Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Imtixaanka shahaadiga ah oo ka billaabanaya Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

    Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare looga qalin jabiyo ayaa maanta ka billaabanaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ka dib markii Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya ay baajisay imtixaaanaadkii qaranka oo maalmo socday, Arrintaas oo bishan 13 dhacday ayay dawladdu ku macnaysay in nuqullo imtixaanka ka mid ah la iskula wadaagay baraha bulshada.

    Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in Imtaxaanku uu Isniinta billlaaban doono.

    View more on twitter

    In kabadan 30,000 oo arday ayaa lagu wadaa in ay u fariistaan imtixaanka kama dambaysta ah ee fasalka afraad.

    Aradyda ayaa maalin walba gali doona labo maado.

    Xiriiro kala duwan oo BBC-du ay la samaysay magaalooyin ku yaalla GalMudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Juballad ayay ku ogaatay in ay imtixaanku uu maanta ka billaabanayo.

    Inkastoo imtixaankan uu yahay mid qaran hadda dalka Soomaaliya oo dhan kama dhacayo, Dawlad Goboleedka Puntland ayaa imtixaankan iskeed u qaaday, halka goobaha ay Al Shabaab ku xoogan yihiinna aan laga ogolayn.

    Intarnetka oo laga cabsi qabay in ay dawladdu jarto ayaa xalay sii shaqaynayay.

    Doodo badan ayaa ka dhashay imtixaanka la baajiyay, dawladduna waxay sheegtay in la xiray oo baaritaan lagu hayo qof la shaqaynayay wasaaradda waxbarashada.

  2. Britain: Wiil Soomaali ah oo loo doortay baarlamaanka Midawga Yurub

    Majid

    Duqii hore magaalada Sheffield ee dalka Britain Majid Majid oo ah wiil Soomaali ah ayaa loo doortay baarlamaanka Midawga Yurub.

    Maajid ayaa horay taariikh u sameeyay markii uu noqday duqii magaalo ee u horreeyay ee xisbiga Green Party uu ku yeesho magaalada Sheffield, wuxuuna sidoo kale wakhtigaas noqday duqii magaaalo ee ugu da’da yaraa.

    Markii lagu dhawaaqay natiijada ayuu Twitterka ugu mahadceliyay dadkii soo doortay.

    View more on twitter

    Maajid ayaa Ingiriiska tagay isagoo shan sano jira ka dib markii isaga iyo qoyskiisu ay ka qaxeen magaalada Burco ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

    Saxaafadda ayaa aad u soo hadal qaaday sannadkii hore ka dib markii uu ku dhawaaqay in uu Trump ka mamnuucay magaalada uu duqa magaalada ka ahaa.

    Majid ayaa markaas Twitterka soo dhigay in Trump uu yahay nin aan mudnaan badan lahayn.

    View more on twitter

    Gollaha deegaanka ee magaalaas ayaa sheegay in duqa magaaladu uusan xaq u lahayn in uu masuul ka hor istaago magaalada balse ay dimuqraadiyaddu u ogashahay in uu aragtidiisa shaqsiga ah cabiro.

    Hoos ka daawo warbixin ay BBC Somali horay uga samaysay Maajid.

    View more on youtube
  3. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Isniin ah oo taariikhdu tahay 27 bisha May sannadka 2019.