Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Wa’ayo Muslimiinta ilaalisa masaajidda Maraykanka?
  2. Mudaaharaadayaasha Suudaan oo ku baaqay shaqo joojin
  3. Duulimaadyadii Suudaan oo loo baajiyay
  4. Israa'iil oo duqaysay Suuriya

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Suudaan oo albaabada u laabtay xafiiskii Al Jazeera

    Aljaziira

    Suudaan ayaa ruqsaddii shaqada kala laabatay shaqaalihii u shaqaynayay warbaahinta Al Jazeera ee laga leeyahay dalka Qadar, waxayna albaabada u laabtay xasiifkii ay Khartuum ku lahayd, sida ay warbaahintaasi sheegtay.

    Ma jirto wax sabab ah oo naloo sheegay ayay intaas ku sii dartay Al Jazeera.

    Al Jaziira ayaa si joogto ah u baahin jirtay muuqaallada dibad baxayaasha Suudaan.

    Xiritaankan ayaa yimid ka dib markii madaxa golaha milatariga Cabdelfatax al-Burhan uu u safray Sacuudiga Khamiistii, isaga oo ka qaybgalaya shir halkaas ka dhacaya.

    Sannadkii 2017 Masar, Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa calaaqaadkii dublamaasi u jaray Qadar, iyaga oo ku eedeeyay argagixisanimo, arrintaas oo Qadar beenisay.

  2. Trump oo canshuuro dul dhigay alaabada Mexico laga keeno

    Boqor Salmaan

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu canshuuro dheeri ah ku soo rogi doono alaabada laga soo dhoofiyo Mexico, arrintaas ayuuna ku sababeeyay in dalkaasi uu ku guuldaraystay wax ka qabashada soogalootiga ka soo tallaabaya xadka ee galaya gudaha Maraykanka.

    Wuxuu sheegay in uu 5% ku kordhin doono canshuuraha tan iyo inta ay Mexico tallaabo ka qaadayso.

    Ku dhawaaqitaankaas ayaa sababay in ay hoos u dhacaan suuqyada saamiyada.

    Madaxweynaha Mexico ayaa ku baaqay in Jimcaha la qabto wadahadal ay la yeeshaan Washington.

  3. Iiraan waa "halis" adduunka ku soo foolleh

    Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis
    Image caption: Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis

    Boqorka Sacuudiga ayaa Iiraan ku tilmaamay halis ku soo fool leh ammaanka adduunka.

    Boqol Salmaan ayaa shirka Carabta ka sheegay in loo baahan yahay in dalalka Khaliijka iyo beesha caalamka ay Iiraan ka hor istaagaan wax uu ugu yeeray falal dambiyeedyada iyo faragalinta ay gobolka ka waddo.

    Iiraan ayaa diiday sheegashooyinka Sacuudiga ee ku aadan in ay ka dambaysay weerarradii dhawaan lagu qaaday maraakiibta shidaalka qaadda.

    Ciidammada Iiraan
    Image caption: Ciidammada Iiraan
  4. Fangas isbadal lagu sameeyay oo 99% dili kara kaneecada malaaryada keenta

    Kaneeco

    Fangas hide sidahiisa isbadal lagu sameeyay si uu u yeesho sunta caarada ayaa aad u layn kara kaneecada malaaryada keenta, sida ay muujinayso cilmibaaris la sameeyay.

    Tijaabooyin laga sameeyay Burkina Faso ayaa muujiyay in tarankii kaneecadu uu hoos u dhacay 99% muddo 45 maalmood gudahood ah.

    Cilmibareyaashu waxay sheegeen in ujeedadoodu aysan ahayn dabar jaridda kaneecada balse ay tahay sidii ay u joojin lahaayeen cudurka duumada.

    Cudurkan oo faafa marka kaneecada dhadig ay dhiiga jaqdo ayaa sannada walba adduunka ku dila 400,000 oo ruux.

    The disease, which is spread when female mosquitoes drink blood, kills more than 400,000 people per year.

    Cilmibaadheyaasha daraasaddan sameeyay ayaa ka kala socda jaamacadda University of Maryland ee dalka Maraykanka iyo mac’hadka cilmibaadhista ee IRSS ee dalka Burkina Faso.

    Cilmibaareyaasha ayaa markii u horraysay ogaaday Metarhizium kaas oo si dabiici ah u saamayn karta malaaryada kaneecada laga qaado.

    Marxaladdii labaadna waxay ahayd in ay xoojiyaan fangaska, “si sahlan ayaa hidasidaha fangaskaas loo badali karaa” sida uu BBC-da u sheegay Raymond St Leger oo bare sare ka ah jaamacadda University of Maryland.

  5. Magangalyo doon Liibiya ku sugnaa oo Talyaaniga loo duuliyay

    Ku dhawaad 150 ruux oo isugu jira qaxooti iyo magangalyo doon ayaa diyaarad lagaga qaaday magaalada Tripoli ee caasimadda u ah dalka Liibiya, iyaga oo la geeyay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, waxaa arrintaas fuliyay hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

    Dadka la sii qaaday ayaa ka soo kala jeeda Soomaaliya, Eritrea, Itoobiya iyo Suudaan, badan kooduna waxay u baahan yihiin baxnaano caafimaad waxaana haysa nafaqa darro.

    Dadkaas dib u dajinta loo sameeyay waxaa ka mid ah 65 carruur ah oo 13 ka mid ah ay da’doodu ka yartahay hal sano.

    Mid ka mid aha carruurtaasina wuxuu dhashay labo bilood ka hor.

    View more on twitter

    Dad badan oo quuddaraynaya in ay Yurub aadaan ayaa ku xayirma Liibiya qaarkoodna waxaa lagu xiraa xarumo dadka lagu hayo oo xaaladdoodu aad u liidato. Xaaladdii sidaa ahaydna waxaa uga sii dartay dagaalka ka socda magaalada Tripoli.

    Jean-Paul Cavalieri oo ka tirsan hay’adda UNHCR oo ku sugan Liibiya ayaa sheegay loo baahan yahay “in la sameeyo daad gurayn banii’aadminimo oo dheeri ah”.

  6. Itoobiyaan hal milyan ka badan oo guryihii ay ka qaxeen ku laabtay

    Abiy Axmed

    Xukuummada Itoobiya ayaa sheegtay in 1.2 milyan oo qof oo hore dalka gudihiisa ugu barakacay ay hadda dib ugu laabteen deegaannadoodii.

    Qiyaastii kala bar dadkaasi waxay ka qaxeen colaado qoomiyadeed oo dhawaan dalka ka qarxay.

    Ra’iisulwasaare Abiy Axmed ayaa booqday dad lagu qiyaasay 3,000 oo ruux oo ku laabanaya guryahooda oo ku yaalla koonfurta dalka Itoobiya.

    Wuxuu abuuray geedo, wuxuuna siiyay qalabka dhismaha si ay ugu dayactirtaan guryihii ay waxyeeladu ka gaartay.

    Qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in dadku ay aad uga cabsanayaan in ay ku laabtaan guryahooda, sababtuna ay tahay in aan la xallin wixii sababay in markii horaba ay qaxaan.

    Qowmiyadaha isku dhaca ayaa ku batay dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka la wareegay Ra’iisulwasaare Abiy Axmed.

    Isbadalladii siyaasadeed ee uu sameeyay ayaa xoriyad badan siiyay dadka, balse tobannaan sano oo ay caddaadis ku noolaayeen qowmiyado ayaa caadaystay xiisaddii ka dhextaagnayd.

  7. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalcataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Jimce ah oo taariikhdu tahay 31 bisha Maajo sannadka 2019.

  8. Madaxweynaha Kenya oo masaajidka ugu weyn dalka afur kala qayb galay Muslimiinta

    Madaxweyne Kenyatta
    Image caption: Madaxweyne Kenyatta

    Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa afur maanta kula qaatay Muslimiin badan oo isugu yimid Masaajidka ugu weyn dalka ee ku yaalla caasimadda Nairobi.

    Muslimiinta oo soomanaa isbuucyadii la soo dhaafay ayaa madaxweynaha dalka, ku xigeenkiisa William Ruto iyo barasaabka magaalada Nairobi afur la wadaagay.

    Maamulka masaajidka iyo xubno ka soo jeeda dowladda ayaa Madaxweynaha ku qaabilay masaajidka oo lagu magacaabo Jamiic.

    Madaxweynaha ayaa sanadihii la soo dhaafay Muslimiinta ku casuumi jiray xarunta madaxtooyada dalka.

    Tani ayaa soo jiidatay muslimiin badan oo ku nool dalka Kenya, maadama ay tahay markii ugu horreysay ee uu madaxweynaha shacabka muslimiinta ah masaajidka kula afura.

    Ammaanka ayaa adkaayey, iyada oo la sheegay in jidad badan oo ku xira misaajidka la xiray.

    Uhuru Kenya ayaa horay Muslimiinta Afur ugu sameyn jiray xarunta madaxtooyada.

    j��sF��9��)

  9. Atooraha caanka ah ee Idris Elba iyo xaaskiisa Soomaalida ah oo booqday Serengeti

    Atooraha caanka ah ee Hollywood-ka Idris Elba ayaa ku sugan dalka Tanzania isagoo ay weheliso xaaskiisa Soomaalida ah Sabrina Dhawre, waxayna booqdeen beerta xayawaanka ee Serengeti National Park, halkaas oo ay dalxiisayaashu aadaan.

    Sabrina Dhawre ayaa Instagram soo dhigtay sawirradeeda waxayna u mahadcelisay dadkii kala tustusayay dhulka.

    View more on instagram
    View more on instagram

    Twitter

    Lamaanahan ayaa aroos qurux badan ku dhigtay Morocco bishii Abriil.

    Xafladda arooska marka ay dhaceysay, Sabrina Dhawre waxay soo xiratay dhar cad oo qoorta ka go'an oo ay caruusadaha xirtaan, Seygeedana wuxuu ku soo labbistay suud madoow shaar cad iyo taay madow isaga oo aad u dhoolla caddeynaya ayuuna ka qayb galay xafladdiisa arooska.

    Xafladdooda arooska ayaa socotay saddex maalmood waxaa ka soo qayb galay saaxibbada iyo ehelada caruuska iyo caruusadda, xafladda arooska habeenka ka horreyeyna waxaa dhacday casha sharaf lagu qabtay Amanjena, arrintaas oo qayb ka ahayd xafladda arooskooda.

  10. Cunuga dhashay isagoo tufaax la eg oo musjiso la noqday dad badan

    Saybie

    Canug yar oo dhashay isaga oo 245g ah ayaa la rumaysan yahay in uu yahay dhiciskii ugu culays yaraa ayaa ee badbaada, waxaana hadda laga saaray isbitaal ku yaalla Maraykanka.

    Saybie ayaa la cabir ekayd tufaax wayn, waxay ku dhalatay 23 toddobaad iyo saddex maalmood, taariikhdu markay ahayd bishii Disembar ee sannadkii 2018.

    Markii ay dhalatay ayaa loo wareejiyay qaybta la dhigo dadka aadka u xanuunsan ee isbitaalka Sharp Mary Birch Hospital oo ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California ee dalka Maraykanka.

    Warbixintan oo faahfaahsan lifaaqan kaga bogo

  11. Dumarka iyo bisha barakaysan ee Ramadaan

    Ramadaanka waa gabogabo balse waxaa jira su’aallo marwalba taagan oo dumarka ku saabsan.

    Haddaba Macallimad Xaliima Sheekh Yuusuf ayaa noo sharaxaysa.

    View more on facebook
  12. Kenya oo Bangiga Adduunka ka heshay 750 milyan oo doolar

    Wsiirka maaliyadda ee dalka Kenya Henry Rotich ayaa sheegay in lacagtan loo adeegsan doono afarta qorshe ee waawayn ee dalka u yaalla
    Image caption: Wsiirka maaliyadda ee dalka Kenya Henry Rotich ayaa sheegay in lacagtan loo adeegsan doono afarta qorshe ee waawayn ee dalka u yaalla

    Bangiga Adduunka ayaa ogolaaday in uu Kenya siiyo 750 milyan oo doolarka Maraykanka ah, lacagtaas ayaana ah dayn ay soo codsatay oo u dhiganta 75 bilyan oo shilinka Kenya ah.

    Bangiga Adduunaka ayaa sheegay in dhaqaalahan loo adeegsan doono isbadallada muhiimka ah ee lagu samaynayo musuqa ka jira beeraha iyo sidii lagu xoojin lahaa wax soo saarka iyo dhaqaalaha soo gala beeralayda.

    Dayntan u dambaysay ayaa imaanaysa iyadoo laga walaacsan yahay baaxadda ay leedahay daynta dalka Kenya lagu leeyahay, sida uu ku warramayo wariyaha BBC Charles Gitonga.

    Kenya ayaa horraanti bishan London ku aruursatay 2.1 bilyan oo doolar dayn ah, dhawaan ayayna muwaadiniinta dalkaasi baraha bulshada ku soo qoreen aratiyo xoog badan, iyaga oo dawladda ku eedeeyay in ay daymo qaadanayso xilli dalku uu tabar daran yahay.

    Balse qaar ka mid ah dhaqaale yahannada ayaa u arka wax caadi ah in dal dhaqaalaha Kenya oo kale leh uu daymo qaato si uu ugu adeegsado mashaariicda iyo waxyaabaha kale ee ahmiyadda leh.

    Khuburadu waxay sheegayaan in 1 doolar ee dayn ah ee dalku qaatu uu dulsaar fuuli doono, marka uu iska bixinaya looga baahan yahay1.23 doolar.

    Daymaha dalka Kenya lagu leeyahay ayaa kor u dhaafaya 51 bilyan oo doolar, kuwaas oo ay ka qaadatay daymo bixiyeyaasha caalamiga ah iyo maalgashadeyaasha.

  13. Madaxda Kenya oo ka ducaysanaya ‘Tuuganimada’

    Kenya ayaa qabatay duco qaran, arrintaas ayaana sanad walba la qabanayay 17kii sano ee u dambeeyay.

    Xafladda oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa isu keentay madaxda dalka, arrintaas ayayna dadku aad oogaga hadlayaan Twitterka.

    Sannadkan waxaa ka qayb galay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ku xigeenkiisa William Ruto, madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo kuwo kale.

    Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Kenya Kyle McCarter ayaa isna xalfaddaas ka qayb galay, aragtidiisa ayuuna twitterka ku soo qoray.

    Wuxuu yiri “waa billaw wanaagsan” masuuliyiinta ayaa ducaysanaya, waxayna ku ducaysanayaan dambi dhaaf ku saabsan dambiyada tuuganimada”.

    View more on twitter
  14. Raggii weerarka Gaarisa ku eedaysnaa oo xukunkooda dib loo dhigay

    Jamaacadda Gaarisa

    Waxaa dib loo dhigay ku dhawaaqidda xukunka ay mudanayaan afartii nin ee lagu eedeeyay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa sannadkii 2015kii, halkaas oo lagu dilay 150 ruux.

    Rashid Mberesero, Sahal Diriy Xuseen, Xasan Edin Xasan iyo Muxamed Cabdi Abikar ayaa si kooban uga soo muuqday maxkmadda ku taalla magaalada caasimadda ah ee Nairobi, balse garsoorihii ayaa sheegay in uusan wali gunaanadin xukunkiisa.

    Waxay wajahayaan 152 dacwadood oo la xiriira weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee dhacay bishii Abriil ee sannadkii 2015kii, eedaymahaasna waxaa ka mid ah in ay xubno ka yihiin urur argagixiso.

    Garsooraha ayaa sheegay in xukunka raggan la ridi doono 18 bisha Juunyo.

  15. Netanyahu oo ku guuldarraystay in uu dawlad wadaag ah soo dhiso

    Netanyahu

    Baarlamanka Israel ayaa u codeeyey in golaha la kala diro oo doorsho degdeg ah la qabto lix todobaad iyo dheeraad ka dib markii la doortay.

    Ra'iisalwasaare Netanyahu ayaa muddada uu xukuumad wadaaga ku soo dhisayaa kaga ekayd saqdii dhexe.

    Laakiin waxa heshiis ah lagama gaarin khilaafka soo jireenka ah ee dhexyaallay Yuhuudda diinta ku kalax tagtay iyo garabyada cilmaaniga ah ee isbahaysigiisa garabka midig.

    Hoggaamiyaha Israa’iil ayaa aad isugu dhabarjabiyay sidii uu u soo koobi lahaa kala fogaanshaha.

    Xitaa waxaa la sheegay in uu jago wasiirro u ballan qaaday dadkii inta badan ka soo horjeeday ee ka tirsanaa qolyaha ay siyaasaddoodu bidixda tahay, balase waa ay ka diideen.

    Iyadoo saacaddu ay ku sii siqayso saqdii dhexe xisbiga Netanyahu ayaa eedayn u jeediyay Avigdor Liberman oo ay muddo dheer is hayeen, wuxuuna sheegay in uu isku dayayo sidii uu meesha uga saari lahaa Ra’iisulwasaaraha.

    Lieberman ayaase dhidibada sii adkaystay wuxuuna sheegay in uusan ka laabanayn hindisaha uu ku doonayo in uu milatariga Israa’iil uga mid dhigo dhallinyaro dheeri ah oo ku dhagan mad-habta Othorodokis-ka.

    Doorasho kale oo uu ka qaybqaato ayuu Netanyahu gaashaan ahaan uga dhigtay in xildhibaannada mucaaradka ah loo ogolaado in ay dawlad wadaag ah soo dhisaan.

    Sidaas daraadeed hadda awoodda ayuu sii hayn doonaa Israa’iilna doorasho kale ayay u dareeri doontaa, Balse tallaabadaasi waxay daaha ka rogaysaa nugaylka Ra’iisulwasaare Netanyahu oo qaybaha dambe ee sannadkan wajihi doona eedeymaha musuqmaasuqa la xiriira.

  16. Waxay u badan tahay in Ruushku uu meel uga dhacayo xayiraadihii tijaabinta Nukliyeerka

    Maraykanka ayaa filaya in hubka nukliyeerka ah ee Ruuku "uu aad u bato" tobanka sano ee soo socda
    Image caption: Maraykanka ayaa filaya in hubka nukliyeerka ah ee Ruuku "uu aad u bato" tobanka sano ee soo socda

    Ruushka ayaa laga yaabaa in ay meel uga dhacay xayiraaddii ka saarnayd in uu tijaabiyo hubka nukliyeerka ah ee qarixiisu uusan aadka u xoog badnayn, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka.

    Sarreeye Guud Robert Ashley oo madax ka ah hay’adda sirdoonkooda difaaca ayaa sheegay “in ay u badan tahay in Moscow aysan u hoggaansamayn” heshiiska la aqoonsan yahay.

    Marka uu masuulku sidaas leeyahay wuxuu soo xiganayay heshiiska loo soo gaabiyo CTBT, kaas oo ah heshiis ay dalal badan galeen oo mamnuucaya in la tijaabiyo hubka nukliyeerka ah.

    Ruushka ayaa sannadkii 2008 sheegay in uu ku dhaqmi doono heshiiska CTBT.

    Maraykanka ayaa isna heshiiskaas saxiixay balse ma uusan meelmarin.

    “Fahamka aan ka qabno nukliyeerka ayaa nagu hagaya in aan aaminno in tijaabooyinka Ruushka ay ka caawin doonto sidii uu sare ugu qaadi lahaa tayada hubkiisa,” ayuu yiri Sarreeye Guud Robert Ashley.

    Wuxuu intaas ku sii daray in Maraykanku uu filayo in Ruushku uu hubkaas ku tijaabinayo jasiiradaha Novaya Zemlya, si uu sare ugu qaado hubkiisa nukliyeerka ah tobanka sano ee soo socda.

    Balse dadka arrimahan ka faallooda ayaa aad u naqdiyay hadalkaas, ururka CTBTO ayaana sheegay in aysan helin astaamo muujinaya dhaqdhaqaaqyo ka baxsan waxyaabihii caadiga ahaa.

  17. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka, waa maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 30 bisha Maajo ee sannadka 2019.

  18. Wiilkii Muslimiin u hiilinta ku caan baxay oo haddana deeq ku daray

    Will Connolly ayaa taageero badan ku helay ukunta uu ku jabiyay siyaasiga
    Image caption: Will Connolly ayaa taageero badan ku helay ukunta uu ku jabiyay siyaasiga

    Wiil Reer Australia ah oo ukun madaxa kaga jabiyay nin muran badan dhaliyay oo siyaasaddiisu garabka midig ee fog tahay ayaa ku dhawaad 100,000 oo doolarka Australi ah ugu deeqay dadkii ka badbaaday labadii weerar ee lagu qaaday masaajidyada magaalada Christchurch.

    Will Connolly oo 17 jir ah ayaa bishii Maarso ukun ku dhuftay Fraser Anning, markaas ayay dadkii khadka isticmaalayay ugu yeereen “wiilkii ukunta” lacago taborucaad ah ayayna u shubeen si uu isagaga bixiyo kharashaadka maxkamadda.

    Anning ayaa caro dhaliyay ka dib markii uu maalin ka hor sheegay in ay tahay in eedda toogashada masaajidyada Christchurch la saaro Muslimiinta muhaajiriinta ah.

    Konton iyo kaw ruux ayaa ku dhintay weerarradaas “argagixiso.

    Senetka dalka Australi ayaa si rasmi ah uga soo horjeedsaday hadalka uu jeediyay Anning maalintii ay toogashadaas dhacday.

    Connolly oo ukun ku jabinaya Anning
    Image caption: Connolly oo ukun ku jabinaya Anning

    Wiilka yar ee Connolly ahna wuxuu weerarka ukunta ah gaystay seneterka oo shir jaraa’id ku haya magaalada Melbourne taariikhdu markay ahayd 16 Maarso.

    Ukun ku dhufashada iyo isku dhacii ka dambeeyay ayaa caan noqday oo dadku baraha bulshada iskula wadaageen, waxaana la baahiyay muuqaalka wiilka oo iska caabin kala kulmaya Anning, ka hor inta aysan xakamayn taageerayaasha Senetarka.

    Lacag ayaa oline-ka loogu aruuriyay Connolly si uu “ukumo badan ugu gato” isagana bixiyo haddii kharashaadka maxkamadda haddii dacwad lagu soo oogo.

    Booliiska ayaa go’aansaday in aysan dacwad ku oogin, waxayse siiyeen digniin. Dhanka kalana Anning ayay sheegeen in uu isaguna is difaacay oo aan dambi loo raacanayn.

    Wiilkii yaraa ee Connolly ahaa ayaa sheegay in uu wareejiyay dhammaan lacagtii una dhiibay hay’addo samafal oo New Zealand ku sugan kuwaas oo maamulaya dhaqaalaha loo aruurinayo Muslimiinta ay dhibaatadu ka soo gaartay weerarka.

    “Dhammaan dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay masiibada, waxaan si niyad ah u rajaynayaa in arrintan aan sameeyay ay waxoogaa nafis ah idiin keeni doonto”. Ayuu yiri.

    View more on instagram
  19. Soomaaliya ma boorka ayay ka jafi rabtaa xiriirka Carabta?

    Cabdixakiim

    Dawladda Soomaaliya ayaa safiir cusub u magacawday dalka Sacuudiga, sida uu baahiyay madaxa warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed.

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safiirka cusub ee Sacuudiga u magacaabay Cabdixakiim Xasan Ashkir.

    Intii aan xilkan loo magacaabin Cabdixakiim wuxuu ahaa wasiiru dawlaha wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

    Dhanka kalana waxaa loo yeeray safiirradii Soomaaliya u fadhiyay Masar iyo Suudaan.

    Ma cadda sababta safiirradaas loogu yeeray, balse waxay u muuqataa in ay dawladdu dib u eegayso siyaasadda qaar ka mid ah dalalka Carbeed.

    Xiriirka Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaan is badalin markii uu soo shaac baxay khilaafkii Sacuudiga iyo Qadar.

    Dawladda Soomaaliya ayaana sheegtay in ay qaadatay door dhexdhexaad ah.

    Balse wuxuu madmadaw soo kala dhexgalay Imaaraadka iyo Soomaaliya.

    View more on twitter
  20. Itoobiya oo dal ahaan u diiwaan galisay Somaliland

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya

    Dawladda Itoobiya ayaa mar kale soo jiitadatay indhaha Soomaalida ka dib markii Somaliland u diiwaan galisay dal ahaan.

    Barta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa dal ahaan u diiwaan galisay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbabbaanida ee Somaliland.

    Arrintan ayaa imaanaysa maalmo uun ka dib markii dawladda Itoobiya ay daabacday khariidad muujinaysa iyo Itoobiya iyo Soomaaliya ay hal dal yihiin.

    Wasaaradda oo taxaysa dalalka ay xarumaha dublamaasiyadeed ku leedahay ayaa dal ahaan u diiwaan galisay, Somaliland iyo waliba Puntland.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya

    Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse aqoonsi caalami ah wali ma helin.

    Tallaabo lagu aqoonsanayo ayaana muran badan dhalin karta.

    Todobaadkan horraantiisii ayay ahayd markii ay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya raaligalinta ka bixisay khariidadda ay daabacday.

    “Run ahaantii waxaan aad uga xunnahay jahwareerka iyo faham la’aanta ka dhashay dhacdadaas” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda.

    Khariidaddaas hore ayaa meesha ka saaraysay Soomaaliya, balse waxaa la soo reebay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.