Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Haad loo xiray Boko Xaram-nimo oo la sii hayn doono

    Dafo

    Booliiska gobolka Adamawa ee dalka Nigeria ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay ka baxday 86 doolar oo ay ku quudiyeen haad lala xiray qofkii lahaa lix maalmood ka hor, sida ay ku warrantay barta Daily Trust.

    Dadka deegaanka Mahia ayaa sheegay in ay uga shakiyeen in haweenayda lala qabtay haadka ay xiriir la leedahay ururka jihaaddoonka ah ee Boko Haram.

    Mid ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa sheegay in mar hore uu ruux keensaday haad ka dibna ay soo weerareen malayshiyada.

    Cusmaan Abuubakar oo booliiska deegaankaas u hadlay ayaa sheegay in ay wali wadaan baaritaan ku aadan gorgorka deegaankaas lagu qabtay.

    Wuxuu sheegay in laga yaabo in ay sare u soo kacdo kharashka ku baxa, maadaamaoo uu xiran yahay.

    Barta wararka ee Punch ayaa qortay in Mu’asasadda Bay’ada Nigeria ay ku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo haadka.

  2. Mayd kale oo laga helay wabi Kenya ku yaala oo la nadiifinayo

    Kenya

    Wiil mayd ah ayaa laga helay wabiga dhex mara magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

    Waa maydkii 14 ee laga helo wabiga tan iyo markii badhasaabka magaalada Nairobi Mike Sonko uu billaabay qorshaha lagu nadiifinayo wabiga.

    Maydadkaas ayaa isugu jira carruur iyo dhallaan.

    War qoraal ah oo uu soo soosaaray afhayeenka badhasaabka ayaa lagu sheegay in wiilka la ceejiyay ka dibna wabiga agtiisa lagu tuuray?

    Bishii May 19 ayaa wabiga laga helay labo carruur oo mayd ah kuwaas oo loo malaynayo mataano, arrintaas ayaana dhacday intii ay socotay nadiifinta wabigan.

  3. Gantaallo lagu garaacay huteel qaali ah oo Liibiya ku yaalla

    Ciidammada Haftar ayaa iskudayaya in ay qabsadaan Tripoli
    Image caption: Ciidammada Haftar ayaa iskudayaya in ay qabsadaan Tripoli

    Gantaallo ayaa lagu gaaracay huteel kuwa raaxada ah oo ku yaalla magaalada Tripoli ee caasimadda u ah dalka Liibiya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Wakaaladdu waxay ku warrantay in Dawladda uu adduunku aqoonsan yahay ee Libiya ay rumaysan tahay in gantaalladaas uu masuul ka yahay Janaraal Khalif Haftar oo fallaagoobay.

    Sawirro muujinaya qolal burbursan oo ku yaalla hoteelka Rixos ayay soo bandhigtay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana isla huteelkaas ku shirayay xildhibaannada ka soo horjeeda jeneraalka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Ciidammada Haftar ayaa iskudayaya in ay qabsadaan Tripoli tan iyo horraantii bishii Abriil.

  4. Ku dhawaad 300 oo tahriibeyaal ah oo bad laga soo badbaadiyay

    Doon

    Dad lagu qiyaasay 290 ruux oo tahriibeyaal ah ayay soo badbaadiyeen ciidammada ilaalada xeebaha ee dalka Liibiya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Afhayeenka ciidammada badda Ayoub Qassem ayaa laga soo xigtay in uu yiri "waxaa la arkay tahriibeyaasha oo naf la caari ah isla markaasna saaran doomo aan tayadeedu wanaagsanayn".

    Magaalada Zlitin oo 160 km u jirta caasimadda Tripoli ayaa laga soo badbaadiyay 203 ruux, halka 87 kalana laga soo badbaadiyay magaalada Qarabuli oo 50km u jirta dhanka bari ee caasimadda Tripoli.

  5. Dhaxal Sugaha Sacuudiga oo kulan la qaatay masuul ka tirsan madaxda ciidammada Suudan

    Suudaan

    Amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wadahadal la yeeshay jeneraal Maxamed Hamdan Dagalo oo ah ku xigeenka hoggaamiyaha guddiga milatariga ah ee maamula Suudaan.

    Kulankaasi wuxuu ka dhacay magaalada Jeddah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Sacuudiga SPA.

    Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray “iskaashiga labo geesoodka ah ee ka dhexeeya labadaas dal ee walaalaha ah”.

    Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa ballan qaaday saddex bilyan oo doolar oo gargaar lagu gaarsiinayo Suudaan, arrintaas oo wax wayn uga dhigan ciidammada xukunka ka maroorsaday madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir 11 bishii Abriil.

  6. Facebook miyuu carqaladaynayaa dimuqraadiyadda Afrika?

    Larry Madowo

    BBC Africa business editor

    Facebook

    Shirkadda Facebook ayaa aad looga hadal hayaa Africa iyada oo lagu eedaynayo in ay wax u dhimayso dimuqraadiyadda, dadka ka soo horjeeda ayaana sheegaya in bartan ay bulshadu ku xiriirto ee wayn ay ogolaatay in hub laga dhigto oo laga fuliyo ol’ole abaabulan oo dadka lagu marinhabaabinayo.

    Wararka been abuurka ah ayaa aad loo faafiyay intii ay socdeen siddeedii doorasho ee sannadkan ka dhacay qaaradda Afrika, Toddobaadkii horana Facebook ayaa sheegay in shirkadd Israa’iil laga leeyahay oo arrimaha siyaasadda ka talo bixisa ay door wayn ku lahayd arrimahaas.

    Shirkadda Facebook ayaa mamnuucday shirkadda Archimedes Group, taas oo ay sheegtay in ay ka dambaysay dadkii iska dhigayay in ay Afrikaan yihiin.

    Shirkadda Facebook ayaa tirtay 265 ciwaan oo dadkaasi ay kul lahaayeen Facebook iyo Istagram, kuwaas oo lagu arkay “dabeecado been abuur ah”, ciwaannadaas ayaa inta badan bartilmaameedsanayay Nigeria, Senegal, Togo, Angola, Niger iyo Tunisia.

    Nanjira Sambuli oo ka tirsan World Wide Web Foundation ayaa sheegtay in Facebook ay wakhti dheer ku qaadatay in uu u soo jeedsado wax ka qabashada dhibaatada dalalka soo koraya.

    “Dimuqraadiyadda qaaraddu halis ayay ku jirtaa, nasiib darrana baraha ay bulshadu ku xiriiraan ayaa uga sii daraya,” ayay tiri Nanjira oo la hadashay BBC.

  7. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Jimce ah oo ay taariikhdu tahay 24 bisha May sannadka 2019.

  8. Madaxweynaha kooxda Kubadda cagta ee PSG oo maxkamadeyn wajahaya

    Nasser Al-Khelaifi
    Image caption: Nasser Al-Khelaifi

    Ilo wareedyo laga helay waaxda caddaaladda dalka Faransiiska ayaa sheegaya in madaxweynaha naadiga kubadda cagta eePSGlagu soo oogay eedo la xirira musqus maasuq, oo ah habka loo maamulay tartanka ciyaaraha fudud ee adduunka.

    Nasser Al-Khelaifi oo sidoo kale ah gudoomiyaha Qatari media groupayaa baaritaano lagu sameynayay tan iyo bishii Maarso waxaana lala xirirayaydalabka guushii qadar ee sanadkaniyo iksu daygii fashilamayee ciyaarihii 2017-kii.

    Tallaabadan oo uu qaaday garsoore baaritaan waday ayaa ka dhigan in Nasser al-Khelaifi uu hadda si rasmi ah u yahay qof la tuhunsan yahay oo diiradda lagu saarayo baaritaan ballaaran oo faransiisku uu ku hayo shabakad lagu eedeeyay musuqmaasuq mar dhibaato galiyay ciyaaraha fudud ee adduunka.

    Baaritaankan dadka lagu sameynayo waxaa udub dhexaad u ah Lamine Diack oo ah madixii hore ee ururka ciyaaraha fudud ee caalamiga ah ee IAF.

    Mr al--Khelaifi ayaa lala xiriiriyay inuu labo jeer lacag ka qaatay maalgashadeyaal u dhashay dalka Qadar.

    Isku darka lacagtaas ayaa la sheegay inuu ahaa nus malyan doolar, wuxuuna sanadkii 2011-kii ku sameystay shirkad uu maamulkeeda u dhiibay wiil uu dhalay Mr Diack.

    Garsooreyaasha baaritaanka ku guda jira ayaa Mr Diack qudhiisa ku eedeeyay inuu dalka Qadar ugu eexday isku daygii guul darreystay ee horyaalnimada ciyaaraha fudud 2 sano ka hor, isagoo eexdaasna ugu sameynayay si uu laaluush uga qaato.

    Hase yeeshee, isaga iyo wiilkiisuba waxay beeniyeen inay wax khalad ah sameeyeen.

  9. Uganda oo shuruuc adag ka soo saartay carruurta darbijiifka ah

    Uganda

    Baarlamaanka dalka Uganda ayaa meelmariyay sharci dambi ka dhigaya in carruurta darbi jiifka ah la siiyo lacag, cunto ama deeq kale.

    Dadka sharcigaa jabiya ayaana mudan kara lix bilood oo xabsi ah ama ganaax lacageed oo 11 doolar ah.

    Sharcigan ayaa looga golleeyahay in wax looga qabto carruurta loo dhiibo ganacsiyada waddooyinka iyo sidoo kale kuwa lagula kaco tacaddiyada galmada la xiriira.

    Duqa magaalada Kampala Erias Lukwago ayaa sheegay in sharcigan uu sidoo kale qaban doono dadka carruurta ka ganacsada, kuwa kala iibiya iyo waalidka ay carruurtoodu waddooyinka ka tuugsadaan.

    Uganda waxaa caadi ka ah carruur ay qaarkood 7 sano oo kali ah jiraan oo alaabo ku gada waddooyinka ay saxmaddu ka jirto iyo kuwo kale oo tuugsada.

    Dawladda ayaa qiyaastay in carruurta darbijiifka ah ee da’doodu u dhaxaysoto ddobo illaa 17 ay gaarayaan 15,000, tiradaasina ay sii kordhayso.

    Carruurtaas qarkood ayaa si sharci darro ah looga keenaa Tuulooyinka waxaana la dajiyaa qolal yaryar oo isku raranta ku yaalla.

    Sharcigan ayaa sidoo kale dambi ka dhigaya in guryo laga kireeyo carruur ku hawlan arrimo anshax xumo ah ama ganacsiyo aan habboonayn.

  10. Qof qarax gaysan rabay oo lagu qabtay Guriceel

    Qof raba in uu qarax ka gaysto xaflad ka dhacaysay Guriceel ayaa gacanta lagu dhigay, sida ay BBC-da u sheegeen dad goobjoogeyaal ah.

    Goobta ay arrintan ka dhacday ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen masuuliyiinta ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

    Baraha bulshada ayaa la soo dhigay sawirka qofka la qabtay oo la sii wado iyo waxyaabo la sheegay in uu qarax u adeegsan rabay.

    View more on facebook
  11. Tifaaftire BBC oo sheegay "in hilibka jiirku u dhadhamo sida digaagga"

    Larry Madowo

    BBC Africa business editor

    Tifaaftiraha dhanka ganacsiga ee BBC Africa Larry Madowo ayaa markii u horraysay dhadhamiyay hilib jiir isaga oo ku sugan dalka Malawi, wuxuuna sheegay “in uu u dhadhan egyahay digaagga”.

    Wuxuu sheegay in hilibka jiirka aad looga jecel yahay qaybo ka mid ah dalka Malawi ee dhaca koonfurta qaaradda Africa.

    Muuqaal uu Twitterka soo dhigay ayaa laga arki karaa Larry oo qaadanaya ul ay ku taxan yihiin hilib jiir, hilibkaas waxaa gadaya wiil yar.

    Wuu ursaday ka dibna wuu goostay, wuxuuna yiri waa cajiib.

    Lifaaqan hoose ee Twitterka ka daawo muuqaalkaas.

    View more on twitter
  12. Isbadal ku yimid qorshihii ay Fifa ku ballaarinayay Koobka Adduunka

    Faransiiska ayaa ku guulaystay Koobkii Adduunka ee 2018 lagu qabtay Ruushka
    Image caption: Faransiiska ayaa ku guulaystay Koobkii Adduunka ee 2018 lagu qabtay Ruushka

    Hay’adda maamusha ciyaaraha kubadda cagta adduunka ee Fifa ayaa meesha ka saartay qorshe ay ku kordhin lahayd kooxaha ka qayb galaya Koobka Adduunka ee 2020 oo Qadar ay martigalinayso,

    Qorshahaas ayaa 32 xul ee hadda ciyaara ka dhigi lahaa 48 dal.

    Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Fifa ayaa lagu sheegay in uusan jirin wakhti ku filan oo lagu sameeyo isbadalladii la rabay in la hirgaliyo, taas oo keeni lahay in Qadar ay dalal kale oo gobolka ah la qaybsato masuuliyadda martigalinta koobka Adduunka.

    Koobka xiga ee 2026 oo ay si wada jir ah u martigalinayaan Maraykanka, Canada iyo Mexico ayaa lagu billaabi doonaa qorshaha ballaarinta ee 48 xul.

  13. Maraykanka iyo Koonfur Afrika oo isku maandhaafsan wasiir maaliyadeed oo hore

    Koonfur Afrika

    Maraykanka ayaa sheegay “in uu aad uga xunyahay” tallaabada ay Koonfur Afrika qaadatay, ka dib markii ay diiday in ay soo masaafuriso Manuel Chang oo horay u soo noqday wasiirkii maaliyadda ee Mozambique.

    Maraykanka ayaa raba in uu ninkaas soo taago maxkamad si loogu oogo dacwado musuqmaasuq la xiriira.

    Chang ayaa lagu xiray Koonfur Afrika bishii Disembar iyadoo la fulinayo dalab ka yimid Maraykanka oo ku eedeeyay in ninkaasi uu fuliyay qorshe labo bilyan oo doolar ah oo laga dhaliyay arrimo sharci darro ah iyo lacago si sharci darro ah loo kala wareejiyay, arrintaas oo lagu khiyaamay maalgashadeyaal Maraykan ah.

    Koonfur Africa ayaa go’aansatay in ay Chang u masaafuriso dalkiisa Mozambique halkaas oo dacwado kuwan la mid ah looga haysto.

    Dawladda Mozambique ayaa soo dhawaysay go’aankaas, balse xisbiga u wayn mucaaradka ee Renamo ayaa sheegay in ay shaki ka qabaan in uu xukun cadaalad ah dalkiisa ku heli karo Chang.

    Safaaradda Maraykanka oo war soo saartay ayaa tiri “waxaan ku baaqaynaa in dawladda Koonfur Afrika ay Chang u masaafuriso Maraykanka si loogu soo oogo dambiyada loo haysto oo ay ka mid yihiin in uu waxyeelo u gaystay dad Maraykanka u dhashay iyo in uu dawladda Mozambique ka dhacay lacag ka badan $700 oo milyan oo doolar.

  14. Musuqmaasuq la dagaalankii Kenya oo xulafada madaxweynaha u jihaystay

    Ferdinand Waititu ayaa ka tirsan xisbiga talada haya ee Jubilee
    Image caption: Ferdinand Waititu ayaa ka tirsan xisbiga talada haya ee Jubilee

    Guddiga musuqmaasuq la dagaalanka Kenya ayaa baaritaan ku sameeyay hantida Ferdinand Waititu oo ah barasaabka deegaanka Kiambu, arrintaas ayaana loo arkaa mid ahmiyad leh.

    Waititu ayaa lagu yaqaannaa handadaad iyo dabeecado qalafsan – balse wuxuu xulafo xoog badan la yahay madaxweyne Uhuru Kenyatta kaas oo isaguna ku tiirsan taageerada siyaasadeed ee uu gobolkaas uga keeno.

    Warbaahinta gudaha ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wax ka qorayay hantida Waititu oo ay ka mid yihiin hanti maguurto ah oo uu ku leeyahay magaalooyinka Kiambu iyo Nairobi.

    Waititu ayaa iska difaacay eedaymaha loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in hantidiisa aysan ku soo galin si sharci darro ah, isla markaasna uu sheegi karo raadkeeda.

    Madaxweyne Kenyatta ayuu cadaadis isa soo taraya haystaa isaga oo loogu baaqayo in uu hadalka ka gudbo, waxna ka qabto musuqmaasuqa baaxadda wayn ee ay ku kacaan masuuliyiinta dawladda.

    Hadda guddiga musuqmaasuq la dagaalanka ee magaciisa loo soo gaabiyo EACC ayaau jihaystay mid ka mid ah xulafadiisa, balse waxaa la arki doonaa in arrintaasi ay horseeddo in dacwado lagu soo oogo.

  15. Xildhibaan Maraykan ah oo xaaskiisa damaaciyay balse xabsi la geeyay

    Xildhibaan

    Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa lagu eedeeyay in isaga oo sakhraansan uu tacaddi u gaystay xaaskiisa, isaga oo qoonsaday in ay wakhti dheer ku qaadatay in ay dharka iska bixiso markii uu damcay in uu u galmoodo.

    Doug McLeod oo 58 jir ah ayaa la xiray habeenkii Sabtidii, isaga oo loo haysto in uu ku xadgudbay xaaskiisa.

    Xubnaha ay xisbiga Jamhuuriga ka wada tirsan yihiin ee gobolka ayaa ku baaqay in McLeod uu si degdeg ah isu casilo haddii eedaymaha loo soo jeedinayo ay run yihiin. McLeod oo ah aabo saddex carruur ah dhalay ayaa diiday in uu durba u jawaabo, ka dib markii ay BBC-du la xiriirtay.

    Booliisku markii ay tageen gurigiisa oo ku yaalla Lucedale oo 240km u jira caasimadda gobolka ee Jackson, waxay arkeen in McLeod uu sakhraansan yahay, dhalo khamri ahna gacanta ku haysto, sida ku cad warbixinta rasmi ah ee masuuliyiinta, sida uu soo xigtay wargeyska Sun Herald.

    Waxaa la sheegay in marka McLeod la kaxaynayay uu hadalka kari la'aa "tallaabadana uusan si fiican u qaadi la'aa".

    Markay booliisku u sheegeen in loogu yeeray tacaddi uu gaystay waxaa la sheegay in uu yiri "Miyaad igu ciyaaraysaan". Wargayska Clarion Ledger ayaa sheegay in marka ay askartu tagtay guri xildhibaanka ay ugu tageen xaaska McLeod iyo haweenay kale oo guriga ku dhex jira cabsina ay ka muuqato.

    Haweenayda kale ayaa booliiska u sheegtay in ay qolka ugu soo gashay xaaska McLeod oo wajiga ka dhiigaysa.

    Qolkii ayay hoosta ka xidheen wuxuuna billaabay in uu ku garaaco albaabka, isaga oo ku hanjabay in uu aygeeda nafta ka qaadi doono haddii aysan albaabka ka furin.

    Xildhibaanka ayaa lagu eedeeyay in uu gabadha sanka ka feedhay, uuna qoonsaday in ay durba dharka iska bixinwayday markii uu damaaciyay.

    Warbixinta booliiska ayaa sheegaysa in dhiig lagu arkay sariirta iyo qolka jiifka ee qoyskaas.

    Xaaska ayaa sheegtay in aysan u baahnayn gawaarida gurmadka degdegga ah, gabadheeduna ay isbitaal gayn karto si ay dhakhtar u aragto. McLeod ayaa lagu sii daayay damaanad 1,000 doolar ah.

  16. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 23 bisha May sannadka 2019.

  17. Asamoah Gyan oo ciyaaraha caalamiga ah ku soo noqday

    Asamoah Gyan oo ah ciyaartoygii goolashii ugu badnaa abid u dhaliyay xulka qaranka kubadda cagta ee Ghana ayaa ka laabtay goonkii uu uga fariistay ciyaaraha caalamiga ah, ka dib markii ay khadka taleefanka ku wada hadleen madaxweynaha dalkiisa.

    "Codsigii madaxweynaha niyad sami ayaan u qaatay, xulka qaranka ayaana u dheeli doonaa ayuu ku soo qoray Twitterka.

    View more on twitter
  18. Geerida Binyavanga Wainaina oo laga tacsiyeeyay

    Qoraa caan ah oo Kenyan ah ayaa ka tacsiyeeyay geerida asiibtay Binyavanga Wainaina habeenkii Talaadada.

    Oyunga Pala oo maqaallo ku qora wargays ayaa sheegay in uu qoraaga dhintay ku xasuusto waagii uu Wainaina Nairobi ku qaban jiray munaasabadda Kwani Literary Festival.

    Munaasabaddaas oo labadii sanaba mar la qaban jiray ayaa isu keeni jirtay dadka jecel suugaanta.

    Pala ayaa sheegay in Wainaina uu kaalin la taaban karo ku kordhiyay hab dhigaalka ama tiraabta Kenya.

    View more on twitter
  19. Madaxweynaha Ghana oo codsi u dirsaday laacib kubbadeed

    Kubbad

    Madaxweynaha Ghana ayaa ku baaqay in uusan ciyaaraha ka fariisan Asamoah Gyan, ka dib markii uu ninkaasi sheegay in uu ka fariisanayo ciyaaraha xulka qaranka.

    Madaxweyne Nana Akufo-Addo oo khadka taleefanka kula hadlay Gyan Talaadadii ayaa ugu baaqay in uu ka laabto go’aanka uu uga fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah, isaga oo eegaya danta qarankiisa isla markaasna uu ogolaado in uu xulashada ku soo daro tababare Kwesi Appiah.

    Gyan ayaa Twitterka ku xaqiijiyay in uu khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha, wuxuuna intaas ku daray in go’aanka maanta la shaacin doono.

    View more on twitter

    Waa ciyaartoyga ugu goolal dhalin badan xulka qarankiisa Ghana, dadka ciyaaraha gorfeeya ayaa qaba in uu door muhiim ah ka ciyaari karo Koobka Qarammada Qaaradda Afrika ee dhacaya bisha soo socota.

  20. Qaraxii Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac sababay

    Labo ruux ayaa dhimatay 12 kale ayaana ku dhaawacan tay qarixii ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay shaaciyeen gawaarida gurmadka degdegga ah ee Aamin.

    Ururka Alshaab ayaa sheegtay qaraxan gaariga loo adeegsaday oo ka dhacay degmada Boon Dheere.

    Waa waqaraxii saddexaad ee noociisa ah ee loo adeegsado baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, tan iyo markii ay bilatay bishan barakaysan ee Ramadaan.