Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Soomaaliya oo garaacday Burundi

    .
    Image caption: Maxamuud Cali wuxuu ka mid yahay difaacyada xulka Soomaaliya

    Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul darro 1-0 ah dhabarka u saariyay dhiggooga waddanka Burundi, ka dib markii ay maanta oo Jimce ah isku arkeen ciyaar qeyb ka ahayd tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA.

    Labada kooxood oo ku wada jira horinta koowaad ee "A" ama (Group A) ayaa yeeshay ciyaartoodii ugu horreysay. Ciyaaroyga xulka Soomaaliya ee lagu magacaabo Cumar Maxamed ayaa goolka guusha dhaliyay daqiiqaddii 40-aad ee ciyaarta.

    Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar xiiso leh, inkastoo ciyaartoy calaamadda guduudan laga siiyay xulka Burundi, kaasoo laga saaray garoonka.

    Burundi oo gurigeeda marti loogu ahaa ayaa la filayay inay ka faa'iideysato fursaddaas ay wareegga afaraad isaga hor imaadeen Soomaaliya.

    Horinta Group A, waxaa ku jira Soomaaliya, Eritrea, Jabuuti, Uganda iyo Burundi. Soomaaliya ayaa saddexdii kulan ee hore labo ka mid ah laga badiyay, markii ay ka hor tagtay Uganda iyo Eritrea, halka midna ay barbarro la gashay xulka waddanka Jabuuti.

    Sidaas waxay kaalinta saddexaad uga galeen horinta A, waxayna isku dhibco yihiin Jabuuti.

    Hase ahaatee, Burundi ayaa laga soo guuleystay saddexdii kulan ee ay ciyaareen, oo uu ku jiro midka maanta ay la yeesheen Soomaaliya.

    Soomaaliya ayaa maalinta Axadda ah ee 15-ka bishan December kulanka ugu dambeeya ee Group A la yeelan doonto xulka qaranka Eritrea.

  2. Magaalo Soomaaliyeed oo go'doonsan oo la timid farsamo cusub oo ay garoon ku dhisanayaan

    .

    Gobolka Gardafuu waxa u ka tirsan yahay Puntland, wuxuuna ka mid yahay meelaha ay saameeyeen duufaantii dhawaan ku dhufatay deegaanada puntland,

    Waxaa yaraaday adeegyadii uga imaan jiray gobolada kale ee loo marsiin jiray badda iyo beriga oo ay hakad galiyeen duufaanta iyo jidadka oo burburay,

    Waxa socda isku day lagu doonayo in dib loogu dayactiro garoonka Caluula,sida sawirkan ka muuqata waxan jirin gaadiidka dayactirka halka la isticmaalayo gaari yar oo lagu jiidayo bir gacanta lagu sameeyey sida uu BBC-da u sheegay Cismaan Maxamed Shire oo ah gudoomiyaha dibu dhiska garoonka Caluula.

    .

    Waxa socda isku day lagu doonayo in dib loogu dayactiro garoonka Caluula,sida sawirkan ka muuqata waxan jirin gaadiidka dayactirka halka la isticmaalayo gaari yar oo lagu jiidayo bir gacanta lagu sameeyey sida uu BBC-da u sheegay Cismaan Maxamed Shire oo ah gudoomiyaha dibu dhiska garoonka Caluula.

  3. “Waxay hortayda ku dileen seygayga”

    Hasina Begun

    Gabdhan lagu magacaabo Hasina Begun, oo ka tirsan qaxootiga qowmiyadda looga tirada badan yahay dalka Myanmar ee Rohingya waxay dib u xasuusaneysaa dilalii "naxdinta lahaa" ee loo geystay xubnihii qoyskeeda.

    Waxay BBC-da u sheegtay in 10 ruux oo ka mid ah qoyskeeda ay dhinteen markii ay milatariga Myanmar dab qabadsiiyeen xaafaddii ay dagganaayeen, ka dibna ay rasaas ku fureen shacabkii halkaas joogay.

    "Xilligaas waxaan u maleynayay inaan aniga xitaa badbaadeynin, waxay horteyda ku dileen seygeyga iyo xubnihii kale ee qoyskeyga, aad baan u argagaxay runtii. Markii ay meesha ka tageen waxaan u lugeeyay dhinaca keynta, waxaana tagay xaafad kale oo naga korreysay", ayey tiri.

    Gabadhan hadda da'deedu waa 22 sano.

    Hasina waxay kasoo safartay xeryaha qaxootiga ee ku yaalla Bangladesh, halkaasoo ay ku jiraan in ka badan 700,000 oo qaxootiga Rohingya ah, waxayna ka qeyb galeysaa dhageysiga kiis maxkamadeed oo ku saabsan eedeymaha xasuuqa ee loo heysto xukuumadda Myanmar.

    Hoggaamiyaha Myanmar, haweeneyda lagu magacaabo Aung San Suu Kyi dalkeeda ka difaacday eedeyntaas, iyadoo ku sugan maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ, oo hoostagta Qaramada Midoobay.

    Hasina waxay rajo ka qabtaa in qaxootiga qowmiyaddeeda ay caddaalad heli doonaan.

  4. Askari lagu abaalmariyey arrin bini'aadanimo oo uu sameeyey

    .

    Jairus Mulumia, oo ah askari u dhashay dalka Kenya ayaa shalay waxa uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ka gudoomiyey abaalmarin, shalay ayaa dalka Kenya laga xusayay maalintii ay madaxbanaanida kala wareegtay Ingiriiska.

    Sawirka ninkan ayaa horay baraha bulshada loogu shaaciyey, isaga oo ku labisan dharka booliska oo arday ku jirta fasal wax baraaya.

  5. Boris Johnson oo oo ku guuleystay doorashadii Britain

    Boris Johnson ayaa dib ugu laaban doona xafiiska Downing Street isaga oo si aqlabiyad ah ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday shalay.

    Xisbiga Mr Johnson ayaa xitaa guulo ka soo hoyiyay goobo ay caadiyan markii hore ku guuleysan jireen xisbiga shaqaalaha.

    Iyada oo ay hartay in lagu dhawaaqo natiijada dhowr kursi ayaa waxa ay BBC saadaalinayso in xisbiga muxafidka uu helaya qlabiyad dhan 78.

    Rai'sul wasaaraha ayaa sheegay in guushan ay siinayso fursad "uu ku hirgaliyo ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub " islamarkana uu UK ka saaro Yurub.

    Jeremy Corbyn ayaa dhankiisa sheegay in ay u tahay "habeen aad uu u niyad jabay "islamarkana uusan u tartami doonin mustaqbalka doorashooyiinka soo socda.

    Xisbiga muxaafidka ayaa heli doona 364 xildhibaan, halka xisbiga shaqaalaha ay ku guuleysteen kuraas dhan 203,SNP 55, Liberal democrats 13, Plaid Cymru afar iyo Greens oo hal kursi ah.

    Arrintan ayaa waxay micnaheedu tahay in xisbiga muxaafidka ay aqlabiyadii ugu balaarnayd ku yeelan doonaan baarlamaanka tan iyo 1987 oo Margaret Thatcher ay aqlabiyad la mi ah heshay.

    Fafaahinta halkan ka akhriso Link

    Boris Johnson
  6. Webiga Shabeelle oo fatahay oo ay dad badan guryahooda ka barakaceen

    .

    Boqolaal qof ayaa ku barakacay magaalada Afagooye ee gobolka Shabeellaha hoose kaddib markii uu fatahay wabiga Shabeelle ee magaaladaasi dhexmara.

    Barakaca ayaa yimid kaddib markii daadad ay guryaha ugu galeen guryaha, waxaana mas'uuliyiinta degmadaasi ay sheegayan in dad abdan ay ku khasbanaadeen in ay guryahooga ka qaxaan.

    Dadka barakacay ayaa la sheegayaa inay ku tabaalaysan yihiin goobaha ay ku barakaceen.

  7. Dadka Afrikaanka ah oo loo fasaxay inay Visa la'aan tagaan Nigeria

    .

    Xukuumadda Nigeria ayaa ku dhawaaqday in dalkasta oo afrikaan ah, oo doonaya inuu soo booqdo uu Fiisaha heli doono kolka uu soo gaadho garoonka.

    Madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa sheegay inay arrintan u sameeyeen si ay u fududeeyaan isu socodka gudaha qaaradda Afrika.

    Bishii July dalka Nigeria waxa uu saxiixay heshiiska ganacsiga xorta ee qaaradda Afrika, taasi oo sahlaysa hormarinta ganacsiga.

    View more on twitter
  8. Gabadh 16 sano jir ah oo loo magacaabay qofka sanadka

    .

    Greta Thunberg, oo ah gabadh u dhalatay Sweden safka horena uga jirtay ololaha isbeddelka cimilada ayaa loo magacaabay qofka sanadka 2019-ka, abaalmarintan ayaa ah mid sanadla ah oo uu bixiyo waragayska Time.

    Sanad ka hor Greta Thunberg waxay ahayd qof caadi ah oo cinwaan u gaar ah ku lahayd barta Instagram.

    Waxaana inta badan lagu yaqaanna sawir ay gabadhan yar ku gashay dhul qurux badan iyada oo uu eygeeda ku wehliya xilli ay ceedceeddu sii dhaceysa, dhul baraf ah iyo dhul bannaan ahna ay ku gashay.

    Marka laga reebo farriimo kooban oo isbeddelka cimilada ku saabsan oo ay ku cabbireyso dareenkeeda ku aaddan dhibaatooyinka ka iman kara isbeddelka cimilada, wax gaar ah oo ay sameysay ma jirin. Balse dhowr bilood kaddib waxay noqotay xubin caan ah oo hoggaamisa dhadhaqaaqyada caalamka ka socda ee isbeddelka cimilada la xiriira.

    Baraha bulshada lagu wada xiriiro ayaa qayb weyn ka qaatay iney Greta ka mid noqotay shan qof ee dhalinyarada oo safka hore ugu jira ololaha isbeddelka cimilada.

    20-ka bisha August 2018-ki, waxay shaacisay sawir ay iska qaadday iyada oo baarlamaanka dalka Sweden hor fadhida iyada oo ka mudaharaadeyso dowladda sida ay tillaabba uga qaadi la'dahay isbeddelka cimilada.

    Waxayna sawirkeeda raacisay qoraal ah: "Annagu haddaan carruur nahay inta badan ma qabanno waxa ay dadka waaweyn qabtaan. Waxaan sameyneynaa waxaad sameyseen oo kale. Iyo maadaama aadan wax macno ah ka bixin mustaqbalkayga. Aniguna ma oggolaanayo inaad mustaqbalkeyga ku ciyaartan."

  9. Xaafada Islii ee Nairobi waxa ay ka mid tahay meelaha kirada guryaha ugu qaalisa, waxaana warbixintan ku eegeysa Samiira Cabdullaahi.

    View more on facebook
  10. Weerar ay rag hubeysan xalay ku qaadeen xerada Hiilweyne ee degmada Balcad

    Ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay weerar rag hubeysan ay xalay ku qaadeen xerada Hiilweyne ee ciidamadii hore ee Soomaaliya ee degmada Balcad oo qiyaastii 25 km waqooyi uga beegan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

    Koox lo malaynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay mudo saacad ku dhaw ay weerar ku hayeen xerada, markii dambana ay halkaasi la wareegeen ka hor inta aanay isaga bixin.

  11. Dal ay siyaasiyiintiisu 'qirteen inay doorashada ku shubteen'

    .

    Xubin ka mid ah xisbiga talada haya ee dalka Botswana ayaa sheegay inuu ka qayb ka ahaa siyaasiyiin isdaba marin ku sameeyey codadka doorashadii dalkaas ka dhacday bishii October, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

    Xisbiga dimuqraadiga ee UDC, ayaa cabasho ka muujiyey sida ay doorashada u dhacday, waxayna sheegeen inay ka hor imaadeen natiijada.

    Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in xubin ka mid ah xisbiga BDP uu sheegay inuu kummanaan qof uu ka diwaangeliyey caasimadda Gaborone.

    Xisbiga BDP ayaa ku guulaystay degmooyinka ugu badan ee caasimadda Gaborone.

    Madaxweyne Ian Khama ayaa ku guulaystay doorashada guud, xisbiga BDP ayaa awoodda dalka hayay tan iyo markii uu dalka helay xornimada 1966-kii.

  12. Shacabka dalka Ingiriiska oo saaka u dareeraya doorasho xasaasi ah

    .

    Shacabka dalka Ingiriiska ayaa saaka oo khamiis ah u dareeraya doorashadii guud ee saddexaad ee muddo shan sano gudahood ka dhacda dalkaas.

    Doorashadan oo markii ugu horeysay muddo boqol sano ah la qabanayo bisha Disemabar ayaa waxaa ay daba joogtaa doorashooyinkii horay uga dhacay dalka Britain sanadihii 2015 iyo 2017.

    Goobaha codbixinta oo gaaraya 650 xarumood oo ku kala yaala guud ahaan England, Wales, Scotland iyo waqooyiga Ireland ayaa lagu wada in saaka afarta barqanimo ay furmaan.

    Marka ay dhamaato codbixinta afarta saac ee habeenimo, waxaa bilaaban doonaa tirinta codadka, inta bandanna natiijada ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo saacadaha hore ee maalinta jimcaha.

    Doorashadan ayaa lagu dooran doonaa xildhibaano gaaraya 650, waxaana xisbiga helaa kuraasta ugu badan ee barlamaanka uu noqonayaa ra'iisul wasaaraha dalkaas.

    Fafaahinta halkan akhriso https://www.bbc.com/somali/war-50753763

  13. Barasaabka magaalada Nairobi oo lagu sii daayay $150,000 oo dollar

    Mike Sonko

    Barasaabka magaalada Nairobi Mike Sonko, ayaa manta lagu sii daayay lacag damaano ah oo gaaraysa $150,000 oo dollar, iyada oo aanan weli go’aan laga soo saarin eedeymo loo soo jeediyey oo la xiririira musmaasuq.

    Waxaa sidoo laga qaaday lacag kale oo gaaraysa $300,000 oo dollar.

    Mike Sonko ayaa lagu amray in uusan tagi Karin xafiiskiisa taasi oo keentay su’aasha ah, yaa sii maamuli doono magaalada Nairobi?

    Maalinii Isniinta ahayd ayaa waxa uu maxkamadda horteeeda ka sheegay inuusan gaysanin eedaymaha loo soo jeediyey, oo ay ka mid tahay inuu lunsaday lacago.

    Mike Sonko ayaa lagu soo eedeeyey in lacag gaaraysa $ 3 milyan uu ku qabsaday adeegyo sharci darro ah.

    Maxkmadda horteeda ayaa waxa buux dhaafiyey taageerayaasha Mr Sonko.

    Waxyaabaha aad loogu yaqaanno Sonko waxaa ka mid ah inuu mar walba ku labisto dhar soo jiidasho leh, oo dadka qaarkiisna ay u arkaan kuwo maad leh, laakiin isagu uu xarrago ahaan ka dhigto.

  14. Dadweynaha Beledweyne qaar ka mid ah oo guryahooda ka barakacay

    .

    Dadweynaha Beledweyne qaarkood oo guryahooda ka barakacay, kaddib markii uu mar kale fatahaad sameeyay webiga Shabeelle

    Qaar ka mid ah dadka magaalada Baladweyne ayaa mar kale ka barakacay guryahooda kaddib markii uu dhawaan karkaaraha jabsaday webiga Shabeelle.

    Fatahaadda webiga ayaa waxaa dadka ugu sii darsantay roob mahiigaan ah oo saacad iyo bar magaalada ka da’ay Axaddii, kaas oo xaaladda uga sii daray.

  15. Waxaa laga yaabaa in aadan magacan horey u maqal, George Laurer, balse waa qofka badeeco kasta oo aad iibsato u sameeyay summadda tirsiga (Bar Code).

    View more on facebook
  16. Wararkii ugu dambeeyey ee weerarkii hoteel SYL

    .

    Laamaha ammaanka ee Soomaaliya ayaa soo afjaray weerar dabley ka tirsan Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen Hoteelka SYL ee magaalda Muqdisho.

    War-saxaafadeed ka soo baxay booliska ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen shan qof oo isugu jira saddex rayid ah iyo laba askari ka tirsan ciidammada ammaanka.

    War-saxaafadeedkaasi boolsiak ayaa sidoo kale lagu sheegay in la dilay dhammaan raggii dableyda ahaa ee weerarkaasi soo qaaday, kuwaa oo tiradoodu uu booliska ku sheegay shan nin.

    Booliska ayaa intaasi ku daray in la soo badbaadiyay dad kor u dhaafaya 80 qof oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa hoteelkaasi la weeraray.

    Fafaahinta halkan ka akhriso https://www.bbc.com/somali/50739283

  17. Cumar al-Bashir oo su'aalo laga weydiiyey afgambigii 1989-kii

    Cumar al-Bashir

    Madaxweynihii hore ee dalka Sudan ayaa maalintii Talaadada ahayd su’aalo laga weydiiyey afgambigii uu awoodda dalka kula wareegay 1989-kii, sida uu garyaqaankii u doodayay sheegay.

    Mr Bashir ayaa lagu hayaa xabsiga Kober oo ku yaala caasimadda Khartoum.

    Haddii Mr Bashir lagu helo inuu ka dambeeyey afgambiga, waxa laga yaaba in lagu rido xukun dil ah ama xabsi daa’in.

    Madaxweynihii hore ee Suudaan ayaa sidoo kale wajahaya dacwooyin kale.

  18. Rag u labistay sida dumarka oo lagu xiray Nigeria

    .

    Rag u labistay sida dumarka ayaa lagu xiray gobolka Kano, Waqooyiga Nigeria, sida ay booliska sheegeen.

    Tasiu Ishaq, oo ah sargaal ka tirsan booliska ayaa sheegay in raggan ay maalintii Axadda ahayd la soo xiray mar ay ku sugnaayeen xaflad dhalasha ah.

    “Waa ceeb in raggan ay ku dhaqaaqan dhaqan noocan ah.” Ayuu yiri.

    Mid ka mid ah dhalinyaradan la soo eedeeyey ayaa BBC-da u sheegay in qofkii xafladda ku casuumay uu baxsaday inta aysan booliska imaanin.

    Kano ayaa ka mid ah gobolada dalka ee shareecada Islaamka looga dhaqmo.