Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Nairobi waxaa la keenay qaar kamid ah haraagii meydadka dadkii ku dhintay shilkii diyaaradda Itoobiya

    Dad badan oo murugeysan ayaa isugu uruuray magaalada Nairobi ee dalka Kenya si ay u qaabilaan haraaga meydadka dadkii ku dhintay shilka diyaaradda Itoobiya ee dhacay bishii Maarso ee sannadkan.

    32 kamid ah dadkii ku dhintay shilka waxay kasoo jeedeen Kenya.

    Haraaga meydadka laga dejiyay Nairobi
    Image caption: Haraaga meydadka laga dejiyay Nairobi
    Haraaga meydadka laga dejiyay Nairobi
    Image caption: Haraaga meydadka laga dejiyay Nairobi
  2. Ciidammo Suuriya oo gaaray Waqooyiga xilli Turkiga uu howlgal ka wado halkaas

    Ciidammada Suuriya waxay gaareen magaalada Tal Tamer ee ku taal xadka
    Image caption: Ciidammada Suuriya waxay gaareen magaalada Tal Tamer ee ku taal xadka

    Ciidammada Suuriya ayaa bilaabay inay gaaraan waqooyiga dalkaas kaddib markii dowladda ay sheegtay inay u gurmaneyso ciidammada Kurdiyiinta ee uu Turkiga dagaalka ku hayo.

    Warbaahinta dowladda waxay ku warrantay in ciidammada Suuriya ay gudaha u galeen 50 Kiiloomitar deegaan dhaca xadka Turkiga si ay uga hortaggaan howlgalka ciidammada Turkiga ee ka dhanka fallaagada Kurdiyiinta ee Waqooyiga Suuriya.

    Turkiga ayaa howlgallo militari ka bilaabay waqooyiga Suuriya toddobaadkii lasoo dhaafay kaas oo uga golleeyahay in dagaalamayaasha Kurdiyiinta uu kaga saaro deegaanada xadka.

    Deegaanada ay maamulaan Kurdiyiinta Suuriya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa duqeynayay Turkiga,Ciidammada Turkiga waxay bartilmaameedsaneeyn labo magaalo oo muhiim ah oo ku yaal xadka.

    Tiro shacab ah ayaa isaga qaxay deegaanada xadka, waxaana sidoo kale ku dhintay weerarada ciidammo ka tirsan labada dhinac.

    Axaddii, Mareykanka wuxuu shaaca ka qaaday inuu ciidammadiisa kala baxayo waqooyiga Suuriya.

  3. Sacuudiga oo albaabbada u furay dalxiiska marka laga reebo Maka iyo Madiina

    Magaalada Jiddah
    Image caption: Magaalada Jiddah

    Haweenka shisheeye ee dalxiiska ah lagu khasbi maayo in ay xidhaan cabbaayadaha madow ee jidhka wada qariya ee dumarka Sucuudigu gashadaan, laakiin sidaas oo ay tahay ayaa in lebis anshax ka muuqdo ay qaataan la fari doonaa. Haweenka dalxiiska ah lagu qasbi maayo in ay maxram wataan.

    "Dhaqan baanu leenahay. Waxaanu rumaysannahay in asxaabtayada iyo dadka dalkayaga soo booqdaaba ay tixgelin doonaan dhaqanka waana xaqiiq inuu yahay mid xishmada dadka fara arintaasina way iska caddahay." Ayuu mar kale yidhi Al-Khadiib.

    Dadka aan Muslinka ahayn loo ogolaan maayo in ay tagaan magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madiina, khamiriguna sidiisuu mamnuuc u ahaanayaa.

    Magaalada Jidda oo ah magaala ganacsi ilaa iyo 1982-kii waxay ahayd caasimadda dalka. Magaalada Jidda waxay weli sii tahay magaalo dhaqan ahaan iyo bilic ahaanba hodan ku ah waxayna ka mid tahay magaalooyinka ugu waaweyn ee badda cas ku yaalla.

    Faahfaahinta halkan ka akhri:

  4. Suudaan oo wadahadal la yeelaneyso kooxaha fallaagada

    Wafddi uu hogaaminayo Maxmed Xamdaan 'Hemeti' Dagolo oo ah sarkaal sare oo ka tirsan golaha maamulka kumeel gaarka ee Suudaan ayaa ku sugan Suudaanta Koonfureed halkaas oo uu wadahadallo kula yeelanyo kooxaha fallaagada ee ka dagaallama Suudaan.

    Wadahadallada u dhexeeya fallaagada iyo xukuuumadda Suudaan waxaa dhexdhexeedinaya madaxweynaha Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir.

    Wadahadallada ayaa looga golleeyahay in kooxaha ka dagaalama gobollada Blue Nile, Koonfurta Kordofaan iyo Darfur inay kusoo biiraan dowladda Suudaan isla markaasna ay ka qeyb noqdaan hanaanka siyaasadeed ee dalkaas.

    Hogaamiyaha golaha kumeel gaarka ah ee Suudaan Cabdul Fataax Al Burhan ayaa ka qeybgeli doonaa wadahadallada u dhexeeyay dowladda iyo kooxaha fallaagada iyo hogaamiyeyaal ka socda Kenya, Itoobiya iyo Uganda, sida laga soo xigtay saraakiil kasoo jeedo Suudaanta Koonfureed.

    Dadka lagu martiqaaday wadahadallada waxaa kamid ah madaxweynaha Masar, Cabdul Fataax Al Sisi.

  5. Qaar kamid ah meydadka dadkii ku dhintay shilkii diyaaradda Itoobiya oo Kenya la keenayo

    Diyaaraddii ku burburtay Itoobiya horraantii sannadkan
    Image caption: Diyaaraddii ku burburtay Itoobiya horraantii sannadkan

    Waxaa dalka Kenya laga dejinaya haraaga meydadka dadkii ku dhintay shilkii diyaaradda Itoobiya ee dhacay bishii Maarso ee sannadkan, meydadkaas la helay waxay ahaayeen dadkii kasoo jeeday Kenya ee shilka ku dhintay.

    Diyaaraddii ET302 ayaa xilliggii uu shilka dhacayay kasoo ambabaxday magaalada Addis Ababa waxay ku wajahneyd Nairobi.

    Waxaa bilooyin dhowr ah socday baaritaano dhanka Hidde-sidaha oo lagu sameynayay meydadka 157 qof ee ku dhintay shilkaas.

    Diyaaradda waxaa saarnaa dad ka kala soo jeeday ilaa 30 waddan, Tiradii ugu badneyd ee ku dhimatay shilka waxay kasoo jeedeen dalka Kenya.

    Xaalad murugo ah ayaa soo wajahday qoysaska 32-kii qof ee Kenyaanka ah ee ku dhintay xilli lagu wado inay arkaan haraaga meydadka.

    Mas'uuliyiinta dalka Itoobiya waxay sheegeen in meydadka la aqoosan waayay lagu aasi doono goobtii uu ka dhacay shilka diyaaradda.

  6. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Isniin taarikhda waxay ku beegan tahay 14-ka bisha Oktoobar 2019.

  7. Danyeero faro ba'an ku hayo xoolaha Soomaalida

    .

    Dadweynaha ku nool deegaanka Balambala oo ka tirsan magaalada Garissa ee gobolka waqooy bari Kenya ayaa waxay cabasho ka muujinayaan Daanyeer weerar ba’an uu ku hayo arigooda isla markaasna si xun u dilayo.

    Waxay sheegayaan in Daanyerka uu ariga Candhada ka goosanayo .

    Maxamed Shukri oo kamid ah dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in abaarta jirto aawgeed uu Daanyeerka bilaabay inuu kusoo duulo ariga taasina ay argagax ku reebtay dadka deegaanka.

    "Wuxuu qabsadaa Daanyeerka ariga...neefka wuxuu ka cunaa qaarka dambe, halka qaarkood uu candhaha ka cunayo....maalintii waxaa laga yaaba inuu cunno 10 neef" ayuu yiri Maxamed Shukri.

    Daanyeerkan ayaa u socdaa raxan raxan, waxaa uu khasaare u geystay dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool halkaasi.

  8. Qaar kamid ah madaxda caalamka oo u hambalyeeysay Abiy Axmed

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa kamid madaxda hambalyada u dirtay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ku guuleystay abaal marinta nabadda ee Nobel.

    Wuxuu u sheegay in Abiy Axmed uu mudan yahay in la siiyo abaal marinta noocan ah.

    View more on twitter

    Xoghayaha ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa sheegay in higsiga Abiy Axmed uu horseeday in heshiis nabadeed oo taarikhi ah ay wada gaaraan Itoobiya iyo Eritrea.

    View more on twitter

    Dhanka kale, guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Muusa Faki Maxamad ayaa sheegay in dadaallada nabadeed ee Abiy ay dunida u horseeday rajo.

    View more on twitter
  9. Abiy Axmed oo ku guuleystay biladda abaal marinta nabadda ee Nobel

    Ra'iisul wasaare Abiy Axmed
    Image caption: Ra'iisul wasaare Abiy Axmed

    Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku guuleystay biladda abaal marinta nabadda ee Nobel.

    Biladda abaal marinta nabadda sannadkan 2019-ka waxaa la guddoonsiiyay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

    Waxaana la bogaadiyay dadaallada nabadda uu garwadeenka ka yahay ee gobolka iyo kaalinta uu ka qaatay iskaashiga caalamiga ah.

    Heshiskii nabadeed ay wada gaareen Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu soo afjaray dagaalkii 20 sanno socday oo u dhexeeyay labada dal.

    Abiy Axmed ayaa loo magacaabay shakhsiga 100-daa ee ku guuleysta biladda abaal marinta nabadda ee Oslo.

    Abiy Axmed

    • Waxaa dhalay aabe muslim ah iyo hooyo kiristaan ah, 15-kii bishii Agosto sannadkii 1976-kii.
    • Waxaa uu ku hadlaa luqadaha kala ah Afaan Oromo, Amxaarik, Tigrinya iyo Ingiriiska.
    • Waxaa uu kamid ahaa ciidammadii Itoobiya ee nabad ilaalinta u joogay Rwanda sannadkii 1995-kii.
    • Siyaasadda waxaa uu kusoo biiray sannadkii 2010-kii.
    • Muddo yar ayuu hayay xilka wasiirka seyniska iyo teknooloojiyadda dalka Itoobiya sannadkii 2016-kii.
    • Waxaa uu noqday ra'iisul wasaaraha Itoobiya bishii April sannadkii 2018-kii.
  10. Kenya oo wufuud u direysa caleemo saarka Axmed Madoobe

    Aden Barre Ducaale oo laga soo doorto Garisa, waa hoggaamiyaha Aqlabniyadda Baarlamaanka Kenya
    Image caption: Aden Barre Ducaale oo laga soo doorto Gaarisa, waa hoggaamiyaha Aqlabniyadda Baarlamaanka Kenya

    Kenya ayaa ku dhawaad 40 wufuud ah u direysa magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, sida uu BBC u xaqiijiyay hogaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale.

    "wafddi culus ayaa u hogaaminaya Kismaayo oo ka qeyb geli doono caleemo saarka Axmed Madoobe" ayuu yiri Ducaale.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli dowladda Kenya ay horey u aqoonsatay doorashadii lagu doortay Axmed Maxamed Islaam halka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.

    Shaley, waxaa Kismaayo gaaray madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed xilli la filayo in ay qabsoonto xafladda caleema saarka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo dib loogu soo doortay doorashadii madaxweynaha Jubbaland ee dhawaan dhacday, inkastoo uu muran badan hareeyay.

    Siyaasiyiinta kale ee Kismaayo gaaray waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

  11. Diyaarad yar oo shil ku gashay garoon ku yaalla Nairobi

    Diyaarad rakaab ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi kaddib markii diyaaradda ay ka baxday khadka garoonka ay diyaaradaha ku orddaan.

    Shilka wuxuu dhacay xilli diyaaradda ay duuleysay, sida uu ku warramay wargeyska Daily Nation.

    ilaa hadda lama soo sheegin khasaare ka dhashay shilkaas.

    Sidoo kale, wargeyska The Star ayaa baraha bulshada soo geliyay sawirka diyaaradda.

    View more on twitter
  12. Tobonaan kun qof oo ka qaxay waqooyiga Suuriya xilli uu socdo howlgalka Turkiga

    Dad ka qaxayo magaalada Raas Al Ceyn ee Suuriya
    Image caption: Dad ka qaxayo magaalada Raas Al Ceyn ee Suuriya

    Tobonaan kun oo qof ayaa ka qaxay guryahooda oo ku yaal waqooyiga Suuriya xilli ciidammada Turkiga ay howlgal ka wadaan deegaanada ay ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Kurdiyiinta.

    Ciidammada Turkiga ayaa ku hareereysan magaalooyinka dhaca xudduudka ee kala ah Ras Al-Ceyn iyo Tal Abyad.

    Ha'yadaha gargaarka waxay ka cabsi ka qabaan in tirada dadka dadka qaxaya ay gaari karto kumanaan kun.

    Duqeymaha diyaaradaha dagaalka Turkiga ay ka wadaan magaalada Tal Abyad ee waqooyiga Suuriya
    Image caption: Duqeymaha diyaaradaha dagaalka Turkiga ay ka wadaan magaalada Tal Abyad ee waqooyiga Suuriya

    Waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee looga looga codsanayo Turkihga inuu hakiyo howlgallada uu ka bilaabaya waqooyiga Suuriya.

    Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa sheegay in ujeedada hawlgalkan ay tahay samaynta "aag ammaan ah" oo laga sifeeyay xooggaga Kurdiyiinta, deetana la dejin doono qaxootiga Suuriya.

    Xooggaga Kurdiyiinta ee garabka u ahaa Maraykanka ayaa wacad ku maray inay iska caabin doonaan duulaankaasi.

    Duulaanka Turkiga ayaa bilowday maalmo uun kadib markii uu madaxweyne Trump ciidanka Maraykanka ka saaray deegaankaasi weerarku ka dhacay, taasoo u muuqatay inuu ogolaansho siiyay xukuumadda Anka

  13. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Jimco taarikhda waxay ku beegan tahay 11-ka bisha Oktoobar 2019.

  14. Qaxooti argagaxsan oo ku sugan Koonfur Afrika oo baaq u diray Qaramada Midoobey

    Boqolaal qof oo qaxooti ah ayaa isugu uruuray afaafka hore ee xafiiska ha'yadda UNCHR ay ku leedahay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika si magangelyo loo siiyo dadkaas.

    Qaxootigan waxay sheegeen in noloshooda ay halis ku jirto maadama aysan heysan amni.

    Qaxootigan waxay ka kala soo jeedaan dalalka kala ah Rwanda, Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo iyo Bangaladesh, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    Waxay sheegeen inay bartilmaameed u noqdeen weerarada ka dhanka ah dadka ajaaniibta ee ku sugan Koonfur Afrika.

    Warbaahinta IOL oo soo xiganeyso afahayeen u hadashay qaxootiga ayaa sheegtay in rajada kaliya ay tahay UNCHR si magangelyo ay ugu raadiso.

    Dhawaan waxaa dalka Koonfur Afrika ka dhacay weerar lagu bartilmaameedsaday dadka ajaanibta ah, waxaana la boobay dukaamo dhowr ah halka dhismooyin dab la qabadsiiyay.

    Nigeria waxay dalkaas ka daadgureysay boqolaal kamid ah muwaadiniinteeda.

  15. Taliye uu xilka ka qaaday Dani oo uu Farmaajo xil sare u magacaabay

    Cabdixamiid Maxamed Dirir
    Image caption: Cabdixamiid Maxamed Dirir

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taliyaha ciidanka lugta ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya u magacaabay Cabdixamiid Maxamed Dirir.

    Cabdixamiid waxaa dhawaan xilkii taliyaha booliska Nugaal ka qaaday madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Maxamed Dani.

    Wuxuu horey u ahaa taliyihii ciidammada la dagaalanka argagixisada ee gobolka.

    Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo wuxuu Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka u magacaabay Maxamed Cali Bariise .

  16. 'Toddobo qof oo ku dhimatay daadad ku dhuftay Tanzania'

    Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay daadad ku dhuftay dalka Tanzania kaddib markii roobab mahiigaan ah ay ka da'een degmada dhacda waqooy bari dalkaas ee Korogwe, sida uu ku warramay wargeyska Mwananchi.

    Fataahada ka dhalatay roobabka ayaa boqolaal qof ku qasbay inay isaga qaxaan tuulooyin hoostago degmada Korogwe.

    Biyaha ka dhashay fataahadaha waxay la wareegeen Koleej iyo suuq ku yaal halkaas, sida ay sheegeen saraakisha gudaha.

    Mas'uuliyiinta waxaa u suurogashay inay daadgureeyaan dadkii ku noolaa goobaha ay saameeyeen fatahaadaha.

    View more on twitter
  17. Madaxweynaha Puntland oo u ambabaxay Kismaayo

    Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo
    Image caption: Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo

    Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulahi Dani ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.

    Wafddiga uu hogaaminayay Deni ayaa lagu soo dhaweeyay Kismaayo.

    Waa wafdigii labaad oo magaalada Kismaayo gaara muddooyiinkii ugu dambeeyay.

    Arrintan ayaa ku so beegmaysa xilli ay dowladda Soomaaliya xayiraad kusoo roogtay diyaaradaha aada Kismaayo.

    Waxaa magaalada Kismaayo lagu wadaa in ay dhawaan ka dhacdo xaflada caleema saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaan, dowladda Federaalka waxay sheegtay inay aysan aqoonsaneyn doorashadii ka dhacday maamulkaas.

    Waxaa horey magaalada Kismaayo uga dagay wafdi ay ka mid ahaayeen madaxwaynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan sh aadan iyo madaxwyanihii hore ee Galmudug Cabdi Kaiim Guuleed.

  18. Rwanda oo xarigga ka jartay shirkaddii ugu horreeysay ee sameysa telefoonada gacanta ee smartphone-ka

    .

    Rwanda ayaa xarigga ka jartay shirkaddii ugu horreeysay ee sameysa telefoonada gacanta ee smartphone-ka loo yaqaan ee ka howl gasha Afrika. Xaflada lagu daah furayay shirkadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne Paul Kagame.

    Shirkadda tegnoologiyadda ee Mara Group ayaa waxay soo saartay telefanno loogu magac daray Mara X iyo Mara Z, kuwaasi oo istcimaali doona habka softi-weerka Android.

    Qiimaha telefoonadaan ayaa kala ah 175,750 Rwandan francs ($190; £155) iyo 120,250 Rwandan francs ($130;£106).

    Waxaa jira shirkada kale oo sameeya teleefoonada oo ku yaalla dalalka Masar, Itoobiya iyo Koonfur Afrika, balse qalabka ayay dibadaha ka soo dhoofiyaan.

    Agaasimaha guud ee shirkadda Ashish Thakkar ayaa sheegay in teleefoonkasta laga sameeyay 1,000 xabo.

    Waxa u sheegay in kharashka warshadda ku baxay uu gaarayo ilaa iyo $ 24 ayna awood u leedahay in maalinkiiba ay soo saarto 1,200 oo telefoon.

    Madaxweyne Paul Kagame ayaa sheegay inuu rajeynayo in telefoonadan ay sare u qaadi doonaan isticmaalka telefoonada gacanta ee Smartphone-ka ee Rwanda boqolkiiba 15.

  19. ''100,000 oo barakacayaal ah ayaa ku haray xerooyinka qaxootiga ee Itoobiya''

    Sahle-Worke

    Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zwede ayaa furitaanka baarlamaanka dalkaasi ka sheegtay in dowladda ay sannad gudihiis ugu suuro gashay in inta badan Labadii milyan ee qof ee gudaha dalkaasi ku baracakacay ay guryahooda ku soo celiso.

    Dagaalkii qoomiyadaha ee ka dhacay dalkaasi kaasi oo sii xogeeystay ka dib markii sannadkii 2018-kii la doortay ra’isal wasaare Abiy Axmed ayaa sababay inay malaayiin qof guryahoda ka barakacaan.

    Madaxweyne Sahle-Work ayaa kulanka kal fadhiga sanad laha ah ee baarlamaanka ka sheegtay in 100,000 oo qof kaliya ay haatan ku hareen xerooyinka.

    Waxay sidoo kale sheegtay in sannadkii la soo dhaafay ay dowladda fududeeysay dib u soo celinta in ka badan 90,000 oo qof oo reer Itoobiya ah.

    Waxay sheegtay in khaladaadkii hore la sixi doono si sannadka 2020-ka ay dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xaal ah.

  20. Baadari Mareykanka u dhashay oo Rwanda laga tarxiilay

    Gregg Schoo

    Baadari u dhashay dalka Mareykanka oo Isniintii lagu xiray dalka Rwanda ayaa la tarxiilay sida uu sheegay wargeyska New Times ee Rwanda.

    Baadariga ayaa la sheegay inuu kulan sharci darro la yeeshay weriyeyaasha.

    Agaasimaha guud ee wasaaradda socdaalka Rwanda Regis Gatarayiha ayaa laga soo xigtay isagoo sheegaya in baadari Gregg Schoof dalka laga tarxiilay.

    Wadaadka ayaa la sheegay inuu doonayay inuu dowladda ku dhaleeceeyo damintii loo geeystay xaruntiisii raadiyaha iyo kaniisaddii uu maamulayay.

    Raadiyaha oo lagu magacaabayay Grace ayaa waxaa la mamnuucay sannadkii hore ka dib markii uu baahiyay khudbad lagu sheegay in dumarka ay yihiin ‘’sheydhaan’’.

    Dhanka kale kaniisaddiisa iyo boqolaal kale ayaa la xiray bishii Febraayo ka dib markii ay ku guul dareysteen inay buuxiyaan shuruudahii laga doonayay.