Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Kumanaan qof oo saaladda jimcaha ku tukaday afaafka hore ee saldhiga militariga Suudaan

    .

    Kumanaan qof oo dibadbaxyo ka dhigayay dalka Suudaan ayaa maanta salaadda Jimacaha ku tukaday afaafka hore ee saldhigga ugu weyn militariga Suudaan ee ku yaalla magaalada Khartuum halkaas oo ay dibadbaxyo ka dhigayeen.

    Dadka dibadbaxyada dhigaya waxay ka codsanayaan militariga inay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

    Khamistii, hoggaamiyeyaasha militariga Suudaan ayaa ku baaqay in malaayin qof ay isugu soo baxaan waddooyinka caasimadda Khartuum.

    .
  2. Dufaanno ku dhuftay dalka Mozambique

    .

    Wararka ka imaanaya dalka Mozambique waxay sheegayaan in duufaan ay xalay ku dhufteen qeybo ka mid ah dalka Mozambique gaar ahaan xarunta gobolka Pemba.

    Waxaa halkaasi ku burburay guriyo aad u badan, waxaana go’ay adeegga Korontada ee magaaladaasi.

    Barnaamijka cuntada ee Qaramada Midoobey ee FAO ayaa sheegay in duufaanta ay khasaare xog leh ay ka geysatay waqooyiga dalka Mozambique.

    Waxaana adag in gurmad la gaarsiiyo dadka ay duufannada saameeyeen maadama halkaasi ay ka howlgalaan maleeshiyaad xagjir ah oo dhibaato halkaasi ka geysta.

    Duufaanta 'Kenneth' ayaa Khamistii garaacday xeebaha dalka Mozambique, waxaana halkaasi ka da'ay roobab mahiigaan ah.

    Saraakiisha waxay sheegeen in 30,000 qof laga daadgureeyay guryahooda si loo geeyo goobo ka baxsan deegannada xeebta.

  3. Ciyaartooy geeriyooday xilli ay socotay ciyaar toos ah

    Pappy Faty (Midig), xilli uu ciyaarayay horyaalka kubadda cagta ee Koonfur Afrika
    Image caption: Pappy Faty (Midig), xilli uu ciyaarayay horyaalka kubadda cagta ee Koonfur Afrika

    Ciyaartooy caalamiga ah ee u dhashay dalka Burundi, Papy Faty ayaa geeriyooday kaddib markii uu ku dhacay garoonka dhexdiisa, xilli ay socotay ciyaar.

    Ciyaartoygan oo ay da'diisa aheyd 28 jir ayaa loo maleynaya inuu wadnaha istaagay xilli uu ka qeyb qaadanayay ciyaar gudaha oo ka socotay magaalada Piggs Peak Town ee ku taalla gobolka waqooy galbeed ee Swatini.

    Papy Faty ayaa xilliggaasi u dheelayay kooxdiisa maxalliga ah ee lagu magacaabo Melanti Chiefs oo ay foodda is darayeen kooxda kale ee Green Mamba.

    Dhimashada ciyaartooygan reer Burundi ayaa kusoo beegantay xilli ciyaarta ay socotay 15 daqiiqo.

    Waxaa loola cararay isbitaalka deegaanka balse waxaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday.

  4. Halkee ayuu ku dambeeyay ninka sida weyn looga shakisanaa weerarkii Sri Lanka?

    Zahraan Haashim
    Image caption: Zahraan Haashim

    Ninka sida weyn looga shakisanaa inuu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday dalka Sri Lanka ayaa lagu dilay halkaasi, sida uu sheegay madaxweyne Maithripala Sirisena.

    Madaxweynaha Sri Lanka waxaa uu sheegay in Zahraan Haashim oo ahaa waddaad mayal adag uu ku dhintay huteel Shangri-La ee ku yaalla magaalada Colombo.

    Waxaa uu intaasi ku daray in Haashim uu hoggaaminayay weerarkii lagu qaaday huteelka ku yaallay goobta dalxiiska isaga iyo nin kale oo is qarxiyay.

    Ugu yaraan 250 qof ayaa ku dhimatay weeraradii Axaddii lala beegsaday Kaniisado iyo Huteelo ku yaalla dalka Sri Lanka.

    Madaxweynaha Sri Lanka waxaa uu sidoo kale sheegay in laamaha sirddoonka ay howlgal wadaan si ay usoo qabqabtaan ilaa 130 qof oo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda isku magacaawday Dowladda Islaamka.

  5. Shacab ka qaxay cabsida duufaanta oo loogu baaqay inay dib ugu laabtaan guryahooda

    Dad shalay ka qaxayay deegaan ku yaalla koonfurta Tanzania
    Image caption: Dad shalay ka qaxayay deegaan ku yaalla koonfurta Tanzania

    Dadkii dhawaan ka qaxay deegaanno ku yaalla koonfurta dalka Tanzania ayaa loogu baaqay inay guryahooda dib ugu laabataan kaddib markii ha'yadaha saadaasha hawada ay sheegeen inay duufaanta loogu magac daray 'Kenneth' ay halkaasi ku wajahan tahay, sida uu ku warramaya weriyaha BBC ee dalkaasi.

    Dadkan ayaa horraan u qaxay dhinaca deegaannada ka fog xeebta maadama duufaanta la sheehgay inay khasaare ka geysan karto halkaasi.

    Guddoomiyaha magaalada Mtwara ee dalka Tanzania, Gelasius Byakanwa ayaa shacabka u xaqiijiyay in duufaanta aysan soo gaari doonin halkaasi.

  6. Barasaabkii hore ee magaalada Nairobi oo xabsiga loo taxaabay

    Barasaabkii hore ee magaalada Nairobi,Evans Kidero ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu eedeeyay inuu geystay falal musuq maasuq ah.

    Kidero waxaa lala xiray madixii hore ee shaqaalaha ee dowladda hoose ee Nairobi George Wainaina. sida ay wararku sheegayaan.

    Mar sii horreysay, Garsoorayaasha dalka Kenya waxay sheegeen inay jiraan caddeymo muujinaya inay dambiyadan loo heysto 17 mas'uuliyiin uu kamid yahay Kidero.

    Waxay intaasi ku dareen inay lacago isdaba mariyeen isla markaasna lagu helay musuq maasuq.

    Qareenada u doodaya dadka eedeymaha loo heysta weli kama aysan hadlin arrintaasi.

    View more on twitter
  7. Dibadbaxyo ballaaran oo mar kale ka socda Suudaan

    Dibadbaxyada Suudaan oo sii xoggeystay
    Image caption: Dibadbaxyada Suudaan oo sii xoggeystay

    Magaalada caasimadda ah ee Khartuum waxaa ka socda dibadbaxyada loogu magac daray 'Isu so bixi malyanka qof ee matalaya dowlad rayid ah', waxaana dibadbaxyo ballaaran ay ka socdaan waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartuum,sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    Dibadbaxyaasha waxay ku rajo weyn yihiin inay cadaadis ku saaraan golaha sare ee militariga inay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

    Kumanaan qof ayaa ka kala yimid magaalooyinka kale ee dalka Suudaan si ay uga qeyb galaan dibadbaxyada.

    Shacab badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka Khartuum
    Image caption: Shacab badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka Khartuum
  8. Joe Biden oo shaaca ka qaaday inuu tartami doono doorashada madaxweynaha Mareykanka

    Joe Biden
    Image caption: Joe Biden

    Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Mareykanka ,Joe Biden, ayaa xaqiijiyay inuu tartami doono doorashada madaxtinimada ee dalkaas ka dheceyso sannadka 2020-ka.

    Joe Biden ayaa sheegay inuu noqon doono musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga ugu qeyb geli doono doorashada.

    Joe Biden oo 76 jir ah ayaa kamid ah musharraxiin dhowr ah oo ku tartamayo inay kusoo istaagaan xisbiga Dimuqraadiga.

    Biden ayaa noqonaya ninka ugu khibradda badan musharraxiinta xisbiga Dimuqraadiga, waxaa uu ku guuldareystay labo doorasho sannadihii 1998-kii iyo 2008-dii, wuxuu markii dambe madaxweyne ku-xigeen u noqday madaxweynihii hore ee dalkaasi, Barack Obama.

  9. Dowladda Sri Lanka oo baaritaano ka sameyneysa Iskuulada dalkaasi

    Ciidammo badan ayaa la howgeliyay
    Image caption: Ciidammo badan ayaa la howgeliyay

    Dowladda Sri Lanka waxay sheegtay inay baaritanno ka sameyn doonto dhammaan dhismayaasha waxbarashada iyo basaska ka hor inta aanan la gaarin xilliga dib loo furayo Iskuulada dalkaasi oo ku beegan Isniinti nagu soo aadan sii looga hortaggo weeraro kale.

    Waa tallaabadii ugu muhiimsaneyd ay dowladda ku sugeyso amniga kaddib weerarkii lagu qaaday dalkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 350 qof.

    Dowladda Sri Lanka waxay ugu baaqday shacabka dalkaasi inay iska ilaaliyaan wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada oo amniga khatar ah.

    Kumanaan ka tirsan ciidammada Sri Lanka ayaa wadaa howlgallo lagu sugayo amniga.

    Booliska dalkaasi waxay sheegeen inay xabsiga u taxaabeen 76 qof.

  10. Dhibaatada ay geysan karto duufaanta 'Kenneth' oo laga digay

    Deeganno ku yaalla bariga ayaa kamid ah meelaha la saadaaliyay inay ku dhufan doonto duufaanta 'Kenneth'
    Image caption: Deeganno ku yaalla bariga ayaa kamid ah meelaha la saadaaliyay inay ku dhufan doonto duufaanta 'Kenneth'

    Khuburrada saadasha hawada ee adduunka ayaa sheegay in duufaanno wata dabeylo xoog leh ay ku dhufan doonaan xaeebaha koonfur bari ee qaaradda Afrika.

    Qeybta BBC ee saadaasha hawada ayaa sheegtay in dabeylahan ay jari doonaan xawaare dhan 209 Kiiloomitar saacaddiiba.

    Duufaanta ayaa la filayaa inay garaacdo deeganno dhaca xeebaha dalka Mozambique.

    Waxaa lagu wadaa in roobabka mahiigaan ah ay ka da' doonaan halkaasi isla markaasna ay dhalin doonaan fataahado khasaare geysan doono, sida ay ku warrantay BBC qeybta saadaasha hawada.

    Deeganno ku yaalla xeebta dalka Tanzania ayaa lagu wadaa inay ku dhufato duufaanta 'Kenneth'.

  11. Duufaanno ku soo wajahan qeybo kamid ah Bariga Afrika

    Shacabka ka qaxay deegaanka Mtwara ee dalka Tanzania
    Image caption: Shacabka ka qaxay deegaanka Mtwara ee dalka Tanzania

    Ha'yadda saadasha hawada ee adduunka ayaa sheegtay in duufanno ay kusoo wajahan yihiin dalka Mozambique , waxaana la filaya in duufaanta ay garaacdo gobollada xeebta ku yaalla ee waqooyiga dalkaasi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda.

    Waxaa sidoo kale la saadaaliyay in duufaanta ay ku dhufan doonto deeganno ku yaalla dalka Tanzania.

    Dowladda Tanzania waxay ugu baaqday shacabka ku nool deegaaka Mtwara iyo goobaha ku xeeran inay u guuraan dhulka fog si ay uga badbaadaan duufaanta la filayo inay halkaasi ku dhufato.

    Waxaa la xiray goobaha waxbarashada ee ku yaalla koonfurta dalka Tanzania.

    Duufaantan oo loogu magac daray 'Kenneth' ayaa saddex maalmood ka hor kasoo bilaabatay Badweynta Hindiya gaar ahaan deegaan ku yaalla waqooyiga dalkaas.

    Tan iyo xalay, duufaanta waxay garaaceysay deegaanno ku yaallo galbeedka dalkaasi, waxaana gobolka Cabo Delgado ka dhacy dhul go'.

    Wasaaradda gurmadka deg deg ah ee dalka Tanzania ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay gargaar u fidiso dadka ay saameeyeen roobabka mahiigaanka ee ka da'y koonfurt Tanzania, xilli la sheegay in duufaanta 'Kenneth' lagu wado inay ku dhufato deegaanada xeebta ku yaalla ee dalkaasi.

  12. Maxay ku heshiiyeen Vladimir Putin iyo Kim Jong-un?

    Waa markii ugu horreysay ay kulan yeeshaan Kim Jong-un iyo Vladimir Putin
    Image caption: Waa markii ugu horreysay ay kulan yeeshaan Kim Jong-un iyo Vladimir Putin

    Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku heshiiyay inay xoojin doonaan xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeyo labada dal xilli ay yeesheen kulankii ugu horreeyay.

    Aqalka looga arrimiyo Ruushka ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadli doonaan barnaamijka Nukliyerka ee Kuuriyada Waqooyi balse Kim ayaa la filaya inuu taageero u raadsado Ruushka markii uu fashilmay kulankii uu la qaatay madaxweyne Trump.

    "Waxaan ku kalsoonahay booqashada aad ku timid Ruushka, waxay tani naga caawineysa in aan xallino dhibaatooyinka ka taagan Gacanka Kuuriya iyo sida Ruushka uu uga qeyb qaadan doono taageeridda geeddi u socodka nabadda ee gobolka" ayuu yiri Madaxweyne Putin.

    Dhinaca kale, hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah isla markaasna ay ka go'antahay in la xoojiyo.

    Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi,Kim Jong-un ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalo xeebeedka Vladivostok ee dalka Ruushka.

  13. Qaar kamid ah xubnaha ugu sarreeyo militariga Suudaan oo is casilay

    Dibadbaxyaasha ayaa weli ku sugan waddooyinka caasimadda Khartuum
    Image caption: Dibadbaxyaasha ayaa weli ku sugan waddooyinka caasimadda Khartuum

    Saddex kamid ah xubnaha ugu sarreeyo golaha sare ee militariga Suudaan ayaa xilka iska casilay, arrintani ayaa kamid aheyd waxyaabaha ay doonayeen dibadbaxyaasha dalkaasi.

    Xubnahan ayaa kamid ah hoggaanka sare ee golaha militariga ee awoodda la wareegay.

    Saraakiishan is casishay ayaa waxay saaxib dhaw la ahaayeen madaxweynihii Suudaan ee xilka laga tuuray, Cumar Xasan Al Bashiir.

    Waxaa maalmihii ugu dambeeyay dalka Suudaan ka socday kulan ay lahaayeen golaha sare ee militariga iyo hoggaamiyeyaasha dadka bannaanbaxa dhigaya si xukunka loogu wareejiyo dowlad rayid ah.

    Afahayeenka Militariga Suudaan, Janaraal Shamsuddiin Kabbashi ayaa shir jaraa'id ka sheegay in dhinacyada militariga iyo hoggaamiyeyaasha dibadbaxyaasha ay ka heshiiyeen inta badan codsiyada shacabka oo ay kamid tahay in la helo dowlad rayid ah.

  14. Facebook oo 3 bilyan meel u dhigtay ganaax ay ka baqayso

    FACEBOOK

    Sicirka saamiyada shirkadda Facebook ayaa aad sare ugu kacay Arbacadii kaas oo dhaafay saadaashii suuqada saamiyada ee Wall Street.

    Dadka adeegsada Facebook ugu yaraan bishii mar qudha ayaa tiradoodu korodhay boqolkiiba sideed marka la barbar dhigo kal hore haddaa. Hase ahaa faa'iidada saamileyda u hoyanaysa ayaa yaraan doonta maadaama oo shirkaddu lacag badan u qoondaysay ganaax culus oo la filayo in wakaaladda la socodka ganacsiga ee Maraykanku ku soo rogto.

    Culays dhaqaale oo intee la eg ayaa shirkadda Facebook ka soo gaari doonta fadeexaddii shirkadda Cambridge Analytica ayaa la is waydiinayay, Shirkadda oo arrintaas ka jawaabaysa ayaa soo bandhigtay in ay rajaynayso in ilaa 5 bilyan oo ganaax ah ay kala kulmi doonto wakaaladda la socodka ganacsiga.

    Iyada oo arrintaas isu diyaarinaysa ayayna kaydisay 3 bilyan oo doolar oo ka mid ah faa’iidadii soo gashay saddexdii bilood ee la soo dhaafay taas oo ka dhigan in ay markaas faa’iido ahaan ugu soo hartay 2.4 bilyan oo doolar oo dheeri ah. arrintaasina ma xuma.

    Lacagta ay meesha halmar dhigtayna waxay ka dhigan tahay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay yididiilo lahayd.

    Fa’iidada soo gashay shirkadda Facebook ayaa 26% ka badan middii soo gashay sannadkii hore markii wakhtigan oo kale la marayay.

    Dadka bil walba isticmaala adeegyada ay shirkadda Facebook bixiso ayaa hadda maraya 2.7 bilyan oo ruux.

    Saamiyada shirkadda ayaa sare u kacay saacado gudahood.

    Maalgashadeyaal badan oo sannadkii hore isaga hayaamay ayaana u muuqda in ay hadda ku kalsoon yihiin in shirkadda Facebook ay xakamaysay dhaawicii soo gaaray.

    Sikastaba ha ahaatee wargayska Washigton Post ayaa horay ugu warramay in wakaaladda xakamayntu ay ka baaraan dagayso in shirkadda lagu qabso in ay wax ka badasho sida loo maamulo.

    Mark Zuckerberg oo aad loo dhaliilay hoggaamintiisa ayaa hadda ah gudoomiyaha iyo agaasimaha guud ee shirkadda.

  15. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 25 bisha Abriil ee sannadka 2019.

  16. Qoyska gabadhii kufsiga iyo dilka loo geystay oo ka guuray Gaalkacyo

    Sawir tusaale ah
    Image caption: Sawir tusaale ah

    Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo waxay sheegayaan in qoyska Caasha Ilyaas Aadan ay ka guureen magaaladaas. Caasha ayaa lagu kufsaday halkaasi kaddibna lagu dilay.

    Waxaa maalmahan soo baxayay warar laisla dhexmarayo oo ah in lasii daayay dadkii ku eedeysanaa dilka balse waxaa arrintaasi beeniyay guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Cabdul Qaadir Xuseen Nuur Dirir.

    Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in ragga ku eedeysan kiiska Caasha loo gudiyay maxkamadda magaalada Garowe isla markaasna maalmaha nagu soo aadan lasoo joojin maxkamadda.

    Guddoomiye Cadul Qaadir waxaa uu sheegay in ragga la hayo ay gaarayaan 11 nin.

    Dhanka kale, Aabaha dhalay Caasha ayaa sheegay in sababta magaalada Gaalkacyo ay uga guureen ay tahay inay la goconayaan xannuunka geeridii gabadhooda isla markaasna aysan ku nagaan karin magaaladii ay masiibadaasi kala kulmeen.

    Waxaa uu sidoo kale sheegay in reerka ay u guureen magaalada Goldogob ee isla gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

  17. Mareykanka oo shuruud ku xiray Suudaan

    Janaraal Cabdul Fataax Burhaan
    Image caption: Janaraal Cabdul Fataax Burhaan

    Ku-xigeenka xoghayaha Mareykanka ee arrimaha Afrika ayaa ugu baaqday militariga Suudaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xukunka ugu wareejiyaan dowlad rayid ah.

    Makila James waxay sheegtay in arrinta ku aadan in dalka Suudaan liiska dalalka maalgeliyo argagixisada uu ka saaro Mareykanka ay imaan karto oo kaliya ah waa haddii militariga ay awoodda ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

    Makila oo la hadleysay BBC kaddib markii kulan ay la qaadatay madaxa kumeel gaarka ah ee golaha sare ee militariga Suudaan, Janaraal Cabddel Fataax Cabdulraxmaan Burhaan.

    Waxay ku tilmaantay taliyeyaasha militariga inay daacad yihiin isla markaasna ay si wanaagsan uga falceliyeen cosdiga shacabka reer Suudaan.

    Shalay, Janaraal Burhaan waxaa uu xaqiijiyay in ciidammada aysan awood xadh-dhaaf u adeegsan doonin dibadbaxyaasha.

  18. Dibadbaxyo ballaaran oo hor leh oo looga dhawaaqay Suudaan

    .

    Hoggaamiyeyaasha dadka kacdoonka wada ee reer Suudaan ayaa ku baaqay in malaayin shacab ah ay kasoo qeybgalaan dibadbaxyo ballaaran oo la doonayo in berito lagu dhigo waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartuum, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    Dibadbaxyada ayaa lagu codsanaya in golaha militariga ay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

    Dadweyne badan ayaa bannaanbaxyo ka dhigaya agagaarka saldhigga ugu militariga ee ku yaalla magaalada Kahrtuum.

    Dadka dibadbaxa dhigaya waxay ku eedeeyeen militariga inay ka 'hareen' dowladdii hore uu hoggaamin jiray, Cumar Al Bashiir.

    Horraan,ururka xirfadlayaasha Suudaan ayaa meesha ka saaray wadahadallo ay la yeelan rabeen hoggaamiyeyaasha militariga si laisku la meel dhigo sidii xukunka loogu wareejin lahaa dowlad rayid ah.

  19. Kim Jong-un oo gaaray Ruushka

    Kim Jong-un markii uu gaaray magaalada Vladivostok, wuxuu salaan sharaf ka qaatay ciidammada Ruushka
    Image caption: Kim Jong-un markii uu gaaray magaalada Vladivostok, wuxuu salaan sharaf ka qaatay ciidammada Ruushka

    Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi,Kim Jong-un ayaa gaaray dalka Ruushka si uu kulan ula qaato madaxweyne Vladimir Putin.

    Kim Jong-un ayaa gaaray magaalo xeebeedka Vladivostok oo markii ugu horreysay wadahadallo uga furmay isaga iyo dhiggiisa Ruushka.

    Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waxaa lagu soo dhaweeyay cuntada hiddaha iyo dhaqanka u ah dallkaasi.

    Aqalka looga taliyo Ruushka ee Krimlinka ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan arrimaha Nukliyerka ee Gacanka Kuuriya.

    Dadka ka faalooda arrimaha gobolka waxay sheegayaan in Kim Jong-un uu taageero u raadsaday madxweynaha Ruushka kaddib markii uu burburay kulankii uu la yeelanayay Donald Trump.

    Trump iyo Kim ayaa horraantii sannadkan ku kulmay magaalada Hanoi si ay uga wada hadlaan barnaamijka Nukliyerka ee Kuuriyada Waqooyi kaas oo ku dhamaaday guuldarro.

    View more on facebook
  20. Soomaalida Kenya oo markii ugu horreysay yeelanaya xul kubadda cagta ah

    Shacabka iyo qaar kamid ah mas'uuliyiinta gobolka Soomaalida ayaa soo dhaweeyay tallaabadan
    Image caption: Shacabka iyo qaar kamid ah mas'uuliyiinta gobolka Soomaalida ayaa soo dhaweeyay tallaabadan

    Deegaanada Soomaalida degto ee dalka Kenya ayaa looga dhawaaqay xul kubadda ah oo markii ugu horreysay ka qeyb geli doono ciyaaraha horyaalka qaran ee dalka Kenya.

    Xulkan oo loogu magac daray ‘Northern Wanderers’ ayaa la filaya inay dhaqan geliyaan qorshahooda ah inay soo bandhigaan ciyaar heer qaran ah isla markaasna ay fursad u siiyaan dhalinyarada gobolka si ay xirfaddooda guul uga gaaraan.

    Nuurdiin Baddel Tubeec oo kamid ah aasaasayaasha xulka ayaa BBC u sheegay in ciyaartooyda lagala soo xuli doono magaalooyinka Gaarisa, Mandheera, Wajeer, Isiolo,Marsabito iyo xaafadda Islii.

    “Xulkan waxaan ugu talagalnay dhulkii hore ee NFD.. NFD waa dad waxyaabo badan ka mideysan, waa dad reer guura ah ..dhibaatooyinka ay qabaan, waxaana kamid ah Spoortiga” ayuu yiri Nuurdiin Tubeec.

    Waxaa uu sheegay in qaar kamid ah ciyaartooydii gobolka ay u shaqo doonteen dalka Soomaaliya si ay uga dheelaan kooxaha kubadda cagta ee halkaasi.