Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Hogaamiyaha Shiicada Nigeria oo kasoo ambabaxay Hindiya isagoo aanan wax adeeg caafimaad ah helin

    Ibraheem Zakzaky
    Image caption: Ibraahim Zakzaky

    Hogaamiyaha Shiicada Nigeria Ibraahim Zakzaky oo xaalad caafimaad u joogay dalka Hindiya ayaa lagu soo warramaya in uu kasoo ambabaxayo Delhi si uu dib ugu soo laabto Nigeria kaddib markii muddo saddex maalmood uu joogay halkaas.

    Waxaana lagu soo warramaya in wax daweyn ah uusan helin.

    Ibraheem Zakzaky iyo xaaskiisa Zenaat ayaa in muddo xirnaa waxaana dhawaan xabsiga laga sii daayay xabsi oo loo ogolaaday in xaalad caafimaad dalka dibaddiisa loogu qaado.

    Hogaamiyaha Shiicada dalka Nigeria ayaa la xanuunsan sunta maadada Lead-ka oo jirkiisa saameysay kaddib markii ay ku dhacday rasaas, sida gabadh uu dhalay ay u sheegtay BBC.

    Waxay intaas ku dartay in aabaheed ay isha kaga jirto sunta isla markaasna uu maray qalliin si looga saaro.

    Ibraahim, waxaa uu ka xumaaday ciidammada ilaalinayo ee kula sugan isbitaalka maadama uusan helin karin dhaqaatiirta uu isaga damco ee daweyn laheyd.

  2. Mucaaradka Suudaan oo soo xushay ra'iisul wasaare kumeel gaar ah

    Hamdok wuxuu muddo ka badan 30 sanno ah uu ahaa sarkaal sare oo falanqeeyo dhaqaalaha iyo siyaasadda
    Image caption: Hamdok wuxuu muddo ka badan 30 sanno ah uu ahaa sarkaal sare oo falanqeeyo dhaqaalaha iyo siyaasadda

    Mucaaradka Suudaan ayaa xilka ra’iisul wasaaraha usoo xushay sarkaal sare oo horey uga tirsanaa Qaramada Midoobey, Cabdalla Hamdok si uu matalo dhinaca mucaaradka dowladda kumeel gaarka ah ee saddexda sanno jiri doonto.

    Hamdok oo ah dhaqalyahan ayaa sannadkii lasoo dhaafay iska casilay xilkii uu ka hayay guddiga dhaqaalaha ee Qaramada Midoobey ee qaabilsan qaaradda.

    Golaha sare ee miitariga Suudaan iyo mucaaradka ayaa lagu wadaa in Sabtida ay gaaraan heshiis kama dambeys ah oo lagu dhisayo dowlad kumeel gaar ah.

    Sannadkii lasoo dhaafay Hamdok waxaa uu madaxweynihii dalka Suudaan, Cumar Al Bashiir u magacaabay xilka wasiirka maaliyadda balse xilkaas waa uu diiday inuu qabto, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    “Waxaan u rajeyneynaa Hamdok guul weyn xilli dalka uu ku jiro xaalado adag sida ku xusan taarikhda dalka iyo dadka, waa xilli dadweynaha isbaddal-doonka Suudaan ay rajo weyn muujinayaan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ururka xirfaladyaasha Suudaan oo horkacayay kacdoonkii ka dhacay Suudaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Dalka Suudaan waxaa ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo horseeday in xukunka laga tuuro madaxwenihii hore ee dalkaas Cumar Xasan Al Bashiir.

  3. Duqa magaalada London oo la kulmay wiilka Cabdiraxmaan Yariisow

    Duqa magaalada London, Sidiiq Khan ayaa la kulmay wiilka Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir oo dhawaan u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarixii ka dhacay dhismaha maamulka Banaadir.

    Sadiiq Khan waxaa uu tacsi u diray dhammaan eheladii uu ka geeriyooday Injineerka.

    Waxaa uu sidoo kale la kulmay qurba joogta soomaalida ee ku sugan London isla markaasna waxaa uu ka hadlay doorka bulshada Soomaalida ay ku leeyihiin horumarada dalkaas.

    View more on twitter

    Geerida Injineer Yariisow: Waa kuma Guddoomiyihii Gobolka Banaadir?

    Duqa Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan wuxuu Siyaasadda Soomaaliya ku lug lahaa ku dhowaad 15kii sano ee ugu dambeysay.

    Wuxuu billaabay in arrimaha siyaasadda uu ka shaqeeyo xilligii uu ku noolaa magaalada London ee dalka Britain.

    Wuxuu sannadkii 1986-dii ka qalanjebiyay jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, isagoo bartay culuumta handasada.

    Markii uu jaamacadda dhammeeyay illaa sannadkii 1991 wuxuu ka shaqeeyay Wasaaraddii howlaha guud iyo guriyeynta iyo wasaaraddii Maaliyadda oo uu u ahaa Injineer iyo maamule mashaariic.

    Intii uu London ku sugnaa, Eng. Yariisow wuxuu bartay maareynta ganacsiga, culuumta kumbuutarada iyo maamulka iyo maareynta guriyeynta oo 2004 uu shahaadada mastarka ka qaatay jaamacadda Westminster.

    Wuxuu London ka noqday hoggamiye bulsho iyo Maamule iskuullo. Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa qabanqaabiyihii kulankii weynaa ee qurba joogta Soomaalida UK ee 2007-dii lagu qabtay magaalada Leicester.

    Wuxuu noqday guddoomiyihii ururka u dooda xuquuqda Soomaalida UK ee Somali Concern Group, muddadii u dhexeysay 2004 illaa 2008.

    Faahfaahinta halkan ka akhriso:

  4. Caro ka dhalatay markii "bukaan qabay cudurka Aids-ka xoog looga saaray isbitaal"

    .

    Sraakiisha dalka Masar ayaa baarayaa arrin ka dhacday Isbitaal ku yaalla dalka Masar kaddib markii qof bukaan oo qabay cudurka Aids-ka xoog looga saaray halkaas.

    Isbitaalka ayaa ku yaalla deegaanka Gharbia, waxay dhacdan caro weyn ka dhalisay baraha bulshada kaddib markii muuqaallo iyo sawirrada lagu baahiyay baraha bulshada.

    Waxay muujinayaan muuqaallada ninka oo xoog looga saarayo isbitaalka isla markaasna lagu jiidayo dhulka.

    Wasaaradda caafimaadka Masar waxay sheegtay in shaqaalaha Isbitaalka lagala xisaabtamayo dhibaatada loo geystay bukaanka qabay cudurka Aids-ka ee xaaladda caafimaad u jiifay halkaas.

    Bukaanada qaba cudurka Aids-ka ee kunool Masar ayaa waxay takoor kala kulmaan bulshada.

  5. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta ah tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Jimco taarikhda waxay ku beegan tahay 16-ka bisha Agoosto sannadka 2019.

  6. Hogaamiyaha Shiicada Nigeria oo sun jirkiisa laga helay

    Ibraheem Zakzaky waxaa uu xirnaa muddo afar sanno ah
    Image caption: Ibrahim Zakzaky waxaa uu xirnaa muddo afar sanno ah

    Hogaamiyaha Shiicada dalka Nigeria oo xaalad caafimaad u joogo dalka Hindiya ayaa la xanuunsan sunta maadada Lead-ka oo jirkiisa saameysay kaddib markii ay ku dhacday rasaas, sida gabadh uu dhalay ay u sheegtay BBC..

    Waxaa isbitaalka ku sugan ciidammo boolis ah oo ilaalinayo.

    Ibrahim Zakzaky ayaa kamid ahaa boqolaal ka tirsan Shiicada Nigeria oo xabsiga loo taxaabay sanadkii 2015-kii kaddib markii ay rabshado dhexmareen taageerayaashiisa iyo booliska dalkaas, waxaana rabshadahaas ku dhintay 350 qof.

    Wadaadka iyo xaaskiisa ayaa in muddo xirnaa waxaana dhawaan xabsiga laga sii daayay oo loo ogolaaday in xaalad caafimaad dalka dibaddiisa loogu qaado.

    Gabadha uu dhalay wadaadka, Suheyla Zakzaky ayaa sheegtay in sunta ay ku baahday jirkiisa kaddib markii rasaas ciidammada militariga Nigeria ay ku fureen gurigiisa sanadkii 2015-kii.

    Waxay intaas ku dartay in aabaheed ay isha kaga jirto sunta isla markaasna uu maray qalliin si looga saaro.

  7. Kooxaha fallaagada Suuriya oo soo riday diyaarad ay leedahay dowladda

    Dagaalyahanada mucaaradka oo soo bandhigay burburka diyaaradda
    Image caption: Dagaalyahanada mucaaradka oo soo bandhigay burburka diyaaradda

    Diyaarad ay leedahay xukuumadda Suuriya ayaa lagu soo warramaya in la soo riday markii uu dagaal ka dhacay deegannada ay mucaaradka ku xooggan yihiin ee dhaca gobolka Idlib.

    ilo wareedyo taabacsan mucaaradka waxay sheegeen in diyaaradda lagu soo riday meel u dhaw magaalada Khan Sheikhoun.

    Warar horraan soo baxayay, waxay sheegayaan in ciidammada Suuriya oo taageero ka helayo Ruushka ay gaareen meel u dhaw goobta uu dagaalka ka dhacay.

    Ku dhawaad 30 dagaalyahan ayaa ku dhintay dagaalka shalay ka dhacay halkaas.

    Kooxda dusha kala socoto xaaladda xuquuqda aadanaha Suuriya ee uu fadhigeedu yahay UK ayaa ku warrantay in duuliyihii saarnaa diyaaradda ay gacanta ku hayaan kooxda Taxriir Al Shaam ee ku xooggan gobolka Idlib.

    Dowladda Suuriya waxay bilooyinkii ugu dambeeyay wadday dagaal kooxaha fallagada looga saarayo gobolka Idlib, waxaana taageeraya diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.

    Boqolaal qof ayaa lagu dilay gobolka halka boqolaal kun ay ka qaxeen guryahoodii.

  8. Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo roggay madixii hore ee sirddoonka Suudaan

    Saalax Gosh ayaa xilka iska casilay saacado un kaddib markii la afgembiyay Cumar Al Bashiir
    Image caption: Saalax Gosh ayaa xilka iska casilay saacado un kaddib markii la afgembiyay Cumar Al Bashiir

    Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo roggay madaxii hore ee ciidammada sirddoonka Suudaan Saalax Gosh oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay dalkaas,

    Cunaqabateynta ayaa ah in Saalax Gosh uusan u safri karin Mareykanka.

    Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in la hayo caddeymo muujinayo in Gosh uu ku lug lahaa dhacdooyin lagu dhibaateeyay dad rayid ah markii uu ahaa madaxii ciidammada sirddoonka Suudaan.

    Saalax Gosh waxaa uu xilkan hayay xilliggii dalka ka talinayay madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suudaan Cumar Al Bashiir.

  9. Soomaali lagu boobay Koonfur Afrika

    Dukaamada dhaca loo geeystay
    Image caption: Dukaamada dhaca loo geeystay

    Warar aan ka helnay deegaanka Soweto ee magaalada Johannesburgee dalka Konfur Afrika ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay, halkaasi boob,dhac iyo dhawacaba, loogu geeystay Soomaalida ganacsatada ah,waxaa boob loo geestay boqolaal dukaan, sida uu BBC sheegay Cabdixakiim Biif oo ku sugan halkaas.

    Arrintan ayaa la sheegay inay ka dhalatay kadib markii ay isku dhaceen ganacsade iyo macamiilkiisa isla markaasna ay ka caroodeen dadka degaanka.

    Cabdixakiin Ibraahim oo ku magac dheer Cabdixakiin Biif,oo dhacdadaasi uga waramay BBC-da ayaa sheegay inuu arkay, Soomaali iyo Itoobiyaan ganacsato ah uu dhaawac kasoo gaaray iska hor imaadkaas.

    ‘’waxaa bililiqo loo geeystay dhaamaan dukaanadoodi iyagoo ay geesteen dadka u dhashay deegaankaa” ayuu yiri CabdiXakiin

    Waxaa dalka Koonfur Afrika horey uga dhacay dhacdooyin noocan ah oo ku saleysan ajaanib naceybka oo ay dad badan dhibaato kasoo gaartay.

  10. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Khamiis taarikhda waxay ku beegan tahay 15-ka bisha Agoosto sannadka 2019.

  11. Dad ku dhintay fatahaado ku dhuftay Suudaan

    Toddobo qof ayaa ku dhintay roobab mahiigaan ah oo ka da'ay gobolka Al Jaziirah ee dalka Suudaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda ee Suna.

    "Toddobo qof ayaa ku dhintay halka 2 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dhibaatooyinka ka dhashay roobabka xooggan ee ka da'ay gobolka Jaziirah" ayaa lagu yiri warbixinta.

    Tiro shacab ah ayaa ka qaxay guryahooda markii ay daadad ku dhufteen halkaas.

    Waxaana barta Twitter-ka lasoo geliyay sawirrada deegaanada ay daadadku ku dhufteen.

    View more on twitter

    Barasaabka gobolka Jaziirah, Janaraal Axmed Hanan Axmed Subeyr ayaa sheegay inay gargaar u fidinayaan dadka ka qaxay fataahadaha.

    Boqolaal qof ayaa sidoo kale ka barakacay fatahaado ku dhuftay magaalada Khartuum, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

  12. Uganda oo shacabkeeda u qeybineyso Maro Kaneeco laga bilaabo sannadka soo socdo

    .

    Wasaaradda caafimaadka dalka Uganda waxay sheegtay in hal milyan oo qof oo ku nool dalkaas uu ku dhacay cudurka Duumada labadii bilood ee lasoo dhaafay.

    Saraakiisha dowladda waxay sheegeen in isticmaal la’aanta maro kaneecada iyo roobabkii mahiigaanka ee ka da’ya dalkaas bishii June ay horseedeen Duumada.

    Waxay dowladda sheegtay in 38 milyan oo maro kaneeca ah ay u qeybiyeen shacabka dalkaas intii u dhexeeysay bishii Febraayo ee sannadkii 2017-kii iyo bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii.

    “Maro kaneecada waxaa la sameeyay saddexdii sanno ee lasoo dhaafay, nasiib darro waxaa jiro wax isdabo marin iyo qaar kamid ah Maro kaneecooyinka la lunsaday” ayuu yiri Jimmy Opigo oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha laanta qaran ee la dagaalanka Duumada.

    “Waxaan kaashaneynaa deeq bixiyeyaasha, laba bilaabo bisha Febraayo ee sannadka dambe waxaan shacabka u qeybineynaa mara kaneecooyin hor leh” ayuu yiri Jimmy.

  13. Dad ka badbaaday cudurka Ebola

    Labada qof ee ka badbaaday Ebola
    Image caption: Labada qof ee ka badbaaday Ebola

    Labo qof oo laga daweeyay cudurka Ebola kaddib markii ay qaateen dawooyin tijaabo ah ayaa dib ula midoobay qoysaskoodii kuwaaso oo lagu hayay xarun ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

    Dadkan waxay kamid ahaayeen koox bukaan ah oo ku sugnaa magaalada Goma kuwaas oo lagu tijaabiyay dawooyinka.

    Dhaqaatiirta waxay ku rajo weyn yihiin in dhawaan dawo loo heli doono Ebola.

  14. Madaxweynaha Nigeria oo ku baaqay in la joojiyo cuntooyinka laga soo dhoofiyo dibadda

    Muhammadu Buhari wuxuu ballan qaaday xoojinta wax soo saarka beeraha
    Image caption: Muhammadu Buhari wuxuu ballan qaaday xoojinta wax soo saarka beeraha

    Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa amar ku siiyay bangiga dhexe ee Nigeria inuu horjoogsado cid kasta oo dalka soo gelineyso cuntooyinka laga keeno dibadda.

    Waxaa uu tallaabadan uga golleeyahay madaxweynaha in la xoojiyo wax soo saarka beeraha dalkaas.

    Muhammadu Buhari waxaa uu sheegay in arrintani uu doonayo in la dardargeliyo isku filnaanshaha dhanka wax soo saarka cuntooyinka Nigeria isla markaasna si looga kaaftoomo soo dhoofinta badeecadaha dalalka shisheeye.

    Waxaa uu faray bangiga dhexe ee Nigeria “In hal shilin ah aanan la siin qof kasta oo doonayo in dalka uu soo geliyo cuntooyinka laga keeno dalka dibaddiisa”

    Bangiga dhexe ee Nigeria waa mid madaxbanaan balse ma kala cadda sida uu raaci doono go'aanka kasoo baxay madaxweynaha.

    Nigeria waa dalka ugu dhaqaalaha xooggan qaaradda balse 200 milyan qof oo ka tirsan shacabka dalkaas ayaa ku tiirsan cuntooyinka laga soo dhoofiyo dalalka dibadda.

    Madaxweyne Buhari oo mar labaad lasoo doortay sannadkan ayaa waxaa uu ballan qaaday inuu xoojin doono dhaqaalaha dalkaas.

  15. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Arbaco taarikhda waxay ku beegan tahay 14-ka bishan Agoosto sannadka 2019.

  16. Maalqabeen u dhashay Israa'iil oo loo heysto eedeymo ah inuu bixiyay laaluush

    Beny Steinmetz waxaa uu beeniyay eedeymaha loo jeediyay
    Image caption: Beny Steinmetz waxaa uu beeniyay eedeymaha loo jeediyay

    Maalaqabeen u dhashay Israa’iil oo lagu magacaabo Beny Steinmetz iyo labo qof oo kale ayaa hortaggaya maxkamad ku taalla dalka Switzerland sii loo dhageysto eedeymo laaluush ah oo loo heysto, sida laga soo xigtay dacwad oogaha.

    Ninkan iyo saaxibadiis waxaa lagu eedeeyay inay 10 milyan oo doolar ay laaluush ahaan u siiyeen labo shirkadood oo macddanta qaabilsan oo ay leedahay dowladda Guinea si loo siiyo sharciga u ogolanayo in howlaha macaddan qodista ay ka sameyn karaan dalkaas.

    Bayaan kasoo baxay dacwad oogaha Geneva, Claudio Mascotto ayaa lagu sheegay in lacagta laaluushka ah lagu heshiiyay inay bixiyaan sannadkii 2005-kii ka hor inta uusan geeriyoon madaxweynihii Guinea, Lansana Conte, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Waxaana raggan lagu eedeeyay inay qorsheynayeen in lacagahan laaluushka ay siiyaan xaaskii madaxweynihii Guinea ee xilliggaas si qanddaraas macddan qodis ah looga siiyo shirkaddii Beny Steinmetz gobolka Simandou ee dalkaas.

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, dacwad oogaha waxaa uu sheegay in qaar kamid ah lacagta ay ku bixiyeen akoonno ay ku lahaayeen bangiyo ku yaalla Switzerland.

    Maalqabeenkan u dhashay Israa’iil waxaa uu horraan beeniyay eedeymaha loo jeediyay.

    BIshii Febraayo ee sannadkan, mas’uuliyiinta dalka Guinea waxay meesha ka saareen eedeymaha musuq maasuq ee loo heystay Steinmetz kaddib markii shirkaddiisa lagala noqoday ruqsaddii ay macddan qodista uga sameyneysay gobolka Simandou.

    Balse maxkamadda ku taalla Geneva ayaa waxay waddaa baaritaanno la xiriira arrintaas.

  17. War deg deg ahDuulimaadyada gegida diyaaradaha Hong Kong oo maalintii labaad la hakiyay

    Hong Kong airport suspends flights for a second day because of anti-government protests.

    Waxaa mar labaad hakad galay duulimaadyadii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Hong Kong kaddib markii halkaas ay hareeyeen dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda.

    Kumanaan qof ayaa dibadbaxyo ka dhigayay garoonka diyaaradaha Hong Kong maalmihii lasoo dhaafay, waxaa uu garoonka kamid yahay meelaha ugu mashquulka badan caalamka.

  18. In ka badan 300 qof oo lagu eedeeyay ugaarsiga Wiyisha oo lagu xiray Koonfur Afrika

    .

    Waxaa dalka Koonfur Afrika lagu qabtay 366 qof oo looga shakisan yahay inay ku howlanaayeen ugaarsiga sharci darrada ah ee xayawaanka Wiyisha tan iyo sannadkii lasoo dhaafay, sida laga soo xigtay warbaahinta News24 oo soo xiganeyso wasiirka deegaanka ee dalkaas.

    Shan iyo toban kamid ah dadkan la xiray waxay kamid yihiin shaqaalaha seeraha duurjoogta ee Kruger.

    Halka 7 qof oo kale lagu xiray seerayaasha kala ah Pilanesberg iyo Motala, sida ay sheegtay wasiirka arrimaha deegaanka ee Koonfur Afrika.

  19. Tijaabo muujineyso in la daweyn karo cudurka Ebola

    In ka badan 1,800 qof ayaa u geeriyooday cudurka Ebola ee ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo
    Image caption: In ka badan 1,800 qof ayaa u geeriyooday cudurka Ebola ee ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo

    Tijaabo la sameeyay ayaa muujineysa in la daweyn karo bukaanada uu ku dhacay cudurka Ebola, sida dhakhaatiirta ay sheegayaan.

    Afar dawooyin ah ayaa waxaa lagu tijiaabiyay buukanada Ebola ee ku sugan dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo halkaas oo uu ka dilaacay.

    Darasaadda ayaa lagu xusay in boqolkiiba 90 dawada lagu daweyn karo Ebola.

    Wixii hadda ka dambeeyo daawooyinka waxaa lagu daweyn karaa dhammaan bukaanada qabo Ebola, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka ee dalkaas.

    Macadka ka hortagga xaasaasiyadda iyo cudurada oo maaligelisay daraasadda ayaa waxay ku tilmaantay tallaabo horumar ah oo lagula dagaalamayo Ebola.

    Dawooyinkan ayaa lagu kala magacaaba REGN-EB3 iyo mAb114.

  20. 'Labo baarlamaan oo iska soo horjeedo oo looga dhawaaqay Jubaland'

    Qaar kamid ah musharraxiinta diiddan tallaabooyinka guddiga doorashooyinka ee Jubaland ayaa ku dhawaaqay magacyada waxa ay ugu yeereen liiska xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Jubaland.

    Musharraxiinta mucaaradka ah ayaa waxay ka biyo diidsan yihiin hannaanka guddiga doorashada ay kusoo xuleen xildhibaanada.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli xaley guddiga doorashooyinka Jubaland ay shaaca ka qaadeen liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee maamulkaas.

    Waxaa uu khilaaf ka taagan yahay hannaanka doorashada oo ay kamid yihiin liiska odeyaasha soo xulayo xildhibaanada iyo qaabka loo qabanayo doorashadaas.

    .