Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Masar oo gacanta ku dhigtay nin ay dil ku sii xukuntay

    Hisham al-Ashmawy ayaa lagu eedeeyay weerar Masar ka dhacay sannadkii 2014kii
    Image caption: Hisham al-Ashmawy ayaa lagu eedeeyay weerar Masar ka dhacay sannadkii 2014kii

    Mid ka mid ah raggii ay Masar aadka u baadigoobaysay ee jihaad doonka ahaa ayaa gacanteeda soo galay, ka dib markii uu ku soo wareejiyay Khalifa Xaftar oo ah janaraal reer Liibiya ah.

    Hisham al-Ashmawy oo horay uga mid noqday ciidammada khaaska ah dawladda Masar ayaa sannadkii hore lagu xiray dalka Liibiya.

    Waxaa loo baadigoobayay weerarro dhawr ah oo lala xiriiriyay.

    Weerarradaas waxaa ka mid ah weerarkii gaadmada ahaa ee khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday booliis ku sugnaa saxaraha Galbeed ee Masar muddo haatan labo sano laga joogo.

    Waxaa kale oo loo haystaa weerar kale oo lagu qaaday ilaalo ku sugnayd xadka Liibiya sannadkii 2014.

    Isaga oo maqan ayay maxkamad Masar ku taalla ku xukuntay dil

    Hisham al-Ashmawy ayaa la soo wareejiyay ka dib markii madaxa sirdoonka Masar uu booqday Janaraal Khalifa Xaftar.

  2. Taageerayaasha Trump oo iskood gidaarka xadka u dhisaya

    BRIAN KOLFAGE

    Koox taageersan Trump ayaa billaabay dhismaha darbigii u horreeyay ee shaqsiyaad ay dhisayaan ee laga hirgaliyo xadka u dhaxeeya Maraykanka iyo Mexico, kharashka ku baxayana waxaa laga aruuriyay shacabka.

    Brian Kolfage oo horay uga soo mid noqday milatariga Maraykanka ayaa soo bandhigay sawirka darbiga biraha ka samaysan ee ka socda gobolka New Mexico.

    Wuxuu sheegay in ay ku baxday in kabdan 22 milyan oo doolar oo tabarucaad ah, taas oo uu online-ka ka aruuriyay sannadkii hore.

    Tabarucaaddaas ayaa la billaabay ka dib markii Aqalka Congress uu diiday in uu meelmariyo dhaqaalihii uu Trump u baahnaa si darbi looga dhiso xadka Maraykanka, arrintaas oo ahayd ballantii u waynayd ee uu qaaday intii uu waday ol’olaha doorashada.

    Kolfage oo horay uga soo mid noqday ciidammadda cirka ayaa labada lugood iyo gacan laga jaray, wadne ruux kalana uu ku jiraa, isaga oo Twitterka adeegsanaya ayuu Axaddii soo bandhigay muuqaallo iyo sawirro badan oo muujinaya dhismaha darbiga.

    “TAARIIKH AYAAN SAMAYNAY! Waa darbigii u horreeyay ee xad dal ah, kaas oo lagu dhisay lacago ay shacab iska aruuriyeen, ayuu Kolfage ku soo qoray Twitterka.

    View more on twitter

    Darbiga waxaa dhisaysa shirkad aan faa’iido raadis ahayn oo la dhoho WeBuildtheWall Inc, taas oo lagu aasaasay lacago lagu aruuriyay GoFundMe bishii Disembar, arrintaas ayaana hal hays looga dhigay dadka ayaa maalgalin doona dhismaha darbiga.

    Kooxdan ayaa sheegtay in ay wadaan dhismaha darbiga xadka Maraykanka iyo Mexico
    Image caption: Kooxdan ayaa sheegtay in ay wadaan dhismaha darbiga xadka Maraykanka iyo Mexico

    Steve Bannon oo istaraatiijiyadda u qaabilsanaan jiray Aqalka Cad ayaa gudoomiye u ah guddiga latilaya shirkaddaas.

    Bannon ayaa CNN u sheegay in darbigan cusub uu 33KM ku dari doono darbigii sii jiray.

  3. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka, waa maalin Arboco ah oo ay taariikhdu tahay 29 bisha Maajo sannadka 2019.

  4. Kenya oo deyn raadsaneyso dhaqaale la'aan aawadeed

    Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay lacago malaayin ah ay kasoo amaahaneyso bangiga adduunka.

    Lacagta amaahda ah ayaa gaareysaa 750 milyan oo doolar si dowladda Kenya ay lacagtani ugu adeegsato misaaniyad sannadeedkan.

    Kenya ayaa markii ugu horreysay wada xaajood kala yeelaneysa bangiga adduunka si uu deyntan u siiyo.

    Shacabka Kenyaanka ayaa si weyn uga hadlay sida warbaahinta Kenya ay u hadal heyso arrintani.

    View more on twitter

    Wargeyska Financial Times ayaa horraantii bishan ku warramay in deymaha lagu leeyahay Kenya ay sare u kaceen maadama uu deyn badan kasoo amaahday dalka Shiinaha.

    Waxaana kamid ahaa 4.8 bilyan ee doolar ee lagu dhisay tareenka casriga ah.

  5. "Dambiyo dagaal" oo masar laga gaystay

    MASAR

    Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa dawladda Masar iyo kooxaha jihaaddoonka ahba ku eedeeyay in ay galeen “dambiyo dagaal,” ka dib markii ay ku dagaalameen gobolka Waqooyiga Siinaay.

    Warbixinta ay hay’ddu soo saartay waxay aruurisay muddo labo sano ah, waxayna waraysiyo ka qaaday in kabadan 50 ruux oo daganaa gacanka Sinaay ee waqooyiga bari ee dalka Masar.

    Xogtan ayaa lagu sheegay in tacaddiyada badankood ay gaysteen milatariga iyo booliiska, balse sidoo kalana ay qolyaha jihaaddoonka ah gaysteen dambiyo “aad u fool xun”.

    Bishii Nofeembar ee sannadkii 2017 ayay malayshiyo weerartay masaajid ku yaalla Waqooyiga Sinai, waxaana halkaas ku dhintay 235 ruux.

    Wuxuu ahaa weerarkii ugu khasaare badnaa tan iyo markii ay kooxaha jihaaddoonka ah dagaalka ka billaabeen aagaas, ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas.

    Dhanka kalana laamaha ammaanka ayaa bartilmaameedsaday dadka degan Siinaay, iyaga oo xiray kumannaan ruux, dadkaas qaar ka mid ah ayaana la waayay meel ay ku dambeeyeen, sida ay ku warrantay Human Rights Watch.

    Hay’ddu waxay sheegtay in dadka la xiray lagu ciqaabay koronto, dadkii arrintaas fuliyayna ay ku labisnaayeen dirays ciidan.

    Dawladdu wali jawaab kama bixin warbixinta ay hay’addu soo saartay.

  6. Maxaabiis isdagaashay oo 40 iska dishay

    Ciidammo hubaysan ayaa xabsiyada la geeyay in ay arrintan u soo af jaraan
    Image caption: Ciidammo hubaysan ayaa xabsiyada la geeyay in ay arrintan u soo af jaraan

    Ciidammada asluubta ee dalka Brizil ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in budhcad hubaysan oo iska soo horjedda ay ka dambayso afartan maxbuus oo lagu kala dilay afar xabsi oo kala duwan.

    Raggan ayaa la helay iyaga oo lagu ceejiyay xabsiyo ku yaalla gobolka Amazonas ee waqooyiga galbeed ee dalka Brazil.

    Rabshdaha ayaa si joogto ah uga dhaca dalka Brazil, waxaana badanaa maamula kooxaha daroogada ka ganacsada.

    Ehelka ayaa aad u murugooday markii ay maqleen in la helay maxaabiis mayd ah
    Image caption: Ehelka ayaa aad u murugooday markii ay maqleen in la helay maxaabiis mayd ah
    Qaraabada ayaa ku soo xoomay darbiga xabsiga
    Image caption: Qaraabada ayaa ku soo xoomay darbiga xabsiga
  7. Israa'iil oo duqaysay Suuriya

    Warbaahinta dawladda Suuriya ayaa sheegtay in Israa'iil ay ku soo qaadday duqaymo dhanka cirka ah oo ay ku bartilmaameedsatay saldhig milatari, halkaasna uu ku dhintay hal askari.

    Israa'iil ayaa sheegtay in weerarkaasi uu ahaa mid aargudasho ah ka dib markii diyaaradaheeda dagaalka lagu soo riday lidka diyaaradaha.

    Ciidammada Israa'iil
  8. Masuul loo xiray sawirka madaxweyne ku xigeenka Kenya oo dirays milatari loo xiray

    Masuul reer Kenya ah ayaa la xiray isaga oo lala xiriiriyay gaari uu ku sawiran yahay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya oo dhar milatari loo xiray, sida uu ku warramay wargeyska Kenya ka soo baxa ee Standard.

    Ninkan la xiray oo lagu magacaabo Julius Macharia ayaa ka mid ah xubnaha golaha deegaanka Kiambu, gobolkaas ayaa dhaca bartamaha dalka Kenya, ayuu intaas ku sii daray wargeyska.

    Masuulkaas waxaa lala xiray darawalkiisii.

    Waxaa lagu eedeeyay in ay baska yar ku sawireen garaadaha ciidammada iyo calanka Kenya, arrintaasina ay sharci darro ka tahay Kenya.

    Labadooduba midna kama hadlin.

    Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala ayaa sheegay in xiritaankaasi uu yahay mid aan sharci ahayn.

    View more on twitter
    View more on twitter
  9. Duulimaadyadii Suudaan oo loo baajiyay

    Shaqo joojinta 48 saac ah ee ka socota Suudaan ayaa saamaysay masaafuriintii ka dib markii la baajiyay duulimaadyadii magaalada Khartuum.

    Dadka Twitterka isticmaala ayaa sheegay in diyaaraduhu aysan ka duulayn isla markaasna aysan soo cago dhiganayn, ka dib markii la sheegay in shaqaalihii ay shaqo joojin ku dhaqaaqeen.

    View more on twitter

    Dadka qaar ayaa soo bandhigay sawirrada shaqaalaha oo dibad baxaya iyo qaybo iska bannaan oo garoonka ah.

    View more on twitter

    Mudaaharaadeyaasha ayaa doonaya in xukunka lagu wareejiyo xukuumad rayid ah ka dib markii inqilaab milatari xukunka lagaga tuuray madaxweyne Xasan Cumar Al Bashiir oo ku dhawaad 30 sano dalka soo maamulayay.

  10. Mudaaharaadayaasha Suudaan oo ku baaqay shaqo joojin

    Suudaan

    Mudaaharaadayaasha dalka Sudan ayaa ku baaqay shaqo joojin dalka oo dhan ah, taas oo socon doonta 48 saac ee inagu soo aadan, iyaga doonaya in ay caddaadiska ku sii badiyaan milatariga si ay xukunka ugu wareejiyaan xukuumad rayid ah.

    Wadahadalladii labada dhinac ayaa la isku mari waayay ka dib markii lagu heshiin waayay qaabka loo marayo xukuumadda la rabo in la dhiso.

    Milatariga ayaa xilkii ka tuuray madaxweynihii hore Cumar Xasan Al Bashiir.

    Wajdi Saleh oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha ayaa sheegay in mucaaradku ay diyaar u yihiin in ay dib u furaan wadahadalladii.

    Balse wuxuu sheegay in aysan aqbali doonin wax uu ugu yeeray “luuqadda khayaanada” ee ay qaateen jeneraallo xilka la wareegay lix toddobaad ka hor.

  11. Wa’ayo Muslimiinta ilaalisa masaajidda Maraykanka?

    Muslimiin New York

    Markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday labadii masaajid ee magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, magalaada New York ayaa laga billaabay gawaari iyo dad roondo sameeya oo aan dawli ahayn si ay u ilaaliyaan goobaha cibaadada, ammaan ilaalintan dheeriga ah ayaase muran dhalisay.

    Maalintii Jimciha daqiiqado ka hor intaan laga aadaamin masaajidka Brooklyn dhallinyaro Muslim ah ayaa u jihaystay dhanka masaajidka iyaga oo wata gawaari u qaab eg kuwa booliiska magaalada New York.

    Gawaarida ay wataan oo leh nalalka la shido marka ay jirto xaaladda degdegga ah ayaana masaajidka hortiisa la dhigay, halkaas ayayna dhalinyaradii ku sii sugnaayeen, halka dadkii kale ee cibaadaysanayay ay masaajidka gudahiisa galeen.

    Gawaarida iyo dadka mutadawiciinta ah ayaa ka socda kooxda MCP oo ah mid iskeed isu maalgalisa, waxaana loo samaeeyay si ay ilaalo dheeri ah ugu noqdaan agagaarka masaajidda iyo iskuullada diinta Islaamka lagu barto wakhtiyada ay dadku isugu yimaaddaan.

    Noor Rabah mutadawiciin kale
    Image caption: Noor Rabah mutadawiciin kale

    Nuur Rabax oo mutadawac ah ayaa wax ka aasaasay kooxdaas.

    Waxay rajaynayaan in dambiyada ay ka hortagi doonto gaariga oo laga daaro dhawaaqa la adeegsado marka ay xaalad jirto iyo nalalka lagu la daaro.

    “Ma nihin murqihii booliiska New York. Balse waxaannahay indhihii iyo dhagihii si aan u wargalinno,” ayuu yiri Rabah oo si rasmi ah u billaabay gaafwareegidda masaajidda ka dib markii bishii Maarso la dilay 51 ruux oo Muslimiin ah oo salaadda Jimcaha ku tukanayay labo masaajid oo New Zealand ku yaalla.

    In badan ayay dadka cibaadaysanaya dareen ka qabeen ammaanka, balse weerarraduu Christchurch ka dib arrin ahmiyad leh ayay noqotay.

    Iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan Golaha Xiriirka Musimiinta Maraykanka oo ah midka ugu wayn ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Muslimiinta ayaa bulsha Muslimiinta ah ugu baaqay in ay feejignaadaan xiligan cibaadada lagu mashquulsan yahay, ilaalinta ammaankana ay sare u qaadaan.

    Masaajid badan ayaa sameeyay tababarro ammaan xumo loogu diyaargaroobayo waxaana ka mid ahaa kuwo laga dhigayay in hub lagu soo weeraray masaajidka iyaga oo dadka la tusayay wixii ay samayn lahaayeen haddii arrin sidaas oo kale ah dhacdo.

    Qaar ka mid ah bulsha Muslimiinta ah ayaa su'aalo ka keenay
    Image caption: Qaar ka mid ah bulsha Muslimiinta ah ayaa su'aalo ka keenay

    Muslimiinta ayaa sare u qaadday gaafwareeggidda gudaha iyo dibadda masaajidka, balse baraha bulsha ayay mucaaradad kala kulmeen.

    Dadka siyaasaddoodu garabka midig ee fog tahay ayaa ku eedeeyay in ay shareecada Islaamka hirgalinayaan.

    “Waa cabsi ay qabaan kuwo aan wax ogayn” ayuu ku jawaabay Rabah.

    “Ogolaada in ficilladanadu idin tusaan sida ay noloshanadu tahay”.

    Dadkan Muslimiinta ah ee gaafwareeggidda samaynaya booliis ma aha, mana hubaysna, wax xil ahna ma hayaan.

    Dad badan oo bulshada ka mid ah ayaa soo dhaweeyay, balse kuwo kale ayaa su’aal galiyay.

    Somia Elrowmeim
    Image caption: Somia Elrowmeim

    Somia Elrowmeim oo ka shaqaysa Ururka Carabta Maraykanka ku nool ee New York ayaa sheegay in ay su’aalo badan ka qaban waxa ay dadkaasi yihiin.

    “Waxaan rabnaa in ay bulshada faraha kala baxaan. Dhibkii yar ee ay sameeyaan bulsha oo dhan ayay si xun u saamayn,” ayay tiri Somia

    Waxay sheegtay in bulshada Muslimiinta ah ay canshuur bixiyaan sida bulshooyinka kale, hawsha ammaan ilaalintuna ay u taallo booliiska New York.

    Masaajidda caanka ah hadda waxaa ku sugan booliis badan.

  12. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Talaado ah oo ay taariikhdu tahay 28 bisha Maajo sannadka 2019.

  13. Somaliland oo cafis u fididsay maxaabiistii ay ku qabatay dagaalkii Tukaraq

    Somaliland ayaa sii deyneysa maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Tukaraq
    Image caption: Somaliland ayaa sii deyneysa maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Tukaraq

    Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in xurriyaddooda loo soo celiyay maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii ay ciidamada maamulka Puntland kula galeen deegaanka Tukaraq.

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay 14 maxbuus oo ku jiray gacantooda, waxaana lagu wadaa in dhawaan loo gudbiyo halkii ay kasoo jeedeen.

    Afhayeenka madaxtooyada Somalilan Maxamuud Warsame Jaamac oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in tallaabadan ay daba socotay ballan qaad uu madaxweyne Muuse Biixi horay u sameeyay.

    "18-kii bishan May, Markii uu dhacayay xuskii sannad guuradii 28-aad ee dib ula soo noqoshada madax bannaanida Somaliland, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdiisu ay cid kasta nabad u heyso, sidaas awgeedna ay sii deyn doonaan maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii deegaanka Tukaraq, sida uu madaxweynuhu maalistaas fagaaraha ka sheegay, wuxuu maanta wareegto madaxweyne ku cafiyay 14-kii maxbuus ee gacanta lagu hayay waxaana dib loogu celin doonaa dhulkoodii", ayuu yidhi afhayeenka.

    Magacyada maxaabiista Somaliland Puntland laga qabatay dagaalkii tukaraq ee cafiska loo fidiyay ayaa lagu sheegay:

    1) Cabdinaasir Cismaan Cali

    2) Cabdinuur Maxamed Cabdulle

    3) Maxamed Siciid Yuusuf

    4) Cali Faarax Aadan

    5) Maxamed Cabdi Caynab

    6) Cabdixaafid Cabdillaahi Xalane

    7) Xuseen Siciid Warsame

    8) Cabdinaasir Maxamed Nuur

    9) Maxamed Abshir Aadan

    10) Ibraahin Xasan Salaad

    11) Axmed Maxamed Axmed

    12) Siciid Ducaale Cali

    13) Mahad Nuur Cali

    14) Faarax Maxamed Cabdi

    Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Puntland oo arrintan ay uga hadlayaan.

  14. Imtaxaankii Qaranka Soomaaliya oo socda

    Imtixaanaadka qaranka ee dalka Soomaaliya ayaa si wanaagsan u socda, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre.

    Baraha bulshada ayaa la soo dhigay waraaqo lagu sheegay imtixaankii oo mar kale la dusiyay, balse BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto sida ay wax uga jiraan arrintaas.

    Wasiir Goodax ayaa Booliiska aad ugu ammaanay hawlaha ay hayaan.

    Telefishinka qaranka Soomaaliya ayaa baahiyay wasiirka waxbarashada oo faahfaahina waxa maanta u qabsoomay.

    View more on facebook
  15. Algerian bam loogu xiray Faransiiska

    Faransiis

    Booliiska Faransiiska ayaa xiray labo nin oo looga shakisan yahay in ay bam ku tallaalayeen bac.

    Arrintaasina waxay Jimcihii ka dhacday magaalada Lyon ee ku taalla bariga dalka Faransiiska waxaana ku dhaawacmay 13 ruux.

    Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegay in nimanka la xiray uu ka mid yahay arday culuunta teknoolajiyadda barta isla markaasna uu u dhashay dalka Algeria.

    Christophe Castaner oo ah wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in ficil ay wada jir u qaadeen dhawr hayadood uu miro dhalay.

    Booliiska ayaa baahiyay muuqaal ay duubtay kaameerada ammaanka loo adeegsado, aas oo uu ka soo muuqday nin gar leh oo baaskiil wata. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan waxa ku qaaday tallaabadaas.

  16. Siddeed ruux oo qarax ku dhintay iyaga oo dahab qodanaya

    Macdan Zimbabwe

    Siddeed ruux oo mayd ah ayaa la soo saaray ka dib markii ay qaraxday goob macdanta laga qodo oo ku taalla bartamaha Zimbabwe.

    Wasaaradda warfaafinta ayaa sheegtay in baaritaan la wado.

    Bishii Feebaraayana 24 ruux oo si sharci darro ah macdan u qodanayay ayaa ku dhintay biyo xireen karkaarrada goostay.

    Biyihii biyo xireenka ka burqaday ayaana ku faafay god macdan laga qodanayay oo ku yaallay koonfurta magaalada caasimadda ah ee Harare.

    Macdanqodeyaashan ayaa la sheegay in ay si sharci darro ah ugu shaqaynayeen shirkad macdan oo la dhoho Jumbo taas oo laga leeyahay Koonfur Afrika

    Macdan qodashada sharci darrada ah ayaa ku badatay Zimbabwe, ka dib markii ay yaraatay macdan qodiddii ganacsiga ahayd, dhaqaalaha xumaaday ee dalkaas awgeed.

    Badqabka macdan qodashada ayaa aad looga dayriyaa, hababka loo qotana waa kuwo liita.

  17. Rwanda oo Uganda ku eedaysay afduub

    Paul Kagame oo bidix taagan iyo Yoweri Museveni ayaa ahaan jiray xulafo
    Image caption: Paul Kagame oo bidix taagan iyo Yoweri Museveni ayaa ahaan jiray xulafo

    Booliiska dalka Rwanda ayaa sirdoonka milatariga Uganda ku eedeeyay in ay afduubteen labo ruux oo reer Rwanda ah kuwaas oo Axaddii xadka ka tallaabay ka dib markii ay martiqaad ka heleen saaxiibbadood oo reer Uganda ah.

    Eedayntan ayaa ah calaamaddii u dambaysay ee muujinaysa in calaaqaadka labada dal uu xun yahay.

    Sabtidiina masuuliyiinta Uganda ayaa milatariga Rwanda ku eedeeyay in ay toogasho ku dileen labo ruux oo midna reer Rwanda ahaa midna reer Uganda ahaa, kuwaas oo ay sheegeen in ay ku sugnaayeen gudaha dalka Uganda oo dhanka xadka ah.

    Rwanda ayaa diiday eedaymahaas, Ugandana wali kama aysan jawaabin eedaymaha loo soo jeediyay.

    Khilaafka soo kala dhex galay labadan dal awgeed Rwanda ayaa xirtay xadka Gatuna si aysan uga tallaabin baabuurta rakaabka ah ee ganacsiga wada.

    Waa xadka ganacsi ee Rwanda ay la leedahay Uganda, tallaabadan ayaana carqaladaysay calaaqaadkii ganacsi ee labada dal.

  18. Qadar oo lagu casuumay shirka dalalka Carbeed

    Amiirka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani
    Image caption: Amiirka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani

    Qadar ayaa sheegtay in Sacuudigu uu ku casuumay kulan degdeg ah oo dalalka Carbeed yeelanayaan, ka dib markii ay toddobaadkii hore sheegtay in aan lagu casuumin.

    Qadar waxaa go’doomiyay dalalka deriska ah muddo labo sano ah, ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay argagixisada taageerto, Qadar ayaase si wayn u beenisay eedaymahas.

    Dalalka Qaradar go'doomiyay ayaa kala ah Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar.

    Waxay saareen cunaqabatayn dhulka iyo hawada ah, balse dawladda Qadar ayaa diiday in ay soo dabacday, tallaabooyinkii warbaahinta soo jiitay ee ay ku dhaqaaqdayna waxaa ka mid ahaa in ay lo' soo gadatay ka dibna diyaarado ku soo daabulatay, si dadka Qadar aysan u soo wajihin caano yari.

  19. Doon ku dagtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

    Doon ayaa ku degtay jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ka dib markii ay cimiladu xumaatay, waxaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen ugu yaraan soddon ruux, dad kale oo badan ayaana wali la la’yahay.

    Rakaabka badankii waxaa loo malaynayaa in ay yihiin macalliimiin mushaarkoodii doonanayay.

  20. Xulafada Madaxweynaha Kenya oo ku baaqay in uu is casilo madaxweyne ku xigeenka

    William Ruto ayaa madaxweyne ku xigeen soo ahaa tan iyo sannadkii 2013
    Image caption: William Ruto ayaa madaxweyne ku xigeen soo ahaa tan iyo sannadkii 2013

    Xubno xulafo la ah madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa raba in uu is casilo madaxweyne ku xigeenka dalkaas William Ruto.

    Arrintaas ayay ku sababeeyeen in uu billaabay ol’ole wakhtigiisii laga soo hormariyay oo uu ku doonayo in uu ku badalo madaxweynaha marka la gaaro doorashada 2020, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Xildhibaannada ayaa Ruto ku eedeeyay in uu si joogto ah u qabto isu soo baxyo siyaasadeed isla markaasna uu jahwareerinayo afartii qorshe ee waawaynayd ee uu dajiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta, Afartaas oo kala ah Guryo iyo caafimaad la awoodi karo, damaanad cunto iyo warshado, sida uu ku warramay wargayska gaarka loo leeyahay ee The Standard.

    Wargeyska kale ee The Star ayaa sheegay in xildhibaannadu ay uga digeen Ruto in uusan booqanin deegaanka uu madaxweynuhu ka soo jeedo ee Kiambu, haddii uu rabo in uu booqdana uu u raaco Uhuru.

    Labada xilli ee uu xilka qaban karo Kenyatta ayaa ku eg 2020, balse waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in laga yaabo in uu isku dayo in isbadal ku sameeyo dastuurka, si uu u noqdo Ra’iisulwasaare awood badan.