Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Kuuriyada Waqooyi oo la sheegay $2 bilyan oo doolar iney xadday

    Mid ka mid ah gantaallada ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi
    Image caption: Mid ka mid ah gantaallada ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi

    Warbixin ay soo saartay qaramada midoobay ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi $2 bilyan oo doolar ay ku xadday weerar xogaha la jabsado.

    Warbixinta sirta ah ee qaramada midoobay ka soo baxday ayaa sheegeysa Piyongyang iney lacagahaasi ka jabsatay bangiyada iyo shirkadda sarrifka lacagaha.

    Ila wareedyo xog ogal ah ayaa BBC u xaqiijiyey iney qaramada midoobay ay baaritan ku sameeysay 35 weerar oo la xiriira xogaha la jabsado.

    Kuuriyada waqooyi ayaa talaadadi tijaabisay laba gantaal, tijabada gantaallada oo ah kii afaraad, laba toddobad gudahood.

    Warmurtiyeed ka soo baxay xukumadda Piyongyang maanta oo arbaca ah ayaa lagu sheegay tijaabada gantaalladaasi iney yihiin digniin loo dirayo dhoollatuska ciidan ee ay sida wadajirka ah u sameeynayaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

  2. Gabar diyaarad hawada mareysa ka soo dhacday oo meydkeeda la helay

    Alanta Cutland
    Image caption: Alanta Cutland

    Gabar wax kabaraneysay jaamacadda Cambridge oo ka soo dhacday diyaarad yar oo mareysay hawada dalka Madagascar ayaa la sheegay in meydkeeda la helay.

    Gabadhan shilkaasi ku geeriyootay oo lagu magacaabo Alanta Catland oo 19 jir ah waxay ka soo jeeddaa koonfurta bari ee Miltan Cays.

    Gabadhan oo diyaaradda ka soo dhacday 1-da bisha August waxaa maalmihi la soo dhaafayba dhul keyma ah laga raadinayey meydkeeda.

    Gabadha shilka waxay la kulantay diyaaradda oo hawada ku jirta marki ay albaaba diyaaradda furtay sidaana ay ku soo dhacday.

    Alanta ayaa dalka Madagascar u joogtay daraasad la xiriirto takhasuska ay jaamacadda Cambridge ka baraneysay oo ay halkaasi ka sameeyneysay.

  3. Daawo sawirada shirka magaalada Jigjiga

    .
    .
    .
    .
    .
    .
    .
  4. Rag ku eedeysnaa in ay fuliyeen dilal iyo qaraxyo oo xukun dil ah lagu fuliyay

    Dhalinyarada dilka toogasho lagu fuliyay

    Maxkamadda ciidamada ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka meel fagaare ah xukun dil ah ku fulisay labo nin oo dhalinyaro ah oo ay horey maxkamaddu u sheegtay in lagu helay dambiyo ay kamid yihiin qaraxyo iyo weerarro ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay dad badani ku dhinteen.

    Eedaha ay maxkamaddu sheegtay in raggan lagu helay waxa kamid ah weerarkii hotel Saxafi ee dhacay sagaalkii bishii kow iyo tobanaad ee sanadkii hore ee 2018 halkaas oo lagu dilay 32 qof. Sidoo kale Dambiyada ay maxkamadu sheegtay in dhalinyaradan lagu helay waxa kamid ah weerarada loo adeegsado gaawrirada ee inta gaadiid kale la isku beego la tacshiiradeeyo.

    Dacwadda raggan oo in muddo ahba soo socotay ayaa waxa xukunkooda dilka ah uu dhacay labaatankii bishii May ee sanadkan.

    Saaka ayaana labadan nin lagu toogtay fagaaraha dugsiga tababarka booliska ee iskool buluusiya.

  5. Hindiya oo ku dhawaaqday tallaabo ka dhan ah Kashmir

    .

    Dowladda Hindiya ayaa waxa ay qaadday tallaabo ay kaga baxayso heer gaar ah oo ilaa iyo haatan lahaayeen deegaannada Jammu iyo Kashmir oo ah goobta kaliya ee ay degaan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

    Go'aankaasi ayaa waxa uu meesha ka saarayaa xuquuqdii gobolkaasi uu u lahaa inuu shuruucdiisa sameysto, waxa ayna ka dhigan tahay in markii ugu horraysay dad aanan gobolkaasi u dhalan ay halkaas hanti ka iibsan karaan.

    Wasiirka arrimaha gudaha ee Hindiya, Amit Shah, ayaa gudaha baarlamaanka kaga dhawaaqay amarka madaxtooyada, iyadoo ay arrintaasi aad uga buuqeen xubnaha axsaabta mucaaradka.

    Wasiirka ayaanan hadalkiisa si wanaagsan loo maqlayn oo waxaa qariyay buuqa iyo sawaxanka ka dhashay baarlamaanka intii uu bayaanka wasiirku akhrinayay.

    Weriyaha BBC-da uga soo warrama waddanka Hindiya ayaa sheegaya in dad badan ay arrintaasi u arkaan qeyb ka mid ah ajandaha dowladda ay waddo ee wadaniyadda Hinduuga, taas oo badeli karta hannaanka lagu darso dadweynaha.

  6. Markab cusub oo badbaadinaya muhaajiriinta oo la hawl geliyay

    Markab cusub

    Kooxda samata-bixinta muhaajiriinta mara badda Mediterranean-ka ee SOS ayaa hawl geliyay markab cusub oo baadi goobaya muhaajiriinta ku xayiran badda.

    Markabkan oo uu ka dulbabanaya calanka dalka Norwey ayaa ka soo sharaacday dekedda magaalada Marseilles ee dalka Fransiiska, kaasi oo diiradda saaraya xeebaha Libya, halkaas oo ah halka ay inta badan muhaajiriinta ka soo tahriibaan.

    Markabkan cusub ayaa waxaa uu beddelayaa markabkii hore ee la oran jiray Aquarius, kaas oo shaqadii uu ka hayay badda Mediterranean-ka joojiyay ka dib markii laga mamnuucay in muhaajiriinta uu ku dejiyo qaar ka mid ah dekadaha dalalka Yurub.

    "Muhaajiriin badan ayaa haatan isku dayaya in ay ka tallaabaan badda, taasi oo sabab u ah xilligan jiilaalka, waxaa sidoo kale lagu sababayn karaa xaaladda haatan ka taagan Libya,’’ ayuu Frederic Penard oo kooxda madax uga hawlka samatabixinta uu wakaaladda wararka ee AFP.

    Axaddii shalay ahayd ayay hay’adda dekadda Malta ku dejisay 40 muhaajiriin ah,kuwaasi oo Arabacadii laga soo qaaday Libya iyadoo uu Talyaaniga diiday in muhaajirintaasi la geeya dalkiisa.

  7. Gaadiidka magaalada Hong Kong oo hakad galay

    Dibedbaxyada Hong Kong

    Hong Kong waxay wajahaysaa hakad ku yimaaday gaadiidka, iyadoo ganacsiyo badanna la xiray ka dib markii shaqaalihii ay ka qeyb galeen dibadbaxyo lagu taageeriyo dhaq-dhaqaaqa dimuqraadiyadda.

    Arrintan ayaa ku soo beegmeysaa iyadoo baraasabka magaalada Hong Kong Carrie Lam ay wacad ku martay in kala dambeynta magaalada dib loo soo celin doono.

    Waxaa sidoo kale dib u dhac ku yimi amaba la joojiyay duulimaad-yadii magaalada, ka dib markii ay khalalaasaha magaalada uu sii xoogeystay oo dibedbaxayaasha ayaa qaar kood is hortaagay alaabada tareenada.

    Hogaamiyeyaaasha dhaqa-dhaqaaqa dumuqraadiyadda ayaa horay ugu dhawaaqay in maanta dibadbaxyo ballaaran ay ka dhigi doonaan guud ahaan magaalada.

    Hogaamiyaha magaalada Hong Kong Carrie Lam oo toddobaadyadii ugu dambeeyay hadalkeeda aad u yaraa ayaa shir jeraa’id oo ay ka qabatay eedeyn dusha kaga tuurtay dibedbaxayaasha wada khalalaasaha siyaasadeed ee ka aloosan magaalada.

    Waxay sheegtay in aysan marnaba is casili doonin ayna dib u soo celin doonto kala dambeynta Hong Kong.

  8. Cuqaasha Soomaalida iyo Oromada oo ku shiraya Jigjiga

    Shirka Jigjiga

    Sannad ayaa laga joogaa markii ay rabsahado ka dhacay magaalada Jigjiga horseedeen inuu xilka ka dego madaxweynihii deegaanka Soomaalida, Cabdi Muxumad Cumar.

    Bilihii ugu dambeeyay ee xukunkii Cabdi Cumar iyo weliba marka uu xilka ka degay ayaa colaad diig badani ku daatay waxa ay dhex martay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo deris wadaag ah.

    Haddaba si dhibaataas looga gudbo waxaa magaalada Jigjiga ka dhacay kulan nabadeyn ah oo ay ka qeyb galeen in ka badan kun qof oo labada qowmiyadood ah, isla markaana ay kala hogaaminayeen labada madaxweyne ee deegaannadaasi.

    Haatan colaadda way joogtsatay oo waxaa dib loo dhisay guryihii la bur-buriyay balse weli waxaa jira dad badan oo magaalooyinka ka qaxay oo ku sugan xerooyin, waxaana haatan lagu dadaalaya sidii dadkaasi dib loogu celin lahaa magaalooyinkii ay ka soo barakeceen.

    Madaxweye Mustafa Muxumed Cumar ayaa sheegay in mas’uuliydda dib u dejinta dadkaasi la wada qaadayo.

    ‘‘Haatan waxaa loo baahan yahay in loo guntado sidii dib loogu celin lahaa barakacayaasha waxayna arrintaasi ay mas’uuliyad ka saarantahay labada dhinacba’’

    Mdaxaweynaha oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri:

    ‘’Aniigoo ku hadlaya magaca soomaalida waxaan ballan qaadayaa in aan sii wadi doono dadaallada nabadaynta ee Soomaalida iyo Oromada’’

    Dhanka kale madaxweynaha gobolka Oromiya oo xilka gobolkaasi ku cusub oo kulanka ka hadlayay ayuu isagoo isku dayaya inuu ku hadlayo luuqadda afka Soomaaliga sheegay:

    ‘’Oromo iyo Soomaali waa mid, Oromo iyo Soomaali waa walaalo, dhibaatada u dhaxaysana dadkaan si loo xalliyo waxaan u mareynaa dhaqan iyo wadahadal waana in aan adkeeyno midnimada iyo wadajirka dadkaan walaalaha ah’’

    Kulankan ayaa waxaa soo dhaweeyay dhammaan shacabka Soomaalida iyo Oromada waxayna aaminsan yihiin in xal waara laga gaari doono dhibaatada labada qowmiyadood.

  9. Qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha gobolka oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Injineer Yariisow

    Qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka ayaa ka tacsiiyeeyay geerida ku timida Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) guddoomiyihii gobolka Banadir oo dhawaan ku dhaawacmay qaraxii lala beegsaday xafiiska maamulka gobolka Banaadir.

    Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa waxaa uu tacsi u diray qoyska Injineerka iyo dowladda Soomaaliya.

    Ismaacil Geele waxaa uu ka dhawaajiyay in xilliggan dowladdiisa ay garab taagan tahay xukuumadda Soomaaliya iyo shacabka.

    Sidoo kale waxaa tacsi taas lamid u diray qoyska Injineerka, Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale.

    View more on twitter

    Barasaabka magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Mike Sonko ayaa waxaa uu sheegay in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ay ahaayee saaxibo dhaw isla markaasan uu ahaa nin ay ka go'aneyd xaqiijinta Soomaaliya oo nabad ah.

    View more on twitter

    Maayarka caasimadda dalka Jabuuti, Faadumo Cawaale Cismaan oo ayaa waxay tacsiyeeyasay geerida ku timid Cabdiraxmaan Yariisow.

    View more on facebook

    Injineer Yariisow ayaa shaley ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo looga daweynayay dhaawicii ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday xarunta aqalka Dowlada Hoose ee Muqdisho.

    Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu bartilmaameedsaday xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.

    Qaraxa ayaa dhacay xilli uu maamulka Gobolka Banaadir halkaasi uga socday shir toddobaadla ah oo ay yeeshaan.

    Xaruunta gobolka Banaadir waxay ka mid tahay xaruumaha dowladda ee sida weyn ammaankooda loo adkeeyo.

  10. Fa'iidooyinka naas-nuujinta carruurta

    Waxaa lagu gudo jiraa todobaadka naas-nuujinta oo caalamka laga xuso sanad walba inta u dhaxeysa 1 ilaa iyo 7 August oo ay asteeyeen hay'adda caafimaadka aduunka iyo hay'adda qaramada midoobey u qaabilsan caruurta ee UNICEF.

    Xuska naas nuujinta ee sanadlaha ah ayaa looga gol leeyahay in bulshada gaar ahaanna hooyooyinka looga wacyi geliyo naas nuujinta faa'idooyinka caafimaad uu ilmuhu u leeyahay.

    Haddaba, hooyooyinka Soomaalida ma yihiin kuwo ku baraarugsan faa'iidada naas-nuujinta?

    Dr Nasro Cabdullaahi Axmed oo ah dhakhtar ka hawl gasha magaalada Nairobi ayaa ka sheekeyneysaa faa'idooyinka naas-nuujinta.

    Video content

    Video caption: Fa'iidooyinka naas-nuujinta carruurta
  11. Soomaaliya oo looga dhawaaqay seddax maalmood oo baroordiiq ah

    Lahaanshaha sawirkaENG YARISOW Image caption Injineer Yarisow ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarkii ka dhacay xarunta maammulka gobolka Banaadir
    Image caption: Injineer Yarisow ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarkii ka dhacay xarunta maammulka gobolka Banaadir

    Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa lagu sheegay in xukuumadda ay ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroordiiq ah.

    Sidoo kale waxaa lagu xusay in guddi loo saaray aaska Gudoomiye Yariisow.

    Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

    Sida lagu baahiyay wakaalada wararka Soomaaliya ee Sonna ee dowladda Soomaaliya, waxaa arrintan xaqiijisay Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

    Eng Yariisow ayaa lagu dabiibayay cisbataal ku yaalla magaalada Dooxa ka dib dhaawicii ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday xarunta aqalka Dowlada Hoose.

    Sida ku xusan warsaxaafadeedka. "Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in madaxweyne Maxamamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu amray in mudda sedax maalin ah calanka dalka hoos loo dhigo si baroor diiq iyo duco loogu sameeyo guddoomiyihii gobolka Banaadir, Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)".

    Faahfaahinta halkan ka akhri:

  12. Liibya oo xireyso qaar kamid ah xarumaha lagu xiro muhaajiriinta

    Muhaajiriin ku sugan Liibya
    Image caption: Muhaajiriin ku sugan Liibya

    Wasiirka arrimaha gudaha Liibya Fatxi Bashagha, ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal lagu xirayo saddex kamid ah xarumaha gu weyn dalkaas ee lagu xiro dadka muhaajiriinta .

    Saddexda xarumood waxay ku kala yaallaan magaalooyinka Misrata, Tajoura iyo Khoms.

    Hadalkan wasiirka ayaa imaanaya xilli Qaramada Midoobey ay ku baaqday in la xiro xeryahaas kaddib markii in ka badan 40 qof oo muhaajiriin ahaa lagu dilay xeryaha markii weerar lagu qaaday xarumahaas ku yaallay magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

    Liibya waxaa ka socda dagaallo u dhexeeyo dowladda ay taageerto Qaramada Midoobey ee fadhigeedu yahay Tripoli iyo maleeshiyaad taabasan Janaraal Khaliifa Haftar.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay 150 muhaajiriin ah ayaa ku qaraqmay xeebaha Liibya markii ay la degtay doonidii ay saarnaayeen.

  13. Haweenka Sucuudiga oo loo ogolaaday inay safri karaan maxram la'aan

    Haweenka Sucuudiga ayaa hadda xor ah baabuur kaxeynta
    Image caption: Haweenka Sucuudiga ayaa hadda xor ah baabuur kaxeynta

    Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday sharci cusub oo haweenka dalkaas u ogolaanayo inay safri karaan iyagoo uusan la socon qof maxram ah.

    Sida ku xusan shariga waxaa uu sidoo kale dhigaya in haweenka Sucuudiga oo ay da’doodu ka sarreyso 21 ay codsan karaan baasaboorka iyagoo maxram la’aan ah.

    Sharciga waxaa uu haweenka u fasaxaya inay xaq u leeyihin inay codsan karaan sharciyada dhalashada carruurta, waraqadda guurka.

    Waxay arrintani fursad u siineysa haweenka Sucuudiga inay shaqeysan karaan, sida ku xusan sharciga “Dhammaan muwaadiniinta Sucuudiga waxay xaq u leeyihiin inay shaqeysan karaan iyagoo wax gacan-bidxeyn ah aan la kulmin gaar ahaan in wax dhibaato ah loo geysan karin naafada, jinsiyadaha kala duwan ama da’da qofka.

    Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan uu meesha ka saaray dhowr xayiraad oo haweenka dalkaasi saarnaa, arrimaha ugu weyn ee uu ku tallaabsaday waxaa kamid in haweenka Sucuudiga loo ogolaado inay baabuurta kaxeyn karaan.

    Sannadkii 2016-kii, waxaa uu shaaca ka qaaday qorsheyaal uu isbaddallo dhaqaale uga hirgelinayo dalkaas sannadka 2030-ka kaas oo uga golleeyahay in haweenka boqolkiiba 30 ay ka qeyb qaataan barnaamijyada horumarka.

  14. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Jimco taarikhda waxay ku beegan tahay 2-da bishan Agoosto sannadka 2019.

  15. Xafiisyada mucaaradka Burundi oo saxaro la mar mariyay

    .

    In ka badan 10 xafiis uu leeyahay xisbiga ugu weyn mucaaradka ee dalka Burundi ayaa waxaa la mar mariyay saxaro halka qaar kalena dab la qabadsiiyay labadii bilood ee lasoo dhaafay, sida sarkaal ka tirsan xisbiga mucaaradka uu BBC u sheegay.

    Therence Manirambona oo ah afahayeen u hadlay xisbiga mucaaradka ee NCL ayaa waxaa uu sheegay in dhammaan dhibaatooyinkan lagu hayo ay caddeyn u tahay cagajugleynta iyo cabsi gelinta lagu hayo mucaaradka Burundi ka hor doorashada 2020-ka.

    Wasaaradda arrimaha gudaha kama aysan hadlin dhacdadan.

    Afahayeenka u hadlay xisbiga CNL waxaa uu sheegay in xafiiskoodi ku yaallay gobolka galbeedka ku yaalla ee Gatete la burburiyay habeenkii talaadada aheyd.

    .

    Waxaa uu sidoo kale sheegay in aan la ogeyn cidda ka dambeysay dabka la qabadsiiyay xafiiskooda isla markaasna mas’uuliyiinta dowladda aysan wax baaritaanno ah ku sameyn dhibaatooyinkaas loo geystay.

    “In xafiisyadeena la mar mariyo saxaro waa fal neceyb ah oo muujinayo dhibaatada naga kula hayo” ayuu yiri Manirambona.

    Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii baarayaal ka socday guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ay soo saareen warbixin ka hadleyso tacaddiyada lagu hayo mucaaradka Burundi.

  16. Ciidammada Suudaan oo xiray rag la sheegay inay rasaas ku fureen dad bannaanbaxyo dhigayay

    Dilka ardeyda waxaa ka dhashay dibadbaxyo ballaaran oo looga careysan yahay
    Image caption: Dilka ardeyda waxaa ka dhashay dibadbaxyo ballaaran oo looga careysan yahay

    Militariga Suudaan waxay sheegeen in la xiray toddobo qof oo lala xiriirinayo dilkii loo geystay ardeydii ka qeybqaadanayay dibadbaxyadii Isniintii ka dhacday magaalada Al Cubeyd ee waqooyiga dalkaas.

    Warbaahinta dowladda oo soo xiganeyso militariga ayaa ku warrantay in raggii rasaasta ku furay dibadbaxyaasha ay ahaayeen warddiyeyaasha Bangi ku yaalla halkaas.

    Waxay sidoo kale sheegeen in raggan la maxkamadeyn doono.

    Waxaa lagu soo warramayaa in 7 qof ay soo qabteen maleeshiyaadka RSF.

    Afar ardey ah iyo labo qof oo rayid ah ayaa dhintay markii rasaas lagu furay dad bannaanbaxyo dhigayay.

  17. Tahriibayaal Soomaali ah oo dib loogu celiyay Muqdisho

    Todobo iyo toban dhalinayaro tahriibayaal ah oo laga soo celiyay dalka Liibiya kuna laabtay shalay magaalada Muqdisho ayaa ka sheekeeyay duruufihii nololeed ee ay ku noolaayeen muddadii ay tahriibka ku jireen.

    Dhalintan oo markoodii hore ka kala tagay magaalooyinka Soomaalida ayaa BBC-da u sheegay inay ku farax san yihiin inay dalkoodii dib ugu soo laabteen kadib sannado ay ku noolaayeen xaalado aad u qalafsan.

    Waxay sheegeen in jirddil iyo tacaddiyo ay la kulmeen intii ay ku sugnaayeen dalka Liibya.

    Dhalinyarada laga soo celiyay Libya
    Image caption: Dhalinyarada laga soo celiyay Libya
  18. Madaxweyne Farmaajo oo iska celiyay jinsiyaddii Mareykanka

    War saxaafadeed kasoo baxday madaxtooyada dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in jinsiyaddii labaad ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qaatay dalka Mareykanka uu dib isaga celiyay.

    Waxaa sidoo kale warqadda lagu xusay in howshan ay in muddo ku howlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha Soomaaliya iyo Mareykanka.

    .
  19. Dhageysiga kiiska Al Bashiir oo dib loo dhigay

    Cumar Al Bashiir
    Image caption: Cumar Al Bashiir

    Maxkamad ku taalla dalka Suudaan ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacawaddii musuq maasuq ee loo heystay madaxweynihii hore ee Suudaan. Cumar Al Bshiir, sida ay ku warrantay BBC qeybta Carabiga.

    Lama garanayo sababta ka dambeyso in dib loo dhigo dhageysiga kiiskiisa balseWarbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ee kasoo baxdo dalka Suudaan, Baj News ayaa ku warrantay in Cumar Al Bashiir uu ka codsaday in dhageysiga dacwaddiisa dib loo dhigo maadama ay hooyadii dhawaan geeriyootay.

    Warbaahinta Al Carabiya waxay sheegtay in dhageysiga dacwaddisa dib loo dhigay tan iyo 15-ka bishan Agoosto.

    Cumar Al Bashiir ayaa la xiray bishii April markii awoodda laga tuuray.

  20. Baaritaan lagu sameynayo nabad-doonkii lagu dilay Kismaayo

    .

    Booliska maamulka Jubaland ayaa ka hadlay toogasho xalay magaalada Kismaayo loogu geystay Ugaas Rashiid Durre oo kamid ahaa odeyaasha ku howlan doorashada la filayo inay ka dhacdo halkaas.

    Ugaaska ayaa markii dambe waxaa uu u geeriyooday dhawaaci kasoo gaaray rasaasta.

    Laamaha ammanka ee Jubaland ayaa sheegay in dad lagu tuhmayo dilka loo soo xiray.

    Taliyaha ciidanka booliska ee Jubbada Hoose, Axmed-naasir Guuleed Xassan ayaa BBC u sheegay in laamaha ammaanka ay wadaan baaritaanno ku aadan sidii loo soo qaban lahaa dableydii weerarka geysatay.

    Waxaa uu sheegay in baaritaanka kaddib ay shaaca ka qaadi doonaan dadka lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka Ugaaska.