabatay iyo wixii uu indhihiisa ku arkay.
Australia waxaa soo maray xagaagii ugu kululaa inta la ogyahay,
sida ay baahisay waaxda dalkaas u qaabilsan saadaasha hawada.
Boqollaal ruux ayaa
dhibaato kala kulmay kulaykan daran ee saddexdii bilood ee la soo dhaafay ka
jiray dalkaas.
Kulaylkan xad
dhaafka ah ayaa sababay in uu dab qaysado kaymo, korontadu ay tagto, ayna sare u
kacdo dadka isbitaallada la seexinayo.
Duurjoogtii ayuu
sidoo kale kulaykani aad u saameeyay, wararkuna waxay sheegayaan in ay dhinteen
fardo farabadan, xayawaan kale iyo waliba kalluun.
“Kulaylku sida uu u
baahsan yahay iyo wakhtiga dheer ee uu qaatay ayaa dalka intiisa badan saamaysay.”
Sida uu BBC-da u sheegay Blair Trewin.
Kulaylka hadda jira ayaa ka sare maray kii ugu darnaa ee dalka Australia soo mara xagaagii 2012-13,
ayuu intaas ku sii daray.
EPACopyright: EPA
Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka Muqdisho iyo sawirro
BBCCopyright: BBC
Hawlgallada ammaanka ayaa wali ka sii socda Agagaarka Huteel
Maka Al Mukarama oo tan iyo xalay uu ka socday weerarkii aagaas lagu qaaday.
Wararkii ugu dambeeyay een ka helayno magaalada Muqdisho
ayaa sheegaya in ay dhimashadu marayso ku dhawaad labaatan ruux dhaawacuna uu kor u dhaafayo konton,
sida ay BBC-da u sheegeen dhakhaatiir ka hawlgala magaalada Muqdisho.
Dad ayaa wali ku xanniban dhismeyaasha rasaasta laga maqlayo
oo ka ag dhaw hoteelka Maka Al Mukaramma.
Warbaahinta taageerta ururka Al shabaab ayaa tabisay in ay Alshabaab ka dambeeyaan weerarka.
BBCCopyright: BBC
Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay in aysan halkan ka sii wadayn wada xaajoodka
Ri Yong Ho ayaa hadalkan
jeediyay ka dib shirkii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha
Kuuriya Waqooyi Kim Jong-un ay ku yeesheen Vietnam, kaas oo ku soo idlaaday is
afgarad la’aan.
Wuxuu sheegay in ay
waydiisteen in qayb ahaan laga qaado cunaqabataynta, balse aan gabi ahaanba
laga qaadin.
Balse maamulka Trump
ayaa ku adkaystay in Waqooyigu ay waydiisteen in cunaqabataynta oo dhan laga
qaado.
Wadahadalka ka dib
Trump wuxuu sheegay in Kim uu u soo dhigay in uu burburin doono dhammaan
xarunta Yongbyon ee loo adeegsadao cilmibaarista iyo samaynta hubka nukliyeerka Kuuriyada
Waqooyi, kaas oo ah qorshe ahmiyad wayn leh.
Balse taas badalkeeda
uu Kim doonayay in cunaqabataynta oo dhan laga qaado, arrintaas oo Maraykanku uusan diyaar u ahayn, ayuu intaas ku daray Trump.
Post update
Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga dalaacataay kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.
Waa maalin Jimce ah oo ay taariikhdu tahay 01 bisha Maarso ee sannadka 2019.
Pakistan oo sii daynaysa duuliyihii Hindiya
Duuliyihii Hindiga ahaa ee la qabtay ayaa Jimcaha la sii daynayaa, iyadoo dareen nabadeed la muujinayo sida uu shaaciyay ra'iisulwasaare Imran Khan, iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda Kashmiir.
Khan ayaa hadalkaas
ka sheegay baarlamaanka, wuxuuna intaas ku daray in Pakistan ay diiradda
saarayso sidii xaaladda loo dajin lahaa.
Pakistan ayaa Arbacadii
soo ridday diyaaraddii dagaalka ee uu waday duuliyahan, iyadoo ay xiisaddu ka
billaabatay gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir.
Qabashadiisa ayaa
culays cilad ku noqotay Hindiya. Labada dalba waxaa saaran caddaadis looga
dalbanayo in ay xaaladda dajiyaan.
BBCCopyright: BBC
Bukaan Ebola qaba oo laga baadigoobayo DR Congo
AFPCopyright: AFP
Askari booliis ayaa la dilay afar ruux oo xannuunka Ebola
qabayna waa la la’yahay ka dib markii Arbacadii la weerar xarun caafimaad oo ku
taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Waa weerarkii labaad ee noociisa ah ee saddex maalmood gudahood
ay gaystaan dad aan la garanayn.
Labada weerarba xarumihii caafimaadka ayaa dab la qabadsiiyay,
waxaana la burburiyay qalabkii caafimaadka.
Afartan ruux ee ka cararay xarunta dawaynta ee Butembo ayuu
caabuqu ku badna oo dadka kale qaadsiin kara. Wasaaradda caafimaadka ee DR Congo
ayaana sheegtay in ay baadi goobayso.
Dad kale oo 32 gaaraya oo looga shakiyay in ay xannuunka qabaan
ayaa ka baxsaday xarunta dabka la qabadsiiyay.
Ma cadda in dadkaasi ay rabeen in ay bukaanka meesha ka sii
daayaan.
Shaqaalaha caafimaadka ayay ku adkaatay in ay helaan kalsoonida
dadka deegaanka. In kabadan 550 ruux ayaa illaa iyo hadda u dhintay Ebola, taas
oo ka dhigaysa tiradii labaad ee ugu badnayd ee abid u dhimata caabuqaas.
Faafitaanka xannuunkan ayaa u muuqda in uusan si dhakhso ah u
soo afjarmayn.
Dawladda ayaana hadda sheegtay in ay milatariga hawlgalinayso si
ay xarumaha caafimaadka u ilaaliyaan.
Kooxo badan oo hubaysan ayaa ka hawl gala deegaanka uu cudurku
ka dilaacay.
Diyaarado isaga weecday hawada Pakistan
Getty ImagesCopyright: Getty Images
Diyaaradaha isaga kala gooshaya Bariga Aasiya ee ku sii jeeda
Yurub ayaa billaabay in ay ka weecdaan Pakistan iyo waqooyiga Hindiya
Hawada sare ayaa loo
xiray xiisadda sii siyaadaysa ee u dhaxaysa labada dal awgeed, ka dib markii uu
dalkaasi soo riday labo diyaaradood oo milatariga Hindiya leeyahay.
Duulimaadyada
Pakistan ayaa la baajiyay kuwii kalana khadadkii ay marayeen ayaa laga
wareejiyay.
Iyadoo duulimaadyada
koonfurta Pakistan ay ciriiri sii noqonayaan, shirkadda uu fadhigeedu yahay
Bangkok ayay u suuragali wayday in ay marinno u hesho duulimaadyadeeda.
Dawladda oo la wareegtay kuuliyaddii jaalle Siyaad
BBCCopyright: BBC
Ciidammada Midowga Afrika ayaa saaka banneeyay dhismaha kuuliyaddii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho oo saldhig milatari u ahayd tobankii sano ee ugu dambeysay.
Munaasabad kooban ayaa lagu qabtay dhismaha taas oo ciidammada Burundi oo daganaa ay si rasmi ah ugu wareejiyeen dawladda Soomaaliya.
Kuuliyadda Jaale Siyaad oo la dhisay 1975tii ayaa lagu tababari jiray saraakiisha ciidammada kala duwan ee Soomaaliya marka laga reebo kuwa Cirka iyo Kuwa Badda.
Sidoo kale waxaa kuuliyaddan ka baxay saraakiil ka socotay ciidammada dalal badan oo Afrikaan ah.
Kuuliyadda Jaale Siyaad ayaa burburtay kadib markii la riday dawladdii Maxamed Siyaad Barre 1991dii.
2008 ayay ciidammada Burundi oo ka mid ah hawgalka Midowga Afrika ee loo yaqaano Amisom ay ka dhigteen saldhig milatari oo ay ka difaacaan dawladda Soomaaliya oo ay weeraro xoog leh ku haysay Al-Shabaab.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegaysa in kuliyadan sideedii lagu soo celin doono laguna tababari doono saraakiisha ciidanka Soomaaliya.
BBCCopyright: BBC
BBCCopyright: BBC
BBCCopyright: BBC
BBCCopyright: BBC
Shirkii Trump iyo Kim oo dhammaaday iyagoon heshiis gaarin
BBCCopyright: BBC
Shirkii ay lahaayeen madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo
hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un ayaa soo idlaaday iyadoon wax
heshiis ah la gaarin, sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka
Maraykanka.
Labada masuul ayaa
yeeshay “shir muhiim ah oo wax ku ool ah” oo ka dhacay magaalada Hanoi ee dalka
Veitnam.
Balse heshiis lagama
gaarin arrinta ku saabsan sidii nukliyeerka loo tirtiri lahaa.
Labada masuul ayaa dalka
Singapore ku yeeshay shir taariikhi ah bishii Juunyo ee sannadkii hore.
Kim muxuu ka yari kulanka Trump?
ReutersCopyright: Reuters
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un ayaa saxafiyiinta u sheegay in uusan la kulmeen madaxweynaha Maraykanka haddii uusan diyaar u ahayn in hubka nukliyeerka ah meesha laga saaro.
Madaxweynaha dalka
Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa
billaabay maalintii u dambaysay ee muhiimka u ahayd wadahalka hubka nukliyeerka
ah ee dalka Vietnam ka socda.
Sidii loo tirtiri
lahaa hubka nukliyeerka ah ayaa horumar yar laga sameeyay tan iyo shirkii
koobaad ee taariikhiga ahaa ee dhacay sannadkii hore. Hadda indhaha oo dhan
waxay hayaan waxay noqon karaan tallaabooyinka muhiimka ah ee la isku af garan
karo.
“Degdeg ma jiro. Waxaan
doonaynaa in aan heshiis wanaagsan galno. Ayuu yiri Trump oo la taagan Kim, ka
hor kulankooda.
Kim ayaa isna
dhankiisa sheegay in uu filayo “in natiijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto”
wada xaajoodka.
“Waxaa la filayaa in
ay ka wada xaajoon doonaan tubtii loo mari lahaa sidii gacanka Kuuriya looga
dhigi lahaa mid aan hub nikliyeer ah lahayn iyo in lagu dhawaaqo heshiis rasmi
ah oo lagu soo afjaro dagaalkii labada Kuuriya iyo in ay xitaa xafiisyo kala
furtaan.
Maxaa keenay shir labaad?
Kulankii koobaad ee labada
masuul ay ku yeeshan dalka Singapore bishii Juun ayaa aad loo dhaliilay
inkastoo xaqiiqdii uu ahaa mid taariikhi ah, balse hadda labadooduba waxay ka
dharagsan yihiin in ay u baahan yihiin muujinta in ay in horumar la taaban
karo sameeyeen.
Washington ayaa markii
hore sheegtay in Kuuriyada Waqooyi aan laga dabcin doonin cunaqabataynta tan
iyo inta ay iskeed uga harayso hubkeeda nukliyeerka ah, balse Kuuriyada Waqooyi
ayaa lagu yaqaannaa in ay ku adkayd arrintaas.
Trump oo hadlay shirka
ka hor ayaa mar kale u muuqday in uu ka hadlay dhaleecayntii loo soo jeediyay
guushii laga gaaray shirkii hore iyo wakhtiga ay qaadanayso arrintaas wuxuuna yiri “Tan
iyo markii aan wadahadalka billawnay waxaan lahaa xawaaruhu agtayda ahmiyad
kama laha, waxaana aad uga jeclahay in aan gantaallo nukliyeer la tijaabinin.”
Madaxweynaha
Maraykanka ayaa sheegay in uu “ixtiraam ballaaran u hayo” Kim xiriirkooduna uu
yahay “mid aad u xoog badan”
Dhanka kalana jawaab
loomalaynayo in ay tahay middii koobaad
ee Kim uu siiyo saxafi ajnabi ah ayuu ku sheegay “waa wakhti hore in laga
hadlo, balse marka aan ka hadlo sida aan u arko, waxaan qabaa dareen ah in
natiijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto.”
Wuxuu sheegay in dadka
arkaya isaga oo Trump la taagan ay u malayn doonaan in ay daawanayaan “filim
mala awaal ah”. Sannadkii 2017
labadooduba dagaal ayay isugu hanjabeen, Trump ayaa markaad Kim ku tilmaamay “nin
gantaal yar wata”, Kim-na Trump wuxuu ku tilmamay oday asaasaqay.
Post update
Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kuna soo
dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa
caalamka.
Waa maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 28 bisha
Feebaraayo ee sannadka 2019.
Madaxweynaha Kenya oo u hambalyeeyay Buhari
Madaxweynaha
dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha Nigeria ka dib
markii uu ku guulaystay doorashada Nigeria.
Kenyatta
ayaa qoraal uu shaaciyay ku yiri “waxaan doonayaa in aan sii wada wada
shaqaynta dhaw ee Buhari anaga diiradda saarayna waxyaabaha danta u ah labada
dal ee Nigeria iyo Kenya.”
IKenyatta
oo qoraal soo dhigay Facebook ayaa sheegay in guusha Buhari ay “caddaynayso
sida ay dadkiisa reer Nigeria ugu kalsoon yihiin.”
Xisbiga ugu wayn mucaaradka dalka Nigeria ee PDP ayaa diiday guusha
uu madaxweyne Muhammadu Buhari ka gaaray doorashadii aadka loogu loolamay ee Sabtidii
dhacday.
“Waxaan maraynaa dariiqkaste oo ay ka mid tahay in aan xal ka
raadino hannaanka caddaaladda ee Nigeria.” sida ay wakaaladda wararka ee Reuters
ka soo xigatay Osita Chidoka oo ka mid ah xisbiga PDP.
Xisbiga PDP ayaa sheegay in wax isdabomarin ay haraysay
doorashadii, balse guddiga doorashada ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay.
Buhari oo mar kale ku guulaystay madaxweynenimada Nigeria
Press EyeCopyright: Press Eye
Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa mar kale loo doortay madaxweynenimada Nigeria, sida ay muujinayso natijada kama dambaysta ah ee doorashadii Sabtidii dhacday.
Hoggaamiyahan 76 jirka ah ayaa ka guulaystay madaxweyne ku xigeenkiisii hore Atiku Abubakar, isaga oo kaga badiyay wax ka yar afar milyan oo cod.
Dib u dhac ku timid codaynta iyo rabshado ayaa hadheeyay doorashada, balse kormeereyaasha madax bannaan ma aysan soo sheegin wax isdabomarin.
Xisbiga madaxweyne Buhari ee APC ayaa ku guulaystay 19 oo ka mid ah 36-da gobol ee dalkaasi uu ka kooban yahay.
Dadka doorashada u soo baxay ee codaynta u diiwaan gashanaa ayaa noqonaya 35%, guddiga doorashaduna wuxuu natiijada kama dambaysta ah ku dhawaaqi doonaa Arbacada.
Ninka ugu tajirsan UK oo ku dhawaaqay hal bilyan oo maalgashi ah
Ninka ugu qani san Britain Jim
Ratcliffe ayaa ku dhawaaqay in uu samaynayo maalgashi kor u
dhaafaya hal bilyan oo doolarka Maraykanka ah, isaga oo diiradda saari doona
dhanka tamarta iyo shirkadaha dawooyinka sameeya.
Shirkadda Ineos ee uu leeyahay Ratcliffe company ayaa
500 milyan oo giniga istarliinka ah galin doonta dhuumaha shidaalka ee Forties,
kuwaas oo ay soo maraan 40% shidaalka UK ka soo gala dhanka badda Waqooyi.
Sidoo kale wuxuu Scotland
ka dhisi doonaa shirkad dhanka tamarta ah oo ay ku baxayso 350 milyan oo gini
iyo warshad dawooyinka soo saarta oo ay ku bixi doonto 150 milyan oo gini.
Wargayska Sunday
Times ayaa bishan horraanteedii baahiyay in Ratcliffe iyo labadiisa masuul ee sare ay u badbaadayso in
kabadan 4 bilyan oo doolar oo canshuur ah haddii Britain ay ka baxdo Midawga
Yurub.
Maal qabeenkan ayaan
la gabanin taageerada uu u hayo in Britain ay isaga baxdo ururka Midawga
Yurub.
Getty ImagesCopyright: Getty Images
Pakistan oo soo riday labo diyaaradood oo Hindiya leedahay
AFPCopyright: AFP
Dawladda Pakistan ayaa sheegtay in ay soo ridday labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahahay Hindiya kuwaas oo soo galay hawadeeda Kashmir.
Pakistan ayaa intaas ku dartay in ay xirtay mid ka mid ah duuliyeyaashi diyaaradaha.
Sareeye gaas Asif
Ghafoor ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha ay ku soo dhacday dhulka ay
Pakistan maamusho halka midda kalana ay ku dhacday dhulka ay Hindiya maamusho.
Talaadadii ayay
Hindiya qaadday weerarro dhanka cirka ah oo ka dhan ah malayshiyaad ku sugan Pakistan.
Weerarradaas ayaa
looga aargoosanayay weerar ay malayshiyo ku qaadday ciidammada Hindiya ee ku sugan
qaybta ay Hindiya maamusho ee Kashmiir.
Xiisadda ayaa aad u
sarraysay tan iyo 14 Feebaraayo markaas
oo ciidammo sida milatariga u tababaran weerar is qarxin ah lagu
bartilmaameedsaday, laguna dilay 40 askari.
Arbacadii wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakisan ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Pakistan ay hawlgallo ka fuliyeen khadka difaaca ee kala qaybiya Kashmirta Pakistan iyo Kashmirta Hindiya.
Pakistan ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay diyaarado aan milatari wadin, si looga baaqsado dad dhinta iyo in dhibaato baaxad wayn dhacda.
Masuuliyiinta Hindiya ayaa sheegay in diyaaradihii Pakistan dib loo caabiyay.
Hindiya iyo Pakistan-ba waxay sheegtaan in ay leeyihiin gobolka Kashmiir ee Muslimiintu aqlabiyadda yihiin, mid kastana qayb ka mid ah ayuu maamulaa.
Labadan dal ayaa saddex jeer dagaalamay tan iyo markii ay xornimada ka heleen Britain 1947, marka mid laga reebana dagaalladaasi waxay salka ku hayeen Kashmiir.
Qareen raba in uu Trump ku eedeeyo “cunsurinimo iyo been”
GETTY IMAGESCopyright: GETTY IMAGES
Qareenkii hore ee Trump, Michael
Cohen oo dambi lagu helay ayaa la filayaa in uu madaxwynaha ku eedeeyo falal
dambiyeedyo, arrintaasna uu samayn doono inta uu joogo Capitol Hill.
Cohen oo Arbacada la
hadli doona guddi Aqalka Wakiillada ka socda ayaa Trump ku eedayn doona
suuragalnimada maaliyad si aan sharciga waa faqsanayn loo maareeyay iyo
adeegsiga luuqad cunsuriyadaysan, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka.
Aqalka Cad ee looga
arrimiyo dalka Maraykanka ayaa su’aal galiyay sababta ay xildhibaannadu u
casuumeen qof qirtay in uu been u sheegay Kongareeska.
Tebin toos ah
time_stated_uk
Darawallada Uber oo dacwaynaya duqa magaalada London
Qaar ka mid ah darawallada tagaasida ayaa maxkamadda gaynaya dacwad ka dhan ah duqa magaalada London Sadiq Khan, iyaga oo ka andacoonaya lacaga looga qaadi rabo saxmadda waddooyinka.
Kooxdan oo ay ka mid yihiin darawallada Uber ayaa sheegay in lacagtan laga qaadi rabo ay tahay cunsurinimo, maadaama oo 94% ay dadkaasi yihiin madaw, Aasiyaan iyo dad yawga kale ee laga tirada badan yahay.
Takaasida "black cab" loo yaqaanno ee London ka shaqaysta oo tagaasi ahaan u diiwaan gashan ayaan iyagu lacagtaas laga cafiyay.
Xafiiska duqa magaalada ayaa sheegay in aysan diyaar u ahayn in ay iska indha tiraan saamaynta ay baabuurta cabanaya ku leeyihiin saxmadda waddooyinka iyo wasakhaynta hawada.
Laga billaabo 8 bisha Abriil, gawaaridan cabanaya waxaa laga rabaa in ay bixiyaan 11.50 gini maalin walba, arrintaas oo lagu sababeeyay waddooyinka ay ciriiriga ka dhigayaan, sharcigaasna waxaa soo dajiyay duqa magaalada London.
Saxafi caan ah oo markii labaad ka badbaaday qarax
Wariye Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku sugnaa Huteelka Maka Al Mukarama marka uu qaraxu ka dhacayay ayaa sheegay uu dhaawac sahlan ka soo gaaray gacanta.
Macallimuu ayaa BBC-da uga warramay wixii uu indhihiisa ku arkay.
Hoos ka dhagayso sida ay xaaladdu ku billaabatay iyo wixii uu indhihiisa ku arkay.
Xagaagii ugu kululaa ee soomara Australia
Australia waxaa soo maray xagaagii ugu kululaa inta la ogyahay, sida ay baahisay waaxda dalkaas u qaabilsan saadaasha hawada.
Boqollaal ruux ayaa dhibaato kala kulmay kulaykan daran ee saddexdii bilood ee la soo dhaafay ka jiray dalkaas.
Kulaylkan xad dhaafka ah ayaa sababay in uu dab qaysado kaymo, korontadu ay tagto, ayna sare u kacdo dadka isbitaallada la seexinayo.
Duurjoogtii ayuu sidoo kale kulaykani aad u saameeyay, wararkuna waxay sheegayaan in ay dhinteen fardo farabadan, xayawaan kale iyo waliba kalluun.
“Kulaylku sida uu u baahsan yahay iyo wakhtiga dheer ee uu qaatay ayaa dalka intiisa badan saamaysay.” Sida uu BBC-da u sheegay Blair Trewin.
Kulaylka hadda jira ayaa ka sare maray kii ugu darnaa ee dalka Australia soo mara xagaagii 2012-13, ayuu intaas ku sii daray.
Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka Muqdisho iyo sawirro
Hawlgallada ammaanka ayaa wali ka sii socda Agagaarka Huteel Maka Al Mukarama oo tan iyo xalay uu ka socday weerarkii aagaas lagu qaaday.
Wararkii ugu dambeeyay een ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay dhimashadu marayso ku dhawaad labaatan ruux dhaawacuna uu kor u dhaafayo konton, sida ay BBC-da u sheegeen dhakhaatiir ka hawlgala magaalada Muqdisho.
Dad ayaa wali ku xanniban dhismeyaasha rasaasta laga maqlayo oo ka ag dhaw hoteelka Maka Al Mukaramma.
Warbaahinta taageerta ururka Al shabaab ayaa tabisay in ay Alshabaab ka dambeeyaan weerarka.
Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay in aysan halkan ka sii wadayn wada xaajoodka
Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in aysan waxba iska badalanayn mawqifka Pyongyang xitaa haddii Maraykanku dalbado wadahadallo dheeri ah.
Ri Yong Ho ayaa hadalkan jeediyay ka dib shirkii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriya Waqooyi Kim Jong-un ay ku yeesheen Vietnam, kaas oo ku soo idlaaday is afgarad la’aan.
Wuxuu sheegay in ay waydiisteen in qayb ahaan laga qaado cunaqabataynta, balse aan gabi ahaanba laga qaadin.
Balse maamulka Trump ayaa ku adkaystay in Waqooyigu ay waydiisteen in cunaqabataynta oo dhan laga qaado.
Wadahadalka ka dib Trump wuxuu sheegay in Kim uu u soo dhigay in uu burburin doono dhammaan xarunta Yongbyon ee loo adeegsadao cilmibaarista iyo samaynta hubka nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi, kaas oo ah qorshe ahmiyad wayn leh.
Balse taas badalkeeda uu Kim doonayay in cunaqabataynta oo dhan laga qaado, arrintaas oo Maraykanku uusan diyaar u ahayn, ayuu intaas ku daray Trump.
Post update
Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga dalaacataay kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.
Waa maalin Jimce ah oo ay taariikhdu tahay 01 bisha Maarso ee sannadka 2019.
Pakistan oo sii daynaysa duuliyihii Hindiya
Duuliyihii Hindiga ahaa ee la qabtay ayaa Jimcaha la sii daynayaa, iyadoo dareen nabadeed la muujinayo sida uu shaaciyay ra'iisulwasaare Imran Khan, iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda Kashmiir.
Khan ayaa hadalkaas ka sheegay baarlamaanka, wuxuuna intaas ku daray in Pakistan ay diiradda saarayso sidii xaaladda loo dajin lahaa.
Pakistan ayaa Arbacadii soo ridday diyaaraddii dagaalka ee uu waday duuliyahan, iyadoo ay xiisaddu ka billaabatay gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir.
Qabashadiisa ayaa culays cilad ku noqotay Hindiya. Labada dalba waxaa saaran caddaadis looga dalbanayo in ay xaaladda dajiyaan.
Bukaan Ebola qaba oo laga baadigoobayo DR Congo
Askari booliis ayaa la dilay afar ruux oo xannuunka Ebola qabayna waa la la’yahay ka dib markii Arbacadii la weerar xarun caafimaad oo ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Waa weerarkii labaad ee noociisa ah ee saddex maalmood gudahood ay gaystaan dad aan la garanayn.
Labada weerarba xarumihii caafimaadka ayaa dab la qabadsiiyay, waxaana la burburiyay qalabkii caafimaadka.
Afartan ruux ee ka cararay xarunta dawaynta ee Butembo ayuu caabuqu ku badna oo dadka kale qaadsiin kara. Wasaaradda caafimaadka ee DR Congo ayaana sheegtay in ay baadi goobayso.
Dad kale oo 32 gaaraya oo looga shakiyay in ay xannuunka qabaan ayaa ka baxsaday xarunta dabka la qabadsiiyay.
Ma cadda in dadkaasi ay rabeen in ay bukaanka meesha ka sii daayaan.
Shaqaalaha caafimaadka ayay ku adkaatay in ay helaan kalsoonida dadka deegaanka. In kabadan 550 ruux ayaa illaa iyo hadda u dhintay Ebola, taas oo ka dhigaysa tiradii labaad ee ugu badnayd ee abid u dhimata caabuqaas.
Faafitaanka xannuunkan ayaa u muuqda in uusan si dhakhso ah u soo afjarmayn.
Dawladda ayaana hadda sheegtay in ay milatariga hawlgalinayso si ay xarumaha caafimaadka u ilaaliyaan.
Kooxo badan oo hubaysan ayaa ka hawl gala deegaanka uu cudurku ka dilaacay.
Diyaarado isaga weecday hawada Pakistan
Diyaaradaha isaga kala gooshaya Bariga Aasiya ee ku sii jeeda Yurub ayaa billaabay in ay ka weecdaan Pakistan iyo waqooyiga Hindiya
Hawada sare ayaa loo xiray xiisadda sii siyaadaysa ee u dhaxaysa labada dal awgeed, ka dib markii uu dalkaasi soo riday labo diyaaradood oo milatariga Hindiya leeyahay.
Duulimaadyada Pakistan ayaa la baajiyay kuwii kalana khadadkii ay marayeen ayaa laga wareejiyay.
Thai Airways ayaase iyadu tallaabo intaas dheer qaaday waxayna baajisay dhammaan duulimaadyadeedii ku aadanaa qaaradda Yurub.
Iyadoo duulimaadyada koonfurta Pakistan ay ciriiri sii noqonayaan, shirkadda uu fadhigeedu yahay Bangkok ayay u suuragali wayday in ay marinno u hesho duulimaadyadeeda.
Dawladda oo la wareegtay kuuliyaddii jaalle Siyaad
Ciidammada Midowga Afrika ayaa saaka banneeyay dhismaha kuuliyaddii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho oo saldhig milatari u ahayd tobankii sano ee ugu dambeysay.
Munaasabad kooban ayaa lagu qabtay dhismaha taas oo ciidammada Burundi oo daganaa ay si rasmi ah ugu wareejiyeen dawladda Soomaaliya.
Kuuliyadda Jaale Siyaad oo la dhisay 1975tii ayaa lagu tababari jiray saraakiisha ciidammada kala duwan ee Soomaaliya marka laga reebo kuwa Cirka iyo Kuwa Badda.
Sidoo kale waxaa kuuliyaddan ka baxay saraakiil ka socotay ciidammada dalal badan oo Afrikaan ah.
Kuuliyadda Jaale Siyaad ayaa burburtay kadib markii la riday dawladdii Maxamed Siyaad Barre 1991dii. 2008 ayay ciidammada Burundi oo ka mid ah hawgalka Midowga Afrika ee loo yaqaano Amisom ay ka dhigteen saldhig milatari oo ay ka difaacaan dawladda Soomaaliya oo ay weeraro xoog leh ku haysay Al-Shabaab.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegaysa in kuliyadan sideedii lagu soo celin doono laguna tababari doono saraakiisha ciidanka Soomaaliya.
Shirkii Trump iyo Kim oo dhammaaday iyagoon heshiis gaarin
Shirkii ay lahaayeen madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un ayaa soo idlaaday iyadoon wax heshiis ah la gaarin, sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.
Labada masuul ayaa yeeshay “shir muhiim ah oo wax ku ool ah” oo ka dhacay magaalada Hanoi ee dalka Veitnam.
Balse heshiis lagama gaarin arrinta ku saabsan sidii nukliyeerka loo tirtiri lahaa.
Labada masuul ayaa dalka Singapore ku yeeshay shir taariikhi ah bishii Juunyo ee sannadkii hore.
Kim muxuu ka yari kulanka Trump?
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un ayaa saxafiyiinta u sheegay in uusan la kulmeen madaxweynaha Maraykanka haddii uusan diyaar u ahayn in hubka nukliyeerka ah meesha laga saaro.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa billaabay maalintii u dambaysay ee muhiimka u ahayd wadahalka hubka nukliyeerka ah ee dalka Vietnam ka socda.
Sidii loo tirtiri lahaa hubka nukliyeerka ah ayaa horumar yar laga sameeyay tan iyo shirkii koobaad ee taariikhiga ahaa ee dhacay sannadkii hore. Hadda indhaha oo dhan waxay hayaan waxay noqon karaan tallaabooyinka muhiimka ah ee la isku af garan karo.
“Degdeg ma jiro. Waxaan doonaynaa in aan heshiis wanaagsan galno. Ayuu yiri Trump oo la taagan Kim, ka hor kulankooda.
Kim ayaa isna dhankiisa sheegay in uu filayo “in natiijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto” wada xaajoodka.
“Waxaa la filayaa in ay ka wada xaajoon doonaan tubtii loo mari lahaa sidii gacanka Kuuriya looga dhigi lahaa mid aan hub nikliyeer ah lahayn iyo in lagu dhawaaqo heshiis rasmi ah oo lagu soo afjaro dagaalkii labada Kuuriya iyo in ay xitaa xafiisyo kala furtaan.
Maxaa keenay shir labaad?
Kulankii koobaad ee labada masuul ay ku yeeshan dalka Singapore bishii Juun ayaa aad loo dhaliilay inkastoo xaqiiqdii uu ahaa mid taariikhi ah, balse hadda labadooduba waxay ka dharagsan yihiin in ay u baahan yihiin muujinta in ay in horumar la taaban karo sameeyeen.
Washington ayaa markii hore sheegtay in Kuuriyada Waqooyi aan laga dabcin doonin cunaqabataynta tan iyo inta ay iskeed uga harayso hubkeeda nukliyeerka ah, balse Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu yaqaannaa in ay ku adkayd arrintaas.
Trump oo hadlay shirka ka hor ayaa mar kale u muuqday in uu ka hadlay dhaleecayntii loo soo jeediyay guushii laga gaaray shirkii hore iyo wakhtiga ay qaadanayso arrintaas wuxuuna yiri “Tan iyo markii aan wadahadalka billawnay waxaan lahaa xawaaruhu agtayda ahmiyad kama laha, waxaana aad uga jeclahay in aan gantaallo nukliyeer la tijaabinin.”
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu “ixtiraam ballaaran u hayo” Kim xiriirkooduna uu yahay “mid aad u xoog badan”
Dhanka kalana jawaab loomalaynayo in ay tahay middii koobaad ee Kim uu siiyo saxafi ajnabi ah ayuu ku sheegay “waa wakhti hore in laga hadlo, balse marka aan ka hadlo sida aan u arko, waxaan qabaa dareen ah in natiijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto.”
Wuxuu sheegay in dadka arkaya isaga oo Trump la taagan ay u malayn doonaan in ay daawanayaan “filim mala awaal ah”. Sannadkii 2017 labadooduba dagaal ayay isugu hanjabeen, Trump ayaa markaad Kim ku tilmaamay “nin gantaal yar wata”, Kim-na Trump wuxuu ku tilmamay oday asaasaqay.
Post update
Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.
Waa maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 28 bisha Feebaraayo ee sannadka 2019.
Madaxweynaha Kenya oo u hambalyeeyay Buhari
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha Nigeria ka dib markii uu ku guulaystay doorashada Nigeria.
Kenyatta ayaa qoraal uu shaaciyay ku yiri “waxaan doonayaa in aan sii wada wada shaqaynta dhaw ee Buhari anaga diiradda saarayna waxyaabaha danta u ah labada dal ee Nigeria iyo Kenya.”
IKenyatta oo qoraal soo dhigay Facebook ayaa sheegay in guusha Buhari ay “caddaynayso sida ay dadkiisa reer Nigeria ugu kalsoon yihiin.”
Xisbiga ugu wayn mucaaradka Nigeria oo qaadacay doorashada
Xisbiga ugu wayn mucaaradka dalka Nigeria ee PDP ayaa diiday guusha uu madaxweyne Muhammadu Buhari ka gaaray doorashadii aadka loogu loolamay ee Sabtidii dhacday.
“Waxaan maraynaa dariiqkaste oo ay ka mid tahay in aan xal ka raadino hannaanka caddaaladda ee Nigeria.” sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay Osita Chidoka oo ka mid ah xisbiga PDP.
Xisbiga PDP ayaa sheegay in wax isdabomarin ay haraysay doorashadii, balse guddiga doorashada ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay.
Buhari oo mar kale ku guulaystay madaxweynenimada Nigeria
Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa mar kale loo doortay madaxweynenimada Nigeria, sida ay muujinayso natijada kama dambaysta ah ee doorashadii Sabtidii dhacday.
Hoggaamiyahan 76 jirka ah ayaa ka guulaystay madaxweyne ku xigeenkiisii hore Atiku Abubakar, isaga oo kaga badiyay wax ka yar afar milyan oo cod.
Dib u dhac ku timid codaynta iyo rabshado ayaa hadheeyay doorashada, balse kormeereyaasha madax bannaan ma aysan soo sheegin wax isdabomarin.
Xisbiga madaxweyne Buhari ee APC ayaa ku guulaystay 19 oo ka mid ah 36-da gobol ee dalkaasi uu ka kooban yahay.
Dadka doorashada u soo baxay ee codaynta u diiwaan gashanaa ayaa noqonaya 35%, guddiga doorashaduna wuxuu natiijada kama dambaysta ah ku dhawaaqi doonaa Arbacada.
Si aad wax badan uga sii ogaato qofka uu yahay Buhari lifaaqan kaga bogo.
Ninka ugu tajirsan UK oo ku dhawaaqay hal bilyan oo maalgashi ah
Ninka ugu qani san Britain Jim Ratcliffe ayaa ku dhawaaqay in uu samaynayo maalgashi kor u dhaafaya hal bilyan oo doolarka Maraykanka ah, isaga oo diiradda saari doona dhanka tamarta iyo shirkadaha dawooyinka sameeya.
Shirkadda Ineos ee uu leeyahay Ratcliffe company ayaa 500 milyan oo giniga istarliinka ah galin doonta dhuumaha shidaalka ee Forties, kuwaas oo ay soo maraan 40% shidaalka UK ka soo gala dhanka badda Waqooyi.
Sidoo kale wuxuu Scotland ka dhisi doonaa shirkad dhanka tamarta ah oo ay ku baxayso 350 milyan oo gini iyo warshad dawooyinka soo saarta oo ay ku bixi doonto 150 milyan oo gini.
Wargayska Sunday Times ayaa bishan horraanteedii baahiyay in Ratcliffe iyo labadiisa masuul ee sare ay u badbaadayso in kabadan 4 bilyan oo doolar oo canshuur ah haddii Britain ay ka baxdo Midawga Yurub.
Maal qabeenkan ayaan la gabanin taageerada uu u hayo in Britain ay isaga baxdo ururka Midawga Yurub.
Pakistan oo soo riday labo diyaaradood oo Hindiya leedahay
Dawladda Pakistan ayaa sheegtay in ay soo ridday labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahahay Hindiya kuwaas oo soo galay hawadeeda Kashmir.
Pakistan ayaa intaas ku dartay in ay xirtay mid ka mid ah duuliyeyaashi diyaaradaha.
Sareeye gaas Asif Ghafoor ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha ay ku soo dhacday dhulka ay Pakistan maamusho halka midda kalana ay ku dhacday dhulka ay Hindiya maamusho.
Talaadadii ayay Hindiya qaadday weerarro dhanka cirka ah oo ka dhan ah malayshiyaad ku sugan Pakistan.
Weerarradaas ayaa looga aargoosanayay weerar ay malayshiyo ku qaadday ciidammada Hindiya ee ku sugan qaybta ay Hindiya maamusho ee Kashmiir.
Xiisadda ayaa aad u sarraysay tan iyo 14 Feebaraayo markaas oo ciidammo sida milatariga u tababaran weerar is qarxin ah lagu bartilmaameedsaday, laguna dilay 40 askari.
Arbacadii wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakisan ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Pakistan ay hawlgallo ka fuliyeen khadka difaaca ee kala qaybiya Kashmirta Pakistan iyo Kashmirta Hindiya.
Pakistan ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay diyaarado aan milatari wadin, si looga baaqsado dad dhinta iyo in dhibaato baaxad wayn dhacda.
Masuuliyiinta Hindiya ayaa sheegay in diyaaradihii Pakistan dib loo caabiyay.
Hindiya iyo Pakistan-ba waxay sheegtaan in ay leeyihiin gobolka Kashmiir ee Muslimiintu aqlabiyadda yihiin, mid kastana qayb ka mid ah ayuu maamulaa.
Labadan dal ayaa saddex jeer dagaalamay tan iyo markii ay xornimada ka heleen Britain 1947, marka mid laga reebana dagaalladaasi waxay salka ku hayeen Kashmiir.
Qareen raba in uu Trump ku eedeeyo “cunsurinimo iyo been”
Qareenkii hore ee Trump, Michael Cohen oo dambi lagu helay ayaa la filayaa in uu madaxwynaha ku eedeeyo falal dambiyeedyo, arrintaasna uu samayn doono inta uu joogo Capitol Hill.
Cohen oo Arbacada la hadli doona guddi Aqalka Wakiillada ka socda ayaa Trump ku eedayn doona suuragalnimada maaliyad si aan sharciga waa faqsanayn loo maareeyay iyo adeegsiga luuqad cunsuriyadaysan, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka.
Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa su’aal galiyay sababta ay xildhibaannadu u casuumeen qof qirtay in uu been u sheegay Kongareeska.
Cohen ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah, wuxuuna billaabi doonaa bisha May.
Talaadadii ayaa si rasmi ah looga joojiyay in uu qareennimo uga shaqaysto gobolka New York State, sida ay ku warrantay warbaahinta New York.
Arrintaas ayaana ku soo aadaysa isaga oo billaabaya saddex maalmood oo xiriir ah oo wuxuu ogyahay kula wadaagayo guddiga sirdoonka u qaabilsan aqalka Senetka, iyadoo aysan saxaafaddu tabinayn.
Maalinta Arbacada ah oo uu la kulmayo guddiga dusha kala socoshada ee Aqalkaas ayaase dadwaynuhu la socon doonaan oo warbaahinta loo ogol yahay.
Post update
Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.
Waa maalin Arboco ah oo ay taariikhdu tahay 27 bisha Feebaraayo ee sannadka 2019.