Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Kenya oo masaafurisay 17 oo ajaaniib ah

    Kenya

    Dawladda Kenya ayaa musaafurisay 17 ruux oo ajaaniib ah oo ka shaqaysanayay khamaar, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Tallaabadaas ayaa imaanaysa maalmo ka dib markii wasiirka amniga gudaha Fred Matiang'I uu ku hanjabay in uu masaafurin doono ajaaniib ruqsado ganacsi oo kala duwan dalbaday, balse wuxuu u badalay ganacsiga khamaarka.

    Wargayska gaarka loo leeyahay ee The Star ayaa sheegay in Matiang'I uu sixiixay amarka lagu musaafuriyay dadkaas oo u kala dhashay Talyaaniga, Shiinaha, Spain, Serbia, Kuuriyada Koonfureed, Bulgaria, Denmark iyo Turkiga.

    Wargayska Daily ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkaas ay ka dhaceen ruqsaddii isla markaasna aysan haysan dokumentiyo ay ku sii shaqayn karaan, qaar kalana waxaa lagu eedeeyay in ay ka baaqsadeen in ay canshuur bixiyaan.

    Wargayska Daily Nation ayaa sheegay in dhaqaalaha khamaarka ku baxa uu bilkaste gaaro 68 milyan oo doolar.

    Qolyaha daymaha bixiya ee Kenya ayaa diiwaanka madaw galiyay in kabadan 500,000 oo ruux oo Kenyan ah, dawladda ayaana rumaysan in dayntaas inteeda badan loo qaatay khamaar.

  2. Qarax ka dhacay degamada Boon dheere ee Muqdisho

    Muqdisho

    Gaari waxyaabaha qarxa loo adeegsaday ayaa lagu weeraray bar kontorool oo ku taalla degmada Boon Dheere ee magaalada Muqdisho.

    Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaas ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogayn godka jilicoow.

    Shaqaalaha gawaarida gurmadka degdegga ah ee Aamin ayaa BBC-da u sheegay in ay arkeen 10 dhaawac ah.

    Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed ayaa Twitterka soo dhigay in labo xildhibaan oo bad qaba ay ku soo carareen gurigiisa.

    View more on twitter

    Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.

  3. Henrikh Mkhitaryan oo ammaankiisa dartii uga baaqanaya ciyaar kama dambays ah

    Henrikh Mkhitaryan

    Henrikh Mkhitaryan oo khadka dhexe uga dheela Arsenal ayaan ka qayb gali doonin ciyaarta kama dambaysta ah ee Europa League.

    Ciyaartaas oo dhacaysa 29 bisha May ayay foodda isku dari doonaan Chelsea iyo Arsenal.

    Waxaa la fahamsan yahay in ciyaartoygan soddon jirka ah ee reer Armenia uu ammaankiisa u cabsaday inta ay ciyaartu ka socoto magaalada Baku, ee dalka Azerbaijan.

    Henrikh ayaa sheegay in markii ay dhinacyo badan wax ka fiiriyeen ay qaateen go’aanka adag ee ah in uusan ka qayb galin ciyaarta kama dambaysta ah.

    “Ciyaartan oo kale waa ciyaarta aan markaste fursad loo helin, wayna xannuun badan tahay in ay ku dhaafto.” ayuu intaas ku sii daray Henrikh Mkhitaryan.

    Mkhitaryan ayaa horay uga baaqday ciyaaro kooxo oo lagu qabtay Azerbaijan iyadoo ay sababtuna tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan Azerbaijan iyo Armenia.

  4. Qoraa caan ah oo ku dhintay Kenya

    Binyavanga Wainaina

    Binyavanga Wainaina oo dhintay isaga oo 48 jir ahaa ayaa ka mid ahaa qorayaasha ugu caansan Afrika.

    Wuxuu ku guulaysatay abaalmarinta Caine Prize oo la siiyo qorayaasha Afrikaanka ah ee sheekooyinka curiya, wargeyska Time Magazine ayaa sannadkii 2014-kii magaciisa ku daray boqolka ruux ee ugu saamaynta badan adduunka.

    Wainaina ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee Kenyanka ahaa ee shaaciyay in ay hamo u qabato dadka ay isku jinsiga yihiin.

    Cudurka shalalka ayaa ku dhacay sannadkii 2015.

  5. Reer Galbeedka oo digniin u diray Suudaan

    Guddiga milatariga ee maamula Suudaan ayuu caddaadis ku sii badanayaa si ay dib ugu billaabaan wadahadalladii ay kula jireen hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha, ka dib markii uu hakaday galinkii hore ee tallaadada.

    Maraykanka, UK iyo Norway ayaa ka digay in haddii xukuumad aan rayid ahayn ay talada qabato ay arrintaasi carqaladayn karto calaaqaadka ay Suudaan la leedahay dawladaha reer Galbeedka.

    Hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha ayaa sidoo kale taageerayaashooda ku booriyay in ay isu diyaariyaan dibadbaxyo hor leh iyo shaqo joojin, balse wali wakhti umaysan qaban.

    Suudaan
  6. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Arboco ah oo ay taariikhdu tahay 22 bisha May sannadka 2019.

  7. Axmed Madoobe: Ammaanka doorashada annagaa sugayna

    Madaxtooyada Jubaland
    Image caption: Madaxweyne Axmed Madoobe iyo taliyaha guud ee Amisom Tiyagu Yilma

    Maamul goboleedka Jubbaland iyo AMISOM ayaa ku heshiiyay in amniga doorashada ay sugaan ciidammada Jubbaland, sida uu sheegay madaxweyne Axmed Madoobe.

    Arrintan ayaa timid ka dib markii ay kulmeen madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo taliyaha guud ee ciidammada Amisom Tiyagu Yilma.

    Dawllada Faderaalka ah iyo Dawlad Gobooleedyo ay Jubaland ka mid tahay ayuu madmadaw ku kala dhex jiraa muddooyinkii dambe.

    Mana cadda sida ay hadalkan uga jawaabi doonto dawladda Soomaaliya.

    Madaxtooyada Jubaland
  8. Madaxweyne ku xigeen magaciisa laga waayay waraaqihii codaynta

    Madaxweyne ku xigeenka Malawi Saulos Chilima ayaa sheegay in magaciisa uu ka waayay waraaqaha codaynta maanta, balse ay u suuragashay in uu codkiisa dhiibto ka dib markii la diray taleefanno dhawr ah oo arrintaas lagu xallinayo.

    Wuxuu u sharaxan yahay xisbiga mucaaradka ah ee UTM, wuxuuna la loolamayaa madaxweynaha uu ku xigeenka u yahay.

    Chilima oo 46 jir ah ayaa sannadkii hore isaga baxay xisbiga Peter Mutharika ee DPP, ka dib markii uu su’aal ka keenay awooda ninkan 78 jirka ah uu u leeyahay in uu xillka hayo, isaga oo caafimaadkiisa shaki galiyay.

    View more on twitter
  9. Xawaaladaha Soomaalida ee Nairobi oo baaritaan lagu sameeyay

    Laamaha ammaanka ee Kenya ayaa goor dhaweyd baritaanno ku sameeyay xawaaladaha ay Soomaalida ku leeyihiin xaafadda Islii ee Nairobi.

    Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Kenya oo ku aaddan sababta baaritaankaas loo sameeyay.

    "Baaritaannada ay dawladdu samaysay waxay ku eegeen sharciyadanada iyo sida aan u shaqaynno, wax dhibaato ah ama wax aan ka didnana maanaan arkin." ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ah masuuliyiinta xawaaladda Kaah.

    Dhanka kalana Axmed Yaasiin Cabdi oo ka mid ah masuuliyiinta xawaaladda Iftin ayaa BBC-da uga war bixiyay waxa ay la kulmeen.

    View more on facebook
  10. Dumar reer Tanzania ah ‘oo ganaax ku mutaystay in ay guriga ku dhaleen’

    Haweenay uur leh

    Dumarka ku sugan waqooyiga galbeed ee dalka Tanzania ee aan ku dhalin xarumaha caafimadka ayaa lagu ganaaxaa 9 ilaa 22 doolar, sida uu ku warramay wargeyska gaarka loo leeyahay ee The Citizen.

    Wargeyska ayaa sheegay in dumarka lagu qasbo in ay ganaaxa bixiyaan marka ay xarumaha caafimaadka u doontaan adeegyada kale sida tallaalka carruurtootada, goobaha la magaacay waxaa ka mid ah degmada Kibondo oo ka tirsan gobolka Kigoma.

    “Dumar kanaga waxaa lagu ganaaxaa inta u dhaxaysa Sh20,000 ($9) ilaa Sh50,000 ($22) mar ay adeeg caafimaad doontaan iyaga oo guriga ku dhalay. Arrintaas wax la aqbali karo ma aha.” ayaa laga soo xigtay Nicolaus Sabuni oo ka mid ah dadka deggan Kibondo.

    Citizen ayaa ku warramay in ku simaha madaxa caafimaadka ee degmada Kibondo Innocent Sunamie uu sheegay in uu amray in ganaaxa dumarka la joojiyo ama tallaabo la qaadi doono.

  11. Faahfaahin cusub oo laga bixiyay fadeexadda dahabka Kenya

    Booliiska ayaa dad u xirxiray fadeexaddan
    Image caption: Booliiska ayaa dad u xirxiray fadeexaddan

    Madaxa Hay’adda hufnaanta caalamiga ah oo Kenya ku sugan ayaa BBC-da sheegtay in dadka ku lugta leh dahabka been abuurka ah ay magac dhabayeen dad saamayn leh oo dawlad ka tirsan “si loo aamino”.

    Samuel Kimeu ayaa BBC Newsday u sheegay in fadeexadda u wayn ilaa iyo hadda ee la xiriirta afarta tan ee dahabka ah ay tuugada u suuragalisay in dadku ay aamineen in qorshahan ay qayb ka yihiin dad maqaam sare jooga, ayna dadka ku khaldeen iyaga oo magacyada masuuliyiinta ku soo hadal qaadayay wada sheekaysiyada.

    Tuugadan ayaa isku dayay in ay khayaamaan oo ay dahab been ah ka gadaan rag ka socday hoggaamiyaha Dubai Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al Makhtuum.

    Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay in uu dalbaday in la soo qabto tuugada arrintaas ka dambaysa ka dib markii uu soo wacay hoggaamiyaha Dubai.

    Waaxda dambibaarista ee Kenya ayaa dublamaasiyiinta uga digtay in ay muwaadiniintooda uga digaan burcaddaas.

  12. Priyanka Chopra oo sida itoobiyaanka u ciyaartay

    Priyanka Chopra oo caan ka ah aflaanta Bollywood-ka ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, waxayna la dhacday qoob ka ciyaarka Itoobiyaanka.

    Muuqaal ay soo dhigtay Instagramkeeda ayaa la arki karaa atariishadan oo ay sii waddo haweenay da'yar si ay ugula ciyaaro tiyaatar ay hees ka socoto.

    View more on instagram

    Atariishadan 36 jirka ah ayaa tiri “inkastoona ku wanaagsanayn qoob ka ciyaarkan, haddana khibraddaasi waxay i jeclaysiisay dalkan Geeska Afrika ku yaalla,"

    “Qoob ka ciyaarku waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka Itoobiya, inkastoonaan isku luuqad ku hadlin haddana farxadda aan qoob ka ciyaarka ku waadaagnay cajiib ayuu ahaa, wuxuuna dalkaasi ahaan doonaa mid cajiib ah oo waligay qalbigayga ku jiri doona,” ayay intaas ku sii dartay.

    Chopra ayaa Itoobiya tagtay Isniintii si ay u dhiirigaliso barnaamijka waxbarashada ee hay’adda dhallaanka carruurta ee Unicef.

    View more on instagram
  13. Kenya oo diiday in ay saraakiil soomaali ah dalkeeda u diiday

    Saddex masuul oo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa laga celiyay garoonka diyaaradaha ee ugu wayn magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida uu ku warramay, wargeyska Daily Nation.

    View more on twitter

    Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya ee iyaga oo baasaboorrada dublamaasiyiinta wata loo diiday in ay galaan Nairobi ayaa ka qayb gali lahaa barnaamij uu daah furayo Midawga Yurub oo ku saabsan mashaakillada xadadka isaga kala tallaaba.

    Gilbert Kibe oo ah madaxa Hay’adda Duulista Rayidka Kenya ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in go’aankaas loo gaaray arrimo ammaan awgeed.

    Masuuliyiinta la celiyay waxaa ka mid ah Cusmaan Liibaax, Ilyaas Cali Xasan iyo Samsam Daahir.

    Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiisha socdaalka ee Kenya ay ku wargaliyeen in ay ahayd in ay dal ku galka ay ka soo qaataan safaaradda Kenya ay ku leedahay Muqdisho ka hor inta aysan soo safrin.

  14. Trump oo kaaliyehiisii hore ku amray arrin muran badan dhalisay

    Don McGahn ayaa shaqadii Aqalka Cad ka tagay bishii Oktoobar
    Image caption: Don McGahn ayaa shaqadii Aqalka Cad ka tagay bishii Oktoobar

    Aqalka Cad ayaa amray in mid ka mid ah raggii horay ugala soo talin jiray dhanka sharciga uusan hortagin guddiga aqalka congress-ka, waase haddii uu kala hadlayo wax ku saabsan baaritaankii uu waday Robert Mueller.

    Guddiga Caddaaladda ee uu hoggaanka u hayo xisbiga Dimuqraadiga ayaa soo saaray amar sharci ah oo ay ku dalbanayaan in Donald McGahn uu horyimaaddo Talaadada.

    Mid ka mid ah xubnaha guddiga ayaa sheegay in haddii uusan McGahn hor iman guddiga ay markaas bixin doonaan amar baaritaan loogu samaynayo in Trump uu u qalmo in xilka laga qaado.

    McGahn ayaa Mueller u sheegay in Trump uu si isdaba joog ah isugu dayay in uu qaso baaritaankii lagu hayay.

    Waaxda Caddaaladda iyo Aqalka Cad ayaa labaduba baahiyay war qoraal ah Isniintii, iyaga oo ku dooday in McGahn aysan u oolin in uu wax caddaymo ah bixiyo, McGahn ayaa horay qareen ugu soo noqday Trump.

    Mar dambana qareenka McGahn ayaa sheegay in macmiilkiisu uu ixtiraami doono talada madaxweynaha.

    Baaritaankii labada sano qaatay ee Mueller ayaan go’aamin in Trump ay wada shaqayn dhexmarin Ruushka intii lagu gudo jiray ol’olihii doorashada ee madaxweynenimada Maraykanka ee sannadkii 2016, balse wuxuu diiwaangaliyay toban jeer oo ay macquul tahay in madaxweynuhu uu isku dayay in uu caddaaladda hor istaago.

    Aqalka Cad muxuu yiri?

    Sarah Sanders oo ah xoghaya arrimaha saxaafadda ee Aqalka Cad ayaa sheegtay in xisbiga Dimuqraadigu uusan jeclayn warbixinta gunaanadka u ah baaritaankii Mueller “ayna doonayaan in ay dib u soo celiyaan inkastoo arrintaasi aysan ahmiyad lahayn”.

    Iyadoo soo xiganaysa tilmaamaha waaxda caddaaladda ayay warsaxaafadeed keeda ku sheegtay “Qareenkii hore ee madaxweynaha laguma qasbi karo in uu hortago guddiga, isla markaasna McGahn lagu booriyay in uu taladaas u hoggaansamo.”

    Waaxda caddaaladda ayaa sheegtay in McGahn aysan ahayn in uu hortago guddiga.

    Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud Steven Engel ayaa sheegay “in ay dhici karto in dastuuriyan congressku uusan u yeeri karin kaaliyayaasha sare ee madaxweynaha si ay u horyimaadaan ama ugu makhraati furaan.”

    Balse Guddiga Caddaaladda Jerrold Nadler ayaa sheegay in Trump uu isku dayayo in uu hor istaago macluumaad wax u dhimi kara oo ku saabsan in uu caddaaladda hor istaagay.

  15. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, ku soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Talaado ah oo taariikhdu tahay 21 bisha May sannadka 2019.

  16. Post update

    Dooni tahriibayaal wadday oo jabuuti lagu badbaadiyay

    Doonida la soo badbaadiyay
    Image caption: Doonida la soo badbaadiyay

    Ciidanka ilaalada xeebaha wadanka jabuuti oo ku guuda jira hawlahooda shaqo ayaa soo badbadiyay doon ay sarnayen 120 oo tahribayal oo isku jira rag, hawen iyo caruur oo u kala dhashay dalalka somaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

    Doonta ayaa waxa laga soo badbaadiyay xeebaha Godoriya ee gobolka Obock ee dhanka waqoyi ee dalka Jabuuti , halkas oo bishi hore ay ku dhinten 52 qof oo tahribayal ahtaasi oo ahayd dhimashadi ugu badneynd ee tahribayal ah kadib markii 2 dooon oo yar-yar ku gadoomeen xeebaha dhanka waqooyi ee dalka .

    Laabo qof oo u dhashay dalka yemen ayaa ahaa naquudayasha donta waxa gacanta kuso dhigay cidanka iyaga oo cadaalada la marin doono

    Iyada oo waqtigan roobabka guga aay ka curten wadanka Jabuuti ayaa lasoo badbadiyay tahribayashan waxaana aad u xumaa jawiga badda.

  17. Sharciga batroolka Soomaaliya oo la meelmariyay

    WAR DEGDEG AH

    Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ayaa ansixiyay Sharciga Batroolka.

    154 Xildhibaan ayaa fadhiyay golaha, 4 oo ruux oo kali ah ayaa diiday.

    Xeerkan oo soo jiitay ayaa door muhiim ah kulahaa ismariwaagii maamul goboleedyada iyo dawladda faderaalka ah.

    Maamul goboleeyada ayaana sheegay in dawladdu ay ansixinayso xeerar aan laga tashan.

    Ma jiraan war rasmi ah oo wali ka soo baxay maamulgoboleedyada, mana cadda mawqifka ay ka qaadan doonaan.

    Dawladda Soomaaliya ayaa qorshan dadajinaysay si ay durba u xaraashto goobo shidaal la sahminayo ama laga soo saarayo.

    BBCSomali.com ayaan ku soo gudbin doonaa xog intan aad uga faahfaahsan.

  18. Abiy oo dad casuumay balse cashadii lacag qaali ah ku gaday

    Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa casuumay 200 oo ruux oo isugu jira ganacsato iyo dad matalaya ururrro, isagoo u diyaariyay wax loogu yeeray “cashadii ugu qaalisanayn ee dalkaas lagu cuno”.

    Martida ayaa laga qaadayay 173,000 oo doolar si ay u cunaan cashada lagu diyaariyay xaruntii hore ee boqol Menelik.

    Ujeedada cashadan laga lahaa ayaa ahayd sidii loo xaqiijiyin lahaa 1.1 bilyan oo doolar si dib loogu habeeyo magaalada Addis Ababa.

    Mashruucan qurxinta ee Sheger ayaa laga rabaa in lagu nadiifiyo wabiyada, dhismeyaasha iyo goobaha nasashada ee caasimadda.

    Warbaahinta Fana ee dawladda lala xiriiriyo ayaa Twitterka soo dhigtay sawirka miiska cashada iyo sida laga rabo in ay Addis Ababa u ekaato marka mashruucan la fuliyo.

    View more on twitter
    Xafiiska Ra'iisulwasaaraha Itoobiya

    Tan iyo markii uu xilka qabtay Abiy ayaa lagu ammaanay qorsheyaashiisa isbadal doonka ah, kuwaas oo ay ka mid tahay heshiiskii uu la galay Eritrea oo ay meel adag kala taagnaayeen.

    Si kastaba ha ahaatee dadka dhaliishan ayaa qaba in uu ku guuldarraystay in uu wax ka qabto isku dhacyada qowmiyadaha ee dalkiisa ka taagan kuwaas oo ay ku barakaceen in kabadan 2 milyan oo ruux.

  19. Doon wadday oo ciyaartoy kubbadeed oo ku dagtay Albert

    Doon

    Doon wadday ciyaartoy iyo taageereyaal kubbad cag ayaa ku dagtay harada Lake Albert oo ku taalla galbeedka Uganda, sida ay ku warramayso warbaahinta gudaha.

    Ma cadda tirada dadka ku waxyeeloobay doonta, balse wargeyska ay dawladdu leedahay ee New Vision ayaa ku warramay in la xaqiijiyay geerida saddex ruux ayna ka mid tahay gabadh gool haye ahayd, isla markaasna 20 ruux oo kale la la’yahay.

    Dhanka kalana wargeyska gaarka loo leeyahay ee Daily Monitor ayaa ku warramay in loo malaynayo in ay 30 ruux ku dhinteen doonta degtay galinkii dambe ee Axaddii.

    Doonta ayaa ka baxday Fofo oo ka tirsan degmada Hoima waxayna ku sii jeedday Runga halkaas oo ay ka dhici lahaayeen ciyaaro saaxiibtinimo oo rag iyo dumarba leh, balse doonta oo matoor ku shaqaynaysay ayaa dagtay.

    Sadic Nyangireki oo gudoomiye u ah dhallinyarada deegaanka Fofo isla markaasna ah ganacsade ayaa wargeyska Daily Monitor u sheegay in laga yaabo in dhibaatada ay sababtay dadka oo buux dhaafiyay doonta iyo dabaylo xoog badan oo kacay waxyar ka dib markii ay doontu safartay.

    New Vision wuxuu sheegay in la soo badbaadiyay 25 ruux oo reer Fafo ah, kuwaas oo kaluumaysato u badan, wali waxaa socda hawlaha samato bixinta.

    Sannadkii 2016 dad lagu qiyaasay 30 ruux oo isugu jiray ciyaartoy kubbad cag iyo taageerayaashooda ayaa ku dhintay harada Victoria ka dib markii ay dagtay doontoodii.

  20. Sacuudiga oo malaayiin doolar u shubay milatariga Suudaan

    Shacabka Suudaan

    Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay Bangiga Dhexe ee Suudaan ku shubtay 250 milyan oo doolar, arrintaas oo qayb ka ah gacan qabashada ay u fidinayo dalkaas ay haysato daganaansho la’aanta dhaqaale iyo midda siyaasadeed.

    Hadiyaddan iyo mid la mid ah oo uga timid dalka Imaaraadka ayaa Suudaan ka caawin doonta wax ka qabashada qayb ka mid ah mashaakilkii dhaqaale ee haysata, balse waxba kama tari doonto waxyaabihii sababay dhaqaale xumida.

    Arrintan ayaa ah waxtar muddo gaaban ah marka loo fiiriyo mashaakilka taagan. Dadka raba in ay bangiyada lacagta kala baxaan ayaa layman dhaadheer ku jira, qofkastana lacagta ugu badan ee uu la bixi karo waa 40 dooalr, iyadoo uu kulalyl daran jirana dadka ayaa sidoo kale safaf dhaadheer ugu jira shidaalka.

    Suudaan ayay dhaqaale xumo haysatay tan iyo sannadkii 2011 markaas oo Suudaanta Koonfureed ay raaceen inta badan ceelashii shidaalka.

    Arrintaasna waxaa uga sii daray xaqiiqada ah in madaxweynihii hore Cumar Xadan Al Bashiir uu dhaqaalihii dalka u isticmaalay waxkaste oo uu ku cimridheeraysan karay.

    Miisaaniyad badan ayaa la galiyay ammaanka, dhanka kalana wuxuu sameeyay malayshiyaad xoojiya.

    Wuxuu amaahday waxkaste oo uu awooday, wuxuuna calaaqaad dhaw la samaystay Shiinaha, wuxuu mararka qaar taageero ka heli jiray Qadar oo ay Sacuudiga is hayeen.

    Bashiir ayaa kumannaan askar ah u diray dagaalka Yemen si ay uga garab dagaalamaan xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo, isaga oo arrintaas ku badhashay lacago doolar ah.

    Mudaaharaadyadii dalka Suudaan oo dhan ka dhacay waxaa sii huriyay maceeshaddii iyo shidaalkii oo sare u kacay bishii Diseembar, Bashiir ayaana ugu dambayn xilka laga xayuubiyay bishii hore.