Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Shil bas oo ay ku dhinteen 29 ruux
  2. Itoobiya oo in muddo ah kaddib yeelatay wasiir arrimo dibadeed
  3. Mas'uuliyiin loo heysto inay weecsadeen raashiin loogu talagalay barakacayaal

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. IS oo 'Weerarkii ugu horreeyay ka geysatay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo'

    .

    Ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka ayaa sheegtay weerar u muqdo in uu yahay midkii ugu horreeyay ay ka geystaan gudaha dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

    Warbaahinta taabacsan IS ayaa tebisay in maleeshiyadkooda ay weerar ku qaadeen saldhig ciidammada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ku leeyihiin deegaanka Kamango oo u dhaw xadka dalkaasi uu la wadaago Uganda isla markaasna ay ku dileen, kuna dhaawaceen ciidammada.

    Mas’uuliyiinta dalka Uganda ayaa horraan sheegay inay hayaan caddeymo muujinayo in maleeshiyaadka ADF ee uu fadhigeedu yahay Uganda ay ku biireen ururka IS.

    Dhanka kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo,Felix Tshisekedi waxaa uu sheegay in maleeshiyaad reer Uganda ah ay ku biireen kooxda isku magacaawday Khilaafada Islaamka.

  2. Dadka ku dhintay dhismo ku burburay Koonfur Afrika

    .

    Ugu yaraan 13 qof ayaa geeriyootay kaddib markii uu kusoo dumay gidaar dhismo kaniisad oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika.

    Waaxda gurmadka deg deg ah ee dalkaasi ayaa sheegtay in 29 qof loola cararay isbitaalka kaddib markii uu dhaawac kasoo gaaray shilkan ka dhacay gobolka KwaZulu-Natal.

    Saraakiisha maxalliga waxay sheegeen in roobab mahiigaanka ah ee halkaasi ka da’ay ay dhaliyeen burburka dhismaha.

  3. 'Kumanaan qof ayaa ka qaxay dagaallada Liibya'

    Dad badan ayaa ku dhintay dagaallada kasoo cusboonaaday magaalada Tripoli
    Image caption: Dad badan ayaa ku dhintay dagaallada kasoo cusboonaaday magaalada Tripoli

    Qaramada Midoobey waxay sheegtay in 30,000 qof ay ka qaxeen guryahooda xilli magaalada caasimadda ah ee Tripoli ay ka taagan yihiin dagaallo muddo labo toddobaad ah.

    Shacab badan ayaa ku go'doonsan deegannada u dhaw gooba laisku hayo, dadkaasi waxaa kamid ah carruur gaareyso 1080.

    Waxaa laga walaacsan yahay muhaajiriin badan oo lagu hayo xeryo ku yaalla duleedka magaalada Tripoli.

    Dagaalka ka taagan Liibya ayaa bilaabmay markii Janaraal Haftar uu guluf uu dib ugu qabsanayo magaalada uu qaaday.

  4. Ra'iisul wasaare iscasilay markii uu wax ka qaban waayay amniga dalkiisa

    Bishii lasoo dhaafay, dadweynaha reer Mali waxay dibadbaxyo looga soo horjeeda amni darrada ka dhigeen dalkaasi
    Image caption: Bishii lasoo dhaafay, dadweynaha reer Mali waxay dibadbaxyo looga soo horjeeda amni darrada ka dhigeen dalkaasi

    Ra’iisul wasaaraha Mali iyo dhammaan xubnaha ka tirsan xukuumaddiisa ayaa ku dhawaaqay inay xilka iska casileen kaddib markii dalkaasi ay sare u kaceen dhacdooyinka amni darrada ah.

    Baarlamaanka ayaa Arbacadii codka kalsoonida kala noqoshada ka gudbiyay ra’iisul wasaare Soumeylou Boubeye Maiga oo ay ku eedeeyeen inuu ku guuldareystay wax ka qabashada xaaladda amniga ee dalka Mali.

    Madaxweyne Ibraahim Abuu Bakar ayaa dhankiisa sheegay inuu warqadda iscasilaadda ka guddoomaay ra’iisul wasaaraha iyo dhammaan golahiisa wasiirada.

    Waxaa uu sheegay in dhawaan lasoo magacaabi ra’iisul wasaare cusub marka wadatashiyo lala yeesho axsaabta siyaasadda ee dalkaasi.

    Bishii lasoo dhaafay, tiro xoolo dhaqata ah ayaa lagu laayay dalka Mali markii uu qarxay dagaallo u dhexeeyo qowmiyadaha qaar ee ku nool halkaasi.

    .
  5. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Jimco taarikhda waxay ku beegan tahay 19-ka bishan April sannadka 2019-ka.

  6. Ciidammo tababar loogu soo xiray Muqdisho

    Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad tababar loogu soo xirayay ciidammo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga.

    Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa tababarka usoo xiray ciidammadan.

    Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahadceliyay taageerada Turkiga ee dib u dhiska ciidanka Soomaaliya.

    Ciidammada tababarka loo soo xiray
    Image caption: Ciidammada tababarka loo soo xiray
    Ciidammada tababarka loo soo xiray
    Image caption: Ciidammada tababarka loo soo xiray
  7. Al Bashiir walaaladiis oo lagu xiray Suudaan

    Shacabka Suudaan waxay ugu baaqeen militariga inay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah
    Image caption: Shacabka Suudaan waxay ugu baaqeen militariga inay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah

    Militariga Suudaan ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen labo qof oo la dhashay madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Cumar Al Bashiir.

    Afahayeen u hadlay militariga Suudaan ayaa sheegay in xiridda walaalaha Al Bashiir ay ka qeyb tahay ololaha looga soo horjeedo maamulkii hore.

    Waxaa uu sheegay in la xir xirayo maleeshiyaadkii taabacsanaa maamulkii hore.

    Cumar Al Bashiir ayaa shalay lagu xiray xabsiga Kobar oo horraan inta badan lagu xiri jiray siyaasyiinta mucaaradka ah.

    Dibadbaxyaasha reer Suudaan waxay codsanayaan in la helo dowlad rayid ah.

  8. 'In ka badan 200 qof ayaa ku dhimatay dagaallada ka taagan Liibya'

    Sawir uu Facebook-ga soo geliyay Janaraal Haftar ayaa muujinayay askari dagaal ku jiro
    Image caption: Sawir uu Facebook-ga soo geliyay Janaraal Haftar ayaa muujinayay askari dagaal ku jiro

    Ha’yadda caafimaadka adduunka waxay sheegtay in dagaalladii labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ka taagnaa magaalada caasimadda ah ee Tripoli ay ku dhinteen dad ka badan 200 qof.

    Dadka dhintay waxay u badan yihiin ciidammo halka 18 qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaallada.

    Kumanaan qof ayaa ka qaxay deegannada laisku hor fadhiyo ee bariga magaalada Tripoli.

    Dagaallada kasoo cusboonaday Liibya waxaa uu u dhexeeyaa xoggaga daacadda u ah Janaraal Khalifa Haftar iyo maleeshiyaad taabacsan dowladda ay Qaramada Midoobey taageerto.

  9. Mas'uuliyiin loo heysto inay weecsadeen raashiin loogu talagalay barakacayaal

    Raashiinka ayaa ku socday dadka kasoo barakacay duufaanadii dalkaasi ka dhacay
    Image caption: Raashiinka ayaa ku socday dadka kasoo barakacay duufaanadii dalkaasi ka dhacay

    Dalka Mozambique waxaa bilaawday dhageysiga dacwad loo heysta saddex kamid ah shaqaalaha dowladda hoose oo lagu soo eedeeyay inay xadeen raashiin loogu talagalay dadka ay saameeyeen roobabkii duufaanada watay ee dalkaasi ka dhacay.

    Mas'uuliyiintan ayaa la sheegay inay weecsadeen raashinka loogu gargaarayay barakacayaasha ku nool xerada Beira ee ku taalla bartamaha dalka Mozambique.

    Booliska ayaa xabsiga u taxaabay saddexdan nin markii guryahooda laga helay raashiin badan oo lagu keyddiyay halkaasi.

    Waxay beeniyeen eedeymaha loo jeediyay balse waxay sheegeen in meel kale oo ay ku keydiyaan raashiinka ay waayeen isla markaasna ay guryahooda dhigeen.

  10. Boeing oo sheegtay inay dib u habeyn ku sameyneyso diyaaradaheeda

    Diyaaradda Boeing 737 Max
    Image caption: Diyaaradda Boeing 737 Max

    Shirkadda soo saarta diyaaradaha Boeing 737 Max ayaa sheegtay inay horumaro ka sameyneyso habka kumbuyuutarka ay diyaaradda ku shaqeyso kaddib markii diyaaraddan laga mamnuucay dunida.

    Muuqaal uu barta Twitter-ka soo geliyay madaxa fullinta ee shirkadda Boeing,Dennis Muilenburg ayaa waxaa uu sheegay in tijaabadii ugu dambeysay ee dib u habeynta habka kumbuyuutarka diyaaradahan la sameeyay Arbacadii.

    View more on twitter

    Horrantii bishan, shirkadda Boeing waxay qirtay markii ugu horreysay in cilad ay ku timid nidaamka kumbuyuutarka ay ku shaqeyneysay diyaaraddii ku dhacday dalka Itoobiya bishii Maarso.

    Shilkaas waxaa ku dhintay 157 oo rakaab ahaa.

  11. Itoobiya oo in muddo ah kaddib yeelatay wasiir arrimo dibadeed

    Lema Megersa, madaxweynihii  dawlad deegaanka Oromiya ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga
    Image caption: Lema Megersa, madaxweynihii dawlad deegaanka Oromiya ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga

    Golaha wasiirada ee dalka Itoobiya ayaa meel mariyay saddex wasiir oo cusub uu dhawaan soo magacaabay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,sida ay ku warrantay warbaahinta Fana.

    Wasiirka gaashaandhigga waxaa loo magacaabay Lemma Megersa oo ahaa madaxweynihii maamulka Oromada ee dalka Itoobiya.

    Wasiirka arrimaha dibadda waxaa loo magacaabay Gedu Andargachew halka wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo dhsimooyinka loo magacaabay Injineer Caasha Maxamed.

  12. Shil bas oo ay ku dhinteen 29 ruux

    shil bas

    Ugu yaraan 29 ruux ayaa dhimatay ka dib markii uu waddada ka baxay bas waday dalxiiseyaal Jarmal ah oo marayay jasiiradda Madeira ee dalka boortaqiiska.

    Shilkan ka dhacay meesha u dhaw magaalada Caniço ayay sidoo kale ku dhawaacmeen 27 ruux oo kale.

    Shilkan ayaa dhacay ka dib markii uu darawalku xakamayn waayay baska oo marayay isgoys joogiisu sarreeyo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Lusa ee dalka Boortaqiiska laga leeyahay.

    Baska ayaa dusha ka fuulay guri ku yaalla dhul joogiisu hooseeyo oo aan sidaa uga fogayn waddada uu basku ka dhacay ee joogeedu sarreeyo.

    “Erayo aan ku cabiri karo ma jiraan waxa dhacay, waana xamili waayay in aan sii fiiriyo mashaqada meesha ka dhacday,” ayuu yiri duqa magaalada Filipe Sousa oo la hadlay telefishinka SIC TV.

    Wuxuu intaas ku daray in dhammaan dadka baska saaran ay ahaayeen Jarmal balse ay jiri karaan dad deegaanka ah oo waxyeelo soo gaartay.

    Dadka shilka baska ku dhintay ayaa kala ahaa 11 rag ah iyo 17 dumar ah. sida uu sheegay Filipe.

    Pedro Calado oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Madeira ayaa sheegay in badqabka basku uu wanaagsanaa, isla markaasna ay ka hordhicid noqonayso in hadda laga hadlo waxa sababay shilka.

    shil
  13. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 18 bisha Abriil, sannadka 2019.

  14. Faahfaahin kasoo baxeysa qaraxa ka dhacay Muqdisho

    Bayaan kasoo baxay booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay isgoyska dabka.

    Booliska ayaa sidoo kale sheegay in 4 qof ay ku dhinteen qaraxa halka dhaawaca uu yahay 5 qof.

  15. Qarax kale oo ka dhacay Muqdisho

    Qaraxa ayaa ka dhacay Isgoyska dabka
    Image caption: Qaraxa ayaa ka dhacay Isgoyska dabka

    Wararka ka imaanayo magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in qarax labaad uu gordhaw ka dhacay isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho.

    Waaxda gurmadka degdegga ah ee Amiin Ambulance ayaa ku warrantay in qaraxan uu ku dhintay hal qof oo rayid ah halka 13 qof ay ku dhaawacmeen.

    Saaka ayay aheyd markii baabuur qarax laga soo buuxiyay uu ku qarxay waddada Maka Al Mukarama halkaas oo ay ku gubteen saddex baabuur oo goobta yaallay.

  16. 'Lix qof ayaa ku dhimatay dagaallada ka socda Liibya'

    Khasaare ballaaran ayaa ka dhashay dagaallada ka socda Tripoli
    Image caption: Khasaare ballaaran ayaa ka dhashay dagaallada ka socda Tripoli

    Ha’yadda caafimaadka adduunka waxay sheegtay in 6 qof ay ku dhinteen duqeymo xalay lala beegsaday magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

    Madaxa ha’yadda WHO ee dalkaasi Dr Jacfar Xuseyn ayaa BBC u sheegay in afar kamid ah shaqaalaha caafimaadka ay ku dhinteen dagaalladii ugu dambeeyay ee maalmahan ka socday caasimadda Liibya.

    Waxaa uu sheegay in xalay ay socdeen dagaallo qaraar isla markaasna la maqlayay dhawaqa madaafiicda.

    Dagaallada kasoo cusboonaaday Liibya ayaa waxaa uu u dhexeeya xooggaga uu hoggaaminayo Janaraal Haftar iyo maleeshiyaad taabacsan dowladda ay Qaramada Midoobey ictirifaasan tahay ee Liibya.

  17. Qoyska Al Bashiir oo ka hadlay xiritaankiisa

    Suudaan waxaa weli ka socda dibadbaxyada
    Image caption: Suudaan waxaa weli ka socda dibadbaxyada

    Qoyska madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Al Bashiir ayaa BBC u sheegay in Cumar Al Bashiir lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada Khartuum.

    Xubno ka tirsan qoyska Al Bashiir ayaa xaqiijiyay in lagu xiray xabsiga Kobar oo ah goob uu inta badan uu ku xiray siyaasiyiinta mucaaradka ah markii uu hayay talada.

    Hoggaanka militariga waxay sheegeen in Al Bashiir aanan loo dhiibi doonin maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC balse lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Suudaan.

  18. Al Bashiir oo la xiray, dadkana laga xannibay

    Cumar Al Bashiir waxaa uu talada dalka Suudaan kula wareegay afgenbi militari sannadkii 1989-kii balse awoodda ayaa laga qaaday toddobaadkii lasoo dhaafay.
    Image caption: Cumar Al Bashiir waxaa uu talada dalka Suudaan kula wareegay afgenbi militari sannadkii 1989-kii balse awoodda ayaa laga qaaday toddobaadkii lasoo dhaafay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya arrinta ku aadan in madaxweyne Cumar Al Bashiir lagu xiray xabsi ku yaalla dalkaasi.

    ilo wareedyo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Cumar Al Bashiir lagu xiray xabsiga Kobar, waxaana si weyn loo adkeeyay amniga halkaasi xilli Al Bashiir kaligiis lagu xiray xabsigaasi.

    Madaxweynaha xukunka laga tuuray ayaa xabsi guri lagu hayay tan iyo markii militariga ay talada dalkaasi la wareegeen toddobaadkii lasoo dhaafay.

  19. War deg deg ahCumar Al Bashiir oo xabsi loo taxaabay

    Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Suudaan, Cumar Al Bashiir ayaa lagu xiray xabsi ku yaalla dalkaasi kaddib markii lasoo qabtay habeenimadii xalay aheyd, sida uu ku warramayo weriye BBC ka tirsan oo ku sugan magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

  20. Uganda oo ka baaraan degeysa inay magangelyo siiso Al Bashiir

    .

    Uganda waxay ka baaran degeysa in magangelyo ay siiso madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Suudaan, Cumar Al Bashiir, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Uganda Henry Okello Oryem.

    Waxaa uu sheegay in Al Bashiir uu kaalin weyn ka qaatay nabadeynta dalka deriska la ah ee South Sudan.

    “Haddii laga codsado inay magangelyo u fidiyaan Al Bashiir, waa arrin u baahan inay eegaan hoggaanka ugu sarreyso dalka” ayaa laga soo xigtay xilli uu u warramayay wakaaladda wararka ee AFP.

    Wasiirka wuxuu ugu baaqay hoggaanka militariga Suudaan inay qaddariyaan codsiga shacabka isla markaasna ay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah.