Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Galmudug: Dowladda Federaalka waxay maamul labaad ka sameyneysaa Galmudug

    Xaaf
    Image caption: Axmed Ducaale Geelle Xaaf

    Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Galmudug.

    Arrintan ayaa cirka isku sii shareertay markii uu dhawaan fashilmay shirkii ay madaxda Federaalka iyo maamul goboleedyada ku yeesheen magaalada Garowe.

    Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan Masaga waa oo galabta ka qyab galayay Barnaamjika Doodda, waxay ila tahay ee BBC-da waxaa uu ku eedayay Dowladda Soomalaiya in ay mashquul ku tahay in maamul kale ay ka sameeyso galmudug isaga oo intaas ku darayin sidoo kale ay dhaqaalihiina ka goosatay.

    "Galmudug shirka waxay hor dhigtay warqad qoraal ah oo ay uga hadleyso aragtideeda iyo mowqifkeeda, kadib markii dhowr jeer lagu celceliyay waxba waxba kasoo bixi waayee. Qodobadaas waxaa ugu muhiimsanaa in la ixtiraamo heshiiskii Jabuuti iyo natiijooyinkii kasoo baxay, kaasoo ay ku midoobeen kuna heshiisyeen labadii maamul ee Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, taasoo micnaheedu uu ahaa in la isku daro labadii dastuur iyo labadii Baarlamaan. Midda kale in madaxda dowladda Federaalku inay faragalinta ka daayaan arrimaha hoose ee Galmudug, oo aad wada ogtihiin inay aad ugu mashquulsan yihiin inay dowlad labaad ka sameeyaan meel kamid ah Galmudug dhexdeeda iyo in ugu dambeyn ay fasaxaan dhaqaalaha ka xayiran Galmudug", ayuu yidhi Wasiir Masaga Waa.

    Dhanka kale, wasiiraka Warfaafinta Dolwadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir maareeye oo isna ka qayb galayay isla barnamaijka dooda jimcaha ee bbc-da oo ka jawaabayay eedayntaas ayaa waxaa uu yirdhi: "Heshiiska Jabuuti waxaa la galay dabayaaqadii 2017-kii, iyadoo markaas Galmudug ay u dhiman tahay 2 sano iyo badh, mana jirin waq muddo kordhin ah oo ku xusnaa, xilligii horay u qorsheysnaa ayaa lagu heshiiyay, taasaana dowladdu ay aqoonsatay ee ma aysan aqoonsanin in halkaas muddo kordhin laga sameeyo".

    Maareeye oo ka hadlayay eedeynta ku saabsan in dhaqaalihii Galmudug ay xannibtay ayaa yidhi: "Dowladdu dhaqaalaha Galmudug iyo maamullada kaleba way siin jirtay walina way siisaa, laakiin maamulka Galmudug wuu kala qeybsan yahay oo guddoomiyihii baarlamaanka iyo xildhibaannadii nus kamid ah iyo madaxweyne ku xigeenkii ay meel fadhiyaan, madaxweynihii iyo madixii dowladduna ay meel fadhiyaan, kulligoodna waxay soo wacayaan dowladdii dhexe oo ay ku leeyihiin noosoo dira dhaqaalihii, marka looma diri karo, waxayna dowladdu ka shaqeyneysay inay heshiiyaan".

    Hadallada kulkulul ayaa horay waxaa hadawada isugu mariyay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

  2. Trump oo furin horleh iskaga furay Turkiga

    Erdogan iyo Trump

    Maraykanka ayaa sheegay in aanu hadda wixii ka dambeeya Turkigu ahaan doonin dal xiriir ganacsi oo gaara uu la yeesho Maraykanku.

    Go'aanka waxa lagaga dhawaaqay Aqalka Cad wuxuuna si dhakhso ah u dhaqan galayaa maanta oo Jimce ah.

    Taas macnaheedu waxay tahay in Turkigu uusan hadda ka dib badeecado bilaa cashuur ah u dhoofin doonin Maraykanka.

    Madaxweyne Trump ayaa waxaa ku furan dhowr furimood oo dagaal ganacsi ah, balse handaaddiisa ayuu haatan ku jeediyey dalka Turkiga.

    Wuxuuna saxiixay amar ay tahay in la fuliyo oo uu ku sheegay in heerka maciishadda ee dalku uu yahay mid aad u wanaagsan, taas oo macnaheedu tahay in caawinaad dheeri ah aan loo baahnayn.

    Isla markaasna waxaa 25% hoos loo dhigay canshuurtii saarnayd badeecooyinka birta ee Turkiga taas oo la kordhiyay sannadkii hore ka dib markii xiisad dublumaasiyadeed ay ka dhex aloosantay labadan dal ee ka wada tirsan isbahaysiga Nato.

    Badeecooyin qiima ahaan kudhow 1.7-da bilyan ee dollar ayaa ilaa iyo hadda laga daayAy canshuurta sababo la xiriira heshiiska ganacsi ee dhow ee labadaas dal ay leeyihiin, balse dhaqaalaha Turkiga ee cagaha badan aan ku taagnayn ayaa waxyeelolo wayni kasoo gaartay cadaadiska uu mrarkanku saaray.

  3. Wariyihii caanka ka ahaa SuperSport oo shaqo ka eryiddiisa loogu sheegay “farriinta gaaban”

    Robert Marawa oo ahaa daadihiye caan ka ahaa telefeshinka SuperSport ayaa shaqadii laga eryay, waxaana arrintaas loogu sheegay fariinta gaaban, waa sida uu hadalka u dhigay.

    View more on twitter

    SuperSport oo fadhigiisu yahay dalka Koonfur Afrika ayaa qaaradda Africa oo dhan laga daawadaa, isaga oo qoraalka Robert Twitterka kaga jawaabaya ayuuna sheegay “in si shaqsi ah loogala hadlay arrintan” toddobaadkii hore.

    “SuperSport wuxuu bartanka kaga jiraa sidii uu wajiyo cusub ugu soo xoojin lahaa daadihiyeyaasha ciyaaraha, arrintaasna la soo bandhigi doono xilli ciyaareedka cusub,” ayuu talelefishinku intaas ku ku sii daray.

    View more on twitter
  4. Madaxweynihii hore ee Kenya oo loo ganaaxay dhul uu boobay

    Daniel arap Moi

    Maxkamadda sare ee Kenya ayaa amartay in madaxweynihii hore Daniel arap Moi uu bixiyo ku dhawaad 10 milyan oo doolar isaga oo siinaya qoys uu si sharci darro ah ugala wareegay 53 aykar muddo haatan laga joogo 36 sano ka hor, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Wargeyska gaarka loo leeyahay ee Daily Nation ayaa sheegay in 21 Sabtembar 1983 uu madaxweynahan hore amray in saraakiishu ay magaciisa ku diiwaan galiyaan dhul uu lahaa Noah Kipngeny Chelugui

    Wargeyska ayaa sheegay Moi uu 24 sano ka dib dhulkaas ka sii iibiyay qoyska Jaswant Rai.

    Telefishinka Citizen TV ayaa ku warramay in xaakimkii maxkamaddu uu sheegay in dhulka loola wareegay “si sharci darro ah” isla markaasna “aysan u qalmin in dastuurka uu difaaco dhulkaas”.

    Xukunkan waxaa ridday Maxkamadda sare ee Eldoret, waxayna sheegtay in ficilka madaxweynuhu uu sharcidarro ahaa waxayna amartay in madaxweynihii hore iyo shirkadda Rai Plywood (K) oo lala xiriiriyay qoyska Rai ay qoyska Chelugui siiyaan lacag ku dhaw 10 milyan oo doolar oo lagu sheegay qiimaha uu dhulkaasi hadda joogo.

    Xaaska ninkii dhulkan lahaan jiray oo 85 jir ah iyo wiil uu dhalay ayaa dacweeyay Moi, Rai Plywood iyo shirkado kale.

  5. Facebook oo mamnuucday shirkad Israa’iil laga leeyahay oo loo haysto in ay “ciwaanno been abuur ah ka furatay Africa”

    Facebook

    Facebook oo mamnuucday shirkad Israa’iil laga leeyahay oo loo haysto in ay “ciwaanno been abuur ah ka furatay Africa”

    Shirkadda Facebook ayaa mamnuucday shirkad Israa’iil laga leeyahay oo la rumaysan yahay in ay ka dambayso ciwaanno, bogag iyo qolal Facebook laga dhexsamaystay oo been abuur ah, kuwaas oo gaaraya boqolaal ayaa intooda badan lagu bartilmaameedsaday doorashooyinka lix dal oo Afrikaan ah.

    Bartan ay bulshadu ku xiriirto oo Maraykanka laga leeyahay ayaa sheegtay in “ciwaanaddan been abuurka ah” ay iska dhigeen dad u dhashay Nigeria, Senegal, Togo, Angola, Niger iyo Tunisia.

    Waxay si joogto ah u soo bandhigi jireen warar siyaasadeed oo ay ka mid yihiin kuwa doorashooyinka, iyaga oo naqdiyayay kuwa ka afkaar duwan.

    Magacyada ay wateen waxaa ka mid ahaa Hidden Africa iyo the Secret Democratic of Congo. Mid ka mid ah waxyaabihii la soo dhigay ayaana u muuqday in lagu taageerayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi, murashaxii mucaaradka u tartamayayna waxaa loogu baaqay in uu aqbalo in laga guulaystay.

    Facebook ayaa qoraal uu soo bandhigay kaga warbixiyay in ficillada dadka lagu saamaynayay laga soo abaabulay Israa’iil isla markaasna ay arrintaas sidoo kale ka dhacday Latin Ameerika iyo Koonfurta Bari ee Aasiya.

    Nathaniel Gleicher oo ka mid ah madaxda Facebook ayaa sheegay in la tiray ciwaanno meel uga dhacay shuruucda shirkadda oo laga samaystay Facebook iyo Instagram , kuwaas oo gaara 265.

  6. Kenya: "yaan xabsi lagu xukumin carruurta lagu helo dambiyada galmada la xiriira"

    David Maraga
    Image caption: David Maraga

    Garsooraha guud ee maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenya David Maraga ayaa ku baaqay in isbadal lagu sameeyo shuruucda tacaddiyada galmada la xiriira, kaas oo dambi ka dhigaya in ay isu galmoodaan carruuurta aan qaangaarin, sida ay ku warramayaan warbaahinta gudaha.

    “Waa caddaalad darro in xabsiyada laga buuxiyo dhallinyarada gala dambiyada iyaga isla seexda” waxaasidaas garsooraha guud ka soo xigtay wargeyska Daily Nation.

    Hadalkaas ayuu Khamiistii ka sheegay siminaar lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta u ah dalka Kenya.

  7. Diyaarad Dubai ku burburtay oo ay dad ku dhinteen

    Dubai

    Afar ruux ayaa dhimatay ka dib markii ay diyaayad yar ku dhacday meel saddex mayl u jirta Garoonka caalamiga ah ee Dubai.

    Saddex ruux oo reer Britain ah iyo mid reer Koonfur Afrika ah ayaa saarnaa diyaaradan nooceedu yahay DA42 oo ka diiwaan gashan UK, sida ay sheegeen masuuliyiinta iskutagga Imaaraadka.

    Diyaaraddan oo afar kursi leh waxaa leh shirkadda Flight Calibration Services, taas oo fadigeedu yahay Shoreham Airport oo ku yaalla West Sussex.

    Shirkaddan ayay shaqaalaheedu adduunka ku safraan si ay u bixiyaan caawimaad duulimaadyada la xiriirta, iyadoo arrimaha ay qabtaanna ay ka mid tahay qiimaynta raadaarrada iyo iyo waxyaabaha kale ee la xiriira qalabyada soo dagitaanka diyaaradaha qaabilsan ee garoommada yaalla.

    Hay’adda guud ee qaabilsan la socoshada badqabka diyaaradaha ee magaceeda loo soo gaabiyo GCAA ayaa sheegtay in uu socdo baaritaan

    Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in diyaaradda ay ku dhinteen duuliyihii, caawiyihii duuliyaha iyo labo ruux oo rakaab ahayd.

    Duulimaadyo ayaa dib loo dhigay kuwo kalana meelo kale ayaa loo weeciyay, garoonk diyaaradaha ayaana la xiray 45 daqiiqo.

    Garoonkaas ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan dunida oo dhan sida ay sheegtay international passenger traffic

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa sheegtay “in ay si dhaw ula shaqaynayso dawladda Imaaraadka ka dib markii ay soo yeertay in ay diyaarad yar ku dhacday Dubai.

    Shirkadda Honeywell ee Maraykanka laga leeyahay oo ka shaqaysa arrimaha injineeriyadda iyo duulimaadyada ayaa sheegay in ay kiraysatay diyaaradda DA42 iyo adeegga ay bixiso shirkadda leh si ay shaqo uga soo qabato Dubai.

    War qoraal ah oo ka soo baxay Honeywell ayaa lagu sheegay “in ay aad uga murugootay diyaaradda maanta ku burburtay Dubai, isla markaasna ay u tacsiyaynayaan ehelka dadka dhintay.

  8. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Jimce ah oo ay taariikhdu tahay 17 bisha May sannadka 2018.

  9. Dowladda Soomaaliya oo u hanjabtay dadka dhuxusha ka dhoofiya Kismaayo

    Xeer ilaaliyaha qaranka
    Image caption: Xeer ilaaliyaha qaranka

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadashay qorshaheeda ku aaddan soo saarista iyo dhoofinta dhuxusha.

    Warkan ayaa lagu sheegay in soo saarista dhuxusha iyo dhoofinteeda ay xaalufineyso deegaanka ayna il dhaqaale u tahay ‘kooxaha argagixisada’.

    "Xafiiska Xeer-Ilaalinta guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeedee ku nool dalka gudihiisa ama dibaddiisa, kuna lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah, inay joojiyaan faldambiyeedkaas, waxayna wajahayaan ciqaabta ka dhalata faldambiyeedkaas, sida ku xusan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed", ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

    Sidoo kale waxaa lagu sheegay in xafiiska xeer ilaalinta qaranka uu arrintan la kaashanayo booliska Soomaaliyeed iyo gaar ahaan booliska dowlad goboleedka Jubaland, waxayna xeer ilaalintu ka digtay in lala wareegi doono Doomaha iyo Maraakiibta lagu raro dhuxusha, iyadoo loo marayo sida ay qabaan shruuucda dalka.

    Dhanka kale wuxuu xafiiska xeer ilaalinta sheegay in uu booliska adduunka ee INTERPOL la kaashan doono soo qabashada dadka ku howlan ganacsiga dhuxusha.

    Wa-saxaafadeed ku saabsan Dhoofinta Dhuxusha
    Image caption: Wa-saxaafadeed ku saabsan Dhoofinta Dhuxusha
  10. Manchester City oo gorodda lagu dhagan yahay

    Manchester City
    Image caption: Manchester City

    Kooxda hanatay horyaalka Ingiriiska ee Manchester City ayaa loo gudbiyay guddi garsoor oo madaxbannaan, ka dib markii lagu eedeeyay in ay meel uga dhacday shuruucdii ciyaaraha ee dhigaysay in kooxdu aysan isticmaalin kharash ka badan midka soo gala.

    Waxayna u muuqataa in hal xilli ciyaareed laga ganaaxi doono koobka Horyaallada Yurub.

    Waxaa lagu eedeeyay in City ay ka badbadisay qiimaha heshiis maalgalin oo malaayiin doolar ku kacaya, arrintaas oo ay gaashaanka u daruurtay.

    Kooxda ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay balse aysan layaabin in loo gudbiyay guddi garsoor.

  11. Uganda Airlines oo billaabeysa duullimaad toos u tagaya Muqdisho

    Shirkadda diyaaradaha ee Uganda Airlines ayaa billaabeysa duullimaadyo toos u tagaya Muqdisho
    Image caption: Shirkadda diyaaradaha ee Uganda Airlines ayaa billaabeysa duullimaadyo toos u tagaya Muqdisho

    Shirakadda diyaaradaha ee dalka Uganda ayaa shaaca ka qaadday inay markii ugu horreysay dib u billaabeyso duullimaadyada tooska ah ee ay ku tageyso magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

    Bayaan ay mas'uuliyiinta shirkadda Uganda Airlines soo dhigeen baraha bulshada ayey ku sheegeen inay u diyaar garoobayaan duullimaadyada tooska ah ee isku xiraya magaalooyinka bariga Afrika ee Kampala, Muqdisho, Nairobi, Juba, Bujumbura iyo Dar-Es-Salaam.

    Go'aankan ayaa imaanaya xilli ay dalalka gobolka u muuqdaan inay ku loollamayaan duullimaadyada tagaya Muqdisho.

    Horay waxaa duullimaadyada noocan ah u billaabay shirkadaha diyaaradaha ee laga leeyahay Itoobiya iyo Kenya.

  12. Madaxweyne Farmaajo oo mawqif cad ka qaatay muddo kororsiga

    Farmaajo

    Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa faafaahin dheeraad ah ka bixiyay waxyaabihii uu u burburay shirkii magaalada Garoowe ay horraantii bishan ku yeesheen madaxda dalka.

    Wuxuu sheegay in la isku mari waayay qodobada ay ka midka yihiin dhismaha madal ay yeeshaan madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, qaabka loo qaban doono doorashooyinka soo socda iyo in mudada loo kordhiyo maamulka GalMudug.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in wanaagga kaliya ee shirkaas laga dhaxlay uu yahay in madaxda dalku ay kulmeen.

    “Annagu waxaan soo jeedinnay in laga hadlo ammaanka bacdamaa amnigu uu noohaymuhiimmadda koobaad, madaxda dawlad goboleedyaduna ay qayb ka yihiin guddiga ammaanka qaranka, marka hore siyaasadda ha laga heshiiyo ayayse dheheen, maxuma in siyaasadda laga heshiiyo macnaheedu waxay tahay waa dood furan”

    “Waa la is calool xaartay, waa la wada hadlay qof walbe fikirkiisa keenayayuu soo dhigay balse madal hala sameeyo ayaa la isku afgaran waayay” ayuu intaas ku sii daray.

    Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay xuska maalinta dhallinyarada Soomaaliya ee 15-ka May oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo hadal qaaday waxa ay madaxdu iska dhaheen arrinta maamul goboleedka GalMudug:

    “Arrinta GalMudug waxaan ku talinay in dib u heshiisiin laga sameeyo markii la waydiistay wakhti kororsi waxaan ku niri wakhti kororsi waxaa ka horreeya in nidaam la maro, dawlad goboleedyadu dhammaan way nagu raaceen, madaxweynaha maamul goboleedkana wuu nagu raacay, laakiin markii uu tashi galiyay wuu is badalay.” Ayuu yiri Farmaajo.

    Dhanka kalana madaxweynaha dawladda faderaalka ah oo ka hadlay arrinta muda kororsiga ee wakhtiyadii u dambaysay la isla dhexmarayay ayaa yiri:

    “Hadduu yahay maamulgoboleed iyo hadduu yahay dawladda faderaalka xaqiiqatan ma doonayno in hal maalin lagu daro, maxaa yeelay waxay abuuraysaa kalsooni darro”.

  13. “Ninkan wax dhintay ma idiinla eg yahay”

    Madaxweynaha Malawi

    Madaxweynaha Malawi Peter Mutharika ayaa ka hadlay warar la isla dhexmaray oo sheegaya in uu geeriyooday, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC Emmanuel Igunza.

    Isaga oo ka hadlaya magaalada Salima oo ku taalla bartamaha Malawi ayuu madaxweynuhu Arbacadii ka sheegay in uu ku jeesjeesay kuwa baraha bulshada wax ku qorqoraya.

    Isaga oo meel fagaare ah dadka kula hadlaya ayuu madaxweyne Mutharika yiri “ninkan wax dhintay ma idiinla eg yahay”.

    Dadka Malawi ayaa u dareeraya doorashada guud Talaadada foodda inagu soo haysa.

    Wararka dhimashada madaxweynaha ayaa faafay ka dib markii uu toddobaadkii hore baajiyay dhawr goobood oo uu khudbad ka jeedin lahaa.

    Balse Arbacadii boqolaal ruux ayuu kula kumlay Salima, isaga oo u ol’olaysanaya in markii labaad xilka qabto.

    Wuxuu ballanqaaday in uu wax ka qaban doono saboolnimada isla markaasna uu iskuullo dheeri ah ka dhisi doono dalka oo dhan.

    Mutharika oo awoodda qabtay sannadkii 2014 ayaa tartan adag kala kulmaya Saulos Chilima oo ah madaxweyne ku xigeenka dalka, kaas oo u sharaxan xisbiga UTM iyo Lazarus Chakwera oo ka tirsan xisbiga Malawi Congress Party.

  14. Muslimiinta Hindiya oo ka walaacsan Mustaqbalkooda inta uu Modi xilka hayo

    Shaukat Cali
    Image caption: Shaukat Cali ayaa la goobtay

    Sannadihii u dambeeyay dalka Hindiya waxaa ku sii badanayay dambiyada Muslim nacaybka la xiriira, qaar dadka ka mid ahna waxay u arkaan dalkaas uu noqonayo mid ay si halis ah ugu sii badanayso dulqaad yaridu inta uu xilka hayo xisbiga Bharatiya Janata Party, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC Rajini Vaidyanathan.

    Maalmo ayaa inaga xiga marka ay soo gabagaboobayso wajiga koobaad ee doorashada dalka Hindiya.

    Ganacsade Muslim ah oo ku sugan gobolka Assam ee waqooyiga bari ee dalka Hindiya ayay dad badan soo qaabileen oo ku soo xoomeen isaga oo shaqada ka sii rawaxaya.

    Shaukat Cali waxaa isku gadaamay koox, waxaana lagu qasbay in uu jilba joogsado ka dibna waa la weeraray.

    “Ma reer Bangladesh baad tahay” ayuu nin ku qaylyay, isaga oo su’aal galinaya muwaadinimadiisa.

    “Maxaad halkan hilibka lo’da ugu iibinaysaa?” ayuu midkalana waydiiyay ka dibna far ayuu ka jaray Cali.

    Badalkii ay dadkii soo xoomay caawin lahaayeen ninkaas, taleefoonnadooda ayay la soo baxeen wayna duubeeen.

    'Caqiidadayda ayaa weerar lagu yahay'

    Hal bil ayaa dhacdadaas laga joogaa Cali-na wali wuxuu la daalaa dhacayaa in uu cagihiisa ku socdo. Waxaan kula kulmay gurigiisa oo haddii gaari la qaato aan sidaa uga fogayn suuqa, waxaa ku hareeraysan doog iyo beero bariis lagu beerto.

    Ninkan oo 48 jir ah oo sariirtiisa yaala ayay indhihiisu illin soo buuxisay markii uu damcay in uu dib u celiyo xasuustiisa oo uu iiga sheekeeyo sidii u dhacay weerarkii lagu qaaday.

    “Ulo ayay ila dhaceen, wajiga ayay iga laadeen,” ayuu yiri isaga oo i tusaya dhaawacyo feedhaha iyo madaxa kaga yaalla.

    Qoyskiisu tobannaan sano ayay ka ganacsanayeen hilibka lo’da iyaga oo ku gada goob yar oo ay leeyihiin – balse waligood lama aysan kulmin dhibaatadaas oo kale. Gobollada qaar ayaa sharci darro ka dhigay hilibka lo’da maadaama oo dadka diinta Hinduga aaminsan ay lo’da barakaystaan – balse gobolka Assam si sharci ah ayaa loogu gadi karaa hilibka lo’da.

    Shaukat Cali jir ahaan oo kali ah dhaawac uma soo gaarin – balse sharaftii ayaa laga xayuubiyay, dadkii badnaa ee jirdilka u gaystayna waxay ku qasbeen in uu hilib doofaaar ruugo ka dibna liqo.

    “Ma jirto sabab aan u sii noolaado,” ayuu yiri isaga oo niyad jabsan, “Tanina waxay ahayd weerar lagu qaaday caqiidadayda dhammaanteen.”

    Caro ayaa ka dhalatay muuqaalka laga duubay Cali oo hilib doofaar lagu qasbayo, dadka ayaana aad isugula wadaagay baraha bulshada
    Image caption: Caro ayaa ka dhalatay muuqaalka laga duubay Cali oo hilib doofaar lagu qasbayo, dadka ayaana aad isugula wadaagay baraha bulshada

    Maalin maalmaha ka mid ah qaar ka mid ah dadka deegaanka ee Muslimiinta ah ayaa gurigiisa ku booqday si ay u soo arkaan waxa gaaray Cali. Intii ay sheekadiisa dhagaysanayeenna qaar ayaa billaabay in ay ilmeeyaan iyaga oo iswaydiinaya in iyagana ay u nugulyihiin in sidaas oo kale loo bartilmaameedsado.

    Iyadoo dalka ugu tunka wayn dimuqraadiyadda adduunka uu doorasho qabanayo waxaa su’aalo laga keenay sida Muslimiinta dalkaasi ay qayb uga yihiin.

    Muslimiinta dalka Hindiya ayaa lagatiro badan ayahay waxayna gaarayaan 172 milyan oo ruux.

    Shaukat Cali ayaa ah qofkii u dambeeyay ee tirada sii kordhaysa ee loo dhibaateeyay in ay hilib lo’aad gadayeen amaba looga shakiyay in ay gadaan.

    Dadka deegaanka oo soo booqday Shaukat Cali
    Image caption: Dadka deegaanka oo soo booqday Shaukat Cali

    Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ayaa February 2019 ogaatay ugu yaraan 44 ruux oo 36 ka mid ah ay Muslimiin yihiin lagu dilay 12 gobol oo dalka Hinyida ku yaalla, dilalkaasina ay dhaceen intii u dhaxaysay 2015 ilaa iyo 2018. Isla xiligaas 280 ruux ayaa lagu dhaawacay 100 dhacdo oo ka kala dhacay 20 gobol.

    Madaxa Hay’adda Xuquuqul Insaanka u Qaabilsan Qaramada Midoobay Michelle Bachelet oo soo bandhigaysa khudbaddeedii sannadlaha ahayd ayaa walaac ka muujisay “tacaddiyada iyo beegsiga lagu hayo dadka laga tirada badan yahay – si gaar ahna waxay u taabatay Muslimiinta iyo dadyowga kale ee muddada dheer la faquuqayay sida Dalits.

    Rabshadaha diinta la xidhiidha ee dadku ku dhintaan ayaa wax aan la aqbali karin ka ahaa dalka Hindiya tan iyo markii dalkaas la aasaasay.

    Balse hadda walaac dhab ah ayaa jira, dadaka hadda ka arrimiya Hindiya ayaana aqbalaya dhaqanka isla xisaabtan la’aanta.

    Mid ka mid ah tusaale yaasha la soo qaadan karana waxaa ka mid ah mid ka mid ah kufsiigii ugu xumaa ee dhawaan ka dhaca Hindiya taariikhda dambe.

    Bishii Janaayo ee sannadkii hore gabadh siddeed jir ah oo Muslim ah ayaa daaq gaysay fardo ay heerkoodu lahaayeen waxaana lagu afduubtay degmada Kathua ee ka tirsan qaybta ay Hindiya maamusho ee gobolka Kashmiir.

    Toddobaad ayaa lagu hayay macbad ay ay leeyihiin dadka aaminsan diinta Hindu-ga, dhulka ayaa lagu jiiday marar badan ayaa la kufsaday oo la jir dilay ka dibna nafta ayaa laga qaaday.

    Carruur

    Warbixin ay intaas ka dib booliisku diiwaangaliyeen ayaa sheegaysa in dambigaasi uu qayb ka ahaa qorshe ay maleegeen koox rag ah oo diinta Hinduga aaminsan kuwaas oo rabay in ay deegaannadaas ka saaran qawmiyadda Bakerwal oo ah Muslimiin reer miyi ah, kuwaas oo gabadhuna ay ka soo jeeday.

    Sannad ka badan booliis ayaa waardi ka haya gurigooda oo ku yaalla dhulka durugsan ee Kathua.

    “Waxay dhaheen dila waa gabadhii qoyska Muslimka ah, si heerka intiisa kale ay u naxaan una cararaan,” sida uu ii sheegay aabaheed oo ilmo ka tiraya indhihiisa.

    Qoyska ayaa diiday in ay ka haajiraan gurigii ay gabadhooda la dilay kula noolaan jirtay, balse walaac ayay ka qabaan ammaanooda.

    "Dibadda in aan u baxno waan ka cabsannaa hadda, noloshannada ayaan u baqaynaa” ayaytiri gabadha hooyadeed. “Haddii aan tallaabo dibadda dhigno dadka ayaa noo dhaarta oo noogu hanjaba in ay na garaaci doonaan.”

    Markii gabadhaas siddeed jirka ah la dilay, boqollaal ruux ayaa waddooyinka mudaaharaad ka dhigay. Balse mudaaharaadyadii deegaannadaas ka dhacay badankood waxaa taageero loogu muujinayay siddeed nin oo diinta Hinduga haysta oo lagu eedeeyay weerarka arxandarrada ah, oo ma ahayn kuwo lagu garab istaagayay qoyska gabadha yar laga dilay.

    Labo wasiir gobol oo ka tirsan xisbiga BJP oo kala ah Chaudhary Lal Singh iyo Chander Prakash Ganga ayaa ka mid ahaa dadkii waddooyinka ku mudaaharaaday iyaga oo taageero u muujinaya eedaysaneyaasha.

    “Gabadhani way dhimatay, baaritaanka loo samaynayana aad uu u badan yahay. Dumar badan ayaa halkan lagu dilay,” ayaa la sheegay in Singh uu ka sheegay isu soo baxii uu ka qaybgalay.

    Inkasoo Modi uu cambaareeyay kufsiga, haddana raggaas kama uusan dalban in ay si degdeg ah isu casilaan. Toddobaadyo markii caddaadis lagu hayay ayayse is casileen.

    Warar ayaa sheegay in xoghayaha guud ee xisbiga BJ, Ram Madhav in uu sii waday difaacidda raggaas.

  15. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Khamiis ah oo taariikhdu atahay 16 bisha May sannadka 2019.

  16. Qofkii fashilay imtixaanka Soomaaliya oo la qabtay magaciisana lagu dhawaaqay

    Taliyaha booliska Soomaaliyeed
    Image caption: Taliyaha booliska Soomaaliyeed

    Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay gacanta kusoo dhigeen nin ay ku sheegeen inuu yahay qofkii sida khiyaanada ahayd u bixiyaymacluumaadkii Imtixaanka dugsiga sare ee Soomaaliya.

    Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, oo ah taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku sheegay in ay baaritaanno ku hayaan shakhsiga eedeysanaha ah ee lasoo qabtay.

    "Waxaan rabaa inaan la wadaagno shacabka Soomaaliyeed, waalidiinta iyo ardaydii imtixaanaadka galeysayba in hoggaanka baarista dambiyada ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan Jamaaludiin Xasan Xirsi, oo 29 jir ah kana shaqeynayay wasaaradda waxbarashada, kaasoo lagu eedeynayo inuu bixiyay imtixaanaadkii loogu tala galay shahaadooyinka dugsiga sare. Baaritaankaasi waa bilow oo hadda wuu socdaa, wixii kasoo baxana waxaa loo gudbin doonaa maxkamadaha".

    Wuxuu taliyaha sheegay in cid walba oo arrintaas ku lug lahayd caddaaladda la hor geyn doono.

    Imtixaankii dugsiyada sare oo qeyb kamid ah la galay ayaa hakad la galiyay kadib markii ay soo baxday in warqadihii maadooyinka qaar lagu dhex faafiyay ardayda, waxaana waxba kama jiraan laga soo qaaday qeybtii horay loo galay.

    Go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku hakisay imtixaanka ayaa horseeday mudaharaadyo ay ardayda sameeyeen, kuwaasoo uu ka dhashay khasaare.

  17. Rag sheegay in aysan wali arkin bisha Ramadaan oo Nigeria lagu xirxiray

    Booliiska shareecada Islaamka ee gobolka Kanu ee dalka Nigeria ayaa xirxiray siddeetan ruux oo lagu eedeeyay in ay bulshada dhexdeeda cunto ku cuneen iyaga oo sooman, badalkii ay soomi lahaayeen bisha barakaysan ee Ramadan.

    Booliiska shareecada ee loo yaqaanno Hisbah ayaa sheegay in dadkan lagu xirxiray magaalada Kanu maalmihii u dambeeyay.

    Gobolka Kanu ayaa ka mid ah gobollo dhawr ah oo ku yaalla waqooyiga Nigeria kuwaas ku dhaqanka shareecada Islaamka dib u soo celiyay sannadkii 2000.

    Shareecada Islaamka ayaa la dhaqan galiyay waxaase ka garab shaqeeya dastuurka dalkaas.

    Adamu Yahaya oo ah afhayeen u hadlay booliska Hisbah ee gobolka Kano ayaa BBC-da u sheegay in dhammaan dadka la xiray ay Muslimiin ahaayeen, isla markaasna aysan bartilmaameedsan dadka aan Muslimiinta ahayn maadaama oo aan iyaga soon ku waajibin.

    Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dadkaas ay xafiiska sharaaceda Islaamka u sheegeen in sababta ay u cuntaynayeen ay tahay in aysan wali indhaha saarin bishii, halka qaar kalana ay xannuun sheegteen, balse masuuliyiintu ay xaqiijiyeen in waxa ay sheeganayaan uusan sal lahayn.

    Siddeetankan ruux oo la ogaaday in aysan horay khalad u galin ayaa la sii daayay isla markaasna digniin la siiyay, sida uu Yahaya sheegay.

    Digniin ayaa la siiyay haddii ay dambi kale ku laabtaanna maxkamad ayaa la saari doonaa. Booliiska Hisbah lagu magacaabo ayaa sheegay in ay bisha Ramadaan oo dhan sii wadi doonaan hawgallada ay deegaannadaas ku gaafwareegayaan isla markaasna ay xirxiri doonaan Muslimiinta aan soomayn.

  18. Gobol Maraykanka ku yaalla oo meel adag ka istaagay carruurta la iska soo xaaqo

    Alabama

    Aqalka Senate-ka ee gobolka Alabama ee dalka Maraykanka ayaa meel mariyay hindise sharciyeed mamnuucaya noocyo aad u badan oo ilmaha la isaga soo xaaqo, iyaga oo qarka u fuulay in ay gabi ahaanba mamnuucaan ilmo iska soo xaaqidda, ugu dambaynse waxay ogolaadeen in ilmaha la soo xaaqi karo haddii nolosha hooyadu ay halis ku jirto oo kali ah.

    Arrintan ayaa gobolka Alabama ka dhigaysa midka ugu sharci adag gobollada dalka Maraykanka marka ay timaaddo ilmo iska soo xaaqidda.

    Maraykan
  19. Eritrea oo xirtay baraha bulshada

    Isaias Afwerki
    Image caption: Isaias Afwerki

    Baraha bulshada ayaa laga xiray dalka Eritrea, dadka ayaana fariimo ka soo diraya dalkaas iyaga oo adeegsanaya adeegga VPN-ka loo yaqaanno.

    Ma cadda sababta loo xiray, balse waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegay in dawladdu ay u xirtay baraha bulshada si ay uga gaashaamato in lagu abaabulo dibadbaxyo lagu carqaladaynayo maalinta xoriyadda ee 24 May

    Dareenka ka dhashay isbadal la’aanta siyaasadeed ee Eritrea ayaa sii xoogaysanaya, xisbiga kali kali ah ee dalkaas ka jira ee madaxweyne Isaias Afwerki ayaa dalkaas hoggaaminayay tan iyo markii uu dalkaasi xoriyadda qaatay sannadkii 1993-dii.

    Website-ka wax ka qora arrimaha internetka ee Internet World Stats ayaa sheegay in Eritrea ay tahay dalka ugu internet isticmaal yar dunida oo dhan. Sannadkii 2018, 71,000 oo ruux ayaa internet ka isticmaali jiray, dadkaas ayaana bulshada Eritrea ka noqonaya 1.3%.

    Isgaarsiinta Eritrea waxaa si adag u maamusha dawladda, warbaahin gaar loo leeyahayna ma jirto, internetkana taleefannada lagama isticmaali karo.

  20. Roobab ma hiiganno ah oo la filayo in ay ka da'aan Somaliland

    Xafiiska agaasiinka dhulka, biyaha iyo saadaasha hawada ee wasaarada horumarinta beeraha ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa soo saaray saadaal roobab la filayo in maalmaha soo socda ay ka da'aan gobollada Somaliland.

    Xafiiska ayaa sheegay in meelaha qaarkood la filayo in roobabkaasi ay noqon doonaan kuwo culus, oo biyo badan wata.

    Agaasiimaha xafiiskaasi Cabdiqani Yuusuf Galaydh oo u warramay weriye Cabdillaahi Jaamac ayaa marka hore waxa uu ka hadlayaa roobkii u danbeeyay ee Hargeysa ka da'ay iyo qiyaastiisu inta ay ahayd.

    View more on facebook