Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Itoobiya oo xirtay dad looga shakiyay weerar lagu qaaday saldhig boolis

    .

    Booliska gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay dad looga shakiyay weerar lagu qaaday saldhig boolis oo ay ku dhaawacmeen 9 qof kaddib markii waxyaabo looga shakiyay inay yihiin bambo gacmeed lagu tuuray halkaas.

    Weerarka ayaa xalay ka dhacay gobolka Oromada xilli shacabka ay u dabaaldegayeen munaasabadda sannadka cusub.

    "Weerarka waxaa lala beegsaday xarun ciidammada ka hortagga rabshadaha ay ku leeyihiin degmada Buraya" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska isgaarsiinta ee maamulka.

    Booliska Itoobiya ayaa BBC u xaqiijiyay in tiro dad ah la xir xiray inkasta oo aysan sheegin tirada rasmiga ah.

    Telefishinka dowladda waxaa uu baahiyay in tirada dadka loo qabqabtay weerarka ay gaari karaan 22 qof.

    Ma jirto cid sheegatay weerarka ka dhacay gobolka Oromada.

  2. Israa'iil oo beenisay inay basaaseysay Aqalka Cad ee Mareykanka

    Ra'isal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa si cad u dafiray warka ku saabsan inuu dalkiisa basaasayay Mareykanka.

    Saddex saraakiil oo sarsare ayaa sheegay inay u badan tahay in Israa'iil ay ka dambeeysay 3 aaladood oo ah kuwa wax basaaso oo laga helay Aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo.

    Laakiinse warbxin laga soo saaray xaafiska Netanyahu ayaa lagu sheegay in hadalkaasi ka soo yeeray saraakisha uu yahay mid aan xaqiiqda ku saleysnayn.

    Madaxweyne Donald Trump oo ay Khamiistii shalay ahayd weriyeyaasha weediyeen warkaasi ku aaddan basaasnimada lagu eedeeyay Israa'iil ayuu Trump sheegay in uusan aamisnasanayn in Israa'iil ay basaaseysay Mareykanka.

    Faahfaahinta halkan ka akhriso:

  3. Mareykanka oo shaacinaya 'magac' ay dalbadeen dad Sucuudiga dacweynayo

    Ku dhawaad 3,000 qof ayaa lagu dilay weerarkii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka
    Image caption: Ku dhawaad 3,000 qof ayaa lagu dilay weerarkii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka sannadkii 2001-dii.

    Waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay inay shaaca ka qaadeyso magac ay codsadeen dad dacweynaya Sucuudiga gaar ahaan eedeymaha inuu ku lug lahaa weerarkii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka.

    Waxay sheegtay wasaaradda in xogta lala wadaagi doono qareenada matalaya dadkii ay qoysaskooda waxyeellada kasoo gaareen weerarkaas.

    Lamana ogo in magaca qofkaas si weyn loo shaacin doono.

    15 kamid ah 19-kii qof ee Al Qaacidda ka tirsanaa ee weerarka qaaday waxay u dhasheen Sucuudiga.

    Faahfaahinta halkan ka akhriso:

  4. Madaxweynaha Koonfur Afrika oo aan ka qeybgali doonin shirka Qaramada Midoobey

    Madaxweyne Cyril Ramaphosa
    Image caption: Madaxweyne Cyril Ramaphosa

    Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaanan ka qeybgeli doonin shirka guud ee Qaramada Midoobey dabayaaqadan bishan ka dhacaya magaalada New York.

    Madaxweynaha waxaa uu sheegay in sababta ay tahay inuu diiradda saarayo xal u helidda dhibaatooyinka iyo qalalaasaha ka dhashay in la beegsado dadka ajaaniibta ah ee ku sugan dalkaas iyo weerarada lagu hayo dumarka.

    Ramaphosa "Waxaa uu go'aansaday in uusan ka tegin dalka si uu Koonfur Afrika uga dhaqan geliyo tallaabooyinka deg deg ah ee dib loogu soo celinayo xasiloonida deegaanada ay saameeyeen rabshadaha si dhaqaalaha loo xoojiyo" ayay tiri afahayeen u hadashay madaxweynaha.

    In kasta oo ay Koonfur Afrika ka taagnaayeen weeraro lagu beegsanayo dadka ajaanibta haddana waxaa jiraa dhacdooyinka kufsi iyo tacaddiyo loo geysanayo dumarka dalkaas.

    Madaxweyne Ramaphosa waxaa uu ballan qaaday inuu dhibaatooyinka uu wax ka qaban doono si gacan bir ah loogu qabto dambiilayaasha dhibaatooyinkaas ka dambeeyo.

    Khamiistii, warbixin lasoo saaray waxay muujineysay inay sare u kaceen dambiyada la xiriira tacadiyadda galmada iyo dilalka sannadkii lasoo dhaafay.

  5. Tallaalkii ugu horreeyay ee Malaariyada oo Kenya lagu tijaabinayo

    .

    Waxaa dalka Kenya lagu tijaabinaya tallaalkii ugu horreeyay ee Malaariyada, waxaana la filaya in maanta laga bilaabo dalkaas.

    Waxaa horey tallaalkan loogu tijaabiyay dalalka Ghana iyo Malawi.

    Guud ahaan saddexdan dal, in ka badan 300,000 oo carruur oo ka yar da'da 2 sanno ayaa la filaya in la siiyo tallaalkan sannad kasta.

    Tallaalkan lagu magacaabo RTS,S ayaa muddo 30 sanno ah lagu howlana, waxaana lagu tijaabiyay in difaaca jirka uu iska celin karo weerarka caabuqa Malaariyada ee ka dhasha qaniinyada Kaneecada.

    Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay sheegtay in tallaabadan ay horumar balse loo baahan yahay in Malaariyada looga hortaggo Mareeco-Kaneecada iyo dawooyinka lagu buufiyo Kaneecada.

    In ka badan 400,000 qof ayaa sannad kasta ay u geeriyodaa Malaariyada, in ka badan dadkaas waa carruur ku nool dalalka Saxaraha ka hooseeye ee Afrika.

  6. Axmed Madoobe oo ka hadlay xariga Cabdirashiid Janan iyo xayiradda diyaaradaha

    Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam
    Image caption: Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam

    Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dooneyso "inay burburiso Maamul Goboleedyada" isla markaasna ay isku dayday inay faragelin ku sameyso doorashadii ka dhacday maamulkaas.

    "Waxaan ku doodnay, war qodob kasta oo aan isku qabanno dastuurka aan dib ugu noqonno" ayuu yiri Axmed Madoobe.

    Waxaa uu sheegay in wasiirkii amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan la xiray isagoo shaqo ku jiro.

    "Waa wasiir xasaanad leh oo la yiri, dambi ayaa laguugu waayay....waa ceeb; ma dowladnimadii Soomaaliya waxay gaartay in noocaasi loo dhaqmo?"

    "Waxaan oran karaa, wasiir Cabdirashiid dambi uu leeyahay kuma xirnee,waxaa uu u xiran yahay Jubbaland kaalay nala burburi, isaguna waxaa uu yiri, 'waan dhisay; waxaan dhisay ma burburin karo'"

    Axmed Madoobe ayaa sheegay in tallaabooyinka ay waddo Dowladda Dhexe ay "dalka dib ugu celin doonaan dagaallo sokeeye".

    Waxaa uu sidoo kale xayiraadda lagu soo rogay diyaaradihii tooska u tegi jiray Kismaayo ay dhibaato ku reebeen shacabka.

    Madaxweyne Axmed Maxamad Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hadalladan maanta ka sheegay magaalada Kismaayo kadib shir ay yeesheen golihiisa wasiirada , wuxuu si kulul u weerarray madaxda sare ee Dawladda Federaalka isagoo ku eedeeyay inay cunaqabatayn ku soo rogeen Jubbaland.

    "Waayo cidda la cunaqabateynayo, maanta hadda aniga doono meel alaale iyo meeshan doono ayaan u safri karaa...haddey, beri igu dhalato waan safri karaa" ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

  7. Gorgorka argagaxa ku haya caruurta Gaashaamo

    .

    Dadka ku nool degmada Gaashaamo ee gobolka Soomaaliya, Itoobiya ayaa sheegay in ay arkeen shimbir wayn oo loo maleynayo inuu gorgor yahay oo Caruurta qaadaya.

    Hal canug ayaa dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen weerarka uu shimbirkaas halista ah uu qaaday.

    Maamulka waxay aaminsan yihiin in arrintan ay ugu wacantahay abaaraha ka jiray gobolka.

    Muno Shuceyb waa hooyada dhashay mid ka mid ah carruurta dhaawacantay. Waxay BBC Somali u sheegtay in ay maqashay canuggeeda oo qeylinaya ka dibna ay dibadda u soo carartay.

    Waxay tiri: “Waxaan maqalnay canugga oo aad u qeylinaya, guriga ayaanna orod uga soo baxnay. Waxaan arkay isagoo inanka dhulka ku haya oo afka ku garaacaya. Wuxuu ku qeylinayay ‘hooyo…hooyo’. Waan ku cararay waana ka fujiyay. Wuxuu ku hayay gacmaha oo dhulka ayuu ku baqtiinayay.”

    Maxamed Xasan waa askeriga booliska ee qaabilsan nawaaxigaas, wuxuu BBc Somali u sheegay in askar badan ay geeyeen howdka, lana amray in la toogto gorgorkaas weerarka ah.

    “Wallaahi, tan iyo dhacdadaas ka dib, waxaa jiro howlgal boolis oo socda. Askarta waxaa la geeyay meesha iyo keynta. Waxaa bixinay amar ah ah in la dilo balse weli wuu socdaa baadigoobka”. Ayuu yiri.

  8. Ugu yaraan 50 qof oo ku dhimatay shil tareen oo ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo

    Ugu yaraan 50 qof ayaa ku geeriyootay shil tareen oo ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, sida uu sheegay wasiir ka tirsan dowladda.

    Steve Mbikayi oo ah wasiirka arrimaha banii'aadanimada ayaa sheegay in shilka uu ka dhacay gobolka koonfurta ku yaalla ee Tanganyika.

    Waxaa uu tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkooda ay ku dhinteen shilka tareen.

    Waxaa uu sidoo kale sheegay in tiro dad ah ay ku dhaawacmeen shilka.

    .
  9. Eritrea oo beenisay in 'ciyaartoydeeda laga dhigay lacag Rahan ah si dalka ay dib ugu soo laabtaan'

    Ciyaartoyda xulka qaranka Eritrea sannadkii 2015-kii, 10 kamid ah ciyaartoydaas waxay diideen inay dalka dib ugu laabtaan
    Image caption: Ciyaartoyda xulka qaranka Eritrea sannadkii 2015-kii, 10 kamid ah ciyaartoydaas waxay diideen inay dalka dib ugu laabtaan

    Xiriirka kubadda cagta ee Eritrea ayaa beeniyay warar sheegayo inay ciyaartoyda xulka qaranka si khasab meel looga dhigay lacag 7,000 oo doolar si loogu cadaadiyo in ay dalka dib ugu soo laabtaan ciyaaraha kaddib.

    Ciyaartoyda Eritrea ayaa aaday dalka Namibia halkaas oo ay ciyaar ku dhexmartay xulka Namibia oo uga badiyay 2-0.

    Esayas Abraham oo ah madaxa xiriirka kubadda cagta ee Eritrea ayaa ku tilmaamay warbixinta 'mid lagu qoslo oo waxbo kama jiraan ah'.“Arrintan ayaa caadi ka ahayd oo la waydiin jiray ciyaartoyda gudaha ka dheela si ay caddayn ugu noqoto in ay soo laabanayaan tartanka ka dib. Ciyaartoyda gudaha ka dheela waxaa la waydiiyaa in ay bixiyaan 100,000 nakfa oo u dhiganta 7,000 oo doolar ama sabarloogo,” il wareed ayaa sidaas u sheegtay Idaacadda Radio Erena oo ku taalla magaalada Paris isla markaasna baahisa warar luuqadda Tigree iyo Carabi ah oo Eritrea loogu talagalay.

    Ciyaartoy badan oo reer Eritrea ah ayaa baxsaday.

    Sannadkii 2015, toban ciyaartoy oo ka tirsan xulka dalka Eritrea ayaa diiday in ay dalkooda ku laabtaan ka dib markii ay Botswana uga qayb galeen ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka., markii dambana magangalyo ayay dalbadeen.

    Ciyaarta oo dhacday Talaadadii ayay Eritrea soo wajahday guuldarro 2 iyo 0 ah.

  10. Qoyska Mugabe oo ka carooday qorshaha aaska qaran

    Meydka Mugabe ayaa shaley la geeyay magaalada Harare
    Image caption: Meydka Mugabe ayaa shaley la geeyay magaalada Harare

    Qoyska madaxweynihii hore ee geeriyooday ee Zimbabwe, Mugabe ayaa ka carooday qorshaha dowladda ee ku aadan aaska qaran ee loo sameynayo Mugabe.

    Waxay sheegeen in aanan lagala tashan qorshaha aaska isla markaasna ay doonayaan in dowladda ay kala shaqeeyaan munaasabadda lagu aasayo.

    Xubno ka tirsan qoyska ayaa sheegay inay doonayaan in meydka Mugabe ay ku aasaan gurigiisa oo ku yaalla duleedka magaalada Harare halka dowladda ay qorsheysay in lagu aaso qabuuraha 'Halyeeyada' ee Harare.

    Madaxweyne Emmerson Mnangagwa , waxaa uu ku tilmaamay Mugabe 'halyey qaran' oo usoo halgamay xornimada dalkaas.

    Robert Mugabe ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Singapore.

  11. Dad ku dhintay isbuurasho ka dhacday Mozambique

    Madaxweyne Filipe Nyusi
    Image caption: Madaxweyne Filipe Nyusi

    Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay dalka Mozambique kaddib markii ay isbuurteen dadweyne ka qeybgalayay isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay dalkaas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    Xisbiga haya talada Mozambique ee Frelimo ee uu hogaamiyo madaxweyne Filipe Nyusi ayaa isu soo baxa siyaasadeed ku qabtay magaalada waqooyiga ku taalla ee Nampula.

    Dhacdada waxaa ku dhaawacmay 85 qof.

    Isbuurashada waxay ka dhacday afaafka hore ee fagaaraha ay munaasabadda ka dheceysay oo ay dad badan joogeen,

    Wakaaladda wararka ee Portuqiiska ee Lusa ayaa ku warrantay inay heshay warar sheegayo in ugu yaraan 16 qof ay ku dhinteen halkaas.

    Madaxweynaha Mozambique ayaa xilka madaxtinimo u tartamaya markii labaad xilli la filayo in dalkaas ay ka dhacdo doorasho guud 15-ka bisha Oktoobar.

    .
  12. In ka badan 100 kamid ah muwaadiniinta Nigeria oo ka qaxay rabshadaha ka taagan Koonfur Afrika

    Muwaadiniinteeda reer Nigeria ee dib ugu laabtay dalkooda
    Image caption: Muwaadiniinteeda reer Nigeria ee dib ugu laabtay dalkooda

    Kooxdii ugu horreysay ee reer Nigeria ah oo kasoo qaxday rabshadaha lagu beegsanayo ee dadka ajaanibta ah ee Koonfur Afrika ayaa gaaray magaalada caasimadda ah ee Lagos.

    Dadkan oo gaarayay 188 qof ayaa waxay kamid ahaayeen 600 oo qof oo muwaadiniinta Nigeria ah oo dib ugu laabanayay dalkooda kaddib markii ay rabshado ka dhaceen magaalooyinka Pretoria iyo Johannesburg.

    Abike Dabiri-Erewa,oo ah guddoomiyaha ururka qurba joogta Nigeria waxaa uu sheegay in diyaarad labaad ay magaalada Johannesburg kasoo daadgureen doonto dadka kale ee ku haray halkaas.

    Rabshadaha ka dhanka ah dadka ajaanibta ah ee ku sugan Koonfur Afrika , waxaa ka dhashay caro weyn iyo khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeyo labada dal ee ugu dhaqaalaha xooggan qaaradda.

    Rabshadaha ka dhacay Koonfur Afrika waxaa ku dhintay 12 qof, waxaan lagu boobay dukaamo dhowr ah halka dab la qabadsiiyay dhismooyin.

  13. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Khamiis taarikhda waxay ku beegan tahay 12-ka bishan September sannadka 2019-ka.

  14. 'Xubno ka tirsan ururka IS oo lagu qabtay Itoobiya'

    .

    Dowladda Itoobiya waxay sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka xilli ciidammada dalkaas ay howgallo ka sameeyeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla xadka dalkaas uu la wadaago Soomaaliya.

    Dagaalyahano taabacsan ururka IS ayaa ka dagaallama dalka Soomaaliya balse waa markii ugu horreysay ay Itoobiya qabato xubno ka tirsan ururkaas.

    Sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada Itoobiya, Colonel Tesfaye Ayalew ayaa BBC u sheegay in tiro kamid ah ragga la qabtay ay ka kala soo jeedaan dalalka Suuriya iyo Yemen halka ay qaar kamid ah ay yihiin Itoobiyaan.

    Sarkaalka ma uusan sheegin tirada shakhsiyaadka ay qabteen ee ka tirsan ururka IS.

    Tesfaye Ayalew waxaa uu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay leedahay sirddoon xoog leh isla markaasna ay xiriir wanaagsan la leeyihiin dalka deriska ee Soomaaliya taas oo u horseeday inay ku guuleystaan xiridda maleeshiyaadka.

  15. Diyaaraddii siday meydka Mugabe oo gaartay Harare

    Diyaarad siday meydka madaxweynihii hore ee Zimbabwe, Robert Mugabe ayaa gaartay magaalada caasimadda ah ee Harare.

    Waxaa garoonka ay kusoo degtay diyaaradda joogay madaxweynaha Zimababwe Emmerson Mnangagwa.

    Waxaa barta Twitterka lasoo geliyay muuqaalka diyaaradda siday meydka.

    Mugabe ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay ku geeriyooday Singapore halkaas oo lagu daweynayay.

    View more on twitter
  16. Madaxweynaha Camroon oo ku baaqay in wadahadallo lala yeesho kooxaha gooni u goosadka

    Madaxweyne Paul Biya
    Image caption: Madaxweyne Paul Biya

    Madaxweyne Biya, waxaa uu dhammaan shacabka reer Cameroon ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dadallada dib u heshiisiinta qaran iyo sidoo kale in kooxaha gooni u goosadka ay dowladda isku soo dhiibaan.

    Paul Biya, waxaa uu khudbaddiisa ku jeediyay luqadda Faransiiska, dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dhaleeceeyay sababta uusan madaxweyanaha Cameroon uga hadlin luqadda Ingririisiga.

    Biya oo xilka Cameroon hayay tan iyo sannadkii 1982-dii, waxaa uu sidoo kale sheegay in wadatashiyo laga sameyn arrintaas ka hor inta aysan bilaaban wadahadallada dabayaaqada bishan.

    Gobollada af-Ingiriiska looga hadlo ee Cameroon ayaa muddo tobonaan sanno ka cabanayay gacan bidxeyn ay sheegeen inay ku heyso dowladda dhexe iyo gobolada kale af- Faransiiska looga hadlo.

  17. Qaramada Midoobey oo warbixin kasoo saartay dagaallada ka taagan Suuriya

    Dhibaatooyinka ka dhashay dagaallada Suuriya
    Image caption: Dhibaatooyinka ka dhashay dagaallada Suuriya

    Gulufka iyo howlgallada dib loogu qabsanayo gobolka Idlib waxey horseedeen inuu burbur soo gaaro Iskuulada, isbitaalada, suuqyada iyo beerihii ku yaallay gobolka, waxaa la dilay dad rayid ah halka qaar loo handdaday, halka kala bar shacabka Suuriya ay dalka ka qaxeen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

    Waxaa jiraa haween iyo carruur badan oo ku nool nolol adag oo aan jirin cid dhanka leh, waxaana dadkaas kamid ah qoysas ka tirsanaa Koxda isku magacaawday Dowladda Islaamka, 70,000 oo kamid shacabkaas waxay ku nool yihiin xerada Al Howl, xeradaas oo ay UN ta sheegtay inay ka taagan yihiin dhibaatooyin ban’iiaadanimo iyo nolol adag.

    Qaar kamid ah 13 Malyan ee ka qaxay Suuriya ayaa ku rajo weyn inay dalkooda dib ugu laabtaan.

    Qaramada Midoobey waxay sheegtay ku talisay in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo shacabka tabaaleysan isla markaasna taageero buuxdo la siiyo shacabka dib ugu laabanayo guryahooda.

    Waa warbixintii 18-aad ay Qaramada Midoobey kasoo saartay dagaallada 9 sanno jirsaday ee ka taagan Suuriya.

  18. Ciyaartoyda Eritrea oo Rahan laga dhigay si aysan magangalyo u dalban

    Ciyaartoyda kubbadda cagta ee Eritrea ee aaday dalka Namibia si ay uga qayb galaan ciyaarta ka tirsan isreebreebka Koobka Adduunka ayaa meel laga dhigay lacag u dhiganta 7,000 oo doolar, si loogu cadaadiyo in ay dalka dib ugu laabtaan ciyaarta ka dib.

    “Arrintan ayaa caadi ka ahayd oo la waydiin jiray ciyaartoyda gudaha ka dheela si ay caddayn ugu noqoto in ay soo laabanayaan tartanka ka dib. Ciyaartoyda gudaha ka dheela waxaa la waydiiyaa in ay bixiyaan 100,000 nakfa oo u dhiganta 7,000 oo doolar ama sabarloogo,” il wareed ayaa sidaas u sheegtay Idaacadda Radio Erena oo ku taalla magaalada Paris isla markaasna baahisa warar luuqadda Tigree iyo Carabi ah oo Eritrea loogu talagalay.

    Ciyaartoy badan oo reer Eritrea ah ayaa baxsaday.

    Sannadkii 2015, toban ciyaartoy oo ka tirsan xulka dalka Eritrea ayaa diiday in ay dalkooda ku laabtaan ka dib markii ay Botswana uga qayb galeen ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka., markii dambana magangalyo ayay dalbadeen.

    Ciyaarta oo dhacday Talaadadii ayay Eritrea soo wajahday guuldarro 2 iyo 0 ah.

  19. Xildhibaanno reer Uganda ah oo loo diiday in ay galaan guryo dadka lagu jir dilo”

    Waxaa la arkay xildhibaannada oo isku dayaya in ay galaan mid ka mid ah guryaha aan calaamadaysnayn
    Image caption: Waxaa la arkay xildhibaannada oo isku dayaya in ay galaan mid ka mid ah guryaha aan calaamadaysnayn

    Xildhibaanno reer Uganda ah oo baaritaan ku haya eedaymo sheegaya in laamaha ammaanku ay jir dilaan dadka ay soo xiraan ayaa loo diiday in ay galaan dhismeyaasha la sheegay in ay jirdilladaasi ka dhaceen.

    Dhismayaashan oo aan astaamo lagu garto lahayn oo ku yaalla magaalada Kampala ayaa u eg guryaha deegaanka ah, balse waxaa ilaaliya askar. Dadka shacabka ah ayaa sheegay in ay ka cabsadaan agmaritaanka guryahaas.

    Xildhibaannadan oo ka tirsan guddiga xuquuqda aadanaha ee barlamaanka ayaa dhagaystay dad sheegaya in lala tagay oo guryahaas lagu soo jirdilay ka dibna saldhigyo booliis la geeyay.

    Ismaaciil Kalule oo ah daaci Muslim ah ayaa ka mid ah dadka sheegay in si xun loola dhaqmay.

    Lix jeer ayaa la xiray 11-kii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna sheegay in afar ka mid ah la geeyay guryahaas aan summadda lahayn.

    Isaga oo sharaxaya jir dilka loo gaystay ayuu sheegay in lagu amray in uu hal hal u rifo timaha garkiisa ku yaalla.

    “Dabiiciyan waa arrin xannuun badan, marka waan awoodi waayay in aan fuliyo – dhirbaaxo ayayna igala daaleen."

    Xildhibaanno

    Xildhibaannada ayaa isku dayay in ay galaan mid ka mid ah guryaha uu Ismaaciil sheegay in lagu jir dilay, balse gurigaas iyo kuwo kalaba waa laga hor istaagay in ay galaan.

    Dawladda Uganda ayaa xaqiijisay in ay jiraan guryo aan calaamadaysnayn oo ay isticmaasho balse loo adeegsado arrimo sirdoon oo kali ah.

    Xildhibaanno
  20. Mugabe oo maydkiisa loo soo duuliyay Zimbabwe

    Mugabe

    Maydka Robert Mugabe oo saaran diyaarad khaas ah ayaa laga sii qaaday Singapore oo uu Jimcihii ku geeriyooday, si madaxweynihii hore loogu aaso dalkiisa Zimbabwe.

    Mugabe oo 95 jir ahaa ayay dawayn uga socotay Singapore.

    Mugabe ayaa noqday madaxweynihii koobaad ee Zimbabwe ka dib markii uu dalkaasi xoriyadda helay.

    Axadda ayaa lagu aasi doonaa Zimbabwe.

    Mugabe